halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogdishutime
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuriyada Federalka Somalia, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Danjiraha Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mudane Pier Mario Dacò Coppi, waxana ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Dowladda Talyaaniga taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiyaan Dowladda iyo shacabka Soomaaliyed, gaar ahaan barnaamijka sanduuqa nabadeynta iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray Magaalada Baydhabo
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyada Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa shalay safar shaqo ku tagay magaalada Baydhabo, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdi-casiis Xasan Maxamed (Laftag-areen) iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa qayb ka ah dadaallada xoojinta wada shaqaynta dowlada Federalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadli doona dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, arrimaha siyaasadda, amniga, iyo horum-arinta dhaqaalaha.
Inta uu ku sugan yahay Baydhabo, Ra’iisul Wasaaraha ayaa la filayaa in uu kulamo la yeesho qeybaha kala duwan ee bulshada, odayaasha dhaqanka iyo mas’u-uliyiinta maamulka, si ay uga wada hadlaan xaaladda guud ee dalka iyo sidii loo sii wadi lahaa iskaashiga ku aaddan horumarinta iyo nabadeynta deegaanka.
Wasiirka gaashaandhigga oo la kulmay safiirka Shiinaha
Wasiirka gaashandhiga xukuumada Federaalka Soomaaliya mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo danjiraha dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya mudane Wang Yu ayaa magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan wax ku ool ah oo looga hadlay xiriirka iyo taageerada hanaanka dib-u-dhiska dawladeed ee ka socda Soomaaliya gaar ahaan dhisida awoodaha istiraatijiyaded ee difaaca.
Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mudane Wang Yu ayaa ku bogadiyay dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed horumarinta iyo dadaalka xoogan ee dib u xoreynta, soo celinta aminiga iyo dib u dhiska Dalka.
Wasiirka gaashandhiga xukuumada Federaalka Soomaaliya, mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa uga mahadceliyey dowlada Shinaha kaalintooda ku aaddan taageerada Joogatada ah ee Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo qaabbilay madax ka socota WFP Soomaaliya
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Xildhibaan Cali Yusuf Cali -Xoosh ayaa shalay xafiiskiisa kula kulmay maxada iyo kuxigeenka xafiiska hey’adda WFP ee Somalia.
Kulankan oo uu sidoo kale goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha mudane Saadaad Maxamednuur Caliyow ayaa Inta uu socday waxaa laga wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin howlaha Bani’aadnimada iyo sida gargaar loo gaarsiinayo deegaannada dhowaan la xoreeyey.
Wasiirka Arrimaha Gudaha mudana Cali Xoosh ayaa bogaadiyey howlaha WFP ay ka waddo guud ahaan Soomaaliya, isaga oo adkeeyay in la hubiyo sidii gargaarka u heli lahaayeen bulshada kuwooda ugu mudan.
Wasiirka hawlaha guud oo qaabilay safiirka Talyaaniga
Wasiirka wsaaradda hawlaha guud, dib udhiska iyo guryeynta dowladda FS mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Talyaaniga u fadhiya Somalia Mudane Pier Mario Dacò Coppi iyo Giovanni Grandi oo ah Madaxa Geeska Africa ee hay’ada horumarinta Talyaaniga oo ay ka wada hadleen Mashaariicda horumarineed ee kaabayaasha dhaqaalaha Dalka, gaar ahaan dardargelin habsami u socodka dib u dhiska qeybo kamid ah Jamacada Ummada Soomaaliyeed.
Wasiir abdisalan abdi ali (Dhaay) ayaa uga mahadceliyey dowladda Talyaaniga taageerada dhinacyada kala duwan leh oo ay siiso dowladda iyo shacabka Somaliyed, gaar ahaan barnaamijka horumarinta ee ay dalkeena ka fuliso Italian Agency for Development Cooperation.
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Ka qaybgalay Shirka Jaamacadda Carabta
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macalin Fiqi, iyo Wafdi uu hogamanaayo ayaa shalay ka qaybgalay meertada 162aad ee shirka Golaha Jaamacadda Carabta Heerkiisa Wasiir Arrima Dibadeed, Shirkan oo ka qabsoomay Xarunta dhexe ee Jaamacadda Carabta kuleedahay Magaalada Qaahira ee Caasimadda Dalka Masar.
Shirka ayaa waxaa aad loogu faaqiday Xaaladihii u dambeeyay ee Gobolka, gaar ahaan duulaanka iyo barakicinta gardarrada ah ee lagu haayo Shacabka Reer Falastiin, Madaxdu waxa ay si wadajir ah hoosta uga wada xariiqeen Muhiimada ay leedahay in shacabka Falastiiniyiinta loo fududeeyo gaarsiinta Kaalmada Bani’aad-annimo, lana dhaqan galiyo xabad joojin shuruud la’aan ah, si Mandiqadda loogu soo dabaalo Xasilooni waarta.
Guddiga wasiirrada arimaha dibadda ee dalalka Carabta oo taageeray Qaranimada Soomaaliya
Wasiirka arrimaha dibedda iyo ikaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa shir guddoomiyey kulan gaar ah oo heer wasiirrada arrimaha dibedda ee dalalka Carabta ee u xilsaaran taageerada Soomaaliya oo lagu qabtay xarunta Jaamacada Carabta ee Qaahira, iyado ay ka soo qayb galeen wasiirrada Arrimaha Dibedda ee dalalka ku jira guddiga taageerada Soomaaliya iyo xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta.
Shirkan oo qeyb ka ahaa fadhiga 162-aad ee Shirka Jaamacadda Carabta ee heer Wasiirrada arrimaha dibedda, wuxuu xoogga saaray sidii loo xoojin lahaa garab-istaagga dalalka Carbeed iyo taageeridda Soomaaliya si loo difaaco madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka.
Guddiga ayaa bayaan ay soo saareen si wadajir ah u xaqiijiyey inay taagersan yihiin Soomaaliya, waxayna gebi ahaanba ka digeen faragelinta shisheeye ama isku day kasta oo lagu waxyeelleynayo madaxbannaanida Soomaaliya.
Sidoo kale, wasiirradu waxay ugu baaqeen wadamada deriska ah gaar ahaan Itoobiya inay ka fogaato ficillada wax u dhimi kara xasilloonida Soomaaliya iyo mandiqadda ama waxyeeleyn kara Madaxbannaanida dalka.
Wasiirrada arrimaha dibadda ee Sacuudiga, Baxrayn, Muritaaniya, iyo Masar oo ay weheliyaan Safiirka Jabuuti u fadhiya Masar iyo Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta ayaa si wadajir ah u diiday heshiiskii beena-adka Itoobiya ay ku doonayso in ay qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliya damaaciso, ayagoo dhanka kalena mawqifkooda ku caddeeyey in Gobolada Waqooyi (Somaliland) ay yihiin qeyb ka mid ah Dalweynaha Soomaaliya.
Bayaankan wuxuu muujinayaa sida ay uga go’an tahay Jaamacadda Carabta iyo dowladaha xubnaha ka ah inay difaacaan oo ilaaliyaan Qara-nimada Soomaaliya, iyadoo la raacayo mabaadi’da caalamiga ah ee faragelinta ka madax-bannaan iyo ilaalinta xuduudaha dhuleed.
Bandhigga hal-abuurka fursadaha haweenka Soomaaliyeed ee kalluumeysiga oo lagu qabtay Muqdisho
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee XFS, Axmed Xasan Aadan ayaa sheegay in ay dowladdu hiigsan doonto horumar ballaaran haddii ay haweenku la qaataan siyaasadda kalluumeysiga.
Wasiirka oo ka hadlayay munaasabadda bandhigga hal-abuurka fursadaha haweenka Soomaaliyeed ee kalluumeysiga ayaa intaa raaciyay in haweenku ay kaalin muhiim ah oo muuqata ku leeyihiin dhammaan dib u soo kabashada dalka.
Wasiirka ayaa bogaadiyay haweenka Soomaaliyeed ee Kalluumeysatada ah, wuxuna sheegay xiriirka ay la sameynayaan Iskaashatooyinka iyo Wershadaha in ay yihiin furitaanka fursadaha cusub ee suuqa iyo horumarinta doorka haweenka ee qaybta kalluumaysiga.
"Munasabada shalay waxa ay awood siinaysaa haweenka Soomaaliyeed ee ku jira kalluumaysiga si ay ula xiriiraan khubarada Wershadaha kalluumeysiga iyo iskaashatooyinka”.
Bandhiggan ayaa diiradda lagu saaray u dabaaldega kaalinta hawenka Soomaaliyeed ee Kalluumeysiga, Taageer Haweenka Kalluumeysatada, la dagaallanka Caqabadaha iyo abuuridda fursado wax ku ool ah oo ay ka faa’iideystaan haweenka.
Hay’adaha SoDMA iyo NIRA oo ka wada hadlay sidii barakacayaasha loo diiwaan gelin lahaa
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa la kulmay Agaasimaha Guud ee Hayadda Diiwaan-gelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha -NIRA, Md. Cabdiweli Cali Timacadde.
Labada mas’uul ayaa waxay ka wada hadleen sidii dadka ku barakacay gudaha dalka ee IDPs-ka loo yaqaan loo marin lahaa nidaamka diiwaan-gelinta.
Waxanay soo jeediyeen in ay dowladda bixiso lacagta diiwaan-galinta dadka xerhaya barakaca ku jira, si loo yareeyo loogana hortago leexs-ashada gargaarka ee lagula kaco dadka nugul.
Ugu danbeeyn, labada Hay’adood ayaa ballan-qaaday sidii loo xoojin lahaa xiriirka wada shaqeynta iyo badbaadinta dadka nugul ee ku barakacay gudaha dalka.
Axmed Karaash: Waxaan u sheegayaa shirkadaha caalamiga ah inaysan waqtigooda ku lumin goobta shidaalka Holhol
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee maamulka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa ka hadlay war kasoo baxay wasiirka Batroolka Soomaaliya oo sheegay in la saxeexay heshiisyo cusub oo dhinaca shidaalka ah oo uu ka mid yahay kaydka shidaalka ee Holhol ee gobolka Sool.
Axmed Karaash ayaa si adag uga hadlay arrintaan, isagoo sheegay in aan lagusoo hungoobin in baaris laga sameeyo goobta Shidaalka Holhol, iyadoo aan lagala tashan dadka go'aankiisa iska leh.
"Waxaan rabnaa inaan ku wargelinno shirkadaha caalamiga ah inaysan waqtigooda ku lumin goobta shidaalka Holhol ama kheyraadka kale ee gobolka. Ma jirto cid awood sharci ah u leh si ay u dhamaystirto heshiisyadan oo kale iyada oo aan la raacin dariiqa sharciga ah ee saxda ah lana helin ogolaansho wadajir ah,”ayuu yiri Axmed Karaash.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Turkiga heshiis kula gashay baarista shidaalka Soomaaliya.
Turkiga ayaa bisha October ee sannadkan Markab usoo diraya xeebaha Soomaaliya, si uu u bilaabo sahminta ceelasha shidaalka ee Soomaaliya.
Inkastoo Ceelka Holhol uusan ku oollin xeeb, haddana wuxuu kamid yahay meelaha shidaalka ku jira. Dowladda Soomaaliya ayaana ku dartay liiska goobaha ay doonayso in laga sameeyo baaris shidaal, lamana oga in dowladd ay kala tashatay maamulka SSC Khaatumo oo ka taliya deegaankaas.
Ciidanka PSF oo ku amray dadka deggan garoonka diyaaradaha boosaaso inay ka fogaadaan
Taliska ciidanka amniga Puntland ee loo yaqaan PSF ayaa ku amray dadka deggen agagaarka garoonka diyaaradaha ee magalada Boosaso inay isaga fogaadaan, kadib markii ay ka soo horjeesteen in askar dhaawac ah oo ka tirsan ciidankoda loo diiday inay ka dhoofaan garoonka.
"Duulimaadyada diyaaradaha waxaan uga digeynaa in ay isticmaalaan garoonka diyaaradaha Boosaaso ilaa garoonka lagusoo celinayo gacantii hore uuna noqon doono meel loo siman yahay oo muwaadiniintu wada isticmaali karto," ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay PSF.
Ciidanka PSF ee Puntland ayaa sheegay in laga hor istaagay askar ka tirsan ciidankooda oo dhaawacyo kala duwan qaba inay garoonka Boosaaso ka dhoofaan. PSF waxay tilshalayy in askartan dhaawaca qaba ay yihiin kuwa naftooda khatar u geliyey iyagoo dalkooda u shaqeynayay.
Warsaxaafadeedka PSF ayaa sidoo kale sheegay in arrintan ay dhabar-jab ku tahay dadaalada lagu difaacayo dalka iyo loogana xoreynayo al-shabaab Al-Shabaab.
"Sida lawada og yahay, Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso oo ah goob duulimaadka rayidka ah loogu talagalay ayaa muddo saddex sano ah la diiday in PSF cid u socota ay ka soo degto ama saraakiisha PSF ay ka duuli karaan. Sidoo kale, waxaa laga hor istaagay in dhaawacyada ciidanka PSF ay isticmaali karaan garoonka Boosaaso," ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedka PSF.
PSF ayaa ku eedeeysay maamulka garoonka inay ka been abuureen xaaladda, waxayna ku baaqeen in dadka ku nool garoonka ay u hogaansamaan amarada cusub ee ay soo saareen.
Warkaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmihii ugu dambeeyay magaalada Boosaaso laga dareemayay xiisado colaadeed oo ka dhextaagan ciidanka PSF iyo ciidanka PMPF, taasoo ka dhalatay markii Boosaaso laga afduubtay mid kamid ah qoyska agaasimaha ciidanka PMPF.
Somaliland oo xidhay Maktabadii Masaarida ee Hargaysa
Xukuumada Somaliland ayaa ku dhawaaqday in ay xidhay Maktabad ayMasaaridu ku lahaayeen Hargaysa, sababo amni awgood.
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibadda D.R. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa ku dhawaaqay xidhista maktabadan oo ahayd xarunta ugu wayn ee ay Masaaridu ku lahaayeen Somaliland, iyadoo shaqaalaha maktabada loogu baaqay in ay 72 saacadood gudahood kaga baxaan Somaliland.
"Xukuumada Somaliland waxay ay dareentay walaacyo amni oo joogta ah, sidaa darteed, wasaarada arrimaha dibadu waxa ay go'aansatay in si joogta ah loo xidho maktabada dhaqanka ee Masar kuwa ka shaqeeyana dalka lagaga saaro muddo dhawr iyo todobaatan saacadood ah" ayuu yidhi Wasiir Kayd.
Wasiirku waxa uu sheegay in ciidanka sirdoonku ay kor joogtayn doonaan, isla markaaana ay hubin doonaan in xidhitaanka iyo guuritaanka shaqaaluhuba uu ku dhaco si dagan oo haboon.
Maktabadan oo ku dhagan Madaxtooyada Somaliland, ayaa muddo dheer xarun u ahayd Masaarida, iyada oo anay shacabku gali jirin oo anay ahayn meel shacabka u furan lakiin dad Masaari ah uun ay hoy u ahayd.
Somaliland ayaa ka qaylisay xidhiidh difaac oo ay dhawaan wada yeesheen waddamada Soomaaliya iyo Masar, iyadoo ay Masar shixnado hub ah gaadhsiisay Muqdisho, lana filayo in ay ciidamo halkaa u dirto.
Somaliland ayaa sheegtay in ciidamada Masar ee la sheegay in ay imanayaan Soomaaliya, ay khatar ku yihiin jiritaankeeda, taasi oo sababtay in laga shakiyo maktabada Masaarida oo ku dhagan Madaxtooyada Somaliland.
Lafta-Gareen iyo Xamze oo kulamo uga socdo magaalada Baydhabo
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xamze Cabdi Barre, ayaa maanta safar shaqo ku tagay magaalada Baydhabo, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa qayb ka ah dadaallada xoojinta wada shaqaynta dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed. Iyada oo laga wada hadli doono dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, arrimaha siyaasadda, amniga, iyo horumarinta dhaqaalaha.
Inta uu ku sugan yahay Baydhabo, Ra’iisul Wasaaraha ayaa la filayaa in uu kulamo la yeesho qeybaha kala duwan ee bulshada, odayaasha dhaqanka iyo mas’uuliyiinta maamulka, si ay uga wada hadlaan xaaladda guud ee dalka iyo sidii loo sii wadi lahaa iskaashiga ku aaddan horumarinta iyo nabadeynta deegaanka.
Turkiga oo doonaya inuu Soomaaliya ka sameeyo xarun lagu tijaabiyo gantaallada iyo dayax-gacmeedyada
Turkiga ayaa wada-hadallo kula jira dowladda Soomaaliya si ay uga sameeyaan goob lagu tijaabiyo gantaallada iyo dayax-gacmeedyada, sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah oo ku dhow arrintan.
Soomaaliya oo ku taalla cidhifka bari ee Afrika ayaa ku habboon in laga gano gantaallada Turkiga ee loo tuurayo Badweynta Hindiya, iyadoo sidoo kale loo arko meel ku habboon in laga sameeyo xarun hawada sare, maaddaama ay u dhowdahay dhulbaraha, sida ilo-wareedyadu sheegeen.
Sida laga soo xigtay dadka xogta haya, Turkigu wuxuu leeyahay barnaamij muddo dheer socday oo ku saabsan tijaabinta gantaallada masaafo dheer iyo in ay qayb ka noqdaan tartanka hawada sare.
Wasiirka difaaca Turkiga ayaa diiday in uu ka hadlo arrintan. Sidoo kale, la-taliyaha amniga qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya, Hussein Sheikh-Ali, ayaa diiday in uu faallo ka bixiyo markii lala soo xidhiidhay.
Guddoomiyaha guddiga difaaca ee baarlamaanka Soomaaliya, Abdi Ahmed Koshin, ayaa sheegay in aanu waxba ka ogeyn heshiis noocan ah oo lala galay Turkiga.
Turkigu waxa uu ku hawlan yahay kordhinta masaafo ee gantaallada gudaha laga sameeyo, gaar ahaan Tayfun, oo madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu sheegay sanadkii 2022 in lagu tuuri karo masaafo dhan 560 kiiloomitir (350 mayl).
Turkigu waxa uu ka mid yahay quwadaha shisheeye ee si joogto ah u xoojinaya xiriirkooda Soomaaliya tan iyo markii uu madaxweyne Erdogan booqday dalka sanadkii 2011.
Turkiga ayaa u soo gurmaday Soomaaliya markii ay la daalaa-dhacaysay dagaallo qabiil iyo burburka kaabayaasha dhaqaalaha. Waxa uu sidoo kale Soomaaliya ku leeyahay saldhigga milatari ee ugu weyn ee Turkiga ee ka baxsan dalkiisa, kaas oo laga furay Muqdisho sanadkii 2017, waxaana boqolaal askar ah oo Turkiga ka socda ay tababarayaan ciidamada Soomaaliya.
Turkiga ayaa qorsheynaya in uu sahamin ku sameeyo saliidda iyo gaaska ku jira biyaha Soomaaliya, taas oo qayb ka ah iskaashiga dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha ee u dhexeeya labada dal.
Kamal Harris iyo Domald Trump oo yeeshay dood aad u adag
Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Kamala Harris oo Dimoqraadi ah, iyo Madaxweynihii hore Donald Trump oo Jamhuuri ah, ayaa habeenkii Talaadada yeeshay dood adag oo muhiim u ah ololaha doorashada madaxtinimada Mareykanka ee 5-ta November.
Labada musharax ayaan waligood kulmin ama xitaa taleefan kuma wada hadlin, laakiin waxay habeen hore isaga horyimaadeen ayaga oo masaafo yar isku jira Xarunta Dastuurka Qaranka ee Philadelphia.
Trump iyo Harris ayaa isku weeraray arrimo ay ka mid yihiin dhaqaalaha, socdaalka, amniga, siyaasadda arrimaha dibedda iyo in haweenka ay iska soo ridi karaa ilmaha uurkooda ku jira iyo in kale.
Trump ayaa ku eedeeyey maamulka madaxweyne Biden ee Harris ay madaxweyne ku-xigeenka ka tahay inuu sabab u yahay sicir-bararka ka jira dalka.
"Sicir barar ma jirin xilligayga. wax sicir barar ah ma jirin. Sicir-bararkii ugu sarreeyay ayay keeneyn, malaha taariikhda waddankeenna, waayo weligay ma arag waqti ka xun. Dadku ma bixi karaan oo iibsan karaan cereal, ama hilib, ama ukun ama wax kale,” ayuu yiri Trump.
Hase yeeshee Harris ayaa sheegtay in Trump uusan lahayn wax qorshe dhaqaale ah.
"Donald Trump wax qorshe ah idin ma hayo. Marka aad eegto qorshihiisa dhaqaalena, waa canshuur dhaaf loo sameeyo maal-qabeenada oo kaliya,” ayey tiri.
Marka ay noqoto in haweenka ay iska soo ridi karaa ilmaha uurkooda ku jira iyo in kale, Harris ayaa tiri "Qofna ma ahan in uu ka tago caqiidadiisa ama waxa uu aaminsan yahay si uu wax u ogolaado. Dowladda iyo Donald Trump waa in aysan haweeney u sheegin waxa ay jirkeeda ku sameyneyso.”
Balse Trumo ayaa sheegay inuu taageersan yahay in arrintaas ay go’aan ka gaaran gobollada, oo aanay go’aamin dowladda federaalka.
"Muddo 52 sano ah waxay isku dayayeen inay Roe V Wade u dhaafaan Gobolada, iyada oo loo marayo garaadka iyo awoodda lix garsoore oo Maxkamadda Sare ah, waanu awoodnay inaan taas samayno. Hadda waxaan aaminsanahay waxa ka reeban kufsiga, iyo nolosha hooyada. Waxaan awoodnay inaan gayno gobollada, wayna u codaynayaan, markuu ugu horraysay baad arkaysaa, waa arrin 52 sano dalkeenii kala qeybisay,” ayuu yiri.
António Guterres "Dhimashada faraha badan ee Marinka Gaza waa kuwii ugu xumaa ee aan arko waligey"
Xoghayaha guud eee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa walaac xoogan ka muujiyay dhimashada tirada badan ee dadka reer Falastiin iyo burburka baaxada leh ee ka jira Marinka Gaza.
António Guterres ayaa dhimashada faraha badan ee Marinka Gaza ku tilmaamay kuwii ugu xumaa ee uu arko abid, wuxuuna xusay inuu aad uga xun yahay dhibaatada daran ee dhanka bani’aadantinimada ee ka jirta Marinka Gaza.
Guterres ayaa wareysi uu siiyay Wakaaladda Wararka AP ayaa sheegay in Qaramada Midoobey ay horey u dalbatay, islamarkaana ay markale ku celineyso in deg deg ah loo joojiyo dhimashada iyo burburkii baaxada leh ee halkaas ka wado Isra'il.
"Heerka dhibaatada aan ku aragno Gaza waa mid aan horey loo arag, weligay ma arag dhimasho iyo burbur heerkan oo kale ah, sida aan ku aragno Gaza, dhowrkii bilood ee la soo dhaafay” ayuu yiri Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres.
Wuxuu sidoo kale sheegay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay in cilaaqaadka Qaramada Midoobey iyo Isra'il inuu gaaray meeshii ugu hooseysay, kadib markii Qaramada Midoobey ay marar badan dhaleeceysay masiibada bani’adantinimo ee gacan ku sameyska ah ay Isra'il ka abuurtay Marinka Gaza.
Hadalkaan kasoo yeeray Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa imaanaya, iyadoo wali Isra'il ay wado duqeymaha ay ka geysaneyso Marinka Gaza, waxaana la xaqiijiyay in tirada Gaza looga dilay dadka reer Falastiin iney gaartay dhaaftay 41 kun tan iyo wixii ka dambeeyay 7-dii bishii Oktobar ee sanadkii lasoo dhaafay 2023.
Maxaan ka ognahay xaaladda ka taagan garoonka Jomo Kenyatta ee saameysay duullimaadyadii Soomaaliya?
Howlihii garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah Joma Kenyatta ee Kenya ayaa hakad galay iyadoo shaqaalaha duulista ay sameeyeen shaqo joojin ay kaga cabanayaan soo jeedin ah in xarunta laga kireeyo shirkad laga leeyahay dalka Hindiya. Boqolaal rakaab ah ayaa ku xayiran garoonka, kaas oo ah xuddunta ugu weyn ee bariga Afrika. Ururka shaqaalaha duulista ayaa ka digay shaqo joojin aan la cayimin ka dib markii ay dawladdu ku guul-darraysatay inay faahfaahin ka bixiso heshiiska muranka dhaliyay.
Si kastaba ha ahaatee, dowladda ayaa gaashaanka u daruurtay soo jeedintaasi, iyadoo sheegtay in garoonku uu ku shaqeeyo si ka baxsan awoodiisa, isla markaana uu u baahan yahay maalgashi gaar ah si loo tayeeyo.
Subaxnimadii Arbacada, tiro da ah oo ka mid ah shaqaalaha madaarka ayaa yeerinayey turumbooyin caag ah waxayna ku dhawaaqayeen " Shirkadda Caddaani ha baxdo", sida laga soo xigtay muuqaal lagu soo bandhigay baahinta wararka maxaliga ah ee Citizen TV.
Muuqaalka ayaa sidoo kale u muuqday mid muujinayo askari booliis ah oo bur ku garaacaya dibad baxayaasha.
Wilma van Altena, oo fasax ku joogtay Kenya, balse soo gaabisay safarkeeda si ay ugu laabato Netherlands si ay uga qeybgasho aas ayaa ka mid ahayd dadkii ku xanibnaa garoonka.
"Waxay ahayd fowdo... waxaa jiray boqollaal qof oo ku sugnaa bannaanka garoonka markii aan nimid, waan ag istaagnay, ugu dambeyntiina gudaha ayaan galnay," ayay u sheegtay BBC-da.
"Ma hayno xog, ma jiraan wax boorar ah, waxba kama aannu maqal shirkadda diyaaradaha waxaan u baahanahay inaan ku laabto guriga laakiin ma hayo wax fikrad ah goorta ay taasi dhici doonto."ayeye tiri
Duulimaadyada shalay baaqday waxa ka mid ah duulimaad ay shirkada diyaaradda ee Primer Airlines ku tagi laheyd Muqdisho Hargeysa iyo Juba koonfurta Sudan. Haashim Cali oo ah maamulaha guud ee Primier Airlines ayaa BBCda uga warramay xaaladda garoonka, waxa uu sheegya in xaalku uu yahay mdi cakiran , waxa uu sheegay in saameyn ay ku yeelatay shaqo joojinta shaqaallaha duulistu ay sameeyeen, seddex duulimaad oo shalay ka baaqday shirkadiisa, mid aadi lahayd Muqdisho iyo Hargeysa, mid Muqdisho kasoo bixi lahayd iyo dulimaad kale oo aadi lahaa Jubba South Sudan.
Haashim waxa uu sheegy in anaayn kusii talagelin, horreyna aan loo ogeysiin shaqa joojintan.
Shaqo joojinta ayaa bilaabatay 2:00 habeenimo. "Dadka safarka ah oo ay Soomaali ku jirto ayaa ilaa habeen hore saqdii dhexe taagnaa garoonka kuwaas oo aan u sheegnay markii danbe in ay guryahooda aadan”. Shir ayaa socda waxa aan rajeeyneynaa in xaaladdu ay caadi kusoo laabatao ilaa xalay si aan duulimaada birri dib ugu bilaawno ayu intaasi ku daray Haashim.
Kooxda kubbadda cagta ragga ee Zimbabwe ayaa sidoo kale ku xayiran garoonka.
Kooxdan ayaa u duulay magaalada Nairobi kaddib ciyaar ka tirsan isreeb-reebka koobka Qaramada Afrika oo ka dhacday dalka Uganda, balse wax war ah lagama siin duulimaadkooda magaalada Harare, sida uu BBC-da u sheegay sarkaal diiday in magaciisa la sheego.
Weriyaha BBC-da Stewart Maclean, oo ka mid ah dadka sugaya duulimaadyada, ayaa sheegay in abbaare 05:45 BST (07:45 waqtiga maxalliga ah), boqollaalkii safka ugu jiray bannaanka garoonka diyaaradaha ay ahaayeen kuwo deggan, oo dulqaad muujiyay laakiin niyad jabsan.
Xasan Ashkir Warsame waxaa uu ka mid ahaa dadka soomaalida ah ee garoonka habeen hore tagay ee ilaa iyo hadda ku xaniban halkaas, isagoo u socday dalka Ingiriiksa. "safarkeygu waxa uu ahaa in aan baxo Shalay 4:11 daqiiqo , waxayna ahayd diyaardda Turkish Airlines oo sii mareysay Istanbul kaddibna i geyn lahayd Manchester” ayuu sheegay Hashim, oo intaas ku daray in uu garoonka tagay 11:30 Habeenimo laakin markii uu garoonka tagay in la bilaabay in garoonka la xiro oo la yiraa qofkii ka bixi waayo waa lagu xirayaa garoonka.
Waqtigaas dad badan ayaa joogay garoonka, qaarkood waa ay diideen in ay ka baxaan garoonka, qaarkooda waa ay kasoo baxeen , waxa sidoo kale la xiray garoonka gudahiisa iydoo loo diiday in dadka banaanka ka imaanay ay soo galaan halka kuwii gudaha ku jirayna lagu xiray.
Waabarigii ayaa siliggii lagu xiray garoonka laga furay taas oo keentay in dadkii gudaha ku jiray ay guryahoodii aadaan.
Xasan Ashkir wxa uu sheegay in lagasoo bilaabo habeen hore 11: habeenimo ilaa shalay uu isagu weli jogo garoonka oo sugayo duulimaadkiisii Turkish Airlines oo u socotay Manchester dalka Ingiriiksa. "Wax Macluumaad ah oo ku saabsan diyaaradda ma heleysid , kaliya waxa meesha joogo ragg ilaalo ah iyo rag mudaaharraadayo oo qeylinaya oo leh garoonka diyaaradd ka baxayso ma jirto, xitaa maqaayadii Java ee ku tiil qeybta socdaalka ee garoonka waa la xiray laakin waxa dib loo furay maqaayadda 13:00 duhirnimo ayuu intaasi ku daray.
Haashim waxa uu sheegay in dad aad u badan ay joogaan garoonka kuwaas uu kala safrayey Maraykanka, Masar Netherland iyo Ruwanda " Waxa aan rajeyneynaa in mar uun wax la furo oo tigidhadeena aan isticmaalno ayuu yiri Haashim oo intaasi ku dray, in diyaardihii ay joogaan.
War qoraal ah oo ay soo saareen maamulka garoommada Kenya ayaa lagu yiri: "Saacada 7:00 subaxnimo, waxaa dib u bilowday howlihii ugu yaraan."
"Intaa ka hor, waxa aan ku hawlgelinaynaa dhinacyada ay khusayso si ay caadi uga dhigaan hawlgallada, waxa aan ka cudur-daaranaynaa wixii dhib ah ee dhacay, waxaanan bogaadinaynaa dulqaadkiina iyo fahamkiina muddadaas."
Ururka Shaqaalaha Duullimaadyada ee Kenya ayaa horay uga digay shaqo joojin aan la cayimin kadib markii dowladdu ay ku guuldareysatay inay faahfaahin ka bixiso heshiiska ay la gashay Shirkadda Caddaani.
Ururka Sharciga ee Kenya iyo Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Kenya ayaa sidoo kale dhaleeceeyay qorshayaashaas, iyagoo ku dooday inaysan macquul ahayn in hanti qaran oo istiraatiji ah laga kireeyo shirkad gaar loo leeyahay.
Labada dhinac ayaa dacwad u gudbiyay Maxkamadda Sare, taas oo markii dambe hakisay heshiiska si ay waqti u siiso dib u eegista garsoorka.
Taariikhda go'aanka kama dambaysta ah ee maxkamadda weli lama qaban.
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogdishutime
..