halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogdisho times.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo u hambalyeeyey madaxweynaha Aljeeriya
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud aya shalay khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Aljeeriya, Mudane Cabdulmajiid Tabbuun, isagoo ugu hambalyeeyey dib-u-doorashadiisa.
Labada Madaxweyne ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimada ay leedahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga labada dal.
Wasiir biixi oo guddoomiyey shirka guddiga maamul-wanaagga maaliyadda ee FGC
Wasiirka maaliyadda dowladda FS mudane Biixi Imaan Cige aya shalay shir gudoomiyay kulanka billaha ah ee gudiga mamul-wanaga maliyada ee magaciisa loo soo gaabiyo FGC, kaas oo ay ku mideysan yihiin Dowlada Federalka Soomaaliya iyo Hey’adaha Dhaqaalaha Adduunka ee wada-shaqenta la leh Dowladda.
Shirkan waxa ka soo qeybgalay xubno ka kala socday Wasaaradda Maaliyada, Bangiga dhexe, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, maareeyaha Dakadda Muqdisho, Agaasimaha hay’adda Socdaalka iyo Xubno matalayay Saaxibada Caalamiga ah ee Soomaaliya, waxaana diiradda lagu saaray horumarka iyo sare u qaadidda dakhliga gudaha, xoojinta nidaamka Maamulka Maaliyadda iyo casriyeynta hannaanka iibka qaranka.
Wasiirka maaliyadda FS ayaa sheegay in Dowladdu ay ka go’an tahay ku dhaqmidda nidaam ay ku dheehan tahay daah-furnaan iyada oo la raacayo habka maareynta Maamulka maaliyadda guud, waxa uu sidoo kale tilmaamay wasiirka in dadaal xoogan loogu jiro sidii loo kobcin lahaa daqliga si loo gaaro isku filnaan dhaqaale.Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka sare oo shir guddoomiyay kulanka lixaad ee Guddiga Arrimaha Gudaha
Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacade aya shir gudoo-miyay kulanka lixaad ee Guddiga Arrimaha Gudaha Dib-Uheshiisinta Arrimaha Federaalka iyo Xiriirka dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya.
Kulanka shalay aya xubnaha gudigu waxa ay uga arrin sanayeen dib u qaabaynta iyo ka talo-bixinta dooddii Sanatarrada Aqalka Sare ay yeshen kulankii 12-aad e kalfadhiga shanad oo ku sabsanayd arimaha matalada Aqalka Sare ee dowladaha xubnaha ka ah dowlada Federaalka Somalia.
Guddoomiye Timacadde oo tilmamo ka siiyay xubnaha guddiga muhiimadda shqadan loo igmaday, ayaa ku booriyay in ay lafo-gur iyo qaabayn ku soo sameeyaan dooddii Sanatarrada ee la xariirtay xirirka matalaad ee Aqalka Sare iyo dowlad Goboleedyada dalka.
Guddiga xaqiiqa raadinta, Dib u heshiisinta BFS oo la kulmay xubno ka socday Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Gudiga xaqiqa radinta, Dib U Heshiisinta Iyo Hanti Isu celinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Somalia ayaa shalay la kulmay xubno ka socday Wasarada Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dib U Heshiisinta ee xukumada Federaalka Soomaaliya.
Kulanka oo ahaa Barnamijka dhab U heshiisiinta iyo Istaraatijiyadiisa ayaa waxa ay xubnahan ka socday wasarada warbixin kooban ka siisay Guddiga Nidaamka Istaraatijiyadda iyo dhab u U heshiinta.
Wasaarada Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dib U Heshisinta ayaa Guddiga usoo jeedisay Qorshaha Istaraatijiyadda Qaran ee Hirgelinta Hananka Dhab-U-Heshisinta Qaran.
Guddoomiyaha Guddiga Xaqiiqa raadinta, Dib U heshiisiinta iyo Hanti isu celinta ee Golaha Shacabka Barlamanka Jamhuriyada Federalka Soomaaliya Xildhibaan Dr. Axmed Aadan Axmed oo kulanka soo xiray usheegay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo dib U Hesh-isinta in ay sii wadi donan kulamada u dhaxeya Gudiga iyo Wasaaradda.
Guddiga Awqaafta Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Wasiirka Diinta XFS
Guddiga Garsoorka Awqaafta iyo Arimaha Diinta ee Golaha Shacabka Barlamanka JFS ayaa shalay kulan su’aalo waydiin iyo la xisaabtan ah xafiiskiisa Villa Hargesa kula qaatay Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Federaalka Somalia Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo ay wehliyaan Agaasimaha guud ee Wasaaradda iyo sidoo kale qaar ka mid ah agasime waxedyada wWasaaradda, waxaana kulanka shir guddoominayay guddoomiyaha Gudiga Xildhibaan Cali Xaaji Daahir.
Wasirka Awqafta iyo arimaha Dinta ayaa marka hore xubnaha guddiga faahfaahin ka siiyay howlaha ay Wasaaradda dadka iyo dalka u heyso iyo sidoo kale qorshayaasha Wasaaradda u degsan.
Intaasi ka dib xubnaha guddiga ayaa Wasiirka iyo xubnaha kale ee la socday su’aalo ka weydiiyay howlaha ay Wasaaradda heyso gaar ahaan arrimaha xajka iyo guud ahaan shaqooyinka Wasaaradda Awqafta iyo arrimaha Diinta, waxana Wasiirka iyo xubnihii la socday ay ka jawaben dhaman su’aalihii xubnaha guddiga ay weydiiyeen.
Gudoomiyaha Gudiga Garsoorka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuriyada Federalka Soomaaliya Xildhibaan Cali Xaaji Daahir oo kulanka soo xiray ayaa xubnaha Wasaaradda oo uu Wasiirka ugu horeeyo uga mahadceliyay ka jawaabistooda u yeeritaanka guddiga, waxaana labada dhinac ay isku raaceen dhamaystirka sharciga xajka.
Shirka Amniga iyo Saameynta Isbadelka Cimilada oo Muqdisho ka furmay
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Sooma-aliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa shalay Muqdisho ka daah-furay Shirka Amniga iyo Saameynta Isbeddelka Cimilada.
Shirkan oo uu soo agaasimay Xafiiska Amniga Qaranka ayaa loo ga dooday saameynta isbeddelka cimiladu ku leedahay labajibba-aridda khataraha amniga qaranka, sida colaadaha ka dhasha isku qabsiga dhul-daaqsineedka iyo baraha waraabka xilli abaareedka.
cIsbeddelka cimilada ayaa sida oo kale ka qayb qaata barakaca iyo sugnaan la’aanta cuntada oo labaduba saameyn ku leh xasiloonida bulshada.
Shirkan waxaa ka qeybgalaya xubno ka tirsan Golaha wasiirrada ee Xukuumadda, mas’uuliyiin ka tirsan dowlad gobolleedyada, qaar kamid ah wakiilada beesha caalamka ee Soomaaliya iyo qeybaha kala ee bulshada Soomaaliyeed.
Golaha Shacabka oo ka dooday Hindise Sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Federaalka Soomaaliyeed
Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay xarunta Golaha Shacabka ku yee-shay kulankooda 20-aad ee kalfadgiga shanaad, waxaana kulanka shir guddoominayay Gudd-oomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).
Ajendaha kulanka oo ahaa Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Federaalka Soomaaliyeed ayaa Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cali Xaaji Daahir waxaa uu Xildhib-aanadda la wadaagay warbixinta Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Kaalmo Sharciyeedka Federaalka Soomaaliyeed.
Intaasi ka dib Xildhibaanadda Golaha Shacsbka ee Baarlamaanka Dalka oo dood ka yeeshay Ajendaha ayaa aragtidooda ka dhiibtay qodobada hindise sharciyeedkan.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in dooda la xiriirta hindise sharciyeedkan shalay lasoo gaba gabeeyay laguna wareejiyay guddiga ku shaqada si uu ugu soo daro dooda iyo soo jeedimaha xildhibaanadda islamarkaana Akhrintiisa sedaxaad Golaha dib ugu soo celiyo.
Shir looga hadlayo horumarinta dhismaha waddooyinka dalka oo Muqdisho ka furmay
Wasiirka wasaaradda hawlaha guud eeedalka mudane Cabdisalam Cabdi Cali (Dhaay) oo uu wehlinayey wasiiru-dowlaha wasa-aradda ayaa Muqdisho ka furey shirka wasaaradaha hawlaha guud ee dowlad goboleedyada dalka iyo dowladda FS.
Shirka oo ujeedkiisu yahay horumarinta mashaariicda dhismaha wadooyinka dalka oo ay isugu yimaadeen wasiirada wasaaradaha hawlaha guud ee dowlad goboleedyada dlka iyo kan Federaalka ayaa la doonayaa in si dhow looga wada shaqeeyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.
Shirkan oo socon doona labada maalin ee soo socota ayaa looga arrinsan doonaa hanaanka hormarinta kaabayasha dhaqaalaha dalka oo ay waddooyinku ugu horreeyaan iyo in aragti wadaag ah laga qaato mashaariicda Dalka ka socota.
Wasiirka wasaradda hawlaha guud ,dib u dhiska iyo guriyeynta dowladda FS mudane Cabdisalam Cabdi Cali Dhaay oo furey shirka ayaa xusay in shirkan yahay mid lagu gorfeyn doono waxyaabihii soo qabsoomey iyo dardargelinta hawlaha horyaala Wasaaradaha hawlaha guud ee dalka.
Wafdi uu hogaaminayo wasiirka qorsheynta oo Dhuusamareeb gaaray
Wafdi uu hoggaaminaayo wasiirka wasaaradda qrsheynta dowladda FS mudane Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene) ayaa shalay gaaray magaalada Dhusamareeb ee Caasimada Dowlad goboleedka Galmudug.
Ujeedada safarka Wasiirka ayaa daaran daah-furka shirarka wadatashiyada heer dowlad goboleed ee Qorshaha Isbedelka Qaran (QIQ), kaas oo lagu mideynayo qorshayaasha horumarineed ee heer qaran iyo heer dowlad goboleed.
Wasiirka iyo wafdigiisu waxay sidoo kale kormeeri doonaan inta ay jogaan Galmudug mashaariicda horumarineed ee ka socda deegaannada Maamulkaan.
Agaasimaha Waaxda Furdooyinka oo furay tababar ku saabsan hanaanka fududeynta ganacsiga
Agaasimaha Waaxda Furdooyinka Wasaaradda Maaliyadda Abukar Sheekh Axmed Mursal ayaa daah furay tababar ku saabsan hanaanka fududenta ganacsiga ee Furdoyinka, tababarkani oo ay ka faa’ideysan doonaan saraakiil ka kala socda Waaxda Furdooyinka Wasaaradaha Maaliyadda iyo Ganacsiga.
Tababarkani oo ay bixinayaan khubarro ka socda machadka Caalamiga ee ESAMI ayaa la rajeynayaa in saraakiisha tababarka ka qeyb galaysa ay ka faa’ideysandoonaan khibrad muhiim u ah waajibaadkooda shaqo iyadoo tababarkani uu socon doono muddo todobaad ah.
Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka oo la kulmay masuul ka tirsan hay’adda Boqor Salmaan
Gudomiyaha hay’ada mareynta musiibooyinka mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan looga hadlay fulinta mashaariic isugu jira gargaarka deg degga ah, soo-kabashada, u adkaysiga aafooyinka iyo xalalka waara la qaatay madaxa xafiiska Afrika ee hay’adda Boqor Salmaan Relief Center mudane Yaziid Xamuud.
Dhinacyada ayaa isku af-gartay in la dardar-galiyo fulinta mashaariicdaan oo hore Hay’adda SoDMA uga codsatay dowladda Boqortooyada Sucuudiga, inta la soo aqbalay, isla-markaana la daba-galo inta dhimman.
Madaxweyne Laftagareen "25-kii Xildhibaan ee taageertay rabitaanka Shacabkooda waxay noola mid yihiin 13-kii SYL
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa shalay si adag uga hadlay xiisaddii dhawaan ka dhalatay taageeradii reer Koonfur Galbeed u muujiyeen joogitaanka ciidamada Itoobiya.
Madaxweyne Laftagareen ayaa ugu horeyn ku tilmaamay ceeb iyo wax laga xumaado hadaladii kasoo yeeray reer Muqdisho, islamarkaana ay ahayeen kuwa kala dhantaalaya midnimada shacabka Soomaaliyeed.
"Hadii ay Soomaalinimo jirto reer Koonfur-galbeed ayey ka bilaabataa, Muqdisho waxa kasoo yeeray waa wax ceeb ku ah midnimada” ayuu yiri madaxw-eynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.
Wuxuu sidoo kale madaxweyne Laftagareen amaan iyo boggaadin u jeediyay Xildhibaanada kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee la dareenka noqday dadka ay matalaan ee diiday in la geeyo deegaanada maamulkaas ciidanka Masar, islamarkaana dalbaday in Itoobiya aanan laga saarin deegaanadooda.
"25-kii Xildhibaan ee taageertay rabitaanka Shacabkooda waxay noola mid yihiin 13-SYL, waxaan la dareenahay rabitaanka Shacabka Koonfur Galbeed, Xasaanada waxay ku matalaan dadkooda Koonfur Galbeed ee qabiil kale kama qaadi karo kumana matalaan, dalku waa fedaraal" ayuu yiri madaxweyne Laftagareen.
Ugu dambeyntii madaxwe-ynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa ugu baaqay shacabka reer Koonfur Galbeed dal iyo dibadba iney midoobaan wax walba oo caqabad ku ah midnimadooda.
Xigasho Hiiraan Online
Xil Ciid: Villa Soomaaliya ayaa ka dambeysa in xildhibaanada laga mamnuuco inay saxaafadda kula hadlaan baarlamanka
Qaar kamid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa si adag uga horyimid go’aan dhawaan kasoo baxay guddoonka baarlamaanka, kaasoo xayndaabka baarlamaanka ka mamnuucaya in xildhibaanadu ay ku qabtaan shir jaraa’id ama wareysi saxaafadeed.
Xildhibaan Cabdirisaaq Ciid, oo kamid ah xildhibaanada Golaha Shacabka, ayaa sheegay in go'aankan uu yahay mid lagu caburinayo saxaafadda, isagoo ku eedeeyay in uu yahay tallaabo ay ka dambeyso Madaxtooyada Soomaaliya.
"Waxaa nasoo gaartay in baarlamaanka hortiisa laga mamnuucay in idaacadaha lagula hadlo, suurtagal ma ahan, wax na qabtana ma ahan. Waxaan u hadalnaa dadka cabashada qaba, raalli kama nihin in nala caburiyo,” ayuu yiri Xildhibaan Ciid.
Xildhibaan Ciid ayaa sidoo kale sheegay in Madaxtooyada Soomaaliya ay si toos ah uga dhex milantay baarlamaanka, isaga oo adkeeyay in xildhibaanadu ay xaq u leeyihiin inay u madax bannaanadaan inay la hadlaan warbaahinta oo ay ka hadlaan wixii qaldan.
Dhanka kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa arrintaan ka jawaabay isagoo sheegay in xildhibaanada dood ka qaba go'aankaan ay xafiiskiisa ugu yimaadaan, si ay uga wada hadlaan.
Arintaan ayaa keentay muran iyo su'aalo badan oo ku saabsan sida loo xakameynayo xuriyadda warbaahinta iyo ra’yiga xildhibaanada gudaha baarla-maanka.
Puntland oo sheegtay in dowladda Federaalka ay deeqaha waxbarasho u diidday ardayda Puntland
Puntland ayaa sheegtay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ardaydareer Puntland u diidday deeqaha waxbarasho ee caalamka looga helo magaca Soomaaliyeed.
Agaasimaha tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada Puntland, Cabdirisaaq Axmed Faarax oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe, ayaa sheegay deeqaha waxbarasho inay qeyb ka yihiin mashaariicda dowladda Federaalka ay ka hor istaagtay dadka reer Puntland sida uu hadalka u dhigay masuulkan.
Agaasimaha tacliinta sare wuxuu sheegay in dowladda Ethiopia ay deeq waxbarasho siisay ardayda Puntland, isagoo uga mahad celiyay, sidoo kale wuxuu sheegay, ganacsatada Puntland ee Uganda ku nool inay damaanad qaadeen inay deeq waxbarasho oo dalka Uganda ah ka bixinayaan ardayda Puntland.
Hadalkiisa ayaa kusoo beegmay kaddib markii dowladda Federaalka Soomaaliya ay deeq waxbarasho siisay ardayda kaalimaha sare ka galay imtixaanka shahaadiga ah ee heer federal.
Maamulka SSC Khaatumo ayaa kamid ah maamulada sida gaarka ah loogu qoondeeyay deeqo waxbarasho oo dalka Masar ah.
Wasiirrada caafimaadka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo muujiyay cabasho ka dhan ah wasaaradda caafimaadka DFS
Wasiirada Caafimaadka Dowlad Goboledyada iyo Gobolka Banaadir ayaa ku eedeeyay Wasaaradda Cafimadka Soomaaliya inay mesha ka saartay wadashaqayntii ay la lahayd dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.
Warqad ay si wada jir ah u soo saareen ayay ku sheegeen inay walaac ka qabaan fashilinta Wasaaradu ee fulinta mashaariicda horumarinta caafimaadka, gaar ahaan kuwa ku lug leh maalgelinta muhiimka ah iyo wada-shaqeynta hay’adaha caalamiga ah.
Waxay ku eedeeyeen wasaarada caafimadka Soomaaliya qodobadan soo socda.
Jojinta wada shaqenta hay'adaha iskaashiga ee mashaariicda caafimaadka ee gobolada oo dhan.
Luminta helitaanka $25 milyan ee mashruuca Damal caafimaadka ee Bangiga Adduunka.
Fadhiidnimada $48 milyan ee mashruuca COVID-19 ee la qorsheyay inu dhaco Oktobar 2025.
Dib u dhaca ku yimid fulinta mashruuca sanduuqa caalamiga ah iyo adegyada caafimadka bulshada.
Ka saarida Dawladaha xubinta ka ah Federaalka hababka go'aan gaarista muhiimka ah ee siyaasadda caafimaadka.
Agabkii iyo Daawadii tooska ugaari jiray Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Gobolka Banaadir ayaa amar lagu hor istaagay laguna qasbay hay'adaha in ay ku wareejiyaan Wasaaradda Federaalka aysana toos ugu gudbi Karin dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
Wasaaradda Caafimaadka oo bilaawday nidaam cusub oo ah inay fuliyaan adeeg bixinta laga bilaabo degmo ilaa tuulo.
Mashruuca GAVI ee Talaalka Caruurta iyo Hooyooyinka soomaaliyeed oo la daahiyey.
Wasiirada caafimaadka ayaa ku baaqay in arrimahan laga gaaro xal degdeg ah si looga fogaado in ay sii xumaato adeeg bixinta.
Ugu dambayn wasiirrada caafimaadka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaaadir waxay madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Feder-aalka iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir u sheegeen in caba-shadaani tahay mid kusalaysan xaqiiq dhab ah ayna yeelatay saameyn lasoo dhaafay, mid taagan iyo mid soo socota intaba, dhowr jeerna ay si rasmi ah ugu gudbiyeen madaxda iyo maamulka Wasaa-radda Caafimaadka Federaalka, ayna u baahantahay xal deg deg ah oo waara.
Nin hubeysnaa oo sadax Israa'iiliyiin ah ku dilay xadka Urdun iyo Daanta Galbeed
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar uu ka geystay xaduuda u dhaxeysa Urdun iyo Daanta Galbeed ee la heysto nin u dhashay dalka Urdun oo watay gaari xamuul ah.
Ninkaan weerarka fuliyay oo ah Darawal ayaa magaciisa lagu sheegay Maher Jazi, kaasoo weerarka ka fuliyay meel u dhaw buundada Allenby ee ka soo gudubta dhanka Urdun isagoo watay gaariga xamuul ah.
Saraakiil ka tirsan Militariga dalka Israa'iil ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ninkaan uu rasaas ku furay ciidamada difaaca Israa’iil ee (IDF) ee ku sugnaa marinka laga soo galo Daanta Galbeed dhanka xaduuda Urdun.
Dowladda Urdun ay dhankeeda sheegtay iney baarayso weerarkan ka dhacay dhulka ay maamusho Israa’iil, halkaas oo baabuurta dalka Urdun ay ka gudbiyaan badeecadaha gala Daanta Galbeed.
Sadaxda ruux ee ku geeriyootay weerarka uu fuliyay ninka Darwalka ah ayaa magacy-adooda lagu kala sheegay Yohanan Shchori aha 61 sano jir, Yuri Birnbaum oo isna da'diisa lagu sheegay 65 sano jir iyo Adrian Marcelo Podzamczer oo aan da’diisa la sheegin.
Israel oo garaacday xarun militari oo ku taala dalka Suuriya
Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa saqdii dhexe ee habeen hore garaacay saldhig ay leeyihiin Militariga Suuriya oo ku yaala duleedka Magaalada Masyaf ee Gobolka Hama.
Wakaaladda Wararka Suuriya ee SANA ayaa sheegtay in weerarka ay ku dhinteen shan qof, 19 kalena ay ku dhaawacmeen.
Maamulka Isbitalka Dadweynaha ee Masyaf ayaa sheegay in dadka dhaawacmay ay ku jiraan kuwo ay xaaladoodu liidato.
"Weerarka ayaa sidoo kale sababay burbur soo gaaray waddada weyn ee Masyaf-Wadi Al-Uyun iyo dab ka kacay deegaanka Hair Abbas.” Ayay ku warantay SANA.
Wakaaladda Wararka Reuters ayaa sheegtay in diyaaradaha dagaalka Israel ay weerarka la beegsadeen xarun weyn oo cilmi baaris militari ah.
Wararka ayaa sheegaya in dhowr jeer la duqeeyay xarunta lagu sameeyo hubka kiimikada ee ku taala duleedka Masyaf.
"Waxaa la rumeysan yahay in ay ku sugan yihiin xarunta koox khubaro ah oo ka tirsan Militariga Iran oo ku lug leh soo saarista hubka.” Ayay qortay Reuters.
Taliska Militariga Israel ayaan weli ka hadlin weerarkan iyo ujeedadii ka dambeysay in la bartilmaameedsado xaruntaasi militari.
Israel ayaa 13-kii sano ee la soo dhaafay weeraro ka gaysa-neysay dalkaasi, iyadoo inta badana bartilmaameedsaneysay goobaha lala xiriiriyo Iran.
Iran ayaa intii uu socday dagaalka sokeeye ee Suuriya waxay is garabtaag u muujisay Dowladda Madaxweyne Bashar Al Assad.
Ciidamada Israel oo mar kale weeraray Magaalada Tulkarm ee Daanta Galbeed
Ciidamada Israel ayaa markii saddexaad ku laabtay Magaalada Tulkarm, Ka dib markii ku dhaw-aad laba toddobaad ka hor ay bilaabeen hawlgalkooda Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto.
Ciidamada Israel ayaa Jimcihii soo banneeyay Magaal-ooyinka Jenin iyo Tulkarm, ka dib dagaalo ay kula galeen kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Israel ay habeen hore fiidkii weerar ku qaadeen xerada qaxootiga ee Magaalada Tulkarm.
Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in xerada uu ka socdo iska horimaad u dhaxeeya Ciidamada Militariga Israel iyo dagaal-yahanada Falastiiniyiinta.
Guutooyinka Shuhadada Al Aqsa, oo ah koox hubeysan oo Falastiiniyiin ah ayaa sheegay in xoogagooda ay rasaas xoog leh kala hortaggeen Ciidamada Israel ee soo hujuumay xerada.
Dib ugu soo laabashada Ciidamada Israel ee Tulkarm ayaa timid, ka dib markii ay go’doomiyeen magaalada, ayna ka jareen adeegyadii biyaha iyo korontada.
Israel ayaa 28-kii bishii hore ee August bilowday hawlgalkeeda waqooyiga Daanta Galbeed, oo ay ku sheegtay mid ay xididada ugu siibeyso kooxaha wax iska caabinta ee halkaasi ku soo xoogeysanaya.
Bilowgii hawlgalka, Israel waxay sheegtay in ciidamadeeda ay ka hortagayaan kooxaha Fala-stiiniyiinta ee ay Iran hubeyso.
Hawlgalkan ayaa noqonaya kiisii ugu weynaa ee ay Israel ka sameyso Daanta Galbeed ee la haysto, muddo labaatan sano ah.
Ehud Barak oo sheegay in Israel ay qarka u saaran tahay guuldarro
Raysal Wasaarihii hore ee Israel, Ehud Barak ayaa rajo xumo ka mujiyay in la xaqiijin karo guusha ay raadinayaan Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu iyo Wasiirada xagjirka ah ee ka tirsan xukuumaddiisa.
Raysal Wasaare Netanyahu iyo Wasiirada mayalka adag ayaa isku dhaarsaday in la sii wado dagaalka ay ciidamadu kaga jiraan Marinka Gaza, illaa iyo inta laga wiiqayo awoodda militari ee Xamaas.
Ehud Barak, Raysal Wasaarihii hore ee Israel ayaa sheegay in Israel ay wajaheyso waqti adag, kaas oo keeni kara burburka Israel, haddii aan si dhakhsa ah loo soo afjarin colaadda Gaza.
Waxa uu sheegay in Israel ay kala daadaneyso, isla-markaana aysan muuqan wax istiraatiijyad ah ama qorshe dagaal, oo xukuumaddu ay ka leedahay dagaalka galay bishii 12-aad.
Waxa kaloo uu sheegay in Israel aysan suurtagal ahayn inay guul dhameystiran ka gaarto dagaalkan, si ka duwan taasina ay iyadu qarka u saaran tahay guuldarro.
"Xaqiiqadu waa adag tahay. Israel ma aysan guuleysan October 7-deedii, kumana guul-eysan doonto dagaalka ka socdo Gaza. Dhab ahaantii waxaan ku dhownahay guuldarro, intii aan guuleysan lahayn.” Ayuu yiri Ehud Barak.
Ehud Barak oo wareysi siiyay Wargeyska Israel Hayom ayaa ka digay burburka Isreal, isagoona Netanyahu iyo koox-diisa ugu baaqay inay qaataan heshiiska nabadda ee lagu soo afjarayo dagaalkan, xitaa haddii xabsiga laga sii wada deynayo dhammaan maxaabiista Falastiiniyiinta.
"Israel waxay u baahan tahay inay u diyaargarowdo in la joojiyo dagaalka Gaza, si looga hortago xaalad kale, iyada oo loo marayo heshiiska maxaabiis is dhaafsiga.” Ayuu yiri Barak.
Barak ayaa intaasi ku daray "Heshiiska ayaa keeni kara in la dejiyo xaaladda iyo inay hoos u dhacaan weerarada Xisbullah, xitaa haddii heshiisku uu yahay mid ku-meel-gaar ah.”
Netanyahu iyo Wasiirada midigta fog ayaa dhegaha ka fureysanaya baaqyada joogtada ah ee uga imanaya shacabka Israel, siyaasiyiinta iyo Saraakiisha Ciidamada ee ku talinaya in la joojiyo dagaalka, si la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto Gaza loo soo sii daayo.
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogdisho times.
..