halkaan ka akhriso wararka wargeyska mogtimes
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan Deg Deg ah la qaatay Laammaha Amniga
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Gudomiyey kulan deg deg ah oo ay isugu yimaaden laammaha Amniga dalka, kaasi oo hay’adaha amanka looga dhageystay warbixin ku saab-san weerarkii Al-shabaabtu ku qaaday shacabka Soomaaliyed e ku sugna xeebta Liido, qasaraha ka dhashay iyo qorshaha lagu xaqiijinayo amniga caasimadda.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mas’uliyiinta hay’adaha ammaanka hor dhigay weydiimo ku saabsan sida uu ku dhacay weerarkaasi, qaabka looga gaashaamankaro dhagarta Al-shabaab, iyo habka loogu gurmaday shacabka ay dhib-aatadu soo gaartay, isaga oo tacsi u diray dhamaan qoysaska iyo ehellada ay ka shahiiden shuha-dadii ku baxay weerarkii ka dhacay Xeebta Liido, isla markana cafimad degdeg ah u rajeeyey dadkii ku dhaawacmay.
"Innaa Lillaahi Wa Inna Ileyhi Raajicuun. Weerarkii bahalnimada ahaa ee argagixisadu ku qaadeen xeebta Liido waxa uu muujinayaa arxan darada Al-shabab io yolkoda oo ah in ay meel kasta ku gumadan shacabka Somaliyeed. Dowladda waxaa ka go’an in ay ka ciribtirto guud ahaan dalka kooxdan dhiigy-acabka ah.”
Madaxweyne Xasan Sheekh aya tilmaamay dhameystirka guusha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada ay ku xiran tahay taageerada iyo wadashaqeynta shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu shacabka ugu baqay in ay la shaq-eeyaan hay’adaha amniga, isla markana ay u midobaan sidii dalka looga cirib tiri lahaa Al-shabaab.
"Shacabka Soomaaliyeedow walalayal argagaxisada Al-shabab ah ma kala jecla shacab iyo dowlad, dhammaanteenna waxaan agtooda ka nahay cadaw ay baneysteen dhiigooda. U midooba ciribtirkooda, garab u noqda ciida-mada Qaranka oo soo sheega kuwa dhexdiinna ku dhuumanaya”.
Madaxweynaha ayaa xusay in Al-shababtu doonayso in werarada nuucaan oo kale ah ay ku argagax galiyaan shacabka Soomaaliyeed, isla markana ay ku qarinayan jabka is-dabajoga ah ee ay Ciidamad-ena Qalabka Sida ugu geysanayan furimaha dagalka, waxa uuna faray lamaha amniga dalka in ay fejignan dheerad ah u yeeshaan weerarada gaadmada ah ee Argagixisadu ku waxyeleyso shacabka Somaliyed.
Mas’uuliyiin kala duwan oo si adag ugu hadlay weerarkii bahalnimo ee Al-shabaabtu ka gaysteen Xeebta liido
Guddoomiyihii hore ee Golaha shacabka ee BJFS Maxamed Mursal oo si adag uga hadlay weerarkii habeen hore Al-shababtu ku beegsatay shacabkii ku sugnaa xeebta Liido aya sheegay in ficilkas foosha xun uu dadka iyo dowladda Somaliyed ku sii dhiirigelinayo inay cadowga Al-shabab ah deg deg u ciribtiraan.
Guddoomiye Mursal oo tacsi u diray ehellada dadkii ku dhintay weerarkaasi arxan darrada ah ee al-shabaabtu ku beegsatay dadka shacabka ah aya yiri "Falkii bahal-nimo ee ka dhacay xeebta Liido, waxa uu muujinayaa hadafka cad-awga Al-shabaab in uu yahay xasuqa, dabar-goynta iyo daadinta dhiigga dadkeenna qiimaha badan ee Soomaaliyeed.
Dhanka kale Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Geedi o la hadlay warb-ahinta qaranka ayaa tacsi u diray ehellada dadki ku dhintay wera-rkasi arxan darrada ahaa, isaga oo Alle uga baryay inuu cafimaad deg deg ah siiyo intii ku dhaawacmay weerarkii bahalnimada ahaa ee Al-shababtu ka gaysteen Xeebta liido.
Mudane Cali Maxamed Geeddi aya Dowlada iyo Shacabka Somal-iyed ugu baqay inay si deg deg uga jawaabaan weerarkii bahalnimada ahaa ee Al-shabaabtu ka gaysteen Xeebta liido, asaga oo xusay in Al-shabaabtu doonayso in weerarada nuucaan oo kale ah ay ku argagax galiyaan shacabka Soomaaliyeed.
Mas’uuliyiinta sida adag ugu hadlay werarkii bahalnimada ahaa waxaa kamid ah guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo sheegay in al-shabab markii looga itaal roonaaday goobaha dagaalka ay doonayaan inay gummaadaan shacabka aan waxba galabsan. "Xalka wuxuu ku jiraa oo kaliya inaan u midowno sidii Dalka looga ciribtirilahaa Al-shabaab ku soo dushay” ayu yiri Mudane Mungaab.
Ra’iisulwasaare Xamse: Falkii bahalnimo ee ka dhacay xeebta Liido waxa uu muujinayaa hadafka cadawga Al-shabaab in uu yahay xasuuqa Shacabka
Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Jamhuriyada Federalka Somalia Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku tilmaamay falkii bahalnimo ee kooxaha Al-shabab ah ku xasuqen habeen hore shacab Soomaaliyed oo ku fiidsanayay xeebta Liido, inu yahay mid ka baxsan diinta iyo dhaqanka suuban, oo lagu dabarg-oynayo jiritanka umada Somaliyed.
"Falkii bahalnimo ee ka dhacay xeebta Liido waxa uu muujinayaa hadafka cadawga Al-shabaab in uu yahay xasuuqa, dabar-goynta iyo daadinta dhiiga dadkena qiimaha badan ee Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u gurmadan dadkii ay dhibatadu ka soo gaartay qaraxa, kuwaas oo u baahan in wadajir loogu istaago gurmadkooda.
Mudane Xamsa ayaa tacsi u diray ehellada dadkii ku dhintay weerarkaasi arxan darrada ahaa, isaga oo Alle uga baryay in uu caafimaad deg deg ah siiyo intii ku dhaawacmay qaraxa.
Mas’uuliyiin isbitaallada Muqdisho ku booqday dadkii waxyeelada kasoo gaartay weerarkii al-shabaab
Gudomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcale oo uu wehliyo Wasiir ku xigenka Wasa-rada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumada Federaalka Soomaaliya Dr. Maxamed Xasan Bullaale ayaa qeyb wayn ka ah la socodka xaaladaha dhaawacyada dadkii waxyeelada kasoo gaartay weerarkii arxan darradda oo ay kooxda Al-shabaab ka geysteen xeebta Liido, isagoo booqday isbitaallada lagu dabiibayo dadka.
Mudane Yuusuf Xusen Jimcaale (Madaale) ayaa saqdii dhexe ee habeen hore qaar ka mid ah Isbit-alada Magalada Muqdisho ku boqday dhaawacyada dadkii waxy-elada kaso gaaray weerarkii arxan darradda oo ay kooxda Al-shabaab ka geysteen xeebta Liido.
Duqa Muqdisho ayaa dul istagay qaar ka mid ah dhaawacyada, asigoona warbixin ka dhageystay Takhatiirta la tacaalaya baxnaninta dhaawacyada. Waxa uu eebe ugu baryay caafimaad deg deg ah inta ay dhibatada kaso gaartay weerar-kaasi arxanka darnaa, asigoona janatul fardowsa u rajeyay shuha-dadii ku shahiiday werarkasi.
Gudomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dar-daarmay Takhatiirta iyo goobaha Cafimadka in sida ugu wanaagsan oo aan shuruud ku xirneyn ay ula tacaalan caafimaadka dadka ay dhibaatada kaso gaartay werarkii Arxandarada ee dhacay Liido, asigoona balan qaaday in Maamulka Gobolka Ban-aadir uu gacan ka geysan doonno garab istaaga iyo gacan siinta Bulshada Soomaaliyeed.
Dhanka kale dadka magaalada Muqdisho ayaa qeyb wayn ka ah u gurmashada dadka Soomaaliyeed ee waxyeelada kasoo gaartay weerarkii al-shabaab, iyagoo dhiig u shubaya dhaawacyada, waxaana badaha bulshada ka socota fariim-aha ku adan garab istaga dadkasi.
Ra” iisulwasaare Xigeenka Dalka: Xukuummaddu waxay laba jibaari doontaa gurmadka Shacabka
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukumada XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa shalay Gudo-miyay kulan looga hadlaayay sidii gurmad deg deg ah loogu fidin laha shacabkii habeen hore al-shabaab ku xasuuqday Xeebta Liido.
Sidoo kale waxa kulankan ka qayb ahaa Wasiirrada Warfaafinta, Waxbarashada, Cafimadka, Wasiir ku xigeenka Wasarada warfaafinta, Wasiiru Dowlaha Wasarada Amn-iga, Gudomiyaha Hay’ada Marenta Musiboyinka Qaranka io masuliyin kale.
Waxa Shirkan Wasarada cafimad-ka iyo hay’adda SoDMA looga dhagestay xalaadihii u dambeeyey iyo khasaaraha uu geystay Qaraxu kaas oo ah 32 dhimasho ah iyo 63 dhaawac ah.
Dad shacab ah oo ku geeriyooday Miino kooxda Al-shabaabtu dhigtay jidka u dhexeeya Jowhar iyo Balcad
kooxda al-shabaab ee arxanka daran aya saaka qarax miino noca dhulka la geliyo ah u dhigtay Dad Shacab ah o ku safrayey Wadada u dhexaysa Magaloyinka Jowhar iyo Balcad.
sida ay Wakalada SONNA ku hes-hay xog hordhac ah Gariga Qaraxa loo dhigay ayaa waxa saarnaa 11 qof oo Shacab waxana halkaas ku geeridooyaday 7 qof oo ka mid ah Rakaabkii Gaariga waxa sidoo kale Dhawacyo kala duwan soo gaaray 4 qof oo kale.
Dadka Shacabka ah ee Al-shababtu qaraxa ku laysay ayaa waxa ku jira Dumar iyo Caruur yar yar.
Wasiirka Caafimaadka XFS oo booqday Shacabkii ku dhaawacmay Qaraxii Liido
Wasiirka Wasarada Caafimadka iyo daryeelka bulshada Xukumada Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Adam aya Isbitalada Erdogen iyo Madiina ku boqday Muwadininti Somaliyed ee ku dhawacmay wer-arkii bahalnimada ahaa ee kooxda Al-shabab ka geysatay Xeebta Liido.
Wasiirka ayaa dhaawacyada u dul istaagey mid mid isagoona xog-waresanayey dhawacyada xaala-doda Cafimad ay soo hagaageyso ee kari karey in ay hadlaan si uu u hubiyo in ay hellen Daryel Cafimad oo ku filan.
Wasiirka ayaa Maamulka iyo Dhaqaatiirta Isbitaalada Recep Tayyip Erdoğan (Ex Digfeer iyo Madiina ka dhageystey warbixin ku saabsan xaaladda dhaawacyada la soo gaarey ilaa habeen hore.
Wasiirka Caafimaadka ayaa dhaawacyada Alle ugu baryey in Caafimaad deg deg ah siiyo, waxa uuna Rabbi ugu baryey dadkii ku naf waayay weerarkii bahalnimada ahaa ee habeen hore khawaariktu ka geysatay Xeebta Liido in naxariistii janno uu ku arsaaqo, waxa uuna sidoo kalana sheegey in Wasaaradda Caafimaadka ay si dhow ugu warqabi doonto talabo-yinka la xiriira baxnaninta muwa-diniinta Soomaaliyeed ee arxan laawayaasha waxyeeleeyeen.
Culimada Soomaaliyeed” Al-shabaabtu waa qoom Alle fidneeyay, shacabka waxaan ugu baaqeynaa in ay iska qabtaan,”
Culumada Soomaaliyeed ayaa si weyn u cambaareysay weerarkii habeen hore kooxda Al-shabaab arxanka daran ay ku qaadeen Maqaayadda Peach View oo ku taal xeebta Liido, halkaas oo ay ku layen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
Culumada ayaa sheegtay in caqli, sharci iyo Diin midnka ku bannaaneyn falka dadkaas marasta ah ay ku gumaadeen Al-shabaab, waxayna ku tilmaameen masiibo weyn waliba fool xun.
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah guddoomiyaha Hay’adda Culumada Soomaaliyeed ayaa sheegay in caqiiqdo iyo Diin sheegeysa aysan jirin in shacab muslin ah goob qura lagu wada laayo, wuxuuna ku baaqay in ay la sii laba jibaaro dagaalka lagula jiro Al-shabaab dhiigya cabka ah.
"Caqiido iyo Diin sheegaysa ma jirto in dad Muslimiin ah oo meel iska joogo la laayo, dowladda waxaan ugu baaqayaa in ay dagaalka sii labo jibaarto”. ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad.
Sidoo kale, Sheekh Maxamed Aadan oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed kana hadlay wixii habeen hore Al-shabaab ka fulisay Muqdisho ayaa hoosta ka xariiqay in Al-shabaabtu tahay aqoom Alle fidneeyay, shacabka Soomaaliyeedna looba baahan yahay in ay iska qabtaan.
” Marka hore waxaan leeahay inaa lilaahi waa inaa ileyhi raajicuun, waxa meeshaas ka dhacay waa masiibo weyn, masiibo wali tan ugu fool xun ah, waxaan ku cambaareyneynaa erayada ugu adag, waa wax Islaamku beri ka yahay, wax Ilaah beri ka yahay waa waxa meesha ka dhacay, dad aan dambi gelin, cid ku xukuntay aanay jirin inta ay u soo galaan ay laayaan caqliyan, sharciyan iyo Diiniyan midna kuma bannaana, dadkaas ilaahey ha u naxariisto waa laga gardarnaayeen”.
Ummadda Soomaaliyeed ayay Culumada ugu baaqeen in ay soo baxaan oo ay iska qabtaan cadowga Al-shabaab, kuwaas oo si naxariista daro oo fool xun u laaynaya shacabka marasta ah.
Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in goobta uu isku qarxiyey naftii Halige isku soo xiray walxaha qarxaha, kaas oo sababay dhimashada 32 qof oo Shacab ah iyo 63 dhaawaca sida lagu ogaaday xogta hordhaca ah.
Sidoo kale, ciidamada Dowladda ayaa gacanta ku dhigay Gaari Al-shabaabtu ka soo buuxiyeen walxaha qarxa sidoo kalena goobta ku qabteen dhagar qabihii waday Baabuurka, sidoo kale Afhayeenka ayaa xusay in intii hawlgalku socday Ciidanka Ammaanka uu halkaas kaga shahiiday hal Askari mid kalena ku dhaawacmay.
Booliiska oo ka warbixiyey khasaraha ka dhashay qaraxii Liido
Afhayeenka Ciidanka Booliiska soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifataax Aadam Xasan oo goor dhowed Shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyey weerar habeen hore kooxaha Al-shabaab arxanka daran ku qaadeen Maqaayadda Peach View oo ku taal xeebta Liido goobtaas oo ah goob Dadka Shacabka ahi wakhtigooda ku qaataan.
Afhayeenka ayaa sheegay in goobta uu isku qarxiyey naftii Halige isku soo xiray walxaha qarxaha taas oo sababtay dhimashada 32 qof oo Shacab ah iyo 63 dhaawaca sida lagu ogaaday xogta hordhaca ah.
Afhayeenka ayaa sheegay in Ciidanka Ammaanku ka hortageen saddex xubnood oo ka tirsanaa al-shabaab kuwaas oo rabay in ay guddaha Hotelka ku laayaan Shacabkii guddaha ku jiray isla goobtana ay ku toogteen Ciidanka ammaanku.
Dhinaca kale Afhayeenka Ciidanka Booliiska ayaa xaqiijiyey in ay Ciidanku gacanta ku dhigeen Gaari Al-shabaabtu ka soo buuxiyeen walxaha qarxa sidoo kalena goobta ku qabteen dhagar qabihii waday Baabuurka, sidoo kale Afhayeenka ayaa xusay in intii hawlgalku socday Ciidanka Ammaanka uu halkaas kaga shahiiday hal Askari mid kalena ku dhaawacmay.
Ciidamada Ammaanka oo soo afjaray weerarkii al-shabaab ee Xeebta Liido
Ciidamada Ammaanka ayaa goor dhow soo afjaray weerar ay kooxaha Al-shabaab kusoo qaadeen shacab ku caweynayey xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.
Ciidamada ayaa toogtay 5 Al-shabaab oo ahaa dhagarqabeyaashii weerarka soo qaaday halka dhagarqabe kalena uu naftiisa ku haligay xeebta Liido ayadoo qaraxaasina uu saameeyey shacabkii xeebta ku caweynayey.
Taliska Qeybta Guud ee Booliiska Gobolka Banaadir ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in weerarkii Argigixiso ay Ciidammadu soo af jareen goor dhow islamarkaana ay dadkii ugu badnaana ay Ciidanku soo bad baadiyeen.
Dhinaca kale Ciidamada amanka ayaa fashiliyey gaari walxaha qarxa ay Al-shabaabtu kusoo diyaarsadeen si ay Shacabka Caasimadda ugu wax yeeleeyaan. Waxaana ciidammada ay gacan ka geysteen in dhaawacyada loo gurmado oo isbitaallada la geeyo.
Ciidanka Xoogga dalka oo si hagar la’aan ah dhiigga ugu shubay shacabkii lagu beegsaday xeebta Liido
Ciidanka geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa shalay safaf u galay si ay uga qeyb qaataan gurmadka dadka shacabka ah ee habeen hore Argagixisadu ay ku dhibaateeyeen xeebta Liido dhiigna u shubaan.
Ciidanka xoogga dalka ayaa gacanna waxay kula dirirayaan cadawga arxanka daran, gacana bulshada ayay ku caawinayaan, waxayna shalay si hagar la’aan ah isugu xil-qaameen inay dhiigooda u shubaan Shacabka Soomaaliyeed ee argagixisadu ay dhibaatada u gaysateen
Hoggaanka Caafimaadka ee XDS, ayaa isku xilqaamay in laga qeyb-qaataan gurmadka dadka shacabka ah ee habeen hore dhibaatada ay gaarsiiyeen Argagixisadu.
Kooxda nafta la caariga ah ee al-shabaab ayaa habeen hore weerar bahalnimo ah ku qaaday dad shacab ah oo ku sugnaa xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis.
Orodyahan Soomaali Canadian ah oo kaalinta 4aad ka galay tartanka orodada ee Paris
Orodyahanka reer Canada Moh Ahmed, oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya ayaa ku dhameystay kaalinta afaraad tartanka Olombikada ee ka socda Paris.
Axmed ayaa ku orday 26:43.79, isagoo wax ka yar ilbidhiqsi ka hoos maray orodyahanka bilada dahabka ah ee Joshua Cheptegei oo u dhashay Uganda, kaas oo dhigay rikoorka Olombikada 26:43.14.
Iyadoo 300 mitir ay ka harsan tahay, ayuu Axmed bilaabay orodkiisii ugu dambeeyay, si uu u helo bilad uu si dirqi ah ku seegay seddex sano ka hor tartankii Tokyo. Inkasta oo uu dedaal badan sameeyay, haddana waxa uu ka tallaabay xariiqda ka dambaysa isagoo ka dambeeyay Berihu Aregawi oo u dhashay Ethiopia iyo Grant Fisher oo u dhashay dalka Maraykanka, kuwaas oo ku kala guulaystay Qalin iyo Maar.
Orodyahanka Somali-Candian ayaa noqday kii abid ugu wacnaa ee uu abid nin Canadian ah ka gaaro orodka 10,000m ee Olimbikada, isagoo ka soo fiicnaaday rikoorkiisii kaalinta lixaad ee tartankii Tokyo.
Axmed oo 33 jir ah waxa uu ku dhashay Soomaaliya kuna koray St. Catharines, Ontario. Waxa uu tababar la qaataa naadiga Bowerman Track Club ee dalka Mareykanka.
Waxa uu Olombikada soo galay kaalinta shanaad ee caalamka, isagoo ka soo gudbay dhaawacyo muruqa ah horaantii sanadkan si uu ugu soo baxo.
Taageerayaasha Canada iyo Soomaaliya ayaa si weyn u sugaya bandhiga xiga ee Axmed ee tartanka 5000m.
Dowladda Iiraan oo xirtay saraakiil fududeysay dilka Ismaaciil Haniya
Iiraan ayaa xirtay 24 xubnood oo katirsan Nidaamkeeda oo iskugu jira Saraakiil Amni & Askar, sabab la xariirta ku lug lahaanshaha dilkii Ismaaciil Haniya, waxaana ku jira xubno sare oo katirsan Sirdoonka dalkaas.
Faahfaahin dheeraad ah ma aysan bixin Xukuumadda Tehran, waxaana dadka la xiray laga aruuriyey dhammaan telfoonadoodii gacanta iyo dhammaan aaladaha Isgaarsiinta.
Xubnahan waxaa ku socoto baaritaano, iyadoo la filayo in warbaahinta lala wadaago.
Mida aan shakiga laheyn, waa in ay jireen fududayaal katirsanaa dhinaca Iiraan oo bixiyey macluumaadka deegaanka Hanuya, geynta agabka qaraxa & wax kasta oo ay u baahnayd Israa’iil.
Xaaladda Bariga Dhexe oo sii xumaaneysa iyo Mareykanka oo diraya ciidamo dheeraad ah
Xafiiska Pentagon-ka Mareykanka ayaa sheegay in milatariga Maraykanku uu gobolka geyn doono dagaalyahanno iyo maraakiib dagaal oo dheeraad ah, iyadoo ay sii kordhayso cabsida laga qabo in Iiraan ay ka aargoosato Israa’iil ,kadib dilkii Tehran loogu geystay madaxii siyaasadda ee Xamaas Ismail Haniyeh.
Hadaladaan ayaa soo baxaya xilli saddex carruur ah, qof dumar ah iyo oday waayeel ah lagu dilay duqeyn ay Israa’iil ka geysatay magaalada Gaza, sida uu sheegay difaaca rayidka ee Falastiin.
Dhinaca kale, Kumanaan kun oo baroordiiqayaal ah ayaa isugu soo baxay guud ahaan deegaanada Bariga Dhexe,gaar ahaan Lubnaan, Yemen iyo Urdun si ay u xusaan Haniyeh ka dib markii lagu aasay Qatar.
Qaramada Midoobay waxay sheegtay in ku dhawaad saddex-meelood laba meel dhammaan dhismayaasha Marinka Qaza oo ah in ka badan 151,000 oo dhisme ay ku waxyeeloobeen ama ku burbureen weerarrada Israa’iil tan iyo 7-dii Oktoobar.
Ugu yaraan 39,480 qof, oo ay ku jiraan 16,314 carruur ah, ayaa la dilay 91,128 kalena waxaa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza.
Somaliland oo cambaaraysay weerarkii habeen hore lala eegtay Xeebta Liido
Xukuumada Somaliland ayaa cambaaraysay weerarkii dadka badani ku dhinteen ee habeen hore lagu qaaday dhallinyaro ku cawaynaysay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.
Qoraal iskugu jiray tacsi iyo cambaarayn oo kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibbada, ayaa lagu sheegay in xukuumada Somaliland ay ka xumaatay weerarka lagu laayay dadka ka badan 30 ka qof oo ay masuuliyadiisa sheegatay kooxda Al Shabaab.
"Waxa aad noo murugo galiyay, oo aanu ka naxnay weerarkii arxanka darnaa ee argagixiso ee lala beegsaday Xeebta Liido, kaasi oo galaaftay nafo badan oo ah shacab aan waxba galabsan, kuwaasi oo u badna dhallinyaro" ayaa lagu yidhi qoraalka wasaarada.
Xukuumada Somaliland ayaa u tacsiyaysay qoysaska iyo qaraabada dadkii ku geeriyooday weerarka "Waxaanu la dareenahay dhammaan qoysaska shacabka ah ee ay dhibaatadu ku dhacday wakhtigan adag" ayaa lagu yidhi qoraalka.
Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkan oo ay ku dhinteen ugu yaraan 30 qof isla markaana ay ku dhaaacween dad ka badan 60 qof. Weerarkan ayaa ah kii ugu khasaaraha badnaa dhawaanahan ka dhaca magaalada Muqdisho.
Weerarka ayaa dhacay habeenimadii Jimcihii xili ay dad badani ku cawaynayeen Xeebta Liido oo ay habeenada fasaxa u caways yimaadaan.
Madaxda dowladda Fedaraalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo madaxdii hore oo ka hadlay weerarkii Xeebta Liido
Madaxda sare ee dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo uu ugu horeeyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Madoobe ayaa si adag u wada cambaareeyay weerarkii Habeen hore kooxda Al-shabaab ka geysatay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray dhamaan qoysaska iyo ehelada ay ka baxeen dadkii shacabka ahaa ee Habeen hore lagu dlay weerarkii ka dhacay Xeebta Liido, isagoona caafimaad deg deg ah u rajeeyey kuwa ku dhaawacmay weerarkaas.
Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo ka hadlay weerarkaas ayaa dhankiisa ku tilmaamay inuu ahaa weerar fulaynimo oo ka baxsan diinta iyo dhaqanka suuban oo lagu dabargoynayo jiritaanka umadda Soomaaliyeed.
"Falkii bahalnimo ee ka dhacay xeebta Liido waxa uu muujinayaa hadafka cadawga Al-shabaab in uu yahay xasuuqa, dabar-goynta iyo daadinta dhiigga dadkeenna qiimaha badan ee Soomaaliyeed." Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa cambaareeyay weerarkii habeen hore ku qaaday kooxda Al-shabaab shacab badna dhalinyaro ku fiidsaneysay xeebta Liido ee Magaaladda Muqdisho, isagoo weerarkaas ku macneeyay heerka ay gaarsiisan tahay cadowtinimada kooxda.
"Waxaan xanuunka iyo murugada la qeybsanayaa ehelada, qoysaska iyo asxaabta dadkii ay waxyeelada soo gaartay, dhamaan dadkii halkaasi ku geeriyooday waxaan alle SWT uga baryayaa inuu naxariistiisa jano ka waraabiyo kuwii ku dhaawacmayna bogsiimo deg deg ah siiyo" ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe.
Madaxweynayaashii hore ee dalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Sharif Sheekh Axmed ayaa dhankooda si adag u cambaareeyay weerarkii habeen hore ka dhacay Xeebta leedo ee magaalada Muqdisho, iyagoona weerarkaas ku sheegay mid ka baxsan diinta iyo dhaqanka Umadda Soomaaliyeed, waxay ku baaqeen in loo midoobo la dagaalanka Al-shabaab.
Waxaa sido kale ka hadlay weerarkii Habeen hore qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada iyo Masuuliyiin horay xilal kala duwan dalka uga soo qabtay, kuwaas oo u tacsiyeeyay ehelka dadkii ku dhintay weerarkii qaraxa ku bilowday ee habeen hore dadka badan lagu dilay.
Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe, madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen Raysal wasaare hore Xasan Cali Kheyre, Agaasimahii hore ee NISA Mahad Salaad iyo masuuliyiin kale oo badan ayaa ka mid ah dadka sida kulul uga hadlay weerarkii liido oo dowladdu xaqiijisay iney ku dhinteen 32 ruux oo shacab ah iyo dhaawaca 63 ruux, islamarkaana toogasho lagu dlay xubnahii Shabaab ee weerarkaas fuliyay oo ahaa 5 ruux.
halkaan ka akhriso wararka wargeyska mogtimes
.