halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtime

0
Wednesday September 11, 2024 - 19:36:46 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 69
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogtime

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo shacabka Soomaaliyeed ku boorriyay in ay ilaaliyaan wadajirka iyo madax bannaanida dalka

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa shacabka Soomaaliyeed ku boorriyay in ay ilaaliyaan wadajirka iyo madaxbannaanida dalka.

Mudane, Xamsa oo ka hadlayay munaasabad Dhagax dhig ah oo ka dhacday Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegay difaaca Qaranimada iyo midnimada bulshada aan gorgortan laga geli Karin.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo si gaar ah ula hadlayay farriimha qaldan ee ka imanaya qaar ka mid ah hoggaamiye goboleedyada dalka ayaa bulshada qaybaheeda kala duwan ugu baaqay in aysan Itoobiya ku garab istaagin damaca gurracan ee ay ka leedahay geyigeenna.

Wuxuuna hoggaamiyeyaasha kala duwan , siyaasiyiinta iyo Odayaashuba ugu baaqan in aysan si qaldan wax ugu sheegin bulshada oo aysan ummada ku beerin qabyaalad, iyagoo dana gaar ah eeganaya, taas oo keeni karta fashil, wuxuuna xusay in ay ku cibra qaataan waxyaabihii lasoo maray.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay soo celinta xiriirka iskaashi ee Soomaaliya iyo Masar ayaa sheegay in Soomaaliya ay xaq u leedahay in ay cilaaqaad la samaysato dal kasta oo dan u ah dadka iyo dalka maaddaama aynu nahay dowlad madax bannaan.

Duqa Muqdisho oo furay Madasha La-tashiga Bulsho ee Maqaamka Caasimadda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah-furay Madasha La-tashiga Bulsho ee Maqaamka Muqdisho iyo Xuquuqda Gobolka Banaadir, kaasi oo ay ka qeyb galayaan Odayaasha dhaqanka, Culumada, Dhalinyarada, Haweenka iyo Hormuudka Ururada Bulshada Soomaaliyeed.

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo furitaanka Madasha ka hadlay ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay in uu dhageysto qeybaha kala gedisan ee Bulshada, isla markaana uu La-tashi kala sameeyo hanaanka xulasho ee Maqaamka Muqdisho.

Qeybaha kala gedisan ee bulshada oo madasha ka hadlay ayaa aad usoo dhaweeyay in Maamulka Gobolka Banaadir uu qabto madal nuucaan ah oo lagu dhageysanaayo taladooda si loogu qeyb geliyo xulashada loo maraayo nuuca ugu haboon ee loo xulaayo hanaanka Maqaamka Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in madashaan ay bilaw u tahay sidii bulshada ku dhaqan Gobolka Banaadir ay u heli lahaayeen xuquuqdooda matalaad, isla markaana ay iyagu go’aan ugu gaari lahaayeen nuuca uu noqonaayo Maqaamka Muqdisho.

Madashaan ayaa ah mid qeybaha kala gedisan ee bulshada Gobolka Banaadir ay doodo ka yeelan doonaan hanaanka xulasho ee Maqaamka Muqdisho iyo xuquuqda bulshada Gobolka Banaadir, si talooyinka kasoo baxa madashaan loogu gudbiyo guddiyada kala gedisan ee Dastuurka maadaama Baarlaamka uu dhawaan guda geli doonno doodaha ku aada wax ka badalka cutubka 5-aad illaa 9-aad ee Dastuurka JFS.

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo qaabbilay Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS Mudane Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Marwo Karin Johansson oo uu wehliyo ku xigeenka Danjiraha Midowga Yurub Mudane Thomas Kieller.

Guddoomiyaha iyo Danjiraha waxay ka wada hadlay taageerada dhinacayada horumarinta ee Midowga Yurub uu siiyo Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan taageerada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna isla qaateen in Aqalka Sare oo ah Aqalka sida dastuuriga ah u metala dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya, ilaaliyana nidaamka Federaalka ah gacan lagu siiyiiyo gudashada waajibaadkaas.

Danjiraha ayaa bogaadisay shaqada ballaaran ee u qabsoontay labada aqal ee Baarlmaanka 11-aad ee JFS oo ay ugu horreey Dib u eegista Dastuurka KMG ah iyo ka shaqaynta iyo meel marinta shuruucda kale ee uu ansaxiyay ama kuwa horyaala Labada Aqal Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye Cabdi Xaashi wuxuu sheegay in Guddiga Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ee BJFS uu haatan ku howlanyahay gaababaynta cutubyada 5 illaa 9-aad ee Dastuurka, howl aad u bandanna uu ka qabtay, isla markaana marka guddigu dhammeeyaan howshaasna ay horkeeni doonnaan fadhiyada Labada Aqal ee BJFS.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabbilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Karin Johansson.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamee Nuur (Madoobe) ayaa Midowga Yurub uga mahadceliyay taageerada dhinac walba leh ee ay siiso Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda wuxuuna sheegay in Baarlamaanka 11-aad uu ahmiyad gaar ah siinayo dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka iyo shuruucda kale ee muhiimka ah.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in qorshaha Baarlamaanka 11-aad uu yahay in dalka ay ka dhacdo doorasho shacabka Soomaaliyeed ay ku dooranayaan hogaankooda, si taasi loo hirgelinayana Baarlamaanka Soomaaliyeed uu kalfadhiyada u harsan ka shaqeyn doono dhamaan shuruucda muhiimka u ah doorashooyinka.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Karin Johansson ayaa ku amaantay Baarlamaanka shaqada wanaagsan ee uu dalka iyo dadka Soomaaliyeed u hayo gaar ahaan shuruucda muhiimka ah ee uu meel mariyay oo ay ka mid yihiin dib u eegista dastuurka oo hadda meel wanaagsan maraya, deyn cafinta, qaadista cuna qabataynta hubka, ku biirista Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, dhamaan howlahaas oo ay sheegtay safiirka in ay qeyb weyn ka qaadanayaan dowladnimada Soomaaliya.

Sidoo kale, Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa bogaadisay horumarada kala duwan oo ay ku talaabsatay dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale qorshaha dowladda ee ah in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Wasiiru dowlaha Caafimaadka oo kulan la qaadatay xubno ka socda WHO

Wasiiur Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka XFS Drs; Maryama Maxamed Xuseen ayaa xafiiskeeda ku qaabbishay wafdi ka socday Ururka Caafimaadka Adduunka ee (WHO).

Wafdiga oo ka koobnaa Dr. Marina La-taliyaha Siyaasaddaha ee Caymiska Caafimaadka Dhammaystiran, Dr. Supriya La-taliyaha gobolka ee NTD-EMRO iyo Dr. Jamal Amaran ayaa kulankan diiradda lagu saaray horumarka caafimaadka Soomaaliya iyo qorshayaasha mustaqbalka ee la xiriira cudurada dadka nugul ee (NTD).

Kulankan ayay ujeeddadiisu ahayd mid diiradda lagu saarayay xaaladaha caafimaadka ee dalka gaar ahaan sidii loo xakamayn lahaa cudurada dadka nugul.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay xogo muhiim ah oo ku saabsan xaaladda caafimaadka ee gobolka, iyagoo tusaale u soo qaatay guulaha la gaadhay , caqabadaha horyaalla iyo muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga caalamiga ah si loo gaaro himillooyinka caafimaad ee dalka.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Dr. Maryama Maxamed Xuseen ayaa ku amaantay Ururka Caafimaadka Aduunka ee WHO dedaallada ay la garab taagan yihiin xilli kasta bulshada Soomaaliyeed oo kujirta xaalad soo kabasho ee dhinaca horumarka caafimaadka.

Dr. Maryama Maxamed Xuseen ayaa ku adkeysay in ay muhiim tahay in la helo qorsheyaal waxtar leh oo lagu xakameynayo cudurrada dadka nugul si loo hubiyo in bulshada Soomaaliyeed ay helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh

Wasiiru dowlaha ayaa xustay in wada shaqaynta hay’adaha caalamiga ah uu kaalin weyn ka qaadan karo horumarinta caafimaadka dalka.

Wasiirka arrimaha dibedda XFS oo gaaray Qaahira

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Mudane, Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta gaaray Magaaalada Qaahira ee Dalka Jamhuuriyadda Carabta Masar.

Wasiir Fiqi ayaa halkaasi kaga qayb gelaya kulanka 162aad ee Shirka Wasiirrada arriamaha dibedda Waddamada Jaamacadda Carabta.

shirka ayaa waxaa intiisa badan diiradda lagu saari doonaa Arrimaha Amniga, Xasiloonida iyo Horumarka Dhaqaalaha Dalalka Carabta.

Wasiirka ayaa inta uu joogo magaalada Qaahiro wuxuu kulamo doceed la yeelan doona Wasiirrada dhiggiisa ah ee Jaamacadda Carabta iyo madax kale.

Duqa Muqdisho oo furay Madasha

Wasiirka Qorsheynta XFS oo furay shirka Wada tashiga Qorshaha Isbeddelka Qaran 2025-2029

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa Magaalada Dhuusamareeb si rasmi ah uga daah furay shirka wadatashiga Qorshaha Isbeddelka Qaran (QIQ: 2025-2029) ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

Shirka, oo socon doona afar maalmood, ayaa waxaa ka soo qeybgalay masuuliyiin isugu jirtay Wasiiro, Agaasimayaal Guud oo ka tirsan Galmudug iyo maamulada magaalooyinka waaweyn ee kala ah: Dhuusamareeb, Cadaado, Caabud-Waaq iyoGaalkacyo ee Dowladda Galmudug.

Wadatashiga waxaa diiradda lagu saarayaa afar tiir oo muhiim ah oo kala ah: Maamul-wanaagga, Horumarinta Dhaqaalaha, Bulshada iyo Karaanka Aadanaha, iyo Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada. Ujeeddadu waxay tahay in la falanqeeyo fursadaha iyo caqabadaha ka jira Galmudug, lagana doodo xalalka iyo qorshayaasha shanta sano ee soo socota.

Wasiirka Qorsheynta Galmudug, Mudane Maxamed Cali Cantoobo, oo ka hadlay shirkaa ayaa sheegay baahida loo qabo qorshe cad iyo mudnaanta howlaha muhiimka ah, si loo gaaro horumar waara. Natiijooyinka shirka ayaa gacan ka geysan doona diyaarinta khariidad cad oo Galmudug ku horumarinaysa shanta sano ee soo socota.

Shirkan wuxuu bilow u yahay wadatashiyo kale oo lagu qaban doono dowlad goboleedyada kale, iyadoo Soomaaliya ay u diyaar garoobeyso hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaran.

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Nairobi ku qabatay shir ku saabsan xeer-nidaamiyayaal muhiimka ah.

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka(HIQ), iyadoo kaashaneysa hay’adda maaliyadda caalamiga ah (IFC), ayaa qabatay aqoon-isweydaarsi diiradda lagu saarayo xeernidaamiyeyaasha tartanka suuqa isgaarsiinta iyo xargaha fiberka badda.

Aqoon-isweydaarsigan, oo ka socon doona labo maalmood magaalada Nairobi, ayaa isugu keenay daneeyayaasha muhiimka ah ee qaybta isgaarsiinta Soomaaliya, oo ay ku jiraan shirkadaha Isgaarsiinta, khubarro, iyo madax iyo saraakiil ka tirsan dowladda, si ay uga wada hadlaan qaab-dhismeedka xeer-nidaamiyayaal qaabeyn doona mustaqbalka kaabayaasha dhijitaalka ah ee Soomaaliya.

Aqoon-isweydaarsigu, oo qayb ka ah qorshaha istiraatiijiyadeed ee HIQ ee kor u qaadida isku-xirnaanta qaranka, ayaa waxaa looga hadlay arrimo muhiim ah sida shatiyeynta soo degista xargaha badda hoosteeda, tixgelinta saamaynta deegaanka, wadaagga kaabayaasha, iyo dhiirrigelinta tartanka qaybta isgaarsiinta. Xeer-nidaamiyayaashan ayaa ujeedkoodu yahay in la waafajiyo qaab-dhismeedka isgaarsiinta Soomaaliya heerarka caalamiga ah, taasoo taageeraysa yoolalka horumarinta dhaqaalaha Qaranka.

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle, Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo furay aqoon-isweydaarsiga, ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu leeyahay aqoon-isweydaarsiga, isagoo xusay sida shirkadaha gaarka loo leeyahay ay uga qayb qaateen soo kabashada iyo koritaanka dhaqaale ee dalka.

Mudane Mustafa Yaasiin maareeyaha guud ee hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay muhiimadda iskaashiga ka dhexeeya hay’adda iyo daneeyayaasha isgaarsiinta intii uu socday hadalladiisa la xiriira aqoonsi-waydaarsiga.

Shir ku saabsan dhismaha waddooyinka dalka oo Muqdisho lagu soo gabangabeeyey

Waxaa maanta Muqdisho lagu soo gabangabeeyey shir u dhaxeeyey wasaaradda hawlaha guud iyo dib u dhiska dowladda FS iyo wasaaradaha hawlaha guud ee dowlad goboleedyada dalka, kaas oo laga soo saaray war-murtiyeed ku aadan waxyaabaha lagu heshiiyey.

Shirkan oo labadii maalmood ee la soo dhaafey ka socdey Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka ayaa looga arrinsanayey habsami usocodka howlaha shaqo ee horyaala Wasaaradahan, iyagoo ka doodey sidii loo sii amba qaadi laha mashariicda dib udhiska Wadooyinka dalka oo ka soconayo inta badan gobolada.

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, dib udhiska iyo guryeynta dowladda FS mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) oo shirka soo xirey ayaa xusay in ay Wasaaradda hawlaha guud, dib udhiska iyo Guryeynta XFS Iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka ay ka go,aantahay dalka yeesho wadooyin la isku helayn karo, fududeynayana isu-socodka ganacsiga gobolada dalka iyo amnigooda.

Ugu dambeyntii shirka waxa laga soo saaray warmurtiyeed lagu soo aruuriyey nuxurka doodihii la’is dhaafsaday inta uu shirku soconayay waxana warbaahinta uu akhriyay wasiirka wasaaradda Howlaha Guud, dib u dhiska iyo guriyeynta ee dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Dhiblaawe Casir .

Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka oo la kulmay madax ka tirsan WFP

Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle oo uu wehliyo guddoomiye ku xigeenka hay’adda Dr. Axmed Cabdi Aadan ayaa maanta xarunta dhexe ee hay’adda kulan kula qaatay madaxa xafiiska Soomaaliya ee hay’adda cuntada Adduunka (WFP) Mr Elkhadir Daloum.

Kulanka ayaa looga hadlay sii adkeynta xiriirka istiraatiijiga ah ee ka dhaxeeya labada hay’adood, horumarinta nidaamyada, u diyaar garoowga iyo ka hartagga khasaare xooggan oo ka dhasha abaaraha laga baqayo ee la-Nina.

Ugu danbeyn, guddoomiyaha hay’adda SoDMA ayaa bogaadiyay xiriirka dhow ee qotada dheer ee ka dhexeeya

Saraakiisha CID ee Soomaaliya oo tababar baarista dambiyada gaar ah ka bilaabay Serbia

Koox cusub oo ka tirsan saraakiisha CID ee Soomaaliya ayaa bilaabay tababar gaar ah oo la xiriira baarista dambiyada oo ka socda xarunta tababarka Goć ee Serbia. Tababarkan wuxuu diiradda saarayaa kor u qaadidda xirfadaha saraakiisha ee baarista dambiyada iyo farsamooyinka amniga, iyagoo lagu barayo farsamooyin cusub oo lagu xalliyo xaaladaha adag ee booliska iyo ururinta xogaha sirdoonka.

Safiirka Soomaaliya ee Serbia, Maxamed Cabdullaahi Axmed, ayaa sheegay in tababarkan uu muhiim u yahay horumarinta awoodaha booliska Soomaaliya, isagoo uga mahadceliyay Dowladda Serbia fursaddan oo gacan ka geysan doonta sugidda amniga muwaadiniinta iyo madaxda Soomaaliyeed. Sidoo kale, taliyaha booliska Soomaaliyeed Sulub Axmed Firin ayaa sheegay in taageerada Serbia ay ku soo beegantay xilli muhiim ah oo ciidanka booliska loo baahan yahay xirfado dheeri ah si ay ula tacaalaan caqabadaha amniga ee gudaha.

Tababarkan cusub wuxuu qayb ka yahay iskaashiga sii xoogeysanaya ee dhanka amniga ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Serbia, kaas oo qeyb muhiim ah ka qaadanaya taageeridda ciidamada Soomaaliya.

Sannadkii hore, 60 askari oo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya ayaa soo dhameystay tababar afar bilood ah oo lagu qaaday dugsiga tababarka ciidanka gaarka ah ee Marshal Josip Broz Tito ee Serbia, kaas oo diiradda lagu saaray ilaalinta madaxda iyo diblomaasiyiinta caalamiga ah ee ku sugan Soomaaliya.

Intii lagu guda jiray tababarkaasi, Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya, Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe), ayaa la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan difaaca Serbia iyo wakiillo ka socda shirkadda difaaca ee Yugoimport SDPR si ay uga wada hadlaan tababaro dheeraad ah iyo khubarada Serbia oo booqasho ku tegi doona Soomaaliya mustaqbalka.

Toddobaadkii hore, Safiirka Soomaaliya ee Serbia ayaa sidoo kale la kulmay wakiil ka socda iskuul diyaaradeed oo ku yaalla Serbia si uu u xaqiijiyo tababar loogu talagalay duuliyeyaasha Soomaaliyeed, taas oo qayb ka ah iskaashiga sii xoogeysanaya ee labada dowladood ee dhanka amniga.

Wasaaradaha Awqaafta XFS iyo Hirshabeelle oo wacyi gelin ka wada Shabeellada dhexe

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS oo kaashaneysa Wasaaradda Awqaafta Hirshabelle ayaa wejigii labaad ee wacyi gelinta ka hortagga iyo la dagaallanka fikirka Xagjirka ka billowday degmada Aadan Yabaal ee gobalka Shabeellada dhexe.

Muxaadarooyinkan wacyigelinta ayaa waxaa qabanaya qaar kamid ah culimada, iyagoo bulshada ku nool deegaanada laga saaray Khawaarijta ka wacyigelinta khataraha ay leeyihiin afkaarta Xagjirnimada.

Waxaana sidoo kale culimada ay kulamo dhiiragelin iyo wacyigelin ah u sameysay ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira Khawaarijta.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo maanta xukunno ku ridday rag ku eedeysnaa dil iyo qalqal gelin amni

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukunno kala duwan kasoo saartay kiiska Eedeysanaal gaaraya Todobo, kuwaasi oo loo heysto dil, qal-qal gelin amni iyo ku takrifal dhul dowladeed.

Eedeysaneyaasha oo kala ah Dable Xoogga Mahdi Colaad Xiireey, Dable Xoogga Nuur Daahir Xersi, Dable xoogga Xasan Cabdulle Samatar, Dable Xoogga Maxamed Khaliif Xuseen, Dable xoogga C/qani Cali Xaaji, Dable xoogga Nuur Cabdi Maxamed iyo Dable Xoogga Axmed Xasan Maxamed, ayaa racfaan kasoo qaatay Xukun ay horey ugu ridday Maxkamadda darajada Koowaad ee Ciidamada.

Baaris dheer iyo marxalado kala duwan oo ay soo martay dacwadda eedeysanayaashan kadib ayay ugu dambayn maanta xukun ka soo saartay maxkamadda kiiska eedeysanayaasha kaas oo u dhacay sidan:-.

1- Dable Xoogga Mahdi Colaad Xiireey iyo 2-Dable Xoogga Nuur Daahir Xersi ayay Maxkamadda sare ku xukuntay in ay bixiyaan Boqol Halaad oo geel ah "Diyo Muqalado ah” ahna Magta Marxuum Cabdullaahi Maxamed Ibraahim iyo Min shan sano oo Xabsi Ciidan ah.

2- Dable Xoogga Xasan Cabdulle Samatar ayay maxkamadu ku xukuntay Todobo sano oo Xabsi Ciidan ah.

3- Dable Xoogga Maxamed Khaliif Xuseen 5- Dable Xoogga Cabdqani Cali Xaaji 6- Dable Xoogga Nuur Cabdi Maxamed 7- Dable Xoogga Axmed Xasan Maxamed, ayay Maxkamadda sare ee Ciidamada QS ku xukuntay min seddex Sano oo Xabsi Ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Sarreeye Guuto Liibaan Cali Yaroow Guddomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida.

labada hay’addood ee SoDMA iyo WFP.

Dowladda Soomaaliya oo dalalka ciidamadooda ka joogaan ugu baaqday ixtiraamka midnimadeeda dhuleed

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa baaq u dirtay dalalka ay ciidamadooda ka joogaan Soomaaliya, iyadoo ku boorineysa inay u hoggaansamaan sharciga caalamiga ah iyo qaab-dhismeedka gobolka.

Baaqan waxaa soo jeediyay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Cusmaan Baalle, oo warbixin kooban ka jeediyay kulanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Abuukar Baalle ayaa si cad ugu sheegay dalalkaas in ay muhiim tahay in la ixtiraamo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isaga oo ka digay in danaha waddamada ciidamada shisheeye ay mararka qaar keeni karaan mugdi khatar galin kara xasiloonida dalka.

Waxa uu sidoo kale muujiyay in haddii aan la tixgelin xeerarka caalamiga ah iyo midnimada dhuleed, ay dhici karto in talaabooyinkaas loo qaato gardarro.

Danjire Baalle ayaa sidoo kale sheegay in ay lama huraan tahay in la helo maalgelin dhaqaale oo ku filan oo taageerta hawlgallada nabad ilaalinta.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa u muuqda mid ku socda Itoobiya, oo lagu eedeeyay inay fara galin ku hayso midnimada dhuleed ee Soomaaliyeed, kaddib markii ay heshiis dhinaca badda ah bishii Janauary ee sannadkan la gashay Somaliland.

Jabuuti oo sheegtay in anay Itoobiya siin doonin deked ay 100% maamulato

Dowlada Jabuuti ayaa sheegtay in anay Itoobiya siin doonin deked ay 100% maamulkeeda yeelato, lakiin ay rabto in heshiis ganacsi ay Itoobiya kula gasho dekeda Tojora, oo ay hore u sheegtay in ay Itoobiya si buuxda ugu wareejinayso.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa si ka duwan balanqaadkiisii hore sheegay in anay Itoobiya siinayn dekeda Tojora, lakiin ay rabaan in ay wada maamulaan.

"Marnaba manaan dhihin waanu iibinay marsada ama cid ayaanu siinaynaa, lakiin aynu wada maamulno marsada Tojora ayaynu nidhi, waxaynu rabnaa in aynu sii haysano ganacsiga u socda Itoobiya" ayuu yidhi Wasiir Yuusuf.

Waxa uu sheegay in 60 milyan oo dollar ay ku baxday dhismaha dekeda Tojora, lakiin anay bixin karin mushaarka shaqaalaha ka hawlgala, sidaas darteedna ay rabaan in ay ka dhigaan deked ganacsi, si ganacsiga Itoobiya aanu ugu wareegin Somaliland iyo Eriteria.

"Bari waxa furmi doonta marsada Casab oo xamuulka qaar ayaa halka u guuri doona, waxa dhici karta in qaar kale u wareegaan Somaliland, innagu waxaynu rabnaa in aynu sii haysano ganacsiga Itoobiya" ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Wasiirka ayaa hore u sheegay in ay Itoobiya siinayaan deked ay 100% maamulkeeda yeelato, si loo dajiyo khilaafka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sidokale, waxa uu dhawan shegay in anay Itoobiya siin doonin saldhig badeed, lakiin ay iyagu yihiin ganacsato, isla markaana khilaafka ka dhexeeya Somalia iyo Itobiya, ay labada dowladod ka xali donan.

In ka badan 40 ruux oo lagu dilay duqeyn ka dhacay xero barakacayaal ah oo ku taala Gaza

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeymo dhanka cirka ah oo ciidamada Isra'il aroornimadii hore ee saakay ka geysteen magaalada Gaza.

Duqeymaha ciidanka Isra'il ayaa la sheegay iney la beegsadeen teendhooyin ay dagan yihiin dadka ku barakacay dagaalka daba dheeraaday ee u dhaxeeya Militariga Isra'il iyo Ururka Xamaas.

Ugu yaran 40 ruux aya lagu soo waramaya iney ku dhinteen duqeynta aroortii hore ee saakay Isra'il ka geystay Gaza, waxaana ku dhaawacmay ilaa 60 ruux oo kale.

Mlitariga Isra'il oo ka hadlay duqeyntaan khasaaraha badan u geystay dadka Shacabka ah, waxay sheegeen in duqeynta ku beegsadeen xarun ay ka howlgalaan Ururka Xamaas oo ku taala Koonfurta Gaza.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ilaa 20 teendho ay wali gubanayaan, islamarkaana la ogeen khasaaraha dhabta ah uu kasii badan karo 40 ruux ee ka midka ahaa dad tiro badan oo ah Falastiiniyiin barakac ah oo isaga kala yimid meelo badan oo ka mid ah marinka Gaza ah.

Ugu dambeyntii waaxda Caafimaadka Falastiin ayaa horay u sheegtay in tirada dadka lagu dilay magaalada Gaza ay kor u dhaaftay 40 kun oo Falastiinyiin ah tan iyo wixii ka dambeeyay 7-dii bishii Oktobar ee sanadkii 2023.

Ciidamada Itoobiya oo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo culus ka wada gobolka Gedo

Ciidamada Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa inay la wareegeen dhammaan garoomada diyaaradaha ee gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya, kuwaas oo ay ka mid yihiin garoomo muhiim ah sida Luuq, Doolow, iyo Baardheere.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay kaddib markii warar soo baxaya ay sheegayaan in dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso in kumanaan askari oo ka socda Masar la geeyo gobolada Soomaaliya ee xaduudaha laleh Itoobiya.

Dhaqdhaqaaqa ciidamada Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa inay kor u qaadeen xiisadda gobolka Gedo, iyadoo ciidamada Itoobiya ay haatan kalsooni ka haystaan maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, kuwaas oo horey si cad uga soo horjeestay in ciidamada Itoobiya laga saaro deegaanadooda.

Mamuladan ayaa sheegay in ciidamada Itobiya ay kaalinta mugleh ka qaadanayaan dagaalka kooxda Alshabaab.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, oo kasoo jeeda gobolka Gedo, ayaa mar sii horraysay sheegay in bixitaanka ciidamada Itoobiya uu u noqon doono faa'iido weyn kooxda Alshabab.

Dad fara-badan oo ku dhintay duqayn ay Israel ka gaysatay goob bani’aadantinimo

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa saqdii dhexe ee xalay garaacay goob ay ku badan yihiin qoysaska barakacayaasha, iyadoona weerarkaasi ay ku dhinteen dad badan, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Ciidanka Cirka Israel ayaa bartilmaameedsaday teendhooyinka ay dadka barakacayaasha degan yihiin ee horaan laga dhisay deegaanka Al-Mawasi ee koonfurta Marinka Gaza.

Ugu yaraan 40 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarka xagga cirka ee ka dhacay Al-Mawasi, halka 60 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay xaqiijisay Hay’adda Difaaca Madaniga ee Marinka Gaza.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dhowr jeer la beegsaday xerada barakacayaasha ee ku taala deegaanka Al-Mawasi.

Hay’adda Difaaca Madaniga ayaa shegtay in duqemuhu ay aasen teendhoyin badan, kooxaha samatabixintana ay baadigoobayaan, haddii ay jiraan dad nool.

Mareykanka oo Masar iyo Qatar ku cadaadinaya in Xamaas lagu soo celiyo miiska wada hadalka

Mareykanka ayaa soo celiyay cadaadiska uu Dowladaha Qatar iyo Masar ku saarayo in Ururka Xamaas lagu soo celiyo miiska wada hadalka, si loo dhameystiro heshiiska xabad joojinta Gaza iyo is dhafsiga maxabista e iyaga iyo Israel.

Warbaahinta Mareykanka ayaa ku warameysa in Washington ay Doha iyo Qaahira ka dalbaday in si degdeg ah Xamaas loogu soo celiyo miiska wada hadalka.

Wararka ayaa sheegaya in La taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka, Jake Sullivan uu labadaasi dal u sheegay in loo baahan yahay in la riixo qorshaha lagu dhexdhexaadinayo labada dhinac.

Heshiiska nabadda ayaa waxaa curyaamiyay is mari-waaga u dhaxeeya Israel iyo Xamaas ee la xiriira Waddada Philadelphi ama Philadelphi Corridor ee ku taala xadka Marinka Gaza iyo Masar.

Israel ayaa si weyn uga soo horjeeddo in ciidamadeeda laga saaro goobtaasi, halka Xamaas ay ku hanjabtay inaysan qaadan doonin wax heshiis ah, illaa iyo inta ay Israel ka aqbaleyso inay ciidamadeeda ku celiso barrihii ay ku sugnaayeen, ka hor dagaalka.

Masar iyo Qatar ayaa arka in tanaasul la’aanta ay dhibaato ku tahay in horumar laga sameeyo dadaalada lagu dhexdhe-xaadinayo dhinacyada.

Labadan dal oo iyagu martigeliya wada hadalada dhinacyada ayaa sidoo kale fahamsan in Mareykanku aanu Israel cadaadis badan ku saareen inay aqbasho heshiiska xabad joojinta iyo is dhaafsiga maxaabiista.

Billihii la soo dhaafay oo dhowr jeer miiska wada hadalka la isugu keenay Xamaas iyo Israel ayaa natiijo la’aan ku soo dhammaaday, sababtoo ah danaha is diidan ee labada dhinac.

Rajo badan lagama qabo inay guuleystaan dadaalada hadda socda, illaa iyo inta la isaga soo dhawaanayo khilaafka jira.

Dhammaadkii toddobaadka, Khalil Al-Hayya oo ka tirsan Xafiiska Siyaasadda Xamaas ayaa Mareykanka ugu baaqay in ay dhexdhexaad ka noqdaan wada hadalada iyo in ay si dhab ah Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ugu cadaadiyaan in aysan carqaladeyn hindisihii Madaxweyne Joe Biden ee xabad jojinta Gaza iyo is weydaarsiga maxabista.

Madaxweyne Erdogan oo ku hanjabay dagaal dhinaca sharciga oo ka dhan ah Israel

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa ballanqaaday in ay qaadi doonaan dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah, si ay caddaalad u helaan qoyska Aysenur Ezgi Eygi.

Gabadhan oo 26 jir ahayd, una dhalatay Turkiga, sidoo kalena haysatay dhalashada Mareykanka ayay Ciidamada Israel Jimcihii ku dileen Daanta Galbeed ee la haysto.

Aysenur Ezgi ayaa toogasho lagu dilay, intii uu socday bannaanbax lagaga soo horjeedo deegaameynta sharci darrada ah ee ay Israel ka waddo Daanta Galbeed. Dilkeeda ayaana ka dhacay deegaanka Beita ee Magaalada Nablus.

"Waxaan qaadi doonaa tallaabo kasta oo sharci ah.” Ayuu yiri Madax-weynaha Turkiga oo wacad ku maray in ay caddaalad raadin doonaan.

Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay in kiiska marxuumadda ay u gudbin doonaan Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah ee ICJ, si Israel loogu la xisaabtamo dilkeeda.

"Waxaan hubin doonnaa in dhiigga Aysenur Ezgi aan looga tagin aargoosi la’aan, waxaana sii wadi doonnaa dagaalka aan kula jirno Israel heerka ugu sarreya, annaga oo ka codsanayna Maxkaamdda Caddaaladda Caalamiga.” Ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.

Madaxweyne Erdogan ayaa dhanka kale sheegay in shacabka Turkiga ay si buuxda u garab taagan yihiin shacabka Falastiiniyiinta ee wajahaya gacanta mid ka mid ah gumeystihii ugu arxanka darnaa ee soo mara dunida.

Madaxweyne Erdogan ayaa ugu baaqay Ururka Iskaashiga Islaamka shir uu heerkiisu sarreyo oo degdeg ah, si wax looga qabto buu yiri weerarada sii kordhaya ee Magaalada Qudus.

Erdogan ayaa sheegay in Israel ay dooneyso inay ballaariso duuleenkeeda iyo siyaasadeeda qabsashada, oo ay ku jirto buu yiri Masjidka Al-Aqsa, oo muhiim u ah Muslimiinta, ahna qibladoodii ugu horreysay.

Dhinaca kale boqolaal Falasti-iniyiin ah oo ku sugan Magaalada Nablus ayaa Isniintii dhigay banana-nax lagu cambaareynayo dilka ay Ciidamada Israel u gaysteen Aysenur Ezgi.

Shacabka Falastiiniyiinta ayaa shalay qaaday meydka marxuu-madda, oo lagu huwiyay cimaamadda Keffiyeh iyo Calanka Falastiin, intii lagu jiray Salaadda Janaasada oo dadka deegaanka ay kula tukadeen meydkeeda.

Ciidamada Israel ayaa madaxa ka toogtay gabadhan, oo ka mid ahayd dadka u dhaqdhaqaaqa xorriyadda Falastiin.

Warsaxaafadeed ay soo saareen qoyskeeda ayaa looga codsaday Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden in la sameeyo baaritaan madaxbannaan iyo in lala xisaabtamo gacan ku dhiigleyaashii dilay.

Allaha u naxariistee Aysenur Ezgi ayaa la filayaa in meydadkeeda loo qaado dalka Turkiga, si halkaasi loogu sameeyo aas qaran.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa sheegtay in qoyskeeda ay codsadeen in lagu aaso dalkaasi.

Aysenur Ezgi ayaa bishii July ee sanadkii 1998-kii ku dhalatay magaalada koonfurta Turkiga ku taala ee Antalya.

Qoyskeeda ayaa iyadoo yar u guuray dalka Mareykanka, halkaasoo ay ku kortay.

António Guterres "Dhimashada iyo burburka Gaza waa kuwii ugu xumaa ee aan arko”

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa dhimashada faraha badan iyo burburka baahsan ee Marinka Gaza ku tilmaamay kuwii ugu xumaa ee uu arko.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa muujiyay, sida uu uga xun yahay xaaladda ba’an ee bani’aadantinimo ee ka jirta Marinka Gaza oo dhan.

Xoghayaha oo wareysi siiyay Wakaaladda Wararka AP ayaa sheegay in Qaramada Midoobey ay horey u dalbatay, haddana ay ku celineyso in si degdeg ah loo joojiyo dhimashadii iyo burburkii ugu xumaa ee uu arko, tan iyo markii uu xafiiska la wareegay, toddobo sano ka hor.

"Heerka dhibaatada aan ku aragno Gaza waa mid aan horey loo arag.” Ayuu yiri Xoghayuhu oo intaa raaciyay "Weligay ma arag heerka dhimashada iyo burburka heerkan oo kale ah, sida aan ku aragno Gaza, dhowrkii bilood ee la soo dhaafay.”

Waxa uu sheegay in ay tahay wax aan macquul ahayn in loo maleeyo in Qaramada Midoobey ay door ku yeelan karto mustaqbalka Gaza, ha ahaato in ay maamusho dhulkaas ama inay u dirto ciidan nabad ilaalin ah, sababtoo ah buu yiri uma badna In Israel ay aqbasho doorka Qaramada Midoobey.

Cilaaqaadka Qaramada Midoobey iyo Israel ayaa gaaray meeshii ugu hooseysay, ka dib markii Qaramada Midoobey ay marar badan dhalleeceysay masiibada bani’aadantinimo ee gacan ku sameyska ah ay Israel ka abuurtay Marinka Gaza.

António Guterres, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaase sheegay in Qaramada Midoobey ay diyaar u tahay in ay taageerto xabad joojinta Gaza iyo in ay ka jawaabto baaq kasta oo caalamka kaga yimaada.

"Qaramada Midoobey waxa ay Bariga Dhexe ku lahayd hawlgal militari oo loo yaqaan UNTSO, tan iyo 1948-kii.” Ayuu yiri Guterres.

"Dabcan waxaan diyaar u noqon doonnaa inaan samayno wax kasta oo Beesha Caalamka ay ina weydiisato. Su’aashu waxay tahay in dhinacyadu aqbali doonaan, gaar ahaan haddii Israel aqbali doonto.” Ayuu sii raaciyay Guterres.

Weerarada cadowtinimada ee ay Israel ka waddo Marinka Gaza ayaa galaaftay nolosha in ka badan 41 kun oo qof, waxaana ku dhaawacmay ku dhawaad 95 kun oo kale.

Dagaalkan ayaa keenay burbur baahsan iyo weliba barakac 90% oo dadka Gaza ah. Tirada dadka Gaza ayaa lagu sheegaa 2.3 milyan oo qof.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip