Halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogdisho times

0
Saturday August 10, 2024 - 11:21:02 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 121
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkaan ka aqriso wararka wargeyska mogdisho times

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweyne Xasan Sheekh "Dagaalka Al-shabaab ma istaagayo ilaa laga xoreeyo guud ahaan dalka”

Madaxweynaha Jamhuriyada Federalka Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa Khudbadii Jimacaha kaga hadlay dardargalinta dagaalka Al-shabaab looga ciribtirayo deegaanada kooban ee ay kaga harsan yihiin dalka, kororka dhaqaalaha iyo hirgelintahirgelinta qorshaha Dimuqurad-iyeynta iyo hananka doorashooyinka dalka.

"Dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab waa mudnaanta koowaad ee dowladda, wuuna socon doonaa ilaa laga xoreynayo dalka oo dhan, Al-shabaab waxa ay ka shaqeynayaan waa inay suurad xumeyaan magaalada Muqdisho”

Madaxwene Xasan Sheekh oo ka hadlay hananka doorasho ee dalka ayaa sheegay in ujeedka dowladda uu yahay in shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay fursad u helaan inay codkooda dhiibtaan.

"Dalka waxa ka dhici doona doorasho qof iyo cod ah, shacabka Soomaaliyeed ayaa wax doranaya, tasi waa mabda’a, Somalia ma xukumi doono qof aan shacabka doran”.

Mar uu Madaxwenaha ka hadlayay dhaq-alaha dalka ayuu sheegay in ku dhawaad ​​100% uu kordhay, taasina ay cadeyn u tahay mashaariicda ka socota guud ahaan gobolada dalka.

"Dalkeenu waxa uu shalay joogaa meel ka wanaagsan halkii uu daraad taagnaa, mar walba markii ka dambeysii waa uu sii sodcay, waxayna shalay maraysa in maal-geshi loo yimaado Soomaaliya”.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata aya sheegay in dhawan dalka laga hirgelin doono mashaariic waaweyn; taaso ku timid kalsoonida caalamku ku qabo haykalka maaliyadeed ee dawladda.

Golaha Wasiirada XFS oo ansixiyay Xeerka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Golaha Wasirada Xukumada Jamhuriyada Federalka Soomaaliya ayaa shalay yeshay kulankooda toddobaadlaha ah, oo Shir-gudominayey Ra’isul Wasaraha Xukumada Jamhuriyada Federalka Somaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa lagu ansixiyay labo xeer oo muhiimad gaar ah u leh shacabka Soomaaliyeed, kuwaasi oo kala ah Xeerka Dorashoyinka Jamhuriyada Federaalka Somalia iyo Xeerka Ururada iyo Xisbiyada Siyaasadda oo lagu hagayo hannaanka doorashooyinka dalka.

Labadan sharci aya hagi doona hananka doorasho ee dalka, waxayna shacabka Soomaaliyed u surtagelinayan inay doortan madaxda matali doonta qaranka.

Afhayeenka XFS Mudane Farxaan Maxamed Jimcale oo ka hadlay muhiimada ay shacabka Soomaaliyeed u leeyihiin xeerarka shalay goluhu ansixiyey ayaa yiri:

"Xeerka doorashadu waxa uu farayaa in dalka ay ka qabsoonto doorasho Qof iyo Cod ah o dalka o dhan ka dhaca, muwadin kastaa waxa uu xaq u siinayaa in uu u codeeyo qofka doonaya in uu qabto hogaanka dalka”.

Afheyeenka ayaa intaa ku daray in xerarka shalay la ansixiy ay dalka ka gudbin doonan hananki hore ee dorasho-yinka ee dadbanaa oo mudada dheer lagu soo caana maaliyay dalka.

La-taliyaha Amniga Qaranka "Howlgalka cusub waxa uu taageero muddo kooban siinaya CQS”

La-taliyaha Amniga Qaranka mudane Xusen Macalin ayaa sheegay in howlgalka ATMIS uu ku egyahay dhamadka sanad-kan isla markaana howlgalka cusub uu noqon doono mid waqti cayiman leh oo dowladu go’aamineyso.

Mudane Xuseen Macalin oo wareysi gaar ah siiyay Warbaahinta Qaranka ayaa tilmamay in haatan ay dalka ka baxeen sagaal kun askari oo qeyb ka ahayd howlg-alka ATMIS, inta dhimana dhamaadka bisha December ay dalka ka bixi doonaan.

"Waqti dheer ayay ciidamada dalalka Midowga Afrika ka howlgalayeen dalka tan iyo 2007dii, Mission kii koowaad waxa uu ahaa AMISOM, waxaana uu ku ekaa 2022kii, waxaana ku xigay ATMIS oo hada gabagaboobaya December 31” ayuu yiri La-taliyaha Amniga Qaranka.

Mudane Xuseen ayaa xusay in howgal ka cusub uu yahay mid waqti kooban ah, isla markaana muhiimaddiisu tahay sida ay dowladdu uga farxalan laheyd Al-shabaab, qorshahaas oo 12-ka bishan loo gudbin doono golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, si loo ansixiyo howlgalkan.

La-taliyaha Amniga Qaranka "Howlgalka Cusub ee AUSSOM waxa uu ku yimid codsi ay DFS gudbisay kadib bixintaanka ATMIS, Waxaana howlgalkaan uu taagero muddo kooban sinayaa Ciidanka Qaranka, tirada ciidanka howlgalkaana waa mid kooban.”

Mar uu ka hadlayay waxa uu kaga duwan-yahay howlgalkii hore ayuu yiri "Wuxuu uga duwanyahay howlgakan kii hore, waxaa ka wada howgallaya labada ciidan si wadajir ah. Xirfadda iyo agabka ay heystaan lagu sii tababaro ciidanka Xooga, si kala warega u fududaado marka aan ka maarano”.

La-taliyaha Amniga Qaranka ayaa tilmaamay in howlgalkan cidda ka qeyb-galeysa ay u madax banantahay dowladda Soomaaliya, isaga oo intaa ku daray in marka heshiiskan cusub la soo ansixiyo, ay heshiisyo gaar gaar ah dowlada la gali doonto dowladaha howlgalkan ka qeyb-qaadan doona.

"Dowladaha Masar iyo Jabuuti oo fadhiyay shirka Midowga Afrika ee lagu ansixiyay howlgalkan cusub ayaa sheegay inay daneynayaan inay howlgalkan qeyb wayn ka qaataan, waxaana jira kuwa badan oo iyana daneynaya waxaana go’aan laga gaari doonaa marka Golaha Amanka ansixiyo heshiiska”. ayuu mudane Xusen Macalin hadalkiisa ku so gabaga-beyay.

Wasiir Fiqi oo ka qeyb galay shir looga hadlay xasuuqa ay Israel ku heyso shacabka Falastiin

Wasiirka Arrimaha Dibada XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa shalay ka qeyb galay shirka aan caadiga ahayn ee Gudiga Fulinta ee heer wasiirro arrimo dibadeed ee dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islamka, kaaso ka dhacay magalada Jeddah.

Shirkan ayaa looga hadlay dambiyada joogtada ah ee ay Isra’il ku hayso shacabka Falastiin iyo xadgudubka ay ku hayso madaxbananida Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.

Gabagabadii Shirka ayaa waxaa laga soo saaray bayaan lagu cambaareynayo xadgudubyada ay geysteen maamulka Isra’il, waxaana lagu baaqay in dowladaha xubnaha ka ah ururka iskaashiga Islaamka ay tallaabo mideysan ka qaadaan.

Wasiirka Amniga Jubbaland oo deeq xoolo ah ka gudoomay waxgaradka deegaanadii dhawaan la xoreeyay

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Yusuf Xuseen Cisman (Dhuumaal) ayaa shalay deeq xoolo ah kala waregay Odayasha Dhaqanka dega-nadi dhawan laga xoreeyey Al-shabaab ee gobolka Jubbada Hoose.

Deeqdan ayaa isugu jirtay 20 Neef oo Geel ah, 50 Ari ah iyo $20,000 oo doolar oo loogu talagalay ciidamada dagaalka kula jira Al-shabaab oo toddoobaadyadii la soo dhaafay xoreeyey deegaano muhiim ah.

Wasiirka ayaa waxaa ku wehliyay munasabada Wasiir ku xigeenka wasaar-adda Gargaarka Jubbaland iyo Taliyaha Ciidamada Darawiishta Dowlada Jubba-land Gen. Ismaaciil Saxardiid Keydsane.

Wasiirka Caafimaadka oo booqashooyin ku tagay qeybaha kala duwan ee Caafimaadka magaalada Baydhabo

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumada Federalka Somalia Dr. Ali Haji Aden oo howlo Shaqo u joogey Magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur-galbeed ayaa kulan la qaatey Madaxda io Shaqalaha Wasaarada Cafimadka Dowlad Goboledka Konfur-galbed o u ugu horeyo Wasiirka Cafimadka KGS Mudane Maxamed Cismaan Xaaji iyo agasimaha guud ee Wasarada Cafimadka Koonfur-galbeed.

Wasiirka ayaa warbixino ka dhageystey madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka Dowlad goboleedka Koonfur-galbeed si loo sii amba qaado hayaanka hormarinta Cafimadka dalka sidoo kalena xal waara looga gaaro caqabadaha ku hor gudban Caafimaadka taasoo qeyb ka ah dedalada socda ee uu Wasiirka Wasarada Caafimadka Federaalka ku baadi goobayo Cafimadka loo dhanyahay ee guud ahaan dalka.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryelka bulshada Xukuumadda Federalka Soomaaliya Dr Ali Haji Aden ayaa sidoo kale booqashooyin kala duwan ku tagey Xarunta cusub ee Wasarada Caafimadka Dowlad Goboledka Konfurgalbed, Isbitalka guud ee magaalada, Keydka Daawada kii hore iyo mid hadda dhismihiisubmarayo heer gebagaba ah, Warshadda Oxygen-ta ee dhawaan la soo gaarsiiyey magaalada Bedhabo, Xarumaha lagu keydiyo Tallalka KGS, sido kale Wasiirka ayaa booqdey Isbitaalka degmada ee ay maamusho He’adda SOS, iyo Xarunta howlgalada deg degga ah ee Caafimaadka (PHEOC) oo dhismaheedu soo dhamaadey mar dhow.

Wasiirka waxa uu Warbixino ka kala duwan ka dhageystey Maamulka iyo shaqaalaha xarumaha kor ku xusan ee uu booqashooyinka ku bixiyey si loo helo caqabadaha xalka u baahan ee jira, waxa uuna barbixinadooda ka dib ku amaaney shaqada quruxda badan ee ay u hayaan bulsho waynta Soomaaliyed ee ku dhaqan deegaanada Koonfur-galbeed Soomaaliya, waxa uuna xusey in Wasarada Caafimadka Xukumada Federalka Soomaaliya u taagan tahay markasta sidii loo sii harumarin lahaa nidaamka Caafimaadka tuulo min degmo ilaa Gobol guud ahaan dalka.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka

Bulshada Xukumada Federalka Somalia waxa ka go’an wax ka qabashada bahiyaha Caafimaad ee ka jira Dalka iyo sidii lagu horumarin lahaa Caafimaadka Soomaaliya si loo gaaro yoolka hormarinta Caafimadka Qaranka.

Wasiir Khadiijo Al-makhzoumi”Dadka Soomaaliyeed waa inay xil iska saaraan ilaalinta deegaanka”

Wasiirka Deeganka iyo Isbadalka Cimilada XFS Qadiijo Maxamed Al-Makhzumi ayaa habeenimadii habeen hore Magaalada Muqdisho ku qabatay kulan dadweyne oo looga hadlaayey waxqabadka Wasaaradda ee labadii Sano ee la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka warbixisay saameynta ay deeganka ku leyihiin qashinka, xalufinta deegaanka, qiica iyo bacaha iyo sida ugu habboon ee looga hortagi karo.

Wasiir Khadiijo Al-makhzoumi "Dadka jara Dhirta iyo kuwa Bacda dalkena kenaya waxay la mid yihiin al-shabaab.”

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Jubbaland "Waxaa deegaanadda laga xorreeyay Al-shabaab gaarsiin doonaa adeegga Garsoorka”

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowlad Goboledka Jubbaland Nuuradiin Maxamed Khaliif ayaa sheegay in deega-anada laga xorreeyay Al-shabaab la gaarsiin doono adeegga Garsoorka iyadoo ujeedku yahay sidii bulshada ay u heli lahaayeen cadaalad iyo in sharciga lagu dhaqo deegaanadaasi.

Xeer Ilaaliyaha Guud oo wareysi siiyay Warbaahinta Qaranka ayaa xaqiijiyay in tallaabadan ay fududeyn doonto in maamulka uu horumariyo xasiloonida iyo bixinta adeegyada Garsoorka.

Xeer Ilaaliyaha oo xubin ka ah guddiga adeega garsoorka ee dowlad gobolleedka ayaa faahfaahin ka bixiyay in uu ku sugan yahay magaalada Doolow, halkaasi oo uu ka wado howlo lagu dhisayo laguna xooji-nayo hay’adaha garsoorka ee deegaa-nnada gobolka Gedo.

Wuxuu intaas ku daray in dadka deeg-aanka ay door weyn ku leeyihiin dadaalka ay dowladu ugu jirto sidii hay’adaha garso-orka loo gaarsiin lahaa deegaanada la xoreeyay.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga oo magaalada Ankara kaga qeyb galay munaasabad qado sharaf ah

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya u fadhiya dalka Turkiga Mudane Fatxudiin Cali Maxamed ayaa daraad ka qeyb galay munaasabad qado sharaf ah oo uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Mudane Hakan Fidan u sameeyay safii-rrada dalalka Jaamacadda Carabta u fadhiya magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Munaasabada ayaa waxaa goob joog ka ahaa safiirro iyo wakiilo ka socday dalalka Carabta, waxaana la isku dhaafsaday aragtiyo la xiriira danaha guud iyo iskaashiga Turkiga iyo dalalka Carabta.

Kulamadan ayaa lagu tiriyaa inay qayb ka yihiin dadaallada lagu xoojinayo iskaa-shiga iyo isfahamka ka dhexeeya Turkiga iyo dalalka Carabta ee dhinacyada kala duwan, si ay gacan uga geystaan ​​horum-arinta nabadda, xasilloonida iyo horumarka gobolka.

Xildhibaan Cabdisamad oo dhagax-dhigay ceelbiyood laga hirgaliyay Gaalgaduud

Xildhiban abdisamad Macalin Maxamud oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa dhaga-xdhigey ceel biyod laga hirgaliyay tuulloyin hoostaga deegaanka Gadoon ee Gobolka Gaalgaduud.

Xildhibaanka oo ka hadlay xafladdaasi ayaa ka waramay baahida loo qabo biyaha iyo sida ay lagama marmaanka u tahay in la helo adeegyada aasaasiga ah ee ay baahan yihiin shacabka.

Xildhiban abdisamad ayaa kula dardaa-rmay bulshada deganadasi in ay si wadajir ah uga faa’ideystaan adeegga biyaha oo taabanaya nolosha dadka iyo xoolaha.

Xaflada dhagaxdhiga waxaa gobjogayal ka ahaa xldhibaan Cibaado Yuusuf Axmed, Wasiiru dowlaha Tamarta Galmudug Sharif Maxamuud Cali, Taliyaha Ciidanka Boliiska Galmudug Khaliif C/lle Maalin

Qodobo muhiim ah oo ka soo baxay shirka horumarinta hannaanka Maaliyadda

Waxaa shalay magalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirkii Wasiirada Maaliyadda ee heer Federaal, heer dowlad goboleed iyo maamulka gobolka Banaadir, kaasoo socday muddo saddex cisho ah, waxana diirada lagu saray qodobo muhiim u ah hormarinta hannaanka maaliyadda iyo wadashaqaynta guud.

Dood dheer kadib, madashu waxa ay isku raacday warmurtiyed ka kooban Shan qodob oo ay wadajir u saxiixeen Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Biixi Imaan Cige oo ah Gudomiyaha Madasha iyo Wasiirada Maaliyadda Dowlad goboleedyada kala ah Jubbaland, Hirshabeelle, Koofur Galbeed, Galmudug iyo mamulka gobolka Banaadir.

Qodobada lagu heshiiyay

1)



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip