halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogdshotimes

0
Monday September 02, 2024 - 12:03:27 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 122
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogdshotimes

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xariga ka jaray Waddo laami ah oo laga hirgeliyay Degmada Yaaqshiid

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Maagaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xariga ka jaray Waddo cusub oo laami ah, taasi oo laga hirgeliyay Degmada Yaaqshiid, iskuna xirta Waddada Jeneral Daa’uud ilaa Dahabshiil Suuq Bacaad.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in qorshaha isku tashiga dhismaha Kaabayaasha waddooyinka uu qeyb weyn ka qaatay soo celinta bilicda, kobaca ganacsiga, dhaqaalaha iyo isku socodka bulshada, asigoona ugu baaqay qeybaha kala gedisan ee bulshada in ay ka qeyb qaataan Barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal doolar ee lagu horumarinaayo Caasimadda.

Munaasabadda xarig-jarka waxaa goobjoog ka ahaa Guddo-omiyaha Degmada Yaaqshiid Mudane Suleymaan Fargax, Agaasimeyaal ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, Ganacsato, Odayaasha Degmada iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada Degmada Yaaqshiid.

Senator Cabdixakiin Macalin: Heshiisyada caalamiga ah waxaa awood u leh inay gasho dowladda dhexe, wax door ah kuma lahan dowlad goboleedyadu

Senator Cabdixakiin Macalin Axmed oo katirsan Golaha Aqalka sare oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in heshi-isyada caalamiga ah ay awood u leedahay oo kali ah dowladda dhexe,wax boos ahna usan uga bannaaneeyn dowlad goboleedyada dalka.

Senator Cabdixakiin Macalin Axmed "Heshiisyada caalamiga ah waxaa awood u leh inay gasho dowladda dhexe, wax door ah kuma lahan dowlad goboleedyadu, marka heshiiska ay Soomaaliya la gashay Masar waxaa dalkeena ugu jira faa’iidooyin badan.”

Saneterka ayaa tilmaamay sida ay muhiimdda u leedahay ilaa linta qaranimada midnimada ummadda si cadawga soomaaliyeed loogu midoobo.

Waxa uu sanetarka intaa hadalkiisa ku daray in soomaaliya ay faa’iida weyn ugu jirto heshiiska ay la gashay dowlada masar islama-rkaan wax badan ay kusoo kordhi-neyso dalka.

Soomaaliya oo awaamiir cusub kusoo rogtay maraakiibta isticmaala biyaha Soomaaliya

Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday awaamiir cusub oo lagusoo rogay maraakiibta isticm-aala biyaha Soomaaliya, iyadoo awaamiirtan looga dan leeyahay in lagu kordhiyo sida dowladdu sheegtay, kormeerka iyo xakameynta dhulbadeedka Soomaaliya.

Dhammaan maraakiibta soo galaya biyaha Soomaaliya ayaa lagu amray in ay ka babadaan calanka Soomaaliya. Tallaabadan ayaa qayb ka ah istaraatiijiyad ballaadhan oo lagu wanaajinayo amniga qaranka iyo u hoggaansanaanta shuruucda dalka, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

Marka laga soo tago shurudaha calanka, maraakiibta isaga kala goosha badda Soomaaliya, ayaa la faray in ay ogeysiin siiyaan maamulada dalka ka jira, una hoggaansamaan nidaamka ay u dejisay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya ayaa dhawaan heshiisyo lagu difaacayo baddeeda la gashay dalka Turkiga oo saaxiib dhow la ah Soomaaliya. Turkiga ayaa Soomaaliya ka caawin doona ilaalinta amniga baddeeda muddo 10 sano ah.

Awaamiirtan cusub ayay dowladdu u aragtaa kuwo hoosta ka xariiqaya sida ay Soomaaliya u doonayso in ay ku xoojiso amniga baddeeda, loogana ilaalin lahaa falal aan la ogolayn ama sharci darro ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa haatan xoogga saaaraysa sidii meesha looga saari lahaa heshiiska xadgudubka ku ah qaranimada Soomaaliya, oo ay Ethiopia la gashay Somaliland, heshiiskaas oo Ethiopia u ogolaanaya gelitaanka biyaha Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia Taye Atskeselassie ayaa jimcihii hoosta ka xarriiqay in helitaanka badda ay weli tahay arrin muhiim u ah Itoobiya oo ah dal ay ku nool yihiin 110 milyan qof.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka Ergeynimo ka qaaday Cabdirashiid Jilley

Madaxweynaha Jamhu-uriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Cabdirishiid Maxamed Nuur Jilley oo ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ee Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada.

Madaxweynaha Jamhuu-riyadda ayaa ku booriyay dhamaan muwaadiniinta iyo masuuliyiinta dalka inay u istaagaan waajibka kaga aaddan difaaca Qaranka maaddaama dalkeennu iyo dadkiisuba ay wajahayaan halis jiritaan oo uga imaanaysa dibadda taas oo liddi ku ah gobannimada, wadajirka iyo midnimada Qaranka Soomaaliyeed.

Ciidanka deegaanka oo howlgal kula wareegay fariisimo ay Al-shabaab ku laheyd deegaanno hoostaga degmada Halgan

Ciidamada xoogga iyo kuwa dib u xorreynta ee Gobolka Hiiraan ayaa howlgallo ka dhan ah al-shabaab ka sameeyay degaanno hoostaga degmada Halgan,halkaa oo ay ciidanku ku bur buriyeen fariisimo ay al-shabaab ku dhibaateen jirtay shacabka.

Sarakiisha ciidanka degaanka oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay ka war heleen xubna katirsan al-shabaab oo si dhuumaaleeysi ah kuyimid degaano hoostaga degmada Halgan, halkaan ay isaga carareen markii ay maqleen in ku soo wajahanyihiin ciidanka degaanka, haddana ay gacanta ku hayaan ciidanka xoogga iyo kuwa degaanka.

Waxa ay intaa hadalkooda ku dareen saraakiishan in ay sii wadi doonaan howlagallada lagu ciribtirayo argagixisada tan iyo inta laga sifeeynayo degaanada dhaca galbeedka Gobolka Hiiraan

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreeynta ayaa dhawaa-nahaan howlgallo sifeeyn ah oo ka dhan ah al-shabaab ka waday degaanno dhowr ah oo katirsan Gobolka Hiiraan.

Askari ka tirsan ciidanka dowladda oo Baledweyne ku dilay wiil dhalinyaro ahaa

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil duhurnimadii shalay loogu geystay gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan wiil ka mid ahaa dhalinyaro magaaladaas.

Dilka wiilka dhalinyarada ah ayaa ka dhacay barkoontarool oo ku taala Xaafada Howlwadaag waxaana dilkaasi geystay askari ka tirsan ciidanka dowladda oo ku sugnaa bartakoontarool oo ah goob gaadiidka lagu baaro.

Wiilka dhalinyarada ah ee la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdiwali Shiine, waxaana dad goobjoogayaal ah ay inoo sheegeen in dilkisa uu ka dhashay murun dhexmaray isaga iyo askariga dilay.

Cabdiwali Shiine ayaa ka mid aha dhalinyarada caanka ka ah gudaha magaalada Baledweyne gaar ahaan Xaafada Howlwadaag ee Galbeedka Baledweyne.

Ugu dambeyntii dilkaan ayaa qeyb ka noqonaya dilalka inta badan sida bareerka ah ugu geystaan dadka shacabka ah qaarka mid ah askarta ciidanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Shil gaari oo ay ku geeriyoodeen Hooyo iyo wiilkeeda oo ka dhacay magaalada Garowe

Shil gaari oo khasaare geystay oo shalay ka dhacay magaalada kantaroolka Bari ee magaalada Garoowe ayaa sababay dhima-shada hooyo iyo wiil ay dhashay, waxaana ku dhaawacmay labo qof oo kale.

Shilkan ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen gaari Market ah iyo Mooto Bajaaj. Shilka ayaa sababay in gabi ahaanba ay burburto Mootada Bajaajta oo ay la socdeen Hooyada iyo wiilkeeda.

Ciidamada Taraafikada Puntland oo goobta soo gaaray wax yar ka dib markuu shilku dhacay ayaa xiray darawalkii waday gaariga Market-ka, kaasoo aan wax dhibaato ah kasoo gaarin shilka.

Ciidamada ayaa hadda baaraya in darawalka gaariga Marketka uu leeyahay masuuliyadda shilka iyo in kale.

Darawalkii Mootada Bajaajta iyo qof kale oo la socday ayaa waxaa soo gaaray dhaawac culus, waxaana lagu daweynayaa isbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaalla magaalada Garoowe.

Kororka shilalka gaadiidka ee guud ahaan Puntland ayaa ah walaac isa soo taraya.

Gobolka Nugaal oo ay ku taallo magaalada Garoowe ayaa sanadkan waxaa ka dhacay shilalka gaadiidka ee ugu badan. Sida ay sheegtay Hay’adda Nabadgelyada Wadooyinka Puntland, ku dhawaad 50 qof ayaa ku naf waayay shilalka gaadiidka ee gobolka Nugaal oo kaliya sanadkan.

Sare u kaca shilalka ayaa lagu macneeyay in ay sabab u tahay xaalada wadooyinka iyo hab dhaqanka mas’uuliyad darrada ah ee darawalada qaar.

Sarkaal katirsan Booliiska Puntland oo sheegay inay Garowe ka buuxaan Shabaab iyo Daacish

Sarkaal katirsan ciidanka Booliiska Puntland ayaa sheegay inay magaalada Garowe ku sugan yihiin dad katirsan Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo uu tilmaamay inay isku dayayaan inay falal argigixiso ka geystaan gudaheeda.

Sarkaalkan oo ka hadlayay kulan amniga lagu xoojinayay oo ka dhacay magaalada Garowe, ayaa warbaahinta ka sheegay in loo baahan yahay in amniga aad loo xoojiyo, booliiskana loosoo gudbiyo cid kaste oo laga shakiyo.

Wuxuu sheegay sheegay in ay amniga walaaca weyn ku hayaan dadka kasoo jeeda Ethiopia ee kusoo quqlulaya magaalada Garowe, kuwaas oo uu sheegay in loo adeegsan karo falalka amni darrada ah.

Hadalkiisa ayaa kusoo beegmay, iyadoo laamaha amniga Puntland ay dhawaan gacanta ku dhigeen 7 qof oo looga shakisan yahay inay katirsan yihiin kooxda Alshabaab.

Hay’adaha amniga ayaa baaritaan ku wada dadkaan, welise si rasmi booliiska uga ma hadlin tuhmanayaasha.

Si kastaba ha ahaatee, Puntland ayaa aad u adkaysay amniga magaalooyinka Gaalkacyo, Garowe iyo Boosaaso, waxaana sida aan xogta ku helnay la xiray dad badan oo looga shakisan yahay inay xiriir laleeyihiin kooxahaas.

Walaaca amniga Puntland ayaa yimid, iyadoo maalmo ka hor Puntland lagu qabtay Kartoomo lagusoo qariyay diyaaradaha wax basaasa ee Drones loo yaqan, kuwaas oo la sheegay inay xambaari karaan qaraxyada.

Wararkii ugu dambeeyay ee qarax lagu hoobtay oo ka dhacay Buulo-burte

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha qarax qarax lagu hoobtay oo gelinkii dambe ee daraad ka dhacay degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan, kaas oo lala eegtay dad shacab ah.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa lala beegsaday maqaayad ku taalla bartamaha degmada, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawacba leh.

Duqa magaalada Buulo-burde Cabdisalaan Hagar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaraxa lagu sii diyaariyay maqaayadda, kadibna marka ay dadka isugu yimaadeen lagu qarxiyay, wuxuu ku eedeeyay kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyay in weerarkan qaraxa ah ay waxyeelo kasoo gaartay illaa 20 qof oo shacab ah, isla-markaana 5 kamid ah ay liidato xaaladdooda caafimaad.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daraya in mid kamid ah dhaawacyada daran uu geeriyooday afarta kalena ay usoo qaadeen magaalada Muqdisho, si loogu dabiibo xaaladdooda caafimaad.

Cabdisalaan Hagar oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay weli wadaan baaris ku aadan weerarka, ayna ku daba jiraan xubnihii soo maleegay, si gacanta loogu dhigay.

Xaaladda ayaa hadda ah mid deggan, inkastoo saameynta uu qaraxa gaystay laga dareemayo magaalada Buurde ee gobolka Hiiraan.

Magaaladan ayaa kamid ah meelaha uu ka socdo abaabulka dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo weli ka socdo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Israel oo mar kale beegsatay Isbitaalka Al-Ahli Arab ee Gaza iyo dad ku dhintay

Ciidanka Cirka Israel ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii duqeeyay dhisme isbitaal oo ku yaala waqooyiga Magaalada Gaza ee Marinka Gaza.

Diyaaradaha dagaalka ayaa bartilmaameedsaday xeendaabka Isbitaalka Al-Ahli Arab, iyadoona la soo sheegayo in burbur uu ka soo gaaray dhismaha isbitaalkaasi, tiro dad ahna ay ku waxyeeloobeen.

Hay’adda Difaaca Madaniga ee Marinka Gaza ayaa sheegtay in ugu yaraan saddex qof ay ku dhinteen weerarka, tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen.

Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in dadka ku dhaawacmay weerarka ay ka mid yihiin carruur.

17-kii bishii October ee sanadkii hore oo la duqeeyay isbitaalkan ayaa waxaa ku dhintay boqolaal qof oo dad rayid ah.

Isbitaalkan ayaa ahaa kan keliya ee hadda ka shaqeynayay qaybta waqooyi ee Gaza, ka gadaal markii Israel ay dhowr bilood ka hor burburisay Isbitaalka Al-Shifa.

Isbitaalka Al-Ahli Arab oo loo yaqaano (Baptist Hospital) ayaa waxaa sidoo kale gabaadsanayay qoysas si khasab ah looga soo barakaciyay guryahooda.

Tani ayaa xoojineysa dembiyada faraha badan ee ay Israel ka gaysaneyso qaybaha Marinka Gaza oo dhan.

In la bartilmaameedsado isbitaalada, goobaha cibaadada, waxbarashada, dhismayaasha la degan yahay iyo kaabeyaasha kale ee rayidka ayaa ka dhigan dembi dagaal, marka loo eego xeerarka caalamiga ah.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in Sabtidii daraad ay isbitaaladu qaabileen meydadka 89 qof iyo dhaawaca 205 kale, tani oo noqonayso mid ka mid ah maalmihii ugu khasaaraha badnaa ee soo mara Marinka Gaza, intii uu dagaalkan socday.

Tan iyo markii uu bilowday dagaalka Gaza, tirada dadka rayidka ah ee la dilay ayaa gaartay 40,691 qof, halka 94,060 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.

Liibiya oo burburisay shabakad dadka tabriibin jirtay

Dowladda Liibiya ayaa sheegtay Sabtidi in ay burburisay shabakad dadka tahriibisa oo ka dhisneyd dhinaca Koonfur-galbeed ee dalkaas, iyada oo la xiray xubno ka tirsan kooxdaas sida uu bayaan uu soo dhigay bogga Facebook ku sheegay, xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee Liibiya.

Ciidamada ayaa xiray mid ka mid ah hogaamiyayaasha shabakadan magafa-yaasha ah iyo 10 xubnood oo kale oo lagu eedeeyay dil, xarig sharci darro ah, jirdil, iyo kufsi loo geystay muhaajiriin, sida lagu xaqiijiyay bayaanka.

Baaritaan ay dowalddu sheegtay in ay sameysay, ayaa muujiyay in kooxahani ay dhibaatooyin isugu jira xarig qasab ah, jirdil iyo baad ay ugu geysteen muhaajiriin gaareysa 1,300 oo qof. Dadkaan ayay u xirteen sifo ay uga qaataan lacago baad ah si loo sii daayo.

Liibaya ayaa fowdo lugaha la gashay, kaddib marki duullaan ay hogaamineysay NATO talada looga tuuray laguna dilay hogaamiyihi hore ee dalkaasi Muammar Gaddafi.

Wixi markaasi ka danbeeyay dalkaasi saliidda hodonka ku ah, ayaa waxaa taladiisa ku loollamayay laba dowladood oo ay kala taageraan malleeshiyaad hubeysan.

Nin 38 sano maraykanka ugu xirnaa dambi uusan gaysan oo ugu dambayntii xabsiga ku geeriyooday

"Ma lihi wax dambi ah". Krishna Maharaj oo Ingiriis ah ayaa hadalkaas u sheegay maxkamadda, warbaahinta iyo qareenadiisa. Wuxuu u xirnaa 38 sano dambi uusan galin.

Muddadaas oo dhan waxa uu ku jiray xabsiga gobolka Florida ee dalka Maraykanka, ka dib markii lagu helay in uu laba nin ku dilay Miami sannadkii 1986-kii.

Inkasta oo garsooruhu uu ogolaaday in aanu geysan dambiyo ay galeen xubno ka tirsan kooxda Medellín ee uu hoggaamiyo Pablo Escobar, haddana Maharaj ma helin xorriyaddiisa.

5-tii Agoosto, isagoo 85 jir ah, Maharaj wuxuu ku dhintay isbitaalka xabsiga halkaas oo la dhigay.

"Markii ay igu xukumeen dil, taasi waxay ahayd xukunkeygii ugu horeeyay, waxaan ku dhacay sagxadda maxkamada. Waan rumaysan kari waayay in la igu xukumay dambi aanan garanayn, oo aanan waligay geysan," ayuu yidhi Maharaj Wareysi uu siiyey BBC 2019.

Qareenka Maharaj, Clive Stafford Smith, ayaa u suurtagashay in uu xukunka dilka ah u bedelo xabsi daa’im, ka dibna waxa uu ku guulaystay in maxkamaddu xukmiso in Maharaj aanu mas’uul ka ahayn dhimashada lagu xukumay.

Laakinse way u suurto gali weyday inuu xabsiga ka saaro.

Maxkamaddu waxay sheegtay in la hayo caddaymo ku filan oo muujinaya in Maharaj aanu wax dambi ah lahayn, balse kuma filna in la sii daayo,” ayuu Stafford u sheegay wargeyska The Guardian ee ka soo baxa Britain.

Haatan xaaska Maharaj, Miss Marita iyo Stafford ayaa isku diyaarinaya in maydkiisa loo qaado waddankii uu asal ahaan ka soo jeedo.

Oktoobar 16, 1986, muwaadin Jamaican Derrick Moo Young iyo wiilkiisa Duane ayaa meydkooda laga helay qol ku yaal DuPont Plaza Hotel ee Miami.

Dhammaan meydadka waxaa ka muuqday dhaawacyo rasaas ah. Baaritaan ayaa bilowday taasoo keentay in dacwad lagu soo oogo Kris Maharaj.

Maharaj, oo Ingiriis ah, asalkiisuna Hindi yahay, oo ah milyaneer ka shaqaysta ganacsiga soo dejinta muuska, ayaa muran ganacsi dhex maray Moo Young.

Sida laga soo xigtay warbixinnada bilayska, Maharaj wuxuu qorsheeyay inuu kula kulmo Moo Young mid ka mid ah qolalka hoteelka. Sida laga soo xigtay mid ka mid ah goobjoogayaasha, markii ay qolka ku jireen, Maharaj ayaa toogtay Moo Young iyo wiilkiisa.

Sababta ayaa lagu tuhmayaa in ay tahay muran ka dhashay lacag uu Moo Young si been abuur ah uga qaatay qaar ka mid ah qaraabada Maharaj ee jasiirada Trinidad, Maharajna uu doonayay in uu soo celiyo.

Maharaj ayaa la xiray, isagoo lagu eedeeyay inuu dilay labo qof, wax ka yar hal sano kaddib, waxaa lagu xukumay dil toogasho ah.

"Ma joogin hoteelka, lix qofna waxay yiraahdeen maalintaas waxaan joogay meel 30 kiiloomitir u jirta hoteelka. Ma rumaysan karin inay igu xukumayaan," Maharaj ayaa sidaa u sheegay BBC 2019-kii.

Muddo lix sano ah, inkasta oo maxbuusku isku dayey inuu caddeeyo inuusan wax dambi ah lahayn oo uu ka fogaado ciqaabta dilka, ma jiraan wax isbeddel ah. 1993, Stafford, oo ah qareen xuquuqul insaanka, ayaa go'aansaday inuu kiiska galo.

Yaa ku lug lahaa

Waxa ugu horeeyay ee uu Stafford sameeyay waxa ay ahayd in uu racfaan ka qaato in xukunka dilka ah loogu badalo xabsi daa’in, kaas oo uu ku guulaystay 2002. Kadib waxa uu xooga saaray in uu cadeeyo in Maharaj aanu wax dambi ah galin.

Dembigu wuxuu dhacay 1980-meeyadii, markii ka ganacsiga maandooriyaha uu ku baahay Miami; gaar ahaan dagaalka qarsoodiga ah ee u dhexeeya shirkadaha Colombia iyo kuwa ka ganacsada daroogada Cuba dhexdooda.

Stafford waxa uu helay caddaymo muujinaya in Moo Young uu ku lug lahaa ka ganacsiga maandooriyaha dilkiisana lagu eedeeyay in ay fuliyeen xubno ka tirsan kooxda Medellín.

Asal ahaan, dilka waxaa amray Pablo Escobar, waxaana fuliyey taageerayaashiisa.

"Waxaan u safray Medellín si aan u helo xubno hore oo burcad ah oo weli nool, si aan ugu markhaati furo kiiska, waxayna sheegeen in Maharaj uusan wax lug ah ku lahayn dambiga," Stafford ayaa u sheegay BBC.

Muddo dhowr sano ah, qareenku wuxuu raadinayay qaab uu ugu furo kiis cusub Maharaj, isagoo isticmaalaya dhammaan cadeymihii la aruuriyay ee muujinayay inay jiraan dad kale oo danaynayey dilka Moo Young iyo gaar ahaan lix markhaati oo xaqiijiyay inuu aad uga fogaa goobta uu dilku ka dhacay.

Laakin codsi kasta oo naxariis ama isku day ah in rafcaan laga qaato, ayaa la diiday.

"Dawladda federaalka oo aan doonayn in ay dhegaysato caddaynta iyo guul-darraysiga in la sii daayo qof aan waxba galabsan waa wax laga xumaado" ayuu Stafford u sheegay BBC.

Bishii Nofeembar 2017, sarkaal hore oo ka tirsan hay’adda al dagaallanka Maandooriyaha (DEA), ayaa u sheegay maxkamadda in dadka lala xiriirinayo Pablo Escobar ay ku sugnaayeen mid ka mid ah qolalka DuPont Plaza Hotel maalintii uu dilka dhacay.

Sida ku cad hadalka sarkaalkaas hore, Escobar wuxuu amar ku bixiyay Moo Young in la dilo sababtoo ah wuxuu haystay lacag uu ururkiisu lahaa, wuxuuna sii mariyey hanaan khiyaano leh oo uu lacagtaas ku xalaaleystay.

Waxa uu sheegay in xogtan uu ka helay Jhon Jairo Velásquez, oo loo yaqaan Popeye, kaas oo la sii daayay Agoosto 2014 ka dib markii uu 23 sano ku jiray xabsiga.

Popeye wuxuu ahaa mid ka mid ah ku-xigeennada ugu sarreeya ee Escobar, sida laga soo xigtay markhaatiga sarkaalkii hore, ujeeddada ayaa ahayd in la hagaajiyo akhlaaqdiisa oo uu shaaca ka qaado in Maharaj si khalad ah loo xiray.

Cadeymaha cusub, oo ka xoog badan tii uu horey u helay 2019 ka dib 33 sano oo dambiga la galay, qareenkiisa ayaa u dagaalamay in kiiska Maharaj dib loo eego, si loo caddeeyo inuusan wax dambi ah laheyn oo uu ku laabto gurigiisa.

Isla sanadkaas, Garsoore ka tirsan Maxkamadda Racfaanka ee Mareykanka, ayaa tilmaamay in ay jiraan waxyaabo caddeynaya in Maharaj uusan dambi lahayn.

Si kastaba ha ahaatee, markii kiisku uu u gudbay Maxkamadda Racfaanka ee Federaalka, waxay go'aamisay in go'aanka garsoorka uusan ku filneyn inuu sii daayo Maharaj.

Xaaskiisa Marita Maharaj, oo aan joojin inay ninkeeda booqato muddo 38 sano ah, ayaa u guurtay England dhowr sano ka hor iyadoo ku fekeraysay in ninkeeda loo wareejin doono xabsi British ah.

Laakiin 5-tii Agoosto, mushkilado caafimaad darro oo is biirsaday ka dib ayuu Maharaj ku geeriyooday isbitaalkii xabsiga ee la dhigay.

Israel oo heshay meydadka lix kamid ah maxaabiistii ay heysatay Xamaas

Israa’iil ayaa sheegtay in ciidamadeedu heleen maydadka lix la hayste oo gacanta ugu jiray ururka Xamaas Marinka Qasa.

War ka soo baxay ciidamada difaaca Israa’iil ayaa lagu sheegay in maydadka lixda qof laga helay maalinimadii Sabtida ee shalay, dhuun marta dhulka hoos tiisa, meel ku dhaw Rafax.

Magacyada maydadka la helay ayay ciidamadu ku sheegeenCarmel Gat, Eden Yerushalmi, Hersh Goldberg-Polin, Alexander Lobanov, Almog Sarusi and Master Sgt Ori Danino.

Afhayeenka ciidamada Adm Daniel Hagari ayaa sheegay in baarista horudhaca ah ay muujinayso "in ay si xun u dileen argagixisada Xamaas, wax yar kahor inta aanay ciidamadu u tagin”.

Kaddib markii la xaqiijiyay geerida Mr Goldberg-Polin oo ah muwaadin Maraykan ah ayaa Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden waxa uu sheegay "aad baad uga xumahay, ugana carooday” warka soo yeeray.

Koox ka tirsan qolooyinka matala qoysaska dadkooda lagu haysto Qasa ayaa ka dalbaday Ra’isul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu "in uu ummadda la hadlo, qaatana masuuliyadda ka tagista maxaabiista”.

Raysal Wasaaraha Israel oo ballanta uga baxay Qaramada Midoobey

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa beeniyay wararka sheegaya in Israel ay aqbashay in dhowr cisho xabad joojin bani’aadantinimo laga sameeyo Marinka Gaza, si cudurka dabeysha looga tallaalo carruurta Gaza.

Qaramada Midoobey ayaa mar sii horreysay sheegtay in Israel iyo Xamaas ay aqbaleen xabad joojin ku-meel-gaar ah oo bani’aadantinimo, ka dib codsi ay u jeedisay labada dhinac, si looga jawaabo kiisaska dabeysha ee markii ugu horreysay muddo 25 sano ah laga soo wariyay dhulka ay colaaddu ka jirto.

Hay’adaha caalamiga ah ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii Isbitaalka Nasser ee Khan Yunis ka bilaabay tallaalka cudurka dabeysha, inkastoo uu qorshuhu yahay in tallaalka xooggiisa Axaddan laga bilaabo deegaanka Deir Al-Balah ee bartamaha Marinka Gaza.

Raysal Wasaaraha Israel oo arrintaasi ka falcelinayay ayaa sheegay in xukuumaddiisu aanay aqbalin in si guud xabadda loo joojiyo, saacadaha uu socdo ololaha tallaalka.

"Wararka ku saabsan xabad joojinta guud ee tallaalka dabeysha ee Gaza waa been.” Ayuu Raysal Wasaaruhu ku sheegay warsaxaafadeed xalay ka soo baxay xafiiskiisa.

Netanyahu ayaa warsaxaafadeedka ku sheegay "Israel waxay ogolaan doontaa marin bani’aadantinimo oo keliya, kaas oo shaqaalaha tallaalka ay u mari doonaan si ammaan ah, iyagoo adeegsanaya goobo la xididay oo ammaan ah, dhowr saacadood.”

Netanyahu ayaa sheegay in Israel ay ogoshahay in tallaalka laga sameeyo Marinka Gaza, si looga hortago buu yiri faafitaanada cudurada faafa ee gobolka, balse aanay marnaba aqbali doonin in Gaza oo dhan laga sameeyo xabad joojin guud, saacadaha uu tallaalku socdo.

Codsiga Qaramada Midoobey ayaa ahaa in saddex cisho xabad joojin soconeysa sideed saacadood laga sameeyo Marinka Gaza oo dhan, si cudurka dabeysha looga tallaalo 640,000 oo carruurta Gaza ah, taas oo hadda uu Netanyahu ku gacan seyray, inkastoo markii hore ay Hay’adda WHO sheegtay in uu aqbalay.

Xabad joojin dhameystiran oo keliya ayaa damaanad qaadi karta in carruurta Gaza ay qaataan dawada tallaalka ee cudurka dabeysha.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip