Halkaan Ka Akhriso Wararka Wargeyska Mogdisho Times
Madaxweynaha JFS iyo wafdi la socda ayaa gaaray dalka Rwanda
Madaxweynaha Jamhuriyada Federalka Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi uu hogaminayo oo ka qeybgelaya caleema-saarka Madaxweynaha Dalkaas Mudane Paul Kagame ayaa gaaray magalada Kigali e Casimada Jamhuriyada Rwanda.
Madaxweynaha Dalka Rwanda Kagame oo soo xukumayay Rwanda tan iyo 2000 ayaa dhawaan mar kake loo doortay inuu hoggaamiyo dalka Rwanda oo lagu tiriyo mid kamid dalalka Afrika ee kobac dhaqale iyo horumarka ballaaran sameeyay. Madax kala duwan ayaana lagu wadaa inay ka qeybgalaan munaasabadda caleema-saarkiisa.
Ra’iisul wasaare Xamse oo magacaabay Agaasimeyaal cusub
Ra’isul Wasaraha Xukumada Jamhuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaacabay Agaasime-yasha Guud ee Wasaaradaha Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada, Awqaafta iyo Arri-maha Diinta, Qoyska iyo Hormarinta Xuq-uqul Insanka io Dhallinyarada iyo Ciyaraha.
Ibrahim Aadan Ibrahim (Nadaara) waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta.
Yuusuf Cabdiraxmaan Samatar, waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada.
Maxamed Bashiir Cumar, waxaa loo magacabay Agasimaha Guud e Wasarada Qoyska iyo Hormarinta Xuququl Insaanka.
Cabdullaahi Jamaal Maxamed, waxaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan la yeeshay safiirka UK ee Soomaaliya
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukumada Federalka Somalia mudane Cali Yuusuf Xoosh ayaa shalay kulan la qaatay Safiirka dalka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya mudane Mike Nithavrianakis, iyaga oo laga hadlay arrimo muhiim ah oo ay dooraahada ugu horreyso.
Inta uu kulanku socday, Wasiirka Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS ayaa adkeeyey sida ay dowladda uga go’antahay hannaan doorasho oo ay dadku rabaan.
Wasiir Maareeye” Waxaan Qudaar iyo 10-kun oo Dollar soo gaarsiinay dadkii ku dhaawacmey weerarkii al-shabaabee Liido”.
Wasiirka Beraha iyo Warabka Soomaaliya mudane Maxamed abdi Xayir (Maareey) oo kormeer ku tagay isbitaalka Erdogan (Ex Digfeer) oo ay yalaan qaar kamid ah dhaa-wacyada dadkii ku waxyeeloobay weerarkii al-shabaabee xeebta liido ayaa Xubnaha Guddiga gurmadka ku wareejiyay Qudaar iyo lacag gareyso 10-kun oo Dollar.
Deeqdaan waxaa wasiirka kala wareegay Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’isu-lwasaraha mudane Xirsi Gani iyo qeybaha kale ee guddiga, waxaana wasaaradda uga qeyb qadanaysaa deeqdan gurmadka loo sameynaayo dadkii dhibaatada ka soo gaartay weerarkii Xeebta Liido.
Wasiir Mareeyay ayaa sheegay in ka wasarad ahaan iyago gudanaya wajibadka ka saaran u gurmashada dadka uu dhibku gaaray ay iska soo aruuriyeen deeqda isugu jirta Qudaarta iyo lacag.
Wasiir Maareeye” Waxaan Qudaar iyo 10-kun oo Dollar soo gaarsiinay dadkii ku dhaawacmey weerarkii Xeebta Liido”.
Mudane Maxamed abdi Xayir (Maareey) ayaa dhammaan shacabka soomaaliyeed ugu baaqay in ay meel uga soo wada jeys-taan al-shabaabarxanka daran ee xasu-uqayo shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo ka been sheegay Diinteenna Suubban ee Islaamka ah.
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo ku guuleystay shahaadooyin caalami ah
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa ku guuleystay saddex shahaado oo caalami ah oo uu bixiyo ururka caalamiga ah ee ISO.
Munaasabad lagu soo bandhigay seddexda shahaado ayaa lagu qabtay habeen hore magaalada Muqdisho, kaas oo ay ka qeybgaleen Wasiiro katirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mas’uuliyiin ka socda dhammaan shirkadaha isgaarsiinta, jaamacadaha, bankiyada, iyo ururrada bulshada rayidkaa ah.
Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federalka Somalia Mudane xildhibaan Maxamed Aadan Macalin (Soomaali) oo munaasabadda ka hadallay ayaa sheegay inaysan aheyn wax sahlan ku guuleysiga saddex shahaado caalami, taasoo keentay shaqo la taaban karo in laga qabatay dalka.
Maareyaha Hay’ada Isgarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasin ayaa isna sheegay in hay’adda qabatay howlo muhiim u ah Qaranka taasoo keentay in ururka Caalamiga ah ISO ka helaan shahaadooyinkaas caalamiga ah.
Xildhibaan Maxamed Cajiib oo loo doortay guddoomiyaha guddiga xeer hoosaadka ee Golaha Shacabka
Gudoomiye kuxigenka labaad ee golaha shacabka baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane abdullaahi Cumar Abshirow ayaa ka qeyb galay dora-shada gudoonka Guddiga Xeerhoosaadka, Anshaxa, Xasaanada iyo Daryelka Xildhib-anada ee Golaha Shacabka oo ka dhacday xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.
Doorashada oo u dhacday hab gacan taag ah waxa ay xubnaha guddiga si wadar ogol ah gudoomiyaha guddiga ugu doorten Xildhiban Maxamed Ibrahim ali (Maxamed Cajiib).
Gudomiyaha cusub ee Gudiga Xeerhoo-saadka, Anshaxa, Xasaanada iyo Daryelka Xildhibanada ee Golaha Shacabka baar-lamanka jamhuriyada federalka Somaaliya Xildhiban Maxamed Ibrahim ali (Maxamed Cajib) oo doorashadisa ka dib hadal koban jeediyay ayaa u mahadceliyay xubnaha guddiga oo si wadajir ah ugu codeeyay iyo guddoonka golaha shacabka.
Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka baarlamaanka jamhuu-riyadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo marka hore u hambalyeeyay Gudoomiyaha cusub ee Guddiga Xeerhoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka Xildhibaanadda ee Golaha Shacabka ayaa waxa uu kula dardaarmay inuu dar dargeliyo shaqada guddiga, isaga oo dhanka kale xubnaha guddiga ku booriyay in ay la shaqeeyeen guddoomiyaha cusub ee guddiga.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qeybta Galmudug oo gaaray dagmada Xarardheere
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciida-mada Qalabka sida qeybta Galmudug Gaashaanle Dhexe Cabdullaahi Abuukar Xasan ayaa gaaray Degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, isagoo halkaas u tegay xalinta shaqaaqo ka dhacday magaalada oo sababtay dhimasho iyo dhaawac.
Guddoomiyaha iyo saraakiil ka socda xafiiska Xeer ilalinta ayaa kormeray suuqa Degmada Xarardheere oo daraad lagu dilay mid ka mid ah ganacsatada degmada.
Guddiga horumarinta adeegga bulshada ee BJFS oo kulan su’aalo weydiin ah la qaatay guddiga Qaran ee Shaqaalaha Rayidka.
Gudiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka baarlamaanka jamh-uuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa xafiiskiisa Villa Hargeysa kulan su’aalo weydiin ah kula qaatay Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Ee Shaqaalaha Rayidka dowladda oo ay wehliyaan mas’uuliyiinta kale ee guddiga.
Kulanka oo ay shir guddoomineysay guddoomiyaha guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi ayaa ugu horeyn guddoomiyaha guddiga qaranka ee shaqaalaha rayidka dowladda Mudane Xasan Abshirow Maxamed waxaa uu xubnaha guddiga faahfaahin ka siiyay howlaha guddiga, xaaladda shaqaalaha rayidka ee dowladda iyo qorshayaasha guddiga u degsan.
Intaasi ka dib xubnaha guddiga ayaa mas’uuliyiinta guddiga qaranka ee shaqaalaha rayidka dowladda su’aalo ka weydiiyay shaqada guddiga iyo xaaladaha ay ku shaqeeyaan shaqaalaha rayidka ah ee dowladda, waxaana xubnaha guddiga oo uu guddoomiyaha ugu horeeyo ka jawaabayeen su’aalaha uu guddiga weydiinayay.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi oo kulanka soo xirtay ayaa u mahadcelisay mas’uuliyiinta Guddiga Qaranka ee Shaqalaha Rayidka Dowladda oo uu hogaaminayay Guddoomiyaha Guddiga.
Dab khasaare hantiyadeed geystay oo ka kacay suuqa wayn ee Jowhar
Dab xoogan oo geystay khasaaro hantiyed ayaa shalay hore ka kacay suuq wayn ee magaala Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.
Maamulka magaalada Jowhar oo kaash-anaya dadka magaalada ayaa barqadii maant ah ku guuleystay daminta Dabka, isagoo geystay khasaare lixaad leh sida ay sheegeen qaar kamid ah ganacstada magaalada Jowhar.
Qaar kamid ah ganacstada oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in burbur xooggan uu soo garay gooba ganacsi oo badan.
"Waxa dhacay waa musiibo, waxana iga gubtay saddex makiinad oo ah kuwa sisinta lagu shiido iyo boqol loor. oo sisin ah, masiiba rabaani ah ayaa nagu dhacaday” sidaas waxaa tiri hawaney kamid ganacs-atada ku hanti beeshay halkaas.
Wafuud ka socota Soomaaliya oo gaaray magaalada Ankara ka hor wajiga labaad ee wada xaajoodka Ethiopia
Wafuud ka socota dowladda Soomaaliya ayaa gaaray dalka Turkiga ka hor wada-hadallo heer sare ah oo ay la yeelanayaan Itoobiya, kaasoo looga gol leeyahay in lagu qaboojiyo khilaafka ka dhashay heshiiska dhinaca badda ee Ethiopia ay la gashay Somaliland.
Wajiga labaad ee wadahadalka oo Isniinta ka furmaya magaalada Ankara, ayaa calaamad u ah dadaallada dhexdhe-xaadinta ee Turkiga. Tan iyo markii ay Itoobiya qalinka ku duugtay bishii Janaayo heshiis 50 sano ah oo ay ku kireynayso 20 kiilomitir oo ka mid ah xeebaha Somaliland.
Isagoo Sabtidii khadka taleefoonka kula xiriiray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa xaqiijiyay in Turkiga ay ka go’an tahay in la qaboojiyo xiisadda u dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya. Wuxuu ku booriyay Itoobiya inay qaado tillaabooyin wax looga qabanayo tabash-ooyinka Soomaaliya, taasoo uu rumeysan yahay inay wax weyn ka tari doonto hannaanka dhexdhexaadinta.
Turkiga ayaa si cad u xaqiijiyey Sooma-aliya in dadaallada socda ay yihiin kuwo lagu xaqiijinayo midnimada iyo madaxba-nnaanida Soomaaliya.
Turkiga, oo ah waddan saaxiib dhow la ah Soomaaliya, ayaa dhabarka u ritay wada xaajodka diblumasiyadeed. Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan, oo soo agaasimay wareegii koowaad ee wada-hadalladii ka dhacay Ankara bishii hore, ayaa mar kale hoggaanka u haya wada hadalada.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Ambassador Axmed Macallin Fiqi oo hoggaaminaya wafdiga Soomaaliya ayaa mar sii horraysay sii sheegay in ay Ethiopia aysan diyaar u ahayn inay ka laabato heshiiska xad gudubka ku ah qarinimada Soomaaliya oo ay la gashay Somaliland.
Balse, Turkiga ayaa doonaya in khilaafka lagu dhameeyo in Ethiopia loo ogolaado inay galaangal u yeelato gelidda badda, iyadoo usoo maraysa Soomaaliya, sidoo kalena ay ixtiraamto midnimada dhuleed ee Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaanno ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheikh inuu wado abaabulo lagu qeybinayo Puntland
Qaar kamid ah xildhibaannada beesha Warsangali ee kaso jeeda gobolka Sanaag ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheikh Maxamud inu magaalada Muqdisho ka wado abaabulo lagu kala qeybiyo midni-mada dadka reer Puntland.
Xildhibaanadan oo ku hadlayay afka degaanada Maakhir ayaa sheegay tallaa-booyinka uu madaxweynuhu wado sida ay sheegeen in ay yihiin kuwo laga xumaado oo ceeb ku ah madaxweynaha.
"Adigoo shalay shan iyo todobaatan jir ah, labo jeer madaxweyne soo maray, inaad dal nabad ah iyo dad nabad ah kala qeybiso. Annaga hadda gobol ahaan lix xildhibaan baanu kasoo jeednaa, lixdayadii baad kala qeybisay. Salaanta iskama qaadno. Kaddaa ummadda kala qeybinta,” ayuu yiri mid kamid ah xildhibaanada saxaafadda kula hadlay Muqdisho.
Waxay sheeegeen Puntland, si kaste oo la iskugu dayo in loo kala qeybiyo in aanay marnaba waxyeelo u geysan doonin. Waxay sheegeen reer Maakhir haddii ay maamul dhisanayaan ama tashanayaan in ay leeyihiin deegaano nabad ah oo ay ku qabsan karaan shirar ay aayahooda uga tashanayaan.
Si kastaba ha ahaatee, hadalka xildhibaanadan ayaa imaanaya maalmo kaddib markii Muqdisho lagusoo gabaga-beeyay shir ay lahaayeen siyaasiyiin, xildhibano, waxgarad, haween iyo dhalinyaro matalaysay beesha Warsangali, kuwaas oo sheegay inay doonayaan inay aayahooda ka tashadaan, dhistaanna maamul ay iyagu ku midaysan yihiin.
Xigasho Hiiraan Online
Faahfaahino kasoo baxaya laba ruux oo lagu dilay deegaanka Baalal dheer ee gobolka Galgaduud
Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Habeen hore malee-shiyaad hubeysan ay ku dileen tuulada Baalal dheer laba nin oo shacab ahaa.
Dilka labadaan ruux loogu geystay tuulada Baalal dheer oo hoostagta deega-anka adakibir ee gobolka Galgadud ayaa salka ku haayo aargoosi aano qabiil.
Ragaan la dilay oo caan la ahaa deegaanka ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Axmed Wehliye Guure iyo Cabdinaasir Maxamuud Cilmi Mataan, kuwaas oo deegaan ahaan kasoo jeeda degmada Cadaado.
Maleeshiyaadkii dilka geystay ayaa goobta ka isaga baxsaday, waxaana xusid mudan in gobolka Galgaduud mudooyinkii laso dhaafay si aad ah ugu soo kordhayeen dilalka salka ku haya aargoosiga aanoo-yinka qabiil ah.
Ugu dambeyntii dilka labadaan nin Habeen hore loo geystay ayaa kusoo aadaya, iyadoo dhowr habeen ka hor sidaan oo kale deegaan lagu magacaabo Oodan oo ka tirsan gobolka Galgaduud aano qabiil loogu dilay labo nin oo walaalo ahaa.
Nin Soomaali ah oo magangalyo doono oo loo xiray inuu kufsaday gabar 14 jir ah
Nin magangelyodoon ah oo Soomaalia ah ayaa loo xiray inuu ku kufsaday gabar 14-jir ah gudaha dalka Austria toddob-aadkan, sida ay wararku sheegayaan.
Gabadha yar ayaa looga shakisan yahay inuu kufsaduhu ku xiray goob tareenada laga raaco, sida ay ku warameyso warbaahinta Express.
Gabadha ayaa hooyadeed u sheegtay kufsiga loo geystay, waxaana islamarkiiba lagu wargaliyay booliska.
Baarayaasha ayaa sheegaya in Eedey-sanaha oo 17 jir ah ay qabteen Kaamir-ooyinka wax duuba, balse aysan u suurt-agelin in ay aqoonsadaan ama ay helaan in muddo ah.
Si kastaba ha ahaatee, Arbacadii, qof Soomaalia ah ayaa loo xiray xatooyo tale-efoonka gacanta oo uu ka dhacay Korne-uburg, waxaana Booliiska ay ogaaden inuu leeyahay tilmaamaha tuhm-anaha kufsiga geystay.
Waxaa uu diiday inuu qirto falka lagu eedeyay markii maxkamada la horkeenay, waxaana haatan lagu hayaa xarunta garsoorka ee Korneuburg.
Puntland oo qabatay mid kamid ah Shabaabkii ka baxsaday xabsi kuyaala Gaalkacyo
Ciidanka Booliska Gobolka Mudug ayaa gacanta ku dhigay Barkhad Cawil Xirsi oo ka mid ahaa Afar maxbuus oo ka tirsanaa kooxda Alshabaab, kuwaas oo dhawaan ka fakaday xabsi kuyaala Galkacyo.
Barkhad ayaa ku xukumnaa dil toogasho, waxaana u harsanayd in xukun-kaas lagu fuliyo.
Ciidanka booliisku waxay sheegeen inuu katirsanaa shabakad Shabaab ah oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo horayna u dilay dad badan oo haldoor ah.
Taliska ciidanka Booliiska Puntland ayaa dul dhigay soo qabashada maxaabiista fakatay lacag dhan $20,000 oo la siinayo qofkii soo sheega meesha ay ku sugan yihiin. Booliisku ma sheegin in abaal marin ay ku bixiyeen soo qabashada Barkhad Cawil Xirsi.
Booliisku waxay haatan raadinayaan sadex xukumane oo ahaa ragga baxsaday, kuwaas oo lagu kala magacaabo, Cabdiqani saleeban jaamac (Sayloor), Cabdullaahi u faysal Xuseen (Abuujonge) iyo Cabdiraxmaan Cawil maxamed (Siigayste).
Saddex sano ayay xirnaayeen Shabaabka baxsaday. Dadka shacabka ah ayaa shaki ka muujiyay sababta waqti intaas le’eg ay xabsiyada ugu jireen iyagoo dil lagu xukumay, islamarkaasna maray heerarkii kala duwan ee maxkamayntooda.
Madaxweynaha Somaliland oo si adag uga hadlay soojeedintii Turkiga ee arrimaha badda
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi abdi oo ku sugan magaalada berbera, ayaa wax aan suuragal ahayn ku tilmaamay in heshiis ay dowlada Soomaaliya gashay laga fuliyo Somaliland.
Muuse Biixi ayaa faragalin ku tilmaamay soojeedintii Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan, u Jimcihii ku sheegay in khilaafka Itoobiya iyo Soomaaliya uu ku dhamaan karo Itoobiya oo arrimaha badda kala hadasha Soomaaliya.
"Daraad waxa caalamka oo dhan kusoo baxay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga oo arrimaha Somaliland soo faragaliyay, oo Berbera soo faragaliyay iyo dekedeeda, oo uu leeyahay Itoobiya Xasan Sheekh ha u soo marto, taasi waa gaf, Somaliland na taa aqbalimayso" ayuu yidhi Muuse Biixi.
Waxa uu sheegay in anay suuragal noqon doonin marna in Somaliland looga taliyo magaalada Muqdisho "Waa cad ceed galbeed kasoo baxday in Somaliland looga taliyo Xamar" ayuu yidhi Muuse Biixi.
Kadib khilaaf uu sababay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ee marinka badda, oo 8dii billood ee u danbeeyay ka dhextaagnaa Soomaaliya iyo Itoobiya, Turkiga ayaa ku taliyay in Itoobiya la siiyo marin badeed iyada oo loo marayo Soomaaliya, sidaana khilaafka lagu dhameeyo.
Wasiirada Arrimaha Dibadda Itoobiya iyo Somaliya aya wadahadal uga furmayaa magaalada Ankara maalinta Isniinta, wadahadalan oo uu Turkigu dhexdhex-aadiye ka yahay ayaa la sugaya waxa kasoo bixidoona.
Ku lug lahaanshaha Mareykanka iyo Ruushka ee xiisadda Bariga Dhexe
Mareykanka iyo Ruushka ayaa xoojinaya joogitaankooda Bariga Dhexe, xilligan oo xiisad aad u weyn ay u dhaxeyso Israel iyo Iran, ka dib dilkii loo gaystay Hoggaamiyihii Ururka Xamaas, Ismail Haniyeh.
Iran ayaa wacad ku martay in Israel ay ka shalaayi doonto shirqoolkii ay ku dishay Madaxii Xafiiska Siyaasadda ee Xamaas, taas oo keentay in Mareykanka uu gobolka u soo diro maraakiibtiisa xambaara diyaaradaha dagaalka iyo ciidamo fara-badan, iyadoo markaasi Israel la difaacayo.
Wararka ayaa sheegaya in dalal aan dooneyn in la magacaabo oo xulafo la ah Mareykanka ay qalab militari ku daabu-layaan Israel, isla-markaana ay suurtagal tahay in la weeraro Iran iyo ururada hubeysan ee gobolka ee ka soo horjeeda duulaanka Israel ee Marinka Gaza.
Sidoo kale Militariga Ruushka ayaa la soo sheegaya in ay kordhiyeen dhaqdhaqaaqooda Iran, ayna geeyeen nidaamka difaaca hawada ee S-400.
Gantaalaha nidaamka horumarsan ee Ruushka ayaa qayb ka ah qorshaha ay Tehran ugu diyaargaroobeyso in ay iska difaacdo, haddii uu weerar kaga yimaado Israel iyo Mareykanka, ka dib weerarka ay damacsan tahay in ay kaga aargudato Israel.
Warbaahinta caalamiga ah ayaa ku warameysa in Ruushka uu dhowr cisho ka hor bilaabay inuu raadaarada iyo qalabka difaaca hawada uu keeno Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.
Warbaahinta ayaa sheegeysa in Moscow ay sido kale khubaro uu heerkodu sarreyo u soo dirtay Tehran, iyagoo kala shaqeynaya meelaha ku habboon in la dhigo gantaalaha difaaca hawada.
Wargeyska The New York Time ayaa daabacay in Iran ay codsatay qalabkan, Ruushkuna uu durbaba bilaabay inuu keeno Caasimadda Tehran.
Iran ayaa horey u xiiseynaysay inay hesho gantaalaha S-400, oo ah nooca istiraatiijiga ah ee ridada dheer. Iran ayaa sanadkii 2016 Ruushka ka soo iibsatay gantaalaha ridada dheer ee hannaanka difaaca hawada ee S-300 oo uu sameeyay Midowgii Soofiyeeti.
Iran waxay hadda daneynaysaa in ay si dhameystiran u hesho diyaaradaha daga-alka Ruushka ee Su-35, si loo geeyo Saldhigga Ciidanka Cirka Hesa ee Magaalada Isfahan.
Hoggaamiyaha Ruuxiga Iran, Ayatollah Ali Khamenei oo iska leh go’aanka ugu dambeeya ee Iran ayaa sheegay in qara-nkiisu uu waajib ku yahay inuu u aargudo Hoggaamiyihii Xamaas ee martida u ahaa.
Kuxigeenka Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka, Andrei Nastasin ayaa sheegay in gobolku uu qarka u saaran yahay iska horimaad caalami ah.
Ruushka ayaa ballanqaaday inaysan meel cidlo ah uga dhaqaaqi doonin Iran, oo ay u arkaan xulafadooda ugu muhiimsan ee gobolka.
Xoghayaha Golaha Amniga Ruushka, Sergei Shoigu oo Isniintii ka degay Magaalada Tehran ayaa la kulmay Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, isaga oo gaarsiisay warqad uu uga siday Madaxweyne Vladimir Putin.
Labadan dal ayaa xoojinaya iskaashigooda difaaca, maadaama labaduba ay si isu mida isku hayaan xulafada reer galbeedka oo Mareykanku uu hoggaaminayo.
Warbahinta Marekanka ayaa warineysa in Washington ay si dhow isha ugu hayso dhaqdhaqaaqa militari Ruushka ee gobolka, isla-markaana ay ka walaacsan tahay.
Dadka ka faallooda arrimaha Bariga Dhexe ayaa sheegaya in Washington iyo Moscow ay ka fogaan doonaan inay si toos ah ugu dagaalamaan Bariga Dhexe, balse ay si dadban ugu lug lahaan doonaan dagaal kasta oo gobolka ka dhaca, taasina ay suuqgeyn u noqonayso hubka ay soosaaraan.
Dhawaan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka, Sergey Lavrov ayaa Mareykanka ku eedeyay in siyaasaddiisa Bariga Dhexe ay gobolka ka abuurtay rabshado aan horey loo arag.
Lavrov ayaa sheegay in xiisadda sii kordheysa ee ka jirta gobolka ay la xiriirto coladda Gaza, isagoona Israel ku dhaliilay in ay si toos ah ciqaab wadareed ugu hayso 2.3 milyan oo qof oo ku nool Marinka Gaza.
Taageerada indha la’aanta Mareykanka ee Israel waa tan keentay in Tel Aviv ay gaysato nooc kasta oo xadgudub ah, iyadoo aysan jirin cid la xisaabtameysa, sababtu tahay Mareykanka oo la garab taagan taageero militari iyo mid siyaasadeedba.
Ayatollah Ali Sistani oo ka digay khatar ku soo fool leh Bariga Dhexe
Wadaadka ugu sarreya Shiicada Ciraaq ayaa ka digay khatar ku soo fool leh Bariga Dhexe, ka dib dilkii Hoggaamiyihii Ururka Xamaas, Ismail Haniyeh loogu gaystay dalka Iran iyo weerarada ay Israel sii waddo.
Ayatollah Ali Sistani ayaa ka digay cawaaqib xun oo gobolka oo dhan ah, marka aad eegto carrada ka dhalatay dilkii Ismail Haniyeh iyo kororka weerarada Israel.
Ayatollah Ali Sistani ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo soo afjaro weerarada wuxushnimada ah ee ay Israel ka waddo Marinka Gaza, si gobolka looga badba-adiyo dagaal ballaaran.
Wadaadka ayaa sheegay in Ciidamada Israel ay dhacdooyin badan oo xasuuq ah ka gaysteen Marika Gaza, muddadii tobanka bilood ahayd ee dagaalkan uu socday.
Ayatollah Ali Sistani ayaa warsaxa-afadeed uu soo saaray ku cambaareeyay weerarkii xagga cirka ee ay Israel Sabtidii ka gaysatay Dugsiga Al-Tabin (Al-Taba’een) ee Gaza, ayna ku dhinteen in ka badan 100 qof oo dad rayid ah, tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen.
"Ciidanka gumeystaha Israel waxay mar kale gaysteen xasuuq aad u weyn.” Ayuu yiri Ayatollah Ali Sistani.
Waxa uu sheegay in dembiyada is daba jooga ah ee ay Israel gaysaneyso ay gobolka ku sii dhaweynayaan sida uu yiri isku dhacyo waaweyn, oo cawaaqib ba’an ku yeelan kara guud ahaanba gobolka.
Sistani ayaa ka digay masiibo ka dhici karta gobolka, haddii aan gacmaha la qaban Israel, oo iyadu sii waddo xadgud-ubyadeeda ka dhanka ah xeerarka caalamiga ah.
"Waxaan mar labaad caalamka ugu baaqaynaa inay ka hortaggaan waxash-nimadan xun.” Ayuu yiri Sistani oo adkeyay digniintiisa ah cawaaqibka xun ee ay ku yeelaneyso gobolka.
Dhanka kale Taliska Ilaalada Kacaan Iran ayaa lagu wadaa inay fuliyaan amar ka soo baxay Hoggaamiyaha Ruuxiga Iran, Ayatollah Ali Khamenei, kaas oo la sheegay inuu amar ku bixiyay in si adag loogu ciqaabo Israel dilkii ay 31-kii bishii July u gaysatay Ismail Haniyeh, Madaxii Xafiiska Siyaasadda ee Xamaas oo lagu dilay Caasimadda Tehran.
Taliye Kuxigeenka Ilaalada Kacaanka Iran, General Ali Fadavi ayaa sheegay in aargoosiga Iran ee ka dhanka ah Israel uu yahay mid cad, waxaana loo fulin doonnaa buu yiri sida ugu wanaagsan.
General Ali Fadavi ayaa Warbaahinta maxaliga u sheegay in dhiigga Ismail Haniyeh ee dhulkooda lagu daadiyay aanu noqon doonin mid bilaa jawaab ah. Jananku ma sheegin goorta ay fulin doonan weerarka ay kaga aargudanayaan Israel.
Israel ayaan sheegan masuuliyadda dilkaasi, balse saraakiisha reer galbeedka ayaa laga soo xigtay in Sirdoonka Israel uu ka dambeeyay shirqoolkii lagu dilay ninkaasi.
Iran iyo ururada hubeysan ee gobolka ayaa la sheegaya in ay isku diyaarinayaan weerar ka dhan ah Israel.
Waxaa jira walaac caalami ah oo laga qabo in dagaalka u dhaxeeya Israel iyo Xamaas ee ka socda Marinka Gaza uu isku bedelo mid gobolka oo dhan ah.
Jordan oo Iran iyo Israel u sheegtay inaysan isticmaali karin hawadeeda
Dowladda Jordan ayaa ku celisay inaanan hawadeeda loo isticmaali karin waxyaabo sii hurin kara xiisadda Bariga Dhexe, xilligan oo xiisad weyn ay u dhaxeyso Iran iyo Israel.
Warbaahinta gobolka ayaa warineysa in Iran iyo xulafadeeda gobolka ay si weyn ugu diyaargaroobayaan weerar aargoosi oo ka dhan ah Israel, ka dib dilkii Hoggaamiyihii Ururka Xamaas, Ismail Haniyeh ee 31-kii bishii July loogu gaystay Magaalada Tehran.
Telefishinka afka Dowladda Jordan ku hadla ee Al Mamlaka ayaa baahiyay in Amman ay caddeynayso inaysan jirin cid ay hawadeeda fasax u siisay inay ka weerarto dal saddexaad.
"Mana ogolaan doono in jawaab militari laga bixiyo dhinac kasta oo keeni kara dagaal.” Ayaa lagu yiri warbixin laga sii daayay tv-ga oo si toos ah ugu socotay labada dhinac ee isku haya gobolka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Jordan, Ayman Safadi ayaa si cad u sheegay in dalkiisu uu ka soo horjeedo wax kastoo caqabad ku noqon kara deganaanshaha gobolka.
Wasiirka ayaa Beesha Caalamka ugu baaqay in la joojiyo weerarada naxariis darrada ah ee ay Israel ka waddo Marinka Gaza. Wasiirka ayaa sheegay in joojinta colaadda Gaza ay muhiim u tahay xasilloonida iyo nabadda gobolka.
Iran iyo Israel waxay labaduba wacad ku mareen in midba kan kale uu weerari doono, iyagoona Jordan u arka marin istiraatiijiyadeed oo muhiim ah.
Taliye Kuxigeenka Ilaalada Kacaanka Iran, General Ali Fadavi ayaa sheegay in aargoosiga Iran ee ka dhanka ah Israel uu yahay mid cad, waxaana loo fulin doonnaa buu yiri sida ugu wanaagsan.
Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa dhankiisa ka digay cawaaqibka ka dhalan kara weerar kasta oo kaga yimaada Iran iyo ururada hubeysan ee gobolka.
Mareykanka ayaa ku celiyay in ay difaaci doonaan Israel, isagoona Tehran uga digay weerar weyn oo ka dhan ah Israel, taas oo keeni karta in Washington ay ka jawaabto.
Khubarada ayaa qaba weerar kasta oo Mareykanka iyo Israel ay kaga aargudanayaan jawaabta Iran uu bilow u noqon karo isku dhac ballaaran oo gobolka ah.
Xiisaddan ayaa keentay in walaac caalami ahi laga muujiyo in dagaalka ka soconaya Marinka Gaza uu isku bedelo mid gobolka oo dhan ah.
Abiye iyo Eedogan oo khadka tilifoonka ku wada hadlay kahor shirka Soomalaiya iyo Itoobiya
Sida lagu daabacay bogga madaxtooyada Turkigu ku leedahay barta X ee horay loo oran jiray Twitter, waxaa Khadka taleefanka kuwada hadlay madaxweynaha Turkiga, Rajeb Dayib Ordogan iyo ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, iyaga oo sida ay sheegtay madaxtooyadu ka wada hadlay arrimo ay ka mid tahay khilaafka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.
Dawladda Turkiga ayaa sheegtay in madaxweyne Erdogan uu kala hadlay Abiy, sida ay Turkiga uga go’an tahay dhamaynta xiisadda ka dhex taagan Soomaaliya iyo Itoobiya.
"Madaxweyne Ordogan wuxuu ogyahay in talaabooyinka ay tahay Itoobiya in ay qaaddo ay yihiin kuwa meesha ka saari kara walaaca ay Soomaaliya ka qabto midnimadeeda, madaxbanaanideeda, iyo siyaadada dhulkeeda, taasina ay fududeynayso qorshaha,” ayaa lagu yiri warkan oo ay soo saartay madaxtooyada Turkigu habeenimadii habeen hore.
Todobaadka berri bilaaban doona ayaa la filayaa in dalka Turkiga uu ka furmo kulan ay isugu imaan doonaan wufuud ka kala socota Soomaaliya iyo Itoobiya, kuwaas oo ka wada hadli doono sidii loo xallin lahaa khilaafka ka dhex taagan labada dawladood, sida uu shaaciyay wasiirka arimaha dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan.
"Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya waxay soo afjarmi doontaa in Itoobiya ay marin u yeelato badda, islamarkana ay Itoobiya qirto midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida siyaasadeed ee soomaaliya” ayuu Hakan Fidan ku yiri shir jaraa’id oo uu ku qabtay Istanbul Jimcihii.
Wadahadaladaan ayaa ka soo hormaray xilligii loo asteeyay markii hore oo ahayd bisha September ee soo socota. Waqtigaas ayaa loo gooyay kadib markii bishii July ay wadahadal aan fool ka fool ahayn ayeesheen labada dhinac oo ku wada sugnaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Wasiirka arimaha dibadda ee dalka Turkiga Hakan Fidan ayaa waxa uu bilowgii bishaan August, booqasho ku gaaray caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, halkaas oo uu kula kulmay ra’iisul wasaaraha dalkaas Abiy Ahmed, isaga oo kala hadlay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya.
Booqashadaas ayaa waxay sheegtay dawladda Turkiga in ay qayb ka ahayd dhexddhexaadintii ay dawladdu Turkigu ka dhex waday wadamada Soomaaliya iyo Itoobiya, kadib khilaafkii ka dhex dhashay labada dal ee ku aadanaa heshiiskii is afrgarad ee Itoobiya la saxiixatay Somailand bilwogii sanadkaan.
Sida ay sheegtay wasaaradda arimaha dibadda ee Itoobiya, Turkiga ayaa waxa uu kala hadlay arimo ay ka mid yihiin khilaafka kala dhaxeeya Soomaaliya iyo xaaladda gobolka k ahor inta uusan wasiirku u gudbin dhinac Masar oo iyana uu kala hadlay arimaha Soomaaliya.
Xildhibaanada Soomaaliya qaarkood oo ka hadlay shirkaan la filayo berri in uu ka furmo dalka Turkiga ayaa waxay sheegeen in Soomaaliya ay wali ku adkeysato go’aanadii ay hora yuga qaadatay heshiiska is afgaradka.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook waxa uu ku yiri, "Waa in dawladda Soomaaliya ay ku adkeysataa…In Itoobiya si cad oo aan mugdi ku jirin uga laabato Is-afgaradkii sharci darrada ahaa ee ay Somaliland la saxiixatay, cadeysana in Somaliland ay ka mid tahay Soomaaliya”.
Israa’iil oo soo celisay musiibadii Abu Ghraib iyo dunida oo ka aamusan
Mareegta Middle East Eye maqaal ay qoreen qorayaasha Peter Oborne iyo Lubna Masarweh ayaa waxa uu ciwaankoodu ahaa "Israa’iil waxay soo celisay musiibadii Abu Ghraib, duniduna way iska aamustay.
” Qoraalkooda wadajirka ah, ayaa qorayaashu waxay ku xiriiriyeen muuqaallada naxdinta leh ee muujinaya gabood-falladii ay ciidammada Maraykanku ku dhawaad labaatan sano ka hor ka geysteen xabsiga Abu Ghraib ee dalak Ciraaq iyo waxa ka dhacaya xabsiyada Israa’iil ee ku aaddan maxaabiista Falastiiniyiinta ah.
Qorayaashu waxay sheegeen in muuqaallo la mid ah, lagana yaabo in ay kasii daranyihiin, ay ka dhacayeen xabsiyada Israa’iil tan iyo 7-dii Oktoobar, markii uu billowday dagaalka Gaza.
Maqaalka ayaa soo jeedinaya muuqaallada la faafiyay ee toddobaadkan la daabacay, kuwaas oo ay ku tilmaameen "mid laga naxo,” oo muujinaya askarta Israa’iil oo faraxumayn ku haya maxbuus Falastiini ah.
Maqaalku waxa kale oo uu iftiimiyay warbixin ay soo saartay hay’adda xuquuqul insaanka Israa’iil ee B’Tselem, taas oo iftiimisay siyaasadda dawladda ee sida joogtada ah ula dhaqanto iyo jir-dilka maxaabiista tan iyo bilowgii dagaalka.
Maqaalku waxa uu intaa ku daray in warbixinta B’Tselem oo ku salaysan waraysiyo lala yeeshay 55 falastiiniyiin ah oo la xiray tan iyo weerarkii Xamaas ee koonfurta Israa’iil 7-dii October, ay ahayd mid xanuun badan oo dhib badan, waxayna warbixintu caddaynaysaa in lagula kacay bahdil, garaacid aan loo meel dayin, hurdo la’aan iyo xadgdubyo kaleo aad u daran.
B’Tselem waxay cinwaan uga dhigtay warbixinteeda "ku soo dhawoow cadaabta,” sida lagu sheegay maqaalka.
Halkaan Ka Akhriso Wararka Wargeyska Mogdisho Times
..