Halkan ka akhriso wararka wargeska mogdishotimes
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhiggiisa dalka Eretrea oo kulan ku yeeshay Beijing
Madaxweynaha Jamhuriyada Federalka Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamud iyo dhiggiisa dalka Eritrea Mudane Isaias Afwerki ayaa kulan-doceed ku yeeshay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.
Labada Madaxweyne ayaa waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee ku qotoma dhinacyada iskaashiga amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha gobolka.
Kulanka ayay si gaar ah diiradda ugu saareen xoojinta ahmiyadda iskaashiga dagaalka lagula jiro argagixisada iyo sare u qaadidda danaha istaraatijiyeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ereteriya.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Midowga Yurub oo ka wada hadlay ilaalinta midnimada Soomaaliya
Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweyne Ku-xigeenka Midoowga Yurub ahna Madaxa Arrimaha Siyasada io Amniga Mudane Josep Borrell aya adkeyay muhiimada ay ledahay ilalinta midnimada, madax-bananida iyo wadajirka dhuled e Jamhuriyada Federalka Somalia.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee amniga Soomaaliya iyo dedaallada wadajirka ah ee lagu ciribtirayo argagixisada, waxayna hoosta ka xarriiqeen adkeynta ilaalinta xasilloonida iyo nabadgelyada gobolka.
Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Beijing ee dalka Shiinaha ayaa halkaasi kaga qeyb galaya Shir madaxeedka Afrika iyo Shiinaha,isagoo kulan doceedyo iyo kuwo khadka ahba la qaadanaya madaxda shirkaasi ka qeyb gashay iyo kuwa caalamka.
Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay danjiraha Qatar
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar u dadhiya Soomaaliya, Dr Cabdullaahi Bin Saalim Al Nucaymi. Iyada oo kulanka diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.
Ra’iisul wasaaraha ayaa uga mahadc-eliyey Dowladda Qatar taageerada ay siiso Soomaaliyeed ee dhinacyada amniga, kaabayaasha dhaqaala iyo horumarinta adeegyada asaasiga ah.
Dhankiisa, Danjiraha Qatar ee Somalia mudane Cabdullaahi Bin Saalim Al Nucaymi ayaa xusay in ay sii wadi doonaan taageerada dhinacyada kala duwan leh, ee ay mar walba la garab taagan yihiin Dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaare Xamsa : "Hal milyan oo Soomaali ah haddii ay nolosha caadiga ah ku soo laabtaan waa tallaabo guul ah”
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay hadii Hal milyan oo Soomaali ah ay nolosha caadiga ah ku soo laabtaan, lagana saaro barakaca ay tahay tallaabo guul ah oo loo qaaday sidii xal waara oo dhammeystiran loogu heli lahaa barakacayaasha,
Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay daahfuray Qorshaha Qaran ee Wadiiqooyinka Xalka Waara ayaa intaasi ku daray si ay nolosha bulshada qeyb uga noqdaan dadka barakacayasha ah, kaalintoodana uga qaataan wax-soo saarka iyo horumarka dalka loo baahan yahay in xal waara loo helo.
"Hal milyan oo Soomaali ah haddii ay nolosha caadiga ah ku soo laabtaan, lagana saaro barakaca waa tallaabo guul ah oo loo qaaday sidii xal waara oo dhammeystiran loogu heli lahaa barakacayaasha, si ay nolosha bulshada qeyb uga noqdaan, kaalintoodana uga qaataan wax-soo saarka iyo horumarka dalka”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in barakaca daba dheeraaday uu ka mid yahay caqabadaha ugu waaweyn ee dalka soo wajahaya tobannaankii sano ee la soo dhaafay, kuwaas oo ay sababaan arrimo dabiici ah iyo kuwo bini’aadan.
Isaga oo tixraacaya saameynta isdaba jooga ah ee abaaraha, fatahaadaha, xagjirnimada rabshadaha wata iyo colaadaha, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu xusay in arrimahan ay sabab u yihiin barakaca dadka, taas oo keentay in dowladda ay mudnaanta siiso sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinkaas.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in qorshahan uu yahay mid loo dhan yahay oo dhammaan dhinacyada uu khuseeyo lagala soo tashaday, waxa uuna uga mahadceliyey hey’adaha horumarinta iyo daneeyayaasha kale ee taageerada joogtada ah ku bixiyay sidii loo hirgelin lahaa qorshahan.
Qorshaha Qaran ee xalka waara ee dhibaatooyinka barakacayaasha Somalia, oo loogu magac daray "National Durable Solutions Pathways Action Plan.”, ayaa xoojinaya dadaalka ay dowladdu ku donayso in ay wax kaga qabato dhibaatada sii kordheysa ee barakaca gudaha Soomaaliya, iyada oo barnaamijka xalka waara uu dib-u-dejin dhammeystiran u sameynayo hal milyan oo barakacayaal ah.
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo shalay daahfuray Qorshaha Qaran ee Wadiiqooyinka Xalka Waara
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa shalay daahfuray Qorshaha Qaran ee Wadiiqooyinka Xalka Waara.
Qorshahan ayaa la doonayaa in Hal Milyan oo Barakacayaal loogu sameeyo dib u deegaameyn, taas oo ka saaraynsa ku tiirsanaanta kaalmada shisheeye ee ay ka helanaan hay’adaha samafalka.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe: "Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an horumarinta waxbarashada dalka”
Kusimaha Madaxweynaha Jamhu-uriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhu-uriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegay in dowladdu ay ka go’an tahay horumarinta Waxbarashada dalka.
Guddoomiye Sheekh Aadan oo ka hadlayay ayaa ka qeyb galay xaflad ay ku qalin beddelanayeen dufcaddii 18-aad ee Jaamacadda Soomaaliya oo lagu qabtay xarunta Tiyaatarka Qaranka ayaa intaa ku daray in ay tacliintu lahayn dhammaad, isagoo Ardayda ku boorriyay in ay sii kordhiyaan aqoontooda.
"Waxbarashada ma dhamaato waxaan idiinku baraarujinayaa in aad sii laba jibbaartaan dedaalkiinna oo aad sii waddaan waxbarashada, dowladda Soom-aaliya waxaa ka go’an horumarinta waxbarashada dalka", ayuu yiri Gudoomiye Sheekh Aadan Madoobe.
Sidoo kale, waxa uu ku dheeraaday muhiimadda ay waxbarashada leedahay, kaalinta bahda waxbarashada gaarka ah ay kasoo qaateen horumarinta waxbarashada dalka iyo waxbaridda ubadka Soomaaliyeed.
Munaasabaddan oo ay ku qalin beddelanayeen arday gaareysa 1721 oo isugu jira heerarka kala duwan ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare, Xildhibaano, waalidiinta ardayda iyo aqoon yahanno Soomaaliyeed.
Wasiir Daa’uud Aweys: "Waxaa la joogaa xilligii dib loo soo nooleyn lahaa doorkii Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed.”
Wasiirka Wasarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa sheegay in la joogo xilligii dib loo soo nooleyn lahaa doorkii Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed.
Wasiir Daa’uud oo soo xirayay tababar lagu baranayay habka sameynta iyo soo saarista Filimada ayaa intaa ku daray in ay ahmiyad ballaaran u leeyihiin dalka Filimada gaagaaban ee bulshada loo gudbinayo marka la eego marxaladda soo kabashada ah ee haatan lagu jiro.
Wasiir Daa’uud Aweys "Waxaa la joogaa xilligii dib loo soo nooleyn lahaa doorkii Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed.”
Munaasabadda xiritaanka Tababarkan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Warfaafinta Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, kusimaha agaasimaha guud ahna agaasimaha maamulka iyo Maaliyadda Cabdinaasir Xasan Xuseen iyo qaar kamid ah agaasime waaxeedyada Wasaaradda.
Tababarkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta isla markaana soconayay muddo 5 cisho ah ayaa loo qabtay 30 xubnood oo ka kala socda shirkadaha Filimada iyo Warbaahinta, waxaana inta uu socday lagu bartay casharo laxiriira habka sameynta iyo soo saarista Filimada bulshada loo gudbinayo.
Kusimaha Agaasimaha guud ahna agaasimaha maamulka iyo maaliyadda mudane Cabdinaasir Xasan Xuseen ayaa bogaadiyay ka qeybgalayaasha tababarka, si bulshada ay ula wadaagaan farriimo wacyigelineed.
Ugu dambeyntii wasiirka Warfaafinta XFS ayaa shahaadooyin guddoonsiiyay ka qeybgalayaasha tababarkaan iyo macallinkii duruusta bixinayay.
Wasiiru dowlaha Is-gaarsiinta XFS oo Paris kaga qeybgalay shir looga hadlaya Dhijitaalka
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Cismaan Diiriye,ayaa Magalada Paris ee Caasimada Waddanka France ugu qeybgalaya Shir looga hadlaya Arrimaha Dhijitaalka oo lagu qabtay Xarunta Dhexe ee Hey’adda UNESCO.
Munaasabaddan muhiimka ah waxay isu keentay hoggaamiyeyaasha dhijitaalka, kuwa sameeya siyaasadaha, cilmi-baarayaasha, iyo khubaro ka kala yimi daafaha dunida, oo ay ku jiraan wakiillo ka socda hay’adaha Qaramada Midoobay, dowladaha, hay’adaha aan dowliga ahayn, iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay.
Wasiiru-dowlaha Axmed Cismaan Diiriye ayaa Intii uu shirku socday, waxa uu la kulmay mas’uuliyiin kala duwan waxa uuna kala hadlay saameynta Garaadka Macmalka ah (Artificial Intelligence) uu ku leeyahay nolosha aadmaha ee xiligan iyo sidii si hufan looga faa’iidaysan lahaa.
Shirkaan, ayaa ka mid ah Shirrarka muhiimka ah ee lagu soo bandhigo Hormarka Dhijitalka io Garadka macmalka ah, waxaana Dowladda Soomaaliya ay wadaa Shurucdii lagu hagi lahaa maadama Teknolojiyad qaar ay dunida ku cusubyihin.
Dagaal beeleedyo ka dhacay qeybo ka mid ah Shabeellada hoose oo xal laga gaaray
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose Maxamad Ibraahim Barre ayaa sheegay in xal laga gaaray dagaal beele-edyadii ka dhacay deegaannada Numbar 50 iyo Bariirre ee Gobolka Shabeellada hoose.
Guddoomiyaha oo u warramayay warbaahinta Qaranka ayaa intaa ku daray in deminta colaad beeleedyadaasi uu gacan ka geystay in la wada hadlo, iyagoo dhamaystirka wixii dhimanna ay kala xaajoodeen Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, wuxuna sheegay in wax garadku ay la qaateen tallaabooyinka uu maamulka qaaday.
Guddoomiye Maxamad Ibraahim ayaa tilmaamay ayaa dagaal beeleedyadu ay abuuraan argagixisada si ay cimri dherersi ugu noqoto, balse ay dhagartooda ka feejigan yihiin haatanna ay wadaan sidii loo heshiisiin lahaa beelaha ay xurguftu ka dhaxayso eek u dhaqan gobolka Shabeellada hoose.
Shir looga hadlayay dhaqaalaha Baluugga ah oo lagu soo gaba gabeeyay Muqdisho
Waxaa Muqdisho lagu soo gabagabeeyay kulan talo wadaag ah oo labadii maalin ee laso dhafay ay kaga dodayen dhinacayada ku howlan dhaqaalaha bulluugga ah.
Kulanka ayaa intii uu socday waxaa si weyn loogu gorfeeyay horumarinta iyo ka faa’iideysiga dhaqaalaha Bulluugga ee dalka iyo diyaarinta istiratiijiyad hormarsan oo qeyb ka noqon karta kuwa wadamada ku bahooday Bulshada Bariga Afrika.
Shirka oo ay qaban qaabadiisu iska kaashadeen Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga XFS iyo Guddiga Dhaqaalala Africa (UNECA SROEA) ayaa waxaa ka qayb galay dhina-cyada ku fooggan Dhaqaalaha Buluugga oo ay kamid yihiin wasaaradaha heer federaal, xarumaha waxbarashada iyo khuburo dhinaca Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Bulluugga ah.
Kulanka ayaa laysku dhaafsaday aragtiyo, doodo iyo farsamooyin ku saabsan diyaarinta Istiraatiijiyad lagu maamulo laguna horumarin karo dhaqa-alaha Buluugga ah ee dalka taas oo la jaan-qaadeysa kuwa wadamada Bulshada Bariga Afrika oo uu dhawaan dalkeennu xubin buuxda ka noqday.
Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee XFS oo kaashaneysa dhinacyada kala shaqeeya Dhaqaalaha Bulluugga iyo urur goboleedka IGAD ayaa ku guuleysatay in ay hirgeliso siyaasadda Qaran ee dhaqaalaha Buluuga iyo hannaanka isla maareynta dhaqaalaha Bulluugga ee guud ahaan dalka.
Dowladda FS oo war-Saxaafadeed kasoo saartay howlgallo lagu laayay Malleeshiyaad Al-shabaab ah
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay War-Saxaafadeed ka soo saartay howlgallo lagu laayay Malleeshiyaad Al-shabaab ah oo ka dhacay Gobollada Galgaduud iyo Shabeellada dhexe.
War-Saxaafadeedka ayaa lagu yiri In ka badan 19 ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu dilay howlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibada caalamka, kaas oo ka dhacay deegaanno ka kala tirsan gobollada Galgaduud iyo Shabe-ellada dhexe.
Howlgalka koowaad oo socday muddo ka badan 24-saac ayaa ka dhacay tuulada Geed Ma’arke oo hoos tagta degmada Ruunirgood, halkaas oo ay isku diyaarinayeen Al-shabaab, goobtaas ayaa lagu dilay ilaa iyo 14 ka tirsan Al-shabaab.
Howlgalka labaad ayaa lagu beegsaday goob Isbaaro u ahayd cadowga oo ay doonayeen inay ku baadaan dadka safarka ah, kuna taalla deegaanka Ceel Heelle, waxaana goobtaasi lagu dilay shan xubnood oo Al-shabaab ah.
Sidoo kale fariisinka Ceel Heelle waxaa lagu burburiyay gaadiid dagaal oo cadowgu kala soo baxsadeen halka uu ka dhacay howlgalka koowaad, kuwaasi oo ay ku jiraan gaari nooca loo yaqaano Cabdi-Bilaha iyo gaari booyad ah.
Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya geesiyaasha shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka ayaa labo jibbaarey howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, iyado dowladda ay ka go’antahay ciribtirka cadowga Al-shabaab ah.
Duqeymo diyaaradeed oo ka dhacay xadka gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn diyaaradeed oo saacadahii lasoo dhaafay lala eegtay goobo ay ku sugnayen xubno ka tirsan kooxda Al-shabab oo ku yala xadka gobolada Shabellaha dhexe iyo Galgaduud.
Duqeymaha diyaaradeed ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Cali Heyle oo dhaca xadka Galgaduud iyo Shabeellaha dhexe, halkaas oo lasoo wariyay iney isku arursanayeen xubno ka mid ah Al-shabaab.
Duqeynta ayaa la tilmaamay iney khasaare xoog leh kasoo gaartay xubnaha Shabaab ee isku aruursanaayay goobaha la duqeeyay, hayeshee ma jirto faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan inta u dhan yahay khasaaraha gaaray kooxda.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxman Sheekh Yuusuf Alcadaala ayaa qoraal kooban uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in howlgalo socday labadii habeen ee lasoo dhaafay guulo ka gaartay dowladda.
"Hawlgallo xoogan oo ka dhan ah Khawaarijta ayaa Labadii habeen ee lasoo dhaafay laga fuliyay Galguduud, waxaa la beegsaday goobo ay ku dhuumanayeen Khawaarijta iyo Gaadiid Saanad u waday, Guul ayaana laga gaaray, faahfaahinna waad helaysaan IA" ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Alcadaala.
Si kastaba ha ahaate howlgaladaan duqeynta ah ayaa kusoo aadaya, iyadoo dowladda Fedaraalka ay qorsheysay in la xoojiyo howlgalada dhanka hawada ah, kadib Shirkii Wasaaradda Gaashaandhiga dhawaan ku dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin.
Somaliland oo sheegtay in maxkamad la saarayo Xildhibaan Maxamed Abiib
Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in Xildhiban Maxamed Abib Yusuf u ku kacay falal qarandumisnimo ah, maxkamadna la horgayn doono.
Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Guddaha abdillaahi Xuseen Maxamed ayaa sheegay dacwada Maxamed Abiib ay Golaha Wakiilada dhex taalay muddo badan, isla markana golaha laga waayay jawaab celin, taasina ay keentay in talaabo la qaado.
"Dibada ayuu u dhoofay waxa uu la kulmay masuuliyiin Somalilland duminteda ka shaqaynaya, laamaha amniga waxaa qasab ku noqotay mar hadii baarlamaanku isagu shaqadiisii qabsanwaayay, in ay talaabo sharciya ka qaadaan" ayuu yidhi Wasiir Maxamed.
Waxa uu sheegay in xildhibaanka aan lagu xidhin in uu yahay mucaarad, in uu SNM duray, qabiilnimo iyo wixii la mid ah, ee loo haysto eedo qaran-dumisnimo ah, eedahaas oo caddaymo buuxda loo hayo, maxkamadana loo gudbin doono.
Waxa u eedeyay xildhibano kale oo aanu magac dhabin kuwaasi oo uu sheegay in ay Abiib kala shaqenayen falal lagu duminayo Somaliland, kuwaasi oo caddayn loo hayo oo dhawaan maxkamad la horgayn doono.
Xildhibaanka ayaa ku xidhan xabsiga Madheera ee gobolka Saaxil, iyada oo la filayo in maxkamad la horgeyo, siyasiyiinta mucaradka ayaa aad uga soo horjedsaday xadhigiisa.
Madaxweynaha Masar oo booqashadii ugu horreysay ku tegay Turkiga
Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah El-Sisi ayaa shalay booqashadiisii ugu horreysay ku tegay dalka Turkiga, tan iyo intii uu noqday Madaxweynaha Masar.
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa dhiggiisa Masar ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Esenboga ee Magaalada Ankara.
Wasiirka Arrimaha Dibadda, Hakan Fidan, Gudoomiyaha Gobolka, Vasip Sahin iyo masuuliyiin kale ayaa Madaxweynaha Turkiga ku wehlinayay munaasabadda soo dhaweynta.
Hoggaamiyeyaasha labada dal ayaa wada hadalo uu heerkoodu sarreyo ku leh Xarunta Madaxtooyada Qaranka ee Ankara.
Booqashadan ayaa imanaysa, ka dib markii Madaxweyne Erdogan uu bartamihii bishii February booqday Masar, taas oo noqonayso booqashadiisii koowaad ee uu ku tago dalkaasi, tan iyo 2012.
Madaxweyne Erdogan ayaa xilligaasi qaaday tallaabo weyn oo lagu hagaajinayo xiriirka labada dal. Xiriirkooda ayaa xumaaday sanadkii 2013, markaas oo Sisi oo ahaa Wasiirka Gaashaandhigga uu afgembiyay Madaxweynihii, sida dimoqraadiyadda ah lagu soo doortay ee dalkaasi Mohamed Morsi. Allaha u naxariistee Morsi ayay saaxiib dhow ahaayeen Erdogan.
Madaxweyne Sisi ayaa war uu soo saaray ku sheegay in socdaalkiisan uu ka tarjumayo rabitaanka guud, ee ah in la bilaabo bog cusub oo saaxiibtinimo iyo iskaashi.
Labada Madaxweyne ayaa si wadajir ah u guddoomin doona shirka furitaanka ee Golaha Iskaashiga Istiraatiijiyadeed ee Heerka Sare, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Madaxtooyada Turkiga.
"Dhammaan dhinacyada xiriirka Turkiga iyo Masar ayaa dib loo eegi doonnaa. Tallaabooyinka wadajirka ah ee la qaadi karo muddada soo socda, si loo sii wanaajiyo iskaashiga laba geesoodka ah ayaa looga hadli doonnaa shirka.” Ayaa lagu yiri bayaanka.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in labada dowladood ay kala saxiixan doonaan heshiisyo dhowr ah, inta lagu guda jiro kulanka.
Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale ka wada hadli doona arrimaha gobolka iyo caalamka ee hadda jira, gaar ahaan dagaalka Marinka Gaza iyo hawlgalka ay Israel ka waddo Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto.
Ankara ayaa sanadkii 2020 bilowday dadaalo diblomaasiyadeed, oo ay hoos ugu dhigeyso xiisadda kala dhaxeysa Dowladaha Bariga Dhexe qaarkood, sida Sacuudiga, Emirate-ka Carabta iyo Masar.
Hantidhowraha Qaranka oo Norway kula kulmay Ururka Caalamiga ah ee Hay’adaha Hantidhowrka
Hantidhowraha Guud ee JFS, Axmed Ciise Guutaale iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Oslo ee dalka Norway kulan kula qaatay Ururka Caalamiga ah ee Hay’adaha Hantidhowrka (INTOSAI) iyo Hindisaha Caalamiga ah ee Horumarinta Hay’addaha Hantidhowrka Adduunka (IDI).
Sidoo kale, Hantidhowraha Guud ee JFS oo booqday Baarlamaanka Norway ayaa kulan ku saabsan wadaagga xirfadaha iyo waayo-aragnimada la yeeshay Guddiga Joogtada ah ee Korjoogteynta iyo Arrimaha Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Norway.
Hantidhowre Axmed Ciise Guutaale ayaa sidoo kale kulamo la qaadanaya hay’adaha kale ee ka shaqeeya hufnaanta iyo horumarinta dalka Norway.
Ruushka oo weerar ay dad ku dhinteen ka gaystay Magaalada Lviv
Ruushka ayaa shalay garaacay magaalooyin ay ka mid tahay Caasimadda Kyiv, tani oo qayb ka ah kororka weerarada ee ka sii socdo dalkaasi.
Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in shalay ay qaraxyo waaweyn ruxeen magaalo madaxda dalkaasi ee Kyiv, inkasto aysan sheegin cid wax ku noqotay.
Ruushka ayaa sidoo kale garaacay bartilmaameedyo ku yaala Magaalooyinka Lviv iyo Kryvyi Rih, iyadoo shan qof ay ku dhaawacmeen weerar gantaal oo ka dhacay Kryvyi Rih.
Ugu yaraan toddobo qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen, 38 kalena ay ku dhaawacmeen, markii gantaalo iyo diyaarado drones ah lagu weeraray dhismayaal ku yaala Magaalada Lviv.
Masuuliyiinta ayaa sheegay in dadka ku dhintay weerarka Lviv ay ku jiraan saddex carruur ah.
"Carruurta ku dhimatay weerarka waxaa ka mid ah gabar 9 jir ah iyo wiil 10 jir ah.” Ayuu yiri Duqa Lviv, Andriy Sadovyi.
Ruushka ayaa sii wada weeraradiisa Ukraine, ka dib weerarkii ay dadka faraha badan ku dhinteen ee daraad ka dhacay Magaalada Poltava. Weerarka ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay 51 qof, halka 271 kalena ay ku dhaawacmeen.
Weerarkan ayaa dhaliyay codsi cusub oo Dowladda Ukraine ay u jeedisay xulafadeeda reer galbeedka, oo ku saabsan in ay kaalmo militari soo gaarsiiyaan dalkeeda, si ay isaga caabiso weerarada Ruushka.
Ka dib markii Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky uu si degdeg ah u codsaday gargaarka militari, Afhayeenka Amniga Qaranka ee Aqalka Cad, John Kirby oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Washington ay kaalmo militari oo dheeri ah u diri doonto Kyiv, toddobaadyada soo socda.
Aqalka Kremlin-ka ee Ruushka ayaan weli ka hadlin weeraradan ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka Ukraine, balse waxaa cad in Ruushku uu carreysan yahay.
Ruushka ayaa dhowr iyo tobankii cisho ee ugu dambeysay gaysanayay weeraro ay dad badani ku dhimanayaan, ka gadaal markii Ciidamada Ukraine ay 6-dii bishii August gudaha u galeen gobolka galbeedka Ruushka ku yaala ee Kursk.
Madaxweyne Vladimir Putin ayaa mar sii horreysay sheegay in Ukraine ay ka shalaayi doonto waxa uu ku sheegay weerarka argagixiso ee ay ku soo qaadday dalkiisa.
Ukraine ayaa muddooyinkan ka codsaneysay reer galbeedka inay u ogolaadaan in gantaalaha ridada dheer ay horey u siiyeen ciidamadeeda ay ku weerari karaan bartilmaameedyada militari ee gudaha Ruushka.
Minnesota: Shir Sannadeedka 21aad ee IANA oo Dhiirigelinaya Midnimada, xasilinta qoyska, iyo ilaanta diinta iyo dhaqanka
Kulankii 21aad ee Jamciyada Islamka ee Waqooyiga Ameerika (Islamic Association of North America IANA) ayaa lagu qabtay magaalada Minnespolis Sebteembar 1deedii 2024. Kulankaan waxaa lagu soo bandhigay barnaamijyo loogu talo galay da’yarta iyo dadka waawayn, tababaro loo sameeyay hogaanka dhallinyarada, imaamyada, iyo maamulayaasha masa-ajida, oo ay soo jeediyeen khubaro aqoon u leh mawaadiicda loo igmaday iyo culumo waawayn oo dunida aad looga yaqaano. Sidoo kale, waxaa shahaadooyiin la gudoonsiiyay arday ka qalin jabisay quraanka iyo machaahida ka tirsan IANA are ku yaala gobalka Minnesota.
Jamciyada Muslimiinta ee Waqooyiga Ameerika waxaa ku midoobay ku dhawaad Afartan Masjid iyo markaz oo ku yaala dhamaan dalka Maraykanka.
Sh. Maxamed Mursal oo ah Gudoomiyaha golaha shuurada oo furay mu’tamarka ayaa ku nuuxnuuxsaday muhimada ay leedahay in Muslimiinta, gaar ahaan Soomaalida ay ilaashadaan diintooda, iyo dhaqankooda iyaga oo xooga saaraya barasahda diinta Islaamka. Sh Maxamed Mursal ayaa goobta ka sheegay "Waa in aan ilmaheena barnaa diintooda, ilaalinaa dhaqankooda iyo luqadooda si aan u badbaadino mustaqbalkooda.” Sheilka ayaa intaa ku daray in IANA ay mar walbo garab taagan tahay qoysaska Soomaalida ah ee la daalaadhacaya dhibaatooyinka faraha badan ee ay wajahayaan caruurtooda sida daroogada, aqoon yarida, xanuunada maskaxda, guryo la’aanta IWM.
Halkudhaga kulan-diimeedka ayaa ahaa "wax cadaynta xilliga jahwareerka” oo looga gol lahaa in Muslimiinta loo cadeeyo waxa ay samayn lahaayeen xili ay jiraan jahwareer badan. Waaka Sh. Yussuf Abdulle oo ah agaasimaha guud ee IANA oo ka hadlaya sababta ay u doorteen halkudhagaan. "Maadaama wareer badan uu ka jiro dhinacya badan oo khuseeya jaaliyada sida burburka qoysaska oo sii badanaya, dayaca caruurta, waxbarashada oo culays badan uu ka jiro, xilliga doorashooyinka oo wareer badan uu ka jiro, iyo arrimo kale oo falanqayn u baahan waxaa muhiim noqotay in arrimahaas si fiican loo iftiimiyo si wareerkaas looga boxo ama loo yareeyo.”
Kulankaan waxaa lagu soo gudbiyay muxaadarooyiin ku baxay luqadaha ingisriiska iyo Soomaaliga kuwaas oo loogu talo galay da’yarta iyo dadka waayayn. Mawaadiicdaan waxaa ka mid ahaa, doorashooyinka dalka maraykanka ka socda iyo sida ay muslimiintu danohooda ugu istaagi lahaayeen, dhibaatada waxbarashada ka haysata qoysaska Soomaaliyeed, xaqiiqda maalinta Qiyaamo, Xanuunka iyo caafimaadka dhimirka, ilaanta shakhsiyada qofka, guurka iyo badbaadinta wadajirka qoyska,ka feejignaanta dhaqamada xunxun iyo ilaalinta qiyamka akhlaaqeed ee qoyska iyo qofka muslimka ah, iyo canaawiin kale oo muhiim ah.
Dadkii ka soo qayb galay mu’tamarka ayaa ku amaanay kulan-diimeedka sida loo soo agaasimay iyo kala duwanaashaha mawaadiicda laga hadlay. Fadumo Hassan oo 25 jir ayaa cabirtay dareenkeeda. "Waxaan aad ooga helay hanaanka barnaamijyada loo sameeyay, run ahaantii aad ayaan ooga faa’idaystay”. Faadumo ayaa intaa ku dartay in ay aad u jeclaysatay in caruurta loo sameeyay meel lagu hayo oo amaan ah inta ay dadka waawayn muxaadarooyiinka dhagaysanayaan.
Sidaa si la mid ah waxaan la hadalnay Mahad Faarax oo yimi dalka Maraykanka 2004, waxaa uu inoo sheegay in sadex ciyaal ah oo uu dhalay shalay shahaadada qalin jabinta la gudoonsiiyay. Waxaa uu intaa raaciyay "Waxaan aad oogu mahad celinayaa cumulada Soomaaliyeed oo marwalbo u taagan ilaalinta diinta iyo jiritaanka umada Soomaaliyeed.”
Culamadii meesha ka khudbaystay ee luqada Ingiriiska waxaa ka ka mid ahaa Amir Muhadith, Sh. Okasha Kameny, Sh. Mufti Muneer, Sh. Abdulbary Yahya, Ustada Kaltun Karani, iyo kuwo kale oo badan. Dhanka Soomaaliga culumadii ka hadashay waxaa ka mid ahaa Sh. Abdirahman Sh. Omar, Sh. Abdirahman Bashir, Sh Abdirizak Hashi, Sh. Abdullahi Nur (Abul Fadli), sh Cabdullahi Ibrahim, iyo culumaa’udiin kale oo fara badan oo mug iyo miizaanba ku leh dacwada.
Sh. Yussuf ayaa kulanka ku tilmaamay in uu guulaystay dadkii ka soo qayb galayna ay aad ooga faa’idaysteen. "Si fiican ayuu u guulaaystay sida aan ku helayno falcelinta ka qayb galayaasha. Si mug leh ayaa looga soo qayb galay, mawaadiic xiiso leh oo laga jeediyay, iyo sida looga qayb qaatay.”
Biden oo wax laga xumaado ku tilmaamay weerarka lagu hoobtay ee ka dhacay Poltava
Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa cambaareeyay weerarka uu Ruushku Talaadadii ka gaystay dalkaasi Ukraine, oo galaaftay nolosha 51 qof.
Ruushka ayaa gantaal nooca ballaastikada ah ku weeraray magaalada bartamaha Ukraine ku taala ee Poltava. Masuuliyiinta ayaa xaqiijiyay in weerarka ay ku dhinteen 51 qof, 271 kalena ay ku dhaawacmeen.
Weerarkan ayaa noqonaya mid ka mid ah weeraradii ugu dhiig daadashada badnaa ee ka dhaca dalkaasi, tan iyo markii Ciidamada Ruushka ay gudaha u galeen Ukraine, horaantii sanadkii 2022.Madaxweynaha Mareykanka ayaa Ruushka ku dhalleeceeyay inuu gantaal halis ah u adeegsaday Poltava, isagoona weerarkaasi ku tilmaamay mid laga xumaado.
"Weerarkani wuxuu xusuusin naxdin leh u yahay isku dayga xun ee Putin uu ku doonayo inuu ku jebiyo rabitaanka dadka xorta ah.” Ayuu yiri Madaxweyne Biden.
Madaxweyne Biden ayaa warsaxaafadeed uu habeen hore soo saaray ku sheegay in Washington ay sii wadi doonto taageeradeeda Ukraine, isla-markaana ay siin doonto nidaamka difaaca hawada ee ay u baahan tahay, si buu yiri ay isu difaacdo.
Weerarkan ayaa burbur u gaystay qayb ka mid ah Dhismaha Machadka Militariga ee Poltava, sida uu sheegay Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in illaa 10 dhisme oo kale uu burbur ka soo gaaray weerarka, isagoo intaasi ku daray in burburka dhismayaasha laga baadigoobayo, haddii ay jiraan dad nool.
Madaxa Maamulka Militariga ee Poltava, Filip Pronin ayaa sheegay in masuuliyiintu ay rumeysan yihiin in illaa 18 qof ay ku hoos jiraan burburka dhismayaasha.
Madaxweyne Zelensky ayaa dalalka reer galbeedka weydiistay in ay kaalmo hor leh siiyaan dalkiisa, si ay isaga caabiyaan weerarada Ruushka.
"Nidaamyada difaaca hawada iyo gantaalaha ayaa looga baahan yahay Ukraine.” Ayuu yiri Zelensky oo codsaday in si degdeg ahi lagu la soo gaaro gantaalahaasi.
Poltava ayaa 350km jihada koonfur bari kaga beegan Caasimadda Kyiv. Maga-alada waxaa mara jidka tareen ee isku xira Kyiv iyo magaalada labaad ee dalkaasi ugu weyn ee Kharkiv.
Dowladda Mareykanka oo dacwado ku soo oogtay 6 ka mid ah Saraakiisha Xamaas (Magacyadooda)
Dowladda Mareykanka ayaa dacwad ku soo oogtay Hoggaamiyaha Ururka Xamaas, Yahya Sinwar iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Xamaas.
Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa Saraakiishan la xiriirisay inay ka dambeeyeen weerarkii 7-dii bishii October ka dhacay dhulka ay Israel maamusho, kaas oo lagu dilay 1,200 oo qof.
Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa Saraakiisha reer Falastiin ku soo oogtay toddobo fal dembiyeed, oo ay ka mid yihiin dil loo gaystay muwaadiniin Mareykan ah, maalgelinta argagixisada iyo adeegsiga hubka wax dila.
Mareykanka ayaa Saraakiishan ku eedeeyay inay muddo tobanaan sano ah wadeen weeraro lagu dilayay muwaadiniinta Mareykanka iyo khatar amni oo ka dhan ah dalka Mareykanka.
Saraakiisha Xamaas ee dacwadda lagu soo oogay oo lix gaaraya ayaa ah Saraakiisha ugu muhiimsan Xafiiska Siyaasadda iyo Garabka Militariga Xamaas.
Xubnahan waxaa ka mid ah Ismail Haniyeh, Madaxii Xafiiska Siyaasadda Xamaas, kaas oo 31-kii bishii July lagu dilay weerar ka dhacay dalka Iran.
Xubnaha kale waxaa ka mid ah Mohammed Deif, oo ah Taliyaha Garabka Militariga Xamaas, Marwan Issa, Ali Baraka iyo Khaled Mashal oo horey u soo noqday Hoggaamiyaha Xamaas.
Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa sheegtay in la rumeysan yahay in saddex ka mid ah Saraakiishan ay dhinteen.
Washington ma sheegin waxa Xamaas ku khasbay inay weeraro kaga aargutaan gumeystaha Israel, oo la ogyahay dhibaatada baahsan ee ay ku hayaan shacabka Falastiiniyiinta.
Si kastaba ha-ahaatee waa dacwaddii ugu horreysay ee ceynkeeda ah uu Mareykanku ku soo oogo Saraakiisha Ururka Xamaas, inkastoo Mareykanka uu horey Xamaas ugu daray liiska argagixisada.
Dacwaddan ayaa imanaysa, xilli Mareykanku uu isku dayayo in uu riixo dadaalada caalamiga ah ee lagu dhexdh-exaadinayo Xamaas iyo Israel, si loo dhameystiro heshiiska xabad joojinta Gaza iyo maxaabiis is dhaafsiga ee labada dhinac.
Xamaas ayaa dhowr jeer oo hore Mareykanka ku eedeysay in uu hal dhinac ka yahay colaadda muddada dheer ka jirta Bariga Dhexe.
Mareykanka oo sheegay in la joogo waqtigii la dhameen lahaa dagaalka Gaza
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Matthew Miller ayaa sheegay in la joogo waqtigii la soo afjari lahaa colaadda Gaza, lana sii deyn lahaa maxaabiista.
Afhayeenka oo gelinkii dambe ee Talaadadii Warbaahinta la hadlay ayaa Israel iyo Xamaas ugu yeeray inay dhameystiraan heshiiska.
"Waa waqtigii la dhameen lahaa dagaalka Gaza, waana waqtigii la dhameystiri lahaa heshiiska.” Ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.
Afhayeenka ayaa yiri "Dadka Israel ma awoodaan inay sugaan waqti dambe. Shacabka Falastiin ayaa sidoo kale la ildaran saameynta xun ee dagaalkan, mana awoodaan inay sugaan waqti kale. Dunida ayaa iyana sugi karin in waqti dambe uu lumo.”
Matthew Miller ayaa intaasi ku daray in Mareykanka uu la shaqayn doono saaxiibada gobolka, si loo riixo buu yiri heshiis kama dambeys ah.
Khalil Al-Hayya oo ka tirsan Saraakiisha Ururka Xamaas ayaa sheegay in Xamaas ay diyaar u tahay heshiiska, loona baahan yahay in Israel ay iyana aqbasho.
Wada hadaladii ugu dambeeyay ee bishii August ka qabsoomay Masar iyo Qatar ayaa lagu guuldareystay in heshiis lagaga gaaro xabad joojinta Gaza, ka dib markii Israel ay ku adkeysatay inaysan ciidamadeeda kala bixi doonin Philadelphi Corridor iyo Netzarim.
Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa Isniintii ku celiyay inaysan marnaba ciidamada ka soo saari doonin Waddada Philadelphi ama Philadelphi Corridor ee ku taala xadka Marinka Gaza iyo Masar.
Ezzat Al-Rishq oo ka tirsan Saraakiisha Ururka Xamaas ayaa sheegay in Netanyahu uu yahay shakhsiga diidan in wada hadaladu ay shaqeeyaan.
Matthew Miller, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Marey-kanka ayaa sheegay in Washington ay ka soo horjeeddo in Israel ay muddo dheer ku sii sugnaato Philadelphi Corridor.
Mareykanka ayaa arka in Israel ay carqaladeynayso wada hadalada, haddana waxaa muuqata illaa iyo hadda inuusan adeegsan awoodiisa, si loo soo afjaro colaaddan.
Halkan ka akhriso wararka wargeska mogdishotimes
.