halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogdishu times

0
Sunday August 18, 2024 - 11:46:15 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 208
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogdishu times

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulanka golaha shacabka oo looga dooday Hindise sharciyeedka badbaadada dhir beereedka

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliy ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga shanaad kulankiisa 13-aad, waxaana kulanka shir gudo-ominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nur (Madobe) o u wehliyo gudomiye Ku xigenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane abdullahi Cumar Abshirow.

Guntanka ama kooramka kulanka xildhibaanadda oo ku furmay 143-xildhiban ayaa waxa uu ajendihiisu ahaa akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka xakameynta Badba-adada Dhirbeeredka iyo Takoorka, iyo akhrinta labaad e Hindise Shar-ciyeedka Abuurka iyo Noocyada Ayniga Dhir beereedka, waxaana ugu horeyn guddoomiyaha Gudiga Beeraha, Hormarinta Reer-Miyiga, Xolaha io Khayradka Bada e Golaha Shacabka Xildhibaan Mukhtaar Maxamed Guuleed uu Golaha u akhriyay warbixinta akhrinta labaad ee hindise sharciy-eedyadan.

intaasi ka dib Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamanka dalka oo ka dooday qodobada hindise sharciyeedyadan ayaa aragtiyadooda ka dhiibtay, waxaana ay su’aalo ka weydiiyeen Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Xukumadda Federaalka Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo kulanka joogay kana jawaabayay su’alaha ay xildhibanada weydi-nayen.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in dooda hindise sharciyeedyadan dib logu celiyay gudiga ay khuseyso, iyaga oo kusoo daraya aragtiyada iyo doodaha xildhibaanadda dibna Golaha ugu soo celin doona si akhrinta sedaxaad loo marsiiyo.

Wasiirka Arrimaha Guddaha XFS oo furay Shir looga hadlayo horumarinta Aqoonsiga Dadweynaha

Wasirka Arimaha Gudaha Federalka iyo dib u heshiisiinta XFS mudane ali Yuusuf (Cali Xoosh) ayaa daahfuray shirka wadatashiga qiimaynta qaab dhismeedka sharci iyo kaabayaasha aqoonsiga dhijitaalka ah ee dalka.

Shirkaan waxaa ka qeyb galay Gudomiyaal, Agasimeyaal ka tirsan Hay’adaha dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, wakiillo ka socday Qaramada Midobay (UNDP) iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah.

Maareeyaha Hay’adda NIRA Cabdiweli Timacadde oo ka hadlay madasha aya sheegay in muhiimada shirkaan uu yahay horumarinta nida-amka Aqoonsiga qaranka, isaga oo bogaadiyay dadaalada hay’adaha Dowladda iyo kuwa caalamiga ah ee taageeraya nidaamka aqoonsiga Soomaaliya.

Shirkan ayaa socon doona mudo saddex maalmood ah, iyadoo lagu soo bandhigi doono cilmi-baarisyo qoto dheer, talooyin iyo qorshayaal muhiim ah oo ku saabsan horma-rinta nidamka aqonsiga dhijitalka ah.

Wasiirka Caddaallada iyo Dastuurka XFS oo Shir uga qayb gelaya Maraykanka

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuummada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Macallin Maxamuud oo ka qeyb galaya shir heerkiisu sarreeyo oo looga hadlayo dhameystirka Dastuurka, ayaa lagu soo dhowe-eyay magaalada Ohio ee dalka Mareykanka.

Kulanka oo laba maalin soconaya, ayna soo agaasintay hey’adda cilmi baarista siyaasadeed ee Bulsho Trust ayaa looga hadlayaa arrimaha ku xeyn-daaban Dastuurka dalka, dowlad wanaagga, xasiloonida iyo horumarka guud.

Mudane Xasan Macallin Maxamud ayaa ka qeyb galayaasha la wadaagaya xaaladda uu marayo gedi socodka dib-u-egista Dasturka oo si wanaagan loo dardargeliyay inti ay jirtay xukuumadda Dan-qaran.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo daah furay koorsooyin luuqadeed oo sare loogu qaadayo tayada diblomaasiyiinta

Wasiirka Arimaha Dibada iyo Iskashiga Caalamiga ee Xukumada Federaalka Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa shalay si rasmi ah u daah-furay koorsooyin lagu baranayo afafka Ingiriiska, Sawaaxiliga iyo Amxaariga oo uu soo agaasimay Machadka Diblomaasiyadda, ayna ka faaidaysan doonaan 70 shaqaale oo ka kala tirsan waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiir Fiqi ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la soo saaro jiil diblomaasiyiin ah oo aqoon leh, kuna hadli karaan afaf kala duwan, kuwaasi oo xoojin doona matalaadda Soomaaliya ee fagaarayaasha caalamka si looga guul keeno danaha sare ee qaranka. Wasiirka waxa uu cadeeyay kaalinta Machadka ee soo saarida darasado, cilmi-barisyo iyo marti-gelinta doodo siyaasadeed iyo amni.

Wasiirku waxa uu soo bandhigay qorshayaal lagu ballaarinayo barna-amijyada tababarada diblomasi-yaded ee gudaha dalka lagu qaban-ayo, iyadoo sidoo kale uu jiri doono qorshe tababbaro diblomaasiyaded loogu diri doono dalalka aan walalaha, saxiibada iyo isbahaysiga aan nahay, ujeedkeeduna uu yahay kor u qaadidda xirfadda iyo khibrada bahda diblomaasiyadda Somaliyed.

Danjire Cabdulqaadir Amiin Sheekh, Agaasimaha Machadka Diblomaasiyadda, ayaa shaaca ka qaaday in Machadku dib u bilaabi doono koorsooyinkii diblomasiyaded si gaar ah koorsada lagu qaadanayo shahaadada diblooma sare oo muddo sanad ah, lana filayo in si rasmi ah loo furo bisha September.

Uganda oo Maraykanka oo ka dalbatay 100 Bilyan oo dollar ah oo ah magdhowga ciidamada looga dilay Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Difaaca Uganda General Muhozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay Madaxwene Museveni ayaa Mareykanka ka dalbaday magdhow dhan $100bn oo ah khas-araha ciidamada Uganda ka soo gaaray Soomaaliya.

Maxamed El-Amine Souef, oo ah wakiilka gaarka ah ee gudoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, ayaa u sheegay VOA-da in howlgalka ATMIS ay diiwaan-geliyeen ku dhawaad 4,000 oo dhimasho ah oo u badan askarta kasoo jeeda Burundi & ganda"

"Mareykanku waxaan ku leenahay ugu yaraan 100 bilyan oo doolar oo ah shaqadayada Soomaaliya," ayuu yiri Muhoozi.

Mareykanka, oo ciidamadiisa kala baxay Soomaaliya ka dib dhacdadii madowga ahayd ee lagu dilay 1993-kii 18 Mareykan ah, ayaa ayuu sarg-aalkaan sheegay in uu ku tiirsanaa askarta Uganda si ay u gaaraan himilooyinka Washington ee Muqdisho.

Boqolaal ka tirsan askarta Uganda ayaa lagu dilay dagaallo dhiig badan ku daatay oo la doonayay in Al-Shabaab looga saaro caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Qoraallada uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ee Muhoozi ayaa kusoo beegmaya xilli uu xumaaday xiriirka u dhexeya Uganda iyo Mareykanka.

Mareykanka ayaa dhawaan cunaqabateyn ku soo rogay mas’uuliyiin ka tirsan Uganda, kadib markii la sameeyay sharciga ka hortagga waxa loo yaqaaano LGPT, wuxuuna Maraykanka diiday inuu maalgasho Uganda.

Washington waxay sidoo kale ka saartay Ugandha ka faa'iidayst-ayaasha Fursadaha Kobaca Afrika (AGOA) kaas oo siinaya wadamada Saxaraha ka hooseeya ee Afrika inay si cashuur la'aan ah u galaan suuqyada Maraykanka.

Faysal Cali Waraabe oo heshiiska Masar iyo Soomaaliya ku tilmaamay talaabo aan laga fiirsan

Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID, Faysal Cali Warabe, ayaa sheegay in heshiiska ciidan ee Masar iyo Soomaaliya uu qalalaase galindoono Soomaaliya.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in heshiiskaasi uu Soomaaliya ka dhigi doono sida Suudaan oo kale, isaga oo sheegay in dowlada Somalia anay Madaxweyne Xasan Sheekh ka danbayndoonin.

"Dowlada beenta ah ee Xamar, Xasan Sheekh ka danbayn mayso, halkii u danbaysayna wuu ku dhuftayo heshiiska Masar wuxuu ka dhigayaa Soomaaliya Suudaantii labaad" ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Waxa uu sheegay in dhawaan la arki doono xoogag kala taabacsan Masar iyo Itoobiya oo ku dagaala-maya gudaha Soomaaliya, waxaana uu sheegay in go'anka uu heshiiska ku galay Madaxweyne Xasan Sheekh uu muujinayo hoggaan xumo.

"6 waddan ayuu la galay heshiis millateri caqli xumadiisa, Somal-iland, waa la saxeexaya heshiiska Itoobiya, iskaashi millatari ayaynu yeelanayna Itoobiya, dhaqaalaha waanu isku furaynaa, cid hor joogsa-naysaana ma jirto" ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa dhawaan kala saxeexday heshiis iskaashi ciidan, waxaana la rajaynayaa in ciidamada Masar la keeno Soomaaliya. Itobiya iyo Somaliland ayaa heshiiska kasoo horjeedsaday.

Madaxweyne Biixi: Turkigu Somaliland wuu ka waayay wax aan qaranimadeeda ahayn

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in Turkigu uu dadaalo ku bixiyay midaynta Somaliland iyo Soom-aaliya, sidookale waxa uu ka digay in ciidamada Masar la keeno Soomaaliya.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in Turkigu uu hada garabsiinayo Soomaaliya, kadib markii ay guuld-araysteen dadaalo uu ku doonayay in heshiis lagu dhexdhigo Somal-iland iyo Soomaaliya.

"Turkigu muxuu ugu dagaa-lamayaa garab istaaga Soomaaliya, danaha dalkiisa ayuu ka dhex arkaya, Somaliland intii uu xodxodanayay waxa uu ka waayay in wax aan qaranimada Somaliland ahayn laga wada hadlo, isaguna wuxuu doonayay in uu inagu celiyo Xamar" ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Waxa uu sheegay in uu la yaabanyahay in Qaramada Mido-obay taageertay in ciidamo cusub Soomaaliya la geeyo, isaga oo sheegay in dowladaha deeqda bixiyaa ay ka daaleen nabad ilaalinta Soomaaliya.

Madaxweynaha oo ka hadlayay ciidamada Masaarida ee la rajaynayo in la keeno Soomaaliya, ayaa sheegay in dhib waxaan ahayn ayna soo kordhindoonin, isaga oo sheegay in dalka Yemen uu eeday ciidamo masaari ah oo loo diray lixdameeyadii.

Waxa uu sheegay in guulaha Somaliland ay gaadhay ay sabab-een in shalay caalamku ku kala qaybsamo, oo uu caalamkii noqday qayb taageersan iyo qayb kasoo horjeeda dano siyaasadeed oo isdiidan awgood.

Faahfaahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay duuleedka magaalada Muqdisho

Warar dheerad ah aya kaso baxaya dagaal Habeen hore ku dhexmaray deganka Celasha Biyaha ee duledka magaalada Muqdisho ciidanka dowladda iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaaden Saldhig degankas ay ku leeyihiin ciidamada Booliis Militare, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen inuu ahaa dagaalka mid xoogan oo hubka noocyadiisa kala duwan isku adeegsanayeen labada dhinac.

Wararka waxay sido kale sheeg-ayaan in dagaalka uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac, hayeeshee aanan la xaqiijin karin inta u dhan yahay.

Sarkaal ka tirsan amniga deeganka Ceelsha Biyaha ayaa warbaahinta gudaha u sheegay iney iska cabiyen weerarka uga yimid kooxda Al-shabab, islamarkana ay dib u celiyen xubnahi werarka so qaaday.

Xaalada ayaa shalay degan waxaana ciidanka dowladda ay howlgalo ka wadaan xaafado ka tirsan deegaanka Ceesha Biyaha ee duuleedka magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyntii Ururka Al-shabaab ayaa inta badan weeraro isugu jira qaraxyo iyo ku dhufo oo ka dhaqaaq ku qaada Saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ee ku yaala magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka.

UK oo magdhow u furaysa dadkii ku dhintay weerarkii xeebta Liido

Dhibanayaasha iyo qoysaska kasoo jeeda UK ee ay waxyeelladu kasoo gaartay weerarkii Al-Shabaab ee 2-dii August ka dhacay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku dhinteen dad ku dhow 40 qof, ayna ku dhaawacmen in ka badan 200 oo qof, ayaa dalbanaya in magdhow la siiyo.

Xafiiska Arrimaha Dibedda, Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta ee UK ayaa si rasmi ah ugu aqoonsaday weerarkii Xeebta Liido inuu ahaa fal argagixisanimo, taasoo u oggolaanaysa muwaadiniinta British-ka ah, ee ay dhibaatadu saameysey iyo sidoo kale xubno ka tirsan ciidamada UK, inay magdhow ku raadsadaan dhibaatada kasoo gaartay weerarkii xeebta Liido.

Dhibanayaasha ayaa magdhow ka heli kara dowladda UK iyagoo usii maraya hay’ad lagu magacaabo Maamulka Magdhawga Dhaaw-acyada Dembiyada (CICA), taasoo ah hay'ad dawladeed oo magdhow siisa dhibanayash dambiyada rabshadaha wata e England, Scotland, iyo Wales.

Weerarkan ayaa sababay in xabsiga loo taxaabo saraakiil badan oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo xilligaasi ku guda jiray howlahooda shaqo, taasoo muujineysa fashil xooggan oo dhanka ammaanka ah.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa ku tilmaamay falkaas mid waxashnimo ah oo ka dhan ah dhaqanka iyo diinta Soomaaliyeed. Wuxuu ku nuux-nuux saday sida ay dowladda uga go’an tahay in lala xisaabtamo kuwa mas’uulka ka ah, isagoo dhanka kale ku baaqay in si mideysan loo garab istaago dhibanayaasha.

Puntland oo shalay xukun dil ah ku fulisay 10 xubnood oo katirsanaa kooxda Alshabaab

Toban xubnood oo ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa shalay lagu toogtay magaalada Gaalkacyo kadib markii ay xukun dil ah ay ku ridday maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee Puntland.

Shaqsiyaadkan ayaa lagu helay dambi ah in ay dad badan oo rayid ah iyo dad kaloo masuuliyiin ah ay ku laayeen magaalada Gaalkacyo, ka hor inta aysan laamaha amniga ee Puntland gacanta kusoo dhigin ku dhawaad saddex sano ka hor.

Dhinaca kale, ciidamada ammaanka Puntland ayaa sidoo kale baadigoob ugu jira saddex ka mid ah kooxdii shalay xukunka lagu fuliyay, balse dhawaan ka baxsaday xabsiga Gaalkacyo.

Dadka baxsadka ah ayaa loo arkaa inay yihiin kuwo khatar badan, waxaana abaal-marin loo ballan qaaday ciddii keenta xog horseeda in la soo qabto.

Xukunkan ayaa noqonaya kii labaad ee ugu badan ee lagu fuliyo xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee ka dhaca magaalada Gaalkacyo, iyadoo sanadkii 2022-kii uu maamulka Puntland xukun dil ah ku fuliyay 18 xubnood oo Shabaab ah.

Dilkooda ayaa loo arkaa mid dhabar jab weyn ku ah kooxda Al-shabaab oo tan iyo sannadkii 2008-dii ka geysanaysay Waqooyiga Gaal-kacyo weeraro iyo dilal qorsheysan.

Ciidanka dowladda oo howlgalo ka dhan ah Al-shabaab oo ka sameeyay gobolka Bakool

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan guutada 9-aad qeybta 60-aad ayaa howlgalo qorsheysan oo dhan ahaa kooxda Al-shabaab ka fuliyay deegaano hoostaga degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Howlgalada ayaa ciidamadu waxay si gaar ah uga fuliyeen wadada isku xirta magaalooyinka Xudur iyo Qurac joome ee gobolkaas oo kooxda Al-shabaab inteeda badan ku sugnayeen.

Abaanduulaha guutada 9-aad qeybta 60-aad ee xoogga dalka dhamme Cilmi Aadan Isaaq ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in ciidamada dowladda ay cagta mariyeen goobo badan oo ay joogeen xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Wadadaan xiriirisa Xudur iyo Qurac joome ayaa ah wado muhiim ah oo mudo dheer u xirneyd kooxda, waxaan Abaanduulaha guutada 9-aad qeybta 60-aad uu sheegay in ciidamadu ay nadiifiyeen jidgooyooyin badan oo halkaas u yaalay

Howlgalkaan ciidamada dowladda ka fuliyeen Degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa kusoo aadaya, iyadoo deegaano iyo degm-ooyin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ay ka socdaan howlgalada lagula dagaalamayo Al-shabaabka ku sugan deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Mareykanka oo kabo le’eg u gelinaya Wasiirada xagjirka ah ee Israel

Dowlada Marekanka aya waxay aragtaa in Israel iyo Xamaas ay gaari karaan heshiis sahlaya in la soo afjaro colaadda Marinka Gaza, lana sii daayo maxaabiista, balse ay jirto cid carqaladeynaysa inuu fulo heshiiskaasi.

Madaxwenaha Mareykanka, Joe Biden ayaa hada ka shaqenaya in la soo afjaro colaadda Gaza, maadaama ay si toos ah u same-naso dorashada bisha November ka dhaceysa dalkaasi, isla-markaana ay uga sii dareyso xiisadda ka jirta Bariga Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in Washington ay dooneyso in ay wax ka qabato Wasiirada xagjirka ah ee ka tirsan Xukuumadda Raysal Wasare Benjamin Netan-yahu, kuwaa oo si cad u diidan in la so afjaro dagalka ay Ciidamada Israel kula jiraan kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta

Wasiirka Amniga, Itamar Ben-Gvir iyo Wasiirka Maaliy-adda, Bezalel Smotrich oo ka tirsan asxaabta midigta fog ee wax ka soo dhisay xukuumadda wadaagga ah ee Netanyahu uu hoggaamiyo ayaa ka biyo diidan in la joojiyo dagaalka.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa habeen hore diray farriin uu si toos ah ugu sheegayo dhammaan dhinacyada ku lugta leh wada-xaajoodka Israel iyo Xamaas inay isaga fogaadaan wax kastoo wax u dhimi kara in heshiis la gaaro.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda, Antony Blinken uu u dirayo Israel, si uu u sii wado dadaalka degdegga ah ee lagu dhamestirayo heshiiska. Wasiirka ayaa Sabtidan ku wajahan Israel.

Wasiirka ayaa markan ku soo laabanaya Bariga Dhexe, iyadoo la filayo in dhibaatada ugu weyn ay ka qabsato labada nin ee ugu xagjirsan Golaha Wasiirada Israel.

Wasiir Blinken ayaa la sheegaya in ay tahay inuu u diyaargaroobo madax xanuun badan, oo uu kala kulmi doono Ben-Gvir iyo Smotrich, haddii loo tirinayo in ay yihiin caqabadda qura ee horgudban heshiiskan.

Blinken oo asal ahaan ka soo jeeda bulshada Yahuudda ayaa wajahaya niman dunida oo wada arkeyso ku adkeysanaya in la sii wado xasuuqa dadka rayidka ah, gaajeysiintooda iyo burburinta lagu hayo dhismayaasha Gaza.

Blinken isaga ayay jirtaa qaabkii uu nimankaasi uga dhaadhicin lahaa in laga hortago fiditaanka colaadda ama wax kasta oo wax u dhimi kara in la dhameystiro heshiiska xabad joojinta.

Ben-Gvir ayaa Netanyahu ugu yeeray inaaanu wax dheg jalaq ah u siinin cadaadiska sii kordhaya ee Washington, ayna tahay in la sii wado dagaalka ay dadka faraha badan ee shacabka ahi ku dhimanayaan ee ka socda Gaza. Ben-Gvir ayaa wacad ku maray in uu ka bixi doono xukuumadda uu xisbigiisa wax ka soo dhisay, haddii dagaalka la joojiyo buu yiri iyadoo aan Xamaas laga adkaanin.

Netanyahu ayaan ka gudbi karin rabitaanka labadaasi nin, si xukuumaddiisa ay uga badbaado inay burburto, dalkana aan looga qaban doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay. Xukuumadda Netanyahu waxay si weyn ugu tiirsan tahay isbahaysiga midigta fog.

Dadka ka faallooda arrimaha Bariga Dhexe ayaa ku waramaya inaanan wax heshiis ahi laga gaari doonin wada hadalada xabad joojinta iyo maxaabiis is dhaafsiga, iyadoo aan la maareyn amaba wax laga qaban diidmada Wasiiradan mayalka adag.

Wararka ayaa sheegaya in Aqalka Cad ee Mareykanka ay u badan tahay in uu tallaabo ka qaadi doono raggaasi, haddii ay ka dhego adeygaan dadaalada lagu doonayo in lagu fahamsiiyo inaysan carqaladeyn heshiiska nabadda, si Israel iyo Xamaas ay u soo afjaraan colaadda Gaza, ka dib in ka badan 10 bilood oo dagaal ah. Xamaas ayuu qorshuhu yahay in la haysteyaashii Israeliyiinta ee lagu soo qafaashay weerarkii October 7-deedii ay ku bedelato maxaabiis badan oo Falastiiniyiin ah, kuna xiran xabsiyada Israel.

Madaxweyne Biden ayaa Xamaas iyo Israel ku cadaadinaya in ay ku laabtaan wareeg kale oo wada hadal ah, si aanu waqti dambe u lumin, ka dib markii habeen hore ay natiijo la’aan ku soo dhammaatay wada hadaladii Khamiistii iyo Jimcihii ka dhacay dalka Qatar.

Dalalka dhexdhexaadiyeyaasha ayaa habeen hore shaaciyay inay soo bandhigeen hindise cusub oo xabad joojin ah, isla-markaana horseedaya in maxaabiista la sii daayo.

Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen Qatar, Masar iyo Mareykanka ayaa lagu sheegay in hindisaha cusub uu yareynayo farqiga u dhaxeeya Israel iyo Xamaas. Bayaanka waxaa lagu caddeeyay in haddii la aqbalo soo jeedinta cusub ay si degdeg ah u dhameystiri doonto heshiiska.

Khubarada ayaa qaba in waddo dheer oo qodxo badan ay ka soo horreyso, ka hor inta aan lagu heshiinin xabad joojin waarta.

Haddii Mareykanka uu qaado tallaabo ka dhan ah Wasiirka Amniga, Itamar Ben-Gvir iyo Wasiirka Maaliyadda, Bezalel Smotrich ayaa noqon doonto, middii ay ku miirsan lahaayeen, bacdamaa ay ka dhaadhacsan tahay inaanay jirin cid la xisaabtami karta.

Madaxweyne Biden oo digniin u diray dhammaan dhinacyada Bariga Dhexe

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa si isku mid ah Dowladaha Bariga Dhexe uga digay inay carqaladeeyaan dadaalada uu hormuudka ka yahay ee xalka loogu raadinayo colaadda Gaza.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu digay dhammaan dhinacyada ku lugta leh wada-xaajoodyada inay carqaladeeyaan wax kastoo horse-edaya in heshiis xabad joojin ah laga gaaro dagaalka Marinka Gaza.

Madaxwenuhu waxa uu sheegay in ay ku dhow yihiin labada dhinac, waa Israel iyo Xamaas’e in ay gaaraan heshiiska sida weyn loogu baahan yahay, ka dib wareeggii ugu dambeeyay ee wada hadalada ee Khamiistii iyo Jimcihii ka qabsoomay Magaalada Doha.

Madaxweyne Biden ayaa dhinacyada saamaynta ku leh wada hadalada ugu yeeray inay ka foga-dan carqaladenta dadalada caala-miga ah ee socda, si xabad joojin looga dhaqangeliyo Marinka Gaza, maxabistana la isku dhafsado.

Dhanka kale Madaxweyne Biden ayaa ku dhawaaqay in Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda uu u dirayo Israel, si uu u sii wado dadaalka degdegga ah ee lagu dhameystirayo heshiiska.

"Qofna gobolka ma qaadan karo falalka lagu wiiqayo nida-amkan.” Ayuu yiri Madaxweyne Biden oo muujiyay in Washington ay markan ka go’an tahay in la soo afjaro colaadda Gaza.

Hadalkiisan ayaa yimid, ka dib bayaan ay habeen hore si wadajir ah u soo saareen Masar, Mareykanka iyo Qatar, oo ay ku sheegayeen inay soo bandhigeen hindise cusub oo xabad joojin iyo heshiis lagu sii deynayo maxaabiista, kaas oo sida ay sheegeen yareynaya farqiga u dhaxeeya Xamaas iyo Israel.

Joe Biden, Madaxweynaha Mareykanka ayaa markii dambe soo saaray warsaxaafadeed uu ku sheegay in uu si gooni gooni ah ula hadlay Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah El-Sisi iyo Amiirka dalka Qatar, Tamim bin Hamad Al Thani, kuwaa oo uu ku bogaadiyay inay dardargeliyaan soo jeedinta ama hindisaha cusub ee miiska saaran.

Horumar kasta oo laga gaaro wada hadalada Doha ayaa muhiim u ah in laga baaqsado in dagaalka Israel iyo Xamaas ku dhex maraya Marinka Gaza uu isku bedelo mid gobolka oo dhan ah.

Madaxweyne Biden ayaa qaba in heshiiska xabad joojinta Gaza uu Iran ka baajin karo qorshaha ay damacsan tahay in ay kaga aargu-dato Israel, ka dib dilkii ay Ismail Haniyeh ugu gaysatay Magaalada Tehran.

Wararkii ugu dambeeyay wada hadalada xabad joojinta Gaza

Wareeggii ugu dambeeyay ee wada hadalada xabad joojinta dagalka ka soconaya Marinka Gaza iyo qorshaha maxaabiis is dhaafsiga ayaa habeen hore lagu soo geba-gabeeyay dalka Qatar, iyadoo aanay wax heshiis ahi dhinacyadu gaarin.

Dalalka dhexdhexaadiyaasha ee Qatar iyo Masar oo Mareykanka uu taageerayo ayaa waxay sheegen inay soo bandhigeen hindise cusub oo xabad joojin ah, isla-markaana horsedaya in maxabiista la sii daayo.

Dalalkan, iyagoo ka cararaya inay guuldareysteen wada hadalada Israel iyo Xamaas ayaa bayaan ay soo saaren ku sheegay in hindisaha cusub uu yareynayo farqiga u dhaxeeya labada dhinac.

Bayaanka wadajirka ah ayaa lagu sheegay in hindisahan lagu saleyay qodobadii ay horey isugu fahmeen Ururka Xamas ee Falastiin iyo Israel.

Dhexdhexaadiyeyaasha caalamiga ah ayaa xusay in haddii la aqbalo soo jeedinta cusub ay suurtagelin doonto in si degdeg ah loo dhameystiro heshiiska.

Ergoyin ka kala socday sadexdan dal aya Khamiistii iyo Jimcihii daraad juhdi badan geliyay, sidii dhinacyadu ay heshiis u gaari lahaayeen, ka dib kulamo xirir ah oo ka dhacay Caasimada Doha.

Bayaanka waxaa lagu sheegay in kulamadaasi ay ahaayeen kuwo qoto dheer oo jewi wanaagsan ku qabsoomay, iyadoona dalalku ay muujiyeen in heshiis la gaari karo, bacdamaa sida ay sheegeen horumar laga gaaray khilaafyadii hore.

Warbaahinta gobolka ayaa sheegeysa in wada hadaladan ay ka duwanaayeen kuwii hore, dalalka dhexdhexaadiyeyaashana ay doonayaan in hore loo sii wado, si heshiis xabad joojin ah loo gaaro.

Dalalka dhexdhexaadiyeyaasha ayaa ka shaqeynaya in lagu laabto wareeg kale oo wada hadal ah, si aanu waqti dambe u lumin.

Wararka ayaa sheegaya in wafdiga Israel ku metelaya wada hadalada lagu wargeliyay inay sii joogaan Doha, inta xaajadu ay meel u dhaceyso.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in wafdiga Israel ay aqbaleen inay sii joogaan magaalada, iyadoo laga jawabayo cadaadiska caalamiga ah.

Washington oo kaashaneysa Doha iyo Qaahira ayaa dooneysa in heshiis kama dambeys ah ay gaaraan Israel iyo Xamaas.

Madaxweyne Joe Biden oo habeen hore hadlay ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay wada hada-lada Doha iyo in labada dhinac ay heshiis gaari karaan.

Madaxweyne Biden ayaa diiradda saaraya in la soo geba-gabeeyo colaadda Gaza, haddii ay si toos ah u saamenayso dorashada bisha November ka dhaceysa dalka Mareykanka. Biden ayaa kuxige-nkisa Kamala Harris kala shaqenaya in ay doorashadan kaga adkaato Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga, Donald Trump.

Xabad joojinta Gaza ayaa muhiim u ah xasilloonida Bariga Dhexe, taas oo Mareykanku uu u arko mid Iran ka baajin karto inay weerarto Israel, iyadoo ka aargudaneyso dilkii Ismail Haniyeh, Hoggaamiyihii Ururka Xamaas.

Ismail Haniyeh ayaa 31-kii bishii July lagu dilay magaalo madaxda Iran ee Tehran, tanina waxay ka carreysiisay Iran oo ku hanjabtay in ay ka aargudan doonto Israel.

Tan iyo dilkii Ismail Haniyeh, xiisadda gobolka ayaa ahayd mid sii kordheyso.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip