Halkaan ka Aqriso Wararka Wargeyska Muqdisho Times

0
Saturday July 13, 2024 - 11:28:08 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 108
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkaan ka Aqriso Wararka Wargeyska Muqdisho Times

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweynaha Soomaaliya oo guddoomiyay shirka Guddiga Qaran ee ka hortagga maalgalinta argagixisada iyo la-dagallanka lacag dhaqidda

Madaxweynaha Jamhuriyada Federalka Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamud aya Gudomiyay Shirka Gudiga Qaran La-dagallanka Lacag-dhaqida iyo Kahortaga Malgelinta Argagaxisada oo ku qabsomay Xafiiska Amniga Qaranka ee Xarunta Madaxtooyada. 

Gudiga aya Madaxwenaha Jamhuriyada la wadaagay warbixino ku saabsan hanankoda shaqo, guulaha laga gaaray xakamaynta ilaha dhaqaale ee Al-shabaab iyo qorsheyaasha cusub ee lagu wajahayo xeeladaha dhaqale abuurka Argagixisada, iyaga oo soo bandhigay Shaqsiyaad ka tirsan al-shabaab oo lagu soo rogayo cuna-qabatayn dhaqaale.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul istaagay muhiimadda dagaalka ka dhanka ah dhaqaalaha Argagixisadu u leeyahay ciribtirka Al-shabaab iyo nabad kusoo dabaalida dalka, isaga o faray mas’uliyinta ku mideysan Guddigan in la dar dar geliyo qorsheyaasha burburinta ilaha dhaqaale ee Al-shabaab iyo ciribtirka khataraha maaliyadeed ee dalka, gaar ahaan lacag dhaqidda.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay xaflad loo sameeyay abaalmarinta saraakiil ciidan iyo howlwadeenada waxbarashada

Madaxweynaha Jamhuriyada Federalka Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa ka qayb galay munaasbad loogu talagalay abaal-marinta Saraakiisha Ciidamada Amaanka iyo Howl-wadeenada kale ee Wasaaradda Waxbarashada. 

Madaxweynaha ayaa wasaaradda waxbarashada iyo ciidanka ammaanka ku bogaadiyay doorkii muhiimka ahaa ee ay ka qaateen qabsoomidda Imxitaanka Qaran ee dugsiyada sare ee dalka.

Mudane Xasan Sheekh ayaa xusay in Dowladda ay ku guuleysatay wax badan oo horumar ah ,gaar ahan dib u soo nooeynta tacliinta dalka oo lagama maarmaan u ah isku xirka howlaha dowladda iyo kuwa shacabka Soomaaliyeed.

"Wax badan ayaan qabsannay, waxa dhimanna waa la gaari donna, sidaa aawadeed farriinta howsha aan u taagan nahay waa mid ku timid wadajir” ayuu yiri Madaxwenaha Somalia o ka mahadceliyay dadaalka loo galay qabsoomida imtixaanka dugsiyada sare.

Madaxweynaha Somalia ayaa qiray in deegaanno badan oo laga saaray kooxaha nabad-diidka ah ay haatan ka jiraan nolol caadi ah iyo waxbarasho,wuxuuna intaa raaciyay in ay muhiim tahay in la qiimeeyo guulaha la gaaray gaar ahaan dagaalada lagu sifeynayo argagixisada

Madaxweymaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay shacabka in ay ka fogaadaan gacansiinta kooxaha al-shabaab, isagoo tusaale u soo qaatay in la hayo liiska kuwa taakuleeya argagixisada, halka lagu raadjogo ama dabagal lagu hayo kuwa kale oo weli gacanta u fidiya kooxaha al-shabaab nabad-diidka ah.

Wasiirka Waxbarashada oo xafiiskiisa ku qaabilay madaxda Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir. 

Guddoomiyaha Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir, Cabdulqadir Maxamed Xasan ayaa u gudbiyay Wasiirka tallooyin lagu horumarinaayo waxbarashada hoose ee Gobolka Banaadir, isaga oo bogaadiyay dedaallada Wasaaradda Waxbarashada ee hormarinta iyo baahinta waxbarashada.

Gudomiyaha aya sidoo kale bogaadiyay guushii uu kusoo idlaaday imtixaankii dugsiyada sare ee dalka, kaas oo dhawaan ay dalka ka qabatay Wasaaradda Waxbarashada.

Dowlada Oo Canshuurta Ka Qaadaysa Lacagaha Taleefanada Wax La Isaga Iibsado

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Biixi Iiman Cige ayaa ku dhawaaqay in Wasaaradda ay dhaqangelisay nidam casri oo suragelinaya in Canshurta iibka laga qaado lacagaha la isaga diro talefanada. 

Muuqaal lagu faafiyay baraha dowlada Soomaaliya ayuu wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan ugaga hadlay nadaamka cusub ee ay wasaarada maaliyadu u diyaarisay inay canshuurta iibka” Sales Tax” ugaga qaado dadka iyo ganacsatadaba.

"shirkadaha isgarsinta iyo ganacsa-tadaba waxan la wadagaya in canshuuraha ka dhasha iibka ee sida danabaysan u dhaca ha noqdaan moobaylada,walletyada iyo Marchanada ay dowladu yeelatay hab ay canshuurta ugaga goosan karto.”ayuu yiri Wasiir Biixi.

Wasiirka ayaa ku amray shirkadaha isgaarsiinta ee bixiya adeegyada lacagaha inay waaxda dakhliga howlaha ku howlan ay gacan ku siiyan inay gutan howlahooda.

"Ganacsatada ku howlan iib waa inay waajibiyaan inay canshuurta gadista saaraan iib kasta ama dhaqdhaqaaq kasta oo ay sameyan.”ayu hadalkiisa sii raaciyay.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in canshuurta iibka ee ay dowladu ka qaadayso ay tahay boqolkiiba shan uuna yahay mid aad uga yar canshuurta laga qaado dalalka deriska la ah Soomaaliya.

Hase yeeshee Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaan sheegin waqtiga uu bilaaban doono in dowladu ay ka goosato canshuurta lacagaha moobaaylada la isaga dirayo.

Warkan ka soo baxay Wasaarada maaliyadda ayaa ku soo beegmaya maalin kadib markii Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Xukumada Jamhuriyada Federalka Somalia, lagu ansixiyey Hindise Sharciyedka Canshuraha Dakhliga.

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda oo ka qayb galay kulan looga hadlay la dagaalanka socdaalka sharci daradda ah

Agasimaha Guud ee Hay’ada Socdaalka Iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane Ahmed Saciid Maxamed iyo wafdi uu hogaaminayo aya casimada Tunisiya ee Tuunis uga qayb galay kulan ay isugu yimaden madaxda Hay’adaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee wadamadada ku jira Ururka Jaamacadda Carabta. 

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray ka hortagga dukumentiyada safarka ee been aburka ah iyo la dagalanka socdalka sharci daradda ah (Tahriibka), iyado gabagabadii lagaso jediyay taloyin ku haboon sida looga hortagi karo socdalka sharci darada ah.

Shirka ayaa oggolaaday in la abuuro guddi farsamo oo ka shaqeeya diyaarinta hab Digital ah oo lagu wadaago xogta la xirrirta safarka iyo dhaqdhaqa muwadininta wadamada ku jira Jaamacadda Carabta.

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Sharciga Canshuuraha Dakhliga

Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federalka Somalia, oo uu Guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Sharciga Canshuuraha Dakhliga iyo Xeer-Nidamiyaha Maaraynta Maaliyadda Guud, Siyaasadda Deymaha iyo Hannaanka Amaahashada iyo Sosarista Damanadaha. 

Golaha Wasiirada aya warbixin ku saabsan horumarka iyo dhismaha kaabayaasha Dhaqalaha dalka ka dhageystay Wasarada Howlaha Guud oo soo bandhigtay Wadoyin laga dhisayo Garowe, Baydhabo iyo Kismayo io sido kale kuwo qorshuhu yahay in laga dhisay magaalooyinka Beledweyne iyo Dhuusamareeb, halka magaalada Muqdisho laga hirgelin doono biyo mareno iyo dhuumo qaada bullaacadaha.

Golaha Wasiirrada ayaa ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Difaaca howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Al-shabaab ah ee ka soconaya qaar kamid ah gobollada dalka, waxa uu goluhu bogaadiyey howlgalladii ugu danbeeyey oo deegaanno dhowr ah looga sifeeyey argagixisada.

Warbaahinnada Qaranka Soomaaliya & Jabuuti oo iskaashi wadashaqeyn iyo mataaneyn ah ku kala saxiixday Jabuuti

Wasiirka Wasarada Warfafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka Somalia, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Boostada ee Jamhuriyadda Jabuuti. Mudane Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon aya goobjoog ka ahaa munasabada saxiixa Iskaashiga, wadashaqenta iyo matanenta Warbahinada Qaranka ee Somalia iyo Jabuuti. 

Munaasabadda oo lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Jabuuti waxaa khudbado ka jeediyey labada Wasiir ayadoo ugu horeyn Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac uu tilmaamay in shalay ay tahay maalin taariikhi ah oo si rasmi ah loo mataaneeynayo Warbaahinta Qaranka labada Dowladood, isla markaana ay iskaashi wada shaqeyneed rasmi u yeelan doonaan.

Dhinaciisa Wasiirka Wasarada Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon ayaa soo dhaweyn kadib waxa uu tilmaamay in dhankooda ay diyaar u yihiin fulinta iskaashigan iyo iney khibrad is dhaafsi iyo wadashaqeyn la yeeshaan walaalahooda Soomaaliyeed, isagoo Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya uga mahad celiyey wada shaqeyntiisa.

Iskaashigan shaqo ee ay shalay ku kala saxiixdeen magalada Jabuuti Warbahinada Qaranka labada dal waxaa dhanka Soomaaliya u saxiixay Agaasimaha Radio Muqdisho C/fataax Daahir Jayte halka uu Jabuuti uu u saxiixay Agaasimaha Guud ee Raadiyaha iyo Telefishinka Jabuuti Aadan Cabdi Jaamac. Munaasabadda waxaa sidoo kale Goobjoog ka ahaa Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Jabuuti, Mudane Salaad Cali Jeelle, iyo Danjiraha Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Rashiid.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdigiisa oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Jabuuti ayaa kormeeray xarunta Raadiyaha iyo Telefishinka Jabuuti ee RTD halkaasi oo loogu sharaxay sida ay u shaqeeyaan.

Dowladda FS iyo Maamulka Jubbaland oo soo saaray qodobbo muhiim ah oo khuseeyay colaadihii ka dhacay Luuq

Mas’uliyiin ka tirsan Dowlada Federalka ,maamulka Jubbalanad iyo waxgarad kale oo maalmahaan ku sugnaa Degmada Luuq aya so saaray warsaxafaded ku saabsana xal u helida coladihii sokeye ee dhexmaray bulshada ku dhaqan degmadasi. 

Warsaxaafadeedkaan ayaa dhigaya in loo hoggaansamo xabad joojin shuruud la’aan ah iyo in la badbaadiyo hantida shacabkii barakacay, in laga wada qeybqaato nabadda, in dadku ay ku soo laabtaan guryahooda iyo in loo diyargarobo wadaxaajood ay ka qeybgalan dhinacyadi ku dagalamay halaasi

Wafdigii ka qeybgalay heshiisiinta bulshada ku sugan Degmada Luuq waxaa kamid ahaa Wasiir Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada XFS Mudane Axmed Cumar Maxamed iyo Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Maamulka Jubbaland.

Heshiiska nabadeed ee la dhexdhigay dadka walalaha ah ee ku dhaqan Degmada Luuq waxaa kaloo ka qeybgalay maamulka Degmada Luuq, saraakiisha ciidamada, oday dhaqameedyo iyo waxgarad kale

Wasiir Mareeye "Dadka Beeralayda iyo Xoolo dhaqatada ah waxa ay naga mudanyihiin in aan dhiirigelinno oo garab istaagno

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabja Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo kulan wadahadal ah la qaatay madaxda Dowlad Goboledka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ujeedka socdaalkoodu la xiriiro fulinta qorsho howleedyo ku aadan sidii loo heli lahaa wada shaqeyn dhexmarta beeraleyda iyo Dowlad Goboleedyada. 

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ayaa sheegay in Dowladda ay ka shaqeyneyso sidii beeraleydu ay u heli lahaayeen qalab iyo in laga saacido xagga maalgalinta iyo kahortaga dulinka cayayaanada ee burburiya nuucyada dalagyada.

Socdaalkaan oo ah kii labaad ee madaxda wasaaradda beeraha ay ku tagaan Magaalada beydhabo ayaa loogu magacdaray socdaalka tacbashada beeraha iyo la qabsiga cimilada, iyadoo horay loo soo maray deeganada Galmudug

Munaasabad lagu soo dhaweynayo diyaaradda Egypt Air oo lagu qabtay Garoonka Aadan Cadde

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa Shalay ka dhacday munasabad lagu so dhawenayay diyaaradda Egypt Air oo markii ugu horeysay bilowday dulimadkeda Muqdisho. 

Munaasabada ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Wasaraada Gadiidka iyo Duulista Hawada Fardowsa Maxamed Cigaal, xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka JFS iyo wufuud ka socotay dalka Masar.

Mas’uuliyiintii iyo wefdigii ka qeyb galay munaasabada ayaa sidoo kale soo dhaweeyay tallaabadan, iyagoo rajo ka muujiyay in duulimaadka diyaaradda Egypt Air uu gundhig u noqon doono ballaarinta iskaashiga ka wada dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay dhiggiisa Masar

Wasiirka Arimaha Dibada xukumada federalka somalia Ahmed Moalin Fiqi aya shalay Garonka Diyaradaha ee Aadan Cadde ku so dhaweyay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Masar Badr Cabdulcaadi oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho. 

Wasir Fiqi oo Shir-Jara’id qabtay ayaa ku nuxnuuxsaday muhiimadda ay tallaabadan u leedahay xoojinta xiriirka labada dal, isago xusay in bilaabista duullimaadyadan tooska ah ay qayb ka qaadanayso xoojinta iskashiga dhaqale iyo ganacsi e labada dal.

Wasiirka aya sido kale soo hadal qaaday doorka hormuudka ah ee Masar ay ka ciyareyso taageeridda mowqifka dowladda Soomaaliya, isagoo carabka ku adkeeyay in Masar ay sii wadi doonto ka hortagga talaabooyin kasta oo hoos u dhigaya madaxbanaanida dalka.

"Jamhuuriyadda Masar ayaa ku celisay mowqifkeeda diidmada xadgudubyada Itoobiya, kaddib wadahadal toddobaadkii hore khadka taleefonka ku dhaxmaray Madaxweynaha JFS, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Masar, Abdel Fattah El-Sisi.” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Duulimaadka Tooska ah ee diyaaradda Egypt Air ee la daahfuray ayaa ka dhigan tallaabo weyn oo loo qaaday dhanka sare u qaadida iskaashiga dhaqaale ee labada dal, taasoo ka tarjumaysa himilooyinka guud ee labada shacab ee walaalaha ah.

Safiirka JFS ee dalka Shiinaha oo ka qeyb galay shirka horumarinta iyo waxqabad wadaagga ee dalka Shiinaha

Safiirka Jamhuriyada Federalka Somalia ee dalka Shiinaha Danjire Cawaale Cali Kullane, ayaa magaalada Beijing uga qeyb galay shirweynihii labaad ee madasha hormarinta io waxqabad wadaga calamiga ah ee (Shared Development). shirkan ayaa socon doona inta u dhaxaysa 11-13 Luulyo, 2024. 

Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Horumarinta iyo iskaashiga caalamiga ah (CIDCA) ee Shiinaha ayaa ujeedkiisu tahay in la kobciyo iskaashiga caalamiga ah si loo helo horumar waara.

Wakiilo ka kala socda in ka badan 110-waddan iyo 30 hay’adood oo caalami ah ayaa isugu yimid shirka, wuxuuna shirka intiisa badan daarnaa in la sahamiyo lana qorsheeyo waxqabadka iyo horumar waara ee guud ahaan caalamka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha Wang Yi, ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay xafladda furitaanka 12-kii July, isagoo ku nuux nuuxsaday guulaha laga gaaray hindisaha horumarinta Caalamiga ah (GDI) tan iyo soo jeedintii 2021-ka, iyada oo loo marayo is af-garad iyo iskashi, sida maalgelinta, shaqo abuurka, yaraynta sabolnimada, cusbonaysiinta warshadaha, iyo yaraynta isbedelka cimillada.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Shiinaha Danjire Kulane, aya shirka ka sheegay sida uu ugu faraxsan yahay dadaalka Shiinaha, wuxuuna carabka ku adkeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay iskaashiga caalamiga ah, isagoo dhanka kale, tilmamay in Soomaaliya ay daneyneyso ka faa’ideysiga fursadaha ay ay GDI-du bixiso si aan u jogteyno hadafkena horumarineed.

Dowladda Masar oo markale taageero u muujiysay midnimada Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Mudane Badar Cabdulcaati ayaa sheegay in dowladda Masar ay si buuxda u taageersan tahay midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, kaddib shir jara’id oo uu shalay ku qabtay caasimadda Muqdisho. 

Ugu horeyn, wasiirka ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen, wuxuuna ku tilmaamay daah-furka khad duulimaad toos ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar dhacdo taariikhi ah oo ka tarjumaysa xiriirka qotada dheer ee labada dal.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar aya u gudbiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud salaan uu ka siday, Madaxwey-naha Masar Mudane C/fatax Al-Sisi, iyo fariin oo ugu rajeeyay dowladda iyo shacabka Somaliyed hormar iyo barwaaqo.

Wasiir Badar Cabdulcaati ayaa sido kale shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeyay xuska maalinta xorriyadda, wuxuuna bogaadiyay doorashada Soomaaliya ee xubinnimada Golaha Ammaanka.

Wasiirku waxa uu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in labada dal ay si wada jir ah uga wada tashadaan caqabadaha ka jira gobolka, kuna baaqay in la ixtiraamo mabaadi’da deris wanaaga.

Dowladda Masar waxay aad u daney-neysaa midnimada iyo madax-banaanida Soomaaliya, waxayna taageereysaa dadaallada ay dowladda Soomaaliya kaga hortageyso isku day kasta oo lagu waxyeeleynayo madax-bannaanideeda.

Wasiirka ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in Masar ay garab taagan tahay Soomaaliya, islamarkaana ay diyaar u tahay inay ka caawiso dhan walba oo suurtagal ah, sida uu hadalka u dhigay.

Danjire Kullane” Waxaa naga go’an in aan sii wadno doorka muhiimka ah ee dib-u-heshiisiinta ku leedahay iskaashiga caalamiga ah,’’

Safiirka Soomaaliiya ee dalka Shiinaha Amb: Cawaale Cali Kullane ayaa ka qeyb galay munaasabadda xiritaanka kulan muhiim ah oo ku saabsan ‘’ Aqoon-kororsi” kaas oo ka qabsoomay magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha. 

Kulanka oo ay soo qaban-qaabisay wasaaradda arrimaha dibadda ee shiinaha waxaa kaso qeyb galay kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Miao Deyu, waxaana munaasabada khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay Danjire Kullane, isagoo ku dheeraaday ahmiyadda ay leedahay is-beddelka dhinacyada badan leh ee shalay dunida ka socda.

Sidoo kale, Danjiraha ayaa ku nuux nuuxsaday doorka muhiimka ah ee wada-shaqeynta iyo wax ka qabashada caqab-adaha caalamka iyo kobcinta iskaashiga caalamiga ah. Wuxuuna ku ammaanay Dowladda Shiinaha sida markasta ay diyaar ugu tahay garabka istaaga Somalia.

‘’ Shiinaha sida ay uga go’an tahay in ay nala wadagan khibradooda iyo aragtidooda wa mid aad u qiimo badan, haddaan nahay Soomaaliya waxaan si qoto dheer uga mahadcelineynaa iskaashiga wanaagsan, waxaanna naga go’an inaan sii wadno doorka muhiimka ah ee dib-u-heshiisiinta ku leedahay iskaashiga caalamiga ah,’’ ayuu yiri Danijire Kullane.

Danjire Kullane ayaa yiri, "Shiinaha sida ay uga go’an tahay in ay la wadaagaan khibradahooda iyo aragtidooda waxay ahayd mid aad u qiimo badan, haddaan nahay Soomaaliya waxaan si qoto dheer uga mahadcelineyna iskashiga wanagsan, waxaana naga go’an inaan sii wadno doorka muhiimka ah ee dib-u-heshiisiinta ku leedahay, iskaashiga caalamiga ah.”

Sidoo kale, Safiirka oo hadalkiisa sii wata aya hoosta ka xariiqay in ay Soomaaliya fahamsan tahay caqabadaha ka jira caalamka, islamarkaana ay Somalia aqoonsan tahay noocyada kala duwan ee xeerarka caalamiga ah una heelan tahay in ay si macno leh uga qeyb qaadato nabadda iyo xasilloonida caalamka.

Munaasabadan oo ay ka soo qeyb galeen wakiilo ka kala socday dalal kala duwan iyo hay’ado caalami ah ayaa lagu soo gebagabeeyey aragti isweydaarsi looga gol laha in kor loogu qaado iskashiga iyo isfahamka caalamka. Wuxuuna Danjiraha muujiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in ay si firfircoon uga qayb-gasho fagaarayaasha caalamka.

Australia oo lamaane Russian ah u xirtay falal basaasnimo

Dowladda Australia ayaa askariyad iyo ninkeeda u xirtay falal basaasnimo, ka dib markii lagu eedeeyay inay u basaasayeen dalka Ruushka. 

Lamaanahaan ayaa asal ahaan ka soo jeeda dalka Ruushka, balse waxay sidoo kale haysteen basaboorka Australia.

Hay’adaha amaanka ayaa laamanahaan ku soo oogay in ay ku howlanaayeen falal basaasnimo.

Taliyaha Ciidanka Booliska Australia, Reece Kershaw oo uu garabtaagnaa Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka, Mike Burgess aya Jimcahan Warbahinta u sheegay in haweneyda ka tirsan ciidamada ay dooneysay inay hesho xogta agab difaac, si xogtaasi ugu gudbiso Ruushka.

"Lamaahaan oo haysta dhalashada Australia waxay ka shaqeynayen inay helan waxyaabo la xiriira amniga qaranka.” Ayuu yiri Taliyaha.Taliyaha oo shir jaraa’id ku qabtay Caasimadda Canberra ayaa yiri "Waxaan ku eedaynaynaa inay raadiyeen xogtaas, iyagoo ujeedadoodu tahay inay siiyaan masuuliyiinta Ruushka.”

Reece Kershaw, Taliyaha Booliska Australia ayaa tilmaamay in haweeneydan ay u safartay Ruushka, ayna ku amartay saygeeda oo jooga Australia in uu galo akoonkeeda xafiiska ama shaqada, si ay u hesho macluumaadka agabka difaaca.

Inkastoo Taliyuhu uusan sheegin nooca agab ee ay haweeneydaasi dooneysay inay xogtiisa basaasto, haddana waxa uu sheegay inay diiradda saarayaan, haddii la dusiyay macluumaadka la xiriira iyo in kale.

Raysal Wasaaraha Australia, Anthony Albanese ayaa cid kasta uga digay inay ku kacdo falal liddi ku ah amniga qaranka.

"Dadka farageliya danaha qaranka waa lala xisaabtami doonnaa, waana sida saxda ah waxa xiritaankani uu metelo.” Ayuu Raysal Wasaaruhu u sheegay Wariyeyaasha, inkastoo uu diiday inuu wax faah faahin ah ka bixiyo kiiskan oo uu sheegay inuu horyaallo maxkamadda.

Igor iyo Kira Korolev ayaa ka soo muuqday Maxkamadda Darajada 1aad ee Magaalada Brisbane, iyadoo Xafiiska Xeer Ilaalintuna uu sheegay in mid kasta loo haysto inay isku diyaarinayeen dembi basaasnimo.

Maxkamadda ayaa amartay in xabsiga lagu sii hayo, illaa 20-ka bisha September, markaas oo la qaban doono fadhiga xigga ee lagu dhageysanayo eedeymaha loo haysto.

Haddii lagu helo falalka basaasnimo ee lagu soo eedeeyay ayay mudan karaan min 15 sano oo xarig ah. Kira Korolev waa 40 jir, iyadoona Igor uu 62 jir yahay.

Lamaanahaan ayaa Australia ku noollaa in ka badan 10 sano, iyadoo haweeneydu ay sharciga dalkaasi heshay sanadkii 2016, halka saygeedana la siiyay sanadkii 2020.

Waa kiisii ugu horreyay ee ceynkiisa ah ee hoos yimaada sharciga cusub ee la soo bandhigay sanadkii 2018.

Madaxweyne Biden oo mar kale ku hor fadeexoobay shacabka Mareykanka

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden aya habeen hore ku haftay shir jaraa’id oo la wada sugayay, ka dib markii uu isku khalday magacyada haweneyda Madaxweyne Kuxigenka u ah Kamala Harris iyo Donald Trump. 

Madaxweynaha ayaa shirkiisan jaraa’id kaga hadlayay dhalleeceynta uu kala kulmayo shacabkiisa, ka dib markii daba-yaaqadii bishii June uu waxyaabo badan isku khalday, intii ay socotay dooddii ugu horreysay ee loo qabtay isaga iyo Trump.

Shacabka Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay da’da Madaxweynaha iyo sida ay maskaxdiisu u lumineyso xusuusta.

Madaxweynuhu wuxuu habeen hore ku andacooday inuu isagu yahay shakhsiga ugu mudan ee hogamin kara Mareykanka, wuxuuna iska diiday soo jeedinta ah inuusan ku habbooneyn in mar kale uu u tartamo dorashada madaxtinimada dalkasi ee la qabanayo 5-ta bisha November.

Madaxweynaha oo ka hadlayay Caasimadda Washington ayaa sheegay in xaaladdiisu ay wanaagsan tahay, isla-markaana uu doonayo in muddo xileed kale uu hoggaamiyo Aqalka Cad.

Mar wax laga weydiiyay inuu afar sano oo kale dalka hoggaamin karo ayuu difaacay go’aankiisa dib ugu soo laabashada xafiiska, waxaana uu isku sifeeyay qofka mudan ee ku guuleysan kara doorashada November, isla-markaana aysan kaalintiisa hoggaamineed wax shaki ah ku jirin.

Hase yeeshee Biden ayay daqiiqado yar ka dib fadeexad ka qabsatay, markii uu isku khalday magacyada Donald Trump iyo Kamala Harris.

Madaxweynaha oo ka waramayay kartidiisa iyo xulashadiisa uu Kamala Harris ugu soo xushay inay kuxigeen u noqoto ayaa kala hadlay.

"Bal fiiri uma aanan dooran Madaxwene Kuxigeenka Trump, haddii aysan u khalmin inay Madaxweyne noqoto. Marka aan halkaa ka bilowno, marka koowaad xaqiiqdu waxay tahay in tixgelintu ay tahay inaan malayno inaan ahay qofka ugu aqoonta badan, si aan ugu tartamo Madaxweynaha. Halmar ayaan garaacay, mar labaadna waan garaacayaa.” Ayuu yiri Madaxweynuhu, iyadoo shirka jaraa’id ay goobjoog ka ahaayeen Hoggaamiyeyaasha Gaashaanbuurta NATO qaarkood iyo weliba Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy.

Joe Biden, Madaxweynaha Mareykanka ayaa mar kale isku khalday magacyada Madaxweyneyaasha Ukraine iyo Ruushka, isagoona Madaxweyne Zelenskyy ugu yeeray Putin, mar uu doonayay in microphone-ka uu ku soo dhaweeyo Madaxweynaha Ukraine.

"Haddana waxaan hadalka siinayaa Madaxweynaha Ukraine, oo ah nin kulansaday karti iyo dhiiranaan. Mudaneyaal iyo marwooyin ila soo dhaweeya Madaxweyne Putin. Madaxweyne Putin waan hubaa in aad garaaci doonto Putin. Putin waxaan ula jeedaa Zelenskyy.” Ayuu yiri Biden.

Biden oo ay is hayaan Vladimir Putin, Madaxweynaha Ruushka ayaa ku cudurdaartay in Putin uu maskaxda ka galay, sababo ku aaddan halka ay ka kala joogaan siyaasadda caalamka iyo arrinta Ukraine.

"Waxay iiga dhegtay in aan Putin meel saaro, maxaa yeelay welwel ayuu nagu hayaa. Waxaan aad diiradda u saarayaa inaan garaaco Putin.” Ayuu yiri Biden, isaga oo isa saxaya.

Is gefka hadalada Madaxweynaha ayaa muujineysa in xusuustiisu ay si’ wax ka yihiin, inkastoo isagu uu ku adkeysanayo in xaaladdiisu ay wanaagsan tahay.

Biden oo 81 jir ah ayay da’diisu walaac ku haysaa shacabka Mareykanka, waana tan keentay in Siyaasiyiinta Xisbigiisa Dimoqraadiga qaarkood ay ugu baaqaan inuu isaga haro tartanka doorashada.

Haddii Biden uu ku adkeysto in uu tartamo doorashada bisha November ayaa wuxuu noqonayaa hoggaamiyihii ugu da’da weynaa ee Mareykan ah, oo mar labaad u tartamo jegada madaxtinimada ee Mareykanka.

Biden wuxuu noqday Madaxweynihii Mareykanka ugu da’da weynaa ee xilka loo dhaariyo, isagoo 78 jir ah.

Madaxweyne Erdogan "Turkiga ma aqbali doono isku dayga wada shaqeynta Israel ee NATO

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay maalinimadii daraad oo Khamiis aheyd in isku dayga lagu doonayo in Israa’iil lagala shaqeeyo NATO ay tahay "mid aan la aqbali karin. 

Madaxweynaha ayaa sheegay in maamulka Israel, oo ku tuntay qiyamka aasaasiga ah ee dadka Falastiin inuu sii wado xiriirka iskaashi ee uu la leeyahay NATO,xilli uu shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Washington D.C. oo lagu qabtay kulan madaxeedka hoggaamiyeyaasha NATO.

Ilaa inta laga helayo nabad waarta oo dhamaystiran oo ka hirgasha dhulka Falastiin, isku dayada wada shaqaynta Israa’iil ee NATO ma ogolaan doono” ayuu yidhi Erdogan.

Erdogan ayaa ku qanciyay xubnaha mas’uulka ka ah beesha caalamka ay gacmaha is qabsadaan oo ka shaqeeyaan sidii xal laba dowladood ah loogu heli lahaa Israa’iil iyo Falastiin, iyadoo la eegayo xudduudihii 196,.

Hadalada Madaxweynaha Turkiga ayaa yimid xilli Hogaamiyayaasha NATO ay ka qeybgaleen shir saddex maalmood socday oo lagu xusayay sanadguuradii 75-aad ee isbahaysiga militariga.

Shiinaha iyo NATO oo ay ka dhex tolan tahay

Shiinaha ayaa si adag u beeniyay eedeymaha kaga yimid Hoggaa-miyeyaasha Gaashaanbuurta NATO ee ku saabsan in Beijing ay Ruushka ku gacan siineyso dagaalka dalka Ukraine.

Madaxda dalalka xubnaha ka ah NATO ayaa shirkoodii Washington ka soo saaray in Beijing ay taageero aan caadi ahayn siiso Moscow.

Hoggaamiyeyaasha NATO ayaa eedeyntooda ku xusay in Shiinuhu uu noqday suurtageliye go’aan leh, marka la eego taageerada nooc kastaba leh ee ay siiyaan saldhigyada warshadaha difaaca Ruushka, iyadoona shir madaxeedkan si weyn looga dooday colaadda Ukraine iyo sidii loo xoojin lahaa taageerada dalalka xulafada ay siiyaan Ukraine, si ay isaga caabiso weerarada Ruushka.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, Lin Jian ayaa Warbaahinta u shegay in eedeymaha lo so jeediyay dalkiisa ay yihiin kuwo ka badbadis ah. 

"Kor u qaadista NATO ee ku aaddan masuuliyadda Shiinaha ee arrinta Ukraine waa wax aan macquul ahayn, waxayna NATO ka leedahay ujeedooyin xun.” Ayuu yiri Afhayeenka.

"Nuxurka la xiriira Shiinaha wuxuu ahaa mid ay ka buuxaan eex, aflagaaddo iyo daandaansi, taas oo Wakiilada NATO ay soo gudbiyeen.” Ayuu sii raaciyay Afhayeenka oo intaasi ku daray in Shiinuhu uu mowqif xaq ah oo quman ka haysto arrinta Ukraine.

Waxa uu ku eedeeyay Hoggaamiyeyaasha NATO inay xiisad ka hurinayaan Gobolka Asia-Pacific, ka dib go’aankooda ay xiriir adag kula yeelanayaan dalalka gobolka qaarkood, sida Japan, Koonfurta Kuuriya iyo Filibiin, si culeys siyaasadeed iyo mid amniba loogu saaro Shiinaha.

"Ku dhawaaqidda shir madaxeedka NATO ee Washington waxa uu buunbuuniyay xiisadda ka taagan Gobolka Asia-Pacific, waxaana ka buuxda maskaxdii & hab fekerkii dagaalkii qaboobaa iyo hadaladii khalafsanaa.” Ayuu yiri Lin Jian.

Mareykanka iyo xulafadiisa reer Yurub ayaa Shiinaha ku eedeynaya in xitaa uu diiday inuu cambaareeyo duulaankii Ruushka ee Ukraine iyo inuu jebinayo cunaqabateynada ay saareen Moscow, si loogu ciqaabo duulaankaasi.

Bayaan ay soo saareen Hogga-amiyeyaasha NATO ayaa lagu sheegay in Shiinuhu uu noqday awoodda dagaalka, ka dib iskaashi aan xad lahayn oo ay ku eedeeyeen inuu la sameystay Ruushka.

Xiriirka ganacsiga Shiinaha iyo Ruushka ayaa xoogeystay, tan iyo markii uu Ruushku weeraray dalkaasi Ukraine, iyada oo Beijing lagu dhalleeceeyay inay hoos u dhigtay saamaynta cunaqabateynada reer galbeedka.

Lin Jian, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa sheegay in iskaashiga ganacsiga ee Beijing iyo Moscow uu yahay mid sharci ah, oo ku saleysan xeerka ganacsiga caalamiga ah.

Shiinaha ayaa taageeray walaaca Ruushka uu ka muujiyay in is ballaarinta NATO ee xuduudihiisa ay khatar ku tahay amniga dalkiisa.

Afhayeenka Aqalka Kremlin-ka ee Ruushka, Dmitry Peskov ayaa Khamiistii sheegay in kaabeyaasha militari ee NATO ay si joogto ah ugu soo dhawaanayaan xuduudaha Ruushka.

Afhayeenka ayaa Wariyeyaasha u sheegay in khatar aad u weyn ay ku tahay ammaanka qaranka, ballanqaadka NATO ee la xiriira in taageero militari oo dheeraad ah la siin doono Kyiv, taas oo sida uu sheegay ay Moscow kaga jawaabi doonto habab la isku daba riday oo looga hortaggayo ficilkaasi.

NATO ayaa hadda u gogol xaareysa in Ukraine ay xubin rasmi ah ka noqoto dalalka isbahaysiga, tallaabadan oo sii hurin karta xiisadda aadka u sarreyso ee u dhaxeyso Ruushka iyo NATO.

Ruushka ayaa horaan ku andacooday in sababta uu u weeraray Ukraine ay ka dambeysay, ka gadaal markii uu xoogeystay xiriirka iyo iskaashiga ee NATO iyo Ukraine, isla-markaana ay baalmarsan tahay wixii ay iyagu iyo NATO ku heshiiyeen, ee ahayd inaysan xuduudihiisa ku soo fidin.

Shiinaha ayaa hadda waxa uu qudhiisu walaac ka muujinaya in NATO ay isku soo fidiso Gobolka Asia-Pacific ama Indo-Pacific. Australia, New Zealand, Japan iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa toddobaadkan hoggaamiyeyaashooda ama kuxigeenadooda u diray shir madaxeedka NATO.

Shiinaha ayaa xiriirka cusub ee NATO iyo wadamada Indo-Pacific u arka mid caqabad amni ku ah dalkiisa.

"Shiinuhu wuxuu ku boorinayaa NATO inay joojiyaan faragelinta siyaasadda gudaha ee Shiinaha, isla-markaana aysan fowdo ka abuurin Asia-Pacific, ka dib markii ay qalalaase ka abuureen Yurub.” Ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, Lin Jian.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip