halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogdishotimes

0
Saturday August 24, 2024 - 10:03:13 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 155
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogdishotimes

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo soo bandhigay Guulaha Xukuumadda DanQaran oo Jirsatay Labo Sano

Ra’iisul Wasaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa abdi Barre, ayaa ka qeyb-galay kulan dadweyne oo su’alo lagaga waydinayey waxqabadka Xukumada DanQaran o jirsatay labo sano.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulankaas ku soo bandhigay guulaha ay xukuumaddu ay ka gaartay dhinacyada amniga, dhaqa-alaha, garsoorka, adeegyada aasaasiga ah, iyo siyaasadda arrimaha dibadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay si guul leh uga hortagtay kooxda Al-shabaab, iyada oo fulisay hawlgallo ciidan oo lagu xoreeyey in ka badan 215 goobood oo kala duwan oo ku yaal gobollada Soomaaliya.

Hawlgalladan ayaa si weyn hoos ugu dhigay falalkii argagixisadu ay geysan jireen ee lagu xasuuqi jiray shacabka Soomaaliyeed, waxaana la curyaamiyey ilihii dhaqaalaha iyo tiknaloojiyadda ay kooxdaasi ku tiirsanayd.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ku nuuxnuuxsaday guusha weyn ee ay xukuumaddu ka gaartay arrimaha dhaqaalaha, isagoo xusay in lagu guuleystay in dalkeenna laga dulqaado $4.5 bilyan oo dayn ah, kaddib markii la dhammeystiray hannaankii dayn cafinta. Wuxuu intaa ku daray in dakhliga dalka uu kordhay 25%, taas oo kaalin weyn ka qaadatay koboca dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xukuumaddu ay meelmarisay sharciyo iyo siyaasado muhiim ah oo la xiriira, caddaaladda iyo garsoorka, isagoo sidoo kale tilmaamay in la xoojiyay la dagaalanka musuqmaasuqa iyo lacag dhaqista. Talla-abooyinkan ayaa abuurtay kalsooni dheeraad ah oo ay dadweynuhu ku qabaan nidaamka garsoorka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku nuuxnuuxsaday in Xukuumadda DanQaran ay ka shaqeynayso sidii dalkaan looga hirgelin lahaa doorasho qof iyo cod ah, iyada oo la diyaariyey shuruucdii doorash-ooyinka, una gudbisay labada gole ee Baarlamaanka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa xusay guulaha la xiriira in Soomaaliya ay ku biirtay Ururka Suuqa Dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika (EAC), taas oo suurta gelinaysa fursado dhaqaale iyo ganacsi. Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay in laga qaaday dalkeenna cunaqabateyntii hubka ee saarneyd iyo in aan hananay kursiga Golaha Ammaanka ee QM.

Ugu dambeyntii, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadc-eliyey shacabka Soomaaliyeed taage-eradooda iyo ka qeyb-galkooda kulanka, isaga oo ballan qaaday in xukuumaddu ay sii wadi doonto dadaallada ay ugu jirto horumarinta iyo nabadda Soomaaliya.

Wasiir Fiqi oo daah-furay Maktabadda buugaagta ee Machadka Diblomaasiyadda

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa salay si rasmi ah u daah-furay Maktabada buuga-agta ee Machadka Diblomaasiyada, xilli uu sidan oo kale dabayaaqadii toddob-aadkii hore u daahfuray koorsoyin lagu baranayo afafka khalaad.

Wasiir Fiqi, ayaa caddeeyay daahfurka Maktabadda buugaagta ee Machadka Diblomaasiyada in lagu gaarayo kaydinta iyo akhriska qorallada, buugaagta iyo cilmi-baarista la xiriirta diblomaa-siyadda iyo kuwa waxtarka leh.

Agaasimaha Machadka Diblom-aasiyadda, Danjire Cabdulqaadir Amiin Sheekh, ayaa daahfurka Maktabadda ka shaaciyay inay u furantahay aqoonya-hanka, qoraayaasha iyo cid walba oo buugaagta iyo qoraallada dhaxal-reeb aqooneed leh inay soo gaarsiin karaan Maktabadda, oo ku dhex taalla xarunta Wasaaradda.

Tallaabooyinkan ayaa qeyb ka ah qorshaha hormarinta iyo kobcinta aqoonta diblomaasiyiinta.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo guddoomiyay shir loogu diyaar garoobayo Shirka Madasha Shiinaha iyo Afrika (FOCAC)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa shir-guddoomiyay kulan wadatashi heer Wasiir ah oo lagaga hadlayay ajandayaasha qaran ee Dowlada Federaalka Soomaaliya ay la hortagi doonto Madasha sagaalaad ee Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) oo lagu wado in lagu qabto Magaalada Beijing inta u dhexeysa 4-6 September.

Wasiirrada ayaa intii kulanka ay ku guda-jireen kaga doodeen dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin siyaasadda, amniga, maalgeshiga, waxbarashada sare, teknoolojiyadda, tamarta, biyaha, beeraha, ganacsiga iyo kaluumaysiga.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay diiradda saaraysaa sidii ay mashruuc maalgelin ugu heli lahayd biyo caafimaad-san loogu gelin doono guryaha caasimadda Muqdisho si dadku uga faa’iidaystaan adeeggaasi biyaha nadiifka ah, taasoo muujineysa sida ay dowladda uga go’an tahay horumarinta xaaladaha nololeed ee dadka.

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Guddaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Nairobi Shir uga qayb galay

Wafti uu hoggaaminayey Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta abdixakiin Xasan Ashkir ayna ka mid yihiin mas’uuliyiin ka socday Hay’adda Aqonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Naiorbi ee dalka Kenya waxa ay kulan muhiim ah oo ku saabsan qiimaynta hirgalinta Aqoonsiga Danab-eysan ee sharciga Soomaaliya la qaatay qaar ka mid ah Waddamada iyo Hay’adaha deeq bixiyayaasha Soomaaliya taageera.

Kulanka waxaa ka qaybgalay madax ka socday Waddamada Norway, Sweden, Swizerland, Dernmak, Uk, Bangiga Aduunka, UNDP iyo Somali Joint Fund.

Dood iyo falaqeyn dheer kadib, waxaa ay masuuliyiintii ka socday waddamadii shirka ka soo qayb galay iyo hay’addahaba soo bandhigeen sida ay uga go’antahay in ay Soomaaliya ka taageeraan hirgalinta Aqoonsiga Danabeysan Sharciga ah.

Intaas kadib Wasiir Cabdixakiin Xasan Ashkir oo soo xiray shirka ayaa ugu mahad celiyey wadamadii iyo hay’adihii shirka kasoo qayb galay taageerada ay la garab taaganyihiin dhisamaha hay’adaha dowladda iyo taageeradooda dadka Soom-aaliyeed.

Horin ka tirsan Banda Musikada Booliska oo tababar loogu soo xiray Akadeemiyada Gen. Kaahiye

Taliye xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaliyeed S/Guuto Cismaan abdullaahi Maxamed (Kaniif) ayaa tababar usoo xirey horin ka tirsan Banda Musikada Booliska kuwaas oo muddo tababar ugu xareysnaa Akadeemiyada Gen. Kaahiye.

Taliyaha Akadeemiyada Booliska Gen. Kaahiye S/Guuto Cabdikariin Macalin Xuseen oo ka hadlay munaasabadan ayaa sheegay in horintani ay qaadatay tababar isugu jiray xirfado gaar ah iyo Sharciga Booliska Soomaaliyeed.

Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Uganda iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Uganda oo kulan muhiim ah yeeshay

Siihayaha Safaarada Soomaaliya ee dalka Uganda Mudane Cabdilatiif Maxamuud Cali ayaa salay kulan kula qaatay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Uganda Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Gen. Jeje Odongo Abubakar.

Ugu horeyntii Siihayaha Safaaradda ayaa Wasiirka uga mahad celiyay kaalinta dowladda Uganda ka qaadanayso dowlad dhiska Soomaaliya iyo sidoo kale sida dowladda Uganda albaabadeeda ugu furtay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Uganda ku nool.

Mudane Cabdilatiif, ayaa Wasiirka u sheegay in ay jiraan caqabado lasoo gudboonaaday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Uganda ku nool taasoo ay ka mid tahay in Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Uganda ay dhowr jeer xirxireen muwaadiniin Soomaaliyeed oo Kampala ku nool iyagoo ku sababeeyay in aanay sharci deganaasho ku joogin dalka, waxana la ogyahay in muddo labo sano ku dhaw ay xiran tahay xaruntii laga diiwaan gelin jiray dadka qaxootiga soo galootiga ah, iyadoo kaarka qaxootiga qofka haystaa uu la mid yahay isagoo sharci deganaasho leh oo kale, Soomaalida badankeeda ayaa ku jooga dalka Uganda aqoonsiga qaxootiga, siihayaha ayaa codsaday in arrintaas wax laga qabto.

Arrinka labaad ee uu Siihayaha Safaaradda ka hadlay ayaa ahaa in hay’adaha waxbarashada dalka Uganda looga baahan yahay inay dhaqan geliyaan Barotokoolada wadamada Barriga Afrika (EAC) ee khuseeya arrimaha waxbara-shada si ardayda Soomaaliyeed u helaan xuquuq la mid ah kuwa ardayda wadamada xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika marka ay timaado kharashka waxbarasho ee ay bixiyaan ardayda ajaanibtu, isagoo siihayuhu ka codsaday Wasiirka in hirgelinta arrinkaas uu gacan ka geysto.

Sidoo kale Siihayaha ayaa wasiirka ka codsaday in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee imanaya dalkan Uganda ay dalkugal-ka (Visas) ka qaataan airport-ka iyo xuduudaha dalka markay soo gaaraan oo laga dhaafo dalabka Visa-ha si loo fududeeyo isusocodka dadka labada dal, iminka waxa Visa-ha habkaas ku qaata dadka wata Baasaboorada Diblomaasiga iyo kuwa shaqada.

Ugu dambeyntii Siihaye Cabdilatiif Maxamuud ayaa wasiirka u sheegay in ay diyaar u yihiin fulinta heshiisyadii labada Wasaaradood ay horay u gaareen ee xagga tababarada diblumaasiyiinta iyo karti dhiska shaqaalaha, taasoo qeyb ka ahayd isfahmkii (MoU) horay ay u kala saxiixdeen labada dal, isagoo siihayuhu la socodsiiyay wasiirka in shirka guddiyada wadajirka ah ee labada dal (Joint Permanent Comm-ission) Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee DFS ay qabanqaabadiisa waddo laguna qaban doono magaalada Muqdisho bisha Okto-obar ee nagu soo aadan 2024.

Dhankiisa Wasiir Gen. Jeje Odongo Abubakar, ayaa sheegay in labada arrin ee kala ah Visa la’aanta iyo arrinka ah in ardayda soomaaliyeed loola tacaamulo sida kuwa ka yimaada wadamada "East Africa Community” ay tahay laba arrimood oo ay xaq u leeyihiin muwaadiniinta soomaaliyeed, maadaama Soomaaliya ay xubin buuxda ka tahay dalalka Ururka EAC oo dadkoodu Uganda visa la’aan soo gala.

Arrinka qaxootiga ayuu sheegay in uu dabagal ku sameynayo kalana hadlayo hay’adaha ay khusayso sida Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Hay’adda Socdaalka, Wasaaradda Arrimaha Qaxootiga iyo Xafiisk Raysul-Wasaaraha Uganda, si dhaqso ahna ula xariirayo hay’adahaas waxii jawaab ahna dhawaan safaaradda lasoo gaarsiin doono.

Wasiirka ayaa sidoo kale balan qaaday in la fulin doono isfahamyadii horey ay u kala saxiixdeen labada Wasaaradood oo ay ku jirto iswaydaarsiga khibradaha iyo tababarada diblomaasiyadeed ee shaqa-alaha arrimaha dibadda labada dal, dhowaana ay soo saari doonaan qorshaha fulinta barnaamijkaan.

Kulanka ayaa ugu dambeyntii kusoo idlaaday jawi aad u qurux badan iyadoo lagu balamay in waxii laga wada hadlay oo dhan si deg deg ah wax looga qaban doono.

Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Shacabka oo doortay guddoomiyaha cusub ee guddiga

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa ka qeyb galay kulan guddiga arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Golaha Shacabka uu ku dooranayay guddoomiyaha cusub ee guddiga.

Doorashada oo u dhacday hab gacan taag ah waxaa xilka guddoomiyaha guddiga isku soo sharaxay laba musharax oo kala ah Xildhibaan Maxamed Jaamac Mursal Geelle iyo Xildhibaan Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhabancad.

Xubnaha guddiga ayaa Xildhibaan Maxamed Jaamac Mursal Geelle u doortay inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee guddiga arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Golaha Shacabka.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo doorashada ka dib hadlay ayaa guddo-omiyaha cusub ee guddiga kula dardaarmay inuu dardargeliyo shaqada guddiga, isaga oo dhanka kale xubnaha guddiga ku booriyay in ay la shaqeeyaan.

Doorashada guddoomiyaha cusub ee guddiga arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee golaha shacabka ayaa waxaa goob joog ahaa habdhowre kuxigeenada golaha, xoghayaha guud ee Golaha Shacabka iyo sidoo kale qaar ka mid ah Guddiyada golaha.

Wasiir Fiqi oo ka warbixiyay wadahadaladii ka dhacay dalka Turkiga ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, oo shir jara’id ku qabtay xarunta wasaaradda ayaa ka hadlay qodobbo dhowr ah oo ku saabsan halka ay marayaan wada-hadalladii Soom-aaliya iyo Itoobiya.

Wasiirka ayaa dhaliilay hadallo ka soo yeeray mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya, oo ay ku sheegeen in ciidamada Itoobiya ay "si qasab ah” ku joogaan Soom-aaliya, isagoo carabka ku dhuftay in hadaladaasi ay sii adkeynayaan Xaaladda jirta.

Wasiirka oo ka jawaabayay hadaladii Itoobiya ee ahaa in ay jiraan ciidamo Itoobiyaan ah oo dhiig u huray difaaca Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada Itoobiyaanka ay sidoo kale gacan ka geys-teen dilka in ka badan 20 kun oo Soomaali ah sanadihii 2007-2008, sidoo kalena ay burburiyeen hanti dadweyne, ayna sababeen barakaca 800 kun oo qof.

"Waa jiraan Ciidamo Itoobiya iyo guud ahaan howlgalka ATMIS uga dhintay dagaalka lagula jiro Al-shabaab balse taas micnaheedu ma ahan aan baddaada iyo dhulkaaga qaato, intaas waxaa ka badan inta nooga dhintay si dalka looga xoreeyo gumeysiga”

Wasiirka ayaa intaasi ku daray inaysan jirin wax gooya qiimaha wadajirka dhuleed iyo badeed ee Soomaaliya, hadii ay tahay maal ama dhiigba.

Gabagabadii, Wasiirka ayaa bogaa-diyay mowqifka dowladda Turkiga ay ku dooneyso in xal looga gaaro xiisadan, isagoo rajeeyay in wareegga soo socda uu ka soo baxo xal ku saleysan ixtiraamka shuruucda caalamiga ah.

Guddoomiye Madaale oo kormeer dhiiragelin ah ugu tagay cutubyo ka tirsan Ciidamada Amniga

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kormeer dhiiragelin ah ugu tagay cutubyo ka tirsan Ciidamada Amniga ee howlgalka Amni xaqiijinta ka wada duleedka Degmada Garasbaaley ee Magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa ku amaanay ciidamada sida geesinimada leh oo ay naftooda ugu hureen bad-badinta nafta iyo maalka shacabka soomaaliyeed, waxaa uuna si gaar ah u xusay 4-marxuum oo ka tirsanaa ciidamada amniga oo isku dhigay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxo oo lala damacsanaa in lagu dhibaateeyo shacabka, asigoona balan qaaday in uu ka-faalad qaadayo qoyskooda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale saraakiisha laamaha amniga ku wareejiyay Deeq isugu jirtay 20-Neefaf oo Ari ah iyo Agab kale oo ay istecmaalaan Ciidamada, taasi oo qeyb ka ah dhiira-gelinta, ka warqabka iyo kor joogteynta ciidamada ku howlan sugida amniga iyo bad-baadinta nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.

Kormeerkaan ayaa waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Taliyaha Hey’adda NISA ee Gobolka Banaadir Mudane Cabdifataax Shaaweye, Guddoomiyaha Degmada Garasbaaley, Guddoomiyaha Degmada Howlwadaag, Culuma’udiin iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Laamaha Amniga.

Talisyada Ciidanka Soomaaliya iyo Uganda oo ka wada hadlay xoojinta la dagaallanka al-shabaab

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Dhulka Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle, iyo saraakiil kale ayaa salay kulan la yeeshay Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Dalka Uganda Sareeye Guud Kayanja Muhanga oo ay wehliyeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka ATMIS.

Labada dhinac ayaa si gaar ah uga wada hadlay in la kordhiyo howlgallada wadajirka ah ee lagu ciribtiraayo kooxaha Al-shabab, dhanka kale Taliyaha Ciidanka Dhulka Uganda ayaa sheegay in diyaar u yihiin garab istaaga iyo Taageerada Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Shirkadaha Ethiopian Airlines iyo Flydubai oo qaatay amarkii kasoo baxay dowladda Soomaaliya

Shirkadaha dulimadyada Ethiopian Airlines iyo Flydubai ayaa u hoggaansamay amar Daraad kasoo baxay Hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, kaasoo ahaa in shirkadahan duulimaadyadooda Hargeysa ay u adeegsadan Hargeysa Somalia, halka markii hore ay u adeegsan jireen Hargeysa Somaliland.

App-ka shirkadahaan ee habka Online-ka looga jarto Ticket-yada ayaa lagu soo daray in Hargeysa ay la mid tahay sida duulimaadyada magaalooyinka kale Soomaaliya, waxaana kasoo muuqanaya Hargesa Soomaaliya, halka markii hore ay soo muuqan jirtay Hargeysa Somaliland.

Talaabada ay qaadeen shirkadahaan ayaa muujineysa iney qaateen amarkii kasoo baxay Hay'adda duulista Rayidka Soomaaliyeed oo ah Hay'adda maamusha guud ahaan hawada dalka Soomaaliya.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Somaliland oo ku aadan amarka ay qaateen shirkadaha Ethiopian Airlines iyo Flydubai, kaasoo meesha ka saaray magacii Hargeysa Somaliland oo markii hore u dhigmaayay sida dal ka madax banaan Soomaaliya.

Qaar ka mid ah dadka reer Somaliland ayaa ka carooday amar qaadashada shirkadahaan, kuwaas oo ku andacoonaya in shirkadahaani ay ku xadgubayaan qaranimada io madax bananida Somalilan, maadaama ay u hogansamen amaro kaso baxay dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

UNICEF oo Puntland ku cambaareysay dil ay ku fulisay afar caruur ah oo lala xiriiriyay Al-Shabaab

UNICEF ayaa si kulul u cambaareysay dilka afar dhalinyaro ah oo toddobaadkii hore ay ku fulisay maamul goboleedka Puntland ee Somalia, iyago ku adkesanaya in dhalinyaradan ay ahaayeen caruur xilligii lagu eedeeyay dambiyada loo haystay.

Dhalinyaradan ayaa ka mid ahaa toban xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab kuwaas oo lagu dilay magalada Gaalkacyo, iyagoo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dilalka dad rayid ah iyo saraakiil, taasoo noqoneysa mid ka mid ah dilalka ugu badan ee dad badan hal mar lagu fuliyo taariikhda dhowaan ee Puntland.

UNICEF waxay sheegtay in dhalinyaradan, oo lagu soo waramayo inay xiriir la lahaayeen kooxda hubeysan ee Al-Shabaab, aan lagu xukumin lahayn maxkamado ciidan, kuwaas oo aan lahayn habraac sax ah oo ku habboon marka ay timaado kiisaska la xiriira carruurta. Sida ay xaqiijiyeen Guddiga Hubinta Da'da Puntland, oo ay ku jiraan xubno ka socda dawlad goboledka Puntland, shaqsiy-adkani waxay ka hooseyeen 18 sano xilligii lagu eedeeyay dambiyada.

"Fulinta dilalkan waxay muujinayaan jebinta xeerka Carruurta ee Puntland iyo waajibaadka Soomaaliya ee ku xusan Heshiiska Xuquuqda Carruurta," ayay tiri UNICEF bayaan ay soo saartay. "Carruurta xiriir la leh kooxaha hubeysan waa in loo arkaa dhibanayaal u baahan ilaalin iyo dib-u-habeyn."

Dilka ayaa yimid xilli maamulka Puntland ay xooga saareen ka hortagga joogitaanka Al-Shabaab, kadib markii saddex maxbuus oo ka tirsan Al-Shabaab oo lagu xukumay dil ay ka baxsadeen xabsiga dhexe ee Gaalkacyo. Inkasta oo mid ka mid ah baxsadayaashii dib loo qabtay, haddana labadii kale waa weli la baadi-goobayaa.

Hay'adaha caalamiga ah ee u dooda xuquuqda aadanaha ayaa muddo dheer cambaareynayay maamulka Puntland iyo Soomaaliya qaabka ay ula dhaqmaan dhalinyarada ku lugta leh falalka hubeysan, iyagoo ku baaqaya in la qaato nidaam caddaalad dib-u-habeyn ah halkii laga qaadi lahaa ciqaabta dilka.

UNICEF waxay mar kale ku celisay baaqeeda ku wajahan mas'uuliyiinta Soomaaliyeed inay waafajiyaan dhaqama-dooda heerarka caalamiga ah ee xuquuqda carruurta, isla markaana ay hirgeliyaan barnaamijyo wax ku ool ah oo dib loogu soo celinayo bulshada carruurta ku lug leh kooxaha hubeysan.

Warbixin ay Amnesty International soo saartay bishii May ayaa sheegtay in Soomaaliya sanadkii hore la fuliyay 38 dil, halka sanadkii 2022 ay ahaayeen lix kaliya.

SSC Khaatumo oo digniin culus kasoo saartay Safarka Madaxweynaha Somaliland ee gobolka Sanaag

Hoganka sare ee maamulka SSC Khatumo ayaa si adag u cambareyay safar malmahii laso dhaafay uu madaxwenaha Somaliland ku marayay qeybo ka mid ah gobolka Sanaag.

Warsaxafadeed kasoo baxay maamulka Khaatumo ayaa lagu sheegay in safarka madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu yahay mid daandaasi iyo colaad cusub uu kaga hurinayo deegaanada SSC Khaatumo.

Warka kasoo baxay Khaatumo ayaa sidoo kale lagu sheegay in Khaatumo ay dooneyso xasiloonida gobolka, hayeshee mar walba ay u diyaarsan tahay difaaca deegaanadeeda iyo iska dhicinta cid walba oo ku soo xadgubta.

Maamulka SSC Khaatumo ayaa warsaxafeedka ku sheegay in dowladda Fedaraalka iyo Beesha Caalamka ay la socodsiinayaan daandaansiga iyo colaad hurinta madaxweynaha Somaliland, islamarkaana haduu dagaal cusub dhaco ay keeni doonto cawaaqib xumo aan la dhayelsan karin.

Madaxweynaha Ruushka oo sheegay in Ukraine ay abuureyso khatar nuclear

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa Ciidamada Ukraine ku eede-eyay in ay isku dayeen inay garaacaan Xarunta Quwadda Nukliyeerka ee Gobolka Kursk.

Madaxweynaha ayaa Khamiistii sheegay in dalkiisu uu Hay’adda Quwadda Atoomikada Caalamka (IAEA) ku wargeliyay isku dayga ay sameeyeen Ciidamada Ukraine.

Ciidamada Ukraine ayaa tan iyo 6-dii bishan gudaha ugu jira gobolka ku yaala galbeedka dalka Ruushka ee Kursk, halkaas oo ay weeraro ka wadaan.

"Cadowgu wuxuu habeen hore isku dayay inuu weerar ku qaado Warshadda Tamarka Nukliyeerka ee Kursh. Dhac-dadan waxaan ku wargelinay IAEA.” Ayuu yiri Madaxweynaha Ruushka.

Madaxweynaha ayaa yiri "IAEA waxay ballanqaadeen inay khubaro soo diri doonaan, si ay xaaladda u qiimeeyaan, waana rajeynayaa inay sidaasi samayn doonaan.”

Warshadda Nukliyeerka Korontada ee Kursk ayaa ah mid loo adeegsado tamar ahaan, waana mid ka mid ah xarumaha ugu muhiimsan dalkaasi ee bixiya adeegga korontada.

Waxyeelo kasta oo loo gaysto warshaddan ayaa sababi karta shucaac nukliyeer amaba khatar weyn oo nukliyeer, taas oo cawaaqib daran ku yeelaneysa qaaradda, waana khatarta uu haatan ka digayo Putin.

Dowladda Ukraine ayaan weli ka hadlin eedeymaha uu Putin u jeediyay ciidamadeeda markii ugu horreysay ka dagaalamaya gudaha Ruushka.

Ciidamada Ukraine oo ka soo tallaabay xuduudda labada dal ayaa sii wada bartilmaameedyada ay ka fulinayaan dalkaasi, si Ruushka loogu cadaadiyo in ciidamadiisa uu kala soo baxo dalka Ukraine.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa Khamiistii sheegay in hawlgalka ka socda gudaha Ruushka uu qayb ka yahay dadaalka lagu doonayo in lagu soo afjaro shuruudaha uu Ruushku ku xirayo joojinta dagaalka Ukraine.

Qorshaha istiraatijiyadeed Ciidamada Ukraine ee Gobolka Kursk ayaa ah mid hubinti la’aan ah, marka aad eegto in Ruushku uu dhinac kastaba ka go’doo-minayo ciidamadaasi.

Soo gelitaanka Ciidamada Ukraine ee gobolkaasi ayaa ka carreysiisay Madaxweyne Putin, taas oo keentay in hadda walaac laga muujiyo masiirka ciidamadaasi.

Wafdiga Israel oo gaaray Qaahira, xilli kuwa Xamaas ay ka maqan yihiin

Wafdiga Israel ku metelaya wada hadalada xabad joojinta Gaza ayaa habeen hore gaaray Magaalada Qaahira ee dalkaasi Masar.

Warbaahinta afka Maamulka Israel ku hadasha ee KAN ayaa sheegtay in wafdigu ay ka deggeen Caasimadda Qaahira, si ay uga qaybgalaan wada-xaajood horseedi kara heshiis la isku dhaafsanayo maxa-abiista oo lala galo Xamaas.

"Wafdiga Israel ayaa gaaray Qaahira, iyada oo ujeedadu tahay in la sii wado wada-xaajoodyada heshiis la isku weydaarsan karo maxaabiista.” Ayay ku warantay KAN.

Mareykanka, Masar iyo Qatar ayaan weli si rasmi ah uga hadlin, haddii wada hadalada ay dhammaadka toddobaadkan ka sii socon doonaan Qaahira iyo haddii kaleba, inkastoo horey loo qorsheeyay in wareeg kale oo wada hadalo ah ay ka qabsoomaan dalka Masar, ka dib wada hadaladii toddobaadkii hore ka dhacay dalka Qatar.

Dalalka dhexdhexaadiyeyaasha ayaa 16-kii bishan soo bandhigay hindise cusub, kaas oo ay sheegeen inuu sahli karo in la gaaro heshiis xabad joojineed iyo in maxaabiista la is dhaafsado.

Ururka Xamaas ayaa qaadacay wada hadalada nabadda, illaa iyo inta ay Israel ka aqbaleyso xabad joojin waarta iyo inay ciidamadeeda kala baxeyso Marinka Gaza oo dhan.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa ku adkeysanaya in ciidamadiisu ay ku sii sugnaan doonaan Philadelphi Corridor iyo koonfurta Gaza.

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden oo habeenkii Arbacada khadka teleefanka kula hadlay Hoggaamiyaha Israel ayaa u sheegay in si degdeg ah loogu baahan yahay xabad joojin ka dhaqangasha Marinka Gaza, inkastoo Netanyahu uu ka cago-jiidayo in uu aqbalo dhameystirka heshiiska xabad joojinta.

Haddii aan la helin tanaasulka lagama maarmaanka u ah heshiiskan ayaa waxay taasi wiiqi doontaa dadaaladii caalamiga ahaa ee lagu doonayay in lagu soo afjaro dagaalka Gaza.

Pentagon-ka oo sheegay in weerarka markabka Sounion uu abuurayo masiibo deegaan

Wasaaradda Difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa sheegtay in weerarka ay Xoogaga Xuuthiyiinta Yemen Arbacadii ku gubeen markabka nooca shidaalka ee Sounion uu abuurayo masiibo deegaan, haddii shidaalka uu ku qubto Badda Cas.

Sabrina Singh, Kuxigeenka Xoghayaha Warfaafinta ee Pentagon-ka ayaa sheegtay in markabka xilligii la weerarayay uu siday ku dhawaad hal milyan oo fuusto oo shidaal ah.

Markabka oo dab xoogan uu qabsaday ayaa looga tagey meel 77 nautical miles dhanka galbeed kaga beegan Magaalada Hudaydah ee Yemen, iyadoona laga daadgureeyay dhamm-aanba shaqaalihii la socday.

"Xuuthiyiintu waxay weerar ku qaadeen markab shidaal siday, lagana yaabo inuu ku qubto Badda Cas, taasoo abuureysa masiibo deegaan.” Ayay tiri Sabrina Singh oo gelinkii dambe ee Khamiistii Warbaahinta la hadashay.

Xuuthiyiinta Yemen ayaa sheegay in weeraradooda ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga ee laga leeyahay Mareykanka, Ingiriiska & Israel iyo kuwa kale ee lala xiriiriyo Dekedaha Israel ay ku taagee-rayaan dadka reer Gaza.

Sabrina Singh ayaa su’aal gelisay, sida weeraradan ay u caawinayaan qof kasta oo jooga Marinka Gaza, iyadoo xustay in markabkan uu ahaa mid watay Calanka Giriiga.

"Ma hubo sida ay taasi u caawineyso qof kasta oo jooga Gaza. Markabkan wuxuu ahaa mid watay Calanka Giriiga, waxaana saarnaa shaqaale u dhashay Ruushka iyo Filibiin. Markaa si sax ah uma garanayo ujeedadooda.” Ayay tiri Sabrina Singh.

Markabka ayaan bilaabin in uu saliidda ku sii daayo Badda Cas, oo haddii ay taasi dhacdana ay waxyeelo ba’an u gaysan karto marin biyoodka muhiimka ah, kalluunka & dhirta ay quutaan iyo xitaa biyaha la cabo.

Sidoo kale waxay saamayn ku yeelaneysaa isu socodka maraakiibta iyo xeebaha ka durugsan goobta uu haatan markabka ku sugan yahay.

Khatarta kiimikada iyo walxaha sunta ah ee markabka saaran oo aad u badan awgeed ayaa muddo dheer ku sii jiri karta Badda Cas, waxaana jira habab gaar ah oo lagaga jawaabo, marka ay masiibo ceynkani oo kale ah ay dhacdo, taasoo ay ugu horreyso ka hortagga in saliidda ay gaarto xeebta.

Markabka Sounion ayaa ka ambabaxay dalka Ciraaq, iyadoo uu ku sii jeeday deked ku taala duleedka Maga-alada Athens, halkaas oo ay ku yaalaan warshado sifeeya shidaalka.

Afhayeenka Militariga Xuuthiyiinta, General Yahya Saree oo Khamiistii Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidamada Yemen ay ku guuleysteen inay si sax ah u garaacaan markabkaasi, isago-ona sheegay in uu halis ugu jiro in uu quuso.

Afhayeenka ayaa sheegay inaysan joojin doonin weeraradooda, illaa iyo inta xabad joojin rasmi ah lagaga dhawaaqayo Marinka Gaza.

Xuuthiyiinta Yemen ayaa si firfircoon weeraradooda maraakiibta uga wada marin biyoodyada Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, iyadoo tani ay walaac badan ku hayso xulafada Mareykanka.

Golaha Wasiirrada Oo Xalay Soo Saaray Qaraar Ku Saabsan Canshuuraha Iyo Dakhliga Dalka

Golaha Wasiirrada Oo Xalay Soo Saaray Qaraar Ku Saabsan Canshuuraha Iyo Dakhliga Dalka.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo

xalay yeeshay kulan uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa soo saaray Qaraar muhiim ah oo ku saabsan Mamnuucidda in Dakhli Dawladeed Lagu Shubo ama Lagu Hayo Koonto Bangi ee aan ahayn Khasnadda Mideysan (TSA)

Golaha Wasiirradu Wuxuu

Meelmariyay Qaraarka Qodobadiisu Hoos Ku Qoran Yihiin:

Qodobka 1-aad

Joojinta in Dakhli Dawladeed Lagu

Shubo ama Lagu maareeyo Koonto Bangi oo aan ahayn Khasnada Mideysan (TSA)

1. Sida ku cad Qodobka 2(1)(r) iyo Qodobka 4-aad ee Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019, dhammaan dakhliga Dawladda Federaalka Soomaaliya waa in lagu shubaa, laguna maamulaa Khasnadda Mideysan oo keliya (TSA).

2. Si waafaqsan Qodobka 4(2) iyo Qodobka 42(4), waxaa mamnuuc ah in dakhliga Dawladda lagu qabto ama lagu hayo koonto bangi oo aan ahayn Khasnada Mideysan (TSA).

3. Si waafaqsan Qodobka 4(3) ee Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019, dakhliga Dawladda Federaalka waxa ku jira dhammaan lacagaha ay qabtaan hay’adaha Dawladda, iyo sidoo kale dhammaan lacagaha lagu soo ururiyo magaca hay’ad Dawladeed, ama midka Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin balse aan ku xaddidnayn dhammaan canshuuraha, khidmadaha iyo ganaaxyada kala duwan ee loo ururiyo si waafaqsan shuruucda iyo xeerarka kala duwan ee dhaqangalka ah.

Qodobka 2-aad

Hay’adda Dawladda Mas’uulka uga ah Dakhli Ururinta

1. Sida ku cad Qodobka 8(2) ee Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019, Wasaaradda Maaliyadda ayaa ah hay’adda kaliya ee u xilsaaran ururinta, maareynta iyo la socodka dhammaan noocyada kala duwan ee dakhliga Dowladda Federaalka Soomaaliya.

2. Iyada oo aan waxba loo dhimayn doorkooda bixinta adeegyada Dawliga ah, dhammaan hay’adaha kale ee Dawladda, ha ahaadan rayid ama ciidan, waxaa ka mamnuuc ah, inay si iskood ah u ururiyan ama u maareeyaan dakhliga Dawladda, oo ay ka mid yihiin balse aan ku ekayn dhammaan canshuuraha, khidmadaha iyo ganaaxyada kala duwan.

Qodobka 3-aad

Dejinta Tacriifadaha

1. Si waafaqsan Qodobka 6(b) iyo Qodobka 108 ee Sharciga Maamulka Dakhliga, 2019, Wasiirka Maaliyadda oo kaliya ayaa awood loo siiyay dejinta iyo wax-ka-bedelka dhammaan tacriifadaha saldhiga u ah noocyada kala duwan ee dakhliga Dawladda oo ay ka mid yihiin balse aan ku ekayn tacriifadaha dhammaan canshuuraha, khidmadaha iyo ganaaxyada kala duwan.

2. Iyada oo aan waxba loo dhimayn doorkooda dhaqan-gelinta iyo fududaynta bixinta noocyada kala duwan ee dakhliga Dowladda, dhammaan hay’adaha kale ee Dawladda, ha ahaadan rayid ama ciidan, waxaa ka mamnuuc ah dejinta iyo wax-ka-bedelka dhammaan tacriifadaha saldhiga u ah noocyada kala duwan ee dakhliga Dawladda oo ay ka mid yihiin balse aan ku ekayn tacriifadaha dhammaan canshuuraha, khidmadaha iyo ganaaxyada kala duwan.

3. Iyadoo u-hoggaansamaysa Qodobka 6(b) iyo Qodobka 108 ee Sharciga Maamulka Dakhliga, 2019, Wasaaradda Maaliyaddu waa in ay sahan dhamaystiran ku samayso dhammaan tacriifadaha hadda jira ee la xiriira ilaha kala duwan ee dakhliga Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo hubiyo in dhammaan tacriifadahaas, oo ay ku jiraan kuwa canshuuraha, khidmadaha, iyo ganaaxyada, ay la socon kara xaaladaha dhaqaale ee Dalka.

Qodobka 4-aad

Dib-u-eegista Heshiisyada iyo Qandaraayadda aan waafaqsanyn Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019 iyo Sharciga Iibka ee Qaranka 2016

1. Si loo hubiyo u hogaansanaanta qodobbada sharciga islamarkasna looga hortago khataraha maaliyadeed ee ka dhalan kara, waa in dhammaan heshiisyada saamaynta maaliyadeed leh ee dhaqangalka ah ee sharciga baalmarsan la waafajiyaa Sharciga Iibka ee Qaranka, 2016, iyo Sharciga Maaraynta Maaliyadda Guud, 2019.

2. Dhammaan heshiisyada caalamiga ah ee saamaynta maaliyadeed leh ee Dawladda Federaalka Soomaaliya kula jirto shirkadaha shisheeye waa in dib u eegis lagu sameeyo lana waafajiyo sharicga marka wakhtigoodu dhammaado kahor inta aan la cusboonaysiin.

3. Wasaaradda Maaliyadda waxaa la farayaa in ay hortabin siiso si joogta ahna u bixiso kharashaadka ka dhasha heshiisyada Dawladdu kula jirto shirkadaha gaarka loo leeyahay si looga fogaado ganaaxyada sharci ee ka imaan kara.

4. Qararkan waxaa lagu baabi’iyay dhammaan heshiisyada hoos ku xusan:

(b) Heshiiska lagu fuliyo adeegyada la socodka koonteenarada ee electrooniga ah (electronic container tra

cking) oo ay horay loo galay.

(t) Heshiiska lagu fuliyo adeega dhaqista koonteenarada (container cleaning services) oo horay loo galay.(j) Heshiiska fayadhawrka ee Dowladda Hoose.

Qodobka 5-aad

Qodobo Qubane ah

1. Iskaanka lagu hubiyo badeecadaha kasoo dega Dekadda Muqdisho waa in la dhimo qiimaha adeegga konton boqolkiiba (50%) iyadoo khidmadda kasoo xaroota lagu qabanayo Khasnadda Midaysan.

2. Ganacsatada Soomaaliyeed ee badeecaddaha kala soo daga furdooyinka Soomaaliya waxaa la farayaa inay shahaadada caddaynta tayada baddecadda ay kala yimaadan shirkadda Veritas ee Dawladda Soomaaliya ugu xilsaaran hubinta tayada badeecadaha.

3. Waxaa la joojiyay lacagaha howl fududeynta ah ee aan sharciga ku saleysneyn ee ganacsatada looga qaado Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha.

4. Dhammaan mas’uuliyiinta iyo howl-wadeenada Shirkadda Alport Mogadishu, kuwa Furdada, Ciidanka Ilaalada Canshuuraha iyo hay’addaha kale ee amniga ma samayn karaan xannibaad ama daahis ay ka dhalan karto kharash ku siyaada badeecadda Dekadda.

5. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waa inay dejisaa qorshe lagu fududeynayo adeegayada laga bixiyo Dekedda Muqdishu.

6. Dhammaan shirkadaha dillaalayda furdooyinka iyo wakiiladda maraakibta (customs brokers & shipping lines) waxaa ka mamnuuc ah inay ku dallacaan ganacsatada lacagaha fududeynta ah oo lagu bixiyay si sharci daro ah.

7. Waxaa la joojiyay lacagaha laga qaado gaadiidka xammuulka ah ee ka baxa baraha koontaroolada ah ee magaalada Muqdisho sida Afgooye iyo Balcad.

8. Waxaa la yareeyay khidmadda Kaarka Ogolaanshaha Gelista Dekadda (Port Access Permit), waxaana laga dhigay $40 doolar oo kaliya, iyadoo meesha laga saaray qaadista lacag dhan $110 doolar.

9. Waxaa meesha lag saaray kharash kasta oo ku bixi jiray howlaha loogu yeeray Kontaynar-jabinta. Cid kasta oo ku lug yeelata qaadista khidmadaan la mamnuucay waxaa laga qaadi doonaa tallaabooyin sharciga waafaqsan.

10. Wasaaradda Ganacsiga waxaa la farayaa in ay u kuurgalid iyo wadatashiyo ka soo samayso cabashooyinka iyo khilaafaadka u dhexeeya ganacsatada, isla markaana soo jeedin ay keento Golaha Wasiirrada.

11. Waxaa la farayaa Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada inay keento qorshe lagu xallinayo cabashooyinka ka jira gaadiidka xamuulka ka qaada Dekedda Muqdisho, isla markaana soo jeedin ay keento Golaha Wasiirrada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip