![](https://mogtimes.com/uploads/mogtimes_bnr.jpg)
Halkan ka aqris wararka wargeyska mogtimes
Guddoomiyaha Aqalka Sare oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada Aqalka Sare
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Barlamanka Jamhuriyada Federalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu wehliyo Guddo-omiye ku xigeenka labaad Mudane Cabdullaahi Cali Xirsi {Timacadde} ayaa shir guddoomiyay kulanka lixaad ee Kalfadhiga 5-aad ee guddiga joogtada Aqalka Sare.
Ajandaha kulanka shalay oo ahaa is-xogwaraysi guud ayaa guddoo-miyuhu warbixinno ku saabsan howlaha shaqo ee guddiyada wuxuu ka dhagaytsay Guddoomiyayaasha guddiyada golaha, iyaga oo si faahfaahsan ula wadaagay qorshe howleedkooda, arrimaha hortebinta u leh iyo waxyaabaha u qabsoomay.
Guddoomiye Cabdi Xaashi oo kulanka soo xiray ayaa ku amma-anay xubnaha guddiga joogtada ah isku xirka wada shaqaynta dhexd-ooda ah iyo dadaalka ay ugu jiraan dabagalka, kor-joogtaynta iyo la xisaabtanka hay’adaha dowladda, wuxuuna kula dardaarmay in ay laba jibaaraan shaqadooda ayna dardar geliyaan waajibaadka loo xilsaaray.
Shirka Wadatashiga Miisaniyadda Dowlada ee 2025 oo maalintii labaad ka socda Muqdisho
Shirka Wadatashiga Miisaniyadda Dowlada ee 2025 oo malintii labaad ka socda Magaalada Muqdisho.
Waxaa shalay ka qeyb galay Odoyaasha dhaqan ka, Haweenka, Ganacsatada iyo Ururrada Bulshada Rayidka, kuwaas oo madaxda wasaaradda usoo jeediyay su’aalo la xariira hanaanka miisaniyadda Qaranka ee 2025 ka.
Shirka oo furmay daraad waxaa shalay kusoo biiray Wasiirka Wasa-aradda maaliyadda Biixi Iiman Cige iyo wasiiru Dowlaha Wasaaradda
Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo soo xiray tababar loo qabtay shaqaalaha Hey’adda SoDMA
Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Fede-raalka Soomaaliya Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa shalay xarunta safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho tababar ugu soo xiray shaqaale ka tirsan waaxyaha kala duwan ee SoDMA, kuwaas oo muddo ku dhaw bil baranayay koorsooyin la xariira xirfadaha kala duwan ee gurmadka deg-deg ah.
Xiritaanka tababarkaan waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle, Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya, madax ka tirsan hay’adda bisha cas Turkiga, waxaana u jeedka tababarkaan uu ahaa in dhammaan howl-wadee-nnada hay’addu awood u yeeshaan ka shaqeynta howlaha gargaarka deg dega ah xilliyada musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa aan daniiciga ahaynba dhacaan, isla-markaana ay waqti kasta aqoon ahaan diyaar u ahaadaan Jawaabaha caafimaad ee lama huraanka ah.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Yuusuf Cali iyo Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin ayaa kaalintooda tababarkaan uga mahad-celiyay Dowladda Turkiga, Safaaradda, Hay’adda KIZILAY, jaamacadda Cilmiga Caafimaadka ee Isbitaalka Erdogan, iyaga oo kula dardaarmay shaqaalahan inay aqoontaan si hufan bulshada Soomaaliyeed ugu adeegaan.
Gashaanle sare Axmed Khaliif oo loo doortay Madaxweyne ku xigeenka Golaha Sharciga Bariga Afrika
G/Sare Axmed Khalliif Jiinow ayaa loo doortay Madaxwene ku xigeenka Golaha Sharciga Military-ga Afrika ee u qabilsan gobolka Bariga Afrika.
Korneyl Axmed ayaa ku guuleystay codeynta doorasho oo ka dhacday magalada Lusaka ee dalka Zambia.
G/Sare Axmed Jiinow ayaa sharciga Ciidamada ku dhex jira in ka badan 15 sano, wuxuu ka mid yahay ku xigeennada xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, sidoo kale wa la-taliyaha dhanka sharciga Taliska Ciidanka Xoogga Dalka.
Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Qatar ee Soomaaliya
Madaxweyne kuxigeenka Dowlad goboleedka Galmudug Mudane Ali Dahir Eid,ayaa shalay la kulmay Safiirka dowladda Qatar ee Soomaaliya Dr. Abdullah bin Salem Al Nuaimi.
Labada Masul ayaa kawada hadlay dardargalinta Mashaaricda Qatar ay ka waddo Galmudug gaar ahaan arrimaha Waxbarashada, Caafimadka, biyaha iyo Korontada iyo Tayaynta Lamaha Amniga Galmudug.
Halkan ka aqris wararka wargeyska mogtimes
..