Madaxweynaha: kama cabsanayno kuwa isku dayaya in ay afka ku dumiyaan dowladnimada

0
Tuesday July 02, 2024 - 10:58:54 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 221
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha: kama cabsanayno kuwa isku dayaya in ay afka ku dumiyaan dowladnimada

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aysan ka cabsan doonin kuwa isku dayaya in ay afka ku dumiyaan dowladnimada Soomaaliya. Madaxweynaha "kama cabsanayno kuwa isku dayaya inay afka k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aysan ka cabsan doonin kuwa isku dayaya in ay afka ku dumiyaan dowladnimada Soomaaliya. Madaxweynaha "kama cabsanayno kuwa isku dayaya inay afka ku duminayaan Dowlanimada, ee horseed ayaanu noqonaynaa in bulshada ay naga helaan waxay rabaan" Madaxweynaha oo ka hadlayay munaasabad lagu xusayay 64 guuradii kasoo wareegatay maalinta Xorriyadda Soomaaliya iyo midowgii labada gobol oo xalay lagu qabtay Muqdisho ayaa intaa raaciyay in ay horseed noqonaynaan ka dowlad ahaan in bulshada ay helaan waxa ay doonayaan. Qudbadda Madaxweynaha oo dhinacyo badan taabanaysay ayaa wuxuu si gaar ah diiradda u saaray dowlad wanaagga iyo sida ay beesha caalamka ula dhacsan tahay horumarrada la gaaray. Wuxuu madaxweynuhu ka digay in aan lagu kadsoomin kuwa sawirrada qaldan ka bixinaya horumarrada la taaban karo ee ay gaadhay dowladdu, wuxuuna sheegay inaanan layska indha tiri karin guulaha is-daba joogga ah ee lagu tallaabsaday labadii sano ee lasoo dhaafay, haatanna uu rajeynayo in horay loogu socdo.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip