![](https://mogtimes.com/uploads/mogtimes_bnr.jpg)
Halkan ka aqriso wararka wargeska mogtimes
Madaxda Qaranka oo ku baaqay in loo midoobo dagaalka Al-shabaab arxanka daran
Madaxwenaha Jamhuriyada Federalka Somalia Mudane Xasan Sheikh Mahmud ayaa sheegay inaysan Khawaaarijtu kala jeclen shacab iyo dowlad, isago ku baqay in lo midobo, garabna lo noqda cidamada Qaranka.
"Shacabka Somaliyeedow walaalayaal argagaxisada Al-shabab ah ma kala jecla shacab iyo dowlad, dhamaantena waxan agtooda ka nahay cadaw ay baneysteen dhiigoda. U midooba ciribtirkooda, garab u noqda ciidamada Qaranka oo soo sheega kuwa dhexdiina ku dhuumanaya” ayuu yiri Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in markii lagu jabiyey goobaha dagaalka ay kooxaha al-shabaab beegsadeen dhalli-nyaradii ahaa indhaha iyo mustaqbalkii dalka oo aan siyaasad shaqo ku lahayn, si nabad ahna ugu caweynayey dalkoda, taas oo muujinaysa in aysan lahayn diin, dhaqan iyo akhlaaq midna, una taagan yihiin dabargoynta shacabka Somaliyed.
Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa guud ahaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sii xoojiyaan garab istaagga ay u fidinayan cidamada iyo hey’adaha amanka, si loo ciribtiro Al-shabab gaba-lkodii sii dhacayo ee u taagan gumaadka dadka Soomaaliyeed.
Al-shabab ayaa habeen ka hor weerar arxan daran ku qaaday xeebta Liido, halkas oo ay ku begsaden dhallinyaro ku caweynayey dalkooda, waxaana halkaas ku shahiiday in kabadan 32 qofod halkan 63 ku dhaawacmeen.
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sheegay in la qaadday tallaabooyin adag oo lagula xisaabtamayo saraakiishii shaqada ku lahayd goobaha la weeraray
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sheegay in la qaadday tallaabooyin adag oo lagula xisabtamayo sarakiishii shaqada ku lahayd goobaha la weeraray.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo xalay ku booqday isbitaalka Erdogan shacabka ku dhawacmay falkii bahalnimada ee kooxaha al-shabaab ah ay habeen hore Xeebta Liido, ayaa sheegay in la qaaday tallaaboyin adag oo lagula xisaabtamayo saraakiishii shaqada ku lahayd goobaha la weeraray, qaarkoodna ay xiran yihiin.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in markii lagu jabiyey goobaha dagaalka ay kooxaha al-shabaab beegsadeen dhallin-yaradi ahaa indhaha iyo mustaqbalkii dalka oo aan siyaasad shaqo ku lahayn, si nabad ahna ugu caweynayey dalkoda, taas oo muujinaysa in aysan lahayn diin, dhaqan iyo akhlaaq midna, una taagan yihiin dabargoynta shacabka Somaliyed.
Mudane Xamsa ayaa uga tacsiyeeyey ehellada iyo asxaabta dadkii ku dhintay weerarka, isaga oo ugu duceeyey in Ilaahay naxariista Janno ka waraabiyo, kuwa dhaawacmayna u boogo dhayo.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa guud ahaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sii xoojiyaan garab istaagga ay u fidinayaan ciidamada iyo hey’adaha ammaanka, si loo ciribtiro Al-shabaab gabalkoodii sii dhacayo ee u taagan gumaadka dadka Somaliyed.
Intii uu booqashadiisa ku guda jiray, Ra’iisul Wasaaraha ayaa la kulmay qaar ka mid ah dadka ku dhawacmay werarka, waxa uu warbixin ka dhagestay mamulka iyo dhaqaatiirka Isbitaalka, isaga oo u muujiyey taageero iyo garab istaag. Waxa uu sido kale ku amanay ciidamada ammaanka doorkii ay ka qaateen badb-aadinta iyo caawinta shacabka ay wax yeelladu soo gaartay.
Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca weerarkii Xeebta Liido oo korortay
Wasaarada Caafimaadka dowladda Fedaralka Somalia Dr. Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay inuu kordhay khasaaraha dhimashada iyo dhawaca ee ka dhashay weerarki kooxda Al-Shabab ay ku qaaday xeebta Liid ee magaalada Muqdisho.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cali Xaaji Xasan oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in tirada dadka ku dhintay weerarkii Liido ay gaartay 37 ruux oo shacab ah, halka dhaawacuna uu gaaray 247 ruux.
"Tirada dhimashada iyo dhaawaca way kordheen 37 ayay mareysa dhimashada, 11 ruux ayaa xaaladoodu daran tahay oo ku jira qeybta gurmadka deg dega ah (ICU) waxaana guryahooda loo diray oo daaweyn loo sameeyey 137 ruux Isbitaalada hada waxaa jiifa 64 ruux” ayuu yiri Wasiir Cali Xaaji.
Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in Wasaaradiisa ay wado qorshe ku aadan sidii Caafimaad dalka dibaddiisa ah loogu diri lahaa dadka qaba dhaawacyada daran ee aan waxba looga qaban karin gudaha dalka.
Weerarkii ka dhacay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho ayaa noqday kii ugu murugada badnaa ee sanadkaan gudahiisa ka dhaca gudaha dalka, kaasoo lagu dilay dad u badna dhalinyaro oo dhamaantood shacab ahaa, waxaana masuliyada weerarkaas sheegtay kooxda Al-shabaab.
Guddiga gurmadka qaran oo kulan la yeeshay culimada iyo ganacsatada
Xubnaha Guddiga Maaliyadda ee Gurmad Qaran oo uu hoggaaminaayo Gudoomiyaha Guddiga Wasiir Faadax Sheekh Cabduladir ayaa Xarunta Dhexe ee Hay’adda SODMA kulan kula qaatay Culimada, Ganacsatada iyo Bulshada Rayidka Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa looga hadlay sidaa gurmad loogu fidinlahaa dadka ay waxyeelladu ka soo gaartay weerarkii Argagixisada ku qaaday Xeebta Liido.
Wasiika Waxbarashada XFS ahna Guddoomiyaha Guddiga Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo kulanka ka hadlay ayaa ku baaqay bulshada Soomliyeed kawada qeybqaataan Gurmadka socda.
"Waxaan shacabka ugu baaqaynaa in ay qeybtooda ka qataan gurmadka iyo garab istaaga loo muujinayo shacabkii waxyeelada ka soo gaartay Qarixii Liido.”ayuu yiri Wasiir Faaarax.
Ra’iisul wasaare Xamse oo magacaabay Agaasimaha Guud ee Bulshada Bariga Afrika
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay Maxamed Isaaq Ibraahim (Fatiir) inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Bulshada Bariga Afrika (East African Community).
Soomaaliya ayaa si rasmi ah loogu ogolaaday inay ku biirto Daladda Bulshada Bariga Afrika bishii November ee sanadi aanu soo dhaaafnay, waxaana xusid mudan in Madaxweyne Xasan Sheekh uu markas ku sugnaa magalada Caruusha ee Tanzania halkaasi oo looga dhawaaqay ku biiritaanka soomaliya ee ururkan
Dalalka xubnaha ka ah EAC ayaa kala ah, Kenya, Uganda, Rwanda, Burundi, South Sudan, Tanzania, iyo Jamhu-uriyadda Dimuqraadiga Congo iyo Soomaaliya oo ah xubintii ugu dambeysay sidaasna ay ku noqotay xubintii 8-aad ee urur-goboleedkan.
Urur goboleedkaan oo xaruntiisu tahay magaalada Caruusha ee dalka Tanzania dhismay sanadkii 2000, kadib heshiis ay gaareen shan kamid ah 8-da dal ee uu hadda ka kooban yahay. Suudaanta Koofureed ayaa xubinnimada EAC heshay bishii September 2016, halka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ay ururkan ku biirtay bishii April 2022-kii.
Maxkamadda gobolka Banaadir oo shalay xabsi 6 bilood ah ku xukuntay gabadho Tiktokers ah
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa shalay oo Axad ah waxay xukun ku ridday 7 dhallinyaro ah oo Tiktoore ah, kuwaasi oo midkiiba lagu xukumay 6 bilood oo xarig ah.
Dacwad dhameysatay heerarkeedii ayaa eedeysanayaasha oo ka koobnaa sagaal hablood, waxaa 7 ka mid ah lagu xukumay min lix bilood oo xabsi ah, halka labo qabdhood ay maxkamaddu dib ugu celisay xorriyadooda.
Xukumanaayasha ayaa lagu helay dambi ku sabsan, kicin dadwene, hurinta dagaal sokeeye iyo faafinta dhaqamada anshax xumada ah.
Dadka xukunka lagu riday oo ah gabdho caan ka ah baraha bulshada ayaa kala ah; Sihaam tahliil, Nashad nalka, Sacdiyo galmudug, Iftin model, Anjal iyo Farxiyo Zoona.
Dowladda Soomaaliya ayaa isku dayday sanadkii hore in ay mamnuucdo isticmaalka barta TikTok. Mamnuuc-iddiisa ayaa waxaa ka dhalatay cabasho ka timid dhalinyarada kuwaas oo ku tiirsan dakhli ay ka helaan Tiktok.
Wafdi ka socda Bulshada Bariga Afrika oo soo gaaray Muqdisho
Wafdi ka socda Bulshada Bariga Afrika qeybta u qaabilsan duulista rayidka ayaa shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho, waxa wafdigan Garonka Aadan Cabdulle ku soo dhaweeyay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista iyo Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.
Wafdigan oo ka kooban khubaro dhanka Duulista Rayidka ayaa inta ay ku suganyihiin Magaaladda Muqdisho, waxa ay kullamo iyo daraasado wada-shaqeeyn la yeelan doonaan dhigooda Soomaaliya, iyadoo xooga la saari doono mideeynta iyo is-waafajinta shuruucda iyo xeerarka bad-qab ee mideeynaya Bulshada Bariga Afrika si loo gaaro Duulis Rayid oo lagu mideeysanyahay.
Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Somaliyed Md. Ahmed Moallin Hassan ayaa sheegay in arrintan ay qeyb ka tahay u diyaar garowga Soomaaliya ee baaritaanadda Hay’adda Duulista Aduunka (ICAO) ku imaneeyso Soomaaliya.
Hay’adda CASSOA oo u qaabilsan Ururka Bulshada Bariga Afrika Duulista Rayidka ayaa Dalalka xubnaha ka ah Bulshada ka caawisa helida kheeyraadka farsamo iyo khibrad si sare loogu qaado horumarka dalalka xubnaha ka ah Bulshada.
Wasiirka Amniga oo guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga Caasimadda
Kulan Amaanka Caasimadda looga hadlaya ayaa waxaa iskugu yimid Hay’a-daha Amniga Heer Federal iyo Mamulka Gobolka Banaadir kaas oo ka qabsomay xarunta Taliska Booliska Soomaaliyeed .
Kulankaan ayaa waxaa shir gudoominayay wasiirka Amniga Sareeye Guuto Cabdullahi Shiekh Cisman Fartag, waxana Ku wehlinayay Taliyaha Cidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto. Sulub Axmed Firin, Agasimaha Hey’ada Nabad Suggida iyo Sirdonka Qaranka abdullahi Maxamed Sanbalooshe iyo Gudomiyaha Gobolka Banadir Ahna Duqa Magaalada Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale.
Inta badan kulanka intuu socday waxaa lagu dheeraad xaalada Amniga ee Caas-imadda iyo sidii loo sii xoojin lahaa, iyadoo ay hadalka iskaga danbeeyeen madaxdii kulanka ka soo qaybgashay.
Dowladaha Carabta oo si adag u cambaareeyey weerarkii al-shabaab ee xeebta Liido
Dowladaha Sacuudi Carabiya, Qatar, Baxreyn, Kuwait, Masar iyo Jordan ayaa si ayaa si kulul u cambaareyay Weerarkii al-shabaab ay ku qaaday Xeebta liido ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay ku shahiideen in ka badan 32 qof iyo dhaawaca kor u dhaafaya 63.
War saxaafadeed ka soo baxay Wasaradaha Arrimaha Dibadda dalkaasi ayaa lagu sheegay inay xanuun la qeybs-anayaan Dowlada Federalka Soomaaliya iyo Shacabka Soomaaliyeed, iyagoo tacsi tiiraanyo leh u soo diray Soom-aaliya, una rajeyay kuwa ku dhaawacmay caafimaad deg deg ah.
Ugu dambeyn Dowladaha xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta ayaa sheegay inay dowlada Somaaliya iyo shacabkeda ku garab yihiin la dagaalanka al-shabaab arxanka daran ee ka been sheegaysa Diinta Islaamka.
Xafiiska QM ee Soomaaliya oo cambaareeyey qaraxii Al-shabaabtu ka geysteen xeebta liido
Xafiiska Qaramada Midobay ee Somalia aya si kulul u cambareyey werarkii bahal-nimo ee koxda al-shabaabtu ka geysatay Xebta Liido ee magalada Muqdisho, kaas oo ay ku geeriyoodeen 32 qof oo shacab ah sidoo kalena ku dhaawacmeen 63 qof.
"Qarammada Midoobay ee Soomaaliya waxay tacsi tiiranyo leh u diraysa qoysa-ska io ehellada dadki ku dhintay qaraxas, waxayna u rajeynaysa kuwa ku dhawa-cmay inay si dhaqso ah u bogsadan.” aya lagu yiri bayaanka Cambaaraynta ah.
"Xeebta Liido waa meel caan ah oo ay Somalidu waqti kula qaatan qoysaskoda iyo asxabtoda, kuna raaxaystaan bilicda xeebaha Soomaaliya. In goobtan la bartilmaameedsado waa fal foolxun oo mudan qaadaya cambareynta ugu adag,” ayuu yiri Ku-simaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Mido-bay u qabilsan Somalia, James Swan.
Annagoo ku biirayna dhamaan dadka Somaliyed ee nabada jecel ee u barordi-iqaya dhibatadan murugada leh, waxaan mar kale xaqiijinaya in Qaramada Mido-obay ay taagerayso Dowladda Federalka Soomaaliya ayna la garab taagan tahay dadaallada ay ugu jirto inay xaqiijiso nabadda, amniga, iyo xasilloonida dalka,
Wasiirka Waxbarashada oo Guddoomiyay shir gaar ah oo yeesheen guddiga gurmad qaran
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada XFS Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa haben-hore Gudomiyay shir ay yeesheen gudiga gurmad qaran, kaas oo ka dhacay Xarunta dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiiboyinka.
kulankaan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka XFS Dr Cali Xaaji, Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisulwasaaraha Xirsi Gaani, Gudomi-yaha Hay’ada Maareynta Musiib-oyinka Maxamud Macallin abdulle, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Shirkaan ayaa looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa qasaaraha guud xasuuqii al-shabaab ka geysatay Xeebta Liido, si guud dadka ay dhaawacyada soo gaareen ee ku kala jira isbitaallada kala duwan ee caasimada, waxyaabaha kale ee kulankaan looga hadlay waxaa kamid ah in dhaawacyada kuwooda daran dalka dibaddiisa loo qaado iyo in loo bandhigo dadka Soomaaliyeed gaar ahaan Ganacsatada si ay u caawin lahaayeen ehelada dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah ee isbitaalada yaalla.
Howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo ka socda gobolka Jubbada Hoose
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka wada deegaano ka tirsan Jubbada Hoose.
Howlgalada ayaa si gaar ah ciidamadu uga wadaan tuulooyin hoostaga deega-anka Buulo Xaji oo dhawaan laga saaray Ururka Al-shabaab oo mudo dheer gacanta ku haaysay deegaankaas.
Howlgalka ciidamadaan iskaashanaya shalay ka wadaan nawaaxiga deegaanka Buulo Xaji aya la xariira xaqiijinta amniga deegaankaas iyo xog kale oo sheegeysa in ciidamadu ay ka war heleen abaabul kooxdu ku qorsheyneysay iney weerar kusoo qaado markale Buulo Xaaji.
Todobadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii Raysal wasaraha Somalia Xamse abdi Barre uu boqasho ku tagay deganka Buulo Xaaji, waxaana booqashadaas uu ku dhiiragalinaayay Raysal wasaaraha howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab oo ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Daraa-wiishta Jubaland ka wadaan deegaanada maamulkaas.
Cali Guudlaawe:”Laga Bilaabo shalay Deegaanka Biyo-Cadde waa degmo Buuxda”
Madaxwenaha Hirshabelle ali abdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo boqasho ku tegey deegaanka Biyo Cadde ee gobolka Sh/dhexe ayaa ku dhawaaqay in laga bilabo shalay ay tahay Biyacde degmo buuxda.
Cali Gudlaawe Xusen madaxweynaha Hirshabelle oo uu weheliyo ku xigenkiisa Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa kumanaan ruux oo ku soo dhaweysay Biyo-Cadde hadal uu u jeediyay waxa uu ugaga dhawaaqay degmanimada Biyo Cadde isla markana uu golaha wasiirada iyo golaha baarlamaanka horgeyn doono si ay u ansixiyaan faafinta rasmiga ahna ku soo saari doono.
"Shalay waxaad rabtaan ayaan aqaan laga bilabo 4-ta August-2024 Biyo Cadde waa degmo buxda.” ayu yiri Madaxweyne Guudlaawe isagoo la hadlayay dadkii soo dhaweeyay.
Madaxwenaha Hirshabelle ali Gudlawe ayaa ugu baaqay shacabka reer Biyo Cadde inay midoobaan lana shaqeeyaan maamulka ka jira iyo mamulada mustaq-balka ay yeelan doonto.
"Ma horumari karto deegan aan dadkisa mideysnan, mamulka jira halala shaqeyo, mamulada iman donana halala shaqeyo.” ayuu yiri Madaxweyne Guudlaawe.
Cali Guudlaawe Xuseen ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in uu noqdo mas’uulkii ugu horeeyay ee shacabka Biyo Cadde weydiiya baahidooda.
"Waxaan ku faraxsanahay inaan noqdo mas’uulkii ugu horeeyay ee tan iyo markii la soo degey magaaladan sanadkii 1957dii weydiiya waxa ay u baahan yihiin inaan noqdo” ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabelle ali Guudlaawe. Madaxweyne ali Guudlawe ayaa sheegay in mashaariic kala gedisan laga hirgelin dono degmada Biyo Cadde.
Wafdiga Madaxweynaha Hirshabeelle ali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa muddo saddex toddobaad ah waxa ay kormeer ku marayaan degmooyin ka tirsan gobolada Sh/dhexe io Hiiran iyado degmoyinkas uu madaxwene Guudlaawe dhagax dhigey mashaariic cusub halka uu xarrigana ka jaray mashaariic laga hirgeliyay.
Iiraan oo soo bandhigtay baaritaanka qaabkii loo dilay Ismail Haniya
Ilaalada kacaanka Iran (IRGC) ayaa sheegay in "Saaruukh meel dhaw” laga soo tuuray goob aan sidaas uga fogeyn guriga martida ee Tehran.
Koox ka tirsan militariga Iran ayaa sheegay in gantalka uu culeyskiisu ahaa 7kg(16lbs)uuna sababay "qarax xoogan”, oo ay ku dhinteen Haniyeh iyo ilaaladiisa arbacadii la soo dhaafay.
Ilaalada Kacaanka Iran ayaa Israa’iil ku eedeeyay in ay naqshadeeyeen oo ay fuliyeen hawlgalka, balse Israa’iil kama aysan hadlin geerida Haniyeh.
Wargays laga leeyahay dalka Ingiriiska oo lagu magacabo Daily Telegraph, ayaa baahiyay in Haniyah lagu dilay bambaa-nooyin ay qolkiisa ku xireen wakiilo ka tirsan hay’ada sirdonka Israel ee Mossad.
Iran ayaana been abuur ku tilmaamtay wararkaas, Isagoo soo xiganaya saraakiil Iiraani ah, wargeysku wuxuu sheegay in laba ka midah wakillada Mossad ay galen guriga martida oo ay walxaha qarxa ku xireen saddex qol.
Iiraaniyiinta oo daawaday muuqallada CCTV-ga ee hawl-wadeennada, ayaa sheegay in labadoodu ka dib dalka ka baxen ka hor intii aanay qarxin bamboo-inka meel ka baxsan Iran.
Wargeska New York Times aya sido kale sheegay in Haniyeh lagu dilay walxaha qarxa oo qolkiisa lagu dhex qarxiyay, isago sheegay in la sii aasayay labo bilood ka hor. BBC ma aysan awoodin inay xaqiijiso sheegashoyinkan.
Laakiin mas’uuliyiinta Xamaas ayaa BBC-da u sheegay horantii toddobadkan in Haniyeh uu horay u joogay isla guriga martida. Waxa uu ilaa 15 booqasho ku tagay Iran tan io marki u noqday madaxa xafiiska siyaasada sanadkii 2017.
Ilaalada Kacaanka iyo dowladda Iran aya lagu tilmamay inay ku guul dareysten sugidda amaanka.
Waxaa la xiray tobaneeyo sargaal oo ka tirsan ilalada kacaanka iyadoona lagu sameeyay shaqo joojin sida ay warisay New York Times.
Si kasta oo ay ahaataba qaabka uu u dhintay Haniyeh, Iran iyo Xamaas labad-uba waxa ay wacad ku mareen in ay aargudan doonaan.
IRGC ayaa Sabtidii sheegtay in Israa’iil ay heli doonto "ciqaab adag waqtiga, goobta iyo habka ku habboon”.
Ururka Xisbullah, oo ay Iran taageerto iyo kooxda siyaasadda ee Lubnaan, ayaa sidoo kale wacad ku maray inay ka aargoosan doonto. Mid ka mid ah taliya-yaashoda ugu sareya, Fu’ad Shukr, ayaa lagu dilay weerar ay Israa’iil qaadday Talaadadii hore.
Ka dib markii hawlgal ay Israel ku dishay IRGC Brig Gen Mohammad Reza Zahedi horaantii sanadkan, Iran ayaa 170 diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ah, 30 gantaal oo nooca Cruise-ka ah iyo ugu yaraan 110 gantaal oo ballistic ah u riday dhanka Israel.
Somaliland: Xisbiga Waddani iyo Ururka Kaah oo heshiis is kaashi kala saxeexday
Xisbiga mucaaradka ah ee Wadani iyo Ururka Kaah ee Somaliland ayaa saaka magaalada Hargaysa ku kala saxeexday heshiis rasmi ah oo iskaashi.
Dhinacyada ayaa ku heshiiyay in taageerayasha Kaah u codeeyaan mush-arraxiinta Waddani ee madaxtooyada isla markaana, Kaah saami laga siiyo xuku-mada Cabdiraxmaan Cirro, soo dhisayo haddii uu guullaysto.
Waxa kale oo ay ku heshiiyeen in dastuurka dib loo furo, isla markaana dib u eegis lagu sameeyo nidaamka saami qaybsiga kuraasta Somaliland, si dadka reer Awdal matalad dheraad ah loo siiyo.
Waxa ay dhinacyadu isla qaateen in ay lama taabtaantahay midnimada dhuleed ee Somaliland, gobolka iyo shacabka reer Sool na ay muhiim u yihiin dhismaha Somaliland, sidaa darteedna xaalada gobolka si nabad ah lagu xalin doono hadii ay doorashada ku guulaystaan.
Xisbiga Waddani ayaa baryahandanbe waday dardar iyo awood taageero oo ababul badani ka muqdo, taasi uu xisbigu rabo in uu ku fuulo kursiga madaxtoyada Somaliland.
Macluumaad la xiriira: Xiisadda iyo cabsida ka jirta Bariga Dhexe
Ka dib dilkii Ismail Haniyeh ee Arbacadii loogu gaystay dalka Iran, xaalada Bariga Dhexe aya tan iyo xilliga ahayd mid aad u kacsan, iyadoo indhaha caalamkana ay ku sii jedan jawabta la filayo in ay Iran ka bixin doonto.
Wararka ayaa sheegaya in Israel ay hegan gelisay dhamanba ciidamadeda, lana kordhiyay saacadaha shaqada ee ciidamada iyo weliba kooxaha gurmadka degdegga.
Xafiiska Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa mar sii horreysay sheegay in Israel ay u diyaa-rgarowday maalmo adag oo soo socda.
Wadamada reer galbeedka ayaa muwaadiniintooda kala baxaya dalalka Lubnaan, Iran iyo Israel, waxaana xusid mudan in inta badan diyaradaha raka-bka ee reer galbeedka ay hakiyeen duulim-aadyadii ay ku tagi jireen Israel, sababo dhinaca ammaanka ah.
Dadaaladii diblomaasiyadeed ee ay horkacayeen Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa u muuqdo kuwo aan miro-dhalin, ka gadaal markii ay Iran ku adkeysatay in ay waajib tahay inay ka aargutaan Israel.
Taliska Ilaalada Kacaanka Iran ayaa Sabtidii daraad soo saaray natiijada baaritaanka ee qaabkii loo dilay Ismail Haniyeh, Hogaamiyihii Ururka Xamaas.
Taliska ayaa warsaxafaded ku sheegay in Ismail Haniyeh lagu dilay gantaal nooca ridada gaaban ah, kaas oo laga soo tuuray bananka hoygii uu marxumku ka deganaa Magaalada Tehran.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in gantaalka uu ka koobnaa walxa qarxa oo culeyskodu gaarayo 7kg, kaas oo laga soo tuuray meel ka baxsan hoyga martida.
Taliska Ilaalada Kacaanka Iran ayaa ku hanjabay in Israel ay la kulmi doonto ciqaab adag, waqtiga ku habboon.
Madaxweyne Kuxigeenka 1aad ee Iran, Mohammadreza Aref ayaa sheegay in Iran ay ka go’an tahay in ay si buuxda u garab istaagto buu yiri shacabka Falastiiniyiinta ee dulman, isla-markaana ay gacan ka gaysato xoreynta Magalada Qudus ee ay Israel xoogga ku haysato.
Madaxweyne Kuxigeenka ayaa dunida Muslimka ugu baaqay in ay xaqiijiyaan in hafafkooda koowaad uu noqdo qaddiyadda qaranimada Falasti-iniyiinta iyo xoreynta Qudus.
Warbaahinta caalamiga ah oo soo xiganeysa ilo sirdoon ayaa tebineysa in aysan Iran ka waaban doonin inay maalmaha soo socdo weerarto Israel, walow aan la aqoon nooca uu aargoo-sigeedu noqon doono.
Warbaahinta ayaa sheegeysa in Ururada Xisbullah (Lubnaan) iyo Xuut-hiyiinta (Yemen) ay ka qayb qaadan doonaan jawaabta ay Iran kaga aargudan doonto fara-gelinta lagu soo sameeyay dalkeeda iyo dilkii Hogga-amiyihii Xamaas loogu gaystay Caasimadda Tehran.
Dhanka kale maraakiibta Marey-kanka ee xambaara diyaaradaha dagalka ayaa ku soo wajahan gobolka, si Israel loogu gacan siiyo in ay iska difaacdo weerarka kaga iman kara Iran.
Pentagon-ka Mareykanka ayaa sheegay in Washington ay xoojin doonto difaaceeda gobolka, ka dib hanjaabadaha Iran iyo xulafadeeda gobolka, sida Xisbullah, Xamaas iyo Xuuthiyiinta.
Wasiirka Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin ayaa saxiixay in maraakiib dheeraad ah, oo ay ku jiraan kuwa wax burburiya loo diro gobolka, kuwaas oo soo ridi kara gantaalaha ballaastikada, kuwa cruise-ka iyo weliba diyaaradaha drones-ka.
Inkastoo Aqalka Cad ee Mareykanka uu walaac ka muujiyay dilkii Ismail Haniyeh iyo xiisadda sii kordheysa ee gobolka ka jirta, haddana Washington ayaa waxaa ka go’an inay difaacdo Israel.
Israel ayaa waxaa loo tixgeliyaa saaxiibka ugu weyn ee Mareykanka uu ku leeyahay Bariga Dhexe, inkastoo Tel Aviv ay lumisay taageerada shacabka Mareykanka, sababtu tahay dembiyada ay ka gaysaneyso Marinka Gaza.
10 bilood oo Israel ay duqaymo aan kala sooc lahayn ka waddo Marinka Gaza ayaa galaaftay nolosha ku dhawaad 40 kun oo dad rayid ah iyo dhaawaca ku dhawaad 100 kun oo kale.
Dagaalkan ayaa gobolka iyo dunidaba ka abuuray carro xoog leh, iyadoona ay bulshada caalamka diidan tahay qaabka ay Israel u waddo daga-alkeedan, oo gebi ahaanba baalmarsan xeerarka caalamiga ah ee bani’aa-dannimada iyo kan dagaalka.
Hadda ayaa waxaa xaaladda uga sii daray dilkan siyaasadeed ee Israel lagu eedeynayo inay u gaysatay Madaxii Xafiiska Siyaasadda ee Xamaas, Ismail Haniyeh.
Falcelin kasta oo Mareykanka iyo Israel ay ka bixiyaan jawaabta Iran ayaa soo dedejin karta isku dhac balla-aran oo gobolka oo dhan ah.
Xeel-dheereyaasha qaarkood ayaa ku andacoonaya in Ruushka iyo Shii-naha aysan faarujin doonin garabka xulafadooda Tehran, haddii uu dagaal toos ah dhex maro Iran iyo Israel, oo taageero ka helaysa xulafadeeda reer galbeedka, tanina ay mugdi badan gelin doonto mustaqbalka gobolka.
Si kastaba ha-ahaatee cabsida sii kordheysa ee haatan la muujinayo ayaa ah in jawaabta Iran ee ka dhanka ah Israel ay noqoto mid aan xadidneyn.
Muxuu heshiiska isbahaysi ee Waddani iyo Kaah ka beddeli karaa saaxada Tartanka doorashooyinka Somaliland
Magaalada Hargeysa, waxa shalay heshiis isbahaysi siyaasadeed oo ay yeelan doonaan ku kala saxeexday Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani iyo Urur-siyaasadeedka Kaah.
Heshiiskan oo guddoomiyeyaasha Kaah iyo Waddani, Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Murrashaxa Xisbiga Waddani Cab-diraxmaan Cirro kala saxiixdeen, ayaa nuxurkiisu ahaa sidii ay u yeelan lahaayeen iskaashi iyo isbahaysi dhinaca doorashooyinka ah.
Madasha heshiiskan lagu gaadhay, ayaa waxay labada dhinac ku balan qaadeen in ay si wadajir ah uga shaq-aynayaan sidii Somaliland uu uga dhici lahaa isbeddel siyaasaddeed, oo ay ugu yeereen "mid badbaado u ah Somaliland".
Waa tallaabadii siyaasadeed ee ugu horreysay ee ay qaadeen Kaah iyo Wadani ka hor doorashada isku sidkan ee madaxtooyada iyo Ururrada ee la filayo inay ka qabsoonto Somaliland bisha Nofember ee sanadkan.
Dadka ka faallooda siyaasadda Jamhuuriyada iskeed Madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa qaba in doorashada Nofember ay tahay mid ka mida doorashooyinkii ugu adkaa dhanka loolanka.
Maxay tahay sababta uusan 100 sano ka dib isku beddelin maydka hoggaamiyahan mar laga yaqaanay Soomaaliya
Maxay yihiin qodobada ay ku heshiiyeen Wadani iyo Kaah
Hoggaanka Xisbiga Waddani iyo Urur-siyaasadeedka Kaah, waxa ay qalinka ku duugeen heshiis iskaashi siyaasaddeed ah oo ka koobnaa seddex iyo toban qodob.
Qodobka heshiiska ugu saamaynta badan ee la saxiiday waa in ururka Kaah ay "taageerayaashiisu u code-yaan doorashada soo aadan mura-shaxa madaxeyne ee xisbiga Wadani Cabdirixmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro".
Halka Ururka siyaasadeedka Kaah uu isna wax ka heli doono xukuumada uu soo dhisi doono Xisbiga Waddani "haddii ay doorashada ku guulaystaan".
Arrinta xusida mudan waa in taageerayaasha Ururka Kaah ay leeyihiin laba codayn oo kala ah inay doortaan Xisbi maadaama ururrada ay galayaan tartanka ay ugu gudbayaan Xisbi, iyo Murashax madaxweyne, maadaama ururkoodu uusan lahayn murashax madaxweynanimona ay codkooda u weecin doonaan Cabdi-rixmaan Cirro oo xilka Madaxweynaha u taagan.
Waxaa kale oo labada dhinac ay ku heshiiyeen in dib loo furo dastuurka Somaliland, si dib u eegis logu sameyo hannaanka Saami qaybsiga iyo in xalka Gobolka Sool loo maro nabad iyo wadahadal.
Maxay ka yidhaahdeen Hoggaanka labada dhinac isbahaysigan ay sameeyeen
Isbahaysigan siyaasadeed ee ay Waddani iyo Kaah yeesheen, ayaa masuuliyiinta labada dhinaca ku tilmaameen mid hormuud ka noqonaya isbeddel siyaasadeed oo Somaliland ka dhaca 13 Bisha November, 2024.
Afhayeenka Xisbiga Waddani Maxamed Faarax oo la hadlay BBC-da, ayaa sheegay in Isbahaysigan uu yahay mid dhabbaha u xaaraya in Xisbiga Waddani ku guuleysto talada Somaliland "Heshiiskan waa mid taariikhi ah oo shacabka Somaliland dan u ah, waxaanu si wadajir ah uga shaqaynaynaa sidii Waddanka loo badbaadin lahaa" ayuu yidhi Afhayeenka Xisbiga Waddani.
Somaliland, waxa iska diiwaan geliyey 10 urur-siyaasadeed oo u tartami doona doorashada, haddaba muxuu Xisbiga Waddani uga xushay in uu heshiis la galo Kaah. Afhayeenka Xisbiga Waddani oo su'aashan BBC-da weydiisay ayaa yiri "Ururka Kaah.
Waa kan ugu tunka weyn marka Ururrada kale la eego, waxaan is leeyahay isbeddelkaas waad ka wada shaqaynaysaan waa mid guulaysan doona. Ururrada kale waan soo dhawaynaynaa in aan heshiis noocan oo kale ah la galno"
Afhayeenka Urur-siyaasadeedka Kaah, Xasan Cabdillaahi Mataan, oo u warramayey BBC, ayaa sheegay in heshiiskan yahay fursad weyn oo labada dhinac u fududaynaysa in ay guul ka gaadhaan doorashooyinka bisha November.
Afhayeen Mataan, waxa uu sheegay in Ururkooda Kaah doonayaan inay Xisbi Qaran noqdaan, isla markaana ay Waddani ku taageerayaan sidii Murrashaxiintiisu ugu guulaysan lahaayeen talada dalka "Heshiiskan ujeeddadiisa ugu weyn waa badbaada Somaliland. Waa heshiis lagu soo celinayo midnimadii iyo walaalnimadii shacabka Somaliland"
Maxaa keenay xilligan isbahaysigan
Heshiiska iskaashi ee Waddani iyo Kaah, waxa uu ku soo beegmay, iyada oo 100 maalmood ka hadhsan tahay doorashooyinka Madaxtooyada iyo Ururrada.
Dr. Axmed Faarax Iidle (Axmed Saki), oo ah Cilmi baadhe iyo Barre ka tirsan Jaamacadda Hargeysa, ayaa tilmaamay in sababta ay wakhtigan ugu soo beegeen heshiiskan ay tahay, "madaama doorashadu kaabiga u saaran tahay in cadaadis siyaasadeed ay saaran Xisbiga talada haya".
"Waxaad moodaa in Xisbiga Waddani isticmaalayo xeelad kasta oo uu ku doonayo inuu ku hanto talada Somaliland, waana tan keenaysa in xilligan uu isbahaysi la samaysto Ururka Kaah, oo ah mid miisaan leh" ayuu yidhi Dr. Axmed-saki Faarax oo u warramayey BBC-da.
Qorshaha ay shalay ku gaareen heshiiska labada dhinac ayey sheegen inay soo socotay muddo sanad ku dhow.
Heshiiskan muxuu ka beddeli kara dheellitirnaanta siyaasadda iyo doorashooyinka
Sida uu BBC-da u sheegay Dr Axmed Saki, in heshiiskan uu aragtiyo cusub ku soo kordhinayo saaxadda Siyaasaddeed ee Somaliland.
"In Urur iyo Xisbi tartan ka dhexeeyo in ay isbahaysi samaystaan waa arrin ku cusub Siyaasadda Somaliland."ayuu intaas raaciyey
Wuxuu intaa raaciyey in isbahaysigan uu culays ku noqon karo Xisbiga talada haya ee Kulmiye kaas oo Somaliland hoggaaminayey afar iyo tobankii sano ee la soo dhaafay.
Xisbiga Waddani, ayaa laftiisu doorashadan u tartami doonna sidii ku sii xajisan lahaa Xisbinimadiisa, sidaas oo kale ururka Kaah ayaa isaguna doonaya inu ka gudbo dayrka ururnimo oo ka mid noqdo saddexda ugu danbayn noqda Xisbi buuxa.
Halkaa markay joogto, Dr, Axmed Saki, oo ah falanqeeye si dhow ula socda siyaasadda Somaliland ayaa qaba in ururka Kaah iyo hoggaankiisu ay qaateen ‘khamaar Siyaasaddeeed’.
"Waxaa walaac badan ka taagan yahay, haddii taageerayaasha Wadani goostaan in keliya ay soo saaraan Xisbiga Waddani, isla markaana murrashaxiisa u codeeyaan, markaa waxaad moodaa in Ururka Kaah ciyaaray khamaar siyaasaddeed oo ah in ay lumiyeen dad xagga Xukuumadda ah iyo kuwa kale oo mucaarad ah, iskuna koobeen oo keliya taagee-rayaashooda iyo kuwa Waddani.”ayuu BBC-da u sheegay Dr Axmed Saki.
Waa markii labaad ee sidan oo kale ay Xisbi iyo Urur siyasaadeed heshiis isbahaysi iyo wadashaqayn kala saxiixdaan.
Sanadkii 2010-kii Xisbiga tallada haya ee Kulmiye oo xilligaas ahaa mucaarad ayaa heshiis isbahaysi ah la qalay urur la oron jiran Qaran kaas oo markii danbe ku biiray Kulmiye oo ay isku meel doorashada ka galeeen.
Jamhuuriyada Iskeed madaxbanaannida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa ka mid ah deegaannada gobolka bariga Afrika dadka codkooda ku soo doortaaan kuwa iyaga hoggaaminaya.
Halkan ka aqriso wararka wargeska mogtimes
.