HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 24-6-2024

0
Monday June 24, 2024 - 09:35:36 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 177
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 24-6-2024

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Shirka Xoojinta Iskaashiga dalalka EAC oo Muqdisho ka furmay

Shirwaynaha xoojinta iskaashiga ee Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaala ha Bariga Afrika ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirkan oo socon doona muddo laba cisho ah ayaa looga hadlayaa sidii soomaaliya ay uga faa’iideysan lahayd ku biirista ururka dhaqaalaha ee Bulshada Bariga Afrika,waxaana daahfuri doono shirka madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud

Shirkan waxaa sidoo kale ka qeyb galaya wasiirro,xildhibaanada labada Aqal ee BJFS,safiirada wadamada caalamka,Madaxda Jaamacadaha dalka iyo aqoonyahanno ka socda Bariga Afrika iyo caalamka.

Soomaaliya ayaa Ururka Bulshada Bariga Afrika ku biirtay bishii march ee sanadkaan kana noqotay xubin buuxda.

Maamulka Gobolka Banaadir oo faah faahin ka bixiyay khasaarihii ka dhashay Roobkii ka da’ay Magaalada Muqdisho

Maamulka gobolka Banaadir ayaa faah faahin ka bixiyay khasaarihii ka dhashay roobkii 24-saac ee la soo dhaafay ka da’ay magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in roobka uu khasaara kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo burbur waddooyinka qaar uu geystay.

Waxa uu intaa ku daray afhayeenku in Roobka ay ku dhinteen laba caruur ah,325 qoysana uu sameyn ku yeeshay,11-gurina uu burburiyay Roobka,sidoo kale waxa uu tilmaamay laba waddo uu kamid ah kuwa halbowlaha u ah isu socdoka dadweynaha in ay burbureen,ma amulka Gobolka Banaadirna uu sida ugu dhaqsiyaha badan ku dhisayo waddooyinkaasi.

Afhayeenka waxa uu sheegay in howlwadeennada gobolka Banaadir ay ku da’daaleen sidii waddooyinka biyaha looga dhuuqi lahaa islamarkaan la isugu furi lahaa isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu shacabka uga digay sadaasha ah in uu da’o roob kale,isagoo shacabka dagan goobaha biya fariisiga ah iyo kuwa ku nool guryaha burbursan in ay ka feejignadaan sameynta uu Roobka u geysan karo.

Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur” Waxaa jira dad xannuusanaya marka ay arkaan guulaha ay gaareyso Dowladda Federaalka,”

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuum adda Federaalka Soomaaliya Cabdul qaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in ay jiraan dad xannuunsanaya marka ay arkaan guulaha ay gaareyso Dowladda Federaalka, isagoo dhanka kale, tilmaamay in cadowga ku dul nool dalkan oo ay ajaaniib ugu badan yihiin in laga guuleysanayo.

" Waxay xannuunsanayaan marka ay arkaan in Soomaaliya deynta laga cafiyay, waxay xannuusanayaan magaalada Muqdisho oo lix bilood qarax ka dhicin marka ay arkaan, marka ay arkaan dad Soomaaliyeed oo dabaqyo iyo daaro dhaadheer ka taaganaayaa, laamiayada Muqdisho oo la dhisaayo marka ay arkaan waa xannuusanayaan, horumarka uu shacabka Soomaaliyeed gaarayo maxaa looga xannuusanayaa, maxaa loo jecel yahay in cadowga na qabsado, dadkaas Soomaali waa ay taqaanaa meel ay joogaanba, weyna ka dheragsan tahay, shalay furimaha dagaalka wiil iyo gabdhaa ku ciiday oo hooyooyinka, Aabayaashooda iyo ilmahooda ka fogaaday, marka ay maqlaan in goobtii ay difaaca ugu jireen nin Soomaaliyeed uu leeyahay dhulkii Al-shabaab ayaa qabsaday maxay dareemayaan, wiilashaas miyeyna wiilal Soomaaliyeed ahayn,” ayuu yiri wasiirka.

Ssidoo kale, wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi raaciyay in horay loo soconayo,islamarkaana la dhammeystirayo howlgalka lagu ciribtirayo alshabaab Al-shabaab.

” Hore ayaan u soconeynaa Al-shabaab ayaa dhammeystireynaa, dalkan ayaa doorasho toos ah ka qabaneynaa, dalkan ayaa dhaqaalihiisa kobcineynaa, sharafka ummadda Soomaaliyeed ayaa dib loo soo celinayaa argagixiso dambe ma rabno in nagula shaabadeeyo, wiil Soomaaliyeed oo dalkan ka safray oo dibadaha maraaya in il-gaar ah lagu eegayo, isagoo lagu tuhmaayo in dalkiisa argagixiso joogto ma rabno,”.

Ciidamada Dowladda Federaalka oo gacan militari ka helaya saaxiibada caalaamka ayaa ku guuleystay in ay wiiqaan awooddii Al-sbabaab, waxayna hadda ku baacsanayaan deegaannada howdka ah oo ay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyaadka iyo horjoogayaashooda.

Puntland iyo Galmudug oo sheegay in awood ciidan loo adeegsandoono joojinta dagaal beeleed ka socda bariga gobolka Mudug

Ku dhawaad 10 qof ayaa ku geeriyooday, halka 15 kalena ay ku dhaawacmeen dagaal labo maleyshiyo beeleed ku dhexmaray degaanka Labi Maygaag oo dhaca bariga gobolka Mudug.

Labada maleyshiyo beeleed ee dagaalamaya ayaa kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug, wuxuuna dagaalku salka ku hayaa muran deegaanka ah iyo aanooyin qabiil oo isbiirsaday.

Waxaa socda dadaalo ku aaddan sidii loo damin lahaa colaadda labada beel, taasoo galaafatay nolasha dad u badan dhinacyada dagaalamaya.

Guddoomiyayayaasha gobolka Mudug ee labada maamul, ayaa sheegay in awood ciidan loo adeegsandoono joojinta colaadda labada dhinac.

Waxay sheegeen in si degdeg ah ciidamo isku dhaf ah loogu diridoono halka ay colaaddu ka socoto.

Dagaalkii dorraad oo saacado badan socday ayaa si iskiis ah u qaboobay, waxaana laga cabsi qabaa inuu shalay mar kale dib u bilowdo, iyadoo labada maleyshiyo beeleed ay wadaan abaabul ciidan.

 

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo ka tacsiyeeyay geerida Hooyada dhashay Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxa med Nuur Madoobe ayaa ka tacsiya deeyay geeridii ku timid hooyada dhashay Xildhibaan Xasan Cabdinuur oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka, Allaha ha u naxriistee Hooyo Aamina Cali Yaasiin.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa Alle SWT uga baryay marxuumada Inuu naxriistiisa jano ka waraabiyo, dhamaan ehelkeeda Iyo qaraabadeeda oo uu ugu horeeyo Xildhibaan Xasan Cabdinuur uu samir Iyo iimaan ka siiyo.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN.

Taliyaha Boliiska oo ka qeyb galay Xuska Sanad guurada 47-aad ee Ciidanka Boliiska Dalka Jabuuti

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaali yeed S/Guuto Sulub Axmad Firin ayaa ka qeyb galay Munaasabada Xuska Sanad guurada 47.aad ee Ciidanka Boliiska dalka aan walaalaha nahay Ee Jabuuti

Xaflada Sanadguurada 47.aad ee Ciidanka Boliiska Jabuuti oo Si heer sare ah loosoo Agaasimay ayaa Ka dhacdey Akadeemiyada Boliiska ee Idiris Faarax Caabane .ee Dalka Jabuuti.

Guddiga haweenka ee BJFS oo kormeeray qaar kamdi ah wasaaradaha dowlad Goboleedka Jubbaland

Guddiga haweenka BJFS oo howlaha shaqa u jooga Magaalada kismaayo ayaa kormeer ku sameeyay Wasaar adaha Waxbarashada, Hawe enka, Caddaaaladda iyo xarumaha ururada Haweenka dowlad goboleedka Jubbaland.

Ujeeddada kormeerka xildhibaanada ayaa ku saabsanaa sidii looga wada shaqayn lahaa dardar gelinta iyo casriyaynta arrimaha xuquuqda haweenka iyo awood siintooda, iyagoo xubnaha guddigu ay warbixinno gaar gaar ah ka dhagaysteen masuuliyiinta iyo shaqaalaha ay la kulmeen.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS ayaa gaaray deegaanka Buulo Xaaji oo dhawaan laga xoreeyay alshabaab

Wasiirka wasaaradsa Arrimaha Gu daha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaa liya mudane Hon Cali Yuusuf Cali oo safar shaqo ku jooga Jubbaland ayaa shalay booqday Buulo Xaaji oo dhowaan laga xoreeyay alshabaab Shabaab, isaga oo la hadlay hey’adaha amniga, geesiyaasha xoog ga dalka iyo bulshada deegaanka.

Booqashadan oo loogu kuurgalayay xaaladda guud ee deegaanka, waxaa mudane Cali Xoosh ku wehliyey Wasiirro ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland sida Arrimaha Gudaha, Caafimaadka, Waxbarashada iyo Beeraha iyada oo sidoo kale ay qeyb ka ahaayeen xubno ka tirsan Baarlamaanka iyo hey’adaha amniga.

Odayaasha dhaqanka Maamulka Jubbaland oo sheegay inay Tuutaha u xiranayaan Dagaalka alshabaab

Odayaasha iyo waxgaradka degaa nada maamulka jubbaland ayaa sheeg ay in ay garab taaganyihiin geesiy aasha xoogga dalka ee dagaalka kula jira alshabaab.

"Hadaanu nahay Odayaasha Dhaq anka Jubbaland waanu garab taagan ahay ciidamada dhiigga iyo dhuuxa ino huraya” mid kamida Odayaasha Dhaqanka Jubbaland.

Odayaasha ayaa tilmaamay in diyaar u yihiin in ay ku shahiidaan cadawga arxanka daran ayna ciidamada kala qeyb galayaan howlagallada ka socoda degaannada jubbaland.

"Waxaa iga go’aan inaan ku shahiido degmada Badhaadhe anigo garab jooga ciidamada geesiyada ah ee Jubbaland lana dagaalamaya alshabaab”sidaa waxaa yiri Ugaas Cabdullaahi Siraad Cabdi.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa degaanka ayaa howlgallo ballaaran ka wada degeena dhowr ah oo katirsan maamulka jubbaland,iyadoo aat ciidanku la waregeen gooba ay cadawga mudda gacanta ku hayeen.

Boliiska Soomaaliya oo caawinaad u fidiyeen Ardayda si’ay u gaaraan goobaha Imtixaanka lagu galayo

Kadib Roob xooggan oo ka da’ay magaalada Muqdisho kaas oo saa meyn ku yeeshay ardayda sanadkaan galeysa Imtixaanka Shahaadiga ah ayaa ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxay caawinaad u fidiyeen ardayda si’ay u gaaraan goobaha Imtixaanka ay ku galayaan iyaga oo adeegsanayo gaadiidka ciidanka.

"Marwaliba waxaan hiil u nahay bulshada shalay waxaan daabulid u samaynay dhalinyarada ku jirta imtixaanka Dugsiga Sare”sidaa waxaa yiri Taliyaha Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir G/Sare Mahdi Cumar muumin

Maalintii labaad ayuu Muqdisho iyo gobolada dalka ka soconayaa Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare.

Dowladda Soomaaliya iyo QM oo ka wada hadlay Soo gabo gabaynta Hawlaha Xafiiska UNSOM

Dowladda Soomaaliya ayaa wadaha dal la billowday Ergada Siyaasadda ee Howlgalka Qarammada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM, kaas oo ay ujeeddadiisu tahay sidii loo soo geba gebeyn lahaa howlaha Xafiiskaas.

Kulan taariikhiga ah ayay dorraad isku soo hor fariisteen Guddi farsmo oo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay howshaa u xilsaartay iyo Guddi farsamo oo ka socda UNSOM,Wada xaajoodkan oo hadda billow ah ayaa toddobaadyada soo socda sii xoogeysan doona, iyada oo labada Guddi looga fadhiyo in ay dejiyaan jadwal UNSOM looga wareejinayo howlaha ay ka fuliso Soomaaliya.

Howlaha xafiiska siyaasadda Qaramada midoobay waxaa qaarkood la wareegi doonta Dowladda Soomaaliya, qaar kalena waxaa sii wadi doona Xafiiska Qarammada Midoobay ee kan beddeli doona oo ah mid la nooc ah xafiisyada QM ay ku leedahay dalalka caalamka badankood.

Guddiga farsamo ee Soomaaliya oo ay xubno ka yihiin mas’uulyiin ka socda Xafiisyada Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha, Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Amniga Qaranka, waxaa hoggaaminyay Danjire Yusuf – Garaad Cumar, dhinaca UNSOM, inkasta oo Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud, Danjire James Swan uu khadka telefoonka New York uga qeyb galay, waxaa Hoggaaminayay George Conway oo ah ku Xigeenka Eregyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay.

Tallaabadani waxay astaan u tahay horumarka ay gaartay Dowladnimada Soomaaliya, iyada oo sannadka soo socda ee 2025 ay Soomaaliyaa xubin ka noqon doonto Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay.

Sacuudi Carabiya oo shaacisay tirada rasmiga ah ee dadka ku dhintay xajka sanadkaan

Illaa kun sadex boqol iyo koow qof (1,301) qof ayaa ku dhintay xajka sanadkaan ee Sacuudi Carabiya ,kad ib markii la sheegay in badi dadka geeriyooday ay ahaayeen kuwo aan heysan fasax,isla markaana masaafo dheer ku socday kulayl daran.

wakaaladda wararka ee Sucuudiga ee SPA ayaa sheegtay in heerkulka xajka ee sanadkaan uu gaaray 50C (122F) ,iyadoo qaar ka mid ah dadka dhintay ay ahaayeen kuwo da’ ah oo xanuunsan

Wasiirka caafimaadka Fahad Al-Jalaajel ayaa sheegay in lagu dadaalay sidii dadka looga wacyi galin lahaa qatarta kulaylka ,waxaana xarumaha caafimaadka ay sheegeen in ay daweeyeen ku dhawaad ​​nus malyuun xujey ah.

"Alle ha u dambi dhaafo, hana u naxariisto marxuumiintaasi, waxaanna tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoysaskii ay ka geeriyoodeen,” ayuu yiri wasiirka.

Wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganaysa dublamaasi Carab ah ayaa sheegtay in 658 Masaari ah ay dhinteen. Indonesia ayaa sheegtay in in ka badan 200 oo muwaadiniinteeda ah ay naftooda ku waayeen, halka Hindiya ay sheegtay in ay dhinteen 98 qof.

Pakistan, Malaysia, Jordan, Iran, Senegal, Sudan iyo ismaamulka Kurdistan ee Ciraaq ayaa sidoo kale la xaqiijiyay in dad ay ka dhinteen.

Sabtidii Ra’iisul Wasaaraha Masar Mostafa Madbouly, ayaa shatiyadii ka xayuubiyay 16 shirkadood oo kuwa dalxiiska ah, wuxuuna maareeyayaashooda u gudbiyay maxkamad.

Jimcihii madaxda Dalka Jordan ayaa sheegay in ay xireen dhowr wakiil, kuwaas oo la tilmaamay in ay fududeeyeen socdaalka xujeyda Muslimiinta ah ee ku socday Maka.

Dhanka kale madaxweynaha Dalka Tunisia Kais Saied ayaa la sheegay un uu xilkii ka qaaday Wasiirkii Arrimaha Diinta ee dalkaasi.

Qiyaastii 1.8 milyan oo qof ayaa ka qayb qaatay xajka sanadkan,waxaana Xajka ka hor, mas’uuliyiinta Sacuudiga ay sheegeen inay magaalada Maka ka soo saareen boqolaal kun oo xujey ah oo aan heysan fasaxa ama ogolaanshaha xajka sanadkaan.

Ciidamada Dawlada oo gacanta ku dhigay Nin Ajnabi ah oo ka tirsan Alshabaab

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan degmada Cee ldheer ee gobolka Galgaduud ayaa ga canta ku dhigay nin ajanabi ah oo ka tir san Al-shabaab , kaas oo doonayay inuu Doon ka raaco xeebaha deegaa nka Mareeg ee Gobolka Galgaduud.

Ninkan Al-shabaab ka tirsan ayaa qabashadiisu waxay timid kadib markii xogtiisa ciidanku ay ka heleen bulshada ka agdhow xeebta Mareeeg, iyadoo lagu soo bandhigay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in ninkaan uu sheegay inuu u dhashay dalka Yemen, wuxuuna ka mid ahaa xubnaha Al-shabaab ee ka dagaalama Galmudug.

Xubin ka tirsan alshabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

Isxaaq Sheekh Cali Cabdullahi oo ka tirsanaa alshabaab ayaa isku soo dhiibay Taliska qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ninkaan oo 14 sano ka mid ahaa alshabaab ku dhuumaaleysata goballada Baay iyo Bakool ayaa saaxiibadiis kula taliyey inay isku soo dhiibaan dowladda.

Xubnno badan oo katirsanaa alshabaab ayaa sidaan oo kale uga faa’iideystay cafiska dowladda oo isku soo dhiibay ciidanka xoogga kuwaa oo helay nolol ka duwan tii ay ku jireen.

‘Waxbarashadu waa himillo weyn oo la mid ah Amniga’


Waxbarashada iyo xilligii ka dambeeyay gobannimada Horumarinta Waxbarashada ayaa markiiba noqotay waxa ugu horreeyay ee la dardar galiyay markii xornimada la qaatay ee dhidibbada loo taagay Jamhuuriyadda Soomaaliya sannadii 1960-kii. Fikradda ah kaalinta Waxbarashadu ay ka gali karto horumarka shakhsiyeed iyo tan bulshaba-ba ayaa markiiba lagu muujiyay hees wadani ah oo uu allifay Abwaankii waynaa ee Soomaaliyeed AUN Cabdullaahi Qarshe, miraheedana ay ka mid ahaayeen "Aqoon la’aani waa iftiin la’aane”, hase ahaatee, isbadallada dhabta ah ayaa ahaa kuwa ishu aysan qaban oo aad nuxuus u ah, horumar koobanna waxaa lagu sameeyay aqoontii yareyd ee laga dhaxlay gumaysiga .

Xornimada ka dib waxaa jiray dugsiyo ay dawladdu maamusho oo ay ka mid ahaayeen (scoula media) oo ku yaallay muqdisho walina jira oo hada loo yaqaan Dugsiga Bartamaha Xamar, sidoo kale waxa jiray Machadka daraasaadka Islaamka, Machadka Macallimiinta iyo dugsiyo farsamo oo lagu baran jiray Ganacsiga, Warshadaha iyo Culuunta Badda.

Xilligaasi dugsiyada Sare ee Jamhuuriyadda ka jiray waxaa lagu qiyaasay ilaa 25 dugsi oo luuqadaha wax lagu bartana ahaayeen Ingiriis, Talyaani iyo Carabi, ma aysan jirin jaamacad dalka oo dhan, sidaasi darteed ayey ardayda Soomaaliyeed dibadda waxbarasho ugu baqooli jireen, tusaale ahaan Sanad dugsiyeedkii 1962/1963 ardayda Soomaaliyeed ee dalka dibaddiisa wax ku baranayey waxay gaarayeen 1.500 oo arday, intooda badanna waxay ku sugnaayeen dalalka Masar, Talyaaniga iyo Ruushka, taasoo markii dambe laga dhaxlay kala duwanaansho dhanka aqoonta iyo dhaqanka ah, waxayna ka dhex muuqatay xisbigii leegada ama SYL oo markaas talada hayey. Balse xilligii Dowladdii Kacaanka aheyd ayaa aadugu dadaashay horumarinta Waxbarashada iyo kordhinta Dugsiyada Dalka.

Haddaba waxaa Gobolada Dalka Soomaaliya ka bilowday Maalintii Sabtyida aheyd oo ay taariikhdu ku aadaneyd 22-kii bishan Juun Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Ardeyda Dugsiyada Sare, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Imtixaanka Dugsiyada Sare ee ee sanad dugsiyadeedka 2023-2024 oo sanadkan ay ka qeyb galayaan in ka badan 37,000 oo arday, wuxuuna ku bogaadiyey Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare, sida ay u horumarisay habka loo qaadayo Imtixaanka oo laga dhisay mid casri ah, isaga oo xusay in Waxbarashadu ay tahay mid kamid ah waxyaabaha mudnaanta u leh Xukuumadda DanQaran.

"shalay waa maalin weyn oo la xaqiijiyey mid kamid ah himillooyinka shacabka Soomaaliyeed, Waxbarashadu waa himillo weyn oo ay Xukuumaddu u aragto mudnaan la mid ah amniga. Maalmaha uu imtixaanku socdo dhammaanteen waa in aan Askar u noqonnaa Wasaaradda Waxbarashada oo aan kala shaqeyno sidii uu guul ugu soo dhammaan lahaa imtixaanku”, sidaasi waxaa yiri:- Mudane Xamsa Cabdi Barre, wuxuuna intaasi ku daray in sanadkan lagu qaadayo imtixaanka magaalooyin kala duwan oo aysan horey uga dhici jirin, taasi oo xaqiijinaysa guulaha la gaaray ee fursadda u ah Ardayda, isagoo kula dardaarmay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed in gacan lagu siiyo Wasaaradda Waxbarashada iyo Ciidanka amniga sidii imtixaanku ugu soo dhammaan lahaa si guul ah.

Meelaha uu tilmaamay Ra’iisul-wasaaraha ayaa kala ah Degmooyinka Laascaanood oo ka tirsan Gobolka Sool iyo Ceeldheer oo ka tirsan Gobolka Galguduud oo ay si hamsami ah uga socdaan howsha imtixaanaad Shahaadiga ah, taasoo laaga joogo muddo 33 sano ah kadib, iyadoo Masuuliyiinta qaadeysa Imtixaanaadka iyo waraaqaha Imtixaankaba lagu qaaday Diyaarado.

Haddaba Degmada Ceeldheer ayaa 33 Sanno ka dib ka mid noqotay goobaha lagu gelayo Imtixaanka Shahaadiga ah. Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa shalay markii ugu horeysay looga fariistay Imtixaanka shahaadiga ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya, tan iyo markii laga xorreeyey alshabaab arxanka daran.

33 sano ka hor ayaa Ceeldheer ugu dambeysay in ardayda wax ku barata ay helaan fursadaan oo kale, dowladda federaalka Soomaaliya oo alshabaab ka xoreysay kana difaacday ayaa si lamid ah magaalooyinka kale ee dalka waxay Ceeldheer gaarsiisay adeegga waxbarasho ee xaqa ay u leeyihiin dhalinyarada ka aflaxday goobaha waxbarashada ee degmada Ceeldheer.

Waxaa Baraha Bulshada ku baaay muqaal qurux badan, kaasi oo ku saabsanaa Ardeydii ka qeybgalay Imtixaanka oo ay daabulkayaan Gawaarida Ciidanka booliska Soomaaliyeed sababo la xariira Roob aad u biyo dhigay qaar ka mid ah Waddooyinka magaalada Muqdisho, Roobkaasi xooggan oo ka da’ay magaalada Muqdisho, kaasi oo saameyn ku yeeshay Ardayda sanadkaan galeysa Imtixaanka Shahaadiga ah ayaa ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waxayna caawinaad u fidiyeen Ardayda si’ay u gaaraan goobaha Imtixaanka ay ku galayaan iyaga oo adeegsanayo Gaadiidka ciidanka.

"Marwaliba waxaan hiil u nahay bulshada shalay waxaan daabulid u samaynay dhalinyarada ku jirta imtixaanka Dugsiga Sare”sidaa waxaa yiri Taliyaha Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir G/Sare Mahdi Cumar Muumin

Maalintii Seddexaad ayuu Muqdisho iyo gobolada dalka ka soconayaa Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare, waxaana u rajeynaynaa inuu si nabdoon ugu dhammaado, ayna ku najaxaan Imixaanaadka ay juhdi badan u soo galeen.

Waxaa Alle mahadiis ah in Imtixaanka Qaran ee Fasalka 12aad uu ka socdo 13 Gobolka oo ka mid ah 18 Gobolka ee Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, waxayna Kala yihiin sida hoos ku xusan.

Gobolada uu ka socdo Imtixaanka Qaran.

1.Jubada hoose

2.Jubada Dhexe

3.Gedo

4.Bay

5.Bokool

6.Hiiraan

7.Shabeelaha dhexe

8.Shabeelaha hoose

9.Banaadir

10.Galgaduud

11.Mudug

12.Sool (Laascaanood)

13.Togdheer (Buuhoodle)

Guul baan u rajayneynaa Ardayda Soomaaliyeed.

By. Ruush

Cabdixaafid Maxamed: Waa kuma laacibka guusha u soo hooyay Soomaaliya ee sheegay inuu ka 'fariistay' kubadda cagta?


Saacadihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada Soomaalida qabsaday muuqaal uu Cabdixaafid Maxamed oo ah laacib guulo u soo hooyay Soomaaliya ku shaaciyay inuu ka fariistay kubadda cagta.

Muuqaalka ayaa laga maqlayay Cabdixaafid oo dhahaya:” Kubadda cabgta wax badan ayaan soo waday, qof da’yar oo ka fariistayna aniga uguma horreyn marka aniga kubadda cagta danahayga baan ugu fariistay.”

Waxa uu sheegay inuu niyad jab uu kala kulmay awgeed uu kubada uga fariistay. "Qofka marka u da’yar yahay haddii laga niyad jabiyo waxba ma dheeli karo, maddaamaa kubadda cagta niyad lagu dheelo.”

"Arrimo badan ayaa igu khasbay oo ay ka mid tahay qaranka. Qaranka wax badan ayaan kala kulmay, Isku dhac macalin ayaa imaaday mar haddii aad isku dhacdaana isaga amrkiisa ayaa la qaadanayaa oo isaga sarreeya marka waxaan noqday qof garab waayay oo waqtigaa i ciilay,” ayuu Cabdixaafid sidoo kale ku yiri muuqaalka baraha bulshada lagu baahiyay.

BBC-du waxay isku day’day inay la xiriirto Cabdixaafid balse farriimo aanu u dirnay kama uusan soo jawaabin.

Cabdixaafid Maxamed Cabdi ayaa sanakdii hore mar kale gool u dhaliyay xulka qaranka Soomaaliya ee ay da'doodu ka hooseyso 17-ka sano, isagoo wacdaro ka muujiyay kulankii ay la yeesheen xulka Uganda.

Sannadkii hore mar uu doonayay inuu u safto xulka qaran ee 17-ka ka hooseeyo ayaa waxaa Cabdixaafid la sheegay inuu ka gudbi waayay baaritaan MRI ee lagu xaqiijiyo da'da qofka, kaas oo sida la sheegay soo baxay inuu da'daas ka weyn yahay.

Haddii aad tahay dadka la socda ciyaaraha ama hadal-heynta baraha bulshada Soomaalida, waa hubaal inaad maqashay magaca ciyaartoyga Cabdixafiid Maxamed ama aad aragtay sawirradiisa.

Kooxda xulka qaranka Soomaaliya ee ay da'doodu ka hooseyso 17 jirka ayaa horay guul darro 1-0 ah ugu saarisay xulka dhiggooda ah ee dalka Itoobiya. Goolka guusha waxaa markaas dhaliyay Cabdi Xafiid Maxamed oo lagu naaneyso "Xaafid Januzaj".

Wareysi gaar ah oo uu sanadkii hore Cabdi Xafiid siiyay BBC-da ayuu ku sheegay in uu rajo weyn ka qabay inay koobka qaadaan.

Tartankan ay sanadkii hore isku arkeen Soomaaliya iyo Itoobiya waa "Afcon Under 17 cup of Nations", waxaana loo qabtaa dalalka Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Taariikh ahaan ka qeyb-galkiisa Soomaaliya waxaa ugu dambeysay 2018-kii, sida uu BBC-da u sheegay Cabdullaahi Maxamuud Xirsi, oo qaabilsan horumarinta dhallinyarada ciyaartoyda ah ee xulka qaranka.

Waa kuma Cabdi Xafiid Maxamed?

Cabdixafiid oo ah laacib da'yar ayaa waxa uu ku dhashay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Waxbarashadiisa aasaasiga ah waxa uu ku qaatay isla Kismaayo, halkaas ayuuna kasoo billaabay xirfaddiisa ciyaaraha, sida uu u sheegay BBC-da.

"Anigoo aad u yar ayaan Kismaayo kasoo billaabay ciyaaraha. Waxaan kasoo billaabay heer xaafadeed, macallinkeyga ayaa igu dhiirrigeliyay inaan ka ciyaari karo ilaa heer qaran, haddana waan gaaray heerkaas," ayuu yiri.

Waxa uu ka mid yahay ciyaartoyda mustaqbalka fiican hiigsaneysa ee ka tirsan kooxda Elman ee ka dhisan magaalada Muqdisho.

Cabdixafiid waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay ciyaaryahan xirfad sare leh oo tababareyaashu ay aad u jecel yihiin.

Goolka guusha iyo dabbaaldeg cajiib ah

Cabdixafiid waxa uu sheegay in uu si aad ah ugu faraxsan yahay guushii uu sanadkii hore gaaray Xulka Qaranka da'doodu ka yartahay 17-ka sano ee Soomaaliya, taasoo uu isaga sabab u ahaa kaddib markii uu gool ka dhaliyay kooxda Itoobiya ee kasoo horjeedday.

Markii uu dhaliyay goolka oo ahaa midka keliya ee ay ciyaartaas ku dhammaatay ayuu sameeyay dabbaaldeg ay dad badan su'aalo iska weydiinayeen.

Isagoo ka hadlaya halka uu kasoo min-guuriyay iyo cidda uu uga dayanayay ayuu yiri: "Dabbaaldeggaas waxaan ka arkay Aubameyang iyo Lacazette [ciyaaryahanno ajaanib ah], laakiin markaas ka hor waxaan ka arkay walaalkeey marna saaxiibkeey, Farxaan Xiddig," ayuu yiri.

Ciyaaryahankan da'da yar ayaa sheegay in marka laga soo tago tababarka uu macallinkiisa siiyo uu isaga laftiisa sameeyo dadaal u gaar ah oo uu ku hormariyo xirfaddiisa ciyaareed, taasoo ah dabeecad ay wadaagaan xiddigaha ugu waaweyn ee kubadda cagta adduunka.

'Waxaan u dhaarsanahay Tanzania'

Inkastoo Cabdixafiid uu sanakdii hore soo gaaray dhaawac dhanka muruqa lugta ah, haddana waxa uu hoosta ka xarriiqay inuu jiro ciil gaar ah oo uu u qabay xulka Tanzania, maaddaama ay horay guul darro u gaarsiiyeen Soomaaliya.

"Dhaawac ayaa isoo gaaray balse waxaan wadaa dadaal aan kusoo caafimaadayo, waana rajeynayaa inaan safto kulankaas, kuna soo bandhigo ciyaar ka fiican tii aan la yeelannay Itoobiya, goolal intaas ka badanna ka dhaliyo.

"Waan u dhaarsanahay Tanzania hadda ka hor 2018-kii ayey fiinaal nooga badiyeen, inkastoo aanan xilligaas aniga ciyaareynin waxaa ciyaarayay walaalaheenna. Waxaan rajeynayaa inaan hadda annaga ka aargudanno," ayuu yiri Cabdixaafid mar uu u warramay BBC-da.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip