HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 16-7-2024

0
Tuesday July 16, 2024 - 09:02:26 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 100
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 16-7-2024

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Sheegay in jid dheer loo soo maray dib-ucasriyeynta hannaanka maaliyadda dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaal iya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in jid dheer loo soo maray dib-u-casriyeynta iyo hayaanka horu marinta hannaanka maaliyadda dalka oo shalay 10-sano jirsaday.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay munaasabad lagu soo bandhigayay guulaha maamulka maaliyadeed ee Soomaaliya, ayaa xusay in Soomaa liya ay shalay leedahay nidaam adag, casri ah oo lagu kalsoon yahay, kaas oo sababay in deyntii laga cafiyo dalka, isla markaana dalka u horseedaya in isbeddel dhaqaale iyo horumar oo dhab ah lagu sameeyo.

"Geeddi socodka hannaanka maa liyadda dalka, waxa uu kulmiyey dham maan geeddigii loo soo marayey dhis maha hey’adaha dalka dib-u-dhiskoo da, taas oo ina tusaysa in aan qaan-gaarnay oo deyntii nalaga cafiyey, xayi raaddii hubka nalaga qaaday, kuna biir nay suuqyadii gobolka, waxaan hoosta ka xarriiqayaa in dadka Soomaaliyeed ogaadaan in howshan aysan bilaash ku imaan ee habeenno badan loo soo jeeday, si guushan loo xaqiijiyo”.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyey dadaalkooda Was aaradda Maaliyadda iyo khubaradii ka soo shaqeeyey geeddi socodka la soo maray 10-kii sano ee la soo dhaafay (2013 – 2023), taas oo laf-dhabar u ahaa guulaha maaliyadeed ee la xaqii jiyey, waxa uuna kula dardaarmay in ay xoojiyaan dadaalkooda si loo gaaro tallaabooyin kale oo wax ku ool ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa u jee diyey hey’adaha la shaqeeya dowlad da in mashaariicda ay fulinayaan ay mariyaan nidaamka dowliga ah, maa daama uu hadda dalku leeyahay han naan maaliyadeed oo lagu wada kal soon yahay.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay warbixinta maamulka maaliyadda dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaa liya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay warbixinta maamulka maaliyadda dalka oo ka hadleysa guul ihii laga gaaray hannaanka maaliyadda dalka 10-kii sano ee la soo dhaafay.

Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Iimaan Cige, oo kulanka ka hadlay ay aa yiri"Canshuurta laga qaado shacab ka Soomaaliyeed 70% waxaa lagu bixi yaa amniga dalkeenna”.

Wasiirka ayaa sheegay in sanadihii lasoo dhaafay dalka uu sameeyay ko bac dhaqaale,balsa aya wax badan dhi manyihiin.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sidoo kale tilmaamay in shacabka soomaa liyeed gaar ahaan kuwa Muqdisho ay

Xaq u leeyihiin in cashuurta laga qa ado wax loogu qabto,iyadoo taa laga duulayana ay Xukuumaddu bilowday mashruuc wax looga qabanayo biyo-mareennada magaalada si xal loogu helo saamaynta roobabku ku keenaan magaalada Muqdisho.

"Shacabka Soomaaliyeed gaar aha an kuwa Muqdisho waxa ay xaq u leey ihiin in cashuurta laga qaado wax loo gu qabto, annaga oo taas ka duuleyna ayay Xukuumaddu bilowday mashruuc wax looga qabanayo biyo-mareennada magaalada si xal loogu helo saama ynta roobabku ku keenaan magaalada Muqdisho”ayuu yiri wasiir Biixi limaan Cige

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Maaliyada XFS oo ka warbixiyay

soo bandhigayay warbixinta maamulka maaliyadda ee (2013-2023) ayaa shee gay in warbixintaan ay soo kobeeyso mudda 10-sano ah waxyaabihii qabsoo may, caqabadihii jiray sida looga gudbi karo,waxa u intaa ku daray in mudaa waxa badan laga qabtay habka maa mulka maaliyadda ee dalka.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhaweeyay dalka Finland

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda War faafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-Cadaala) oo howla shaqo u socda ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Helsinki ee dalka Finland.

Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cum ar (Al-Cadaala) ayaa wax halkaa kus oo dhaweeyay qeybaha kala duwan ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaq an magaalada Helsinki ee dalka Finla nd, iyagoo sheegay inay ku faraxsany ihiin soo dhaweynta Wasiirka.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf (Al-Cadaala) ayaa dhankiisa ugu maha dceliyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan halkaas sida diiran u soo dhaweeysay, isagoo inta halkaas joo ga kulammo la qaadan doono madax katirsan Finland iyo Jaaliyadda Sooma aliyeed.

Guddoomiyaha SODMA oo la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda Cunnada Adduunka ee (WFP)

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeyn ta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda Cunnada Adduunka W FP ee QM, oo uu horkacayay madaxa WFP Soomaaliya El-Khidir Daloum.

Kulankan ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada hay’adood, sidii loo xaqi ijin lahaa in lala dagaalamo leexsa shada gargaarka bini’aadannimo iyo in la hubiyo in gargaarku si hufan u gaaro dadkii mudnaa ee loogu talagalay.

Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa uga mahadceliyay hay’ adda WFP wada shaqeynta wanaag san ee kala dhaxeeysa SoDMA, da daalka aan hagarta lahayn ee ay dalka ka waddo iyo guulihii taariikhiga ahaa ee labada dhinac wada gareen.

Shirka Horumarinta Qaranka oo looga hadlay mideynta dadaallada horumarineed

Shirka Madasha Wadatashiga Gola ha Horumarinta Qaranka (National De velopment Council) ayaa shalay oo Axad ah lagu qabtay magaalada Muqd isho.

Shirka waxaa guddoomiyay Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumar inta Dhaqaalaha Xukuumadda Federa alka Soomaaliya, ahna guddoomiyaha Golaha Horumarinta Qaranka, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beene beene). Waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Wasiirka Qorsheynta Jubbaland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Axmed, Wasiirka Qorsheynta Galmudug, Muda ne Axmed Cali Maxamed, Wasiirka Qorsheynta Hirshabeelle, Mudane Max amed Cabdi Cali, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Koonfur Gal beed, Mudane Maxamed Nuur Cabdi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Mudane Maxam ed Shire, Agaasimyaasha Guud ee Do wlad Goboleedyada, Agaasime Waax eedyada Wasaaradda Qorsheynta, iyo la taliye-yaal sare.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa howlaha mu hiimka ah ee Golaha Horumarinta Qar anka uu hayo iyo sidii loo mideyn la haa dadaallada horumarineed ee dalka oo dhan.

Qodobada Muhiimka ee Kulanka

1. Joogteynta Kulamada:

Golaha Horumarinta Qaranka ayaa isku raacay in la joogteeyo kulamada Golaha si loo xoojiyo ka wada-shaq eynta dhammaan howlaha shaqo ee ka dhaxeeya Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo Wasaaradaha Qorsheynta ee Dowladaha xubnaha ka ah Dowlad da Federaalka.

2. Qorshaha Isbedelka Qaran (QIQ: 2025 -2029):

Goluhu waxa uu si wadajir ah diirad da u saaray dar-dar gellinta diyaarinta Qorshaha Isbedelka Qaran kaas oo bedelaya Qorshaha Horumarinta Qar anka 9-aad ee gebo-gebada ah. Dow lad Goboleedyada waxaa laga taageeri doonaa diyaarinta iyo dib-u-eegista qor sheyaasha horumarineed si loo waafa jiyo Qorshaha Isbedelka Qaranka.

3. Xalka Barakacayaasha

Goluhu waxa uu isku raacay in xal waara loo helo barakacayaasha dalka ku sugan iyo in la dar-dar geliyo dha meystirka diyaarinta Qorshaha Qaran ee Wadiiqooyinka Xalka Waara. Qor shahan waxaa loogu talogalay in hal milyuun oo barakacayaal ah looga saa ro xaaladaha barakac ee ay ku sugan yihiin sida waafaqsan Istaraatiijiyadda Qaran ee Xalka Waara.

4. Dhiirigelinta Maalgashiga:

Goluhu waxa uu isku raacay xoojinta dadaallada dhiirigelinta maalgashiga caalamiga ah si looga wareego gar-gaarka bini’aadminimo loona wareego horumarinta dalka. Waxa uu ku baaq ay in la dhameystiro dhammaan shuru ucda qabyada ah (heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed), gaar ahaan kuwa hor yaalla Golaha Baarlamaanka sida Sharciga Maalgashiga Soomaal iya.

5. Kormeerka iyo Qiimeynta:

Goluhu waxa uu isku raacay in la xoo jiyo nidaamka Kormeerka iyo Qiimey nta dalka si loo xaqiijiyo in dhammaan mashaariicda dalka ka socdaa waafaq sanyihiin Qorshaha Horumarinta Qara nka. Waxa uu soo dhaweeyay ansixi nta Siyaasadda Qaran ee Kormeerka iyo Qiimaynta oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirada XFS, iyo xoojinta fulinta iyo dhaqangelinta siyaasadda.

Golaha Horumarinta Qaranka waxa uu ka kooban yahay Wasaaradaha Qorsheynta ee labada heer ee Dowla dda (Wasaaradda Qorsheynta Qaran ka iyo Wasaaradaha Qorsheynta ee Dowlad Goboleedyada dalka), taas oo sare u qaadaysa wada shaqeynta iyo horumarinta qorsheyaasha dalka.

Maxaa shalay looga hadlayaa Kulanka Xildhibaannada Golaha Shacabka?

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soo maaliya ayaa shalay oo Isniin ah wax aa ay ku yeelan doonaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho mid kamid ah kulamadooda caadiga ah.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa xalay Xildhibaannada u diray farriin la gu wargelinayay in uu jiro Kulanka Go laha Shacabka, isla markaana xildhiba annada looga baahan yahay inay ka soo qeyb galaan Kulanka shalay.

Ajandaha Kulanka shalay ee Xildh ibaannada Golaha Shacabka ayaa wa xaa uu yahay sii wadista dooda la xiri irta dhismaha Hay’adaha, kaas oo Sa btidii todobaadkaan ay Xildhibaannada Golaha Shacabka doodiisa billaabeen.

Inta uu socdo Kulanka shalay ee Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa waxaa la filayaa inay Xildhibaan nada ka hadlaan falalka amni darro ee ka dhacay Magaalada Muqdisho 48-dii Saacadood ee la soo dhaafay oo ugu dambeeyay weerarkii xalay ee Maqaay adda Top Coffee ee degmada Boon dheere.

Wasiir Al Cadaala oo si adag ugu jawaabey xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Dowlada Soomaaliya ayaa jawaaba adag siisey,siyaaasiyiin Warbaahinta ka sheegay in Villa Somalia ku fashlin tay dagaalka lagula jiro Al Shabaab.

Wasiir ku xigeeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo wareysi sii yey BBC Somali ayaa ku tilmey in sha qsiyaad ku fashilmey,siyaasadda ay Warbaahinta la taagan yihiin in cadaw ga umada dhibaateeya badhitaara yaa n.Siduu u dhigay hadalka Wasiirk a."Runtii waaan ka xumahay in siyaas iyiinta Soomaaliyeed macaash ka raaa diyaan in cadawga umada Soomaa liyeed ee Khawaariijtu ugu horeeyaan nooleeyaan”.

Wasiir Cadaala ayaa si cadhale ula Hadley xildhibaan Cabdiraxmaan Cab dishakuur Warsame oo dowlada ku eedeeyey in ay ku fashilantey halgan ka dalka lagu xoreynaayo."Waa cade ysteen in Al Shabaab afka ay ku tage eraan waxaanad arki kartaa waxa ay qoraan Guulaha dadka Soomaaliyeed iyo Dowladu gaarayso kama hadlaan mana bogaadiyaan badalkeed waxa ay jeclaan lahayeen u hamuun qabaan in dalka lga guuleysto cadawga Khawaa riijta ay niyad yeeshaan”

Wasiir Cadaala ayaa wareysi si adag ugu difaacay xukuumadda uu ka tirsan yahay,taas badalkeeda waxa uu Madaxweyne Farmaajo ku eedeyey in uuna Al Shabaab dagaalki loo baah naa uuna ku qaadin.

Wasiir Beenebeene "Dowladda waxa ay wadaa mashruuc lagu taageerayo 1 milyan oo barakacayaal”

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuuma dda Federaalka Soomaaliya, ahna gud doomiyaha Golaha Horumarinta Qaran ka, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene) oo ka hadlay Shirka Madasha Wadatashiga Golaha Horumarinta Qaranka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay waddo mash ruuc lagu tageerayo

1 milyan oo barakacayaal ku nool gobo lada dalka.

Mudane Maxamuud C. Sheekh Faa rax (Beenebeene) ayaa inta ku daray in wasaaradda ay wakiil ka tahay dajin ta qorshaha Qaran ee ay kuwada sha qeynayaan wasaaradaha Qorsheynta ee dowladda Federaalka iyo kuwa maa mul gobolleedyada, waxa uu sheegay in hadda uu soo dhamaaday qorshihii sagalaad ee mudda 5-sano ah soo socday, hadana ay ka sheqeynayaan kii badali lahaa shanta sano ee soo so coto.

Shirka Madasha Wadatashiga Gola ha Horumarinta Qaranka oo ay soo qa ban qaabisay wasaaradda Qorsheynta dowladda ayaa lasoo gaba gabeeyay waxan ka qeyb galay Wasiirrada Qor shaynta ee maamul gobolleedyada dal ka.

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qayb galay kulan looga hadlayay Iskaashiga iyo wadashaqeeynta WFP

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka Md. Maxamuud Maca llin Cabdulle iyo madax kale oo ka tir san SoDMA ayaa ka qeyb galay kulan looga hadlayay Iskaashiga iyo wadas haqeeynta fog ay Hay’addu la leeda hay Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) ee qaramada Midoobay.

La-taliyaasha iyo howlwadeennada hay’adda ayaa warbixin dhamm eestiran kuna aaddan aragtida fog ee hay’adda SoDMA la wadaagay madax da WFP ee uu hogaaminayay Md. El-Khidir Daloum oo ah Madaxda WFP ee Somalia.

Sidoo kale hay’adda WFP ayaa iya dana shirka la wadaagtay qorshayaa sha fog ee WFP xafiiskeeda Soomaa liya, iyadoo diiradda la saaray xoojinta xiriirka wanaagsan ee labada hay’ad dod, si qoota dheerna looga hadlay sid ii loo xaqiijin lahaa in lala dagaallamo leexsashada gargaarka bini’aadanni mo iyo hubinta in gargaarku gaaro dadka tabaaleysan ee lagu talagalay si hufan isla-markaana waqtiyeysan.

Ugu danbeeyn: Guddoomiye Maxa muud Macallin ayaa ka mahad-celiyay wada shaqeeynta dhow ee ka dhaxey sa SoDMA iyo WFP Iyo guulihii taariik higa ahaa ee la wada gaaray oo ay ka mid tahay; hormarinta iyo diyaarinta qorshaha istiraatiijiyadda shanta sano ee soo socota ee hay’adda SoDMA yeelatay iyo mashaariicda kale ee la xiriirta kor u qaadidda awoodaha hay’a dda.

Taliyihii Xabsiga Dhexe oo Shaqada laga joojiyay

Taliyaha Ciidanka Asluubta General Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sha qada ka joojiyey taliyihii Xabsiga dhexe General Daahir Cabdulle Raage ka dib dhacdadii Xabsiga dhexe ee sababtay Dhimashada ku dhawaad 10 ruux.

Taliyaha ayaa xilkaas si KMG ah ugu magacaabay Sarkaalka lagu magacaa bo General Maxamed Xuseen Axmed, dhanka kalena waxaa uu guddi u ma gacaabay baarista kiiskii Xabsiga dhe xe.

Talladaan Shaqa joojinta ah ayaa dad badan u arkaan mid dadka Soomaal iyeed looga sii jeedinaya arrinta ah si da ay hubka ku heleen Xubnihii Al-Sha baab ee ka dhex dagaalamay Gudaha Xabsiga Dhexe.

Taliska Booliska oo Faahfaahin hordhac ah ka bixiyay qaraxii ka dhacay Boondheere

Afhayeenka ciidanka Booliska Soo maaliyeed Gaashaanle Cabdifitaax Aa dan Xasan oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in gaari ay wax yaabaha qarxa Al-shabaab ka soo buu xisay uu ku qarxay maqaayadda Top Coffee oo ku taalla agagaarka taalada Daljirka Dahsoon ee degmada Boond heere, kaas oo la dhigay banaanka ma qaayadda.

Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xa san ayaa warbixinta hordhaca ah ee khasaaraha qaraxa geystay ku shee gay dhimashada 5-qof, halka ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 20 kale, waxuuna tilmaamay inay socdaan qii meynta rasmiga ah ee khasaarihii ka dhashay qaraxaasi.

Howlgallo lagu khaarajiyay maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay G/Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Howl gallo ka dhan ah Al-shabaab kawada maalintii 3-aad deegaanno hoostaga degmada Buuloburde ee gobolka Hii raan, halkaas oo laga saaray maleeshi yaadka Al-shabaab.

Howlgalladan oo ay horkacayaan tali yaasha ururka 291-aad ee guutada 29-aad ee Daljir Cali Xasan Axmed (Cali Cadde) iyo guutada 26-aad Cali Binu-daalib Cabdiraxmaan Salaad Xujaale ayaa Al-shabaab lagu gaarsiiyay jab xooggan.

Al-shabaab ayaa Gabi ahaanba faa rujiyay dhamaan deegaannada ay ka socdaan howlgallada, iyadoo halkaas lagu khaarajiyay maleeshiyaad badan halka kuwa intaas ba badan lagu dhaa wacay.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaali yeed oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa howlgallo ka wada guud ahaan goobaha ay ku dhuumaalysanayaan Al-shabaab gabalkooda dhacay, waxa ana laga khaarajiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad tiro beel ah.

Khasaaraha ka dhashay weerarkii qaraxa ahaa ee ka dhacay Muqdisho oo kordhay

Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhi masho iyo midka dhaawac ee ka dha shay weerarkii qaraxa ahaa ee xalay lagu qaaday Maqaayadda Top Coffee oo kutaalla kasoo horjeedka wasaarad da Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo u dhow Taalada Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheere.

Qaraxa oo ahaa Gaari weyn oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa ay aa lagu dhuftay Darbiga hore ee Maga ayadda, waxaana halkaasi dhimasho iyo dhaawac ku noqday dad kor u dhaafaya ilaa 30 ruux, kuwaas oo isu gu jiray kuwo fadhiyay Bannaanka ma qaayada, dad Gudaha kujiray iyo kuwo wadada marayay oo saarnaa Mooto oyin bajaaj ah.

War kasoo baxay Booliska sooma aliya ayaa waxaa lagu sheegay in wee rarka qaraxa ah ay ku dhinteen ilaa 5 Ruux halka 18 kalena ay ku dhaawa cmeen, hayeeshee wararka aan hel nay ayaa waxaa ay sheegayaan in qa ar kamid ah dadkii dhaawacyada lagu qaaday ay geeriyoodeen.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta loo beegsaday Maqaayadda oo dad u bad an dhalinyaro ay ku daawanyeen Ci yaarta Kubadda Cagta ee u dhaxeysay Xulalka Spain iyo Ingiriiska, halka ku wo kale ay ku shaahayeen, hayeeshee Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuli yadda ay sheegeen inay beegsadeen Shaqaalo katirsan dowladda.

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika iyo Hanti la boobay

Faah faahino dheeraad ah ayaa wax aa ay kasoo baxyaan Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah oo gudaha dalkaas ku dilay muwaadin Soomaaliyeed, sido o kalena boobay Goobo Ganacsi.

Kooxaha Burcadda ah ayaa weera ray Goobo Ganacsi oo kuyaalla Xaafa dda New Brighton Ee hoostagta mag aalada Port Elizabeth ee dalka Koonfur Afrika, iyaga oo dilay muwaadin Soom aaliyeed oo lagu Magacaaabi jiray Guu leed, halka ay boobeen Goobtii Gana csi oo uu ka Shaqeeynayay.

Wariye Cumar Khabiir oo kamid ah Soomaalida kunool Goobta uu weera rka ka dhacay ayaa sheegay in Kooxa ha Burcadda ah uu si dirqi ah kaga badbaaday Milkiilaha Goobta Ganacsi, isla markaana Gaadiid ay xoog kusoo wateen ay ku rarteen alaabtii taallay.

Ciidamo katirsan Booliska Koonfur Afrika ayaa tegay goobta uu weerarka ka dhacay, kuwaas oo sameeyay howl gallo baaritaano ah wallow aysan gaca nta ku dhigin Kooxihii Burcadda ahaa.

Dalka Koonfur Afrika oo Soomaali aad u farabadan ay ku nool yihiin ayaa waxaa mararka qaar loo geystaa dil, dhaawac iyo in la boobo Hantidooda, iyada oo dowladda Koonfur Afrika ay san waxba ka qaban.

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah Al-shabaab ka fuliyey xadka Baay iyo Bakool

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyed gaar ahaan guutada 8-aad ee qaybta 60-aad ayaa hawlgal sieyn ah waxay ka sameyeen deegaanada dhaca buur aleyda iyo dhulka hawdka ah ee kala qaybiya gobolada Baay Iyo Bokool, waxaana hawlgalkan hogaaminayey taliyaha guutada 8-aad ee qaybta 60-aad dhamme Ahmed Sheekh Cabdir axmaan.

Hawlgalla waxaa lagu burburiyay goobo maleeshiyadka Al-shabaab u a haa maktabka diiwaan gelinta maleseh iyadka cusub iyo xarun ay ku qaada yeen Lacago baad ah oo ay ka aruurin jireen dadka Soomaaliyed ee isticmaa la wadooyinka Baay, Bokool iyo Gedo.

Taliyaha guutada 8-aad ee qaybta 60-aad CXDS Dhamme Axmed Sheeh Cabdiraxmaan ayaa warbaahinta Qa ranka u xaqiijiyey in Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyed ay wali ku sugan yihiin goobaha ay Al-shabaab ka ery een, iyagoo xaqiijinaya amniga dhul kaas.

DF oo war rasmi ah ka soo saartay khasaaraha dagaal shalay lagu laayey Shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa war-sax aafadeed rasmi ah ka soo saartay da gaal galabta lagu laayey Al-Shabaab oo ka dhacay gobolka Galgaduud, ga ar ahaan dhulka miyiga ah ee u dhax eeya deegaanada Mesegawaay iyo Cawsweyne, halkaas oo lagu weeraray Shabaab is uruursanayey.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda warfaafinta DF:

In ka badan 50 Khawaarij ah ayaa la gu dilay howlgal ay si wadajir ah u sam eeyeen Ciidanka Qaranka, Geesiyaa sha Dadka Deegaanka iyo Saaxiibada Caalamka, kaasi oo ka dhacay deegaa nka Dhabaqle oo ku yaala inta u dhaxa ysa magaalada Masagaway iyo deega anka Cawsweyne ee gobalka Galga duud.

Xubnaha lagu laayay howlgalkaan ayaa isugu jira horjoogayaal iyo malee shiyaad Khawaarij ah, waxaana howl galku uu ka danbeeyay ka dib markii Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidamada degaanka ay heleen xogta cadowga oo isku aruursanayay halkaas.

Geesiyaasha Ciidanka Qaranka iyo dadka deegaanka ayaa hadda ku sug an goobihii dagaalku ka dhacay, iyad oo wali lagu raad joogo maleeshiyaad fara ku tiris ah oo isku dayaya inay naf tooda la baxsadaan.

Dhanka kale, maalmihii ugu danb eeyay Ciidanka Xoogga Dalka oo ay garab taagan yihiin shacabka Soomaa liyeed waxay cadowga jab xoogan ku gaarsiiyeen deegaanka Beerayabaal oo hoostaga degmada Buulo Burde ee gobalka Hiiraan, iyagoo sidoo kale gacanta ku dhigay deegaanno ka tirs an Jubbooyinka kuwaas oo hadda sha cabka ku nool ay gaartay neecawda dowladnimada.

Dowladda Soomaaliya oo kaashana ysa shacabka iyo saaxiibada caalamka waxaa ka go’an ciribtirka Al-shabaab nafla caariga ah ee duulaanka ku ah dalkeena, dadkeena iyo diinteena.

Deni oo xilal u magacaabaya shaqsiyaad ka soo jeeda degaanada Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullahi Deni oo jeediyay khudbad xasaasi ah ayaa shaaca ka qaaday in dadka kasoo jeeda deegaanada Koon fur Galbeed ee ku dhaqan Puntland ay lee yihiin xuquuq lamid ah bulshada deegaanka.

Deni ayaa si weyn u diiday in dadka asi loogu yeero barakacayaal, wuxuu na tilmaamay in mar hore ay liiskaas ka saartay dowlad goboleedka Puntl and.

Sidoo kale wuxuu ballan qaaday inu u xilal siyaasadeed u magacaabi doon o shaqsiyaad ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo ku sugan deegaanada Pu ntland, si ay talada wax ugu yeeshaan.

"Anigu ma oranaayo dadka Koonfur Galbeed, waa dadka reer Puntland, ke lmadda barakaca iyagaa ku celcelya annaga waa horaan ka saarnay, wixii ay ka helaan xilalka la dooranayo waa meesheeda laakiin waxaan balan qaad ayaa dowladda inay wax ka heli doon aan doorashada markay dhammaato dadka la magacaabayo ayeyna qayb ka ahaan doonaan” ayuu yiri madax weyne Saciid Deni.

Horay ayay usoo socotay arrintan, waxaana jira qorshayaal soo socday oo ku aadan sidii ay xubno maamulka Puntland ugu yeelan lahaayeen dadka soo jeeda Koonfur Galbeed ee ku dha qan magaalooyinka maamulkaas oo ay ku leeyihiin ganacsiyo kala duwan uyo guryo.

Waxaa kale oo jira xubno siyaasiyiin ah oo hadda ku jira ururada siyaasa dda ee Puntland, kwuaas oo rajo ka qa ba doorashooyinka deegaanka ee ka dhacaya Puntland.

Hadalkaan ayaa madaxweyne Sac iid Deni waxa uu ka sheegay munaasa bad qayb ka ahayd ololaha cod raadi nta xisbigiisa ee doorashada golayaa sha deegaanka Garoowe, Dangorayo iyo Godobjiraan oo dhowaan qabsoomi doonta, kuwaas oo loogu jiro loolan aad u xoogan

In ka badan 200 oo qof oo lagu dilay duqeymo ka dhacay dhulka Reer Falastiin

Israa’iil ayaa duulaan aad u darran 24 saac ee la soo dhaafay ku qaaday Qasa, iyadoo diyaaradaha dagaalka ay bambooyin u qeybiyeen guud ahaan marinka Qasa. Mid ka mid ah weerarr ada naxdinta leh wuxuu shalay ka dha cay aagga Khan Yonis ee koonfurta Qasa, in ka badan 100 qof ayaa ku geeriyootay 300 oo kalana waa ay ku dhaawacmeen, halka weerar arxan-dar rada ah ay shalay diyaaradaha Isr aa’iil ka geysteen iskuul ay Qaramada Midoobay maamusho oo ay dad rayid ah ku barakaceen, 15 qof ayaa lagu dil ay 86 kalana waa lagu dhaawacay, weerar kale oo shalay ka dhacay waq ooyiga Qasa, waxaa lagu dilay 16 qof.

, Halka Rafah ay ku dhinteen 6 ruux. Kaliya 24 saac ayay ku qaadatay Isr aa’iil si arxan darro ah inay u dhisho in ku dhow 200 ruux , ku dhowaad shan boqol oo kalan ay ku dhaawacdo, muu qaallada weerarrada laga soo bandhig eyna ayaa sidoo kale naxdin lahaa , iyadoo la arkayay carruur gubatay oo dhismayaasha laga soo hoos saarayo.

Dhab, ahaantii Israa’iil ayaa hadda ku tiirsan weerarrada cirka, sababtoo ah duulaanka dhulka wuxuu u noqday wa x argagax ku beeray, kaddib iska caa bin xooggan oo ay kala kulmeen dhaq dhaqaaqa Falastiiniyiinta.

Maxaa kasoo kordhay baaritaanka weerarkii lagu qaaday Donald Trump?

Madaxweyne Biden ayaa ku boori yay dadka Mareykanka inay hoos u dhi gaan heerkulka siyaasadeed -ka dib markii Donald Trump uu nin hubeysan ku weeraray isu soo bax Sabtidii.

Khudbad uu telefishinka ka jeediyay ayuu ku sheegay in uu bilaabmay baari taanak dhacadaasi.

Waxaa uu Biden shacabka ugu baa qay in ayka war sugaan baaritaanka hay’adda FBI oo uu sheegay in la ded ejin doono

Mr Biden wuxuu sheegay in America ay wajahday waqti tijaabo ah ka hor doorashada Mareykanka ee bisha Nov ember.

Goobo kooxda Al-Shabaab ay ku qoranayeen dagaal-yahaano oo la bur-buriyay

Ciidanka xoogga dalka Soomaali yeed ayaa shalay howl-gal culus ka fuliyey deegaanada dhaca dhulka how dka ah ee kala qeybiya gobollada Baa y iyo Bakool.

Howl-galkan oo lagu bartilmaameed saday maleeshiyaadka Al-Shabaab, ayey ciidanka ku bur-buriyeen goobo ay kooxda ku qoran jirtay dagaal-yaha annada cusub, sida uu warbaahinta u sheegay taliyaha guutada 8-aad ee qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dal ka oo hoggaaminayay howl-galka.

Sidoo kale waxaa howl-galka lagu nadiifiyay deegaano ay dadka shacab ka ah ee mara wadooyinka isku xira go bollada Baay, Bakool iyo Gedo ay ku baadi jirtay kooxda Al-Shabaab.

Taliye Dhamme Axmed Sheekh aya a sidoo kale waxa uu warbaahinta dow ladda u sheegay inay kusii raad-joog aan firxadka kooxda, islamarkaana ay sii socon doonaan howl-gallada.

Laba maalin kahor ayey aheyd mar kii ciidamada xoogga dalka oo kaasha naya kuwa dadka deegaanka ee Maca wiisleyda ay howlgal culus ka fuliyay deegaano hoostaga degmada Buulo burde ee gobolka Hiiraan, halkaasi uu dagaal toos ah ku dhexmaray ciidanka iyo Al-Shabaab.

Howlgalka oo ahaa mid culus ayaa waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab oo dhuu maaleysi kusoo galay deegaanka Bee rayabaal ee gobolkaasi, waxayna dowl adda sheegtay in lagu dilay ugu yar aan 10 ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana lagu gaarsiiyay khasaaare kale oo aad u culus.

Gobollada dhexe ayaa waxaa haa tan ka socda howl-gallo culus oo lagu doonayo in maleeshiyaadka Al-Shaba ab, si looga saaro deegaanada ay weli ku harsan yihiin, xilli uu dhawaan si ras mi ah u bilaaban doono wejiga labaad ee dagaalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip