halkan ka aqriso wararka wargeyska mogdishotimes
Ra’iisul Wasaare Xamsa: in ka badan 215 goobood oo kala duwan ayaa lagu xoreeyey al-shabaab
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo 22 Agoosto ka qeb-galay kulan dadwene oo su’aallo lagaga waydiinayey waxqabadka Xukuumadda ayaa ka hadlay dagalka ka dhanka al-shabab iyo gullaha laga gaaray.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulankaas ku soo bandhigay guullaha ay xukuu-maddu ay ka gaartay dhinacyada amniga, dhaqalaha, garsoorka, adee-gyada aasaasiga ah, iyo siyaasadda arrimaha dibadda.
Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Xukuumadda ay si guul leh uga hortagtay kooxda Al-shabaab, iyada oo fulisay hawlgallo ciidan oo lagu xoreeyey in ka badan 215 goob-ood oo kala duwan oo ku yaal goboll-ada Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in si weyn hoos loogu dhigay falalkii argagixisadu ay geysan jireen ee lagu xasuuqi jiray shacabka Sooma-aliyeed, waxaana la curyaamiyey ilihii dhaqaalaha iyo tiknaloojiyadda ay kooxdaasi ku hawlgeli jirtay.
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo dood ka yeeshay canshuurta Iibka dalka
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Somalia mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka 16-aad kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka.
Kulanka aya ku saabsana sii amba qaadida dooda ku saabsan arimaha Canshuraha Iibka, cabashada ganac-satada Soomaaliyeed iyo sida lagu xalin karo.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa aragtidooda ka dhiibtay habka Canshuurta Iibka loo qaadayo, hana-anka loo maray, cabashada ganac-satada iyo sida lagu xalin karo, ayaa waxa ay Xildhibaanadda intooda badan ka sinnaayeen muhiimadu ay leedahay in muwaadiniinta Soomaa-liyed ay bixiyan canshurta waajibka ku ah si dowladnimadena usii hormarto.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Somalia mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in dooda ay sii socon donto isla markana lasii amba qadi doono kulanka kan xiga ee dhici doona maalinta Isniinta ah.
Golaha Aqalka Sare ee BJFS oo akhrinta 1-aad marsiiyay hindise sharciyeedka xeerka shaqada Soomaaliya
kalfadhiga shanaad kulankiisa 12-aad Aqalka Sare ee Baarlama-anka JFS ayaa shalay qabsoomay, iyadoo ajandaha kulanka uu ahaa akhrinta koowaad ee hindise sharciy-eedka xeerka shaqada Soomaaliya iyo Soo jeedinta la xiriirta arrimaha Shaqada Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka iyo Aqalka Sare.
Ugu horrayn Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Mudane Dr. Maxamed Cilmi Ibrahim, ayaa sanatarada Aqalka Sare u faahfaahiyay muhiimadda Sharciga Xerka Shaqada Soomaaliya, sababta keentay in dib u eegis lagu sameeyo iyo baahida loo qabo waqtigaan.
Intaas kadib Sanatarrada Aqalka Sare ayaa gudagalay dood waqti dheer qaadatay oo ku saabsanayd doorkooda matalaad ee arrimaha shaqada, dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya, waxayna soo jeediyeen talooyin, dhaliilo iyo aragtiyo kala duwan oo wax ku ool ah, iyagoo tilmaamay in la raaco qodobada ay xeeriyen xeer-hoosaadka Aqalka Sare iyo Dastu-urka KMG ah ee dalka, si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.
Danjire Jabril oo ka qaybgalay xaflad sagoontin ah oo loo sameeyay Arday Soomaaliyeed
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Nairobi Mudane Jabril Ibrahim Cabdulle ayaa ka qaybgalay xaflad loo sameeyay ardayda Soomaaliyeed ee ku guuleysatay deeq waxbarasho oo dalka Japan u fidiyay dalka Soomaaliya.
Ardaydaan oo baran doonto Kuliyaddaha kala duwan ee lagu barto jaamacadaha dalka Japan ayaa la filayaa marka ay ku soo laabtan dalka Soomaaliya in kaalin mug leh ka geysataan horumarka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Danjire Jabril ayaa si weyn ugu mahad celiyay dowladda Japan deeqdan waxbarasho oo waqtigeeda ku haboon ay u fidisay ardayda Soom-aaliyeed. Isaga oo ka hadalaya xaflada Waxa uu danjiruhu yiri "Deeqdaan waxbarasho waxa ay ka tarjumaysa sida hagar la’aanta ah ee dalka Japan ay uga go’an tahay taageedira mashaariicda lagu horma-rinayo dalka Soomaaliya, waxaanan si kal iyo laab ah uga mahadceli-naynaa taageeradan qiimaha badan”
Sanadihii lasoo dhaafay, dalka Japan waxa ay Soomaaliya u ahayd mid ka mida saaxiibada muhiimka ah ee Soomaaliya ka taageera mashaariicda horumarinta. Iyadoo loo marayo wakaaladda iskaashiga caalamiga ah ee Japan ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano (JICA),
Maxkamada Sare Ciidamada oo xukun ku riday Eedaysanayaal loo haystay dilka Guddoomiyihii Mareereey
Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka sida aya xukuno kala duwan kasoo saartay kiiska Daadir Cali osman & abdullaahi ali usmaan oo loo heysto dilka Marxuum Xuseen Xasan Mool-gale oo aha gudomiyihi deganka Mareereey ee gobolka Shabeelada dhexe, falkaasi oo dhacay taariikhdu marki ay ahed 30-kii Bishii Maarso ee sanadkan.
Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida aya codsaday qaadista kiisaskan, fadhiyo kala duwan kadib, Maxkamada Daraj-ada koowaad ayaa xukun ka soo saartay 30-kii bishii Jun ee Sanadkan, balse Xukunsaneyaasha ayaa racfaan ka qaatay xukunkii lagu riday.
Sagaal iyo Tobanka bishaan Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka Sida oo aqbashay dalabkii racfaanka, ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, iyaddoo ugu damben shalay xukun ka soo saartay kiiskaan.
Daadir ali osman ayey Maxkamada sare ee Ciidamada Qalabka sida ku xukuntay dil togasho oo ah qisaasta Marxum Xusen Xasan Mol-gale, halka
Cabdullaahi Cali Cusmaan ay Maxkamadu xorriyadiisa dib u siisay, Sida uu warbahinta u sheegay Sareyo Guuto Liibaan ali Yarow Gudomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida.
Maxkamadda Sare ee dalka oo Shalay dhageysaneysa kiiska Sayid Cali Macalin Daa'uud
Maxkamadda sare ee dalka ayaa shalay oo Sabti ah dhageysaneysa cabashada ay u gudbiyeen qarenada difaacaya Sayid Cali Macalin Daa'uud oo lagu helay inuu gubay Xaaskiisii oo lagu magacaabi jiray Luul Sheekh Cabdicasiis bilowgii sanadkaan 2024.
Sayid Cali Macalin Daa'uud ayaa 6-dii bishii Marso ee sanadkaan Maxakamadda gobolka Banaadir ku riday xukun dil toogasho oo ah qisaasta marwadiisii Luul Sheekh Cabdicasiis.
Hayeshee Sayid Cali Macalin iyo qareenadda difaacayay ayaa racfaan ka qaatay xukunkaas oo ay sheegeen iney ku qanacsanen, waxana markale 15-kii bishii May ee sanadkaan lagu xukumay Sayid Cali dil toogasho ah.
Si kastaba ha ahaatee qarenada Sayid Cali oo aan hadana ku qancin xukunka labad aya mar kale cabasho u aaday Maxkamadda Sare ee dalka, taaso kiskan mudesay in la dhageysto shalay oo ah sabti oo taariiqdu tahay 24-ka Agoosto 2024 si kiiskaan looga gaaro go’aan kama dambeys ah.
Shacabka Soomaaliyed oo mudo ku siman sideed bilood si gaar ah isha ugu soo haayay kiiskaanka xasaasiga ah ayaa shalay wada sugaya natiijada kama dambeysta ah ee kasoo bixi doonto kiiskaan horyala Maxakamada sare ee dalka.
Faysal Cali Waraabe: Waan arkayay in xisbiga Waddani uu yahay xisbi ka shaqaynaya midnimada
Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID, Faysal Cali Waraabe, ayaa xisbiga Waddani ku eedeeyay in uu ka shaqaynayo midni-mada Somaliland iyo Somalia.
Guddoomiyaha oo warbaahinta kula hadlay Hargaysa, ayaa sheegay in xisbiga Waddani uu rabo dib u midaynta Somaliland iyo Soomaaliya, isla markaana uu kasoo horjeedo heshiiska Somaliland iyo Itoobiya.
"Anuu intaa waan arkayay in xisbiga Waddani, uu yahay xisbi ka shaqenaya wadahadalada Somalilan iyo Soomaaliya iyo sidii layskugu soo noqon lahaa, waxad arkaysa ciidam-adena ma hambalyaynayaan, Moga way kasoo horjeedaan" ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.
Waxa uu sheegay in Madaxwayne Biixi uu isna Hargaysa kasoo dajinga-adhay madaxwenihii hore ee Somalia Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, intaa kadibna ay isaga iyo siyasi abdiqaadir Jirde ka dagaalameen in aanu Farmaajo iman Somaliland.
Waxa kale oo uu sheegay in Muuse uu ogolaaday in Madaxw-enaha Jabuuti oo uu sheegay in uu yahay cadawga Somaliland uu dhigo gogosha wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Waxa uu sheegay in Biixi uu aaminsanyahay Somaliland lakiin ay siyaasad xumo ka tahay isaga.
"Imikaanu idiin sheegaynaa Soomaaliya wax la yidhaa ma jirto, wadahadal danbe oo aanu la furaynaa ma jirto, go'aankeenu waa go'aan sharciyaysan ee dowlad la'aan ayaa ina heshay" ayuu yidhi Guddo-omiyuhu.
Isaga oo si gaar ah ula hadlayay Raysal Wasaaraha Soomaaliya, ayuu sheegay in inta aanu Somaliland ka hadal loo bahanyahay in uu wax ka qabto nidaamka federaalisamka ah oo uu sheegay in uu burbur kuwado Soomaaliya.
Xukuumada Somaliland oo sheegtay in xisbiga Waddani uu Soomaaliya xidhiidh la leeyahay
Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Somaliland Cabdinaasir Buuni, ayaa xisbiga Waddani ku eedeeyay in anay ka dhab ahayn qadiyada Somaliland.
Buuni oo waraysi gaar ah siiyay HCTV, ayaa sheegay in hadalkii Raysal Wasaaraha Soomaaliya ee ahaa in uu rajo ka qabo in hoggaanka Somaliland is badalo, uu ula jeeday in Musharaxa Xisbiga Waddani Cabdira-xmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro uu xilka qabto.
Wasiirka oo ka soo hadalqaaday jawaabtii uu habeen hore Guddoo-miyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ka bixiyay hadalka raysal wasaaraha ayaa sheegay in jawaabta Xirsi anay ku filnanayn.
"Ninka uu raysal wasaaruhu la hadlayay waa ninka doorashada madaxtooyada u sharaxan, Waddan-ina xirsi maaha, ninka sharaxani waa Cabdiraxmaan Cirro, ninka wax laysla ogyahay waa Cabdiraxmaan, ninka midnimada ka shaqaynayaana waa Cabdiraxmaan" ayuu yidhi Buuni.
Waxa uu sheegay in dowlada Soomaaliya ay rajo wayn ka qabto xisbiga Waddani, isaga oo sheegay in ay hayaan waraaq uu wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar, uu Qadar u diray, taasi oo uu kaga codsaday in taageero maaliyadeed la siiyo xisbiga Waddani.
Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa dhawaan sheegay in ay rajaynayaan in ay wada shaqayn la yeeshaan hadii hoggaan cusubi Somaliland qabsado, lakiin ma uu carabaabin xisbiga Waddani.
Intaa kadibna xukuumada iyo qaar kamid ah shacabka ayaa sheegay in raysal Wasaaruhu uu u jeeday xisbiga Waddani, eedaas oo uu xisbiga Waddani iska fogeeyay.
Koonfur Galbeed: Waxaan cod dheer ku sheegeynaa in ay bannaan tahay in lala dagaalamo, lana tirtiro kuwa isbaarada dhigta
Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay arrinta isbaaro-oyinka sharci darrada ah ee weli ka muuqda waddooyinka dalka, kuwaas oo khatar weyn ku haya hormarka, nabada, iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.
War-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu yiri, "Waxaa nasiib darro ah in aan wali kusii aragno waddooyinka dalke-enna muhiimka u ah isbaarooyin sharci darro ah oo ay dhigtaan kooxo dano gaar ah leh. Tani waxay si toos khatar weyn ugu tahay horumarka, nabadda, iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.”
Wasaaradda ayaa tilmaamtay in isbaarooyinkan ay sababeen nabadgelyo-darro, hor-istaag dhaqaalaha, kala-fogaansho bulsho, kala shaki iyo amni darro baahsan.
Waxay sidoo kale xustay in ay xoojineyso taageerada ay siineyso xooggaga amniga ee ku howlan sifeynta isbaarooyinka, iyadoo horey u soo saartay go'aano cad oo looga soo horjeedo isbaaroo-yinka sharci darrada ah.
"Waxaan cod dheer ku sheegeynaa in ay banaan tahay in lala dagaalamo, lana tirtiro kuwa xadgudbay kana soo horjeedo nabadgalyada, habeen iyo maalina u taagan dhibaatenta dadweynaha masaakiinta ee ku safra wadd-ooyinka deegaanada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii ciidamada Koonfur Galbeed ay burburiyeen isbaarooyin sharci darro ah oo yaalay gobolka Shabeellada Hoose. Ciidamada Milatariga ayaa lagu eedeeyay inay hubkooda u isticmaalaan si ay ugu difaacaan isbaarooyinka yaala gobolkaas.
2 sano kadib maxaa u qabsoomay xukuumadda DanQaran
Madaxweynaha Jamhuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sanadkii 2022-kii bishii Juun u magacaabay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somalia Mudane Xamse Cabdi.
Ra’iisul wasaaraha Xuku-umadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maalmo kadib soo dhisay xukuumaddiisa oo ugu magaca daray Xukuumadda Danqaran taas Baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliyeed u soo bandhigtay Barnaamijka Xukuumadda Dan-qaran oo ka kooban lix tiir.
Tiirarka xukuumadda Dan-qaran
1. Tiirka dib u xorreynta iyo sugidda Amniga
2.Tiirka Caddaallada iyo Garsoorka
3. Tiirka Soomaali Heshiis ah
4. Tiirka isku filnaasho dhaqaale
5.Tiirka horumarinta Arrimaha Bulshadda
6.Tiirka Soomaali heshiis la ah dunidda
Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soom-aaliya ayaa si wadajir ah kalsooni buuxda u siiyay xukuumadda Dan-qaran ee uu soo dhisay Ra’iisul wasaare Xamse, waana kalsoonidii ugu badneed abid ee taariikhda gashay ee Baarlamaan uu siiyo xukuumad, 220 mudane ayaana ansixiyay.
Si loo gaaro himilooyinka Qaranka Soomaaliyeed mudaddii ay jirtay Xukuumadda Dan-qaran waxay xaqiijisay guulo waa weyn oo udub dhexaad u ah horumarka iyo nabadeynta dalka. Xukuumaddu waxaa ay la timid hannaan siyaasadeed iyo horumarineed oo si hufan ugu jawaabaya baahida iyo yoolka dowlad dhiska Soomaaliya.
Guulaha waa weyn ee xukuumadda dan qaran ay xaqiijisay waxaa kamid ah:
1.Dagaalka al-shabaab oo horumar weyn laga sameeyay, iyada oo cadowga laga xorreeyay magaalooyin iyo degmooyin ay sanaddo ka talinayeen
2. Soomaaliya oo deynta laga cafiyay kadib markii laga soo baxay sharuudihii ku xirnaa.
3. Ku biirista suuqa dhaqaalaha ee Barriga Afrika
4. Soomaaliya oo laga qaaday cunaqateynya hubka kadib markii lagu guuleystay in la dhameystiro hannaankii ku xirnaa.
5. Iyo helista kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramadda Midoobay.
Dowladda Soomaaliya mudaddii labada sano ee la soo dhaafay waxaa guulo waa weyn ay ka gaartay dagaalka lagula jiro Argagixisadda ah, tayeynta ciidamada qalabka sida, kobcinta dhaqaalaha dalka, horumarinta adeegyadda Bulshadda, Cadaallada iyo Garsoorka iyo sare u qaadida doorka Soomaaliya ee fagaareyaasha caalamka.
Hadda xalay, hey’adda kala duwan ee xukuumadda Danqaran ayaa soo bandhigaya wax qabadkooda ee labadii sano ee na weydaartay. Waxaana socda munaasabadda oo ay ka qeybga-layaan madaxda wasaaradaha iyo hey’adaha dowladda.
Wafdiga Xamaas oo gaaray dalka Masar
Ururka Xamaas ayaa shalay wafdi u diray Magaalada Qaahira, si loo sii ambaqaado dadaalada xabad joojinta Gaza iyo heshiiska maxa-abiis is dhaafsiga ee iyaga iyo Israel.
Wafdiga Ururka Xamaas ayaa ka degay Caasimadda Qaahira, sida uu xaqiijiyay Mahmoud Merdawy oo ka tirsan Saraakiisha Xamaas.
Mahmoud Merdawy ayaa sheegay in wafdigooda ay la kulmi doonaan Madaxda Dowladaha Masar iyo Qatar.
Khalil Al-Hayya oo hoggaa-minaya wafdiga Xamaas ayaa lala wadaagi doonnaa warbixin ku saabsan halka ay wax marayaan, iyaga oo si dadban uga qayb qaadan doona wada-xaajoodyada.
Tan iyo intii ay wada hadaladu bilowdeen, wafdiga Xamaas ayaan si toos ah u horfariisanin wufuudda Mareykanka iyo Israel.
Masar, Qatar iyo Mareykanka ayaa 16-kii bishan soo bandhigay hindise cusub oo xabad joojineed, isla-markaana horsedaya in Xamas iyo Israel ay maxaabiista kala bedeshaan.
Xamaas ayaa la isku dayayaa in ay aqbasho in la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu soo qafaashay weerarkii 7-dii October ay ku bedeshaan maxaabiis badan oo Falastiiniyiin ah, kuna xiran xabsiyada Israel.
Kala bedelashada maxaabiista ayaa xudun u ah hindisaha xabad joojinta ee Washington, inkastoo Israel ay ka caga-jiideyso in ciidama-deeda ay kala wada baxdo dhulka go’doonsan.
Xamaas ayaa goor sii horreysay ku baaqday in Israel ay aqbasho dhameystirka heshiiska, oo ay ugu horreyso in ciidamadeeda ay kala baxdo Marinka Gaza oo dhan.
Madaxweyne Joe Biden oo Jimcihii khadka teleefanka kula hadlay Madaxda Qatar iyo Masar ayaa ka codsaday in ay riixaan qorshaha xabad joojinta Gaza iyo sii deynta maxaabiista.
Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa ku adkeysanaya in ciidamadiisu ay ku sii sugnaan doonaan Philadelphi Corridor iyo koonfurta Gaza, tanina waxaa lagu macneeyay caqabadda ugu weyn ee horgudban in la gaaro heshiiska uu Mareykanku taageerayo.
Maamulka Madaxweyne Biden ayaa muujinaya, sida ay uga go’an tahay in colaadda la soo afjaro, balse ma cadda qaabka uu taasi uga dhaadhicin karo Netanyahu.
Netanyahu ayaa lagu dhalleeceeyay inaanu wax ixtiraam ahi u muujineyn dalka ugu weyn xulafada reer galbeedka ee taageera Israel.
Weerar loo adeegsaday Mindi oo ka dhacay Jarmalka
Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay afar kalena dhaawac halis ah ayaa ka soo gaaray weerar mindi loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Solingen ee galbeedka Jarmalka, sida ay booliisku sheegeen.
Weerarka ayaa dhacay xilli lagu guda jiray xaflad ka dhacaysay bartamaha magaalada fiidnimadii Jimcaha. Ninka weerarka geystay ayaa lagu soo waramayaa in uu wali baxsad yahay.
Shabakadda Bild ayaa sheegtay in nin si aan kala sooc lahayn u tooriyeeyay dad wadada marayay. Baadi-goob ballaaran ayaa hadda socda, iyadoo la arkayo diyaaradaha qumaatiga u kaca ee booliska oo dul heehaabaya magaalada.
Maamulka magaalada ayaa dadka ka codsaday in ay ka baxaan aagga suuqa Fronhof, iyadoo booliisku ay xayndaabyo ku xireen aagaas sababo ammaanka ah ka dib weerarka.
Kooxaha gurmadka deg degga ah ee goobta ku sugan ayaa la arkayay iyagoo daweynaya dadka dhaawacmay, sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka.
Booliska ayaa markii dambe halkaas geeyay 40 gawaarida gaashan ah si ay ugaarsadaan tuhmanaha falka tooraydaa gaysay sida laga soo xigtay Bild. Gaadiidkan waxaa hoggaaminaya sarkaal ka tirsan booliska gaarka ah ee SEK
Wadooyinka ayaa la xiray, waxaana dadka deegaanka laga codsaday inay guryahooda ku ekaadaan, iyadoo ciidamada ay baaritaan wadaan.
Philipp Müller, oo ka mid aha qabanqaabiyeyaasha xafladda, ayaa sheegay in kooxaha gurmadka deg dega ay ku howlanaayeen badbaadinta nolosha sagaal qof sida wargayska Solinger Tageblatt uu wariyey
"Dadku way naxeen, laakiin si nabad ah ayay fagaaraha uga baxeen,” ayuu yiri Mr Müller.
Goobjooge la yiraahdo Lars Breitzke, ayaa u sheegay wargeyska in uu ogaa in ay wax qaldan yihiin markii uu masraxa ku arkay heesaa ay wajigiisa ka muuqatay wax yaab leh.
Ninka weerarka gaystay ayaa la rumaysan yahay inuu si ula kac ah minida qoorta ugala dhacay dhibanayaasha sida ay ku warrantay warbaahinta Jarmalka.
Afhayeenka u hadlay Booliska oo lagu magaaco Alexander Kresta, oo ay soo xigatay mareegta Spiegel ayaa sheegay "waxaan hadda u maleyneynaa in uu ahaa hal qof” ka dib markii uu la hadlay dad badan oo goobjoogayaal ah.
Solingen, waa magaalo ku taalla galbeedka gobolka North Rhineland-Westphalia oo caan ku ah warshadaha birta, waxaa halkaa ku nool ilaa ilaa 160,000 oo qof. Waxay u jirtaa qiyaastii 25 km bari kaga beegan tahay magaalada Düsseldorf halka jihada koonfureedna ay ka xigto magaalada Cologne.
Dhacdadan ugu dambaysay ee tooriyaynta ayaa timid wax ka yar hal toddobaad tan iyo markii wasiirka arrimaha gudaha Jarmalku uuay ku baaqay in la qaado tallaabooyin adag oo ku saabsan dembiyada mindida.
Waxa ka ogoow safarka barashada af Soomaaliga ee raggaan carbeed
Soomaaliya oo ah dal ka soo kababaya ayaa ka mida dalalka haddana marti galiyey qaxooti badan oo dalalkoodu xilligan ay colaaddo ka taagan yihiin kuwaas oo naf biday inay magaalooyinka Soomaaliya ka helaan nolol dhaanta tii dalalkooda oo dagaalo ka soo cayriyeen kuwa kalana waxay u yimaadeeen si ay ugu shaqaystaan oo waa xirfadlayaal kala duwan.
Ajaaniibta ugu badan ee Soomaaliya u yimaada shaqooyin waa kuwo leh xirfadaha caafimaad, macallinimo iyo xirfado kale.
Dadkaas waxay la kulmaan caqabado ay ka mid yihiin Isfahan darro bulshada ay ku dhex nool yihiin maadaama aysan garanayn luuqada Soomaaliga.
Dadkaas waxaa ka mida Prof. Cabdiwahaab Dayib Bashiir oo ka soo jeeda dalka Sudaan kaas ah macalin wax ka dhiga Jaamacad ku taalla magaalada Muqdisho.
Isagoo la hadlay BBC-da Cabdiwahaab wuxuu sheegay inuu Soomaaliya u yimid si uu macallin uga noqda jaamacadaha dalka uuna isku dayeyo inuu si fiican u barto luuqada Soomaaliya.
Wuu ku hadli karaa luuqada Soomaaliga si kooban laakiin wuxuu BBC-da u sheegay in uu fahmayo hadalka dadka basle ay ku adag tahay jawaab celinta.
"Waxaa igu adag hadalka laakiin waan fahmaa laakiin insha alah tartiib tartiib waa sii wadayaa barashadayda luuqada Soomaaliga iyo is dhexgalka bulshada Soomaalida ah ee an la noolahay” ayuu isagoo jajabinaya Af-soomaliga yiri Prof Cabdiwahaab.
Cabdiwahaab, wuxuu hadda ku nool yahay Soomaaliya hal sano iyo bar basle kuma cusba wuxuu BBC-da u sheegay inuu cilmi baaris u yimi Soomaaliya sanado hore.
Prof.Cabdiwahaab wuxuu sidoo kale barre sare ka ahaa jaamacada IUA ee dalka Sudan ka hor colaadda dalkaasi, haddana wuxuu jaamacada City ee Muqdisho ka dhigaa maamada cilmiga siyaasadda.
"Wax yar saaxiib barashada waa laba bil, wada sheekaysi waa caadi bajaajta hotelka iyo maqaaxiyaha waa caadi” ayuu BBC-da u sheegay Cabdixakiim oo ah arday Yemani ah oo wax ka barta jaamacad ku taalla magaalada Muqdisho.
Cabdixakiin, waxaa ehelkiisu ku noolyihiin Yemen, wuxuu BBC-da u sheegay in sababta uu u yimi Soomaalia ay ahayd inuu wax ka barto iyo inuu ka shaqaysto.
Cabdulxakiim Jamaal Maanic, waxaa intii BBC-da la hadlayey ku badnaa erayadiisa. Haa saaxiib. isagoo xusay inuu ku jiro barashada luuqada Soomaaliga.
Cabdiwahaab iyo Cabdixakiim labadu waxay dhawaan shahaado ka qaateen Machadka Sodma ee Muqdisho oo muddo saddex bilooda ay ka baranayeen luuqada Soomaaliga.
"Soomaaligaygu waa jajab sidaa Xamar Jajab” ayaa ka mid ahaa hadal uu xaflada ka yiri Cabdiwahaab Dayib oo ka soo jeeda dalka Sudan.
Qoraalka sawirka, Cabdulxakiim Jamaal Maanic, arday reer Yemen ah oo barashada afka Sooomaaliga ku jira
Maxamed Cismaan Ibraahim, waa macallinka muddo sadexd bilood ah u dhigayey luuqada Soomaaliga ajaaniibtan ku sugan Muqdisho.
Ardayda ugu baday ee dhiganyey ayuu sheegay inay ka soo jeedaan jaaliyadaha Sudan iyo Yemen ee ku sugan Muqdisho gaar kuwa ka shaqeeya dalka iyo kuwa jaamacadaha dhigta.
Maxamed Cismaan, wuxuu BBC-da u sheegay inay caqabadu ahaayeen "Runtii kala duwanaanshaha labada luuqadood ayaana sal u ahayd, maadaama dadkan aysan u dhalan luuqada ee ay inta badan ku hadlayaan luuqada Carabiga, markaa waxaa dhib ka imaanayaa xarfaha DH iyo G oo ay afkooda ku jiran ee ku jira afka-Soomaaliga ah ayaa ugu badnayd” ayuu yiri Macallin Maxamed.
Qaar ka mid ah ayuu sheegay inay si bowsi ah ku barteen luuqada laakiin si wanaagsan aanay u istimaali karin luuqada oo qaarkoodna ay muddo dheer joogeen dalka.
Wuxuu intaa ku daray in bilowgii ay labaataneeyo arday oo ajnabi ah ku bilaabeen balse duruufo jiray owgeed qaarkooda waqti u waayeen basle aakhirkii lix ruux ayaa dhammaystay muddo saddex bilood ah.
Maamulaha Machadka ay ajaaniibtan wax ka dhiganayeen Cabdiraxmaan Yuusuf Xasan ayaa BBC-da u sheegay in u jeeda ugu weyn ay ahayd in dadkan loo sahlo sidii dadka ay ula qabsan lahaayeen.
"Waxaan is leeyahay in haddii Soomaalidu wadamo kale daraad tagi jireen oo luuqadahooda barnayaan in shalay luuqadooda la barto oo dad kale oo wadamo kale yimi ay bartaan waxaan dareemaynaa meesha dalkeenu marayo macno weyn ayey nooga dhigan tahay” ayuu yiri Cabdiraxmaan.
Wuxuu intaa ku daray inay jiraan baahiyo soo kordhaya oo ay qaban dadka ajaanibta ah ee ku sugan Muqdisho inay bartaan luuqada Soomaaliya.
Sida ay sheegtay haya’adda barakacayaasha iyo qaxootiga Soomaaliya kumannaan qaxooti ajaabiin ah ayaa ku sugan Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka kuwaas oo ka kala yimid dalalka Sudan, Syria iyo Yemen.
Xigasho BBC
halkan ka aqriso wararka wargeyska mogdishotimes
.