Halkan Ka Aqriso Wararka Wargeyska Mogtimes
Madaxweyne Xasan Sheekh oo madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika
Madaxweynaha Jamhuriyada Federalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud aya Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika, Mudane Joseph Ntakirutimana iyo wafdi uu hogaminayey oo booqasho ku jooga dalka.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray wakiillada Soomaaliya ku matalaya Baarlamaanka Dalladda Bulshada Bariga Afrika iyo muhiimadda ay leedahay in la dhiso xiriir adag oo ku dhisan is-faham, wax wada qabsi, si loo gaaro himilooyinka guud ee Gobolka.
Guddoomiye Joseph Ntakirutimana iyo Wafdigiisa ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey soo dhaweynta diiran, isago bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee ay ku tallaabsadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya, taas oo muujinaysa kartida iyo dhabar-adaygga ay ku tilmaaman yihiin dadka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan xoojinta iskashiga iyo wadashaqaynta dalalka ay ku midaysan yihiin Dallada Bulshada Bariga Afrika, taas oo fure u ah horumarinta dhaqaalaha, nabada, amniga iyo xasiloonida gobolka.
Kulanka waxaa ka qeybgalay Gudomiyaha Golaha Shacabk Barlam-anka JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nur, Gudoomiye Kuxigenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji, Guddoomiye Kuxigenka Labaad Mudane Cabdullahi Cumar Abshirow iyo xubno ka tirsan Golaha shacabka ee Baarlamaanka.
Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xisaab Xirka Hey’adaha Dowladda ee Sanad-maaliyadeedka 2023
Golaha Wasiirada Xukumada Jamhuriyada Federaalka Soomaaliya oo shalay yeeshay kulankoodii toddob-aadlaha ah, ayaa lagu ansixiyey Xisab Xirka Hey’adaha Dowlada ee sanad Maaliyadeedka 2023, kaas oo si faah-faahsan u qeexaya hannaanka loo isticmalay iyo habracyadi kala duwana ee uu soo maray xisaab xirka.
Shirka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhu-uriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu meel-mariyey Heshiis-is-afgarad ah ee u dhexeeya Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqalaha Buluga iyo Shirkada Dekedaha ee Abu-Dhabi Ports Group.
Golaha Wasirada aya warbixin ku saabsan dagaalladii horaantii Bishan Luulyo ka dhacay Degmeda Luuq waxa uu ka dhageystay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo kamid ahaa wafdi ay dowladdu halkaas u dirtay, iyada oo Xukuumadda DanQaran oo kaashanaysa dowlad goboledka Jubbaland ay ku guulaysatay Xabbad joojin iyo in dhibkii dhacay wadahadal lagu xalliyo.
Golaha ayaa Wasaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashandhigga ka dhageystay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka iyo dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Al-shabaab ah ee ka socda qaar kamid ah gobollada, waxuuna goluhu bogaadiyey guulaha ay ciidanku ka gaarayaan sifeynta argagixisada.
Madaxweynaha Hirshabeelle oo socdaal shaqo uga biloowday gobalka Hiiraan
Wafdi uu hogaminayo Madaxweynaha Hirshabelle aya shalay garay degmada Moqokori ee Gobalka Hiiraan, waxaana ku wehlinayay Madaxwene kuxigeenka Mamulka Hirshabelle, Xubno ka kala tirsan Golaha Wasiirrada, Baarlamanka Hirsha-beelle, Gudomiyaha Gobalka Shabeellada Dhexe iyo Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida.
Gudomiyaha Gobalka Hiiran, Gudomiyaha Degmada Moqokori & shacabka degmada aya soo dhaweyn heer sare ah u sameeyay Madaxwe-ynaha Dowlada Goboledka Hirshabele.
Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa socdaal shaqo ku marayay maalmihii ugu dambeyay degmoyin ka tirsan Gobalka Shabeellada Dhexe, waxaana uu uga sii gudbay Gobalka Hiiraan.
"Sida aad la socotaan waxaan degmo ka dhignay Moqokori kaddib markaan ka xoreynay al-shabaab Waadna u dhabar adeegteen miraha dowlanimada ee aad guraneysaan.”
Madaxweynaha ayaa muddada uu joogo degmada Moqokori waxa uu xariga ka jari doonaa mashaariic horumarineed oo ay ka hirgelisay Dowlada Goboledka Hirshabelle, waxana uu ka mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay degmada Moqokori.
Madaxweynaha Jubbaland iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo lagu soo dhoweeyay Afmadow
Madaxweynaha maamulka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi u hogaminayey aya shalay garay degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose.
Wafdigasu waxa bartamaha degmadasi ku soo dhoweeyay maamulka degmadaasi iyo boqolaal shacab ah oo kamid ah dadka ku dhaqan halkaas.
Safarka Madaxweynaha iyo wafdiga uu hogaaminaayo ayaa la xiriira sidii loo dar-dargalin lahaa howlgalada ay wadaan Ciid-amada Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland, kuwaas oo guulo wax ku ool ah dhowaan ka soo hooyey dagaalada ka dhanka ah al-shabab e dhacay maalmahii lasoo dhaafay.
Wadoyinka u dhexeeya Magaalooyinka Kismayo iyo Afmdow aya la shegay in gabi ahanba laga sifeyay koxaha al-shabab.
Wafdi saraakiil ah oo kulan dhiirigalin ah la qaatay ciidanka xoogga ee Jubbaland
Wafdigan oo uu hogaminaayey Taliyaha qebta 12-ka April Jeneral Xusen Maxamud Cosoble iyo ku xigeenka Xeer ilaaliyaha ciidanka qalabka sida Xasan Tarsan, waxa Magaalada Kismaayo ku soo dhoweyay Wasiirka Wasaarada Amniga ee Jibaland Yusuf Xusen Dhuumaal.
Wafdigaan aya booqday xerooyinka ciidanka ee ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo, iyado halkasi ay ku soo dhoweeyeenTaliyaha qeybta 43 aad ee ciidanka dhulka G/sare Nuur Mahad Xasan iyoi saraakiil kale.
Wafdigaan ayaa warbixin ka dhageystay maamulka ciidanka ee ka howlgala Jubaland, waxayna halkaasi hambalyo ugu gudbiyeen ciidanka xoogga oo maalmihii la soo dhaafay guullo ka so hooyay dagalada looga horjeedo kooxaha al-shabaab ee ku dhumaleysanaya deganada Jubbaland.
Dhowaan ciidanka xoogga ayaa jab xoog leh u geystay kooxo nabad-diid ah, iyadoo halkaasi lagu dilay tiro badan oo argagixiso ah, isla markaana laga furtay hub badan oo ay wateen.
Wasiir Maxamed Xasan " Waa mamnuuc in dalka la keeno dawooyinka loo isticmaalo maandooriyaasha.”
Wasiir ku xigenka Wasarada Cafimadka XFS mudane Maxamed Xasan oo ka qeybgalay kulanka todo-baadka warbahinta qaranka ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay sidii loo joojin lahaa dawoyinka aan lahey nidamka iyo habraacyada sharci ee ay wasaaraddu ugu talagashay qaabka ka ganacsiga adeegyada daawooyinka.
Wasiirka ayaa yiri "haddii Waddo qaldan dalka lagu soo geliyo daawo qaldan waxan ku qasbanahay in aan wax ka qabanno halista ay wajahayaan dadkeena”, wuxuuna intaa raaciyay in ganacsiga dawooyinka ay noqdan kuwo waafaqsan sharciyada dalka.
Wasiir ku xigenka Wasarada Cafimadka XFS mudane Maxamed Xasan waxa uu ku baqay in laga wantobo iibka dawoyinka aan tayada lahen, kuwa dhacay mandoriyasha.
Dhinaca kale wasiirka ayaa xusay in lagu baxay dowlad ahaan cudur la sheegay in uu ka dillacay Gobolka Shabellada Dhexe, kaas oo loo yaqano cudurka Gowracatada.
Wasiirka ayaa sheegay in cudurkaasi ay illaa hadda u dhinteen laba ruux, halka laga daweynayo 21 qof,waxaana calamoyinkisa uu ku tilmamay dhuun xiran ,neef qabatoow iyo tabaryari.
Shabeellaha Dhexe: Cudurka Gowracatada oo ka dilaacay iyo dad u geeriyooday
Wararka ka imanaya gobolka Shabe-laha dhexe ayaa sheegaya in deegano ka tirsan gobolkas u ka dilacay cudur magacisa lagu sheegay….Gowracato.
Cudurkaan Gowracatada ayaa lasoo wariyay iney u geeriyoodeen laba ruux, islamarkana ay haatan la ildaran yihiin in ka badan 20 ruux oo kale, sida uu warbahinta u xaqiijiyay Wasiir ku xigenka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.
"Cudurkaan Calaamadaha lagu garan karo waxa ka mid ah in uu dhuunta xiro qofka oo wax ka dadagi wayaan, qandho, iyo tababar daro siyado ah oo qofka la kici waayo, hada Somalia oo dhan Shabellaha dhexe ayaa laga soo sheegay Wasaaradda Caafimaadka waxay wadaa dadaalo looga hortagayo cudurkan" ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Maxamed Xasan Maxamed.
Wasiir ku xigenka Wasarada Cafimadka Soomaaliya Maxamed Xasan Maxamed ayaa sidoo kale sheegay in cudurkaan uu yahay mid faafo, islamarkaana loo baahan yahay in dadka Somaliyed ka taxadaraan faafistiisa.
La taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya oo faahfaahin ka bixiyay arrimo xasaasi ah
La taliyaha amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin Maxamuud ayaa wareysi uu siiyay VOA-ada kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin in ciidamo u soo dirayaan Soomaaliya dalalka Turkiga iyo Masar iyo hubkii dhawaan lagu boobay Caabudwaaq.
La taliye Xuseen Macalin Maxamuud ayaa ugu horeyn sheegay in ciidamada ka socda dalka Turkiga la filayo in dhawaan imaan doonaan Soomaaliya, islamarkaana qorshaha ay ku imaanayaan uu qeyb ka yahay heshiiskii difaaca oo ay wada galeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.
"Ciidamada waxay noqon doonaan kuwa ka socda Ciidamada Badda Turkiga waxay tababarayaan Ciidamada Badda Somaliya ee u taagan difaacida Badda, waana fulinta heshiski anu wadagalnay dowlada Turkiga ee dhinaca difaaca, dib ayaa laga soo sheegi doono halka ay ka howlgalayaan ciidamadas ka socda ciidamada Bada Turkiga" ayu yiri Lataliyaha madaxwenaha Soomaaliya Xuseen Macalin Maxamuud.
Wuxuu sidoo kale ka hadlay Lataliyaha amniga qaranka ee Madaxweyne Xasan Sheekh waxa jira warar sheegaya in dowladda Masar ay ciidamo u soo direyso Soomaaliya.
"Qorshe Masar ay ciidamo noogu soo direyso majirto, Xukuumada Qaahira kaliya waxay ka qeyb qaadaneysa sidii ciidamada Somalia lugahooda ugu istaagi lahaayeen, heshiisyada difaaca waa heshiisyo regular ah oo dowladaha saaxiibada nahay la wada galno heshiiskii difaaca Masarna heshiisyada ayuu la mid yahay ee Soomaaliya kuma tala galeyso in dalkeeda loo difaaco" ayuu yiri La taliyaha amniga qaranka madax-weynaha Xuseen Macalin Maxamuud.
Ugu dambeyntii La taliyaha amniga qaranka oo wax laga weydiiyay hubkii dha-waan lagu boobay Caabudwaaq cida iska laheyd iyo waxa ay dowladda Fedaraalka kala ogtahay ayaa arintaasi ka gaabsaday, isagoona xusay inuu dhacdadaasi baari-tankeda uu socda, islamarkana uu doonen inuu ka hordhaco natiijada baarista socota.
Somaliland oo ka hadashay waxa laga yeelayo maxaabiistii lagu kala qabsaday dagaalkii Laascaanood
Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in ay diyar u tahay in dhinacyadu ay ka wadahadlan maxabisti lagu kala qabsaday dagaalkii Laascaanood.
Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo waraysi siiyay BBC Somali, aya sheegay in xukuumadiisu ay diyaar u tahay in wadaxaajood laga galo arrinta maxaabiiista.
"Dowlada Somaliland maxabiistaa meel fiican ayay ka taagantahay, markastana waxay diyaar u tahay si nabadgalyo ah oo aan shurudo lahayn, in arrinta maxabiistaa dhinacyadu uga wadahadlaan" ayuu yidhi Kaahin.
Waxa uu sheegay in wadahadalka dhinacyada ay wax ka bilaabanyihiin lakiin ay wali qabyo badani ku jirto, isla markaana sidaas darteena aan la sheegi karin wakhti rasmi ah oo xal laga gaadhi karo arrinta maxaabiista.
Somaliland iyo SSC Khaatumo ayaa maxaabiis ku kala qabsaday dagalkii mudada ka socday magaalada Lascanood, maxaabiistaas oo aan wali dhinacyadu ka heshiin sida loola kala wareegayo.
Madaxweynaha Jubbaland oo uga mahadceliyay Ciidamada Guulihii ay dhawaan ka gaareen Al-shabaab
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa uga mahadceliyay Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Jubaland Guulihii ay dhawan ka gaaren Al-shabaab.
Madaxweynaha oo goob fagaare ah kula hadlay qaar ka mid ah Daraawiishta Jubaland aya sheegay in guulihi ciidamada dowladdu ka gaareen dagaalladii ka dhacay gobolka Jubbada Hoose ay si cad u soo jiiteen shacabka Soomaaliyeed.
Intaasi ka dib waxa uu ciidamada u gudbiyay dhambaal hambalyo ah oo uu uga siday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud, Ra’isul Wasaraha XFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, iyo Gudoomiyeyaasha labada ee BJFS.
"Casharkii aad u dhigten Al-shabab waxa ku farxay o idinku bogadiyey Madaxda sare ee Qaranka iyo bulshada Soomaaliyeed.” ayuu raaciyay Madaxweynaha Jubbaland.
Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa fashiliyay weerar fuleynima ah oo Al-shabaab dooneysay in ay ku qaadaan Deegaanada Buulo Xaaji, Harboole iyo Baar Sanguuni ee ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.
Itoobiya oo ka jawaabtay eedeymo ay u jeedisay dowladda Soomaaliya
Dowlada Fedaraalka Itoobiya ayaa soo saartay Warsaxafaded ay isaga fogeneyso eedeymo ay u jedisay dowladda Fedaralka Somalia oo ay ka mid ahed hubkii dhawaan lagu boobay magaalada Caabudwaaq.
Warsaxaafadeed ayaa kasoo baxay Xafiiska Wasarada arrimaha dibadda dalka Itoobiya oo ku qornaa Af-Soomaali iyo Ingiris ayaa waxaa lagu sheegay in Itoobiya ay si dhaw ula socoto hadalada kicinta ah ee kasoo yeerayay dhawaanahaan dambe dowladda Soomaaliya.
Itoobiya ayaa sheegtay in dhamaan eedeymaha uga yimid dowladda Fedaraalka Soomaaliya iney yihiin kuwa aan sal iyo raad toona laheyn, islamarkana Itoobiya sodon sano iyo dheeraad ay si hagar la’an ah ugu howlaneyd ka shaqenta xasilonida iyo dawlad dhiska dadka walaalaha ee Soomaaliya.
Warsaxafadeedka Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Itoobiya ayaa lagu yiri "Itoobiya aad ayay uga xun tahay hadalada ah kuwa aan loo meel dayin iyo masuuliyad darro oo ay ku kaceen marar kala duwan madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya, si ay mugdi u galiyan doorka togan ee dowladda Itoobiya ku leedahay dowladnimada Soomaaliya"
Warkaan kasoo baxay dowladda Itoobiya ayaa kusoo beegmaya, iyadoo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya uu aad u xumaaday wixii ka dambeeyay bishii janaayo ee sanadkaan 2024, kadib heshiiskii magaalada Addis Ababa ku dhexmaray raysal wasaaraha Itoobiya Aby Axmed iyo madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kaasoo ahaa in Itoobiya ay hesho qeyb ka mid ah biyaha iyo dhulka Soomaaliya, badalkeena Itoobiya dowlad u aqoonsaneyso Somaliland.
Nin jirkiisa dooriyay oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho
Laamaha amniga ayaa habeen hore soo bandhigay muuqaalka nin ku eedeysan in u jirkisa doriyay, isla-markana isu ekesiyay qof dumar ah.
Ninkan oo lagu magacaabo Axmed Suudi Macow ayay Ciidanka Booliska ka soo xireen Degmada Xamar Weyne, kaas oo hada ay hay’adaha amanka baaritan ku wadaan.
"Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, gaar ahaan Saldhigga Degmada Xamar Weyne ayaa soo xiray eedeysane Axmed Suudi Macow Deeyow 30 jir ah, kaas oo ku eedeysan in uu ku kacay falal liddi ku ah dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed, sidoo kalena dooriyay jirkiisa.” Ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir.
Taliska ayaa qoraalkooda ku sheegay in ninkan ay ku socoto baarista booliska, lana horkeeni doono maxkamadda awoodda u leh kiiskiisa.
Booliska ayaa baahiyay sawir uu ka soo muuqday Axmed Suudi Macow, isagoo xiran dirac baati ah, timaha la baxay, wax u eg horaadana sameystay.
Dhacdadan ayaa hadalhayn ka dhalisay barraha bulshada, gaar ahaan shabakadda bulshada ku wada xiriirto ee Facebook.
Waa wax naadir ah in hay’adaha ammaanka ay meel ka mid ah dalka ka soo qabtaan nin sidaan oo kale isu dooriyay, inkastoo mararka qaarkood ay ciidamadu gacanta ku soo dhigaan rag xiran dharka haweenka.
Doon Ay Saarnaayeen 45 Ruux Oo Ku Degtey Xeebta Yemen
Afar ruux ayaa ka badbaaday doon ay saarnaayeen illaa 45 ruux oo ku degtey xeebaha Yeman, iyado la rumeysan yahay in 41 ruux oo ay carruur ku jireen ay geeriyoodeen,sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR.
Hay’adda ayaa dhacdadan ku dhawaaqday shalay oo khamiis ah, iyadoo sheegtay in doonidu ay habeen hore ku rogmatay meel ka baxsan xeebta gobolka Taiz, sababa la xiriira dabaylo xogan iyo culeys xad dhaaf ah.
Illaa hadda ma jirto faah faahin intaas dhaafsiisan oo laga bixiyay, mana cadda halka ay ka timid doonta.
Marin-biyoodka u dhexeeya Yemen iyo Geeska Afrika ayaa noqday marin ay ka wada siman yihiin tahriibayaasha u kala safra labada dhinac. Sidoo kale waxaa halkaas sare u kacday dadka Yaman ee ka cararaya dalkooda ka dib markii uu dagaal sokeeye ka qarxay 2014-kii.
Bishii hore, ugu yaraan 56 tahriibayaal Soomaali iyo Itoobiyaan ah ayaa dhintay, 140 kalena waa la la’yahay, kaddib markii dooni ka timid Soomaaliya ay ku degtay Gacanka Cadmeed, ee xeebaha Konfuurta Yemen. Dadka dhintay waxaa ka mid ah 31 haween ah iyo lix carruur ah.
Fallaagada Xuutiyiinta iyo ciidamada dawladu waxay gaareen heshiis nabadeed bishii Abriil 2022 kaas oo sababay hoos u dhaca rabshadaha iyo fududaynta dhibaa-tooyinka bini’aadantinimo ee socda.
Dhanka kale, qaar ka mid ah dadka ka soo cararay colaadaha Afrika, gaar ahaan Somalia iyo Ethiopia, ayaa u qaxay dalka Yemen ama ay doonayeen inay u sii maraan dalalka Khaliijka si ay uga soo xoogsadaan. Waddada ayaa weli ah mid ka mid ah waddooyinka socdaalka ugu mashquulka badan uguna khatarta badan ee adduunka, sida ay sheegtay IOM.
Sanadkii la soo dhaafay, 97,000 oo tahriibayaal ah ayaa gaaray Yemen, kuwaasoo ka yimid Geeska Afrika. Taasi waxay aad uga badan tahay tirooyinka 2023 ee 73,000 oo muhaajiriin ah ay gaareen Yemen.
Laga soo bilaabo 2014, hay’adda IOM waxa ay diiwaan galisay 1,860 tahriibayaal ah oo ku dhintay jidka.
Dadka Ku Dhintay Dhul Go’ii Itoobiya Oo Qarka U Saaran Iney Gaarto 500 Qof
Waxaa sii kordhaysa tirada dadka ku dhintay dhul-go’ii ka dhacay dalka Ethiopia, taas oo haatan ay Qaramada Midoobay ku sheegtay tirada dhimashadu inay haatan kor u dhaaftay illaa 257, waxana lagu qiyasayaa inay gaadhi karayso illaa 500 oo qof.
Kooxaha gurmadka degdegga ah ayaa weli wada baadigoob iyo sidii ay u heli laha-ayen dad ka badbaday masiibadan. Waxa-ana goobta mashaqadu ka dhacday soo gaadhay kumanaan qof, kuwaas oo ay qaarkood adeegsanayaan gacmahooda ama qalab yaryar oo ay ku qodayan dhulka.
Solomon Tsoma aya u sheegay wakaa-ladda wararka ee AFP in 13 qof oo ka mida qoyskiisu inay ku geeriyoodeen dhul-go’an, oo ay ku jiraan toddoba caruura oo uu adeerkiis uu dhalay, wuxuunta intaas ku daray inay heleen meydadka 12 ka mida.
Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNOCHA ayaa sheegtay in tirada dhima-shadu ay kor u sii socoto ayna gaadhi karto illaa 500 oo qof.
Diyaaradaha dagaalka ee Ruushka iyo Shiinaha oo lagu arkay meel u dhow Maraykanka
Maraykanka ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Ruushka iyo Shiinuhu inay ku so dhowadeen xududa hawada sare ee Maraykanka gaar ahaan agagaarka xeebaha gobolka Alaska.
Xoghayaha difaaca ee Maraykanka Lloyd Austin ayaa u sheegay saxaafadda in wararka sheegaya in diyaaradaha Rushka iyo Shiinaha ee lagu arkay meelo u dhow xeebaha Maraykanku inaanay ahayn wax lala yaabo, isla markaana aanay haatan jirin khatar degdeg ah oo ay ku hayaan amniga Maraykanka.
Xoghayaha ayaa sheegay inay leeyihiin awood ciidan oo ku filan oo ay ku ilaalin karaan ammaanka Maraykanka, isaga oo intaas ku daray inay si dhow ula socdeen diyaaradahan, isla markaana ay ka hortageen ciidamada Maraykanku, taas oo muujinaysa in ciidamada Maraykanku ay heegan ku jireen.
Waxa uu sheegay in haddii diyaaradaha Shiinaha iyo Ruushku ay mustaqbalka dhow sameeyaan duulimaadyo kuwan la mid ah, in ciidamada Maraykanku ay diyaar u yihiin.
Taliska difaaca hawada sare ee Maraykanka ee qaabilsan dhinaca woqooyi ayaa Arbacadii la wadaagay masuuliyiinta Maraykanka, inu jiro dhaqdhaqaq ay wadan diyaaradaha Ruushka iyo Shiinuhu.
Taliska difaaca hawada sare ayaa sheegay inay dabagal ku sameeyeen labada diyaaradood, kuwaas oo ku soo xadgudbay aagga aqoonsiga difaaca hawada ee Maraykanka ee ADIZ.
Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka iyo R/wasaaraha Israel oo ka hadlay dagaalka Gaza
Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris ayaa ballan qaaday in aysan ka amusi doonin dhibatada ka tagan Gaza, isla markaana ay xoogga saari doonto xalka arrimaha murugsan ee heysta dadka Falastiiniyiinta,
Kamalla Harris oo darad la kulantay ra’isul wasaraha Isra’il Benjamin Netan-yahu ayaa sheegtay in ay ka go tahay jiritaanka iyo amniga Israa’iil, laakiin "Waxa Gaza ka dhacay sagaalkii bilood ee la soo dhaafay waa wax aad u xun ayeey tiri.
"Waa waqtigii dagaalkaan uu dhamaan lahaa oo uu ku dhammaan lahaa hab ay Isra’il aman ku tahay, isla markana dadka reer Falastiin ay heli lahayen xuquuqdooda xoriyada, sharafta iyo aayo ka-tashigoda” ayeey tiri madaxweyne ku xigeenka Mareykanka.
Harris ayaa sheegtay inay ku boorisay Netanyahu inuu aqbalo soo jeedinta xabad joojinta e uu Maraykanku tagerayo, iyado dhinaca kale sheegtay in aan la sii eegan karin masiiboyinkan ka dhacaya Gaza.
Madaxweyne ku xugeenka Mareykanka waxa ay sidoo kale ku celisay taageerada ay u hayso xaqa ay Israel u leedahay in ay is difaacdo, iyadoo cambaaraysay Xamaas oo ay ku tilshalayy urur argagixiso oo naxariis daran.
Madaxweynaha Mareykanka iyo Raysal Wasaraha Israel oo ku kulmay Washington
Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden aya saacadihii dambe ee Khamiistii Aqalka Cad ku qaabilay Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu oo booqasho ku jooga dalkaasi.
Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay xaaladda cakiran ee ka jirta Marinka Gaza, sidii loo soo afjari lahaa dagaalka 10-ka bil jirsaday iyo sii deynta la haysteyasha.
Geba-gabadii kulanka, Aqalka Cad ayaa sheegay in Madaxweyne Biden uu Raysal Wasaaraha Israel u sheegay inay lagama maarman tahay in la daboolo daldaloolada ka muuqda wada hadalada Israel iyo Xamaas, si loogu heshiiyo xabad joojin iyo in maxaabiista la is weydaarsado.
Afhayeenka Amniga Qaranka ee Aqalka Cad, John Kirby aya Warbahinta u sheegay in lo baahan yahay dhinacyadu inay heshiis gaaran.
Afhayeenka ayaa sheegay in Madaxw-eynuhu uu si cad Raysal Wasare Netan-yahu ugu sheegay inuu doonayo in dhawan la gaaro heshiis lagu so afjarayo colaadda, laguna sii deynayo la haysteyaasha.
Waxaa uu sheegay inay jiraan waxyabo lagu kala duwan yahay, ha yeeshee ay dhinacyada ku borinayan inay tanaasulan.
"Labada dhinacba waa inay sameeyaan tanaasul.” Ayuu yiri John Kirby oo intaa raaciyay "Ka masuuliyiin ahaan waxaan sii wadaynaa inaan la shaqayno dhigeenna gobolka, si loo soo afjaro waxyaabaha lagu kala duwan yahay. Waxaan aaminsanahay inay yihiin kuwo dabiici ah oo loo dhameen karo si fudud, heshiisna laga gaari karo.”
Kirby ayaa yiri "Laakiin waxay u baahnan doonta, sida mar walbaba dhacda hoga-min, tanasul iyo dadalki lagu gari laha.”
Kirby ayaa hadalkiisa ku xoojiyay "Madaxweyne Biden wuxuu u sheegay Netanyahu inuu rumeysan yahay in halkasi la gaari karo.”
Biden ayaa qaabilay Raysal Wasaaraha Israel, xilliga uu ugu talagalay inuu dib ugu laabto Israel.
Qorshaha ayaa ahaa in labada nin ay kulmaan Talaadadii, balse uu u baaqday Madaxweynaha oo sida la sheegay la taca-alayay xanunka COVID1-9 oo toddobaadkii hore laga helay.
Netanyahu ayaa Isniintii ka degay Washington maalin uu ka dib, markii Madaxweyne Biden uu ka tanaasulay in mar labaad uu tartamo doorashada bisha November ka dhaceysa dalkaasi.
Booqashada Netanyahu ayaa ku soo beegantay, xilli Israel ay si weyn u lumisay taagerada shacabka Mareykanka, dalkuna uu galay xilli xasasi ah oo dorasho, dagalka Gaza ka socdana uu si toos ah u saam-eynayo.
Joe Biden, Madaxweynaha Mareykanka ayaa tan iyo bishii June Netanyahu ku cadaadinayay in la joojiyo dhiigga ku daad-anaya Marinka Gaza.
Madaxweynaha ayaa muddooyinkanba cadaadis xoog leh kala kulmayay shacabka Mareykanka, oo dalbanayay in si degdeg ah loo soo afjaro weerarada aan sida kala sooca lahayn ee ay Israel ugu leynayso dadka rayidka ah, iyagoona xitaa dib u doorashadiisa shuruud kaga dhigay in marka hore uu gacmaha qabto Netanyahu iyo kooxdiisa.
Hadda, Biden waa uu tanaasulay, balse ma doonayo ayaa la leeyahay in dhibatada ka jirta Gaza ay saameyso ololaha ay xafiiska ugu tartameyso Kamala Harris, oo kuxigeen u ah.
Meydadka shan qof oo Israeliyiin ah oo laga helay Marinka Gaza
Ciidamada Israel ayaa la sheegay in ay Khamiistii soo saareen meydadka shan ka mid ah la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto Marinka Gaza.
Dadkan ayaa la sheegay inay ka mid yihiin 120 qof oo Israeliyiin ah, oo mudoyi-nkanba lagu hestay gudaha Marinka Gaza.
Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in meydadka laga soo saaray goob ay ku aasnaayeen oo ku taala deegaanka Khan Yunis ee koonfurta Marinka Gaza.
Taliska Militariga Israel ayaa war ay soo saareen ku sheegay in la aqoonsaday meydadka dadkan, dibna loogu celiyay Israel.
"Dadkan waxay ka mid ahaayeen dadkii ay Xamaas ku dishay weerarkii October 7-deedii, ka dibna ay u qaateen Gaza, si ay ugu gorgortaman.” Ayaa lagu yiri bayanka.
Taliska ayaa magacyada dadkan ku kala sheegay Maya Goren 56 jir, Ravid Katz 51 jir, Oren Goldin 33 jir, Tomer Ahimas 20 jir iyo Kiril Brodski oo 19 jir ahaa.
Xamaas ayaan wax war ah ka soo saarin warka Militariga Israel, balse waxay horey u sheegtay in tiro la haysteyaal ahi ay ku dhinteen duqaymaha aan loo meel dayin ee ay Ciidamada Israel ka gaysanayaan qaybaha Marinka Gaza.
Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu oo Arbacadi khudbad u jeediyay Congress-ka Mareykanka ayaa sheegay in xukuu-maddiisu ay si firfircoon ugu howlan tahay sii deynta la haysteyaasha harsan.
Wejigii 1aad ee heshiiskii maxaabiis is dhaafsiga ee Israel ee iyo Xamaas dhex maray daba-yaaqadii bishii November ayaa lagu sii daayay 80 ka mid ah la haysteyaasha Israeliyiinta.
Xamaas ayaa xilligaasi ku bedelatay 240 qof oo Falastiiniyiin ah oo ku xirnaa xabsiyada Israil. Heshiska ayaa waxa qayb ka ahaa hal toddobaad oo xabad joojin ah o markasi ka dhaqangashe Marinka Gaza.
Xamaas ayaa marar badan ka digtay duqaymaha aan kala joogsiga lahayn ee ay Ciidamada Israel ka wadaan Marinka Gaza, sababtoo ah waxay halis gelinayaan nolosha la haysteyaasha, digniinahaas oo Tel Aviv aysan wax dheg jalaq ah u siinin.
Hase yeeshee digniinaha Xamaas ayaa waxaa si dhab ah u qaatay qoysaska, ehelada iyo saaxiibada la haysteyaasha, kuwaa oo xukuumaddooda cadaadis ku saaraya in la joojiyo weerarada xagga cirka ah, lagana shaqeeyo, sidii ay guryahooda dib ugu soo laaban lahaayeen.
Xamaas waxay sheegtay in waqtiga la haysteyaasha uu dhow dhow yahay, ayna tahay in Netanyahu iyo kooxdiisa ay ka shaqeeyaan sii deymadooda, ka hor inta aysan ku bixin gacanta ciidamadooda.
Halkan Ka Aqriso Wararka Wargeyska Mogtimes
.