halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogdishtimes

0
Sunday September 08, 2024 - 11:41:23 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 155
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogdishtimes

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Guddoonka Golaha Shacabka oo soo saaray go'aan culus oo saameynaya Warbaahinta Madaxa Banaan

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa soo saaray amar lagu mamnuucayo shirarka jaraa'id ee lagu qabto gudaha iyo banaanka xarunta Golaha Shacabka.

Amarkaan kasoo baxay guddoonka Golaha Shacabka ayaa ahaa mid si toos ah loola wadaagay Warbaahinta iyo wariyaasha sida gaarka ah wararka uga soo tabiya fadhiyada Golaha Shacabka.

Go’aankaan cusub ayaa noqonaya mid si toos ah u saameynaya shaqada warbaahinta madaxa banaan ee ka howlgasha magaalada Muqdisho iyo walba Xildhibaanada qudhooda oo fariimahooda kusoo gudbin jiray shirarka ay ku qabtaan xarunta Baarlamaanka.

Si kastaba ha ahaatee shirarka jaraa’id ee lagu qabto gudaha iyo banaanka xarunta Golaha Shacabka ayaa inta badan waxaa qaban jiray Xildhibaannada mucaaradka ku ah dowladda kuwaas oo dhaliilo culus u jeedinayay madaxda ugu saraysa dalka.

Ugu dambeyntii wali si rasmi ah looma oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa go'aankaan cusub, hayeshee waxa uu kusoo beegmaya kadib xiisadii ka dhalatay dhawaan hadaladii kasoo yeeray xildhibaannada kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee ku garab istaagay dadka reer Koonfur Galbeed rabitaankooda ku aadan in ciidanka Itoobiya sii joogaan deegaanada Koonfur Galbeed, kuwaas oo shir jaraa’id ku qabtay banaanka xarunta Golaha Shacabka.

Shir looga hadlayo horumarinta Miisaaniyada dalka oo Mogadishu ka furmay

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa goordhowed Muqdisho ka furay shirka Wadatashiga Miisaaniyadda 2025-dalka.

Shirkaan oo socon doona muddo saddex maaalin ah ayaa waxaa looga hadli doonaa horumarinta miisaaniyadda iyo Illaha dhaqaalaha iyo waxsoosaarka dalka.

shirkaan ayaa waxa ka qayb galaya xubno ka socda dowlad Goboleedyada dalka, Gobolka Banaadir iyo ururrada bulshada rayidka Soomaaliyeed.

Kulan Wadatashi ah oo ku saabsan Nidaamka Aqoonsiga Qaranka oo Muqdisho ka dhacay

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) iyo Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa shalay si wadajir ah u qabtay kulan wadatashi oo ku saabsan kaalinta Nidaamka Aqoonsiga Qaranka iyo adeegyada shirkadaha isgaarsiinta, iyo isku xirka nidaamka Aqoonsiga Qaranka iyo adeegyada isgaarsiinta ee dalka.

Kulankan ayaa waxaa kasoo qeybgalay madaxda hay’adaha NIRA iyo HIQ iyo mas’uuliyiin ka kala socda shirkadaha isgaarsiinta dalka. Kulanka ayaa waxaa daahfuray Maareeyaha Guud ee NIRA, Cabdiwali Cali Cabdulle, iyo Mustafa Yasin Sheekh, Maareeyaha Guud ee HIQ, iyagoo ka hadlay heerarka kala duwan ee uu soo maray nidaamka Aqoonsiga Qaranka, iyo sidii loo gaarsiin lahaa guud ahaan dalka.

Maareeyaha Guud ee NIRA, Mudane Cabdiwali Cali Cabdulle, oo kulanka ka hadlay ayaa yiri: "Iskaashiga ka dhexeeya NIRA iyo shirkadaha isgaarsiinta waa tallaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo in nidaamka Aqoonsiga Qaranka uu noqdo mid la isku halleyn karo oo wax ka taraya adeegyada isgaarsiinta ee Soomaaliya.

<Wada shaqeyntani waxay siinaysaa ummadda Soomaaliyeed fursad ay ku heli karaan aqoonsi rasmi ah, waxayna fududaynaysaa aqoonsiga macaamiisha ee shirkadaha isgaarsiinta.”

Sidoo kale, Maareeyaha Guud ee HIQ, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa sheegay: "Dhismaha nidaamka Aqoonsiga Qaranka wuxuu muhiim u yahay horumarinta isgaarsiinta dalka iyo ilaalinta danaha macaamiisha. Waxaan diyaar u nahay inaan si dhow ula shaqeyno shirkadaha isgaarsiinta si aan u hubinno in nidaamkani uu noqdo mid wax ku ool ah oo si buuxda ugu shaqeeya macaamiisha Soomaaliyeed.”

Warbixinno kala duwan ayaa lagu soo bandhigay kulanka, kuwaas oo ay ka mid yihiin shuruucda diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka, iyo sida loo fulin doono diiwaangelinta SIM-ka iyo adeegyada isgaarsiinta. Kulanka ayaa waxaa sidoo kale lagu falanqeeyay istiraatiijiyadda hawlgelinta, fursadaha iskaashi, iyo meelaha ay iska kaashan karaan NIRA, HIQ, iyo shirkadaha isgaarsiinta, iyadoo la xoojinayo ujeexdada guud ee ah in la horumariyo adeegyada isgaarsiinta ee muwaadiniinta Sooma-aliyeed.

Shirkadaha isgaarsiinta ayaa soo dhaweeyay iskaashiga iyo wada shaqaynta la xiriirta Nidaamka Aqoonsiga Qaranka, iyagoo caddeeyay inay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan NIRA iyo HIQ si ay uga qayb qaataan isku xirka nidaamka Aqoonsiga Qaranka iyo adeegyada isgaarsiinta. Sidoo kale, shirkaduhu waxay ballan qaadeen inay gacan ka geysan doonaan diiwaangelinta macaamiisha.

Madaxweynaha Soomaaliya oo diiday inuu magaalada Beijing kula kulmo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku gacan seyray inuu magaalada Beijing ee Shiinaha kula kulmo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Wararka aanu helnay waxay sheegayaan in hoggaamiyeyaal Afrikaan ah oo ay ku jiraan madaxwenaha Jabuuti, madaxw-eynaha Mauritania, iyo ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika, ahna Madaxweynihii hore ee Nigeria, Olusegun Obasanjo, ay madaxweynaha Somaaliya usoo gudbiyen soo jeedinta kulanka isaga iyo Abiy Ahmed.

Waa markii labaad oo uu madaxwe-ynaha Soomaaliya uu diido inuu la kulmo raysal wasaaraha Itoobiya.

Bartamihii sanadkan ayay ahayd markii madaxweynaha Kenya Willian Ruto uu isku dayay inuu magalada Nayrobi ku kulansiiyo Xasan Sheikh iyo Abiy Ahmed. Hase ahaatee, madaxweyne Xasan Sheikh ayaa kulankaas diiday.

Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa ku adkaysatay mawqifkeeda ku aaddan in Itoobiya ay baabi’iso heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay la gashay Somaliland, ka hor inta aan la gelin wada-hadal toos ah.

Maxkamadda gobolka Galgaduud oo shalay xukun dil toogasho ah ku fulisay askari horay dil u geystay

Waxaa shalay fagaare ku yaala maga-alada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud xukun dil toogasho ah lagula fuliyay askari ka tirsana ciidanka xoogga dalka Somalia.

newsinsdeAskarigaan xukunka dilka toogashada ah lagu fuliyay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Kaafi Cabdi, kaasoo maalmo kooban ka hor ka hor qirtay Maxkamadda gobolka Galgaduud inu si bareer ah uu u dilay marxuum lagu magacaabi jiray Duraan Jaamac Maxamed.

Toogashada Maxamed Kaafi ayaa kusoo aadeysa, kadib markii uu Maxkamadda gobolka Galgaduud uu ka hor dalbaday in lagu fuliyo dil toogasho oo ah qisaasta marxuumkii uu dilay.

Goobta toogashada ka dhacday waxaa ku sugnaa Saraakiil ka tirsan maxkamadda gobolka Galgaduud iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo sheegay in qof kasta oo dil bareer ah geysta ciqaabtiisa ay noqon doonto in isna la toogto.

Si kastaba ha ahaatee Magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa sanadkan kaliya waxaa lagu toogtay ku dhawaad 10 ruux oo lagu helay iney dilal bareer ah u geysteen dad isugu jiray askar iyo shacab, waxaana taasi ay timid kadib markii odayaasha magaaladaas ay isku raaceen in shareecada islaamka lagu fuliyo qofkii qof dila.

Laamaha amniga Puntland oo qabtay dhalinyaro geysatay falal amni darro ah oo laga abaabulay barta Tiktok

Laamaha ammaanka Puntland ayaa xaqiijiyay in ay gacanta ku dhigeen koox dhallinyaro ah oo la rumeysan yahay inay ka dambeeyaan beegsi ka dhan ah dhallinyarada kasoo jeeda deegaanka Soomaalida Itoobiya, gaar ahaan beesha Ogaadeeniya.

Falalka beegsiga ah ayaa ka dhacay magaalada Garowe dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, waxaana ay la xiriiraan dhacdo dhawaan ka dhacday magaalada Nayrobi, kaddib markii koox dhalinyaro ah oo reer Nayrobi ah ay wiil dhalinyaro oo kasoo jeeda Garowe ku jirdileen oo ay muuqaal ka duubeen, taasoo keentay in falal nuucaas oo kale ah ay ka dhacaan magaalada Garowe.

Dad badan oo ku nool Garowe oo kasoo jeeda beesha Ogaadeeniya ayay saamayn ku yeesheen dhacdooyinkaan, kuwaas oo laga abaabulay barta TikTok. Waxaa la rumeysan yahay in dhacdooyinkan ay qeyb ka yihiin qorsheyaal lagu doonayo in lagu abuuro colaad bulshada labada dhinac ah.

Laamaha amniga Garowe ayaa xaqiijiyay in dhowr dhalinyaro ah loo xiray inay ka dambeeyaan falalkan, waxaana shalay lagu waday in lagu horkeeno maxkamadda gobolka Nugaal. balse way baaqatay.

Iyadoo arintan si weyn loo hadal hayo, ayaa nabadoonada iyo hay’adaha amniga Puntland waxay shalay shir degdeg ah ku yeesheen magaalada Garowe, waxayna ku dhawaaqeen in tallaabooyin adag laga qaadi doono cidkasta oo dhibaato geysta.

Itoobiya: Madaxda Soomaaliya waxay la shaqeeyaan cadowgeenna, waana iska difaacaynaa

Dowladda Itoobiya ayaa ku dhaleeceeysay madaxda dowladda Soomaaliya inay la shaqeeyaan waxay ugu yeertay cadowga Itoobiya, iyadoo sheegtay inay ka go’an tahay inay difaacdo madax-bannaanideeda.

Taliyaha ciidammada qalabka sida ee dalka Itoobiya, Field Marshal Birhanu ayaa hadalkaan ka sheegay intii lagu guda jiray dabbaaldegga sannad-guurada 47-aad ee taliska bariga Itoobiya.

Field Marshal Birhanu Jula ayaa sheegay inay ciidamadu ugu diyaar-garoobeen inay ka hortagaan wax kasta oo khalkhal gelinaya, isla markaana ay difaacaan madax-bannaanida qaranka.

Wuxuu ka digay wuxuu ugu yeeray cadawga taariikhiga ah ee isku dayaya inay carqaladeeyaan horumarka Itoobiya iyagoo kaashanaya calooshood u shaqey-stayaal iyo khaa'inul waddan gudaha ah.

Isagoo la hadlayay saraakiil ciidan iyo saraakiil uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jeneral Abebaw Tadesse, Birhanu ayaa ku booriyay sii wadida diyaargarowga, wuxuuna muujiyay sida ay ciidankoodu u hurayaan nabadda Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee, Itoobiya ayaa halis weyn u aragta iskaashiga Soomaaliya iyo Masar, iskaashigaas oo suurtagalinaya in Masar ay qeyb ka noqoto howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya.

Xukuumadda Netanyahu oo ka tanaasuli la’ Philadelphi Corridor

Maamulka Israel ayaa waddo laami ah ka dhisaya waddada xuduudda ku taala ee kala qaybisa Marinka Gaza iyo dhulka Falastiiniyiinta laga haysto, balse ay Tel Aviv u taqaano koonfurta Israel, xilli Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu uu ku hanjabay inaysan ciidamada ka soo saari doonin Philadelphi Corridor.

Israel ayaa si dardar leh ku waddo dhismaha waddada laamiga ee ku taala xadka ay la leedahay Marinka Gaza, iyadoona waddadan ay si toos ah ugu xirmeyso Philadelphi Corridor oo isku xirto Gaza iyo Masar.

Dadka ka faallooda arrimaha gobolka ayaa waxay tani u arkaan calaamad muujineysa inaysan Israel diyaar u ahayn inay halkaasi ka baxaan waqtiga dhow.Wararka ayaa sheegaya in ay suurtagal tahay in Tel Aviv ay qorsheynayso inay waddadan u adeegsato marinka ugu weyn ee saadka iyo sahayda loo marinayo ciidamadeeda ku sugan cirifka koonfureed ee Marinka Gaza.

Raysal Wasaaraha Israel ayaa Arbacadii sheegay in Dowladda Masar ay ku guuldareysatay in ay ka hortagto hubka sida qarsooiga ah dalkeeda looga keeno ee la geeyo Marinka Gaza.

Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in ay jiraan marino dhulka hoostiisa ah oo isu furan sida uu yiri Masar illaa Gaza, taasna ay kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta ka caawineyso inay helaan hubka ay ku dagaalamayaan.

Netanyahu ayaa carabka ku adkeeyay in joogitaanka ciidamadiisa ee xuduudda Masar iyo Gaza ay muhiim u tahay amniga Israel, sidaasi daraadeedna ay khasab tahay in ciidamadu ay halkaasi sii joogaan.

Philadelphi Corridor waxay xudun u tahay dadaalada caalamiga ah ee Mareykanka uu ku doonayo in xabad joojin lagaga sameeyo Marinka Gaza.

Xamaas waxay wacad ku martay inaysan qaadan doonin wax heshiis ah, illaa iyo inta Israel ay ka aqbaleyso in ciidamadeeda ay ku celineyso barrihii ay ku sugnaayeen, ka hor dagaalka. Washington ayaa mar sii horreysay ka hortimid in Israel ay muddo dheer sii maamusho goobtaasi.

Sidoo kale Dowladda Masar ayaa ka carootay eedeymaha joogtada ah ee uga imanaya Netanyahu, iyadoona marar badan sheegtay inaysan jirin haba yaraatee wax hub ah oo iska caabinta ay ka helaan dalkeeda.

Taliyaha Ciidamada Masar, General Ahmed Fathy Khalifa ayaa Khamiistii booqasho lama filaan ah ku tegay xadka kala qaybiya Masar iyo Marinka Gaza.

Tallaabadan ayaa ka tarjumeysa, sida Dowladda Masar ay uga xun tahay eedeymaha aan caddeynta loo hayn Netanyahu ee sheegaya inay ku guuldareysatay in ay ka hortagto in Xamaas ay hubka sharci darrada ah ka hesho dhinaca Gacanka Siinaay.

Masar ayaa si weyn uga soo horjeeddo qorshaha ay Israel damacsan tahay in ay muddada dheer ku sii joogto xuduudda ay la leedahay Marinka Gaza.

Qaahira ayaa horey uga digtay dhaqdhaqaaq kasta oo militari oo Israel ay ka sameyso waddada xuduudda, bacdamaa uu nidaamiyo heshiiskii nabadda ee ay la gashay Israel, sanadkii 1979-kii.

Hase yeeshee Israel oo iska dhega tirtay digniintaasi ayaa horaantii bishii May la wareegtay Philadelphi Corridor, tanina waxay xanibtay gargaarkii bani’aadantinimo ee dadka Gaza uga imanayay dalka Masar.

Tan iyo markii Ciidamada Israel ay 7-dii May la wareegeen Philadelphi Corridor ayaa waxaan jirin wax gargaar ah oo Gaza uga yimid dhinaca Masar.

Qaahira waxay sheegtay inaysan gargaarka dib u bilaabi doonin, illaa iyo inta maamulka xadka lagaga soo celinayo gacanta Falastiiniyiinta.

Waddada Philadelphi ama Philadelphi Corridor ayuu balaceedu yahay 100-mitir, iyadoo uu illaa 13km dhirirsan yahay xuduudda Masar iyo Gaza.

Dowladda Masar ayaan wax falcelin ah ka bixin, tan iyo markii Ciidamada Israel ay soo deggeen Philadelphi Corridor. Warbaahinta gobolka ayaase ku warameysa in xiisadda labada dal ay hadda gaartay meeshii ugu sarreysay.

Senator Chris Van Hollen oo ku baaqay in lala xisaabtamo Israel

Chris Van Hollen oo ka tirsan Senatorada Mareykanka ayaa dhalleec-eeyay rabshadaha ay Israeliyiinta la deegaameyay ka wadaan Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto.

Senator Chris Van Hollen ayaa sheegay in haddii ay yihiin Senatoradii Mareykanka aysan indhaha ka qarsan karin muwaadiniintooda lagu dilayo dhulka sida xoogga ah lagu haysto, isagoo daba socdo dilkii Aysenur Ezgi Eygi Jimcihii loogu gaystay Magaalada Nablus ee Daanta Galbeed. Aysenur Ezgi ayaa ahayd gabar Turkish ah, balse sidoo kale haysatay dhalashada Mareykanka.

Senator Chris Van Hollen ayaa sheegay in 11-kii bilood ee la soo dhaafay ay Israeliyiintu dileen saddex ka mid ah muwaadiniinta Mareykanka, iyadoo aysan jirin cid loo soo xiray.

Senator-ka ayaa ku baaqay caddaalad iyo isla xisaabtan, si dhiigga muwaadiniintooda la daadiyay aanu u noqon mid meel cidlo ah ku daatay.

Waxa uu sheegay in Wasiirada xagjirka ah ee ka tirsan Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu, sida Wasiirka Amniga, Itamar Ben-Gvir iyo Wasiirka Maaliyadda, Bezalel Smotrich ay hurinayaan rabshadaha ay dadka la deegaameeyay ka sameynayaan Daanta Galbeed iyo in ay si joogta ahi ugu baaqayaan in halkaasi laga sameeyo deegaameyn cusub oo sharci darro ah.

Senator-ka laga soo doorto Gobolka Maryland ayaa sheegay in uu la kulmay qoysaska labada kale ee Mareykanka u dhashay ee ay horey Ciidamada Israel ugu dileen Daanta Galbeed, isagoona Maamulka Madaxweyne Joe Biden ku eedeeyay inaysan qaadin wax ku filan, oo caddaalad loogu raadinayo dadka ay wakiilka ka yihiin.

"Haddii Xukuumadda Netanyahu aysan caddaalad u raadinin, waa in Waaxda Caddaaladda Mareykanka ay iyadu caddaalad u raadisaa.” Ayuu yiri Senator Chris Van Hollen.

Dhanka kale Xafiiska Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in Ciidamada Israel ay daraad toogasho ku dileen gabadhaasi, oo ka mid ahayd dadka u dhaqdhaqaaqa xorriyadda Falastiin.

Xafiiska ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Ciidanka Difaaca Israel ay madaxa ka toogteen gabadhaasi oo 26 jir ahayd, xilli ay ka qayb qaadaneysay baa bayaanka lagu yiri mudaaharaad nabadeed oo looga soo horjeedo dhulka la haysto.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaan dilkeeda si toos ah ugu eedeyn Ciidamada Israel, balse waxa uu Tel Aviv ugu baaqay inay baaritaan sameyso.

Mareykanka ayaa caddaalad u raadiya muwaadiniintiisa lagu dilo dalalka kale ee caalamka, balse kuwooda lagu dilo Israel ayaad mooddaa in uu indhaha ka laabto.

Taariikhiyan, Maamulka iyo Maxkam-adaha Israel ayaan aalaaba askartooda u ciqaabin dembiyada baahsan ee ay ka gaysanayaan dhulka la haysto. Israel ayaase mararka qaarkood sameyso qirasho ay bulshada calamka ku tilmaamto mid ceeb ah, marba haddii aysan ku dhaqmeynin sarreynta sharciga.

Zelensky "Kama adkaan karno Ruushka, haddii aan la qaadin xayiraadda”

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky oo Jimcihii ka hadlayay Saldhigga Ciidanka Cirka Mareykanka ee Ramstein ee koonfurta Jarmalka ayaa sheegay in dalkiisu uu u baahan yahay in la xoojiyo awoodda ciidamadooda iyo in la qaado xayiraadda hubka, si ay isaga caabiyaan weerarada Ruushka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Ukraine ay baahi weyn u qabto in laga caawiyo in si qoto dheer ay u weerarto bartilmaameedyada militari ee gudaha Ruushka, si Moscow loogu cadaadiyo heshiis nabadeed.

"Waxaan rabnaa inaan garaacno Magaalooyinka Ruushka iyo Saldhigyada Militariga, si Putin uu u qaato heshiis nabadeed.” Ayuu yiri Madaxweynaha oo ka hadlayay kulan uu la yeeshay kooxda xiriirka difaaca ee Ukraine ee isbahaysiga uu Mareykanka hoggaamiyo. Isbahaysigan oo ka kooban in ka badan 50 dal ayaa Ukraine ka taageera dhanka hubka iyo qalabka militariga.

Madaxweynaha ayaa muujiyay inaysan dagaalkan kaga adkaan karin Ruushka, haddii aan la ilaalin sida uu yiri awoodda militariga, ee ah kordhinta nidaamka difaaca hawada, gantaalaha ridada dheer iyo in ciidamadiisa ay ku weeraraan bartilmaameedyada militari ee dhulka Ruushka.

Isagoo sii hadlayay ayuu Mareykanka ku dhaliilay inaysan wax iska bedelin siyaasaddiisa dagaalkan, isla-markaana uu hortaagan yahay in hubkiisa si toos ah loogu adeegsado hadafyada militari ee gudaha Ruushka.

Washington ayaase walaac ka muujisay in Mareykanka uu sababteeda yeesho dagaal toos ah oo lala galo Ruushka.

Wasiirka Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin oo Wariyeyaasha wax ka weydiiyeen codsiga Madaxweyne Zelensky ayaa sheegay inaanu dalna go’aamin karin dagaalkan.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Ukraine ay leedahay awood aad u qurux badan oo u gaar ah, ayna sii wadi karto iska caabinta Ciidamada Ruushka, iyadoo adeegsaneysa gantaalihii horey loo siiyay ee ATACMS iyo Shadow.

Austin ayaa sheegay in khilaafka Ruushka iyo Ukraine ugu dambayn lagu xalin doono miiska wada hadalka, balse aan la saadaalin karin sida uu yiri waqtigaasi.

"Waxaan sii wadi doonnaa inaan ka shaqayno, sidii aan Ukraine u gelin lahayn booska ugu macquulsan ee ay ku jiri karto, goorta iyo haddii maalintaas ay timaado mustaqbalka.” Ayuu yiri Austin.

Austin ayaa ku dhawaaqay xirmo cusub oo gargaar militari ah oo Mareykanka uu siinayo Ukraine, laguna qiimeeyay $250 milyan oo ay ku jiraan gantaalaha HIMARS ee Mareykanku uu farsameeyo iyo rasaasta gaadiidka gaashaaman.

Waa markii ugu horreysay oo Madaxweyne Zelensky uu booqasho ku tago Saldhigga Ciidanka Cirka ee Ramstein, si uu ula kulmo kooxda.

Mareykanka, Jarmalka, Faransiiska, Ingiriiska iyo Talyaaniga ayaa ah dalalka taageerada ugu badan siiya Ukraine, inkastoo aysan illaa iyo hadda hakin weerarada Ruushka.

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa dhawaan sheegay in reer galbeedku ay sii hurinayaan colaadda Ukraine, taasoo Moscow ku riixeysa inay weeraradeeda kordhiso.

Sergey Lavrov, Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka ayaa Arbacadii uga digay Ukraine inay sii waddo weerarada ay damacsan tahay inay ka gaysato dalkiisa, isagoo sheegay in Ukraine ay la kulmi doonto jawaab aad u xanuun badan, mar kasta oo ay weerar ku soo qaaddo dalkiisa.

Wasiirka ayaa sheegay in haddii gantaalaha ridada dheer ee reer galbeedka lagu soo weeraro dhulweynaha Ruushka ay noqon doonto khad cas, oo Ukraine iyo xulafadeeda ay ka soo gudbeen.

Lavrov ayaa Mareykanka uga digay cawaaqibka ka dhalan kara, haddii laga soo gudbo khadka cas ee Moscow.

Ruushka ayaa muddooyinkii ugu dambeysay kordhiyay weeraradiisa dalka Ukraine, ka gadaal markii Ciidamada Ukraine ay 6-dii bishii August gudaha u soo galeen Gobolka Kursk ee galbeedka Ruushka. Weeraradan oo khasaare badan gaysanaya ayaa loo fasirtay farriin uu Ruushku ugu sheegayo reer galbeedka inaanan looga adkaan karin dagaalkan.

Xurgufta Ruushka iyo xulafada reer galbeedka ayaa gaartay meeshii ugu sarreysay, tan iyo wixii ka dambeeyay dagaalkii qaboobaa.

Qaramada Midoobey oo ku talisay in si dhakhsi ah ciidan nabad ilaalin ah loogu diro Suudaan

Qaramada Midobey aya codsatay in ciidan nabad ilaalin ah la geeyo dalka Suudaan iyo in la kordhiyo cunaqabateynta hubka ee dalkaasi, si loo ilaaliyo dadka rayidka ah.

Qaramada Midoobey waxay sheegtay in ciidan nabad ilaalineed oo dhexdhexaad ah ay tahay in loo diro dalkaasi, xilli dagaalka u dhaxeeya labada janan ee ugu awoodda badan ciidamada dalkaasi uu weli saamen ba’an ku yeelanayo dadka rayidka ah.

Guddi xaqiiqo raadin ah ayaa Jimcihii soo bandhigay warbixin shegesa in dhinacyada ku dagalamaya Sudan ay gesten xadgudu-byo xun-xun o ka dhan ah xuququl insanka, kuwa oo noqon kara dembiyo dagal.

Gudiga ayaa warbixintoda ku sheegay in Ciidamada Militariga Suudaan iyo Xoogaga Gurmadka Degdegga ee RSF ay gaysteen weeraro lagu dhibaateeyay rayidka, kufsi, xarig iyo jirdil ay kula kaceen dad rayid ah, iyagoo wax ay reebteena aysan jirin.

Labada dhinac ayaa lagu eedeeyay inay gaysanayan dembiyo ka dhan ah aadan-aha, xilli aysan jirin wax xabad joojin ah oo dalka laga sameyay, tan iyo marki u dag-alku bilowday, ku dhawad 17bilod ka hor.

Guddiga ayaa warbixinta la daabacay oo ka kooban 19 bog ku saleeyay 182 wareysi oo lala yeeshay badbaadayaasha, xubnaha qoyskooda iyo marqaatiyaal. Wareysiyadan ayaa la qaaday intii u dhaxeysay billihii January iyo August ee sanadkan.

Khubarada xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobey ay taageerto ayaa sheegay in colaadda ay u muuqato mid ka sii dareyso, waxayna soo jeediyeen in la qaado tallaabooyinka lagama maarmaanka ah, sida in ciidan nabad ilaalineed loo diro dalkaasi iyo in la ballaariyo cunaqabat-eynta hubka ee Suudaan.

Guddiga ayaa ku booriyay caalamka in si dhakhsi ah ciidanka loogu diro dalkaasi, balse ma sheegin cidda ka qayb qaadan karta ama dalalka ay tahay inay ciidamo ku yaboohaan hawlgalka nabad ilaalinta.

Dagaalka sokeeye ee Suudaan ayaa bishii April ee sanadkii 2023 ka qarxay Caasimadda Khartoum, iyadoona uu si degdeg ah ugu fiday dalka intiisa kale.

Dagalkan ayaa u dhaxeeyo Hogamiyaha Golaha Talada ee Suudaan, General Abdel Fattah Al Burhan iyo kuxigeenkiisii hore General Mohamed Hamdan Dagalo, oo hadda ah Hoggaamiyaha Xoogaga RSF. Labada janan ayaa ku dagaalamaya awoodda dalka.

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad shan iyo toban kun oo qof, halka tobanan kun oo kalena ay ku dhaawacmen.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in colaadda ay ku barakaceen ku dhawaad toban milyan oo qof, waxay kaloo sheegtay in kala bar dadka reer Suudaan ay u baahan yihiin gargaar bani’aadantinimo.

Israel oo garaacday iskuul kale oo ku yaala Gaza iyo dad rayid ah oo ku dhintay

Dad rayid ah ayaa ku dhintay, kuwo kalena way ku dhaawacmeen, ka dib markii diyaa-radaha dagaalka Israel ay habeen hore garaaceen Dugsiga Halimah Al-Saadiyah ee waqoyiga Marinka Gaza.

Wakaaladda Wararka Falastiiniyiinta ee WAFA ayaa sheegtay in sideed qof ay ku dhinteen, 15 kalena ay ku dhaawacmeen weerarka lagu qaaday dugsigan oo ku yaala xerada qaxootiga Jabalia.

WAFA ayaa sheegtay in dadkan ay ka mid ahaayeen qoysaska sida khasab ahi looga soo barakaciyay guryahooda ee halkaasi u soo doontay gabaadka.

Israel oo war ka soo saartay duqayntaasi ayaa sheegtay in weerarka lagu bartilmaa-meedsaday kooxaha argagixisada, oo sida ay sheegtay ku sugnaa dhismaha iskulkasi.

Shan qof oo kale ayaa lagu dilay duqayn aroornimadii hore ee saaka loo gaystay dhisme la degana o ku yaala xerada qaxo-tiga Nuseirat ee bartamaha Marinka Gaza.

Ugu yaraan 33 Falastiiniyiin ah ayaa Jimcihii lagu dilay duqaymaha Israel ee ka sii socda Marinka Gaza, sida ay xaqiijiyeen ilaha caafimaad.

Dhibaneyaasha ugu badan ee dagaalka Israel ee Gaza ayaa ah dadka rayidka ee badbaadada u soo raadsaday kaabeyasha dadweynaha.

Laba milyan oo ka mid ah bulshada ku nool Marinka Gaza ayaa lagu khasbay in ay guryahooda ka barakacaan, tan iyo markii u dagalku bilowday. Barakacinta khasabka ayaa ah wax sharci darro ah, marka loo eego shuruucda caalamiga ah.

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa nooc kasta oo dembi dagaal ah ka gaystay Marinka Gaza, taasoo khasaaraha rayidka ka dhigtay mid aad looga argagaxo.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in 11-ka bilood ee dagaalka uu socday ay Ciidamada Israel dileen 40,878 qof oo dad rayid ah, 94,454 kalena ay dhaawaceen.

Maxay tahay sababta abalmarinta loo guddoonsiiyay ciidamada Nigeria ee ka howlgala Soomaaliya?

Howlgalka ku meel gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa abaal-marin guddoonsiisay 160-askari oo ka tirsan booliska dalka Nigeria, kuwaasi oo ku muteystay abaal-marinno sida wanaagsan ee ay u guteen howshooda nabad-ilaainta iyo amniga Soomaaliya.

Saraakiisha cutubka 12-aad ee qeybta Booliiska Nigeria (NFPU-12), ayaa billado sharafyo ka guddoomay Midowga Afrika, kaddib munaasabad uu guddoominayay Taliyaha Booliska ATMIS, Hillary Sao Kanu, oo Khamiistii lagu qabtay Muqdisho.

"Waxqabadkaaga mudada halka sano ah ee socdaalkiina shaqo waa mid amaan mudan," ayuu yiri Kanu. "Waxaad soo bandhigteen hawlkarnimo heer sare ah iyo karti-xirfadeed iyadoo lagu jiro duruufo adag. Adeeggiina waxaa lagu asteeyay geesinimo, adkeysi, iyo dadaal joogto ah oo lagu ilaalinayo dadka Soomaaliyeed iyo taageeridda hammigooda ah dal nabad, iyo ammaan ah” ayuu intaa ku daray.

Isku duwaha Tababarka Booliska ee ATMIS, Samuel Asiedu Okanta, Ku simaha Howlaha Booliska ee ATMIS Richard Evans Onyait, iyo Taliyaha Qeybta Ciidamada Gaarka ah ee Uganda ee Soomaaliya, korneyl Edward Mugisha, ayaa ka mid ahaa saraakiisha sarsare ee ka qeyb galay xafladda.

Munaasabada ayaa waxaa goob joog ka ahaa sidoo kale Saraakiisha Ciidamada Booliska iyo kuwa Militariga ee ATMIS.

Taliyaha guud ee cutubka booliiska Nigeria ciidamada Nigeria, Shehu Gani Axmed, ayaa ku ammaanay booliiskan waxqabadkooda wanaagsan iyo ka qayb qaadashada guud ahaan waajibaadka ATMIS.

"Cutub ahaan, waxaan ku darsannay qoondadeyn gaarka ah sheekada guusha ATMIS ee raadinta nabad waarta oo laga hirgaliyo Soomaaliya. Marka aan soo gabagabeyno howlaha shaqo ee aan ku jirno, waa ammaan aad u weyn in Soomaaliya ay gaarto nabadda la rabo,” ayuu yiri Mr Axmed.

Justus Asiimwe, oo ah Taliyaha Qeybta Booliska, ayaa bogaadiyay ciidamada Nigeria, waxaana uu sheegay in unugiisa ay wadaan isla howlgalka si ay u taageeraan dadaallada Soomaaliya ee dhanka nabadda iyo xasilloonida.

Cutubyada Booliiska ee ATMIS-ku waxay taageero hawleed siiyaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, sida galbinta iyo ilaalinta, amniga munaasabadaha heerka sare ah, la-talinta iyo tababaridda saraakiisha Ciidanka Booliiska Soomaaliya iyo sugidda amniga xarumaha muhiimka ah ee dowladda iyo howlo kale.

Waddamada Soomaaliya ugu deeqay ciidamada islamarkaana howlgalka qeyb ka ah ATMIS waxaa ka mid ah Ghana, Uganda iyo Sierra Leone.

Howlgalka nabad ilaalinta ee ATMIS oo hore loo oran jiray Amisom ayaa waxay howshooda ka bilaabeen dalka Soomaaliya sanadkii 2007-dii.

Howlgalka oo markii hore ahaa muddo lix bilood ah ayaa ilaa xilligan soo gaaray islamarkaana sanadba sanadka ka dambeeya waxaa la kordhiyaa waqtigooda howlgalka.

Intii ay ku sugnaayeen Soomaaliya waxyaabaha ay ku guuleysteen waxaa ka mid ahaa in magaalada Muqdisho ay ka saareen al-Shabaab.

Qeybta Booliiska ATMIS waxaa ay u xil saaran yihiin inay tababar iyo la talin siiyaan Ciidanka Booliiska Soomaaliya.

Xigasho BBC


"Dilaaga aamusan ee dariiqyadda dunida mushaaxaya, lama qaban karo lagamana dhuuman karo.”

Dilgaga aamusan ayaa dariiqyada ku dhex mushaxaya, qofka ma qaban karo, mana jirto meel qofna kaga dhuuman karo dilaagaas.

In ka badan afar milyan ayaa sanadkasta u ah dhibanayaaal, saamayntiisa ayaa gaarta ilaa sagaal iyo sagaashan boqolkiiba dadka adduunka- wasakhowga hawadu waa dhibaato caafimaad oo caalami ah.

Wasakhowga ayaa safri kara masaafo dheer, waxayna saamayn u geystaan meelaha ka fog halka ay ka yimaadaan ama ka dhashaan.

Dr Cabdullaahi Cilmi Maxamed (Asad) oo ah khabiir ku xeeldheer deegaanka iyo biyaha, ayaa BBC-da u sheegay in wasakhowga hawada uu saamayntiisu gaarto meel aan ahayn halka qiiqa badan lagaga sii daayo hawada.

"Washakhowga hawada ee ka dhaca London wuxuu saamayn ku yeeshaa Stockholm, halka kan ka dhaca Japan uu saamaynayo meelo ka fog dalkaasi." ayuu yiri Dr Cabdillaahi.

Wuxuu sheegay in dalka Hindiya oo ah mid si xooggan saamayn ugu leh wasakhowga hawada kan ka dhacaa uu saamayn ku leeyahay dalka Soomaaliya.

Tusaale ahaan wuxuu sheegay in wasakhowga hawada ee Hindiya ay soo qaadaan dabaylaha soo raacda badweynta Hindiya kuwaas oo soo gaara Soomaaliya.

" Dabaysha ayaa aad iyo aad ah sababta ugu weyn ah eed dunida ee ka dhiga wasakhowga hawada ka dhaca meel kalana imaado, tusaale ahaan dabaylaha Mansuunka ah ee hindiya o omeelaha wasakhowgu ugu badan anaga waxaa noo keenaya dabaylaha Mansuunka”ayuu yiri Dr.Asad.

Dr. Cabdillaahi, wuxuu intaa ku daray in wasakhowga hawada oo dhaliyey isbeddelka cimilada caalamka meelaha uu saamaynta badan ku yeeshay ay ka mid tahay Soomaaliya.

Sanadkii 2020-kii, Golaha Guud ee Qaramada Midoobay wuxuu ku dhawaaqay in toddobada bisha Sebtembar ee sannad kasta inay tahay "Maalinta Caalamiga ah ee Hawada Nadiif ah ee Cirka Buluuga ah," dadaalka lagu hoggaamiyo dadaallada wax looga qabanayo caqabadan.

Sida dhibaatadu u weyn tahay

Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan deegaanka (UNEP) waxay u aragtaa wasakhowga hawada inay tahay "khatarta deegaanka ugu weyn ee caafimaadka bulshada caalamka," iyadoo ku qiyaastay inay sababto dhimashada toddobo milyan oo qof oo adduunka oo dhan ah.

In kasta oo ay aad u weyn tahay, haddana khasaaruhu ku kuma koobna dhimashada tiradan dadka ah, balse waxa uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay la kulanka hawo wasakhaysan, oo gaaraysa $8.1 trillion – oo u dhiganta 6.1 boqolkiiba GDP-ga adduunka.

"In kasta oo wasakhowga hawadu ay tahay dhibaato caalami ah, haddana saameynteeda waxaa si aan qiyaas lahayn u dareemaya kuwa ku nool waddamada soo koraya, gaar ahaan kuwa ugu nugul sida haweenka, carruurta iyo waayeelka," sida ay sheegtay UNEP.

Waa maxay caqabadaha ay dawladduhu la kulmaan?

"Wasakhowga hawadu waxay ka timaadaa ilo tiro badan, labadaba mid dabiici ah iyo kuwa dad samee ah, taas oo ka dhigaysa mid adag in la xakameeyo," ayay tiri Martina Otto, Madaxa Cimilada iyo Hawada Nadiifinta ee UNEP.

Dalal badan ayaan lahayn kaabayaal dhaqaale oo lagula socon karo tayada hawada, taas oo qaali ku ah dhismaheeda iyo dayactirkeeda.

Martina, waxay aaminsan tahay in isbeddel weyn oo ku yimaada habka dawladda loo baahan yahay si hawo nadiif ah looga dhigo hanti mudan in la maalgashado.

"Intaa waxaa dheer, wax ku oolnimada sharciyada sharciyeynta way kala duwanaan kartaa, iyadoo meelaha qaar ay ka maqan yihiin sharciyo ku filan ama hababka fulinta."

Si kastaba ha ahaatee, "rabitaanka siyaasadeed iyo maalgelinta ayaa ka dhigan caqabad weyn" marka la eego arrintan.

Maxaa sababa wasakhowga hawada?

Sida laga soo xigtay Ururka Caafimaadka Adduunka, wasakhowga hawadu waa isku dhafyo isku dhafan oo ka kooban qaybo adag, dhibco dareere ah, iyo gaas.

Wasakhowga hawada waxaa lagu qiyaasaa waxa loo yaqaan xajmiga walxaha qayb ka ah kuwaas oo leh dhexroorka 2.5 micrometer ama wax ka yar ayaa khatarta ugu weyn ku ah caafimaadka bini'aadamka - sababtoo ah xajmiga yar ee qaybaha waxay ka dhigan tahay inay geli karaan dhiigga waxayna ku urursan karaan wadnaha, maskaxda iyo xubnaha kale.

Celcelis ahaan dhexroorka timaha bini'aadamku waa ilaa 70 mikromitir, sidaas awgeed qaybo ka mid ah waxay ku dhow yihiin hal-meelood meel cabbirka timaha bini'aadamka.

Qaybahaas waxaa ka mid noqon kara wax kasta oo laga bilaabo uuro qiiq, si boodhka ciidda, ilaa ama wax cad oo sida Sodium.

Sidee bay hawada wasakhaysan u saamaysaa caafimaadka?

Gelitaanka walxaha khafiifka ah ee jirkeena waxay si xun u saameyn karaan shaqada xubnahayaga.

Xogta laga helay 2019-kii ayaa muujinaysa sida hawada wasakhaysan ay uga qayb qaadato dhimashada lix xaaladood oo caafimaad oo caadi ah.

Tusaale ahaan, 17 boqolkiiba dhimashada istaroogga waxaa loo aaneynayaa walxaha hawada ka soo gudba ee gala jirka bini'aadamka, marka loo eego qiyaasaha Qaramada Midoobay.

Waxaa la aaminsan yahay in soo-gaadhista muddada-dheer ee qaybaha leh dhexroorka qiyaastii 2.5 micrometer ay ka duwan yihiin soo-gaadhista muddada-gaaban ee qaybaha isku dhexroorka ah marka loo eego dhibaatooyinka caafimaadk.

Xigasho BBC


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip