halkaan ka aqriso wararka wargeska mogdishotimes

0
Wednesday September 04, 2024 - 12:02:14 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 138
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeska mogdishotimes

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray dalka Shiinaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Mudane Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi uu hogaminayo ayaa gaaray magalada Beijing ee casimada dalka Shiinaha.

Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa halkaasi kaga qeyb galaya Shir madaxeedka Afrika iyo Shiinaha, waxaana lagu wadaa in halkaasi uu kula kulmo dhiggiisa dalka Shiinaha iyo madax kale oo ka socota Qaaradda Afrika.

Shirkan o muhimad wen u leh xirirka labada dhinac ayaa lagu gorfen-dona iskashiga dhinacyada hormari-nta kaabayasha dhaqalaha, ganacs-iga, warshadaha, cafimadka io amniga.

Wasiirka gaashaandhigga oo la kulmay dhigiisa Turkiga

Wasiirka wasaarada gaashandhiga dowladdaFS mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa xarunta wasa-arada difaaca Qaranka Turkiga ee magaalada Izmir ee dalka Turkiga kulan wax ku ool ah kula yeeshay dhiggiisa Jamhuriyada aan walalaha nahay ee Turkiga mudane Yaşar Güler o uu wehliyo wasiirka tamarta iyo Kheyradka dabiciga ah e Turkiga mudane Alparslan Bayraktar.

Kulamada wasiirrada ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga Somalia iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada difaaca, amniga iyo tamarta.

Serbia oo Soomaaliya ka caawinaysa cilmiga duulista hawada

Danjiraha dowladda FS u fadhiya dalka Serbia Maxamed Cabdullaahi Axmed aya shalay waxa uu boqasho ku tagay kuliyada lagu barto wadista gaadiidka hawadda ee (Linx Aviation Pilot) ee ku taal magaada Belgrade.

Danjiraha ayaa la kulan la qaatay mulkiilaha Linx ATO, ahna madaxa Akadeemiyada, Captain Mladen Petković, waxaana danjiraha iyo madaxa Linx ay ku heshiiyen inay si dhow uga wada shaqeyan iskashiga tababarida duuliyeyal Soomaaliyeed iyo in fursad la siiyo dhalinyaradda Soomaliyed, si ay u helan mustaqbal ifaya, ugana faa’iodeystaan waxbar-ashada duliyenimada iyo Gaadiidka hawadda.

Wasaaradda amniga oo hirgalisay adeeg loogu talagalay ka hortagga maalgelinta argagixisada

Wasiirka amniga gudaha ee jamuuriyada fadaraalka Soomaaliya S/Guuto C/llaahi Shiikh Ismaaciil (Fartaag) ayaa daah furay adeegga Labarka gaaban "888” ee ka hortagga maalgalinta Argagixisada.

Munaasabadaasi daah furka waxaa goob joog ahaa wasiiro, xildhibano, taliyaha ciidanka Boliiska Sooma-aliyeed S/Guuto Sulub axmed Firin iyo marti Sharaf kale.

Adeegan waxa loogu talagalay inay si sahlan ku soo wacaan shacabka Soomaaliyeed ee Al-shababtu baad weydiistaan ama hela xog la xiriirta qof ay dhibaato dhaqaale qaadasho ah ku hayan, waxana uu kaalin weyn ka qaadanayaa joojinta baadda ay Al-shabaabtu Sakada oo ah rulni diini ah ugu soo gambanayaan.

Wasiir Fartaag ayaa soo jeediyey in si buxda looga fa’iideysto adegan oo waxtar u leh bulshada Somaliyed.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS oo daahfuray Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa shalay magaalada Muqdisho ka daahfuray Shirka Madasha Bani’-adannimada Soomaaliya (CHF) oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), kaas oo looga hadlayo xaaladaha la xariira arrimaha bani’aadannimo ee waddanka.

Shirkaan oo sanadkiiba afar mar la qabto ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladaha bani’aad-annimo ee taagan, qiimeynta wixii qabsomay, diyaar-garowga xaalada La-nina, ka hortagga leexsashada gargaarka iyo in meesha looga saaro caqabadaha ka jira arrimaha gargaarka.

adasha waxaa ka qeyb-galaya Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Cali Yuusuf Cali Xoosh, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle, Wasiirrada Wasaaradaha Gargaarka ee Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federalka, Mamulka Khatumo, Gobalka Banaadir, madax ka socota deeqbixiyaasha, ururrada maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah.

Wasiir Alcadaala "Laba sano kadib majirto meel kooxda Al-shabaab Canshuur ka qaadato"

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Alcadaala ayaa sheegay in laba sano kadib guulo lataaban karo laga gaaray dagaalkii lala galay kooxda Al-shabaab.

Wasiir Alcadaala ayaa tilmaamay in kooxda Al-shabab laga naafeeyay dhan walba, islamarkaana shalay aysan jirin qof shacab ah oo ka cabsanaya kooxda Al-shabaab.

"Waxaa ilaahey mahadiis ah in shalay Khawarijta xalkeedu marayo sidii loo soo afjara ee laga soo gubday waqtiyadii laga cabsan jiray oo dadka Soomaaliyeed handadi jireen, hada qof walba oo Soomaali ah ayaa ku dhiiranaya inuu sheego dhibaatada al-shabaabhalka laba sano ka hor aysan jirin qof wax ka sheegi karay" ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Warfaafinta abdiraxmaan Alcadaala.

Wuxuu sidoo kale xusay Wasiir Alcadaala in awoodii kooxda ee shacabka Soomaaliyeed uga qaadi jireen lacagaha baada ah ay meesha ka baxday oo aysan jirin haatan dekad iyo garoon meel ay ka qaataan lacago Canshuur ah.

"Kooxda hada majirto dekad ama garoon midna ay ka qaataan lacagahii ay awal qaadan jireen, hada Bangiyada iyo shirkadaha dalka dhamaan cabsidii cadawga way deysay oo way diideen in akoono leedahay kooxdu lacago ku dhacaan, taasina waxay ku timid dagaalka dowlada iyo shacabka la galeen Al-shabaab" ayuu yiri Wasiirka.

Ugu dambeyntii Wasiir ku xigeenka Warfaafinta ayaa sheegay in bogagii Warbaahinta ku laheyd kooxda oo ay ku faafin jireen wararkooda been abuurka ahaa in gabi ahaan hawada laga saaray, islamar ahaantaana hada aysan jirin bog rasmi ah oo kooxdu ku ledahay Warbaahinta.

Danjire Geelle "Itoobiya waxay kasoo horjeeddaa in Soomaaliya ay dhisato ciidan awood leh.”

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta XFS Ambassador: Daahir Maxamud Geelle aya shegay in Itoobiya ay kasoo horjeeddo isla markaana dhib ku ah in Soomaaliya ay dhisato ciidan awood leh.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta XFS Ambassador: Daahir Maxamuud Geelle "Itoobiya waxay kasoo horjeedaa oo dhib ku ah in Soomaaliya ay dhisato ciidan awood leh.”

Danjire Geelle oo la hadlayay warbaahinta Qaranka ayaa intaa raaciyay in daandaansiga Itoobiya uusan salka ku hayn heshiiska lala galay Masar balse ay diiddan tahay in ay Soomaaliya xoog yeelato ama amni iyo horumar ay gaarto.

Mudane, Geelle ayaa sheegay in Itoobiya ay ka dhaadhici la’dahay in aynu nahay laba dal oo deris ah, in aynu nabad ku wada noolaanno iyo in ay Soomaaliya u madax banana-naan karto danaheeda guud iyo cidda ay xiriirka la samaysanayso.

Sidoo kale, Wasiir Daahir Geelle ayaa sheegay in qofka shalay taageeraya damaca gurracan ee Itoobiya ay caruurtiisuna la safanyihiin kuwa diiddan in laga hadlo xadgudubka cadowga, isaguna uu taariikhda baal-madow ka geli doono.

Danjire Geelle ayaa Meesha ka saaray abaalka beenta ah ee ay Itoobiya ku sheegato Soomaaliya iyadoo marmarsiyo ka dhigata in ay dalkeenna u hurtay dhiig lana dagaallamayso al-shabaabta, wuxuuna xusay in taasi dhiggeeda ay Itoobiya tahay cidda abuurtay argagixisada dhibaatana ku haysa Soomaaliya.

Wasiir Daahir Maxamuud Geelle "Itoobiya iyada ayaa abuurtay argagixisada dhibaatada ku heysan Soomaaliya iska daay abaal ay noo gashaye.”

Masar iyo Soomaaliya oo samayn doona dhoolatus ciidan oo sii kordhin kara xiisadda gobolka

Masar iyo Soomaaliya ayaa go’aan ku gaaray in ay dhoolatus milateri oo wadajir ah ku sameeyaan Soomaaliya, dhoolatuskaas oo u muuqda mid muujin kara in uu sii kordhin karo xiisadda u dhaxeysa labada dal ee Jaamacadda Carabta iyo Itoobiya, sida ay saraakiisha ammaanka u sheegeen The National.

Dhoolatuskan oo la filayo in la qabto bishan, ayaa waxaa ka qayb qaadan doona ciidamada dhulka, cirka iyo badda ee labada dal, sida laga soo xigtay ilo ammaanka gobolka ah oo ku dhow Qaahira. Si kastaba ha ahaatee waxay ka gab-sadeen inay shaaciyaan taariikhda dhoolatuska, muddada uu soconayo iyo tirada ciidamada ku lugta leh.

"Dhoolatusku wuxuu diri doonaa fariin cad oo ku saabsan sida ay nooga go'an tahay iskaashiga iyo ilaalinta Soomaaliya. Waxay macnaheedu noqon doonaan wax ka badan kaliya dhoolatus dagaal," ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha ammaanka dalka Masar. "

Warka ku saabsan dhoolatuskan wadajirka ah ayaa soo baxay maalin uun ka dib markii Masar ay sheegtay inay qoraal u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyadoo ka hortimid siyaasadda halka dhinac ee Itoobiya ee ku aaddan biyo xidheenka Gerd.

Qaahira ayaa diidday inay Ethiopia ku sii socoto dhamaystirka dhismaha biyo xidheenka iyo buuxinta kaydkeeda iyada oo aan lagala tashan dhinaca Masar.

Masar iyo Itoobiya ayaa muddo toban sano ka badan ku muransanaa dhismaha biyo-xireenka weyn ee Niil, kaasoo ay Qaahira sheegtay inuu hoos u dhigayo saamiga muhiimka ah ee ay ku leedahay biyaha Niil.

Booliska oo gacanta kusoo dhigay eedeysanayaal dhac ka geysanayay degmada Dharkenley

Ciidanka Boliska saldhiga degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir ayaa so xiray sadex nin oo hubesan iyo Mooto Bajaaj ay waten xilli dhac u gesanayeen dadka shacabka ah.

Raggan ayaa ku eedeysan in ay dhac u geysteen muwaaddin ku nool degamda Dharkenley ayaa waxaa falka ay geysanayeen Booliska la wadaagay shacabka halkaasi ku dhaqan, taas oo fududesay in gacanta lagu soo dhigo eedeysana-yaasha.

Waxaa maalmahan soo badanaya howlgallada guuleysta ee lagu xaqiijinayo ammaanka Caasimadda kadib markii ay shacabka kordhiyen wada shaqaynta kala dhaxaysa lamaha amaanka gobolka Banaadir.

Golaha Wakiilada Somaliland oo laalay dacwada xil ka qaadista Xildhibaan Maxamed Abiib

Golaha Wakiilada Somaliland ayaa laalay dacwadii xil ka qaadista ee ka dhanka ahayd Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf.

Kulan aan caadi ahayn oo uu shalay goluhu yeeshay, ayuu ku diiday xil ka qadista xildhibaanka, 51 mudane ayaa kasoo horjeedsaday dacwada, waxa ogolaaday 3 mudane, 2 mudane ayaana ka aamusay. Tirada guud ee xildhibaanada soo xaadiray ayaa ahaa 56.

Ka hor intii aan gacanta loo qaadin, waxa golaha laga hor akhriyay dacwadaha ka dhan ka ah xildhibaanka ee ay xeer ilaalintu soo qortay, waxaana ugu waynaa in uu caadaystay in uu ka hor yimaado waxkasta oo Somaliland u dan ah, iyo dad kicin.

Kulanka golaha ee saaka ayaa waxa soo dadajiyay xadhiga xildhibaanka, oo daraad laga qabtay madaarka Cigaal ee Hargaysa, kadib safar uu kaga soo laabtay Imaratka Carabta, isaga oo markiiba loo qaaday xabsiga Madheera ee gobolka Saaxil.

Koox hubaysan oo kasoo horjeeda xadhiga xildhibaanka ayaa saaka la sheegay in ay xidheen waddada u dhaxaysa Gabilay iyo Borama, kadibna waxa ku baxay ciidan ka yimid saldhiga galbeedka ee millateriga Somaliland ee Goroyo-cawl, sidokale qaybo kamid ah suuqyada Borama ayaa xidhnaa saaka.

Mucaaradka, shir-guddoonka golaha Wakiilada iyo xildhibaannada golaha wakiilada ayaa cambareeyay xadhiga xildhibaanka, oo ay ku sheegeen dastuur jabin.

Soomaalida soo galootiga ku ah Canada oo la daalaa dhacaya shaqo la’aan iyo hoy la’aan

Soomaalida Soogalootiga ah ee ku nool dalka Canada ayaa wajahaya xaalado adag oo isugu jira shaqo la’aan iyo hoy la’aan ah, taasoo ka duwan riyooyinkii ay ku riyoon jireen ka hor inta aysan dalkasi soo gaarin.

Asma Cali Cabdi, oo hore u ahayd macallimad dugsi oo reer Muqdisho ah, taasoo degennaasho ka heshay Canada ku dhawaad sannad ka hor, ayaa filaysay inay hesho fursad ay ku heli karto shaqo xasilloon oo ay nolol wanaagsan ka heli karto. Taa beddelkeeda, waxay aragtay tirada sii kordhaysa ee soogalootiga Soomaalida ah. kuwaas oo la halgamaya sidii ay shaqo uga heli lahaayeen suuqa shaqada ee Edmonton.

"Dad aad u yar oo Soomaali ah ayaa leh xirfado ama asal waxbarasho oo loo baahan yahay si loo helo shaqooyin hufan," ayay Asma u sheegtay BBC-da. "Inta badan waxa lagu qasbaa shaqada gacanta, oo qof kasta uu sameyn karo."

Xaqiiqda dhabta ah ee suuqa shaqada ee Kanada ayaa dad badan u noqotay baraarujin adag, iyadoo shaqo la’aanta soo galootiga Soomaalida ay uga sii dartay markii lagu xiray xirfado iyo shahaadooyin shaqo oo gaar ah. Tani waxay keentay in qaar badan oo ka mid ah bulshada ay wajahaan mustaqbal aan la hubin, iyagoo awoodi waayay inay helaan xasilooni dhaqaale oo ay rajaynayeen.

Shaqo la'anta ka sokow, sogalotiga Soomaalida ayaa sidoo kale la tacaalaya dhibaato guri o aad u weyn. Asma waxay iftimisay yaranta ba'an ee guryaha la awoodi karo ee Edmonton, taasoo xaaladda kusii adkaysay soogalootiga kusii qulqulaya dalka Canada.

"Waxaan arkay dad badan oo ajaaniib ah oo darbi-jiif ah, oo seexanaya waddooyinka, laakiin nasiib wanaag, weli ma arag qof Soomaali ah oo xaaladdaas ku sugan," ayay tiri.

Dowladda Kanada, oo uu hoggaamiyo Ra'iisul Wasaare Justin Trudeau, ayaa garwaaqsatay caqabadahaas waxayna billowday hindiseyaal ay ka mid yihiin barna-amijyo tababar shaqo iyo kordhinta maalgelinta guryaha la awoodi karo. Si kastaba ha ahaatee, dadaalladan ayaan weli saameyn weyn ku yeelan soo-galootiga Soomaalida ah sida Asma, oo halganka sii wada.

Warbixin dhawaan kasoo baxday machad ku yaal Canada ayaa shaaca ka qaaday in heerka socdalku uu sare u kacay 12-kii sano ee lasoo dhaafay, iyadoo sanadka 2019 uu yahay kii ugu sareeyay. Korodhkan waxaa qayb ahaan sabab u ah heshiiska 20-sano jirsaday ee Canada iyo Maraykanka, kaas oo faraya in muhaajiriinta ay magangelyo weydiistaan waddanka ugu horreeya ee ammaan ah oo ay gaaraan.

Ra'iisul Wasaare Trudeau ayaa ka horyimid baaqyada Mareykanka ee ahaa in la xiro isgoyska Roxham Road, oo ah goob caan ah oo ay ka soo galaan muhaajiriinta, isagoo ku dooday in xadka Mareykanka iyo Canada uu dhan yahay kumanaan kiilo mitir. Trudeau waxa uu cadeyey in xidhitaanka hal isgoys ay kaliya sababayso in soogalootiga ay maraan wadooyin khatar badan si ay u gaadhaan Canada.

Xoogaga Xamaas oo loo sheegay inay dili karaan la haysteyaasha, haddii la soo hujuumo

Ururka Xamaas ayaa dagaalyah-anadooda ilaalineysa la hasteyasha Israeliyiinta u sheegay inay dili karan maxabiista, hadi Cidamada Israel ay kuso dhawadan gobaha ay ku sugan yihiin.

Afhayeenka Garabka Militariga Xamaas ee Al Qassam, Abu Ubaida ayaa sheegay ka dib weerarkii Israel ay 8-dii bishii June ku furatay afar ka mid ah la haysteyaasha Israeliyiinta in iska caabinta amar lagu siiyay inay dilaan la haysteyaasha, haddii ay dhacdo in dhankooda loo soo dhawaado amaba la soo hujuumo.

Hawlgalkii 8-dii June oo ka dhacay xerada qaxotiga Nuseirat ee barta-maha Marinka Gaza ayay Ciidam-ada Israel ugu suurtagashay inay ku soo furtaan afar maxbuus oo nool, balse hawlgalkaasi ayay ku dileen 274 qof oo dad rayid ah, halka 698 kalena ay ku dhaawacen. Holgalkan ayaa noqday kiisii ugu weynaa ee ay Israel ku furato maxaabiis nool, tan iyo markii uu dagaalku bilowday.

Abu Ubaida ayaa habeen hore war uu so saray ku sheegay in xogagoda ay amar u haystan inay ka takhalusan la haysteyasha, hadii ay dareman in lagu soo wajahan yahay.

"Waxaan si cad go’aankan u ogeysiinaynaa qof walba.” Ayuu yiri Abu Ubaida oo warkan soo saaray, ka dib markii Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu uu fiidnimadi haben hore sheegay in ay xoog ku soo furan doonaan dadka looga haysto gudaha Marinka Gaza.

Raysal Wasaare Netanyahu ayaa shegay inaysan marnaba Cidamada Israel ka soo saari doonin Waddada Philadelphi ama Philadelphi Corridor ee ku taala xadka Marinka Gaza uu la wadaago Masar.

Xamaas aya dhankeeda wacad ku martay inaysan qadan donin heshii-ska xabad jojinta, illa io inta Netan-yahu u ka aqbalayo in ciidamadisa uu kala wada baxayo Marinka Gaza.

"Netanyahu wuxuu ku adkeystay in maxabiista lagu so sii daayo cadadis militari, halkii laga xoojin laha heshiiska. Waxaan u shegayna in tani ay keeni doonto in maxabiista ay u laabtaan qoysaskooda, iyada oo naxash lagu sido meydadkooda.” Ayuu yiri Abu Ubaida.

Abu Ubaida ayaa qoysaska la haysteyaasha ugu yeeray in ay kala doortaan inay xubnaha ka maqan arkaan iyagoo dhintay amaba nool.

Warkan ka soo yeeray Xamaas aya walaca ku kordhinaya qoysaska la haysteyasha iyo shacabka Israel ee ka soo horjeedo in khatar la geliyo nolosha la haysteyaasha.

Shacabka Israel ayaa Axaddii iyo Isniintii dhigay mudaaharaadyo ay Netanyahu kaga dalbanayaan in xukuumadiisu ay so afjarto dagaalka Gaza, si iyagoo nool la haysteyasha ay dib ula midoobaan qoysaskooda.

Netanyahu ayaa warkiisii habeen hore ku sheegay in ay ku khasban yihiin in dagaalkan la sii wado, maadaama uu ku xiran yahay sida uu yiri masiirka Israel.

Xamaas ayaa muuqaal ay ku baahisay barteeda Telegram-ka ku sheegtay in Netanyahu uu nolosha maxabiista ka doortay sii joogitanka Philadelphi Corridor, dhib kasta oo soo gaarana uu isagu masuliyadeda qaadi doono.

Kooxaha wax iska caabinta Falastii-niyiinta aya In ka badan 100 Israel-iyiin ah ku haysto Marinka Gaza.

Ingiriiska oo joojiyay qaar ka mid ah shatiyada hubka ee Israel

Ka dib markii Dowladda Ingiriiska ay dib u eegis ku samesay in dagalka Israel ee Marinka Gaza uu wafaqsan yahay sharciga caalamiga ah ee bani’adanimo io in kale ayu Wasiirka Arrimaha Dibadda, David Lammy ku dhawaaqay in London ay joojisay 30 ruqsad ama shati ee agabka militari looga iibinayay Israel.

Ruqsadaha la joojiyay waxaa ka mid ah shatiyadii Israel looga iibin jiray qaybaha diyaradaha militariga, helicopterada, droneska iyo walxaha fududeya begsiga hadafyada militari ee dhulka.

Sarakiisha Ingiriiska ayaa sheegay in baritankii la sameyay lagu ogaday in ay jirto khatar cad, oo ah in qalabka laga ibiyo Israel lo adegsan karo xadgudubyo ka dhan ah bani’aadantinimada, taasina ay halis ku tahay xeerarka caalamiga ah.

Wasiirka Arimaha Dibada Ingiriska aya gelinkii dambe e Isniintii shegay inaysan si dhameystiran u wada jojin shatiyadi hubka ee Israel, sababtu tahay siyaasadda dibadda oo ku lug leh go’aamo adag.

Hase yeshe Wasirka ayaa iftimiyay in tani aysan noqon doonin tallabadii ugu dambeysay.

"Waxaan mar walba raadin doonaa inaan qaato go’aamadan oo kale, si waafaqsan mabaadi’dayada.” Ayuu yiri Wasiir Lammy oo ka hadlayay Aqalka Baarlamaanka Ingiriiska ee Commons.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Baarlamaanka UK looga baahan yahay in ay si dhab ah u qaataan doorkooda ku saabsan ku dhaqanka sharciga shatiga dhoofinta, oo ka tarjumaya shuruudaha la daabacay iyo xaaladaha gaarka ah ee u baahan in lala tacaamulo.

Wasiirka oo garowsan xasasiyada ay arrintan leedahay ayaa wuxuu yiri "UK Waxe si wadesa tagerada xaqa ay Israil u ledahay inay is difacdo, si wafaqsan sharciga calamiga ah.”

Tani ayuu macnaheedu yahay inaysan Israel ku garab siin doonin inay ku xadgudubto sharciga calamiga ah ee bani’aadantinimada iyo kan dagaalka, waana xilli Israel ay caalamka u muujisay, sida ay halis ugu tahay wixii ay dunida ku heshiisay.

Ingiriiska ayaa muddooyinkii ugu dambesay dib u egis ku samenayay siyaasaddiisa dibadda ee Israel, ka dib markii Xisbiga Shaqaalaha UK uu ku guuleystay doorashadii bishii July ka dhacday dalkaasi.

Raysal Wasaaraha cusub ee Ingiriiska, Keir Starmer ayaa cadadis kala kulmaya shacabka dalkaasi, si loo joojiyo hubka laga iibiyo Israel.

Raysal Wasaare Starmer ayaa dhawaan sheegay inaanan loo dulqaadan karin waxa ka socdo Gaza, isagoona ku baaqay inaanan la aqbalin inay sii socdaan, sida uu yiri.

David Lammy, Wasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriiska ayaa bishii August sheegay in ay dembi dagaal tahay in dadka rayidka ah loo dilo buu yiri gaajo, isagoo intaasi ku daray in ay dembi dagaal noqo-nayso, haddii gaajeysiinta loo adeegsado, sida hub oo kale.

Sirdoonka Turkiga oo xabsiga dhigay nin kamid ah madaxda Basaasiinta MOSSAD

Sirdoonka Turkiga ee MIT ayaa qabtay nin lagu magacaabo Liridon Rexhepi oo u dhashay Kosovo, kaas oo loo aqoonsaday in uu ahaa madaxa Isku xirka dhaqaale siinta Basaasiinta MOSSAD ee gudaha Turkiga.

Dabagal lagu sameeyey, ka dib ciidanka Booliska ee Istanbul ayaa xiray, waxaana la aruuriyey dham-maan macluumaadkiisa, iyadoo jaajuusiinya uu lacagta siiyay ay sawiro iyo xog MOSSAD uga gudbiyeen bartilmaameedyo kale duwan oo loo diray gudaha Turkiga iyo dibadiisaba.

Ra’iisul wasaaraha Isra’il Netanyahu maamulkiisa ayaa maalmo kahor sheegay in ay dili doonaan madaxda kooxda wax iska caabinta reer Falastiin ee kusugan gudaha Turkiga.

Nin xaaskiisa u kireysan jiray rag kufsada iyo qaabkii ay ku ogaatay

Nin ayaa maxkamad lagu soo taagay dalka Faransiiska kadib markii lagu soo eedeeyay in uu si joogto ah u dhulka ugu jiiday islama-rkana uu kufsi ugeystay xaaskiisa iyo sidoo kale in uu u diyaariyay tobaneeyo rag kale ah si ay u kufsadaan.s

Eedeysanaha, oo lagu magacaabo Dominique P, oo 71-jir ah, ayaa lagu eedeeyay inuu dad uusan aqoon online ka qori jiray si ay gurigiisa ugu yimaadaan oo uu u faraxumeeyaan xaaskiisa muddo toban sano ka badan.

Haweeneyda ayaa la siin jiray daroogo suuxisa, kama aysan warqabin xadgudubka soo noqno-qda, sida ay sheegeen qarenadeda.

Booliska ayaa ogaaday ugu yaraan 92 la kufsaday haweeneydan taasi oo ay geysteen 72 nin. Ilaa 50 qof ayaa la aqoonsaday oo dacwado lagu soo oogay, waxaana la maxka-madeynayaa sidoo kale ninkeeda.

haweeneyda kufsiga loo gaystay, oo hadda 72 jir ah, ayaa ka war heshay xadgudubka 2020 ka dib markii ay ku wargeliyeen booliiska.

Maxkamadeyntu waxay u noqon doontaa "mid argagax leh " iyada, ayuu yiri qareenkeeda Antoine Camus, maadaama ay noqon doonto markii ugu horreysay oo ay aragto caddeymo muuqaal ah oo ku saabsan xadgudubka.

"Markii ugu horeysay, waa inay ogaato kufsiga ay u dulqaadatay in ka badan 10 sano," ayuu u sheegay wakaalada wararka ee AFP.

Dominique P ayay booliisku baareen ka dib dhacdo bishii Sebtembar 2020, markaas oo waar-diyiha uu ku qabtay isaga oo si qarsoodi ah filim uga duubaya saddex dumar ah oo ku sugan xarun laga dukaansado.

Booliska ayaa ka dib kombiyutarkiisa ka helay boqolaal sawiro iyo muuqaalo ah xaaskiisa oo ay u muuqatay mid suuxsan.

Sawirada ayaa lagu eedeeyay inay muujinayaan tobanaan xadg-udub oo ka dhacay guriga lama-anaha. Xadgudubka ayaa lagu eedeeyay inuu bilowday 2011-kii.

Baarayaasha ayaa sidoo kale ka helay wada-sheekeysi ku saabsan goob wepsite ah kaas oo Dominique P lagu eedeeyay inuu shaqaal-eysiiyay dad uusan garanayn si ay ugu yimaadaan gurigooda oo ay kufsadaan xaaskiisa.

Wuxuu u qirtay baarayaasha inuu xaaskiisa siiyay dawooyin awood leh, oo ay ku jiraan daroogo walwalka dhimaysa.

Waxaa lagu eedeeyay in uu ka qeyb qaatay kufsiga, muuqaa-lladana uu ka duubay iyo in uu ragga kale ku dhiirigeliyay in uu u adeegsado erayo bahdil ah, sida ay sheegeen dacwad oogayaasha.

Ma jirto wax lacag ah oo lagu eedeeyay in la kala qaatay.

Eedaysanayaasha kufsiga loo haysto – oo da’doodu u dhaxayso 26 ilaa 74 – waxa ay ka kala yimaaddeen qaybaha kala duwan ee bulshada, halka intooda badan hal mar ay ka qaybqaateen, qaarkood waxa ay ka qayb qaateen ilaa lix jeer, sida ay sheegeen dacwad oogayaasha.

Qareenka eedeysanayasha ayaa sheegay inay caawinayeen lama-anaha inay ku noolaadaan baashaal ah laakiin Dominique P ayaa u sheegay baarayaasha in qof walba uu ka warqabay in xaaskiisa la daroogeeyay iyadoon ogeyn.

Khabiir ayaa sheegay in xaladooda aysan hurdo oo kali ah aysan ahayn ee "uu u dhawaa koomo.

Dominique P, oo sheegay in la kufsaday markii uu sagaal jir ahaa, ayaa diyaar u ah inuu wajaho "qoy-skiisa iyo xaaskiisa", qareenkiisa Beatrice Zavarro ayaa sidaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

Waxaa sidoo kale lagu soo oogay dacwad dil iyo kufsi 1991-kii, taasi oo uu diiday, iyo isku day kufsi oo dhacay 1999-kii, kaas oo uu qirtay ka dib markii la baaray dhiiga hidda sidaha ee DNA.

Maxkamadeynta, oo ka socota Parc des Expositions ee Avignon, koonfurta Faransiiska, ayaa socon doonta ilaa 20-ka Dicember.

Maalintii Isniinta, oo ahayd maalintii la furayay dacwadda, haweeneyda ayaa timid maxka-madda iyada oo ay taageerayaan saddex carruur ah oo ay dhashay, sida ay sheegtay AFP.

Mr Camus, oo ah qareenkeeda, ayaa sheegay in ay dooran kartay maxkamad albaabadu u xiran yihiin, laakiin "taasi waa waxa ay rabeen kuwii iyada soo weeraray".

Xigasho BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip