Halkan ka aqriso wararka wargeyska mogdisho/times

0
Saturday August 17, 2024 - 12:13:06 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 116
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkan ka aqriso wararka wargeyska mogdisho/times

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Wasiirada Tamarta Dalalka Geeska Afrika oo Yuganda uga qeybgalay shirkii 19 aad

Wasirada Wasaradaha Tamarta ee dalalka geeska Afrika ayaa shirkoodii 19-aad waxa uu uga furmay Magalada Kambala ee dalka Yuganda

Wasiru dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha DFS Maxamed C/Lahi Faarax ayaa hogaaminaya wafdiga Soomaaliya ee ka qeybgalaya shirkaasi oo ahmiyad gaar ah u leh dalka.

Wasiiru dowlaha ayaa sheegay in mudada uu socdo shirkaasi looga hadli doono sidii la isaga kashan lahaa hormarka tamarta iyo sameynta hey’ad maamusha suuqa korntada ee wadamada Geeska Afrika.

Shirkaasi waxaa goobjoog ka ahaa sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Yugaandha C/Ladiif Maxamuud Cali.

Xildhibaanno iyo xubno kale oo dalbaday in laga qeybqaato dhismaha cisbitaal laga hirgalinaayo Gedo

Mas’uuliyiin ka soo jeeda Gobolka Gedo ayaa codsaday in Wasaaradda cafimaadka DFS,dowlad goboleedka Jubbaland iyo qurbo joogta Soomaalida ee ku dhaqan dibada ay ka qeybqatan dhismaha cisbitaal wen oo loo qorsheyay in laga dhiso gobolka Gedo.

Masuuliyiintaan oo ay kamid ahaayeen Xildhibaan Duniyo Sheekh Axmed, Anfac Xashi Goodir o kamid ah golaha deeganka Magaalada Oslo ee Norway iyo maamulka Degmada Dooloow ayaa booqday goobta loo qorsheyay in laga hirgaliyo cisbitaa-lkaasi.

Booqashada goobta cisbitaalka oo ay sidoo kale xaadireen oday dhaqameedyo iyo waxgaead kale waxa ay si gaar ah uga dalbadeen Dowladda FS iyo Jubballand inay qeyb libaax ku yeeshaan dhismaha isbitaal o wax badan u qaban doona dadka deegaanka Gedo.

Dhaqaatiirta waaweyn ee magaca ku leh bulshada dhexdeeda ayaa sidoo kale laga codsaday in ay gacan ku yeeshaan taabagalinta cisbitaalkaasi oo ku fadhiya dhul gaaraya 1050 mitir.

Shirka Hagista Xukuumadda Dowladda Hirshabeelle oo shalay laga furmay magaalada Jowhar

Madaxwenaha Dowlada Hirshabelle Mudane ali abdullahi Xusen (ali Guudlawe) aya shalay furay Shirka Hagista Xukum-ada Dowladda Hirshabeelle oo ay ka qeyb galen Golaha Wasiirada iyo Agasimayasha Guud ee Wasaarradaha.

Inta lagu guda jiray shirka ayaa waxaa xilka loo dhaariyay Wasiirrada kala ah Gadiidka iyo Ganacsiga oo uu horay u magacaabay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane ali abdullahi Xusen (ali Gudlawe).

Sido kale safarka Madaxwenaha waxa ka qabsomay iyo masharicda dhameystirka u baahan ayaa looga hadlay shirka.

"Yoolkeenna waa in laga miro-dhaliyo wax walba oo horumar ah waa sababta shalay aan isugu imaanay Shirka Hagista Xukuumadda Dowladda Hirshabeelle.”

Shirka Hagista Xukumada ee Dowlada Hirshabelle aya socon dono mudo 3-Malin ah.

Wasiir Maareeye oo kulan la qaatay Wasiirada Beeraha ee Dowlad Goboleedyada

Wasiirka wasarada Beeraha iyo Waraabka JFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareye) o ay wehliyan Wasirada dowlad gobaledyada Wasaradaha Beeraha oo safar shaqo u joogo Magaalada Jowhar ee Casimada dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa shir ku yeeshay Xarunta Dhexe ee Wasarada Beraha & Waraabka Hirshabele.

Inta uu kulanka socday, Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowlad Goboledka Hirshabelle ayaa soo bandhigtay howlaha la xariiro beeraha ay ka wadaan Hirshabelle sida Mashaariicda Horumarineed ee Beeraha.

Madaxdu waxey sidop kale la kulmeen Iskashatoyinka Beraha iyaga o la wadagay siyasada qaran ee Iskashatoyinka Beraha, siyasada qaran ee fidinta beraha, howlaha horutabinta u leh Dowlada ee dhanka Beerha iyo sida ay Wasaaradda Beeraha uga go’antahay caawinta iyo garab istaaga beeraleyda Soomaaliyeed.

Madaxweyanaha Galmudug oo xarigga ka jaray garoonka diyaaradaha Degmada Ballanballe

Madaxweanaha Dowlad Goboledka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo ay wehliso Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawada XFS Fardoso Maxamed Cigal ayaa xariga ka jaray garonka diyaara-daha Degmada Ballanballe.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay bulshada iyo maamulka Galmudug isku tashiga ay ku dhisteen Airport-kan, isagoo ballan qaaday in la dhameystiri doono waxyaabaha ka dhimman.

Danjire Awaare oo bogaadiyay qodobadii kasoo baxay shir madaxeedkii Soomaaliya iyo Masar

Safiirka JFS ee dalka Masar Danjire Cali Cabdi Awaare, ayaa bogaadiyay qodobadii ka soo baxay shirkii magaalada Qaahira ku dhexmaray Madaxwenaha JFS, Dr. Xasan Sheekh Maxamud iyo Madaxwenaha Masar Abdel Fattah El-Sisi.

Safiirka Somalia ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay inuu soo dhawa-ynayo qodobadi kaso baxay shir madax-edka, isagoo xusay in heshiiska wadajirka ah ee difaca looga gol-leeyahay sidii looga hortagi lahaa "Mar-madow amni” oo ka dhaca Somalia inta lagu jiro marxalada kala gurka ah kadib marka u dhamado holgalka cidamada Midowga Afrika ee ATMIS.

Safiirka ayaa uga mahadceliyey Mada-xweyne El-Sisi ballan qadkii Masar ee ahaA in ay ka mid noqon doonto dalalka ciidamada ku biirin doona Soomaaliya marka uu dhamaado howlgalka ATMIS.

Wuxuu intaas ku daray in heshiiska labada dal ay ka mid yihiin tababaro iyo taagero dhanka qalabka ah iyo in cidamada Masar iyo kuwa Somalia ay iska kashadan howlgallada.

Danjire Awaare ayaa sido kale muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay taageerada Masar ay u fidisay midnimada iyo qarani-mada Somalia, isla markaana ay ku diiday faragelin kasta oo lagu sameyo arimaheda gudaha.

Waxa uu tilmamay inay jiran tillaboyin kor loogu qaadayo iskaashiga labada dal, waxa uuna carabka ku adkeeyay sida ay Soomaaliya u dooneyso inay mustaqbalka kordhiso iskaashiga kala dhexeeya Masar.

Maamulka degmada Matabaan oo dhagax dhigay qaybta qaliimada ee Isbitaalka degmada

Maamulka degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan aya dhagax dhigay qeybta qaliimada ee isbitaalka degmada, waxaana munasabada ka qeyb galay guddoomiyaha degmada Bashiir abdiraxman Shekeye iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxa caafimaadka degmada Mataban Aamina Daahir Cashuur

oo warbahinta Qaranka la hadashay ayaa ka warbixisay muhiimadda ay leedahay dhismaha qeybtan, waxayna shacabka gobolka ugu baaqday inay ka qayb qaatan balaadhinta isbitaalka.

Dhismaha qeybta qaliimada ee lagu kordhin doono isbitaalka ayaa yimid ka dib codsi ay so gudbiyen shacabka ku dhaqan gobolka oo baahi weyn u qabay adeegan, waxaana ay ka codsadeen xildhibaanada iyo siyasiyiinta matala gobolka in ay gacan ka geystaan dhameystirka dhismaha.

Qaramada Midoobe oo ka digtay cudurka Cudurka Busbus-ka oo si xowli ah ku faafaya

Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa Arbacadii ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo quseysa caafimaadka guud caalamka, kaddib ay shaacisay in cudurka Busbuska uu ka dillaacay dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Digniintaan caafimaad ee caalamiga ah ayay Qaramada Midoobay soo saar-eysaa marki labaad muddo laba sano gudahood ah, iyada oo markan ka digtay in cudurkan uu hadda ku sii faafayo dalalka deriska la ah Congo.

Agaasimaha guud ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay, in jawaab caalami ah oo la iska kaashaday ay lama huraan u tahay joohinta faafitaanka cudurkan si loo badbaadiyo nolosha dad fara badan.

Cudurka Busbuska ayaa ku faafi kara isu dhawaashaha, iyo taabashada qof xanunka qabo, wuxu ku billowdaa qandho, kaddibna isu baddalaa nabro kasoo baxa jirka oo dhan.

Sida ay sheegtay WHO, cudurkan oo kasoo billowday Congo ayaa hadda ku faafay dalalka deriska la ah iyo kuwa u dhaw sida Burundi, Kenya, Rwanda iyo Uganda.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo kordhiyay waqtiga howlgalka ATMIS illaa dhammaadka 2024

Golaha Amanka ee Qaramada Midobay ayaa kordhiyay oggolaanshaha howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ilaa 31-ka bisha December ee sanadka 2024-ka.

newsibsideGolaha Ammaanka, ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyay qaraarka tirsigiisu yahay 2748, waxa uu dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika u oggola-aday in ay sii wadaan soo daabulidda 12,626 askari illaa dhamaadka sanadkan.

Qaraarka ayaa ku dhiirigeliyay deeq bixiyayaasha hadda iyo kuwa cusub inay taageeraan ATMIS. Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ayaa maamula Sanduuqa Trust Fund si loo taageero ciidamada amniga Soomaaliya, iyo qorshaha la doonayo in lagu bedelo ATMIS, si ay awood ugu siiso Soomaaliya inay xoojiso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Goluhu wuxuu ka codsaday

xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay inuu sii wado taageerada saadka ee UNSOS, waxayna go'aamiyeen in la sii wado taageerada 20,900 oo askari oo ka tirsan Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, kuwaas oo hawlgalo wadajir ah ama isku dubarid la samaynaya howlgalka ATMIS, ilaa 31-ka Diseembar.

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo qaylo dhaan Ka muujiyay hubka sharci darada ah ee ka soo qulqulaya Itoobiya

Ergeyga Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Cismaan Baalle ayaa walaac xooggan ka muujiyay hubka sharci darada ah ee dhawaan laga keenay dalka Itoobiya.

Arrintaan ayuu ku sheegay mid si gaar ah looga naxo iyadoo Itoobiya ay ka mid tahay dalalka ay ciidamada ka joogaan Somalia, kuwaasoo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee lagu xasilinayo Soomaaliya.

Danjire Baalle o warbixin siinayay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya ay bilowday baaritaan la xiriira arrintan. Wuxuu u xaqiijiyay golaha in natiijada baaritaankan laso bandhigi doono waqtiga ku haboon.

Safiirka ayaa sidoo kale ugu baaqay wadamada dariska la ah Soomaaliya in ay u hogaansamaan cunaqabateynta lagu soo rogay kooxda Al-Shabaab. Wuxuu ku booriyay inay la shaqeeyaan dowladda Somalia si looga hortago in hubka sharci darrada ah uu gacanta u galo kooxda Alshabaab ah iyo qabaa’ilada.

Danjire Baalle ayaa xaqiijiyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta xiriirka nabadeed ee dalalka deriska la ah.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amniga dalka marka la soo gabagabeeyo howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

Ajaaniib laga helay Cudurka HIV oo laga masaafuriyay magaalada Muqdisho

Maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in 35 ruux oo isugu jira Soomaali iyo Ajaaniib ka shaqeynayay goobo kala duwan oo ku yaala magaalada Muqdisho in laga helay cudurka dilaaga ah ee HIV.

Afhayeenka maamulka gobolka Saalax Xasan Cumar ayaa sheegay in dadkaan oo baaritaano lagu sameeyay laga helay cudurka, islamarkaana qaar ka mid ah oo ajaniib aha dalka laga masafuriyay.

Afhayeen Saalax Xasan Cumar ayaa sheegay in baaritaanada laga sameeyay goobaha bulshada loogu adeego oo kala ah Hoteelada, Makhaayadaha, Foorno-oyinka, Timajareyaasha iyo xarruumo kale oo dhamaantood ku yaala gudaha magaalada Muqdisho.

"Waxaa dalka laga masaafuriyay afar ruux oo ku shaqeynayay xirfadaha dhaqta-rnimo, cuno kariye iyo goobaha la isku qurxiyayo, kiwaas oo laga helay cidurka HIV, muwadaniinta Soomaalida ah ee xanuunka laga helay tiradooda waa 31 ruux, waxaana la geeyay goobaha caaafimaadka si ay u qaataan daawada, waana oo la kor joogteyn doono goobaha kale” ayuu yiri Afhayeenka maamulka gobolka Saalax Cumar.

Wuxuu sidoo kale sheegay afhay-eenka gobolka Banaadir in dadka laga waayay cudurkan ee ka shaqeya goobaha loogu adeego bulshada iney heystaan aqoonsiga badqabka shaqaalaha.

Talaabadaan ayaa kusoo aadaysa, iyadoo bilahii lasoo dhaafay maamulka gobolka Banaadir uu waday baaritaanada ku aadan baqdabka Caafimaad ee dadka ku howlgala Hoteelada, Makhaayadaha, Foornooyinka, Timajareyaasha iyo goobo kale, taasoo ay diidanayeen dadka reer Muqdisho.

Tirada dhimashada Falastiiniyiinta oo kor u dhaaftay 40,000

Dilalka Israel ay ka waddo Gaza ayaa weli sii socda,iyadoo weerar lagu qaaday guri ku yaal xerada qaxootiga ee Jabalia ee waqooyiga Gaza lagu dilay dhowr qof oo rayid ah oo ay ku jiraan carruur.

Waxaa kaloo jira dhaawacyo badan oo ay geysteen ciidanka Israel, sida ay sheegtay wakaaladda difaaca madaniga ah ee Gaza.

Nin falastiiniyiin ah ayaa la dilay ilaa tobaneeyana waxaa lagu dhaawacay weerar ay fuliyeen dad hubaysan oo Israa’iiliyiin ah oo weerar ku qaaday bulshooyinka Falastiiniyiinta ee ku nool Daanta Galbeed ee la haysto, iyagoo sidoo kale gubay baabuur iyo hanti kale.

Dhinaca kale,Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar Majed al-Ansari ayaa sheegay in Jimcaha dib loo bilaabi doono wada-hadallada Israel iyo Xamaas si loo joojiyo dagaalka Gaza .

Dhexdhexaadiyayaasha xabad joojinta Gaza ee Qatar, Masar iyo Marayk-anka ayaa soo gabagabeeyay daraad si loo sii ambaqaado xalka dhinacy-adaasi iyo in la helo nabad waarta.

Tirada dhimashada Falastiin ayasas gaartay 40,005 qof iyo dhaawaca 92,401, kadib dagaalkii bilowday 7 dii Oktoobar.

Ciidamada Kenya oo weerar ku qaaday xero ay Al-Shabaab ku lahaayeen degaan hoos yimaada Gaarisa

Howlgal qorsheysan oo ciidamada Kenya ay fuliyeen ayaa lagu weeraray xero Al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaanka DigDiga oo ka tirsan deegaanka Faafi, oo hoos timaada degmada Gaarisa.

Howlgalka ayaa ku bilowday xog laga helay dadka deegaanka, kuwaasi oo maamulka ku wargeliyay weerar ay kooxda dableyda ah qorsheyneyso inay la beeg-sato sarakiisha amaanka ee gobolka.

Ciidamada ayaa Maleeshiyada Shabaab kaga daba tagay gudaha Keymaha Digdigi, waxaana halkaasi ay ku guuleysteen in ay weerar gaadmo ah ku qaadaan kooxdaasi oo isku diyaarineysay weerarkooda.

Inta la xaqiijiyay iska horimaadka ayaa waxaa ku dhintay labo ka mid ah Alshabaab iyo dhaawaca qaar kale.

Waxay ciidamada Kenya gacanta ku dhigeen kayd hub ah oo ay ka mid yihiin qoryaha AK-47, rasaas, bambaanooyinka gacanta laga tuuro iyo agabyo kale.

Laamaha ammaanka ayaa ku ammaanay bulshada deegaanka wada shaqeynta ay la leeyihiin, waxaana ay ku booriyeen dadka deegaanka in ay sii wadaan soo gudbinta falalka tuhunka ah ee lala xiriirinayo Al-Shabaab. Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo ammaanka magaalada Gaarisa iyo deegaannada ku dhow dhow.

Waalidiinta Ciidamada Israel ee ka dagaalamaya Gaza oo cabanaya, ka dib warbixin walaac abuurtay

Israel ayaa walaaca ku kordhisay waalidiinta iyo xubnaha qoysaska ee Ciidanka Difaaca Israel ee ka dagaal-amaya Marinka Gaza, ka dib markii Wasaaradda Difaaca ay Arbacadii soo bandhigtay xog ku saabsan khasaaraha askarta.

Waaxda Baxnaaninta ee Wasaaradda Difaaca ayaa sheegtay in 10,056 askari ay dhaawacmeen, tan iyo 7-dii bishii October, markaas oo colaaddan ay dib uga soo dhex cusboonaatay Ciidamada Israel iyo Falastiiniyiinta.

"In ka badan kun askari ayaa bil kasta ku dhaawacma hawlgalka ka socda Marinka Gaza.” Ayaa lagu sheegay war ka soo baxay Wasaaradda Difaaca oo lagu xusay in askarta qaarkood ay qabaan dhaawacyo halis ah, kuwo kalena ay la tacaalanayaan xanuuno nafsiyan ah.

Warka laguma xusin tirada askarta ee ku dhimatay dagaalka ka socda Marinka Gaza. Wasaaradda Difaaca iyo Taliska Militariga ayaa muddo dheer qarinayay xogta khasaaraha askarta, balse tirada faraha badan ee dhaawacyada ay markan qirteen ayaa doodo ka dhalisay gudaha Israel, waxayna walaac xoog leh ku abuurtay waalidiinta askarta.

Warbaahinta ayaa fahamsan inaanan inta badan meydadka si dhakhsa ah loo siiinin qoysaska, meydadkana la geliyo qaboojiyeyaal, balse qoysaska dib laga la wadaago dhimashada askarta, si ay u astaan. Maamulka ayaa ka cararaya in dadku ay ka caroodaan dhimashada faraha badan ee askarta, haddii si dhakhsa ah meydadkooda loogu wareejiyo xubnaha qoysaska.

Waalidiinta iyo xubnaha qoysaska ayaa hadda walaac xoog leh ka muujinaya masiirka askarta ku maqan dagaalka.

Waalidiinta iyo siyaasiyiinta ka soo horjeeda xukuumadda ee laga wareysa-nayo Warbaahinta maxaliga ayaa gebi ahaanba diidan in dagaalka la sii wado.

Waalidiinta askarta kuma qanacsana sii socoshada dagaalkan, iyagoo u arka mid aan natiijo lahayn, dano siyaasa-deedna ay cid gaar ahi ka leedahay. Waalidiinta iyo xubnaha qoysaska ayaa maamulka ku boorinaya in ciidamada laga soo saaro Marinka Gaza.

Waalidiinta iyo ehelada askarta ayaa si dhow ula socda muuqaalada ay kooxaha wax iska caabinta ku soo bandhigaan barraha bulshada ee ku saabsan askarta sida tooska ah loo tooganayo iyo gaadiidka gaashaaman ee la burburinayo. Dadka ayaa teleefanada isugu sheega, marka ay barraha bulshada ka arkaan askari ay garanayeen oo la dilay.

Waalidiinta iyo ehelada ayaa ka walaacsan dhiig baxa ku socda Ciidamada Militariga ee laga dagaal gelinayo Marinka Gaza.

Marka aad milicsato doodaha ka baxaya Warbaahinta gudaha ayaad arkay-saa in Israeliyiintu ay ku andacoon-ayaan in la joogo waqtigii la soo afjari lahaa dagaalka.

Ciidamadu waxay qudhoodu dalbanayan in laga soo saaro Gaza, sababtoo ah wax niyad ah uma hayaan inay dagaalka sii wadaan.

Dhanka kale Magaalooyinka Israel ayaa waxaa weli ka soconaya dibadbax-yada ay sameynayaan qoysaska, ehelada iyo saaxiibada la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto Marinka Gaza, kuwaa oo dalbanaya in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka, si aan halis loo gelin nolosha maxaabiista.

Dibadbaxayaasha ayaa maamulka ku cadaadinaya inay qaataan heshiiska xabad joojinta ee aadka loogu baahan yahay, si la haysteyaashii Israeliyiinta ee lagu qafaa-shay weerarkii 7-dii October dib loogu soo celiyo guryahooda, iyagoo badqaba.

Madaxa Hay’adda UNRWA, Philippe Lazzarini ayaa sheegay in dagaalkan uu walaac ku hayo dadka reer Gaza, kuwa Israel iyo qayb ka mid ah dadka ku nool Bariga Dhexe.

Lazzarini ayaa Israel iyo Xamaas ku booriyay in ay maqlaan shacabka, isla-markaana ay soo afjaraan colaadda.

Dagaalka ayaa Jimcahan galay maalintii 315aad, iyadoo ay socdaan dadaalo caalami ah oo lagu doonayo in xabad joojin lagaga sameeyo Marinka Gaza.

Ingiriiska oo fasaxay in hubkiisa loo adeegsado weerarada ka socda gudaha Ruushka

Wasaaradda Difaaca Ingiriiska ayaa shalay shaacisay in Ciidamada Ukraine ay adeegsan karaan hubka ay siiyeen, inta ay ku guda jiraan hawlgalada ay ka wadaan gudaha Ruushka, inkastoo ay wasaaraddu xadiday isticmaalka ama adeegsiga gantaalaha ridada dheer ee Shadow.

Wasaaradda ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in hubka ay ugu deeqeen Ukraine loo adeegsan karo dhulka Ruushka, si waafaqsan sharciga caalamiga ah.

Warka ayaa lagu sheegay in Ukraine ay xaq u leedahay inay iska difaacdo duulaanka sharci darrada ah ee Ruushka, taas oo aan meesha ka saareen in la weeraro bartilmaameedyada Ruushka.

"Waxaan caddeynaynaa inta lagu jiro habka hibada in qalabka loo isticmaalo, si waafaqsan sharciga caalamiga ah.” Ayaa lagu sheegay warka.

Tani ayuu macnaheedu yahay in taangiyada Britain, gantaalada lidka taangiyada iyo qalabka kale ee militari ee la siiyay Ukraine loo adeegsan karo qayb ka mid ah dalka Ruushka, si ay Ukraine isaga difaacdo weerarada Ruushka.

Ciidamada Ukraine ee gudaha ugu jira dhulka Ruushka ayaa wata taangiyada Challenger 2, oo horey uu Ingiriisku ugu deeqay.

Ukraine ayaa toddobaadkii hore bilowday in ay dagaalka u weeciso gudaha Ruushka, iyadoo cutubyo ka tirsan ciidamadeeda ay ka dagaalamayaan, duqaymana ay ka wadaan gobolada Ruushka ee xudududda saaran.

Hubeynta dalalka reer galbeedka ee Ukraine ayaa caqabad weyn ku noqotay Ruushka, lamana oga waxa ay Moscow kaga falcelin doonto xaaladan so korortay.

Khubarada ayaa qaba in mar hore lagu kala bixi lahaa duulaanka uu Ruushku ku qaaday Ukraine, haddii aysan galbeedka si maldahan ugu lug yeelan lahayn dagaalkan.

Mareykanka, Ingiriiska iyo Jarmalka waa saddexda dal ee taageerada badan siiya Dowladda Ukraine.

Wararkii ugu dambeeyay xaaladda Gaza (Ma jirto meel hartay oo la tago)

Ciidamada Israel ayaa isku dayaya in ay culeyska ku kordhiyaan shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool Marinka Gaza, iyagoo sii wada barakacinta khasabka ah ee dadka rayidka ah.

Taliska Militariga Israel ayaa dadka rayidka ah ku khasbaya in ay ka guuraan goobaha ay gabaadka ka dhiganayaan, hadi kalena ay bartilmamed noqon doonan.

Israel ayaa hadda barakacintii ugu dambeysay ka waddo galbeedka deega-anka Khan Yunis ee koonfurta Marinka Gaza, waana xilli ay labadii toddobaad ee ugu dambeysay ay barakacin xoog ah ka sameysay bariga iyo koonfurta Khan Yunis.

Iyadoo koonfurta iyo bartamaha Marinka Gaza ay xaalad adag ka jirto ayay haddana Israel sii waddaa tallaaboo-yinkeeda ay ku hujuumeyso shacabka aan hubeysneyn ee degan waqooyiga Marinka Gaza.

Ciidanka Cirka Israel ayaa xoojinaya duqaymahooda waqooyiga Marinka Gaza, si ay shacabka ugu cadaadiyaan in ay banneeyaan guryahooda iyo goobaha kale ee ay gabaadka ka dhiganayaan.

Xamaas ayaa mar sii horreysay ka hortimid barakacinta khasabka ah ee ay Israel ku sameynayso dadka rayidka ah, xilli aanay jirin meel ammaan ah.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Gaza ayaa sheegtay in Militariga Israel uu soo bandhigay khariidad ay shacabka ugu sheegayaan waddooyinka ay halkaasi uga soo bixi karaan, si ay u taggaan koonfurta Marinka Gaza.

Wasaaraddu waxay bayaan ay soo saartay ku sheegtay inaanay shacabku ku kadsoomin khariidadaasi, isla-markaana aysan jirin marino ammaan ah. Wasaaraddu waxay dadka rayidka ah uga digtay dhagarta Israel, waxayna kula talisay inay ku nagaadaan meelaha ay degan yihiin.

Ciidamada Israel ayaa lagu eedeeyay inay dileen tobanaan qof oo barakacayaal ah, xilli ay isku dayayeen in ay u gudbaan dhinaca koonfurta Marinka Gaza.

Wararka ayaa sheegaya in dad ay dhaawaceen Ciidamada Israel ay dhiigbax ugu dhinteen waddada, waana tan hadda ay Xamaas uga digeyso shacabka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamada Israel ee ku sugan Netzarim ay dilayaan shacabka doonaya in ay halkaasi maraan, si ay u taggaan dhinaca koonfurta. Netzarim waa goob ay Ciidamada Israel ku xadidayaan isu socodka koonfurta iyo waqooyiga Marinka Gaza.

Casey Harrity oo ka tirsan Shaqaalaha Hay’adda Save the Children ee ka hawlgala Marinka Gaza ayaa sheegtay in inta badan ay dadku ku nool yihiin bannaanada, isla-markaana aysan haysan meel ammaan ah oo ay aadaan.

Muddadii uu dagaalku socday, dadka reer Gaza waxay la kulmeen barakac aan kala joogsi lahayn, sababo ku aaddan nooca dagaal ee ay Israel waddo, kaas oo baalmarsan shuruucda caalamiga ah.

Dhammaan hay’adaha caalamiga ah waxay ka marqaati kaceen inaysan jirin meel hartay oo la tago, shacabkuna ay wajahayaan nolol silic iyo rafaad badan, raashiin iyo biyo la’aan. Tallaabooyinka ay hadda Israel qaadeyso ayaa ah kuwo ay uga sii dareyso xaaladda quusta ah ee shacabka aan waxba galabsan.

Qaramada Midoobey waxay sheegtay in qof kasta oo ku nool Marinka Gaza lagu khasbay in uu qaxo, qof kastana uu qaxay dhowr jeer.

In ka badan 10 bilood oo dagaal xiriir ah uu ka socday Marinka Gaza, tirada dadka rayidka ah ee la dilay ayaa gaartay 40,005 qof, kuwaa oo u badan haween iyo carruur.

Dagaalkan ayaa ah mid si aan kala sooc lahayn loogu bartilmaameedsanayo dadka rayidka ah, sida ay qireenba Saraakiisha Qaramada Midoobey ee ka hawlgala Marinka Gaza.

Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) ayaa sheegtay in la burburiyay afar ka mid ah shantii iskuul ee ku yaala Marinka Gaza, tanina ay calaamad u tahay inaysan jirin meel lagu badbaadi karo.

Hay’adda ayaa Israel ku eedeysay in ay halis gelineyso nolosha in ka badan laba milyan oo qof oo ku nool dhulka go’doonsan.

Philippe Lazzarini, Madaxa Hay’adda UNRWA ayaa sheegay in ay suurtagal tahay in dhimashadu ay ka badan tahay tirada ay Khamiistii baahisay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.

"Si kasta oo loogu murmi karo tirada, ma jiro khilaaf ku saabsan dhibaatada baaxadda leh.” Ayuu yiri Madaxa Hay’adda UNRWA.

Waxa kaloo uu yiri "Tani waa natiijo toos ah oo ka dhalatay guul darrada hareysay in xabad joojin la gaaro. Inta badan dadka la dilay waa haween iyo carruur. Dadka la dilay waxaa ka mid ah in ka badan 200 oo xubnood oo ka tirsan kooxda UNRWA, in ka badan 100 saxafi iyo shaqaale caafimaad oo aad u badan.”

Philippe Lazzarini ayaa habeen hore ku baaqay "Mar kale iyo mar kale waxaan ku baaqaynaa xabad joojin, in la sii daayo la haysteyaasha, gargaarka oo la fasaxo iyo ilaalinta dadka rayidka ah.”

Madaxda Israel ayaa dhegaha ka fureysanaya baaqyada caalamiga ah ee looga dalbanayo inaysan ciidamadooda bartilmaameedsan shacabka iyo kaabeyaasha rayidka.

Israel waa maamulka keliya ee dowlad illaa ka dowlad aan lahayn sawir wanagsan oo dhanka xuquuqul insaanka ah.

Sweden oo Ukraine ku boorisay inaysan ka gudbin khadka cas ee dagaalka

Dowladda Sweden oo ka mid ah dalalka Yurub ee sida weyn u taageeraya Dowladda Ukraine oo dagaal kula jirto Ruushka ayaa ku boorisay in ay bartilmaameedyadeeda ku koobnaadaan goobaha Militariga Ruushka.

Ciidamada Ukraine ayaa toddobaadkii hore hawlgalo ka bilaabay xuduudda Ruushka, iyagoona ay qaarkood ka dagaalamaan gudaha dalkaasi, si Ruushka culeys loogu saaro in ciidamadiisa uu kala soo baxo dalka Ukraine.

Wasiirka Difaaca Sweden, Pål Jonson ayaa sheegay in Ukraine ay xaq u leedahay inay weerarto bartilmaAmedyada Militariga Ruushka, iyadoo ujeedku yahay inay iska difaacdo duulaanka Ruushka.

"Waxaan Ukraine siinay taageero ballaaran, waxaana dabcan isticmaalka hannaankan u keenay inuu waafaq-sanaado sharciga caalamiga ah. Waxaan dhihi karaa in Ukraine ay xaq u leedahay inay isku difaacdo gudaha iyo bannaanka dhulkeeda.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Caasimadda Stockholm ayaa Ukraine ku adkeeyay inaysan beegsan shacabka amaba kaabeyaasha rayidka.

"Codsigeenna Ukraine aan u dirayno waxaa weeye inay hannaankan u adeegsato, iyadoo mareysa xeerka caalamiga ah, taasoo macnaheedu yahay inay khasab ku tahay inay beegsato goobaha militariga, ma ahan rayidka iyo inay sameyso qiimeyn.” Ayuu yiri Wasiirku.

Warka Sweden ayaa imanaya, ka dib markii Ciidamada Ukraine ee duqaymo xoogan ka gaysteen Gobolada Kursk iyo Belgorod, waxyeelana ay ka soo gaartay dad rayid ah, guryo la deganaa iyo baabuur.

Gudoomiyaha Gobolka Belgorod, Vyacheslav Gladkov ayaa Ciidamada Ukraine ku eedeeyay in Khamiistan ay afar qof oo rayid ah ku dhaawaceen deegaanka Dunaika ee Degmada Graivoron.

"Ciidamada Ukraine oo adeegsanaya diyaarad drone ah ayaa afar qof ku dhaawacay deegaanka Dunaika oo ka tirsan Degmada Graivoron.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray in diyaaraddu ay ku qaraxday meel u dhow dhisme maamul, isagoona muujiyay in dhismahaasi aanu ahayn xero ciidan.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa ku hanjabay in ciidamadiisu ay sii wadi doonaan dagaalka ay kaga jiraan gudaha Ruushka.

Waa markii ugu horreysay oo Ciidamada Ukraine ay maalmo ka dagaalamaan dhulweynaha Ruushka, tan iyo markii uu Ruushku weeraray dalkaasi.

Madaxweynaha Falastiin oo khudbad cajiib ah ka jeediyay Baarlamaanka Turkiga

Madaxweynaha Falastiin, Mahmoud Abbas ayaa shalay khudbad u jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka Turkiga, kulan uu goobjoog ka ahaa Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Khudbadda Madaxweynaha oo dhinacyo badan taabaneysay ayuu ku dheeraaday hadalka dagaalka Marinka Gaza, xilli tirada rayidka ah ee lagu dilay ay kor u dhaaftay 40 kun oo qof.

Madaxweynaha ayaa Beesha Caalamka ku dhalleeceeyay aamusn-aanteeda dembiyada ay gaysaneyso Israel iyo inay weli u caaboon tahay in kumanaan kalena ay disho.

Madaxweynaha ayaa Baarlamaanka Turkiga u sheegay inuu go’aansaday in uu tago Marinka Gaza, si garab istaag uu ugu muujiyo shacabkiisa, xitaa haddii uu naftiisa ku wayo.

"Waxaan go’aansaday in aan aado Marinka Gaza, iyadoo ay i wehliyaan dhammaan walaalaha ka socda Hogga-anka Falastiin.” Ayuu yiri Madaxweyne Mahmoud Abbas.

"Waxaan ku shaqayn doonnaa dhammaan awooddeena, si aan dhamm-aanteen u garab istaagno dadkeenna, si aynu u joojino gardarradan waxashnimada ah, xitaa haddii taasi ay nafteenna galaafan karto.” Ayuu yiri Madaxweynuhu oo intaa raaciyay "Nolosheenna kama qiimo badna, tan ilmaha ugu yar ee Gaza.”

Mahmoud Abbas, Madaxweynaha Falastiin ayaa Madaxda Muslimiinta ugu baaqay inay ku soo biiraan, isagoona yiri "Waa guul ama shahiid.”

Madaxweynaha 88 jir ah ma sheegin goorta iyo qaabka uu ku tagi karo Marinka Gaza, oo dhan walba ay Israel ka go’doomisay. Bishii May ayay Israel ka go’doomisay Gaza dhinaca xadka Masar, waana meeshii ugu dambeysay oo Gaza u furneyd.

Madaxweyne Abbas oo hoggaamiyo Ururka Fatax oo fadhigiisu yahay Magaalada Ramallah ee Daanta Galbeed ee la haysto ayaa dhalleeceeya Ururka Xamaas, oo dhowr iyo tobankii sano ee ugu dambeysay ka arriminayay Marinka Gaza, inkastoo muddooyinkan ay socdeen dadaalo la isugu soo dhaweynayo labada dhinac, si loo mideeyo aragtiyada is diidan ee Falastiiniyiinta.

Inkastoo Xamaas iyo Fatax ay ka mideysan yihiin xorriyadda Falastiin, haddana labada dhinac ayaa ku kala aragti duwan qaabka loo wajahayo. Xamaas ayaa qabta in gobanimada Falastiin lagu raadiyo qori caaradii iyo siyaasad, halka Fatax ay siyaasaddeedu tahay in xornimada lagu raadiyo wada-xaajood, iyadoo aan dhibic dhiig ahi la daadin.

Dagaalkan ka socdo Gaza ayaa xoojiyay qaddiyadda qaranimada Falastiiniyiinta ee masraxa caalamiga ah, ka dib markii bulshada caalamka ay si weyn uga soo horjeedsatay weerarada naxariis darrada ah ee ay Israel ku hayso shacabka aan hubeysneyn.

Qiyaastii 150 ka mid ah dalalka caalamka, oo ay ku jiraan qaar ka mid ah kuwa reer galbeedka ayaa hadda aqoonsan Dowladda Falastiin, waxaana la sheegaya in ay waddada ku soo jiraan dowlado kale, kuwaa oo dib u eegis ku wada siyaasaddooda arrimaha dibadda ee la xiriirta Israel.

Qaar ka mid ah dalalka Bariga Dhexe iyo dowlado reer Yurub ah ayaa u ololeynaya in dowladda ay yeelanayaan shacabka Falastiiniyiinta laga dhiso Marinka Gaza, Daanta Galbeed iyo Bariga Qudus.

Israel ayaa muddo tobanaan sano ah hortaagneyd inuu meelmaro qorshaha ay shacabka Falastiiniyiinta ku doonayaan inay noqdaan dowlad la aqoonsan yahay, xubina ka ah Qaramada Midoobey.

Xeel-dheereyaasha ayaa sheegaya in ay shalay ugu dhow dahay in shacbiga Falastiiniyiinta ay yeeshaan dowlad ka barbar dhalata Israel, inkastoo Tel Aviv ay si weyn uga soo horjeeddo in la aasaaso dal la deris ah.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa xitaa dhankiisa ka ololeynaya in la jebiyo xeendaabkii ay Israel muddada dheer ku hortaagneyd aqoonsiga Dowladda Falastii-niyiinta, si xal loogu helo colaadda gobolka.

Ruushka oo wajahaya dagaalkii ugu adkaa, tan iyo markii uu Ukraine weeraray

Dowladda Ruushka ayaa xaalad degdeg oo Heer Federaal ah uga dhawaaqday Gobolka Belgorod, kaas oo deris la ah Gobolka Kursk oo Ciidamada Ukraine ay ka dagaalamayaan.

Maamulka Gobolka Belgorod ayaa dadka rayidka ah ka daadgureynaya qaybo ka mid ah gobolkaasi, ka dib walaac xoog leh oo laga muujiyay weerarada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay Ciidamada Ukraine gaysanayaan, kuna soo fiday gobolkaasi.

Dadweynaha ayaa si ku-meel-gaar ah loogu rarayaa Magaalooyinka Nevinn-omyssk, Mineralnye Vody iyo Shpakovsky.

Sidoo kale daadgureyn kaloo xoog leh ayaa ka socoto Gobolka Kursk ee ku yaala xuduudda Ruushka iyo Ukraine.

Gobolkan ayaa horey loogu soo rogay xaalad degdeg ah, iyada oo Ciidamada Ukraine ay isku ballaarinayaan jihooyin kala duwan oo gobolkaasi ah.

Ciidamada Ukraine ee hawlgalka ka wada dhulka Ruushka ayaa wata gaadiidka gaashaaman, madaafiicda goobta, gantaalada lidka taangiyada iyo diyaarado drone’s ah.

Wararka ayaa sheegaya in Militariga Ukraine ay la socdaan askar loo carbiyay dagaalka elektaroonikada, waana dagaalkii ugu horreyay ee ceynkiisa ah ay u soo diyaargaroobaan Ciidamada Ukraaniyiinta ee isku fidinaya dhulka Ruushka.

Dagaalkan ayaa noqonaya kiisii ugu adkaa ee uu Ruushku wajaho, tan iyo markii 30 bilood ka hor uu duulaanka ku qaaday dalka Ukraine, kuna qabsaday qaybo ka mid ah dhulka Ukraine, waana markii koowaad Ukraine ay dagaalkeeda u soo weeciso dhinaca Ruushka.

Dhanka kale Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa xalay sheegtay in la aasaasay Golaha Isku Xirka (Golaha Xiriirinta), iyadoo la buuxinayo daldaloolada Militariga Ruushka ee ka jira Gobolada Kursk, Belgorod iyo Bryansk.

Go’aankan ayaa waxaa ku dhawaaqay Wasiirka Difaaca Andrey Belousov, ka dib kulan gaar ah oo looga hadlayay ammaanka xuduudaha.

Wasiirka ayaa sheegay in yoolku uu yahay in la kordhiyo taageerada buuxda ee Ciidamada Qalabka Sida, ilaainta xuduudaha gobolada iyo dadka deegaanka.

Ruushka ayaa wajahaya dagaal ay daaha gadaashiisa ka maamulayaan dalalka reer galbeedka, kaas oo aan la ogeyn waxa ay ciribtiisu ku dambeen doonto.

Ukraine ayaa si lama filaan ah u soo weerartay gudaha Ruushka, xilli Ruushku uu maalmihii ugu dambeysay ku howlanaa in uu Iran ka taageero xoojinta hannaankeeda difaaca hawada, iyada oo diyaaargarow ugu jirta inay ka aargudato dilkii ay Israel Tehran ugu gaysatay Hoggaamiyihii Ururka Xamaas, Ismail Haniyeh.

Tani ayaa waxaa loo fasirtay tallaabadii ugu dambeysay ee ay reer galbeedku ku tijaabinayaan Ruushka.

Ruushka ayaa horey wacad ugu maray in uu adeegsan doono hubkiisa istiraatiijiga ah, haddii Ukraine iyo xulafada ku daaban ay ka gudbaan khadka cas.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip