![](https://mogtimes.com/uploads/mogtimes_bnr.jpg)
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogdishutimes
Madaxweynaha JFS oo qeyb galay bandhigga sanadlaha ah ee waxqabadka Xukuumadda
Madaxwenaha Jamhuriyada Federalka Somalia Mudane Xasan Shiikh Maxamud ayaa xalay ka qeyb-galay Munaasabada sannadlaha ah ee bandhiga waxqabadka Xukuumadda DanQaran oo labo sano jirsatay.
Madaxweynaha ayaa khudbad uu ka jeediyay madasha waxa uu bogaadiyey waxqabadka Xukuumadda iyo sida ay uga go’an tahay in ay xaqijiso himiloyinka dadka Soomaaliyeed ee xoreynta deega-annada ku jiray gacanta argagixisada, kobcinta dhaqalaha, xojinta maalgashiga iyo dib u habaynta dowladnimada.
”Xukumada DanQaran wixii ay qabatay labadii sano ee la soo dhaafay, waa sadar muuqda su’aal ka dhan, indhahena ayaan ku aragnay, guulaha la gaaray wadajir, wada-shaqeyn iyo midnimaa ayaa lagu gaaray”.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in dalka uu ku tallaabsanayo isbeddello horumarineed oo muddo dhow la dareemayo, kuwaas oo ay saldhig u tahay dadaallada joogtada ah ee Xukuu-madda iyo wadashaqaynta Hay’adaha dowladda.
"Labada sano ee soo socotaa waa ka duwanan doonan labadii la soo dhaafay, Mashaariic aad u waaweyn ayaan soo kordhin dona wana balan qaadena taas”.
Inta ay socotay Munaasabaddu, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warbixino fahfaahsan ka dhagestay Wasirada Golaha Xukumada, kuwaas oo soo bandhigay horumarrada la taaban karo ee ay ku tallaabsadeen muddadii ay xilka hayeen. Wasiiradu waxay si faahfa-ahsan uga hadleen guulaha la gaaray iyo qorsheyaasha hortabinta leh.
Ra’iisul wasaare Xamse oo kulan yeeshay sii hayaha ergayga gaarka ah QM u qaabilsan Soomaaliya
Ra’isul Wasaraha Xukumada Jamhuri-yada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa abdi Barre, ayaa shalay qaabilay Sii hayaha Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midobay u u qaabilsan Soomaaliya James Swan, iyagoo ka wada hadlay xoojinta wada-shaqenta hay’adaha Qaramada Midobay iyo Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Qaramada Midoobay uga mahadceliyey taageerada dhinacyada kala ee ay u fidiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dada-alka ay geliyaan dhinaca arrimaha bini’a-adanimada, isagoo muujiyey sida ay Xukumada Dan Qaran uga go’an tahay in ay si dhow ula shaqeyso QM, iyada oo xoogga la saarayo arrimaha ahmiyadda u leh Xukuumadda si loo xaqiijiyo guulaha la hiigsanayo.
Ra”iisul Wasaare Ku-Xigeenk oo furay munaasabadda Saxiixa Heshiiska iskaashi ee Hay’adda NIRA Bangiyada Dalka
Ra”iisal Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Ahmed Jaamac ayaa si rasmi ah u furay munaasabadda Saxiixa Heshiiska Iskaashi ee Hay’adda Diiyaan-gelinta iyo Aqonsiga Dadwenaha (NIRA) iyo Midowga Bangiyada Soomaaliyeed.
Iskaashigan ayaa door lixaad leh ka qaadan doona dhaqangelinta nidaamka aqoonsiga qaranka si dadweynaha ay ugu fududaato helitaanka adeegyada asaasiga ah ee nidaamka maaliyadda iyo adeegyada bangiyadu koow ka yihiin.
Waxaa munaasabadda daahfurka sida oo kale ka soo qayb galay, wasiirro ka tirsan xukuumadda, Gudoomiyaha Bangiga Dhaxe, wakiillo ka socda ganac-satada, bangiyada, ururrada bulshada rayidka iyo martisahaf kale.
Wasiirka Waxbarashada oo daah-furay Imtixaanka macalimiinta
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada XFS, Mudane Faarax Sheekh abdulqadir ayaa shalay si rasmi ah u daahfuray Imtixaanka laga qaadayo 13,252 qof Macallin oo u tartamayo jagooyin ay soo bandhigtay Wasaaradda Waxbarashada, kaas oo ka dhacaya gobolka Banaadir iyo dowlad gobolleedyada dalka.
Wasiir faarax ayaa sheegay in tirada maclimiinta ay soo codsaday ay ahayd 26,540 markii dib loo eegay ay soo haren 13,252, kuwaas oo shalay u fadhiistay imtixaanka, kaas oo lagu ggalaya 45-gobood oo kamid ah dalka 19-dagmo oo dowlada goboleedyada dalka iyo 14-gobood oo gobolka Banaadir ah.
Mudane Faarax Sheekh abdulqaadir ayaa tilmaamay in da’daal dheer ayaa wasaaradu u soo gashay hufnaata iyo si ay caddaalad u ku jirto kuso dalbadan shaqada macalinimo,.dadkii ku haray kala reebista ayuu sheegay in loo furay fursad cabasho dib u eegis kadibna dakii ay sax noqotay loo ogolaaday in imtixaanka ay galaan.
Wasiirka Waxbarashada Xukumada Federaalka Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa sidoo kale sheegay Macallimiinta ku soo baxa imtixaanka qoraalka ah mari doonaan midka afka ah si tirada loo qorsheeyey loogu koobo Macallimiinta, isagoo tilmaamay in muhiimad gaar ah la siin doona gabbadha.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka qeyb galay Bandhiga waxqabadka xukuumadda Dan-qaran
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxmaed Nuur (Madoobe) oo ka qeyb galay Bandhiga waxqabadka xukuumada Dan-qaran oo lagu qabtay Magaaladda Muqdisho ayaa ku amaanay Ra’isul wasaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo golihiisa wasiiradda wax qabadka muuqda ee ay la yimaaden mudadii labada sano aheyd oo ay jireen.
Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa sheegay in guulaha waxtarka leh ee la gaaray mudadii labada sano aheyd ay horsed u ahaayeen shuruucdii muhiimka aheyd ee ay ansixiyeen labada Aqal ee Baarlamanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, wuxuuna Ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya uga mahadceliyay hogaamintiisa wanaagsan ee laanta fulinta.
Ugu dambey Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in hormarkan la gaaray mudada kooban ee labada sano ah lagu gaaray wada shaqeynta hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo kalsoonida shacabka Soomaaliyed, mudada harsanna la gaari karo horumar midka hada la gaaray kasii balaran, wuxuna shacabka Soomaaliyed ugu baaqay in ay dowladooda taageraan oo ay ku garab istaagaan horumarka dowladnimo ee Dalka.
Wasiirka Gaashaandhigga oo guddoomiyay shir looga hadlayey Arrimaha Xasilinta
Wasiirka Wasaarada Gaashandhiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo uu wehliyo Wasiiru Dowlaha Wasaarada mudane Cumar Cali Cabdi, goobjoogna uu kaahaa Taliye Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Madey Nuureey Sheekh Ufurow ayaa shalay guddoomiyey shirka billaha ah ee Guddi Howleedka Farsamo ee Xiriirka Arrimaha Xasilinta, kaas oo ay martigelisay Wasarada Gaashaandhigga XFS.
Kulamada guddiga ee joogtada ah waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Agaasimeyaasha Waaxyaha xiriirka ee Wasaaradaha iyo Hey’adaha Dowladda Federaalka ah uga shaqeeya arrimaha Xasillinta, iyada oo lagu jiheeyo farriimaha Xasillinta isla markaana lagu baahiyo isbadallada iyo sharciyadda dowladda ee goobaha laga xoreeyay Al-shabaab.
Ugu horreyn, Guddoomiyaha Guddiga mudane Cabdicasiis Gurbiye ayaa ka warbixiyey ujeedada loo aasa-asay iyo waxqabadka 7-bil ee lasoo dhaafay, iyada laso bandhigay warbixino, waxaa kale oo goobta ka hadlay qaar ka mid ah agaasime waaxeedyada oo ka warbixiyey howlaha kala duwan ee socda.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga XFS mudane Cumar Cali ayaa bogaadiyay howlaha guddiga isaga oo adkeeyey baahida loo qabo in lalabo-jibaarro isla markaana si weyn loo dhiirigeliyo ciidanka iyo dhabar-adeeg-gooda, lana muujiyo waxa ka maqnaa oo ay heleen dadka deggan goobaha laga xoreeyay Al-shabaab.
Ugu Dambayn, Wasiirka Gaasha-andhigga XFS mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo ayaa isna si weyn u bogaadiyay isla shaqeynta iyo guud ahaan howlaha Guddiga, isaga oo sheegay in hadafka Xasillintu yahay horseedid meel ka fiican meeshii hore taasi oo waaxyaha laga rabo in ay si fiican u baahiyaan isla markaana shacabka la tuso in dowladdooda ay meesha ka saartay baaddii, kufsigii iyo dhibaatooyinkii Al-shabaab Shabaab, heleenna xoriyad.
Hantidhowraha Guud ee Qaranka oo kulan la yeeshay wafdi ka socday Midowga Yurub
Hantidhowraha Guud ee JFS, Axmed Ciise Guutale ayaa shalay kulan mirodhal ah la yeeshay wafdi ka socda Midowga Yurub. Kulanka waxaa si qoto dheer loogu falanqeeyay horumarada shaqo ee xafiiska, muhiimadda taageerada lataliy-ayaasha farsamo, iyo sidii loo xoojin laha wada shaqeynta hay’adaha hantidhowr e heer federaal iyo heer dowlad goboleed.s
Waxaa kulanka si gaar ah looga hadlay taageerada dhaqaale ee Midowga Yurub u fidiyo Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, iyo sidii loo horumarin lahaa habraaca baarista lacagaha taageerada ee la marsiiyo Nidaamka Maareynta Maaliyadda Dalka (SFIMS), laguna maamulo khasnadda dhexe ee dowladda. Sidoo kale, waxaa la isla gartay muhiimadda ay leedahay wada shaqaynta joogtada ah ee Xafiiska Hantidhowrka Guud la leyahay Guddiga Miisaaniyadda iyo Maaliyadda Baarla-maanka, si loo xaqiijiyo dabagalka iyo fulinta talooyinka baarista hantidhowr ee Xafiisku horay u bixiyay.
Xafiiska Hantidhowrka Guud waxa uu adkeynayaa xiriirka wada shaqeyn ee uu la leeyahay Dowlad Goboleedyada, si loo gaaro guulo wax ku ool ah oo ku saabsan horumarinta adeegyada dadwe-ynaha iyo hufnaanta maaliyadeed ee dalka. Sidoo kale kulanka waxa looga hadlay horumarinta iyo taageerada Xafii-syada hantidhowr e Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka. Kulanku waxa uu ku dhamaday guul iyo isafgarad horseedaya wadashaqeyn joogta ah.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Safiirk Cusub ee dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nur (Madobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee dowlada Shiinaha usoo magacowday Soomaaliya Wang Yu oo ay wehliyaan diblomasiyiinta safaaradda.
Ugu horeyn Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya oo guddoomiyaha Golaha Shacabka soo gaarsiiyay salaan uu kaga waday dhigiisa Dalka Shiinaha ayaa uga mahadceliyay guddoomiyaha Golaha Shacabka soo dhoweyntiisa, isaga oo sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu Soomaaliya safiir ka noqdo sidoo kalena ay tahay markii ugu horesay oo dal Afrika ku yaala uu safiir ka noqdo.
Danjiraha Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya Wang Yu ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka labada wadan diyaarna ay u yihiin taageerida Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladoda.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ugu horeyn Jamhuuriyada dadka ee Shiinaha uga mahadceliyay taageerada dhincyada kala duwan leh ay mar walba siiyaan Soomaaliya, ayaa waxa uu sheegay in Soomaaliya iyo Shiinaha uu ka dhaxeeyo xiriir qotodheer oo dhinacyo badan ah.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Dalka ayaa bogaadiyay xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya labada dalka gaar ahaan labada Baarlamaan isaga oo tilmaamay in ay dhinacyo badan ka wada shaqeyn doonaan, sidoo kalena ay labada wadan wadaagi doonaan aqoonta iyo khibradda Xildhibaanadda labada Baarlamaan.
Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose oo faah-faahin ka bixiyay dabkii suuqa Ceelasha Biyaha
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa ka hadlay qaraxyo ay al-shabab ku xirtay haben hore suuqa Weyn degaanka Ceelasha Biyaha, kaas oo dhaliyay inay gubtaan in ku dhow 30 dukaamo oo lagu iibinayay agabyo kala duwan.
Mudane Maxamed Ibraahim Barre ayaa sheegay in suuqa intiisa badan gubtay hanti badan ay ku baabaday, kaas oo ugu dambeyna lagu guleystay in la damiyo dabka oo ka dhashay qaraxyo ay al-shabaab ku xirtay suuqa.
Mudane Maxamed Ibraahim Barre ayaa badal kheer qaba u rajeeyay ganacsatada ku hanti beeshay dabka ka kacay suuq Marwa Tow ee degaanka Ceelasha Biyaha.
"Waxaan murugada la qaybsanayaa ganacsatada hantidoodu ku gubatay suuqyada deegaanka lafoole gaar ahaan Ceelasha Biyaha kuwaasi oo ay arxanla-awayaasha Al-shabaab ay la beegsadeen qaraxyo dhowr ah”
Guddoomiyaha waxa uu sheegay in hay’adaha amnigu baarayaan qabkii ay ugu suurta gashay dhagar qabayaashu in ay gubaan suuqa.
Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay Culimada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota
Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Hasan Macallin Maxamud ayaa qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Minnesota la yeeshay kulan diiradda lagu saarayay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha cadaaladda iyo geedi socodka dib u eegista Dastuurka.
Culimada ayaa wasiirka su’aalo ka weydiiyay dadaallada socda ee horum-arinta cadaaladda iyo qabyo tirka Dastu-urka, waxayna la wadaageen talooyin iyo soo jeedino dhaxalgal u ah horumarinta dowladnimada.
Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa culimada uu kulanka la qaatay ku booriyay in ay habka online-ka ah uga qeyb qaataan wadatashiyada ka furan cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee dib u eegistu ku socoto
Hoggaamiye Cabdulqaadir Firdhiye "Nabadda lama baryo, shan farood iyo calaacal ayaa lagu keensadaa"
Hoggaamiyaha maamulka ku meel gaarka ee SSC Khaatumo oo kula hadla-yay boqolaal ka tirsan ciidamada SSC Khaatumo jiida hore deegaanka Gumeys ee gobolka Sool aya shegay in ciidamada Khaatumo ay haatan ka awood badan yihiin sidii ay ahayeen sanad ka hor markii ay la dagaalamayeen ciidanka Somaliland.
Hoggaamiye Cabdulqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye ayaa sheegay in ciidamada SSC Khaatumo ay u taagan yihiin difaaca deegaanada Khaatumo iyo ilaalinta midnimada iyo wadajirka Shaca-bka Soomaaliyeed.
"Ciidankeennu sanad kahor iyo shalay wuxuu awood badan yahay shalay, waxa uu tayo roon yahay shalay, waxa uu tiro badan yahay shalay, waxa shalay barbar taagan ummadda Sooma-aliyeed ee midnimada jecel dhamaantod, waxaynu difaacayno waa dalkeenna iyo dadkeenna inaan dhibaato dambe loo geysan iyo midnimada iyo wadajir ka qaranka Soomaaliyeed” ayuu yiri Hoggaamiyaha SSC Khaatumo Cabdulqaadir Firdhiye.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay in marnaba aysan ka tanaasuli doonin qadiyadda iyo difaacida deegaanada SSC Khaatumo oo u xusay in dad badan ay u dhinteen difaaca Khaatumo, kadib dagaal qaatay mudo sideed bilood ah oo ugu dambeyn looga adkaday Somaliland sanadkii lasoo dhaafay.
"Shalay oo ah maalintii aad guulaysateen, hadaanu idiin iman wayno oo idin oran wayno ciidankayagoow mahadsanidiin, maanu gudin abaalkiina. Nabadda lama baryo, shan farood iyo calaacal ayaa lagu keensadaa, nabadda geyiga ka hana qaadayna ciidankay-agoow idinkaa dhaliyey" ayuu yiri Cabdulqaadir Firdhiye.
Ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya oo isku diyaarinaya inay qeyb ka noqdaan howlgalka cusub ee AUSSOM
Lt Gen. Kayanja Muhanga, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee dalka Uganda, ayaa booqasho ugu tagay Askarta Uganda ee ku sugan Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).
Booqashadan oo ujeedadeedu ahayd qiimeeynta howlgallada iyo diyaar-garowga ciidamada Uganda ee ka qeyb qaadanaya howlgalka cusub ee AUSSOM, ayaa lagu muujiyay dadallada socda ee lagula dagaallamayo kooxda Al-Shabaab.
Intii uu ku guda jiray booqashadiisa, Lt Gen. Muhanga wuxuu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo dardargelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Waxa uu carrabka ku adkeeyay horumarka laga gaaray hoos u dhigista awoodda kooxda Alshabaab sida uu sheegay, wuxuuna kula dardaarmay taliyayaasha iyo ciidamada inay ka feejig-naadaan kharaha kooxda Alshabaab.
Intii uu ku guda jiray booqashadiisa, Lt Gen. Muhanga waxa uu kulamo la yeeshay Taliyaha Ciidanka ATMIS Lt Gen. Sam Kavuma, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Maj Gen. Ibraahim Sheekh, iyo wakiillo ka socday Ciidanka Ilaalada Qaramada Midoobay.
Booqashadan ayaa ku soo beegantay iyadoo ciidamada ATMIS ay isku diyaarinayaan u gudbidda howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo la qorsheeyay December 2024-ka, taasoo muujineysa in ciidamada Uganda ay howlgalkaas qeyb ka yihiin.
Uganda ayaa kamida ah waddamada ciidamada ugu badan ay ka joogaan gudaha Soomaaliya. Sannadkii tagay 2023, 54 askari ayaa Uganda looga dilay weerar ka dhacay magaalada Buulo Mareer.
Madaxweyne Muuse Biixi oo
sheegay in Somaliland ay u jiheysaneyso doorasho
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii ku dhawaaqay in Somaliland ay adeyso dorasho, dadkuna ay diyar u yihin doorashadaasi.
Madaxweynaha oo daraad galab ka soo laabtay safar uu labadii toddobaad ee la soo dhaafay ku marayay Gobolada Bariga Somaliland ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Hargeysa.
Madaxweynaha oo dadweyne fara-badan oo soo dhaweeyay kula hadlayay Barxadda Khayriyada Hargeysa ayaa sheegay in Somaliland ay u jiheysaneyso doorasho.
Hadalka Madaxweynaha ayaa imanaya, iyadoo aanay weli bilaaban ololaha doorashada. Saddexda Xisbi Siyaasa-deed ee Kulmiye, Waddani iyo UCID ayaa daba-yaaqada sanadkan ku tartami doona Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka.
Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa 20-kii bishii April soo saaray jadwalka doorashada guud iyo waqtiga ay ka qabsomeyso deganada Somalilan.
Guddiga ayaa sheegay in Doorashada Madaxtooyada iyo tan Xisbiyada Siyaasadda la qaban doono 13-ka bisha November ee 2024.
Guddiga ayaa sheegay in mar qura ay wada qaban doonaan Doorashada Madaxweynaha, Madaxweyne Kuxige-enka iyo tan tooska ah ee Axsaabta Siyaasadda, isla-markaana ay ku qaban doonaan waqtiga ay asteeyeen.
Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland, Muuse Xasan Yuusuf ayaa xilligaasi sheegay in doorashada tooska ah ee Axsaabta Siyaasadda ay ku tartami doonaan saddexda Xisbi iyo tobanka Urur Siyaas-adeed ee la diiwaangeliyay.
Somaliland: Koox hubaysan oo weerar ku qaaday magaalada Balligubadle
koox hubaysan oo hore u sheegay in ay u dagaalamayaan urur siyaasadeedka Horseed ee Somaliland, ayaa saaka weerar arbushaad u badan ku qaaday magaalada Balligubadle.
Kooxdan oo kasoo horjeeda go'aankii lagu xaliyay khilaafkii siyaasadeed ee doorashooyinka, ayaa weerarka ku qaaday saldhiga booliiska ee Balligubadle, sida uu SKY Cable u sheegay Cabdiqaadir Xasan Cabdi oo kamid ah dadka deegaanku.
"Saldhiga markay ku dhawyihiin ayay is qaybiyeen, halkaas ayay ka bilaabeen rasaasta, booliiskuna way is difaaceen, markii xabadu woxogaa socotay ayaa gaadhi laga banjariyay, gaadhigii way ka tageen, nina waa laga dhaawacay" ayuu yidhi Cumar.
Waxa uu sheegay in markii ay xabadi woxogaa socotay ay shacabku kala dhexgaleen jabhada iyo booliiska, kadibna ay jabhadii dhinaca bari uga baxday magaalada, isla markaana, aan la ogayn meel ay ku suganyihiin hada.
Waxa uu sheegay in jabhadu anay u iman in ay dad laayaan, lakiin ay u ekaayeen in ay rabeen in ay sameeyaan arbushaad uun, isaga oo sheegay in dhamaan xabadihii ay rideen ay kor u ridayeen.
Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Horseed Cabdillaahi Dirawal, ayaan dhankiisa ayaa iska fogeeyay jabhada, isaga oo sheegay in anay ka suuroobin in uu taageero kacdoon hubaysan.
Xisbiga Waddani: Go'aamada Soomaaliya waxay abuurayaan colaad iyo cadaawad
Xisbiga Waddani ayaa cambaareeyay go'aankii ay dowlada Soomaaliya daraad amarka joojinta isticmaaalka magaca Somaliland ku dul dhigtay xawaaladaha lacagaha.
Xogeeyaha Guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi, oo warbaahinta Hargaysa kula hadlay, ayaa sheegay in go'aamada dowlada Sooma-aliya anay waxba ka badali doonin qadiyada Somaliland.
"Somaliland kumay iman sheeko iyo waraaqo la qoro, ee dhiig iyo xinjiro cas cas ayay ku qotontaa, hadana hadii loo baahdo diyaar ayaa loolayahay in lagu ilaaliyo, Somaliland waa himilo shacab magac websayd laga saarayna ma badali karo" ayuu yidhi Xogeeye Khadar.
Waxa uu sheegay in Somaliland ay tahay dal leh xuduudo la yaqaano, iyo taariikh ka duwan ta Soomaaliya, "Somaliland waa dal leh halgan dheer oo uu xornimadiisa dib ugula soo noqonayay, waxan qiyaasayaa in anay taariikhda si fiican u dhuganin" ayuu yidhi.
Waxa uu sheegay in go'aanada dowlada Soomaaliya ay gobolka ka abuurayaan xasarad isla markaana ay dhalin doonto cadaawad iyo colaad, waxa uu dowlada Somaliya ku eedeeyay in ay siyaasadaysay ganacsiga iyo socdaalka taasi oo uu sheegay in anay badali doonin go'anka Somaliland.
Waxa uu sheegay in dowladihii kala danbeeyay ee Soomaaliya ay cadaawad u muujiyeen Somaliland, isla markaana anay jirin cid ixtiraamaysa Somaliland hadii aan la helin ciidamo awood leh, iyo shacab midaysan.
Xukuumada iyo mucaaradka Somaliland ayaa kasoo horjeedsaday go'aan ay dowlada Soomaaliya ku amartay shirkadaha xawaaladuhu in ay magaca Somaliland ka saaraan mareegaha ay maamulaan.
Wada hadalada xabad joojinta Gaza oo shalay indhaha lagu wada hayo
Ururka Xamaas iyo Maamulka Israel ayaa shalay lagu wadaa in ay wada hadalo aan caadi ahayn ku yeeshaan Magaalada Qaahira, si loo soo afjaro colaadda Marinka Gaza, maxaabiistana la isku dhaafsado.
Inkastoo wufuudda Xamaas iyo Israel aysan si toos ah isku horfariisan doonin, haddana dalalka dhexdhexaadiyeyaasha ee Masar iyo Qatar ayaa labada dhinac u kala gudbin doona waxyaabaha ay ku gorgortamayaan.
Wafdiga Xamaas oo Sabtidii gaaray dalka Masar ayaa waxay ka dambeysay, ka dib markii ay martiqaad ka heleen dowladaha wada dadaalada dhexdhexaadinta.
Khalil Al-Hayya oo hoggaaminaya wafdiga Xamaas ayaan aqbali doonin wax aan ahayn in la dhaqangeliyo qodobadii ay iyaga iyo Israel isku afgarteen 2-dii bishii July, sida uu sheegay Ezzat Al-Rishq oo ka tirsan Xafiiska Siyaasadda Xamaas.
"Xamaas waxay diyaar u tahay inay dhaqangeliso wixii lagu heshiiyay 2-dii July.” Ayuu yiri Ezzat Al-Rishq oo Israel ugu yeeray inay ku adkeysato mowqifkeedii hore, isla-markaana ay joojiso isku dayada ay ku carqaladeynayso fulinta heshiiska.
Xamaas ayaa ku gorgortameysa in si buuxda loo soo afjaro dagaalka, in Ciidamada Israel ay banneeyaan qaybaha ay kaga sugan yihiin Marinka Gaza iyo inay iyagu soo qoran doonaan magacyada maxaabiista ay doonayaan in laga sii daayo xabsiyada Israel.
Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu oo xukuumaddiisa ay hoggaanka u hayaan Wasiirada xagjirka ah ee axsaabta midigta fog ayaa dhinacooda ku gorgortamaya in Ciidamada Israel ay ku sii nagaadaan Philadelphi Corridor oo ku taala xadka Marinka Gaza & Masar iyo halka lagu magacaabo Netzarim, oo ah goobta ay Militariga Israel ku xadidayaan isu socodka koonfurta iyo waqooyiga Marinka Gaza.
Masar, Mareykanka iyo Qatar ayaa ka shaqeynaya in laga gudbo is mari-waaga u dhaxeeya labada dhinac, si loo dhameystiro heshiiska xabad joojinta iyo sii deynta maxaabiista.
Saddexdan dal ayaa dhinacyada ku boorinaya in laga faa’iideysto wareeggan ugu dambeeya ee wada hadalada, oo noqon kara fursaddii ugu dambeysay ee ay heshiiska ku gaari karaan.
Wararka ayaa sheegaya in Maamulka Madaxweyne Joe Biden uu cadaadiska ku kordhinayo Raysal Wasaare Netanyahu, si looga hortago in gobolku uu isla qarxo.
Madax adeyga Netanyahu iyo xisbiyada isbahaysiga la ah xukuumaddiisa ayaa waxay wiiqeysaa dadaalka uu Mareykanku ku bixinayo in heshiis la gaaro.
Warbaahinta caalamiga ah ayaa ku warameysa in hirgelinta heshiiska xabad joojinta uu gobolka ka badbaadin karo colaadda uu la foolanayo.
Sida Mareykanka iyo Israel ay u wajahaan wada hadalada xabad joojinta Gaza ayaa go’aamin karta inay guuleystaan iyo in kale.
Indhaha caalamka oo dhan ayaa ku sii jeeda heshiiska ay suurtagalka tahay in lagu gaaro Caasimadda Qaahira.
Ciidamada Israel oo qir iyo qar ka jooga dagaalka Gaza
Wasiirka Difaaca Israel, Yoav Gallant ayaa u ololeynaya in Ciidamada Israel laga soo saaro Marinka Gaza, laguna xoojiyo difaaca Ciidamada Israel ee jiidda waqooyi, xilligan ay kordheyso xiisadda kala dhaxeysa Xisbullah.
Wasiirka ayaa isku dayaya in uu wax ka qabto qaylo dhaanta xoogeysaneysa ee ka imaneysa ciidamadooda ku sugan Marinka Gaza, inkastoo aan la ogeyn waxa kaga horreya dhanka Xisbullah.
Warbaahinta Israel ayaa sheegeysa in Wasiirka Difaaca uu si cad ugu sheegay Golaha Wasiirada inaanan loo baahneyn dagaalka daba dheeraaday ee ka soconaya Marinka Gaza, sababtu tahay inaanu wax natiijo ahi lahayn iyo in ciidamadu ay ku la’anayaan.
Warbaahintu waxay sheegeysaa in Wasiir Gallant iyo Raysal Wasaare Netanyahu ay isu khilaafeen sii socoshada dagaalkan, isla-markaana uu dagaalkan gudaha Israel ka abuuray kala qaybsanaan aan horey loo arag.
Saraakiil aan magacyadooda la sheegin ayaa Warbaahinta bidixda u sheegay in ciidamadu ay taliskooda ka codsanayaan in sida ugu dhakhsaha badan looga soo saaro Gaza, isla-markaana ay ku adag tahay inay dagaalka sii wadaan.
Gallant iyo Taliska Militariga ayaa garowsan in ciidamadu aysan wax niyad ah u hayn sii socoshada dagaalkan iyo in uu khatar dhab ah ku yahay amniga Israel, marka aad eegto hanjabaadaha ka imanaya Iran iyo ururada hubeysan ee ka jira gobolka iyo weerarada joogtada ah ee ay Xisbullah ku hayso waqooyiga Israel.
Dhidibka wax iska caabinta ayaa ku hanjabaya in ay sii wadi doonaan weeraradooda ka dhanka ah Israel, inta ay Israel xasuuqa ka waddo Marinka Gaza.
Dhidibka wax iska caabinta ayaa loo yaqaanaa xoogaga ay Iran taageerto ee ka hawlgala dalalka Yemen, Lubnaan, Ciraaq iyo Suuriya.
Ururada Xuuthiyiinta iyo Xisbullah waa labada garab ee ugu weyn ee ka soo horjeeda dagaalka Marinka Gaza, isla-markaana caqabadda ku noqday amnigii iyo dhaqaalihii Israel.
Yoav Gallant, Wasiirka Difaaca Israel ayaa la sheegaya in Netanyahu iyo Wasiirada mayalka adag ee xukuumadda uu ugu yeeray inaanan la carqaladeyn wada hadalada nabadda, iyadoo Xamaas lala gelayo heshiiska loo baahan yahay, si ay u sii daayaan la haysteyaasha Israeliyiinta, iyaga oo ku bedelanaya maxaabiista kaga xiran xabsiyada Israel.
Afhayeenka Ciidamada Israel, Daniel Hagari ayaa Talaadadii sheegay inaysan xoog ku soo furan karin la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto Marinka Gaza.
Afhayeenka ayaa rajo xumo ka muujiyay in iyagoo nool ay guryahooda ku soo celiyaan la haysteyaasha lagu qafaashay weerarkii October 7-deedii.
Waxa uu sheegay in haddii la doonayo in dadkaasi ay dib ula midoobaan qoysaskooda ay tahay in maamulku uu heshiis la gaaro Ururka Xamaas.
Hadalkiisu waxa uu ka dambeeyay, ka gadaal markii Ciidamada Israel ay Talaadadii meydadka lix qof oo la haysteyaasha ka mid ah ay ka heleen deegaanka Khan Yunis ee koonfurta Marinka Gaza.
Dadkan ayaa ku dhintay duqaymaha ay Ciidamada Israel ka gaysanayaan Marinka Gaza. Xamaas ayaana soo bandhigtay muuqaal ay dadkaasi iyagoo nool Netanyahu kaga codsanayeen in uu ka shaqeeyo sii deysmadooda.
Daniel Hagari, Afhayeenka Ciidamada Israel ayaa muujiyay in xaaladda jirta aysan suurtagal u ahayn in ciidamadooda ay soo furtaan dadka gacanta ugu jira kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta.
Raysal Wasaare Netanyahu ayaa Madaxda Wasaaradda Difaaca iyo Taliska Militariga ku cadaadinaya inay sii wadaan hawlgalada Gaza.
Siyaasiyiinta Mucaaradka Israel ayaa Netanyahu ku eedeeyay in uu iska indha tirayo xaalad u baahan in laga garaabo, isagoo ugu daneynaya rabitaanka axsaabta midigta fog ee majaraha u haya xukuumaddiisa, isla-markaana ka soo horjeeda in la joojiyo dagaalkan, haddii kalena ay ridi doonaan xukuumaddiisa.
Jananka hawlgabka ka noqday Ciidamada Israel ee lagu magacaabo General General Yitzhak Brik ayaa Khamiistii dhalleeceeyay khalafsanaanta Netanyahu iyo Wasiirada xagjirka ah ee ku daaban.
General Yitzhak Brik ayaa ka digay in Israel ay ku burburi karto sanad gudihiis, haddii dagaalka is daba jooga ahi uu sii socdo.
Faalllooyinka laga bixinayo dagaalka Gaza ayaa muujinaya in gobolka uu ku sii dhawaanayo dagaal ballaaran, taasina uu macnaheedu yahay in Israel ay gacanteeda ku burburineyso jiritaankeeda.
General Yitzhak Brik ayaa ku baaqaya in la badbaadiyo Israel, lagana badbaadiyo nin keli-talis ah, oo uu kala jeedo Benjamin Netanyahu, Raysal Wasaaraha Israel.
Israel ayaa waxay u muuqataa mid militari iyo siyaasad ahaanba wiiqmeysa. Dagaalka Gaza ayaa jebiyay qabkii Israel, ficiladeeda guracana waa tan ka soo xirxireysa dunida, kana dhigeysa dowlad go’doon ah.
Israel oo duqeymo culus la beegsatay saldhigyo ay leedahay Xisbullah
Israa’iil ayaa duqeymo cirka ah ka fulisay koonfurta Lubnaan subaxnimadii hore ee Saaka, taasoo ay ku sheegtay ‘weerar qorshaysan’ oo ay ku qaadday Xisbullah.
Xusbullah ayaa ku jawaabtay in ay soo rideen boqollaal gantaallo ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn si ay ugu aargudaan dilka mid ka mid ah taliyayaashii ugu sarreeyey ururkooda oo la dilay bishii hore.
Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in duqayntan cusub ee ay qaadeen in ay sabab u ahayd in Xisbullah ay qorsheynaysay inay gantaallo iyo hub culus ku garaacdo Israa’iil.
Wax yar ka dib duqaymaha Israa’iil, Xisbullah waxay ku dhawaaqday inay bartilmaameedsatay fariisimaha ciidamada Israel, taasoo jawaab u ahayd dilkii Fouad Shukur, oo ka mid ahaa xubnihii aasaasay Xisbullah, kaas oo ay Israa’iil ku dishay duqayn ka dhacday Beirut bishii hore.
Inkasta oo habeen hore oo dhan duqaymo la isweydaarsanayey, haddana haatan waxay u muuqdaan in la soo afjaray, waxaana weerarada habeen hore ay u badnaayeen kuwo lagu beegsanayo bartilmaameedyo cayiman.
Dhanka kale, Masar ayaa Axadda shalay ah martigelinaysa wadahadallo heer sare ah oo lagu doonayo in lagu gaadho heshiis xabbad-joojin ah oo lagu soo afjaro dagaalka socday muddada 10-ka bilood ah ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas ee ka socda marinka Qaza, kaas oo dublamaasiyiintu rajaynayaan inuu hoos u dhigo xiisadda gobolka.
halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogdishutimes
.