HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 27-6-2024

0
Thursday June 27, 2024 - 08:19:37 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 222
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 27-6-2024

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweynaha Soomaaliya oo Ubax dhigay Taallada Dhagax-tuur

Madaweynaha Jamhuuriyadda Feder aalka Soomaaliya Mudane Xasan Shee kh Maxamuud oo maamuusaya halg ankii gobonnimo doonka Soomaaliyeed iyo halyeeyadii naftooda u huray xornimada, qarannimada iyo midnimada dalkeenna ayaa ubax dhigay Taallada Dhagax-tuur ee magaalada Muqdisho.


Madaxweynaha oo muujinaya sharafta iyo qiimaha ay Ummadda Soomaaliyeed ka mudan yihiin geesiyaashii u soo halgamay Xorriyadda dalka ayaa mid mid u dul istaagay tabbeelayaal lagu xardhay taariikhda qaar ka mid ah Halgameyaashaasi, isaga oo shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyay ilaalinta midnimada, dal jaceylka, wadajirka iyo isku duubni sal adag leh, si looga miradhaliyo dhaxalkii ay ka tageen ee ilaalinta gobannimadeenna.

Safaaradda JFS ee Dalka Ethiopia oo Addis Ababa ku Qabatay Munaasabadda Xuska 26-ka June

Safaaradda JFS ee Dalka Ethiopia oo Addis Ababa ku Qabatay Munaasabadd a Xuska 26-ka June.

Iyadoo lagu guda jiro toddobaadka maalmaha xoriyadda Qaranka ayaa Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia oo kaashanaysa jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas, waxay magaalada Addis Ababa ku qabatay munaasabad lagu xusayey 26-ka June oo ku beegan 64-sano guuradii kasoo wareegtay dharaartii geyiga Soomaaliyeed laga taagay calanka Qaranka isla markaana ay gobolada waqooyi ee dalkeenu iska xorrooyeen heeryadii gumaystihii Ingiriiska.

Munaasabadan waxaa ka qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Addis Ababa, masuuliyiinta Jaaliyadda iyo Diplomaasiyiinta kala duwan ee safaaradda oo uu hogaaminayo Danjire Cabdullaahi Maxamed Warfaa.

Dadweynaha Soomaaliyeed ee soo xaadiray munaasabadda xuska 26-ka June ee Addis Ababa lagu qabtay, ayaa dhamaantood sheegay in ay goor walba diyaar u yihiin kobcinta, ka qayb-galka iyo kor u qaadista maalmaha xoriyadda Qaranka.

"maanta oo kale 64-sano kahor, waa maalinkii laga gun gaaray dedaalkii iyo dagaalkii ay umaddeenu u gashay sidii ay isaga xorayn lahayd gumays tayaashii kala duwanaa ee dalkeena ku habsaday” ayuu yiri Danjire Warfaa.

Safaaradda JFS ee dalka Ethiopia, waxa ay si mug weyn uga shaqaysay xiriirka kala dhexeeya jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku dhaqan, waxayna u diyaarsan tahay fulinta hawlaha Qaranka.

Shirka Golaha wasiiradda oo lagu ansixiyay Qaraar ku saabsan Khataraha Amniga Qaranka

Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu ansixiyay Qaraar ku saabsan Khataraha Amniga Qaranka, oo uu warbixin guud oo qiimeyn ah uu ka diyaariyay Xafiiska Amniga Qaranka.

Iyada oo laga duulayo aragtida cusub ee dowladda Soomaaliyeed ee ku saleysan Amniga Qaran, si looga gaashaanto khataraha waaweyn ee halista galin kara jiritaanka, dowladnimada, midnimida dalka iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed, ayaa goluhu waxa uu soo saaray, isla markaana ansixiyay qaraar ka kooban 8 qodob oo qeexaya Khataraha Amniga Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo kala ah:

1. Argagixisada;

2. Aragtida Gooni-goosadka;

3. Dowlad-nugeylka;

4. Xuduudaha Beylahda;

5. Faragelinta Shisheeye;

6. Isbeddelka Cimilada;

7. Khatarta Tiknoolajiyadda;

8. Khataraha Bulshada;

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa warbixin ku saabsan munaasabadaha dabaaldegga maalmaha Xorriyadda, waxa looga dhageystay Guddiga qabanqaabada oo soo bandhigay sida ay u qabsoontay munaasabaddii 26-ka Juun iyo diyaar garowga 1-da Luuliyo.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa warbixinno ku saabsan howlgalladii u danbeeyey ee xasillinta dalka iyo ciribtirta Alshabaab waxa uu ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga.

Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta oo abaalmarin guddoonsiisay warbaahinta Qaranka

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha diinta XFS ayaa Shahaado Sharaf ku abaal marisay Warbaahinta Qaranka oo shaqo wanaagsan ka qabatay soo gudbinta xogta rasmiga ah ee xujeyda Soomaaliyeed sanadkaan.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa sheegay in Warbaahinta Qaranku ay bulshada usoo bandhigtay hormarka la taaban karo ee dowladdu ka sameysay adeegga xujeyda Soomaaliyeed oo meel wanaagsan soo gaaray isagoo guddoonsiiyey abaal marin Shahaado sharaf.

Wasaaradda Owqaafta ayaa sanadkaan wax badan oo is badal muuqda ah ku sameysay adeegga xajka waxaana hadda socda dadaal sanadka dambe laga sii hormarinayo halka uu hadda soo gaaray.

maleeshiyaadka labada beelood.

Shirkadaha Maraykanka oo doonaya in ay maal gashadaan Soomaaliya

Danjiraha Cusub ee Maraykanka u qaab ilsan Soomaaliya Richard H. Riley oo la kulmay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumad da Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Dawladiisa ay diyaar u tahay in ay xoojiso Xiriirka kala dhexeya Soomaliya .

Danjire Riley ayaa boogaadiyay Guulaha ay Dawlada Soomaaliya ka gaartay dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo bulshada, isagoo ugu hambalyeeyay dowladda Soomaaliya ka mid noqoshada xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sanadka 2025 – 2026.

Sidoo kale Danjiraha Maraykanka ee Soomaliya Richard H. Riley ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, wuxuuna xusay in shirkadaha Mareykanka ay si weyn u daneynayaan iney maalgashi ku sameystaan Soomaaliya.

Hadalka ka soo baxay Safiirka Cusub ee Dawladaa Maraykanka u fadhiya Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xilli Dawlado badan ay tartan ugu jiraan inay maalgashadaan Soomaaliya .

 

Xuska 27-ka June ee Maalinta Xorriyadda Jabuuti

Dadka reer Jabuuti waxa ay ka mid yihiin shucuubta Soomaalida ee nasiibka u helay in ay ku noolaadaan geeska Afri ka,gaar ahaan deegaanada Soomaalida ee la isku oran jiray dhulkii udugga, waxayna halgan adag u soo galeem sidii ay u noqon lahaayeen dad xor ah oo leh dowlad madax-bannaan.

Taariikhda Halgankii Jabuuti

Sanadki 1839-kii waa markii ugu horeysay ee gumeysiga Faransiiska uu sahan ku tagay dalka Jabuuti,isagoo ku andacoonaya in uu raadinayo goobo uu ka fushado danahiisa sida Xeebaha badda Cas ,wuxuuna waqtigaasi Jabuuti ugu magac-daray dhulka Faransiiska ee Somaliland.

Sanadihii 1869-1888-dii Faransiisku,wuxuu heshiis la galay odoyasha beelaha ,si ay ugu ogolaadaan in gacankaTajura uu ku darsado magaalooyin uu horay u heystay sida Obokh,Dikhil iyo kuwo kale.

Dhanka kale,Xilligaasi waxaa Gobolada Woqooyi iyo Koonfurta Soomaaliya ka jiray gumeysi la mid ah kan Faransiiska,oo ay horkacayeen Ingiriiska iyo Talyaaniga, waxaana qabsashada dhulka Soomaalida ay dhaliyeen in la mideeyo awoodda dadka, meelna looga soo wada jeesto quwadaha shisheeye ee geyiga u yimid in ay ka gurtaan kheyraadka dabiiciga ah ee dhaxalka umadda.

Dhaq-dhaqaaqyo xornimo doonka ah oo loogu magac daray xoreynta xeebaha jabuuti ,ayna horkacayaan dhallinyaro isku baheystay Ururka Somal Pan ayaa bartamihii qarnigii 19-aad ka bilowday gudaha dalka Jabuut,,iyagoo taageero ka helay Ururkii Dhallinyarada Soomaaliya ee SYL, tallaabadaasina waxa ay noqotay bilow wanaagsan oo loo qaaday raadinta xornimo taam ah oo dhameystiram.

Sanadkii 1958-dii dowladda Faransiiska oo taageero ka heystay qaar ka mid ah odayaasha beelaha iyo kuwo daba-dhilif ah ,ayaa qabtay afti dadweyne oo ku saabsan in Jabuuti ay ku sii jirto maamulkii Fransiiska iyo in ay qaataan madaxbannaani,waxaana arintaasi ay ku dhamaatay in dadka Jabuti ay ku sii jiraan maamulkaasi.

Codeynta aftidaasi oo lagu tilmaamay in ay ku dhacday qaab ku shubasho ah oo ay daneynaayeen Faransiiska waxay kalliftay in shacbiga Jabuuti ay colaad iyo naceyb u qaadaan maamulkii Jabuuti ee taabacsanaa gumeysigii Faransiiska,

Siyaasiyiin badan oo uu kamid ahaa Maxamuud Xarbi ayaa dadaal u galay in Jabuuti ay la midowdo Soomaali,isagoo xilligaasi ahaa ku xigeenkii golaha xukuumadda ee maamulka dhulka Faransiiska,wuxuuna sanadkii 1960- ku dhintay shil diyaarad oo lagu micneeyay in uu ahaa shirqool ay maleegeen cadowgii shisheeye.

Maxamuud Xarbi oo ahaa siyaasi jeclaa midowga dadka Soomaaliyeed,kana horjeeday gumeysiigii Faransiiska ee qabsaday Jabuuri waxa uu muteystay oo abaal ahaan uu u helay in lagu qoro diiwaanka halgamayaasha Soomaliya,isagoo si gaar ah loogu magac daray dugsi ka mid ah kuwa ku yaalla Muqdisho .

Dhinaca kale,Cali Caarif Burhaan ayaa ka mid ahaa siyaasiyiintii ku caanbaxay naceybka midowgii dadka Soomaaliyeed,wuxuuna sanadihii u dhaxeeyay 1960-66-dii ,isagoo la safan maamulkii gumeysiga Faransiiska uu si cad u muujiyay sida uu uga horjeedo in lagu biro bahweyntii Soomaaliyeed.

Sanadkii 1967-dii Faransiiska iyo maamulkii been abuurka ahaa ee loo sameeyay Jabuuti waxaa,iyagoo raadinaya kalsoonida shacabka ay magacii dhulka Faransiska ee Soomaaliland ku baddaleen dhulka Faransiiska ee Canfarta iyo Ciisaha.

Toban sano ka dib,afti la qabtay 8-dii May 1977-dii dadka reer Jabuuti,ayaa u codeeyay in ay doonayaan madax-bannaani,waxaana bil kadib 27-kii June 1977-dii loo dareeray doorashooyin uu ku soo baxay madaxweynihii ugu horeeyay ee dalka Jabuuti Mudane Xasan Guuleed Abtidoon oo talada ka dagay sanadkii 1999-kii.

Wafdi ka socday Dowladii Mileteriga ee Soomaaliyeed oo uu hoggaaminaayey Xuseen Kulmiye Afrax oo ahaa Madaxweyne ku xigeen ayaa ka qeybgalay xafladdii caleeemo saarka madaxweynihii Jabuuti ,waxayna shacabka dalkaasi la qeybsadeen farxadda iyo dabbaaldegyada loo sameeyay maalinta xoriyadda iyo dhalashada dowladda cusub.

Inkastoo lagu guuleystay helitaanka xornimo taam ah iyo dowlad cusub oo ay heleen Jabuuti,haddana,waxaa halkaasi ku soo gabagabobay dadaal socday 1960-77-dii oo Dowladdii Rayidka iyo Dowladdii Mileteriga ee Soomaaliya ay u galeen sidii dadka Jabuuti ay wax ula qeybsan lahaayeen bulsh weynta Soomaaliya.

Dad badan ayaa naftooda ku waayay intii uu socdayhalgankii reer Jabuuti ,kuwo kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo naafeeyay xubno kamid ah jirkooda,halka sidoo kale ay jireen kumanaan ruux oo laga masaafuriyay dalka Jabuuti iyo qaar kale oo laga buuxiyay xabsiyo gaar ah oo ay maamulayeen gumeysiga Faransiiska.

Xuskaan oo ah kii 47-aad ee ka soo wareegatay markii dalka Jabuuti uu qaatay xorriyaddiisa,waxaa dabbaaldegyo iyo xaflado lagu maamuusaayo maalintaasi ay ka kala dhaceen gudaha Dalka Jabuuti, Soomaaliya iyo dalal kale.

Haddaba,anagoo ka faa’odeysaneyna xuskaan waxaan dhambaal hambalyo ah u direynaa shacbiga Soomaaliya,gaar ahaan dadka reer Jabuuti ee ku kala nool gudaha dalka iyo dibadda.

SONNA

Askar loo soo xiray xabado sharci darro ah oo ay xalay rideen

Hawlgal ay fuliyeen Ciidanka Booliska gobolka Banaadir oo kaashanaya hay’ad aha kale ee ammaanka caasimadda ayaa soo xiray eedeysanayaal gaaraya 9-Askari oo ka kala tirsan Ciidamada Qalabka sida.

Askarta lagu soo qabtay hawlgalkaas ayaa lagu eedeeyey inay jebiyeen amarkii laga soo saaray inaan la ridi karin rasaas loogu dabaal-degayo todobaadka xorriyadda.

War kasoo baxay taliska qaybta guud ee Booliska gobolka Banaadir ayaa lagu yiri "Waxaa socota baaris, maadaama uu jiro khasaare ka dhashay rasaastii sharci darada aheyd ee xalay la riday, sidoo kale hey’adaha ammaanka waxay baadi goob ugu jiraan tiro kale oo askar ah iyo gaadiidka xabado laga dul riday.”

Dagaal U dhexeya laba Maleeshiyo beeleed oo ka socda galbeedka gobolka Mudug

Faah faahino ayaa ka soo baxaya daga al culus oo dib uga bilowday galbeedka gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa saaka ka socda degaanka lagu magacaabo Jiicboor waxaana halkaasi ku dagaallamaya Maleeshiyo Beeleedyo ka soo kala jeeda Galdogob iyo Bandiiradley.

Wararka ayaa sheegaya in uu jiro Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa laga soo sheegaya dagaalka saaka oo lagu tilmaamay mid ka xooggan dagaalladii hore halkaasi ugu dhex maray maleeshiya-beeleedka labada dhinac.

Sidoo kale dagaalka ayaa imaanaya iyadoo uu socday dadaal lagu raadinayay in la joojiyo colaadda islamarkaana la kala qaado

Booliska Puntland oo Kenya kasoo qabtey nin diley askari Boolis ah

Ciidamadda Booliska Puntland ayaa qaadey talaabo yaableh,kadib markii ay gacanta kusoo dhigeen gacan ku dhiigle baxsadda sida ay warbaahinta ka shee geen saraakiil boolis ah ahEedeysanaha baxsadka ah ayaa soo qabashadiisa waxaa iska kaashadey Ciidanka Booliska Aduunka ee Interpol iyo Taliska Ciidanka Booliska Puntland waxaana laga soo qabtey dalka Kenya.

Ninkan oo laga dajiyey garoonka diyaaraha ee Garoowe ayaa lagu magacaabaa Maxamed Cumar Ciise waxana uu ku deeyeysan yahay in uu diley Axmed Cabdulaahi Faarax oo ahaa Askari ka tirsan booliska Puntland,taariikhdu markii ay ahayd 27/5/2023kii.

Booliska Puntland ayaa sheegey in lagu raad joogey in ka badan sanad ugu danbeyntiina gacanta lagu soo dhigey,waxana ka qayb qaatey laamaha ammaanka Puntland iyo Booliiska caalamiga ah ee looyaqaan Interpol.

Booliska Puntland ayaa diginiin culus u direy,cid kasta oo isu dayda in ay wax u dhinto Amniga.

Goobo ganacsi oo ku gubtay waddada Maka Al-Mukarama

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dab xalay ka kacay goobo ganacsi oo ku yaalla waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, kaas oo aad u xooganaa.

Dabka oo dhaliyay khasaare hantiyeed ayaa qabsaday maqaayad lagu magacaabo Isasaar oo ku taalla laamiga Tareebiyaano, waxaana ku gubtay maqaayadda iyo goob Madbacad ah oo ku dheggan, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Milkiilayaha maqaayadda uu dabka ka kacay oo lagu magacaabo Maxamed Ibraahim Isaaq ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay inuu ka dhashay koronto.

"Waxaa dab ka kacay koronto annaga oo shaqeysaneyno oo ku jiro xilliga shaqada ka bacdina jiingadihii ayaa dabka qaaday, khasaare wuxuu soo gaaray maqaayadda isa saar iyo madbacadda Rayaan” ayui yiri Maxamed Ibraahim Isaaq.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu khasaaraha ku kooban yahay hanti oo kaliya, isla markaana shaqaalihii iyo shacabkii ku sugnaa goobta ay ka badbaadeen dabka kacay.

"Khasaaraha na gaaray waa mid maaliyadeed, ma jiro wax nafeed Alxamdulilaah, kulli waa wada gubtay guriga” ayuu hadalkiisa sii raaciyay

Waxaa kale oo uu intaasi ku dareen inay gurmad deg deg ah, isla markaana ay soo gaareen gaadiidka dab damiska oo ku guuleystay inay damiyaan dabkaasi, wuxuuna u mahadceliyay dowladda iyo shacabkii usoo gurmaday.

"Waa uga mahadcelinayaa dowladda sida ay noogu soo gurmadeen ee ay noo badbaadiyeen, waayo khasaaraha intaan waa ka waynaan laha, haddii ay iyaga ahaan lahayn iyo shacabka noo soo gurmaday” ayuu mar kale yiri.

Maalmihii u dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho kusoo badanayay gubashada goobaha ganacsi iyo guryaha ku yaalla caasimada, kuwaas oo dhaliya khasaarooyin kala duwan.

Hay’adda Gargaara oo heshiis Maaglgalin la saxiixxatay Raas Microfinance Institution

Heshiiskan ay wada gareen labada dhinac waxa uu abuurayaa jawo shaqo abuur iyo kobconta Dhaqaalaha dalka, iyada oo barnaamijka uu yahay mid ay iska-kaashanaya Gargaara, Bankigga Aduunka iyo Bankigga Horumarinta Jarmalka KFW.

Hay’adda Gagaara ayaa sharuucda adag oo u dagan qaabeynta maalgalinta iyo daynta lacagaha marsiiso dhinacyada doonayo dhaqaalaha, iyada oo sharuucda adag oo ka marsiiyay ay kasoo gudabatay Raas Microfinance Institution, tasoo suuragalisay in heshiiskan la kala saxiixdo.

Mashruucan saddex geesoodka ah oo si wadajir ah u fulinayaan Dowladda Soomaaliya, Bank Aduunka iyo KFW waxaana loogu talagalay lagu taageero dadka danta yare ee ganacsatada ee lacagta soo celin karo sida Beeraha Kaluunka,Tamarta iyo xoola-dhaqatada haweenka iyo dhallinayaradda.

Guddoomiyaha Hay’adda Gargaara Dr Suleymaaan Cabdi Ducaale waxa uu si waafi ah sharaxaad uga baxiyay ahmiyadda ay u taagan tahay Gargaara, shaqooyinka ay qabto ay ka mid tahay shaqo abuurka, kobacinta Dhaqaalaha iyo fursadaha maalgalinta muhiiimka ah wax soo saarka dalka.

Dr Sulaynman ayaa sheegay in Raas looga baahan yahay in ay si dhab ah buslahda ula shaqeyso, dhankooda ay ku faraxsan yahiin dhameystirka heshiiska ay maanta saameynayaa, waana soo dhaweynaa wada shaqeyntiisa, sidan oo kale waxaan heshiisyo kula jirnaa Bankigyada dalkeenna iyo hay’adaha maalgalinta kuwaasoo aan ka wada shaqeyno Horumarinta Dhaqaalaha iyo bulshadeenna.

Maamulaha Guud ee Rasmi Maxamed Warsame Maxamed waxa uu tilmaamay in uu ku faraxsaahay in Gargaara heshiiskii mudada socday in maanta lasoo gunnaaday isla markaana dhankooda ay ilaalin doonan sharuucda iyo qaabeynta la marayo maalgalinta bulshada qeybaheeda kala duwan iyada oo lasiinayo ahmiyadd haweenka iyo dhalinyaradda.

Hay’adda Gargaara waxey shaqooyin ballaaran la wadaa hay’addaha dhaqaalaha Waddanka sida Banggiyada, xarumaha maalgainta, hay’addaha dowladda, Bangigga Aduunka iyo Bankigga Horumarinta Jarmalka ee magaciisa loosoo gaabiyo KFW.

Kooxaha ku dagaalamaya Suudaan oo lagu Eedeeyay inay dad gaajo u dileen

Khubarro ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa Arbacadi Shalay ku eedeeyay dhi nayada ku lugta leh colaadda sokeeye ee Sudan, in ay gaajada u adeegsana yaan sida hubka lagu dagaallamo.

Warkan ayaa yimid xilli ay sii xoogeys anayaan digniinaha ay hey’adaha caalamiga kasoo saarayaan baahida daran ee ka jirta Sudan, taas oo ay ku sheegeen in ay qarka u saaran tahay in ay macluul isu baddasho.

Khubarrada warbixintan soo saartay oo si gaar ah ugu shaqeeya Guddiga Arrimaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa yiri:

"Ciidanka Millatariga Sudan iyo Kooxda Gargaarka Deg-degga labaduba waxay cunnada u isticmaalayaan hub ahaan waxayna gaajo ku dilayaan dad rayid ah, baaxadda gaajada iyo barakaca aan ku aragnay Suudaan maanta waa wax aan horay loo arag,” ayay yiraahdeen.

Khubarrada ayaa ka digay in macluusha ay hadda aad u soo dhawaatay ka gadaal marki si ula kac ah loo hor istaagay cuntooyinka gargaarka bani’aadannimo si dadka loo gaajeysiiyo, in la weeraray ururrada bulshada rayidka ah halka qaar badan oo ka mid ah dadka dhaq-dhaqaaqayaasha xuquuqda aadanaha la xiray.

 


Xafiiska Raysal Wasaaraha Itoobiya oo war cusub kasoo saaray heshiiska Somaliland iyo Itoobiya

Dowlada Itoobiya ayaa beenisay warar sheegaya in ay ka laabatay heshiiskii is afgarad ee ay horaantii sannadkan la gashay Somaliland.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali, ayaa bulshada loogaga digay wararka been abuur ka ah ee laga faafinayo heshiiska.

"Xafiiska Raysal Wasaaruhu waxa uu dadwaynaha kula talinayaa in ay ka digtoonaadaan wararka been abuur ka ah ee wareegaya baraha bulshada ee ku saabsan isfahankii aanu la galnay Somaliland" ayaa lagu yidhi qoraalka dowlada Itoobiya.

Qoraalka xafiisku waxa uu intaa ku daray in wixii xog ah ee ku saabsan arrimaha guddaha, gobolka iyo caalamkaba lagu baahiyo kali ah boga rasmiga ah ee Xafiiska Raysal Wasaaraha Itoobiya.

"Dadka waxa aanu uga digaynaa in ay ka digtoonaadaan wararka been abuurka ah iyo dadka sida xun u isticmaalaya calaamadayada" ayuu qoraalku kusii daray.

Jawaabta dowlada Itoobiya ayaa imanaysa kadib markii 24 kii saacadood ee lasoo dhaafay ay baraha bulshada wareegaysay waraaq leh sumada Xafiiska Raysal Wasaaraha Itoobiya oo sheegaysa in Itoobiya ay ka baxday heshiiska.

SSC-Khaatumo oo diiday in DF ay awood ku ogolsiiso Somaliland midnimada

Hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Firdhiye oo haatan ku sugan magaalada Muqd isho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan midnimada Soomaaliya, isaga oo soo hadal qaaday maqnaasha ha Somaliland oo haatan u ololeyneyso inay ka go’do dalka intiisa kale.

Firdhiye ayaa diiday in dowladda federaalka ay isku deydo inay awood ku ogoleysiiso Somaliland arrinta midnimada, ayada oo weerar ku eekey neyso maamulka Hargeysa.

Hoggaamiyaha SSC ayaa shaaca ka qaaday in laga haboon yahay adeegsiga awooddda dowladda, ayada oo Somaliland loo isticmaalo qasab iyo qoray caaraddiisa.

"Haddii dowladda Soomaaliyeed ee aynu maanta hoos joognaa ay weerar ku ekeyso gobollada waqooyi, ayada oo damacsan inay ku qasabto inay midnimadii kusoo laabtaan waxaa waajib ku ah qof kasta oo muwaadin ah oo Soomaaliyeed inuu ka dhiidhiyo, isla mar ahaantaana ka hortego” ayuu yiri Firdhiye.

Waxaa kale oo uu yiri "Sidaasi si lamid ah qof kasta oo muwaadin ah waxaa la gudboon in doonista qaybo kamid ah Soomaaliya aan la’isku dayin in lagu maquuniyo qasab iyo qoray caaradiis”.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aan midnimo iyo dowlad dhan lagu heleyn awoodd ku maquunis ee loo baahan yahay in qaabab kale xalka lagu raadiyo

"Soomaali dorraad, maanta iyo berriba dowladnimada loo dhanyahay iyo midnimo lagu waayayaa kala teg iyo madax taag lagu heli maayo” ayuu mar kale yiri hoggaamiyuhu.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in SSC-Khaatumo ay aaminsan tahay in aan cidna marti looga ahayn midnimada dalka iyo dowladnimada Soomaaliyeed oo loo dhan yahay.

"Annagu haddaanu nahay shacabka SSC-Khaatumo aanu nahay reer waqooyi waxaan aaminsanahay midnimo aan cid marti looga ahayn iyo dowladnimo macno leh oo wada gaarta dhammaan gayiga Jamhuuriyadda Soomaaliyeed” ayuu kusoo gabagabeeyay.

Dowladda Bolivia oo ka badbaadday isku day afgambi – Sidee wax u dhaceen?

Madaxweynaha dalka Bolivia Luis Arce ayaa sheegay, in Arbacadi dorraad ay fashiliyeen isku day afganbi oo ay fuliyeen cutubyo ka tirsan millatariga dalkaasi, kuwaas oo muddo kooban heystay madaxtooyada iyo aqalka baarlamaanka, ka hor inta aysan dib uga soo laaban.

Goor sii horreysay oo dorraad ah, ayay cutubyo ka tirsan milatariga oo uu hoggaaminayay Jeneral Juan Jose Zuniga, oo dhawaan laga xayuubiyay xilka taliyaha ciidanka xoogga, ayaa isugu soo baxay fagaaraha u dhaw qasriga Plaza Murillo, oo ay ku yaallaan madaxtooyada iyo Congress-ka.

Goob-joogayaal ayaa VOA-da u sheegay, in ay arkeen gawaari gaashaaman oo albaabka madaxtooyada xoog ku galaya iyo askar orod ku sii galeysa.

Kolonyo baabuurta gaashaamman ah oo ay saarnaayeen askarta qabsatay madaxtooyada Bolivia, ayaa iyaga oo si saf ah ku socda dib uga soo laabtay qasriga madaxtooyada, xilli ay boqollaal ka mid ah taageerayaasha madaxweynaha ay si dhaqso ah ku buuxiyeen fagaaraha ku yaalla bannaanka qasriga madaxtooyada.

Iyaga oo lulaya calanka kuna heesaya astaanta qaranka Bolivia, ayaa waxaa u gacmo-haatiyay madaxweynaha oo ay hareeraha ka joogeen wasiirradiisa. Madaxweyne Arce ayaa u mahadceliyay dadki isugu soo baxay fagaaaraha. Wuxuu wacad ku maray inuu meel adag ka istaagi dooni afganbiga, isaga oo markiiba taliye cusub u magacaabay ciidanka millatariga.

Saacado yar kaddib, booliska Bolivia ayaa xiray jeneraalki ka danbeeyay isku-dayga afgani, kaddib marki uu xeer-ilaaliyaha guud uu furay dacwad ka dhan ah jeneraal Juan José Zúñiga.

Isku-daygi afganbi ee Arbacadi ayaa yimid, kaddib bilooyin ay kacsaneyd xiisadda siyaasadeed ee Boliva, kaddib marki ay madaxweyne Arce iyo madaxweynihi hore Evo Morales ay isku qabsadeen maamulka xisibiga talada haya. Arrintaasi ayaa dhalisay bannaanbaxyo sii xoogeysanaya oo ay taageerayaasha Morales dhigayaan.

Morales ayaa xakunka xoog looga tuuray sannadki 2019-ki, kaddib kacdoon dadweyne oo Bolivia ka dhacay, kaddib muddo tobnaan sano ah oo uu dalkaasi dhaca bartamaha Koofurta America soo xakumayay.

Wuxuu hadda doonaya inuu u tartamo doorashada madaxtinimada ee Bolivia ka dhaceysa sannadka 2025-ka.

Dagaal beeleed khasaare badan dhaliyay oo ka socda Gobolka Mudug

Faah faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaare badan dhaliyay oo ka qarxay qaybo ka mid ah Gobolka Mudug, kaasi oo u dhexeeya Beelo walaalo ah oo dega Gobolkaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya dhul miyi ah oo 20KM ujira Goldogob ayaa sheegaya in dagaal xooggan uu halkaasi ka dhacay waxaana lasoo sheegayaa dhimasho iyo dhaawacyo tiro beel ah, waxaana wali socda dagaalka iyadoo aysan jirin cid si toos ah u kala dhex-gashay.

Dhaawacyo aad u badan ayay labada dhinac kala geeyeen Gaalkacyo iyo Galdogob waxaana saacad walba sii kordhaya qasaaraha ka dhalanaya dagaalkan culus.

Dagaalkan oo todobaadkan soo laalaabtey ayaaa sababey dhimasho iyo dhaawac aad u badan, waxaana dhawaanahaan taagnaa xiisadda u dhexeysa laabda dhinac.

Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaan wali kala dhex-galin dadkaasi dagaalamaaya, waxaana dhawaan Gaalkacyo nabad iyo heshiis loogu dhigay dhinacyada dagaalamaaya



ITOOBIYA OO BBC U SHEEGTAY QORSHAHA CIIDAMADEEDA JOOGA SOOMAALIYA, IYO HALKA UU MARAYO IS-AFGARADKA SOMALILAND


Dawaldda Itoobiya ayaa ka jawaabtay eedayn ay dhawaan Soo maaliya u gudbisay Qaramada Midoobay oo ku saabsan in ciidam o Itoobiyaan ah ay ‘si sharci darro ah ugu tallaabeen dhinaca Soo maaliya.’

Waxay sidoo kale ka hadashay qorshaha ay ciidamadooda u joogaan Soomaaliya, iyo cidda iska go'aanka iyo xilliga ay ka baxayaan iyaga oo sheegay inay muddo sii joogi doonaan.

Magaaladii Soomaaliyeed ee Talyaanigu ka heli jiray dhaqaalaha ugu badan iyo sida ay ku dambeysay

Nebyu Tedla, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya oo waraysi siiyay laanta Amxaariga ee BBC-da ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedaha Soomaaliya ee ka dhanka in ciidan Itoobiyaan ah ay si sharci darro ah u galeen gudaha Soomaaliya.

"Arrintaas waa waxba kama jiraan. Sida aad ka warqabto Sooma aliya waxa noo jooga ciidammo ka tirsan ATMIS iyo kuwo aan ka tirsanayn ba. Arrintanna waxba kaga ma duwana. Waanu la hadalnay saraakiisha sarsare ee ciidankeenna ee aaggaasi ku sugan. Xogta ay nala wadeegeen waa mid aan ka duwanayn sidii hore. Waxa uu ahaa dhaqdhaqaaq caadi ah oo laga ga hor taga yay halis amniga ka dhan ah oo laga yaabo in ay dhacdo sidii hor aba u dhacday.”

Maxaa keenay xiisadda ka soo cusboonaatay Itoobiya iyo Soomaaliya?

Doodda la xidhiidha bixitaanka ciidammada ayaa in muddo ah soo jiitamaysay laga soo bilaabo heshiis is af-garad ahaa oo ay bilowgii sannadkan wada gaadheen Somaliland iyo Itoobiya.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Cusmaan Baalle oo ka hadlayay kulan xaaladaha Soomaaliya looga hadlayay oo ay goobjoogayaal ka ahaayeen masuuliyiinta Qaramada Midoobay iyo kuwo ka socday Midowga Afrika waxa uu Itoobiya ku eedeeyay in askarteedu ay "si sharciga baalmarsan u galeen gudaha Soomaaliya”.

Itoobiya waxa ay muddo dheer ka mid tahay waddamada ciidammada nabad-ilaalineed ee hawlgalka ATMIS ee jooga gudaha Soomaaliya, kuwaasi oo tiro ahaan gaadhaya 3000 oo kun oo askari balse waxaa jira ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu qiyaaso inta u dhaxaysa 5000 ilaa 7000 oo aan ka tirsanayn hawlgalka kuwaasi oo ku sugan qaybo dalka ka mid ah.

"Sida aad ka warqabto dawaldda Soomaaliya ka sakow Villa Soomaaliya ma aha mid maamusha dalka oo dhan. Ciidankeennu waa mid mar walba isbed-beddel lagu sameeyo, gaar ahaan kuwa aan ka tirsamayn hawlgalka ATMIS. Waa middaas uun, laakiin ma jiro hawlgalka soohdinta ka tallaabsan oo aan fulinnay,” ayuu yidhi afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya.

Goorma ayay baxayaan ciidammada Itoobiya ee jooga Soomaaliya?

Dowladda Soomaaliya ayaa hadda doonaysa in labada nooc ee ciidammada ah Itoobiyaanka ah ay isaga baxaan Soomaaliya sida ay sheegeen saraakiil Soomaali ah.

Dhawaan ayay ahayd markii la Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macallin oo ka jawaabayay su’aalo lagu weydiinayay barta X (oo horey loo oran jiray Twitter) ayaa sheegay in dhammaadka bisha Diiseembar ay gabi ahaanba ciidamada Itoobiya ka bixi doonaan dalka, sababo la xiriirra khilaafka labada wadan u dhaxeeya.

Afhayeenka u hadlay dawladda Itoobiya ayaa iska fogeeyay in uu jiro codsi uga yimid dawladda Soomaaliya oo ay Itoobiya kaga dalbanayso in ay ciidammadeeda ka saarto Soomaaliya.

"Sidaan kuu sheegay codsigu ma aha mid ka imaanaya Soomaaliya oo keliya. Haddii se uu yimmaado, marka aan ka soo baxno masuuliyadda na la saaray, Beesha Caalamku haddii ay danaynayso joojitaanka ciidammada Itoobiya ee Soomaaliya, diyaar ayaan u nahay in aan waajibkayaga gudanno. Laakiin inta ka horraysa ma doonayno in aan arrimhaasi galno. Annaga waa noo fududahay. Marka aniga iyo adigu aan u wada hadalayno sidii laba qof oo Itoobiyaan ah, ciidankeenna in aan soo celinno oo aan dejinno aag dagaalka ka caaggan/ buffer zone waa noo fududahay. Sidaas darteed, ciidanka cusub ee Soomaaliya loo diri doono weli waa xilli hore oo ay adag tahay in la saadaaliyo.”

Itoobiya waxa ay sheegtay in bixitaanka ciidamadeedu aanu qusayn keliya Soomaaliya balse ay tahay arrin u taalla Beesha Caalamka. Isaga oo ka hadlaya arrimahan Nebiyu Tedla waxa uu yidhi:

"Hawlgalka nabad-ilaalinta ee aan ku joogno Soomaaliya. Ma aha mid keliya khuseeya dawladda Soomaaliya. Waa masuuliyad caalami ah. Waa hawlgal uu maamulo Midowga Afrika oo taageero ka helaya Qaramada Midoobay. Sidaas daraadeed, marka ay arrimaha noocan ah yimaaddaan, geestayada si rasmi ayaan uga wada hadalaynaa waxna waa la iska weyddiinaynaa. Sidaas oo ay tahay, hadda ma jiraan codsi rasmi ah oo odhanaya Itoobiya ha la baxdo ciidankeeda jooga Soomaaliya oo naga soo gaadhay dawaldda Soomaaliya, Midowga Afrika ama Qaramada Midoobay.”

Ururka Alshabaab ayaa la xasuusan yahay in sannadkii la soo dhaafay uu hawlgallo ka fuliyay gudaha Itoobiya. Afhayeenka ayaa sheegay in Itoobiya ay qasab ku tahay in ay qaaddo tallaabo kasta oo amnigeeda ay ku ilaashan karto oo ka dhan ah Soomaaliya.

"Sida aad og tahay, arrimaha ka jira Soomaaliya haddii ay halis ku noqdaan amniga qaran Itoobiya ma aha mid ay cid uga fasax qaadanayso. Waxa aan qaadaynnaa tallaabo noo gaar ah.”

Halkee marayaa isafagaradkii Somaliland iyo Itoobiya?

Sida la aamminsan yahay khilaafka ka dhex taagan dawladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxa xuddun u ah isfahan ay Itoobiya la gaadhay Somaliland bilowgii sanadkan. Is af-garadka oo Itoobiya u oggolaanaya in ay xeebaha jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ay ka hesho dekad iyo saldhig ciidan ayaan ilaa hadda si rasmi ah loo dhaqangelin.

BBC-da ayaa weyddiisay afhayeenka wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, Nebiyu Tedla halka uu marayo isafgaradka iyo goorta loo beddeli doono heshiis rasmi ah.

"Arrintaasi waxba hadda kaaga ma sheegi karo. Laakiin, dabcan maalmaha soo socda wax waan ka dhihi doonnaa, marka wakhtigiisa la gaadho waan shaacin doonnaa,” ayuu yidhi Nebiyu Tedla.

Dawladda Soomaaliya ayaa xilli sii horraysay amartay in la xidho qunsuliydaha Itoobiya ee ku yaalla Hargaysa iyo Garoowe balse afahayeenka u hadlay dawladda Itoobiya ayaa sheegay in ay qunsuliyadaha ku yaalla magaalooyinkaasi ay weli shaqaynayaan.

"Isafagaradku halka uu marayo waan ogaan doonaa. Laakiin hadda waxa aan kuu sheegi karaa in danjirahayagii Soomaaliya aanu hadda joogin Muqdisho oo shaqo kale loo egmaday. Safaaraddu way furan tahay. Lama xidhin. Diblumaasiyiinteennu way shaqaynayaan. Safiirkeenna wada tashi ayuu u yimid Addis Ababa. Wakhti xaadirkanna dhinacaas safiir uma diraynno,” ayaa uu yidhi afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya.

Xilli sii horraysay oo Arbacadii ah xafiiska raysal wsaaraha Itoobiya ayaa beeniyay warqad wadata sumadda xafiiskiisa oo lagu baahiyay baraha bulshada oo sheegaysa in Itoobiya ka noqotay is af-garadkii ay la gaadhay Somaliland. Qoraalkan ayaa lagu yidhi ‘Xafiiska Rayasl wasaaruhu waxa bulshada uga digayaa xogaha hadda la wareejinayo baraha bulshada ee ku saabsan is af-garadkii Somaliland.’

Xiisadda diblumaasiyadeed ee ka dhex oogan Itoobiya iyo Soom aaliya ayaa kor u sii kacaysay muddooyinkii u dambeeyay. Muran ka la xidhiidh is af-garadka ay wada gaadheen Somaliland iyo Itoo biya oo bar-bilow u ah khilaafka labada dal iyo qorshaha bixitaan ka ciidamadda Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaan weli xal rasmi ah loo helin.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip