halkan ka akhriso wararka wargeyska mogdishotimes
Wasiir Jaamac "Cadowgeena gudaha ah iyo kan dibadda intaba waa inaan u diyaar garownaa.”
Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa tagay Xerada Jeneraal Gordan ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo tababaro uga socday Ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Wasiirka oo khudbad dhiirigelin ah u jeediyay ciidamada ayaa xasuusiyay waajibaadka ka saaran inay dalka ka difaacaan khataraha wax u dhimaya amniga, wuxuna yiri "Cadowgeena gudaha ah iyo kan dibadda intaba waa inaan u diyaar garownaa.”
Wasiir Jaamac waxa uu sidoo kale taabtay damaca Itoobiya ee badda, isagoo sheegay in uu ku yimid dareen ah in aysan jirin ciidan Soomaaliyeed oo ka hortagi kara, wuxuuna carrabka ku dhuftay in aysan aqbali doonin ku xadgudubka madaxbanaanida dalka.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyay dowladda Imaaraadka kaalinta weyn ay ka qaadatay dhismaha ciidanka oo muhiimad gaar ah u leh dalka iyo kaalmada kale ee ay siiso dowladda.
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo aqoon is-weydaarsi ku soo gabagabeeysay magaalada Kigali
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo kaashanaysa Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa maga-alada Kigali ee dalka Rwanda waxa ay ku soo gabagabeeysay aqoon is-weydaarsi socday muddo afar maalmood ah.
Mas’uuliyiinta ka qayb gashay Aqoon is-waydaarsigaan ayaa kulamo kala duwan la qaatay dhiggooda oo ay isku dhaafsadeen Khibradda shaqo, waxa ayna sidoo kale booqdeen xarumaha Hay’adda Socdaalka Rwanda, Hay’adda howlaha Maraakiibta Rwanda, Hay’adda Dakhliga Rwanda, Bar-xaduudeedka Cornishe oo u dhaxeeya Congo iyo Rwanda iyo Garoonka Caalamiga ah ee Kigali.
Aqoon is-weydarsigan ayaa waxa qayb ka ahaa Mas’uuliyiin ka kala socotay Maamulka Garoonka Aaden Abdulle, Booliiska Garoonka AAIA, Custamka Airport, Xafiiska Caafimaadka ee Garonka iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.
Madaxda Hay’adda SODMA & Qaramada Midoobay oo yeeshay kulan mihiim ah
Maamulka xarunta dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ayaa martiga-lisay kulan looga hadlaayey xaaladda dalka, kaas oo ay ka qeybgaleen madax ka socotay qaramada Midoobay.
Kulankaan oo bishiiba mar la qabto waxaa Ka qeybgalay Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aa-dannimada (OCHA) iyo barnaamijka horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP).
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qodobbo ay kamid yihiin sidii loogu diyaar-garoobi lahaa shirka madasha arrimaha bani’aadanimada, ururinta dhaqaale soo kabasho ah oo loogu talagalay dadkii ay wax-yeelleysay saameynti El-nino iyo qorshaha ku aaddan abaaraha.
Sidoo kale, kulanka waxaa looga hadlay sidii loo garab istaagi lahaa dadka uu saameeyay dab xooggan oo dhawaan ka kacay Suuqa Hanti-wadaag ee magaalada Jowhar, kaasoo baabi’iyay 900 oo goobo ganacsi ah,kaas oo ay ku baxeen dhaqaale dhan $1.5 milyan ilaa $2 milyan, isla-markaana waxyeelleeyay habno-loleedka 5,000 oo qoys.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Md. Maxamuud Macallin Cabdulle iyo ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Md. George Conwey, ayaa wadajir u shir-guddoomiyay kulanka, waxaana ka qeyb-galay masuuliyiin kale oo ka kala socday Hay’adaha SoDMA, OCHA & UNDP.
Taliyaha Ciidanka Booliska oo tababar u soo xiray ciidamo boolis ah
Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmad Firin iyo Safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya ayaa shalay tababar u soo xirey qeyb Ka mid ah Ciidanka Bar hubinta Guur guura ama (Checkpiont-yada Guur Guura ) ee Booliiska Soomaaliyeed.
Xafladda tababarka loogu soo xiraayay askartaan waxaa ka qeybgalay Taliyaha Hoggaanka howlaha Booliiska Sareeye Guuto Maxamed Maxamuud Garaar, Taliyaha Qeybta Guud ee Booliiska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Saraakiil Kale.
Guddiga Joogtada ah oo warbixin ka dhageystay Guddi warbixin ka soo diyaariyay Xabsiga Dhexe
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah oo ka dhacay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa.
Ugu horeyn kulanka Guddiga ayaa warbixin looga dhageystay guddi gaar ah oo uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka u xilsaaray kasoo talo bixinta hay’adaha madaxa banaan oo hore Xildhibaannada Golaha Shacabka uga doodeen kulan weynaha Golaha waxaana Xildhibaan Dr Cilmi Maxamuud Nuur uu xubnaha Guddiga Joogtada ah la wadaagay warbixin dhowr bog ka kooban oo ku saabsan doodihii iyo aragtiyadii xildhibaanadda iyo sidoo kale talo soo jeedinta guddiga.
Sidoo kale guddiga gaarka ah ee arrimaha xabsiyada ayaa xubnaha Guddiga Joogtada waxa uu la wadaagay faahfahinta warbixinta xaaladda xabsiyada dalka, marxaladda ay ku suganyiyiin maxaabiista, baahiyaha xabsiyada ka jira, mudaddii ay shaqeynayeen dhinacyadii ay la kulmeen, booqashooyin ay xabsiyada ku tageen iyo waxyaabihii kala kulmeen.
Dhinaca kale xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa ka dooday Ajandeynta kulamada guud ee Golaha Shacabka todobaadka soo socda, waxaana warbixino looga dhageystay guddoomiyeyaasha qaar ka mid ah guddiyada Golaha, xubnaha Guddiga Joogtada ayaana ansixiyey fadhiyada Golaha ee todobaadka soo socda.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhu-uriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa u mahadceliyay xubnaha Guddiga Joogtada iyo sidoo kale guddiyada gaarka ah ee warbixinada kasoo diyaariyay arrimaha xabsiyada iyo hay’adaha madaxa banaan, wuxuuna sheegay in warbixinada ay soo gudbiyeen la Ajendayn doono si ajendayaasha kulamada guud ee golaha loogu daro.
Guddoomiye Cabdi Xaashi oo si weyn loogu soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo shalay dalka dib ugu soo laabtay, ayaa si diiran loogu soo dhoweyay garoonka diyaaraha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Gddoomiyaha oo safar caafimaad dalka dibaddiisa ugu maqnaa ayaa garoonka Aadan Cadde waxaa ku soo dhoweeyay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Shacabka Mudane Cabduullaahi Cumar Abshirow, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’isul Wasaare ku xigeenkii hore Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, Sanatarro, Xildhibaanno iyo marti sharaf kale.
Guddiyada Maaliyadda Labada Gole ee BJFS oo la kulmay Hanti-dhowraha iyo Xisaabiyaha Guud
Guddiyada Maaliyadda ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay kulamo gaar gaar ah la yeeshay mas’uliyiin ka socday xafiisyada Hanti dhowraha Qaranka iyo Xisabiyaha guud ee dalka.
Mas’uuliyiinta ayaa waxaa kala hoggaaminayay mudane Axmed Ciise Guutaale oo ah Hanti dhowraha Qaranka iyo mudane Cabdiraxmaan Maxamed Anas oo ah Xisaabiyaha guud ee dalka.
Xubnaha guddiyada Maaliyadda labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuu-riyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Hanti dhowraha iyo Xisaabiyaha guud waxa ay ka dhagaysteen warbixinno ku saabsan Mashaariicda dalka, halka ay marayaan iyo caqabadaha hor taagan fulintooda.
Sidoo kale xubnaha labada guddi ayaa mas’uuliyiinta xafiisyadan weydiiyay doorka Labada xafiis uu ku leeyahay mashaariicda dalka ka socota iyo fulintooda.
Guddiyada Maaliyadda ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maalmihii dambe waday kulamo ku saabsan masha-ariicda ku jirto miisaaniyadda Qaranka.
Maamulka Gobalka Banaadir oo ka digay ka ganacsiga Maandooriyaha
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kormeeray howlgal ay ciidanka Booliiska Soomaaliyeed kusoo bandhigeen Maando-oriyaal halis ku ah bulshada Caasimadda, kaas oo lagu gubay duleedka degmada Kaaraan.
Goobta lagu soo bandhigayay Maandooriyahaan waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Booliiska Soomaa-liyeed Gaashaanle Sare Macalin Mahdi iyo saraakiil kale.
Taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Booliiska Sooma-aliyeed Gaashaanle Sare Macalin Mahdi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Maandooriyaha iyo adeega Internet-ka ee loo yaqaano 1xpet uu caqabad ku yahay xasiloonida Caasimadda iyo horumarka bulshada.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa uga digay cid kaste oo ku howlan isticmaalka iyo ka ganacsiga Maandoo-riyaha iney ka waan toowaan cidii lagu soo qabtaana sharciga lala tiigsan doono
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la yeeshay Safiirka Soomaaliya ee Boqortooyada Sucuudiga
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee SoDMA Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa shalay ku qaabilay xarunta qaran ee howl-gallada gurmadka deg degga ah ee NEOC, Safiirka Soomaaliya ee Boqortooyada Sucuudiga Danjire Aweys Xaaji.
Shirkaan waxaa looga hadlay arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin sidii Danjire Aweys u daba-gal diblomaasiyadeed ugu sameyn lahaa ballan-qaadyo ay hore dalka ugu yabooheen Xarunta King Salmaan iyo Sa’udi Fun.
Balan-qaadyadaas ayaa la xariiray mashaariic hormarineed iyo gargaar oo ay ku jiraan dhismaha xarumaha gargaarka deg degga ah ee maamul gobolleedyada, ceelal biyood, bakhaarrada gargaarka, qalab caafimaad, dab-damisyo iyo Aambal-aasyo, kuwaaso oo qaarkood la soo ansixiyay walina soo gaarin hay’adda SoDMA.
Wafdi ka socda Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka oo kulamo wadatashi ah ka daahfuray magaalada Laascaanood
Guddoomiye ku xigeenka labbaad ee Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Mudane Mohamed Abdullahi Salad iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa shalay ka daahfuray magaalada Laasca-anood kulamo wadatashi ah oo lala yeelanayo Bulshada iyo Maamulka SSC-Khaatumo.
Kulamadan ayaa diiradda lagu saaray istaraatiijiyadda Qaran ee ilaalinta, Taakuleynta iyo Xalka-waara ee Barakac-aaysha, Qaxootiga, maggangalyo-doonka iyo dadka soo guryo noqdey.
Guddoomiye Mohamed ayaa dhankiisa tilmaamay ahmiyadda gaarka ah oo ay Istaratiijiyadan u leedahay Bulshada gargaar sugayaasha ah iyo sida qeyb uga qaadan karto in la helo hanaan wadajir ah oo taageero loodhanyahay loogu sameyn karo.
Afhayeenka Gaashaandhigga "Marna ma istaagin dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab”
Afhayeenka Wasaaradda Gaasha-andhigga XFS Abuukar Maxamed oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbahinta qaranka ayaa ka warbixiyay dadaalada ciidamada ee ku wajahan la dagaalanka argagixisada iyo diyaarga-rowga loogu jiro dhameystirka howlgalada lagu ciribtiraayo al-shabaab.
Afhayeenka ayaa qiray in ay socdaan dagaallo qorsheysan ee deeganada looga saarayo al-shabaab iyo sidoo kale, howlgallada loogu talagalay in lagu ugaarsado kooxaha nabad-diidka ee sida dhuumaaleysiga ah ku soo gala deegaanada.
Afhayeenka ciidamada ayaa xusay in uu meel wanaagsan marayo wadash-aqeynta qeybaha ciidamada ee dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada, kuwaas oo iska kaashanaaya sidii loo ciribtiri lahaa kooxaha al-shabaab ee weli ku sugan deegaanno farakutiris ah oo kamid ah dalka.
Ugu dambeyntii waxa uu afhayeenku soo jeediyay in ciidamada garab lagu siiyo howlgallada wadajirka ah ee ay ka wadaan gudaha dalka si ayuu yiri dadka Soomaaliyeed ay u helaan xorriyad iyo kala dambeyn taam ah.
Golaha Wasiirada XFS oo ansixiyay magacaabista Maareeye ku-xigeenka Hey’adda Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Dadweynaha
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo shalay yeeshay kulankooda toddoba-adlaha ah, ayaa lagu ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee magacaabista Maareeye ku-xigenka Hey’adda Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Dadweynaha, kaas oo uu noqonayo Mudane Cabdiraxmaan Siciid Axmed.
Shirka oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu meelmariyey Heshiis ku saabsan iskaashiga Dhaqa-alaha iyo horumarinta oo u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha.
Shirka Golaha Wasiirrada, ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira amniga, habka bixinta ruqsadda gaari wadista iyo dhaqan gelinta canshuurta gadista, taas oo uu dhawaan goluhu ka soo saaray qaraar lagu dhaqan gelinayo.
Xildhibaan Xusul iyo wafdi uu hoggaaminayo oo kormeer ku tagay magaalada Masegawaay
Wafdi uu hoggaaminayo Xildhibaan Cabdirisaaq Aadan Warsame (Xusul) ayaa shalay magaalada Masegawaay ee gobolka Galgaduud u tegay dardar gelinta dagaalka Al-shabaab iyo garab istaagga ciidamada howlgalka ka wada aaggaas.
Wafdigan oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Dastuurka Galmudug Mudane Daa’uud Maxamed Maalin, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Yuusuf Cali Maxamed iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa si diiran u soo dhaweeyay odeyasha dhaqanka iyo dadka deegaanka.
Xildhibaan Cabdirisaaq Xusul iyo wafdiga la socday ayaa kormeeray difaacyada ciidamada ku sugan jiidaha hore ee dagaalka, iyagoo sidoo kale deeq xoolo ah ku wareejiyay.
Xildhibaanka oo goob fagaare kula hadlay ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ayaa ku dhiiri galiyay in ay sii xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab, isagoo sheegay in ay si buuxda u garab taagan yihiin.
Guddida Nabadgalyada Gobolka Sanaag oo amaro cusub soo saaray
Guddida Nabadgalyada Gobolka Sanaag, ayaa amar ku bixisay in la joojiyo dadka qaar oo bilaabay in ay ka qaxaan magalada Cerigaabo, sidookale bandowga magaalada saaran ayay sii xoojiyeen.
Guddida nabadgalyada ayaa amar ku bixiyay in anay jirin cid ka bixi karta magaalada oo qaxaysa, guddidu waxay sheegtay in qaxa ay samaynayaan qoysaska qaar kood uu abuurayo xaalad cabsi ah.
"Waala qaxaya, qaxaasi haduu ka dhamaado magaalada waad garanaysan sida ay ku danbaynayso, waynu soo marnay qax, dil waa soo marnay dagaal waa soo marnay, khayr kamaynu helin, shalayna hadaynu qaxno halkii uunbay ku noqon, waar dadkana ma joojina nadabana ma u midownaa" Duqa Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur ayaa sida yidhi.
Guddidu waxa ay sii xoojiyeen bandaw lagu soo rogay dhaqdhaqaaqa baabuurta oo ka bilaabanayay 4:00 galabnimo, iyaga oo soo kordhiyay in sidookale wixii ka danbeeya 6:00 fiidnimo aan la arki karin dad dhex socda magaalada si nabada gacan loogu qabto.
Kadib dilal aano qabiil salka ku hayay oo ka dhacay magaalada Ceerigaabo dadwaynaha ayaa cabsi dareemayay, iyada oo dadka qaarkood ay bilaabeen in ay ka qaxaan magaalada. Dhinaca kale xukuumada Somaliland ayaa ciidamo booliis iyo millateri iskugu jira ku daad guraysay magaalada iyo hareeraheeda.
Wararka ayaa sheegaya in askari kamid ah askartii amaanka sugaysay habeen hore la dhaawacay, kadib markii uu qof shacab ahi guri kasoo toogtay, kadib ciidanka ayaa rasaas riday, waxaana halka ku dhaawacmay qof shacab ah.
Shacabka Xuddur oo kasoo horjeestay in ciidamada Ethiopia laga saaro Bakool laguna beddelo ciidamada Masar
Maamulka degmada Xuddur ee gobolka Bakool oo ay wehliyaan mas’u-uliyiinta gobolka iyo qeybaha bulshada ayaa dhigay bannaanbax ballaaran oo ay ku taageerayaan ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolka Bakool.
Dibad-baxayaasha ayaa ku ammaanay ciidamada Itoobiya dadaalka dheeriga ah ee ay ku bixiyeen sidii ay gobolka uga difaaci lahaayen Al-Shabaab, iyagoo u arka ciidamada Ethiopia in ay naftooda u hureen amniga dadka deegaanka.
Ka qeyb galayaasha dibadbaxa ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin in ciida-mada Itoobiya lagu badalo ciidamada Masar.
Waxay walaac ka muujiyeen in ciidamada Masar ay wiiqi karaan xasilo-onida gobolka, ayna uga sii dari karaan dhibaatooyinka ay la kulmaan dadka deegaanka, oo muddo dheer la kulmayay hanjabaadaha kooxda Alshabaab.
Waxay Dowladda Federaalka ugu baaqeen in ay diiradda saarto xallinta arrimaha Ethiopia kala dhaxeeya halkii ay abuuri caqabad hor leh.
Dowladda Soomaaliya ayaa doonaysa in ciidamada Ethiopia aysan kasii mid ahaan howlgalka nabad ilaalinta Soom-aaliya, iyadoo u aragta Ethiopia inay xadgudub ku sameysay qaranimada Soomaaliya markii ay heshiis dhinaca badda ah la gashay Soomaliland.
Somaliland oo si adag u cambaaraysay imaanshaha ciidamada Masar ee Soomaaliya
Xukuumada Somaliland ayaa si adag uga soo horjeedsatay imansha ciidamada Masar ee Somalia, iyada oo sheegtay in ay carqalad ku noqon karaan nabadeeda, nabada Soomaaliya iyo gobolkaba.
"Dowlada Somaliland waxay si adag uga soo horjeedaa daadguraynta ciidamada Masar ee Soomaaliya, marka la eego taariikhda daad guraynta caynkaas ah, ee la sameeyo iyada oo aan la qiimayn xaalada amni ee Soomaaliya iyo gobolka oo dhan waa mid walaaceeda leh" ayaa lagu yidhi warbixin kasoo baxday wasaarada arrimaha dibadda.
Somalilan waxay shegtay in ay tallabadan u aragto mid khatar ku ah nabadda jilicsan ee si taxaddar leh looga shaqaynayay sannado badan. Waxay sheegtay in imaanshaha ciidamada Masar ay keeni karaan cawaaqib xumo daba dheraata.
"Anagga oo ah qaran madaxbannaan oo dimuquraadi ah, waxaanu u aragnaa in ay masuuliyadi naga saarantahay in aanu diidno imaanshaha millateri shisheeye ee gobolka, kaasi oo xagal-daacin kara dagananshaha iyo nabadgalyada dadkay-aga" ayay warbixintu sii raacisay.
Somaliland waxay beesha caalamka ugu baaqday in ay si deg deg ah u cambaareeyaan khatar ay sheegtay in ay keeni karaan ciidamada Masar, waxay sheegtay in loo baahanyahay dhamaan wadamada arrintan ku lugta lihi ay qaadaan talaabo dag dag ah oo lagaga hortagayo daganasho la'an ay talabadani sabbi karto.
Somaliland waxay sheegtay in anay iska daawan doonin ficilada carqaladenaya nabada sida adag lagu helay, iyada oo waddamada caalamka ugu baaqday in ay dhug u yeeshaan xaalada.
Waxa la rajaynayaa in ciidamada Masar ay si buuxda uga mid-noqdaan hawlgalka xiga ee nabad ilaalinta Soomaaliya, itobiya aya sidokale walaac ka mujisay imanshaha ciidanka Masar. Dowlada Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay in iyadu ay leedahay go'aanka cida qayb ka noqonaysa hawlgalka ATMIS ka danbeeya.
Wasaaradda Deegaanka XFS oo digniin ka soo saartay Jarista geedaha
Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada XFS ayaa maanta soo saartay warmurtiyeed ku saabsan jarista dhirta, iyadoo raacisay digniin culus oo ku aadan ku xadgudubka Sharciga ilaalinta iyo maareynta deegaanka.
Wasaaradda ayaa sidoo kale ku bogaadisay Booliska soo qabashada eede-ysane ku eedeysan ku xadgudubka deeganka iyo nabad guurka, kuna kacay fal jaris geed.
Booliska Soomaaliyeed oo gacanta ku dhigay eedaysane si bareer ah cagaf ugu jaray geedo waaweyn oo ku yaalo degmada Deyniile
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Boliiska dagmada Deyniile ayaa gacanta kusoo dhigay eedaysane Cabdiqani Daahir Shire oo si bareer ah cagaf ugu jaray geedo waaweyn oo ku yaala xaafada Gubta ee degmada Deyniile.
Qoraal kooban oo ka soo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in eedeysanaha la horgeydoono Maxkamadda Awooda uleh.
"Waxaa looga digayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay ka fogaadan xaalufinta geedaha nacfiga uleh deegaanka iyo adamaha.” aya la raciyay qoralka Booliska.
Tallaalka cudurka dabeysha oo Gaza ka bilaabanaya Axadda soo socota
Madaxa Ururka Caafimaadka Adduunka WHO Tedros Adhanom Ghebre-yesus ayaa sheegay in 1-da Sebtembar uu Gaza ka bilaaban doono tallaalka cudurka Dabeysha, iyadoo kooxaha caafimaadka ay u baahan yihiin 48 saacadood si loogu diyaargaroobo ololaha tallaalka iyo xaadirinta carruura la tallaalayo.
Ururka Caafimaadka ayaa ku dhawaaqay in Israa’iil ay ogolaatay gurmadka tallaalka ee la siinayo caruurta Gaza, inkastoo la tilmaamay in howsha tallaalka ay ka dhici doonaan oo keliya meelo gaar ah iyo waqtiyo gaar ah.
Ogolaanshaha tallalka cudurka Dabeysha ayaa imaanaya xilli Israa’iil ay weeraradii u dambeeyay ku dishay ugu yaraan 79 falastiiniyiin ah 24-kii saac ee la soo dhaafay. iyadoo dhaawacday 77 qof, sida ay sheegtay wasarada cafimadka ee Gaza.
Dhinaca kale, Shiinaha ayaa Israa’iil ku cambaareeyay shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isagoo yiri”waa in aan marnaba la oggolaan in masiibo bini’aadanimo oo la mid ah Gaza ay ka dhacdo Danta Galbed, tasoo u rogi doonta Daanta Galbeed cadaab kale oo dhulka ah.
Ugu yaraan 40,602 qof ayaa lagu dilay dagaalka Gaza, halka 93,855 oo kalana la dhawacay, kadib colaadii Israel ee bilowda sanadkii hore.
Wasiirka Dhallinyarada oo ka qeybgalay shirka wasiirrada Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Ururka Jaamacadda Carabta
Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha XFS Mudane Maxamed Bare Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay mertada 47aad ee wasirada Dhallinyarada iyo Cayaraha e Ururka Jamacada Carabta.
Shirkaan oo ah mid ay isugu yimaadeen Wasiirrada Dhallinyarada iyo Cayaaraha, dhallinyarada iyo hey’adaha caalamiga ah ee dalalka ku mideysan Jaamacadda Carabta ayaa lagu daah-furaayay istaraatiijiyadda Dhallinyarada, Nabadda iyo Amniga ee UNSCR2250.
Wasiirka ayaa hadaljeedintiisa kaga warbixiyay sida ay dowladda Soomaaliya mas’uuliyad isaga saartay sidii ay dhalli-nyarada Soomaaliyeed door muhiim ugu yeelan lahaayeen howlaha nabad-dhiska dalka, isagoo tusaalo usoo qaatay sida ay Siyasada Qaran e Dhalinyarada Somaliyed muhiimad buuxda u siineyso barnamijkaan.
Wasiirka ayaa ugu dambeyntii ka waramay sida ay Soomaaliya u fulineyso qaraarkaan caalamiga ah maadaama ay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha XFS ay bilawday hanaanka dhaqangelinta qaraarkaan caalamiga ah.
Itoobiya oo ku eedeysay Soomaaliya inay ka shaqaynayso sidii loo sii kordhin lahaa xiisadda labada dal
Wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya Taye Atskeselassie, ayaa ku eedeeyay madaxda Soomaaliya inay sii xumeynayan xiisadda labada dal ee deriska ah. Isagoo sheegayin Soomaaliya ay gacan saar la leedahay hay'ado shisheeye oo doonaya inay khal-khal geliyaan gobolka.
Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Addis Ababa Jimcaha shalay, ayuu sheegay in qaar ka mid ah madaxda Soomaalida ay si firfircoon uga shaqeynayaan sidii colaadda loo sii kordhin lahaa, gaar ahaan iyadoo la wiiqayo tabarucaadka askarta Itoobiya ee ku howlan nabad ilaalinta Soomaaliya muddo toban sano ah.
"Itoobiya waxay naf-hurnimo ku bixisay dadaallada nabad-ilaalinta ee Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah mas'uuliyiinta Soomaalida ayaa u muuqda inay hadalkooda diiradda saarayaan sidii loo dhimi lahaa dadalladas halkii ay raadin lahaayeen xal wax ku ool ah" ayuu yiri Taye.
Khilaafkan dublamaasiyadeed waxa sii murgiyey khilaafka soo jireenka ah ee Masar kala dhexeeya Itoobiya ee ku saabsan dhismaha biyo-xidheenka weyn ee webiga Niilka Buluuga ah, kaas oo sii kordhiyey xiisadda gobolka.
Taye ayaa ku nuux-nuuxsaday sida ay Itoobiya uga go’an tahay in colaadda lagu xalliyo qaab nabadeed iyo mid diblomaasiyadeed. Wuxuu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo xasilloonida gobolka, isagoo hoosta ka xariiqay in helitaanka badda ay weli tahay arrin muhiim u ah Itoobiya oo ah dal ay ku nool yihiin 110 milyan qof.
Israel oo loogu baaqay in ay joojiyaan hawlgallada ciidan ee Daanta Galbeed
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo howlgalka Israel ay ka waddo Daanta Galbeed ee la heysto.
Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in uu aad uga walaacsan yahay weerarada Israel iyo dhibaatooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Daanta Galbeed ay.
"Waxaan si adag u cambaareynayaa dhimashada soo gaartay dadka rayidka ah ee ay ku jiran carurta, waxana ku baaqayaa in si degdeg ah loo joojiyo hawlgalladan” ayuu yidhi.
Dhinaca kale, madaxa siyasada arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell ayaa ka digay in ciidamada Israa’iil ay dagaalka ku fidiyaan ama ku kordhiyaan Daanta Galbeed ee la haysto.
Josep Borrell waxa uu soo jeediyay in Daanta Galbeed aysan noqon goob dagaal, maadaama Gaza uu soo gaaray burbur baaxad leh oo lagu arkay dhulka Falastiiniyiinta.
Weerarada Israa’iil ayaa lagu dilay 68 Fala-stiiniyiin ah, halka 77 kalana la dhawacay 24-kii saac ee la so dhafay, sida ay so wariyen wasarada cafimadka ee Gaza.
Tirada dhimashada Falastiin ayaa mareysa 40,534 qof, halka dhaawacu uu gaarayo 93,778, kadib weeraradii bilowday 7 dii Oktobar ee sanadkii tagay.
Askar Itoobiyaan ah oo doonaya inay Soomaaliya sii joogaan, iyagoo cabsi ka qaba ku laabashada dalkooda
Iyado howlgalka Midowga Afrika e Somalia (ATMIS) uu gabagabo ku dhow yahay dhamadka December 2024, waxaa soo baxday xaalad la yaab leh oo xasaasi ah oo ay ku lug leeyihiin dhowr askari oo Itobiyan ah oo hadda ku sugan Soomaaliya.
Sida uu shegay sarkal ka tirsan sirdonka ciidanka qaranka Soomaaliya, tiro ka mid ah askartan ayaa muujiyay rabitaankooda ah in ay sii joogaan Soomaaliya qaxooti ahaan intii ay dib ugu laaban lahaayeen Itoobiya. Waxay rajaynayaan in ay magan-gelyo ku helaan waddan saddexaad ka dib marka ay hawshooda dhammaato.
Askartan oo inta badan fariisimo ku leh gobolada Bay, Bakool iyo Gedo ee dalka Soomaaliya, ayaa la sheegay in aysan doonen in ay dib ugu laabtan dalka Itobiya, sababo la xiriira colaado gudaha ah oo dalkodii hooyo ragaadiyay tan iyo 2022-kii.
Qoysaska Itoobiya ayaa wajahaya rabshado, afdub iyo lacago madax furasho ah oo uga imaanaya dhinacyo kala duwan oo ku lug leh dagaalka.
Sida laga soo xigtay ilo wareedyo ka tirsan militariga Soomaaliya, qaar ka mid ah askarta Itoobiya ayaa si qarsoodi ah u sheegay dhiggooda Soomaaliya, taasoo muujineysa in kooxaha hubeysan ee Itoobiya ay beegsadaan qoysaskooda.
Waxa ay ku andaconayan in xaaladu ay noqotay mid aad u adag oo ay askartan naftooda uga baqayaan haddii ay dib ugu laaban lahaayeen dalkooda. Taasi waxay keentay in ay Soomaaliya u arkaan mid ka badbadsan, ugu yaran inta ay magangelyo ka helayaan dal saddexaad oo ka ilaalinaya qaska Itoobiya.
Janez Lenarcic "Hawlgalka Daanta Galbeed wuxuu xadgudub ku yahay sharciga caalamiga ah”
Madaxa Gargaarka Bani’aadantinimada &Maareynta Xasaradaha ee Midowga Yurub, Janez Lenarcic ayaa cambareeyay hawlgalka ballaaran ee ay Israel maalintii labad ka wado Daanta Galbed ee la haysto.
Sarkaalkan ayaa sheegay in hawlgalka militari ee ka socdo Daanta Galbeed uu yahay mid xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah iyo xuquuqul insaanka.
Waxa uu dhalleeceeyay gacanta adag ee ay Ciidamada Israel u adeegsanayaan dadka rayidka ah iyo burburinta ay ku hayaan dhismayaasha la degan yahay iyo kaabeyaasha kale ee rayidka.
"Adeegsiga awoodda xad dhaafka ah, rabshadaha ka dhanka ah dadka degaanka iyo burburinta ballaaran ee guryaha & kaabeyaasha kale waxay xadgudub ku yihiin sharciga caalamiga ah iyo xuquuqda aadanaha.” Ayuu yiri Janez Lenarcic.
Hadalkiisa aya xojinaya walaaca calamiga ah e laga mujinayo holgalkan, oo noqonayo kiisi ugu ballarna ee ay Israel ka sameyso Daanta Galbed, mudo 20 sano ah.
Ciidamada Israel ayaa lagu eedeeyay in ay barakacin khasab ah ka wadaan waqooyiga Daanta Galbeed, iyagoo ku andaconaya in ay la dagaalamayaan waxa ay ku sheegeen kooxaha argagixisada.
Inkastoo Ciidamada Israel ay hawlgal ballaaran ka wadaan Magaalooyinka Jenin, Tulkarm iyo Tubas, hadana waxay koronta-dii iyo biyihii ay ka jareen Jenin iyo Tulkarm, iyago sidoo kalena xadiday dhaqdhaqaaqa shaqaalaha caafimaadka iyo isbitaalada.
Xuutiyiinta Yemen oo aqbashay in gurmad uu gaaro markab ku gubanaya Badda Cas
Howlgalka Iran ee Qaramada Midoobay ayaa Arbacadi sheegay, in kooxda Xuutiyiinta Yemen ay ogolaatay in doonyo iyo maraakiib gurmad ah ay gaaraan, markab wada saliid ceyriin oo ku gubanaya Badda Cas, kaddib marki ay malleeshiyo ka tirsan Xutiyiinta weraren todobadki hore.
kabkan oo wata calanka Giriiga ayaa wada ilaa hal milyan oo barmiil oo saliid ceyriin ah. Saraakiisha markabka ayaa ka digay in saliidda ku daadaneysa badda ay keeni karto mid ka mid ah khataraha ugu weyn ee dhanka deegaanka ah ee soo marta caalamka.
Qoraal kasoo baxay xafiiska holgalka Iran ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegau, in iyada oo la tixgelinayo walaaca dhinacyada bani’adanimada iyo deeganka ay Ansarullah oo ay ula jeedaan Xuutiyiinta aqbashay bay tiraahdeen, in doonyo iyo maraakiib gudmad ah u tagaan markabka burburaya.
Afhayeenka Xuutiyiinta Yemen, Mohammed Abdulsalam ayaa Arabacadi u sheegay Reuters, in aysan jirin wax xabbad-joojin ah, balse ay kaliya kooxdu ogolaatay jiidista markabka shidaalka ee Sounion, ka dib markii dalal badan oo caalamka ah oo kooxda lasoo xiriiray ay taasi codsadeen.
Shiinaha iyo Mareykanka oo hagaajinaya xiriirkooda
Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping ayaa shalay Caasimadda Beijing ku qaabilay La taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka, Jake Sullivan oo boqasho ku joga dalkaasi.
Madaxweynaha Shiinaha ayaa sheegay in dalkiisu ay ka go’an tahay in uu yeesho xiriir wanaagsan oo xasilloon.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dunidan ay qalalaasuhu daashadeen ay dalalka uga gudbi karaan wadajir iyo isku duubni, isla-markaana aan loo baahneyn sida uu yiri kala qaybsanaan.
Warbaahinta Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in Madaxweyne Jinping uu Jake Sullivan u sheegay in Mareykanka ay tahay inuu si wanaagsan u arko horumarka muuqda ee Shiinaha, si loo helo hab sax ah oo labada dal ay ku wada shaqayn karaan.
"Shiinaha iyo Mareykanka oo laba dal oo waaweyn ah marka ay is qabtaan waxaa loo baahan yahay in arrinta koowaad ay noqoto in la sameeyo aragti istiraatijiyadeed oo sax ah, isla-markaana ay jawaab wanaagsan u helaan su’aasha ah Shiinaha iyo Mareykanka miyay xifaaltamaan mise way wada hawlgalaan?” Ayay ku warantay Xinhua, iyada oo soo xiganeysa hadalka Madaxweynaha.
Xinhua ayaa warisay "Maadaama Shiinaha iyo Mareykanka ay yihiin laba dal oo waaweyn waa inay masuuliyad iska saaraan taariikhda, dadka iyo adduunka, waana inay noqdaan isha xasilloonida nabadda adduunka iyo hormuudka horumarka guud.”
Jake Sullivan, La taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka ayaa dhankiisa sheegay in Mareykanku uu doonayo in la adkeeyo xiriirka diblomaasiyadeed ee Shiinaha.
Sarkaalkan ayaa Madaxweynaha Shiinaha soo gaarsiiyay salaan uu uga waday dhiggiisa Mareykanka Joe Biden, waxaana uu kaga mahadceliyay kulanka.
Sullivan ayaa isku dayaya in la dejiyo xiisadda siyaasadeed ee labada dal, iyadoona muddooyinkii ugu dambeysay ay labada dal ku sii kala fogeynayeen arrinta Taiwan, xiisadda Gobolka Asia-Pacific iyo weliba colaadda Ukraine, iyadoo xulafada Mareykanka ee NATO ay Shiinaha ku eedeeyeen in uu Ruushka ku gacan siinayo dagaalka dalka Ukraine.
Bartamihii bishii July, Shiinaha ayaa Mareykanka iyo xulafadiisa reer galbeedka ku eedeeyay inay hurinayaan xiisadda Asia-Pacific, ka dib markii ay garowsadeen inay xiriir adag la yeeshaan dalalka gobolka qaarkood, sida Japan, Koonfurta Kuuriya iyo Filibiin, si culeys siyaasadeed iyo mid amniba loogu saaro Shiinaha.
Kulanka galabta ka dhacay Magaalada Beijing ayaa yimid, ka dib maalmo uu Sullivan wada hadalo la lahaa masuuliyiinta sarsare ee Shiinaha, sida Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wang Yi oo goobjoog ka ahaa kulankan ka dhacay Hoolka Weyn ee Shacabka (The Great Hall of the People).
Sullivan ayaa sameynaya dadaalo lagu qaboojinayo xiisadda waxa ay Saraakiisha Mareykanka ku sheegeen tartan adag oo dhanka ganacsiga ah.
Xiriirka labada dal ayaa xumaaday, ka dib booqashadii Nancy Pelosi, Afhayeenkii Aqalka Wakiilada Mareykanka ay 2-dii bishii August ee sanadkii 2022 ku tegtay Jasiiradda Taiwan.
Shiinaha ayaa Taiwan u arka gobol ka tirsan dhulweynaha Shiinaha, balse si iskiis ah isku maamula.
halkan ka akhriso wararka wargeyska mogdishotimes
.