halkaan ka aqriso wararka wargyska mogdisho times

0
Sunday July 21, 2024 - 10:21:42 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 138
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargyska mogdisho times

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA SHEEKH CUSMAAN XIDDIG

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiranyo leh u diray qoyska, qarabada, culuma’udinka iyo dhamaan ummada Soomaaliyed e uu ka baxay Alle ha u naxariistee Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheikh Da’ud (Sheikh Cusman Xidig) oo ku geriyoday magalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Sheekh Cusmaan Xiddig uu ahaa caalim weyn, daaci iyo macalin udub dhaxaad u ahaa barida iyo faafinta diinta islaamka, isago tacab iyo waqti badan galiyay soo saarista culumo aqoon durugsan u leh diinta Islaamka iyo Jiilal waxtar u leh dalkeenna.

"Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicun. Alle ha u naxariisto Sheekh Cusman Sheikh Cumar Sheekh Da’ud waxa uu aha calim tacab iyo waqti badan galiyay barida iyo fafinta diinta islaamka, waxaana ka aflaxay culumo badan oo soomaaliyeed oo shalay door weyn ku leh fidinta diinta”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, sabar iyo iimaanna ka siiyo ehelada Marxuumka, culimaa’udiinka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed

Guddoomiye Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulanka golaha shacabka oo looga dooday Hindise sharciyeedka xeerka shaqada

Kulanka mudanayaasha Golaha Shacabka ee BJFS oo aha kalfadhiga shanad kulankisa shanaad waxaa shir gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Shcaka e barlamanka Dalka Mudane Sheikh Adan Maxamed Nur Madobe.

Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 145-Xildhiban, waxa uu ajendihiisu ahaa akhrinta labaad ee Hindise Sharciyedka Xeerka Shaqada Soomaaliya o uu so diyariyay Gudiga Horumarinta Adeega Bulshada ee Golaha Shacabka, waxaana xildhiba-anadda ay qodob qodob uga doodeen hindise sharciyeedkan.

Dhinaca kale waxa jiray xildhibano ka tirsan golaha oo guddoonka golaha u gudbiyay mooshin ama soo jeedin ku saabsan Hubka sharci darada ah, dagaalada sokeeye iyo dhowrista xasaanada xildhibaanada, kaasoo ay saxiixeen 18-xildhibaan, waxaana soo jedintan Golaha ka akhriyay Xildhiban Yusuf Xusen Axmed Gamadid.

Intaasi ka dib, xildhibanada Golaha oo cod u qaaday soo jedintan ay qaar ka mid ah xildhibaanadda Golaha saxiixen ayaa ogolaaday in ajendaha kulanka shalay lagu daro dooda la xiriirta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyedka Xerka Shaqada Somalia markii ay soo gaba gabowday ka dib aya Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Somalia Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo kulanka soo xiray waxa uu sheegay in hindise sharciyeedka xeerka shaqada ee shalay xildhibaanada ka doodeen dib loogu celinayo Gudiga Hormarinta Adeega Bulshada ee Golaha, si uu ugu soo daro dooda iyo fikradaha xildhibaanada islamarkaana uu usoo diyaariyo akhrinta sedaxaad dibna Golaha ugu soo celiyo.

Sidoo kale Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhu-riyada Federaalka Soomaaliya ayaa waxa loo qeybiyay warbixinta akhrinta sedaxad ee Hindise Sharciyedka Ilaalinta Xuquqda Naafada Qaranka Somaliyed.

Guddoomiyaha SODMA iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo safar ugu baxay Xuddur

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoo-miyaha Hay’adda Maareynta Musi-iboyinka Qaranka Maxamuud Macalin Cabdulle, aya Gordhaw u ambabaxay magalada Xuddur ee xarunta Gobolka Bakool.

Wafdigaan waxaa qeyb ka ah Wasiirka Gargarka Maamulka Konfur Galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush, iyo mas’uuliyiin ka socda hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka.

Ujeedka wafdigaan ayaa ku saabsan u kuur-galida xaaladda bani-’aadannimo ee ka jirta gobolka iyo boqashada Xeroyinka barakacyasha, iyagoo halkaas gargaar ugu qeybin doona qoysaska barakacyaasha ah iyo kuwa danta yar ee ku nool duleedka magaalada Xuddur.

Soomaaliya oo Ka qayb gashay shirweynaha 6-aad golaha fulinta Midowga Afrika

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS, mudane Cali Cumar (Cali Balcad), ayaa magalada Accra ee caasimadda dalka Ghana kaga qayb galay shirweynaha 6-aad ee bartamaha sanadka ee isu duwidda hawlaha qorshaysan ee hor-yaalla guddiyada kala duwan ee AU iyo sidoo kale Kalfadhiga 45-aad ee guddiga fulinta ururka Midowga Afrika, kaas oo socon doona ilaa 21 July ee sanadkan.

Shirarkan ayaa looga arrinsanayaa arimmo ay kamid yihiin Nidaaminta Musharixiinta Afrikanka ah e Ururada Caalamka, Horumarinta Dhaqaalaha Afrika, meelmarinta miisaaniyadda Midowga Afrika ee 2025, Xaaladaha Nabad-gelyada iyo waxbarashada ee qaaradda, Ka Qayb-galka Midowga Afrika ee G20, Arrimaha Bini’aadan-nimada Afrika” iyo arimo kale o muhim ah oo loogu tala galay horumarinta siyaasada, dhaqaalaha iyo daryeelka dalalka iyo dadweynaha Afrika.

Wasiiru dawlaha Arrimaha Dibadda XFS Mudane Cali Cumar Balcad ayaa si gaar ah u shir guddoomiyay kulanka guddiga nidaaminta musharixiinta Afrikaanka ah ee loolanka ugu jira kurasta kala geddisan ee ka bannaan ururada calamka sida AU, UN iyo kuwo kale, iyadoo ay guddigu go’aano rasmi ah ka gaari doonaan arrimahan.

"Guddigu waxay soo gudbiyeen warbixinno la xiriira dariiqa loo marayo iyo qorshaha loo diyaariyay hanaanka nidaaminta musharixiinta Afrikaanka ah ee ururada caalamka, iyadoo gunaanadka kulankan guddiga lagu shaacin doono go’aano dhaxal gal ah” ayuu yiri Wasiir Cali Balcad.

Wasiiru dowlaha wasarada Arrimaha Dibada waxaa ku wehliya Shirarka ka socda magaalada Accra ee casimada dalka Ghana danjiraha JFS ee Midowga Afrika Mudane Cabdullahi Maxamed Warfaa, saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS iyo mas’uuliyiin kamid ah golayaasha DFS.

Golaha Wasiiradda XFS oo ansixiyay Hindisaha Xeerka Dhismaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuriyada Federaalka Soomaaliya oo xalay yeeshay kulan deg-deg ah, ayaa ansixiyay Hindisaha Xeerka Dhismaha Gudiga Madaxa Banan ee Dorashoyinka Qaranka & Sohdimaha.

Golaha ayaa kulanka aan caadiga ahayn ee habeen hore ku so saaray Qararka Mamnuucidda ka ganacsiga Hubka iyo Saanadda Ciidanka ee loo yaqan (Cir-toogte), iyaga oo ansixiyey Siyaasada Iibka Hubka, Rasaasta iyo qalabka Ciidanka.

Qaraarka ayaa mamnuucaya ka ganacsiga hubka ee Jamhuuriyadda Federalka Somalia, gaar ahaan in la so dajiyo, la dhoofiyo, la warshadeyo, laga ganacsado, la isu gudbiyo ama la daabulo hubka iyo saanada ciidanka.

Sido kale, Siyaasadda libka Hubka iyo Rasaasta ee Golaha Wasiirradu ansixiyeen waxa ay qayb ka tahay dadaallada dowladda federaalka ugu jirto dejinta shuruuc, siyaasado iyo nidaamyo adag oo lagu xakameynayo hubka sida sharci darrada ah ku soo gala dalka, kaddib qaadista cuna qabataynta hubka.

Waxaa kale oo shirka Golaha Wasiirrada ay xalay yeesheen lagu ansixiyey Heshiiska Difaaca ee ay wada garen dalalka Somalia io Masar.

Shacabka degmada Xuddur oo wajahaya xaalad adag

Gudomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Md. Maxamud Macallin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminayo qeybna ay ka yihiin Wasirka Wasarada Gargaarka Konfur Galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush iyo masuuliyiin ka socday Hay’addaha Gargaarka sida IOM, WFP, UNHC, OCHA iyo UNICEF aya shalay garay Magalada Xudur e xarunta Gobolka Bakol.

Wafdiga Guddoomiyaha ayaa soo dhaweyn kadib waxa ay kormeer ku tageen xarumaha ay deggan yihiin dadka barakacyaasha ah ee is-beddelka cimilada saameynta ka soo gaartay iyo kuwo al-shabaab ka soo barakicisay degmooyinka Tiyeeglow iyo Rabdhuure, kuwaas oo haatan xaalad aad u adag wajahaya.

Guddoomiyaha iyo masuuliyiinta kale ayaa u kuurgalay xaaladaha dhabta ah ee ka jira kamamkan, iyago mid mid u xogwareystay, waxaana ay goob fagaro ah gargar ugu qeybiyeen in ka badan 600 oo qoys oo kamid ah qoysaska gudomiyaha iyo wafdigaan ay booqashada ugu tageen.

Ugu danbeyn, guddoomiyaha ayaa shir gudomiyay kulan gaarah oo dhex-maray SoDMA, Wasarada Gargarka Konfur Galbed, mamulka Bakol iyo hay’adaha Gargarka waxana looga hadlay sidii garagar deg-deg ah oo balaran lo garsin ahaa shacabka ku tabalesan gudaha Xudur, degmoyinka iyo deganada kale e gobolka Bakool.

ATMIS oo bilowday baaritaan ku saabsan fal dil ah oo ciidamadooda ay ka geysteen Buulo Mareer

Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa shaaca ka qaaday inuu bilaabay baaritaan ku saabsan fal dil ah oo ka dhacday degmada Buulo Marer 17-/7/2024. Dhacdadan aya sababtay dhima-shada laba qof iyo dhawaca mid kale.

ATMIS waxay qiratay eedeymaha ah in ay ciidamadooda si kas ah u dileen dadka rayidka ah, waxayna ballan-qaadday inay sameyn doonto baaritan ballaaran, ayna soo bandhigi doonto natiijada ka soo baxda baaritanka marka la soo gabagabeyo.

"Waxaan tacsi tiiranyo leh u dirayna qoysaskii ay ka geriyoden. Ciidamada ATMIS waxaa loo tababaray inay si adag ugu hoggaansamaan Sharciga Caalamiga ah ee Bani'aadamnimada, Heerarka Xuquuqul Insaanka, iyo Shuruucda Hawlgelinta ee lagu ma-mulayo hawlgallada militari, iyadoo xoogga la saarayo ilaalinta rayidka iyo carruurta,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay ATMIS.

Baaritanka aya ku so aadaya kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ciidamada Uganda ee ka tirsan ATMIS ay ku dileen saddex qof oo rayid ah, kuwaas oo ahaa beeraley ku sugnaa deegaanka Buulo Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose, oo qiyaastii 120 KM dhanka koonfureed kaga beegan caasimadda Muqdisho.

Dhacdadan aya sababtay dibadbaxyo caro leh oo ka kala dhacay Buulo Mareer iyo Muqdisho, iyadoo dibad-baxayaashu ay dalbanayeen in cadaaladda la horkeeno dadkii ka dambeeyay falkaas. Dadka dhintay ayaa maydadkooda la geeyaya Muqdisho, waxana la sheegay in aan weli la asin.

ATMIS ayaa shacabka u xaqiijisay in baaritaanku uu noqon doono mid dhameystiran oo dhex-dhexaad ah, lana qaadi doono tallaabooyinka ku habboon natiijada kasoo baxda.

Dagaal lagu dilay 10 ka mid ah kooxda Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Hiiraan

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal galinkii dambe ee Daraad ku dhexmaray tuloyin hostaga deegaanka Murcudka ee ka gobolka Hiiraan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deganka oo dhinac ah iyo kooxda Al-shabab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan Ururka 39-aad guutada 5-aad qeybta 27-aad iyo Ururka 10-aad ee Kumandooska Gorgor oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ay weerar ku qaaden dhul howd ah oo hostaga deganka Murcudka e gobolka Hiiraan.

Weerarkas ayay sarakiisha hoga-amineysay howlgalku sheegeen iney ku dileen 15 xubnood oo ka tirsan koxda Al-shabab e halkas isku arurs-aneysay, islamarkaasna ay ku soo furten hub iyo saanad kale oo ciidan.

Sarakiisha ciidanka dowladda ayaa sido kale sheegeen iney sii wadayaan howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabab inta ay ka saarayan dhamaan deegaanada ay kaga sugan gobolka Hiiraan.

Dhowr maalin ka hor ayay aheyd markii dagaalo qaraar ay ku dhexmareen nawaaxiga deegaanka Beerayabaal ee gobolka Hiiraan ciidanka dowladda oo garab ka helaya kuwa deegaanka iyo kooxda Al-shabaab, waxana dagaalkaasi lagu dilay 10 ka mid aheyd kooxda, iyado maalin kadib dagalkasna cidamadu nolosha kuso qabten nin ajnabi ah oo u dhashay Itoobiya, kana soo jeeda Qomiyada Oromda o ka qeb aha dag-alki ka dhacay nawaxiga Berayabal.

Xamaas oo soo dhaweysay tallaabada Pakistan ay Netanyahu ugu aqoonsatay dembiile dagaal

Ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta ayaa shalay bogaadiyay tallaabada Dowladda Pakistan ay Raysal Wasaraha Israil, Benjamin Netanyahu ugu aqoonsatay mid argagixiso ah.

Pakistan ayaa Jimcihii ku dhawaqday in Israel ay gashay dembiyo dagaal, Raysal Wasaaraheeduna uu yahay argagixiso.

Islamabad aya dalbatay in maxkamad la soo taago Netanyahu, si lagu la xisaabtamo dembiyada dagaal ee ka dhanka ah shacabka Falastiiniyiinta.

Go’aanka Pakistan ayaa waxaa ku dhawaaqay Rana Sanaullah, oo ah La taliyaha Siyaasada Arrimaha Dibadda ee Raysal Wasaare Shehbaz Sharif.

"Netanyahu waa argagixiso iyo dembiile dagaal. Waxaan dalbanayna in maxkamad la soo taago.” Ayuu yiri Rana Sanaullah oo hadalkiisa ku xoojiyay "Waxan si adag u camba-areynaynaa falalka naxariis darrada Israel ee ay ka waddo Marinka Gaza iyo dhamaan quwadaha ku lugta leh.”

Kumanaan qof oo isugu soo baxay duleedka Caasimadda Islamabad ayaa cambaareeyay weerarada Israel ee Marinka Gaza, waxayna dalbaden in dowladdu ay mamnuucdo wax soosaarka Israel ee dalka la keeno iyo inay gargaar bani’aadantinimo u dirto shacabka Falastiiniyiinta.

Xamaas ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in Dowladda Pakistan ay kaga mahadcelinayan, islamarkaana ay ku ammaanayaan mowqifkeedan.

Pakistan waa dalka keliya ee Islaamka ee haysta hubka nuclear-ka.

Biden oo ku adkeystay inuu ku sii jiro tartanka doorashada madaxtinimo

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa ballan qaaday inuu ku sii jirayo tartanka madaxtinimada isla markana uu ka adkan doono ninka ka soo horjeda inkasta o ay sii kordhayan baqyada ka imanaya xubnaha Dimuq-radiga o codsanaya inu tanasulo Biden.

12 ka mid ah siyasiyiinta Dimuq-radiga oo ay ku jiraan laba senatar iyo koox xubno ka ah Congress-ka ayaa madaxweynaha ugu baaqay inuu ka haro tartaka maadaama uu xilligaan go’doon ku yahay gurigiisa xeebta ku yaal ee Delaware tan iyo markii laga helay cudurka ‘Covid-19’.

"Si wada jir ah xisbi ahaan iyo dal ahaan waan guuleysan karna, waana ku adkan doona sanduuqa codbixinta” ayuu yidhi Biden.

Dhinaca kale Donald Trump ayaa sheegay in uu todobadka soo socda ku labanayo ololaha tartanka dora-shada, kadib kolkii malinimadii daraad la soo gabagabeeyay Shirweynihii Qaran ee xisbiga Jamhuuriga.

Ragga sida weyn uga soo horjeeda Biden waxaa kamid ah Senetarka laga soo doorto Ohio Sherrod Brown iyo Senetarka laga soo doorto New Mexico Martin Heinrich. kuwaas oo la tilmaamay in ay u ololeynayaan in madaxweynugu uu ka haro tartanka doorashada.

Israel oo dhiigga dadka Gaza ka dhigtay mid aan wax qiimo ah lahayn

Ku dhawaad 20 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa shalay lagu dilay duqaymo ay Ciidamada Israel ka gaysteen qaybo ka mid ah Marinka Gaza.

Ugu yaraan lix qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen, dhowr kalena ay ku dhaawacmeen, ka dib markii Ciidanka Cirka Israel ay garaaceen dhismayaal ku yaala xerada qaxootiga Nuseirat ee bartamaha Marinka Gaza.

Meydadka iyo dhawacyada dadkan ayaa la geeyay Isbitaalka Al-Awda, sida lagu sheegay war uu soo saaray maamulka isbitaalkaasi.

Ciidanka Cirka Israel ayaa burbur xoog leh u gaystay daarta dheer Ain Jalout ee bartamaha Marinka Gaza.

Telefishinka Al Jazeera ayaa ku waramay in ugu yaraan saddex meyd laga soo saaray dhismahaasi, oo ahaa mid la deganaa, ka dib duqaynta Israel.

Goobjoogeyaal ayaa Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu u sheegay in duqaynta ka dhacday taawarka Ain Jalout uu sidoo kale ku dhaawacmay sawir qaade lagu magacaabo Mahmoud Eki.

Hay’adda Difaaca Madaniga ee Marinka Gaza ayaa sheegtay in ugu yaraan shan qof lagu dilay, dhowr kalena lagu dhaawacay duqayn kale oo Israel ka fulisay xaafadda Sheikh Radwan ee Magaalada Gaza.

Sidoo kale duqayn ka dhacday guri ku yaala xaafadda Al-Daraj ee Magaalada Gaza ayaa waxaa ku dhintay hal qof, dhowr kalena ay ku dhaawacmeen.

Hay’adda Difaaca Madaniga ee Marinka Gaza waxay sheegtay "Duqayn kale oo Israel gaysatay ayaa lagu bartilmamedsaday hoyga qoyska Abu Jazer oo ku yaala agagaarka Al-Alami ee xerada qaxootiga Jabalia ee waqooyiga Marinka Gaza. Duqaynta waxaa ku dhintay afar qof, tiro kalena way ku dhaawacantay.”

Duqaymahan xiriirka ah ayaa dabo socdo duqayn kale oo haben hore Israel ka gaysatay guri la deganaa oo ku yaala xerada qaxootiga Bureij ee bartamaha marinka Qaza, halkaas oo lagu dilay saddex qof oo rayid ah, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Isla haben hore duqayn ay ku dhinteen afar qof, 15 kalena ay ku dhaaw-acantay ayay Israel ka gaysatay agagaarka Masjidka Tala’a ee xerada Nuseirat.

Shacabka Falastiniyiinta ee ku nool konfurta, bartamaha iyo waqoyiga Marinka Gaza ayaa dhibane u noqday weerarada xagga cirka Israel ee har iyo habeenba leh.

Israel ayaa si ula kac ah dadka rayidka ah ugu bartilmaamedsaneyso goobaha ka caagan dagaalada, taas oo ka dhigan dembi dagaal.

Duulaanka Israel ee Marinka Gaza aya lagu qeexay mid ka dhan shacabka aan hubeysneyn, sida dunida oo idilba ay qireyso.

Erdogan oo baarlamaanka dalkiisa u gudbiyay mooshin uu ku dalbanayo in ciidamada Turkiga loo diro Soomaaliya

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, aya horgeyay Barlamanka Turkiga moshin uu ku dalbanayo in la ogolado in ciidamada Turkiga la geeyo badda Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa daba socota heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo dhaqalaha ah o ay wada saxixden Turkiga iyo Somaaliya bishii Febrayo, kaasoo ujeeddadiisu ahayd in lagu xoojiyo awooda difaaca bada Smalia iyo in la dhiso ciidan badeed oo ay yeeshaan Soomaaliya.

Moshinka la horgeyay barlamanka Turkiga, ayaa codsanaya in la siiyo muddo labo sano ah, iyadoo ay ku xusan tahay in la codsan karo in dib loo cusboonaysiiyo, taasoo awood u siinaysa madaxweyne Erdogan inuu ciidamada badda ee Ankara u diro Soomaaliya.

Sida ku cad mooshinkan oo ay aragtay warbaahinta Middle East Eye, talabadan aya jawab u ah codsi rasmi ah oo Turkiga uga yimid dowlada somalia.

Heshiiskan ayaa la sheegay inuu yahay mid looga jawaabayo heshiiskii Itobiya ay la gashay Somaliland bishii Janaayo, kaasoo Addis Ababa xaq u siiyay qeyb kamid biyaha Soomaaliya.

"Soo daabulidda ciidamada Turkiga waxaa la kaashan doona madaxda Somaaliya, waxayna dabooli doonaan amniga badda ee Soomaaliya,” ayuu yiri madaxweynaha dalka Turkiga.

Horaantii bishan, Turkiga wuxuu martigeliyay Wasiirada Arrimaha Dibada ee Somalia iyo Itobiya, isago isku dayayay inuu dhexdhexaadiyo, xalna laga gaaro xiisadda labada dal.

Khamiistii, Wasiirka Tamarta ee Turkiga, Alparslan Bayraktar ayaa heshiis sahaminta iyo soo saarista karbonka laga dhaliyo kula saxiixday dhigiisa Somalia, Cabdirisaaq Cumar Maxamed, magalada Istanbul. Heshiskan ayaa u fasaxaya shirkadda dawladda Turkiga ee TPAO in ay hawlo shidaal baadhis ah ka samayso saddex baloog oo kala duwan oo ku yaalla dhulka badda Soomaaliya.

Ingiriiska oo dib dhaqaalaha ugu bilaabaya Hay’adda Qaramada Midoobey ee Falastiin

Xukuumadda cusub ee Britain ayaa ku dhaqaqday in London ay dib u bilabi donto dhaqalihi ay ku tagerayen Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta ee (UNRWA).

Xisbiga Shaqaalaha UK ayaa doonaya in dib loo bilaabo malgelinta hay’ada ugu wen Qaramada Midobey ee ka hawlgasha dhulka Falastiniyinta iyo qaar ka mid ah dalalka Bariga Dhexe, ka dib markii dhaqalahasi laga joojiyay bishii January.

Wasirka Arimaha Dibada Ingiriiska, David Lammy aya shegay inay mesha ka saarayaan joojitanta maalgelinta Hay’adda UNRWA.

"Waxaan meesha ka saaraynaa joojinta malgelinta UNRWA. Hay’adda Qaramada Midoobey waxay gebi ahaanba udub dhexad u tahay bixinta gargarka bani’adantinimo ee Marinka Gaza.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka aya Jimcihii Baarlamanka u sheegay in toddobo iyo labaatan milyan oo dollar ($27M) la siin doono hay’addaasi, si loo hubiyo buu yiri in gargaarka la gaarsiiyo dadka rayidka ah ee ku dhibaateysan gudaha Gaza.

Wasiirka ayaa tilmaamay in xaalad bani’aadantinimo oo aad u liidato ay ka jirto Marinka Gaza, UNRWA-na ay tahay tan qura ee dunida kala shaqen jirta, si lo badbadiyo nafo badan.

Bishii January, Ingiriiska ayaa ka mid noqday tiro dalalka reer galbedka ah oo sheegay inay joojiyeen lacagihii tooska ahaa ee ay hay’addaasi siin jireen, ka dib markii Israel ay sheegtay in 12 ka mid ah Shaqaalaha UNRWA ay ka qayb qaateen weerarkii Xamaas ay 7-dii bishii October ka gaysatay dhulka ay maamusho.

Qaramada Midoobey oo guddi u xilsaartay in eedeymahaasi ay u soo baaran aya hay’ada ku amanay inay dejisay habab io siyasado lagu hubinayo dhexdhexadnimada, deg-deg ah iyo jawaabo waafi ah oo ku saabsan eedeymaha.

Guddigan oo ay hoggaamineysay Catherine Colonna, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Faransiiska ayaa warbixin ay soo saareen ku sheegay in Israil ay jedisay edeymo an cadeyn lahayn. Guddiga ayaana UNRWA ka fogeeyay inay tahay hay’ad argagixiso.

Aqalka Knesset-ka ee Barlamanka Israel ayaa 29-kii bishii May ansixiyay sharci hay’addan loogu aqoonsanayo urur argagixiso.

Israel ayaa riixeysa in hay’addaasi laga mamnuuco Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza, sababo ku aaddan shaqada lagama maarmaanka ah ee ay u hayso shacabka Falastiiniyiinta.

Madaxa Siyasada Arimaha Dibada ee Midowga Yurub, Josep Borrell ayaa Isniintii diiday isku day kasta oo Hay’ada UNRWA loogu aqoonsanayo hay’ad argagixiso.

"Waxaan diidnay isku day kasta oo lagu asteeyay UNRWA inay tahay urur argagixiso. Side hay’ad Qara-mada Midoobey loogu aqoonsan kara urur argagixiso?” Ayu yiri diblomasiga ugu sarreya ee Midowga Yurub.

Mr. Borrell ayaa yiri "Waxaan ku heshiinay inay muhiim tahay in la ilaaliyo doorka aan la bedeli karin ee UNRWA ee gobolka oo dhan, oo ay ku jirto Jordan.”

Hay’adan aya ah tan keliya Qaramada Midobey ee haysata amar gaar ah oo lagu daryelayo baahiyaha aasaasiga ah ee barakacayaasha iyo qaxootiga Falastiiniyiinta.

Hay’addan oo 8-dii bishii December ee sanadkii 1949-kii lagu sameeyay qaraar uu meelmariyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa lagu taageeraa gargaarka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha ee qaxootiga Falastiniyinta, waajibadkeduna wuxuu yahay inay gargaar siiso shacabkii Falastiiniyiinta ee ku barakacay Daanta Galbeed & Marinka Gaza, intii lagu jiray weeraradii isir sifeynta Israel ee la magac-baxay Nakba ee 1948-kii iyo iska horimaadyadii xigay. Waxa kaloo waajibaadka hay’adda ka mid ah inay gargaar siiso shacabkii kale ee Falastiiniyiinta ee qaxootiga ku noqday dalalka Jordan, Suuriya iyo Lubnaan.

Hay’adan aya waxa u diwangashan in ka badan 5.6 milyan oo Falastiiniyin ah, kuwa oo ay hay’addu ula tacaasho qaab qaxooti ahaan.

Muddo kodhin loo sameeyay Soomaali badan oo aan Mareykanka sharci ku laheyn, maxay ka dhigan tahay

Waaxda arrimaha gudaha Mareykanka ayaa dib u qaabeyn iyo kordhin ku sameysay sharciga ku meelgaarka ah ay dalka ku joogaayaan ee loo yaqaan (TIP) dadka ka soo jeeda Soomaaliya.

Waxa uu sharicgan u ogolaanaya Soomaalida aan sharciga dalka ku laheyn in ay joogaan kan shaqeystan 18 bilood oo dheeraad ah.

Sharcigan waxa uu Marekanka ugu talogalay in uu siiyo ajaanibka ka yimaada dalalka qaar oo ay ka jiraan dagaalada sokeeye, musiibooyinka deegaanka ama xaalado ku meelgaar ah oo u diidaya in ay si badqab ah dib ugu laabtaan. TPS dadka la siiyo waxay u saamaxaysaa in Mareykanka ay joogi karaan waqtiga ku qoran ee la siiyay.

Sida lagu qoray bogga arrimaha jinsiyadaha iyo socdaalka, sharcigan waxaa la kordhiyay laga bilaabo 18-ka bisha Sebtember ee sanadkan ilaa iyo bisha 17-ka Maarso 2026-ka.

Xoghayaha Amniga Gudaha ee dowladda Maraykanka, Alejandro N. Mayorkas, oo ka hadlay ayaa shegay in dadka ay si jogi karan dalka.

"Muddo kordhinta waxay xaqiijineysaa in dadka Soomaaliyeed ee hore u joogay Mareykanka ay sii joogaan, kana shaqeystaan inta xaaladda sii xumaatay ee Soomaaliya ay sidaas tahay” ayuu yiri mas'uulkaas.

Kordhinta joogitaanka ee Soomaalida waxay fursad u siineysaa in ay ka faa’idaystaan oo ay dib isu-diwaangeliyaan si ay u sii haystaan joogitaanka ku meelgaarka ah.

Dad gaaraya ilaa 600 oo hadda haysta joogista ku meelgaarka ah ayey weli suuragal u tahay in ay sii haystaan joogitaan ilaa laga gaarayo sanadka 2016-ka haddii ay ka soo baxaan shuruudaha looga baahan yahay. Dadka haystay joogistan KMG ah waxaa laga doonayaa in ay dib isu-diwaangeliyaan.

Dib u cusbooneysiinta sharciga KMG waxa uu u ogolaanayaa Soomaali lagu qiyaasay 4,300 in ay dalbadaan deganaashahaas KMG ee TPS. Si aad u hesho waxaa lagaaga baahan yahay in aad ku nooleyd Mareykanka laga soo bilaabo bishan July 12-keeda 2024, dalkana waa in aad sii joogtaa.

Faahfaahinta sida aad isu-diwaangelineyso waxaa xogteeda lagu shaaciyey bogga dowladda Mareykanka ee arrimahaas lagu faahfaahiyey.

Qeybta jinsiyahada iyo socdaalka (USCIS) ayaa ka sii shaqeyneysa codsiyada la buuxiyay. Kuwa la ogolaado waxay helayaan joogitaanka in loo ogolaaday muddada la sheegay.

Maxamed Dooli waxa uu ka mid yahay sharciyaqaanada Soomaaliyeed ee ku nool waqooyiga Ameerika. Waxaan wax ka weyddinay waxa ay ka dhigan tahay kordhintan.

"Dadkan markii hore waxay haysteen degnaasho ku meelgaar ah, haddana waa loo kordhiyay, qofkii haystay warqad ku meelgaar ah ayey saameysaa, kuma jiraan dadka hadda soo galay”.

Sababta keentay in Soomaalida loo asteeyay kordhinta ayaa ah in ay ka jiraan dhibaatooyin ka taagan dalka.

"Mareykanka waxay u aqoonsadeen Soomaaliya wadan xaalad adag ku jiro oo aan sugi karin qofka bani’aadanka xuquuqdiisa, maadama waddanka sidaa loo aqoonsaday, lugama celin karo dad” ayuu yiri abuukaato Maxamed Dolli.

Haddaba maxaa ku dhacaya dadka ka badan afarta kun marka 18-ka bilood ee loogu daray uu ka dhamaado. Abuukaato Dooli waxa u sheegay in ay ku xiran tahay dowladda markaas joogta.

"Xaaladda Soomaaliya haddii ay isbeddesho oo dadka la celinayo lagu aamini karo waa la celin karaa, balse muhiimmadda waa in dadkan 18 bilood si caadi u shaqeysan karaan oo xuquuq ku leeyihiin dalka” ayuu sii raaciyey.

Sida ka jirta meelo badan oo caalamka ah oo dadka magangalyo doonka laga qaabilo, waxaa jirta marka uu qofka joogo muddo si sharci ah in uu helo habab u fududeyn kara sii joogista qofka.

"Waa dhici kartaa qofka hadii uu 18 bilood dalka ka shaqeyto oo wax dhibaato ah uusan geysan casnhuurna bixiyo, caruurta uu dhalo waxay noqonayaan Mareykanka, haddii ay u dhamaato 18 bilood waxay sameyn karaan codsi bani’aadannimo, aad ayeyna u caawineysaa" ayuu yiri Maxamed Dooli.

Xigasho BBC Somalia

Xildhibaan Ciid : Mas'uul katirsan dowladda ayaa iigu hanjabay inuu madaxa iga tooganayo

Xildhiban Cabdirisaaq Cabdullaahi Macallin Ciid oo katirsan baarlamanka Soomaaliya, ayaa sheegay in dil loogu hanjabay, markii uu ka hadlay dhacdadi Xabsiga dhexe iyo weerarkii maqaayadda Top Coffee, isagoo ku eedeeyay dowladda in aysan qaadin wax tallaabo ah oo looga jawaabayo dhacdooyinkaas.

Xildhibaanka oo hadal ka jedinayay fadhiga baarlamanka ayaa sheegay, markii uu ka hadlay dhacdooyinkaan in uu lasoo xiriiray mid kamid ah masuliyiinta dowlada, isagoo sheegay in loogu hanjabay in madaxa laga tooganayo. Xildhibaanka wuxuu sidoo kale sheegay in lagu tilmaamay inuu yahay Alshabaab.

"Waxaan ku iri Shabaab ma ahi, lakiin waxan u danqanayna dadkega, waayo mas'uuliyad ayaa iga saaran, waana matalaaddii la ii soo doortay inaan ka hadlo arrimahan. Hadalkii ka dambeeyay wuxuu ahaa, shalay kaddib hadaad ka hadashid madaxan kaa toognaya” ayuu yiri xildhibaanku.

Ma sheegin xildhibaanku masuulka usoo hanjabay, base wuxuu caddeeyay inuu baarlamaanka lasoo wadaagidoono warbixin uu kasoo diyaarin doono cidda hanjaabadaas kula kacday.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip