HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 21-6-2024

0
Saturday June 22, 2024 - 09:35:31 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 241
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 21-6-2024

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadah aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee dowladda Maraykanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Feder aalka Soomaaliya Mudane Xasan Shee kh Maxamuud ayaa warqadaha aqoon siga danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Dowladda Maraykanku u soo magacowday Soomaaliya Mudane Richard H. Riley.

Danjiraha cusub oo Madaxweynaha Jam huuriyadda la wadaagay dhambaal iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha Dowladda Maraykanka Mudane Joe Biden, ayaa uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee uu kala kulmay dowladda Soomaaliyeed, isaga oo soo bandhigay qorshihiisa xoojinta xiriirka diblomaasoyadeed iyo wax wada qabsiga labada dowladood.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey Danjire Richard H. Riley mas’uuliyaddiisa cusub, isaga oo la wadaagay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku garab istaagayso gudashada waajibka diblomaasiyadeed ee loo igmaday.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRI COM), General Michael E. Langley, ayaa kala hadlay xoojinta iskaashiga amniga, dadaallada wadajirka ah ee ka hortagga argagixisada iyo xasilloonida gobolka.

Bangiga Adduunka oo soo saaray Warbixinta Sanadlaha ah ee Hurmarka Dhaqaalaha Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa shalay ka qeybgalay shirka Warbixinta Dhaqaa laha Soomaaliya ee sanadlaha ah ee uu soo qabanqaabiyay Bangiga Adduunka.

Warbixinta Dhaqaalaha Soomaaliya ee sanadlaha ah ayaa sanadkaan diirada lagu saaray wax ka qabashada dhibaato oyinkii iyo caqabadaha ay leedahay Isbeddelka cimilada oo Soomaaliya dhinacyo badan ka saamasay.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo hadal ka jeediayy shirkaan lagu soo bandhigay Warbixinta Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay warbixinta Bangiga Adduunka uu diiyaariyay xaaladaha Horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya oo sheegtay in dhaqaalaha Soomaaliya horumar sameeyay sanadkaan 2024. Wasiirka ayaa sheegay in ay Dowladda Federaalka Soomaaliya horumar wayn ka samaysay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyadoo sidoo kalena guullo waa wayna ay ka samaysay arrimaha Deyn Cafinta Soomaaliya.

"Waxa aan shalay khudbad muhiim ah ka jeediyay shirka Warbixinta Dhaqaalaha Soomaaliya ee Bangiga Adduunka Warbixintiisa 9-aad taasi oo lagu soo bandhigay sidoo kalena lagu gorfeeyay halista isbeddelka cimilada iyo sida ay Soomaaliya samayn dhinacyo kale duwan ah ugu yeelatay.

Dhaqaalaha Soomaaliya waxa uu sameeyay horumar, waana soo hagaagayaa inkastoo ay jiraan caqabado gudaha ah iyo kuwo ka dhashay xiisadaha Gobolka gaar ahaan Badda Cas, dagaalka Ukrian iyo cimilada kulalanaysa”,ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Warbixinta la socodka dhaqaalaha Soomaaliya ee Bangiga Adduunka uu soo bandhigay ayaa lagu xusay in korarka dakhliga gudaha uu kordhay sanadkaan boqolkiiba 3.7% halla Warbixintu odorastay in sanadka 2025 uu kordhayo boqolkiiba 3.9%. Sanadkii hore 2023 ayaa sidoo kale lagu sheegay Warbxinta inuu boqolkii 3.1% korar ah uu sameeyay dakhliga halka 2022 uu gaaray boqolkiiba 2.4%. Warbxinta ayaa sidoo kale lagu xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay heer aad u wanaagsan ka gaartay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo sharuucda kale ee muhiimka u ah Nidaamka Guud ee Maamulka Maaliyadda taasi oo keentay korar dakhliga gudaha.

Wakiilka Bangiga ee Soomaaliya Kristina Svensson ayaa sidoo kale hadal ka jeedisay shirkaan iyadoo sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay horumar ka samasay dhanka dakhliga gudaha iyo isbeddelka dib-u-habaynta nidaamka Maaliyadeed ee dalka.

Warbixinta Dhaqaalaha Soomaaliya ee sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka ayaa ah mid sanadle ah oo lagu qiimayo heerka xaalada horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, iyo caqabadaha jira,sida loo dhaqangeliyay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo sharuudaha kale ee muhiimla ah u ah Maaliyadda Guud.

 

Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Safiirka Sweden ee Soomaaliya oo ka hadlay qodobbo muhiim ah

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ku qaabilay Safiirka dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya, Mudane Joachim Waern .

Dhinacyadaasi ayaa ka hadlay xoojinta dadaalada socda, taageerada dowladda Sweden ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo horumarinta kaabayaasha kale ee muhiimka u ah Soomaaliya.

Wasiir Cabdulqaadir ayaa sharaxay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay uga go’antahay ciribtirka kooxaha Alshabaab iyo muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay taageerada caalamiga ah ee ku aaddan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab iyo dib u dhiska kaabayaasha kale ee muhiimka u ah dowlad-dhiska Soomaaliya.

Dhankiisa, Dankiraha Sweden u fadhiya Soomaaliya, mudane Joachim Waern ayaa ku amaanay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dadaalada xooggan ee ay dalkooda kaga xoreynayaan argagixisada oo ah kuwa dhibaato ku haya guud ahaan caalamka, isagoo balanqaaday in dalkiisu uu xoojinayo taageerada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Imtaxaanka fasalka 12-aad ee dugsiyada sare oo lagu waddo in u ka furmo Laascaanood

Magaalada Laascaanood ayaa maalinta barri ah waxaa ka furmidoona Imtaxaan ka Shahaadiga ah ee fasalka 12-aad ee dugsiga sare.

Diyaarad ay la socdeen Saraakiil ka so cotay wasaaradda waxbarashada DFS ayaa halkaas gaaray si ay u furaan Imta xaanka 12-aad ee dugsiyada sare ma gaalada Laascaanood ee xaruunta go bolka Sool.

Imtixaanka ayaa lagu wadda in maalinka barri ah ay u fariistaan ardayda,iyadoo la gu qabanayo illaa Afar goobood oo ka kala tirsan magaalooyinka Laascaanood iyo Buuhoodle.

Masuuliyiinta maamulka SSC-Khaatumo ayaa garoonka diyaaradaha Laascaa nood ku soo dhaweeyay, saraakiisha ka socotay wasaaradda Waxbarashada DFS oo Goobjoog ka ahaan doono imtixaanka.

 

Xildhibaan Fowsiyo” Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ii diidan inaan u tartamo Kursiga Midowga Afrika”

Xildhibaan Fowsiyo Yusuf Haji Adami oo shir jaraa’id ku qabatay Muqdisho ayaa sheegtay in aanay ka tanaasuleyn kursiga Guddoomiyaha Midowga Afrika oo ay u sharaxan tahay, kaddib markii Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay cadaadis ku saareen inay ka harto tartanka kursiga oo loo tanaasulo dalka Jabuuti.

"Ma yeeli karo in mas’uuliyadaas dhabarka u rito oo aan tanaasulo, maadaama tanaasulkaas, taariikh madow ku xardhan yahay”

Fowsiyo Yusuf ayaa shirkeeda jaraa’id ugu magac dartay Garnaqsi, waxaana ay ka warbixisay heerarka ay u soo martay Musharaxnimada kursigan illaa Madaxweynaha iyo Xukuumadda ay ku taageereen.

Waa markii labaad oo dowladda Madax weyne Xasan Sheekh ay ku qasabto haween kursi u tartameysa inay ka harto, iyadoo Xildhibaan Marwo bashiir oo u tartameysay kursiga Madaxweynaha Baarlamaanka Adduunka ay ku guulda reystay booskaas, kaddib markii dowla dda ay qortay warqad ay ku sheegeysay in aan Musharax u aheyn kursigaas, wa xaana xilligaas ay dowladdu ku saba beysay in Soomaaliya ay doonayso kursi ga aan joogtada ahayn ee Golaha Am maanka Qaramada Midoobay iyo ku biirista Dallada Bulshada Bariga Afrika, sidaasna ay ku badalatay inaan loo tartamin kurisga Madaxweynaha Baarla maanka Adduunka.

Nin Ganacsade ahaa oo lagu dilay degaan katirsan Maamulka Puntland

degaanka Kalabeyr ee Gobolka Nu gaal Puntand ayaa waxaa lagu dilay Nin Ganacsade Caanka ahaa degaankaas, oo lagu Magacaabi jiray Cabdulqaadir Cabdi Daahir Axmed.

Maleeshiyaad hubeysan ayaa waxaa la sheegay inay Ganacsadaha dileen xilli uu ku sugnaa meel u dhow Gurigiisa oo kuyaalla degaanka Kalabayr oo u dhex eeya Garoowe iyo Buurtinle islamar kaana qiyaastii 60km u jira caasimadda Garoowe.

Ragga dilka u geystay Ganacsadaha ayaa Goobta ka baxsaday, waxaana g aaray Ciidamo katirsan laamaha Amniga Puntland, kuwaas oo sameeyay howl gallo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay dilka Ganacsadaha.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeeysa dilka Ganacsadaha iyo cidda ka dambeysa, waxaana dilkiisa kasoo baxaya faah faahino kala duwan, iyada oo laamaha Amniga Gobolka Nugaal ee Puntland aysan ka hadlin.

Qaar kamid ah Ehellada Marxuum Cabdulqaadir Cabdi Daahir Axmed oo Garoowe ku sugan ayaa ka codsaday laamaha Amniga Puntland inay Gacanta kusoo dhigaan dadkii ka dambeeyay dilka Ganacsadaha, isla markaana ay cadaalad ka sugayaan.

Degaannada dowlad Goboleedka Puntland dhowr jeer waxaa ka dhacay dilal kala duwan, iyada oo dadkii ka dambeeyay qaarkood la qabtay halka qaarka kale ay weli baxsad yihiin.

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddoomay Safiirka Cusub ee Maraykanka u Fadhin doona Mogadishu

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa shalay oo Khamiis ah Caasimadda Muqdisho kaga guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo Safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Richard H. Riley.

Wasiir Axmed Fiqi ayaa yididdiilo u muujiyay Danjire Richard Riley, isaga oo u rajeeyay in uu ku guulaysto howsha diblomaasiyadeed ee cusub iyo mas’uuliyadaha loo igmaday, waxaa uu caddeeyay muhiimadda gaarka ah ee howsha danjiraha laga sugayo inay tahay xoojinta xiriirka iyo sare u qaadidda wax wadaagga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, iyadoo diirrada la saarayo suuragalnimada ka guul keenidda horumar wax ku ool ah oo laga gaaro dhammaan dhinacyada kala duwan ee iskaashiga.

Dowladda Soomaaliya oo beenisay in ay masuul ka tahay xildhibaano lagu xiray Nayrobi

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u beenisay wararka sheegaya in dowladda Federaalka ay ka dambeyso in labada xildhibaano lagu xiro magaalada Nairobi.

Dowladda Soomaliya waxay sheegtay in xubnaha Baarlamanka Soomaaliya ee dhacdadaasi ay soo wajahdey ay la gudboon tahay inay la xiriiraan laamaha amaanka ee Kenya oo waajib ka saaran yahay sugidda amniga, ilaalinta shacabka iyo martida dalkooda ku sugan si loo bayaamiyo sida ay wax u dhaceen.

Labada xildhibaan oo ka tirsan baarl amaanka dowladda federaalka Soo maaliya ayaa sheegay in muddo kooban xorriyadda looga qaaday gudaha ma gaalada Nairobi oo ay sheegeen inay u joogaan fasax.

Xildhibaanada ayaa sheegay in looga di gay in ay ku guda jiraan arrimo ka dhan ah dowladda federaalka ah ee Soo maaliya.

Waxa ay sheegeen in ay ka xunyihiin in weli aysan ka hadal guddoonkii baarlam anka ay ka tirsanyihiin walow ay arrinta la socodsiiyeen safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Nairobi.

Madaxa Hay’adda SODMA oo la kulmay Madaxa Hey’adda Iskaashiga Caalamiga ah ee Jaban

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Mu siibooyinka mudane Maxamuud Macalin Cabdulle iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa dalka Japan kula kulmay madax sa re oo ka tirsan hay’adda iskaashiga caa lamiga ah ee dalkaasi (JICA).

Agaasimaha hay’adda iskaashiga caalamiga ah ee dowladda Japan qeybta Africa Momita Yasuki ayaa guddoomiyaha uga warbixiyay mashaariicda ay hay’addooda ka waddo dalalka Afrika,gaar ahaan Soomaaliya,

Guddoomiye Maxamuud Macalin ayaa madaxda hay’adda ka dalbaday in laga caawiyo dhisidda xarumaha gurmadka degdega ah ee maamul goboleedyada, kor u qaadidda aqoonta shaqaalaha hay’adda maaraynta musiibooyinka.

DF oo awood ciidan ku hor istaagtay ciidamada Itoobiya oo xoog ku soo galay dalka

Ciidanka Booliska Soomaaliya ee ku su gan degmada Matabaan ee gobolka Hiir aan ayaa shalay is hortaagay ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay gudaha Soo maaliya.

Ciidankaas oo wata gaadiid dagaal ayaa Soomaaliya ka soo galay dhanka dee gaanka Feerfeer ee gobolka Hiiraan, wa xaana lagu guuleystay in Matabaan lagu hakiyo.

Ciidanka Booliska Soomaaliya ee ku sugan Matabaan ayaa shalay hor istaa gay ciidanka Itoobiya oo u socday dhan ka Galmudug, gaar ahaan Dhuusama reeb.

Saraakiisha hoggaamineysa booliska hor istaagay ciidankaas ayaa Caasim ada Online u sheegay inay ciidamada Itoobiyaanka ah weydiiyeen sababta ay u soo galeen dalka iyo hadii uu jiro ogolaansho ay ka heystaan madaxda qaranka.

Saraakiisha ciidamada Itoobiya ayaa sheegi diiday halka ay u socdaan iyo qorshaha ay wataan, sidoo kale waxay ku guul dareysteen inay keenaan ogolaa nsho ay ka heystaan madaxda dalka Soomaaliya.

Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa difaac ka xirtay koontoroolka laga soo galo degmada Matabaan, waxayna u diideen ciidamada Itoobiya inay ka gud baan halkaas.

Muran iyo isku day dheer kadib, ciida mada Itoobiya ayaa dib uga laabtay Mat abaan, ma dhicin wax gacan ka hadal ah, balse dadka deegaanka ayaa noo sheegay in ciidamadu ay ku sigteen inay isku dhacaan.

Ma cadda qorshaha ciidamada Itoobiya ay u soo galeen Soomaaliya, xilli dowl adda Soomaaliya ay qorsheyneyso in guud ahaan ciidamada Itoobiya dalka laga saaro bisha 12-aad ee sanadkaan.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga oo Masaajid Cali Gaduud kula hadlay dadka deegaanka

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaand higa Xukuumadda Fedaraalka Sooma aliya Abuukar Maxamed Xasan ayaa ku lan dhiirigalin ah la qaatay shacabka ku dhaqan deegaanka Masaajid Cali Ga duud oo laba sano kahor laga xireeyay kooxaha Alshabaab.

Afhayeenka oo la hadlay qeybaha bulsh ada ayaa kula dardaarmay in ay u howl galaan la shaqeynta ciidanka dowladda iyo sidii loo ciribtiri lahaa kooxaha khawa arijta.

Sarkaalkaasi waxa uu ka codsaday dad ka deegaanka in ay la yimaadaan dul qaad iyo iscafiyo,isla markaana ay ka qe ybqaataan horumarinta adeegyada lag ama maarmaaka u ah bulshada.

Faysal Cali Waraabe: Taageerayaasha Xisbiga Waddani ma xidhi karaan madaarka

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka So maliland ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa taageeray xadhiga Cismaan Cu mar Dool oo ka tirsan xisbiga Waddani.

Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay qala laasihii dorraad ka dhacay madaarka Ci gaal ee Hargaysa ayaa sheegay in uu ka danbeeyay xisbiga Waddani oo si qabyaaladaysan u olollaynaya.

"Caruurteenii ayaa la xumaynayaa, oo inta lacag la siiyo qabiil lagu talaalayaa, waxa waxa ka shaqaynaya waxa weeyi siyaasiyiin qaar isku sheegaya iyo qaar cumaamado sita ayaa ka shaqaynaya" ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Waxa uu taageeray xadhiga siyaasi Cis maan Cumar Dool, isaga oo uu ku dood ay in Dool uu yahay shakhsi aflagaado badan, isla markaana uu xadhigu dan u yahay.

"Waxan leeyahay badbaadadiisa ayay ahayd, hadii aan sida la yeelina suuqa ayaa lagu dili lahaa, xisbiga Waddani taageerayaashiisu madaarka ma xidhi karaan" ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Waxa uu Waddani ku eedeeyay in uu imaatinka siyaasigooda ku beegay xili uu madaarka ka dhoofayay wafti Maray kan ah oo Somaliland u yimid xaqiiqo raadin.

Ciidamada Burundi ee ATMIS oo guud ahaan faarujiyay magaalada Jowhar

Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afri ka ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa isaga baxay degmada Jowhar ee xarunta gob olka Shabeellada dhexe ahna caasi madda maamulka Hirshabeelle.

Saraakiil katirsan howlgalka ATMIS ayaa ku wareejiyay Ciidanka Xoogga Dalka Saldhigyadii ciidamada ATMIS ay ku lahaayeen magaalada Jowhar, taas oo qeyb ka ah wejiga 3-aad ee bixitaanka ciidamada shisheeye.

Ciidamada Burundi ee katirsan ATMIS ayaa saddex saldhig ku lahaa Jowhar. Howlgalka ATMIS ayaa u qorshaysan inuu 4,000 oo askari kaga saaro Soom aaliya dhammaadka bishaan June, taa soo ah jadwal horey u degsanaa oo lagu heshiiyay.

Madaxa Qaybta Militariga ATMIS, Gaa shaanle Sare Suleymaan Ibraahim ayaa u xaqiijiyey dadka Soomaaliyeed in ay san jiri doonin wax faaruq ah oo amni in ta ay socoto dhimista ciidamada. Wuxuu ammaanay hawlkarnimada iyo naf hur nimada ay Ciidamada Amaanka Soom aaliya iyo ciidamada Burundi ee ATMIS ee sii baxaaya ay ku bixiyeen xasilinta amniga gobolka.

Bixitaanka ciidamada ayaa kusoo aaday, iyadoo dowladda Soomaaliya ay codsi u dirtay Midowga Afrika si dib loogu dhigo bixitaanka ciidamada ATMIS. Waxay do wladda muujisay khatar dhinaca amniga ah oo ka taagan Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa doonaysa in 2,000 askari kaliya laga saaro dalka bis ha June, halka 2,000 oo kalena la saaro bisha September ee sannadkan.

Israa’iil oo xoojisay weerarada waqooyiga, koonfurta iyo bartamaha Gaza

Taangiyada Israa’iil ayaa ku sii qulqula ya galbeedka Rafah ee koonfurta Gaza, iyagoo madaafiic ku garaacaya teendh ooyinka ay degan yiiin dadka barakacay.

Ciidamada Israel ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay weeraro cirka ah oo dhima sho badan dhaliyay ka fuliyay Gaza,gaar ahaan guri ay ku sugnaayeen sideed qof oo dhaca xaafadda Zeitoun ee magaal ada Gaza.

Qaramada Midoobay ayaa uga digaya shirkadaha hubka in ay Israel u gudbiy aan nuucyada hubka , iyaga oo jebinaya sharciga caalamiga ah ee Gaza.

Dagaalka Rafah ayaa sii xoogeysanaya iyadoo kala qeybsanaan siyaasadeed oo sii kordhaya ay ka muuqdaan xulufada taageera labada dhinac.

Xamaas ayaa la sheegayaa in ay walxa ha qarxa ku weerareen Gaari noociisu yahay kuwa gaashaaman oo ay leeyihiin ciidamada Israel.

Ugu yaraan 37,431 qof ayaa la dilay hal ka 85,653 ay ku dhaawacmeen dagaal ka Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii October.

Ra”iisul wasaaraha XFS oo si Rasmi ah u daahfuray Imtixaanka Dugsiyadda Sare

Ra”iisul wasaaraha xukuummadda Fede raalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta si rasmi ah u daahf uray imtixaanka dugsiyadda Sare ee Fasal ka 12Aad oo saaka Ardaydu ku gelayso inta badan Gobolada dalka.

Ra’iisulwasaaraha Xamse ayaa xusay in doorkan horumar weyn laga gaadhay dhanka Horumarinta tiknoolajiyadda sidoo kale Ra”iisul wasaaraha ayaa xusay in Sannadka Imtixaan laga gelayo goobihii laga xorreeyey Alshabaab.

Dhinaca kale Wasiirka Waxbarashadda ayaa xusay in sannadka tirada Ardayda Im tixaanka gelaysaa gaarayso 37038 Arday sidoo kale ay ka soo qayb galeen 736 Dugsi oo ku kala yaal gobolada dalka.

Reer Galbeedka oo ka caga jiidaya maalgalinta howlgalka cusub ee Soomaaliya ay doonayso in lagu beddelo ATMIS

Wada xaajoodyada ku saabsan maalgalinta ciidamo cusub oo beddela kuwa haatan jooga Soomaaliya ee ka socda Midowga Afrika ee ATMIS, ayaa noqday arrimo xaajadoodu adag tahay oo ay ka cago jiidayaan Midowga Yurub iyo Maraykanka.

Midowga Yurub ayaa doonaya in la helo amar ka adag kan ay Soomaaliya rabto ee ciidamo cusub lagu aas aasayo, sida ay sheegeen saddex ka mid ah ilo-diblomaasiyadeed oo si dhow arrimahan ula scda.

Madaxtooyada Soomaaliya iyo xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaan wax jawaab ah ka bixin qorshaha ay doonayaan waddamada reer galbeedka, ee ah in qorshaha ciidamada cusub uusan noqon mid lagu degdego.

La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Sheekh Cali ayaa sheegay in codsiga dib u dhigista ka bixitaanka bishan uu yahay mid la doonayo in lagu waafajiyo qorshaha dhimista howlgalka ATMIS-ka kadib.

Afhayeen u hadlay Midowga Yurub ayaa sheegay in ay taageerayaan mabda'a ahaan soo jeedinta dowladda Soomaaliya ee dhismaha howlgallada cusub, balse afhayeenku wuxuu sheegay inay muhiim tahay in laga fogaado gal-daloolooyin xagga amniga ah iyo galitaanka kharashaad aan loo baahnayn oo ka badan howlgalka hadda jira.

Labo diblumaasi oo ay wareysatay wakaaladda wararka ee Reuters, kuwaas oo ka gaabsaday in magacooda la shaaciyo, ayaa sheegay in Mareykanka iyo Midowga Yurub ay doonayaan in ay hoos u dhigaan howlgallada nabad ilaalinta ee Soomaaliya, sababtoo ah waxay ku tartamayaan mudnaanta Ukraine iyo Gaza, waxayna doonayaan in Soomaaliya ay qaadato mas'uuliyadda ammaankeeda.

Xizbullah oo ku dhowaaqday arrin cabsi gelisay Israel

Xizbullah ayaa ku hanjabtay in meel ka mid ah Israel aysan ka badbaadi doonin dagaal, kadib markii Israel ay sheegtay in ay ansixisay qorshe duullaan loogu qaadayo Lubnaan, taasi oo kicisay cabsida laga qabo in dagaalka Gaza uu fido.

Madaxa Xizbullah Sheekh Hassan Nasrallah ayaa khudbad laga baahiyey taleefishinka ku yiri "meel Israel ka mid ah kama badbaadi doonto gantaalladeena.”

Nasrallah, oo kooxdiisa awoodda badan ee Iran ay taageerto ay si maalinle leh gantaallo isku weydaarsanayeen Israel tan iyo weerarkii ay Xamas ku qaaday Israeli 7-dii October, ayaa sidoo kale u hanjabay Jasiiradda u dhow ee Qubrus haddii ay garoomadeeda diyaaradaha ama saldhigyadeeda u ogolaato in Israel "ay ka beegsato Lubnaan.”

Jasiiraddan ayaa hoy u ah laba saldhig Militari oo British ah, oo uu ku jiro saldhig ciidamada cirka ah, balse waxay ku yaallaan dhul madax-banaan oo British ah oo aysan maamulin dowladda Qubrus.

Madaxweynaha Qubrus Nikos Christodoulides ayaa beeniyay ku lug lahaanshaha dalkiisa ee dagaalka, wuxuuna sheegay in Qubrus ay "qayb ka tahay xalka”, isaga oo tilmaamay doorka ay ku leedahay marinka bini’aadannimo ee dhanka badda ee Gaza "oo ay aqoonsan yihiin dhammaan beesha caalamka”.

Cabsida laga qabo in Israel ay dagaal buuxa ku qaadi karto Lubnaan ayaa sare u kacday ayada oo militariga Israel ay Talaadadii ku dhowaaqeen "qorshe howleedka duulaan loogu qaadayo Lubnaan waa la ansixiyey lana sharciyeeyey.”

Arbacadii, Israel ayaa sheegtay in diyaaradaheeda dagaalka ay garaaceen goobo Xizbullah ay ku leedahay koonfurta Lubnaan xilli habeen ah, halka ay sidoo kale werisay in diyaarado aan duuliye la socon ay ciidamadeeda ku beegsadeen magaalada xuduudda ku taalla ee Metula, weerarkaas oo ay sheegatay Xizbullah.

Xizbullah ayaa dhanka kale ku dhowaaqday geerida afar ka mid ah dagaal-yahanadeeda.

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Lubnaan ayaa sheegtay in Israel ay duqeysay dhowr goob oo ka tirsan koonfurta Lubnaan Arbacadii, oo ay ku jirto xaafadda ku taalla xuduudda ee Khiam.

Xizbullah ayaa dhankeedana sheegtay in ay "dhowr gantaal oo Katyusha ah iyo madafaiic kale” ku garaaceen deegaanka Kiryat Shmona ee waqooyiga Israel, si ay uga aargutaan weerarka lagu soo qaaday.

Maalin ka hor, kooxda islaamiga ah ayaa soo bandhigtay muuqaal sagaal daqiiqo ka badan oo hawada sare laga duubay oo muujinaya waqooyiga Israel, oo ay ku jiraan wax ay ku sheegeen inay yihiin goobo militari, difaac iyo tamar oo xasaasi ah oo ka tirsan magaalada dekadda leh ee Haifa ee Israel.

Putin oo ku dhawaaqay qorsho wax looga bedelayo nukliyeerka

Putin ayaa ku dhawaaqay isbeddel ay ku sameynayaan nukliyeerka si loogu beddelo hub fudud oo loo adeegsan karo dagaalka, tan oo xataa uu sheegay reer galbeedka inay ku howlanyihiin.

Sidoo kale wuxuu caddeeyay in khubarada reer galbeedku ay u arkaan in ay suurtogal tahay in nukliyeerka loo isticmaalo dagaal caadi ah, taa oo uu sheegay isbeddellada suurtagalka ah ee istaraatiijiyadda oo Ruushka uu ku sameynayo nukliyeerka si uu dagaallada ugu adeegsado inay la xiriirto.

Wadamadda Reer Galbeedka ayaa isha ku haaya tallaaba kasta oo uu qaadayo Ruushka oo dagaal adag kula jira waddanka Ukraine, dagaaladaas oo Boqolaal Ruux ay ku geeriyoodeen.

Weeraro culis oo laga fuliyey Bakool,ayaa xubno ka tirsan Al Shabaab lagu laayey

Wararka kala duwan ee ka imaanayaa Ba kool ayaa sheegaaya,in ciidamadda xoog ga dalka la wareegeen deegaano hor leh,waxaaana dagaalamayasha Al Shab aab laga qabsadey deegaano cusub.

Howlgalka oo uu Hogaaminayey Taliyaha Guutada 9-aad Ciidanka Xooga Dalka Gaashanle Yoonis Aadan Hassan ayaa intii uu socday waxaa barbar socday du qeymo dhinaca cirka ah oo ay fulinayeen Diyaaradaha aan Duuliyaha la hayn, kaas oo lala beegsaday Goobo ay ku sugnaa yeen Al-Shabaab.

Taliyaha Guutada 9-aad Ciidanka Xooga Dalka Gaashanle Yoonis Aadan Hassan ayaa sheegay in duqeynta lagu burburiyay Goobo ay isku aruursanayeen Al-Shabaab, isla markaana khasaaro dhimasho iyo dha awac ah lagu gaarsiiyay.

Taliyaha ma sheegin tirada Xubnaha kat irsan Al-Shabaab ee howlgalka lagu dilay, hayeeshee howlgalkaas ayaa qeyb ka ahaa howlgallada joogtada ah oo ay fuliyaan Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Saaxiibada Caalamiga ah.

Si kastaba bilihii la soo dhaafay Ciida mada dowladda Soomaaliya oo kaasha nayay Ciidamada degaanka ee loo yaqaa mo Macawiisleyda ayaa waxaa ay samee ynayeen howlgallo kala duwan wallow ay san jirin degaano iyo degmooyin lagula wareegay.

 



Maxaad kala socotaa Xuska Geela ee Soomaaliya ka dhacaya?


Qaramada Midoobey ayaa sannadkan 2024 u aqoonsatay Sannadka Bahda Geelasha Adduunka, kaas oo looga golleeyahay in sare loogu qaado ogaalka dadweynaha iyo dadka siyaasadda dajiya ee la xiriira kaalinta xayawaankani kaga jiro nolosha aadanaha.

Malaayiin dad ah oo reer guuraa u badan kuna kala nool duinda dacalladeeda ayaa geela iyo duunyada kale ee ay bah-wadaagta yihiin sida, Ilama, alpaca,vicuna iyo guanaco ugu tiirsan cunto iyo gaadiid.

Soomaalida oo dhaqan ahaan ku tirsan dunida xoolo dhaqatada ah ayaa safka hore uga jira bulshooyinka geelleyda ah ee aan weli ka guurin noloshii reer guuraanimada. Taas oo micnaheedu yahay in geelu weli door shariif ah ku leeyahay nolasha dadka Soomaaliyeed miyi iyo magaalo mid uu joogaba.

Haddaba si loo muujiyo kaalinta geelu kaga jiro nolosha dhaqan-dhaqaale ee ummaadda Soomaaliyeed, waxaa magaalada Garoowe ee xarunta Dowlad Goboleedka Puntland ka socda qabanqaabada Xuska Geela Soomaalida, kaas oo lagu wado in ay ka soo qaybgalaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Sida uu BBC u sheegay Xoosh Docol Curdan oo ah aasaasaha xarunta dhaqanka Biciid oo qabaneysa xuskan oo sida qorshuhu yahay dhacaya bisha July 2024, ujeedada ugu weyn ee laga leeyahay barnaamijkan laga leeyahay waa in loo qareemo geela Soomaalida, sidoo kalena la isku baraarujiyo daryeelka uu mudan yahay.

"Nolosheedoo dhan waxay keydineysay lacagtii ay Xajka ku aadi lahayd balse dayac ayay ugu dhimatay Maka”

”Waxaa si gaar ah loogu kuurgalayaa dhanka aqoonta loo leeyahay geela Soomaalida iyo macluumaadka laga qoray, saameynta uu geelu ku leeyahay dhaqanka Soomaalida iyo kaalinta uu kaga jiro dhaqaalaha bulshada,” ayuu yiri Xoosh oo faahfaahinaya waxyaabaha diiradda loogu saarayo barnaamijka.

Geela ayaa muddo dheer wuxuu lafdhabar u ahaa nolasha bulshada Soomaaliyeed ee xoolo dhaqatada ah, waxaana la sheegayaa in xayawaanka uu xudun u yahay ,colaadaha daba-dheeraadfay ee Soomaalida halkeeyey. Marka dib loo qooraansado sooyaalka dagaallada lagu hoobtay ee dhex maray beelaha Soomaaliyeed, ku waas oo raadadkoodi weli sii muuqdaan, waxaa ka si cad looga dheehan karaa in ay badidood ka billowdeen ismaandhaaf ka dhashay dar iyo daaqsin geel.

Haddaba iyadoo maanka lagu hayo daruufaha ka dhashay isbeddelka cimilada ee saameynta qallafsan ku yeeshay baadkii iyo biyihii xoolaha, geeluba ha ugu darraadee, Xoosh wuxuu sheegay in kulanka lagu gorfeyn doono sidii loola qabsan lahaa isbeddelka jira, iyadoo laga billaabayo golaha geela iyo geyiga uu ku soofo.

Munaasibadda Xuska Geela Soomalida oo sida Xoosh sheegay qorshuhu yahay in ay ka soo qaybgalaan cilmi-baareyaal, khuburo iyo dadka jaangooya siyaasadda bulshada ee heer dowlad goboleed iyo mid federaal, waxaa si cilmiyeysan loogu falanqeyn doonaa habka soo jireenka ah ee xoolo dhaqashada, iyadoo dhanka kale lagu soo bandhigayo sida ugu habboon ee looga faa’ideysan karo tacabka geela.

”Barnaamijkan waxaa lagu soo bandhigi doonaa tacabka geela Soomaalida, gaar ahaan cadka, caanaha, hargaha iyo waxyaabaha la warshadeeyo sida caano booraha, kareemada laga sameeyey dhuuxa geela, saliidaha iyo saabuunaha laga farsameeyo duxda geela, waxyaabaha lagu xarragoodo ee laga sameeyo lafaha geela ee la qoro sida kuulaha kiyo jijimaha IWM”, ayuu yiri Xoosh.

Ugu dambeyntii Xoosh Docol Curdan oo ah Aasaasaha Xarunta Dhaqanka Biciid ee sannadkan qabanqaabineysa Xuska Geela Soomaalida wuxuu rejo wanaagsan ka muujiyey in barnaamijkan ay ka soo bixi doonaan guulo dhaxalgal ah oo wax ka tara noolasha geela iyo geelleyda Soomaaliya. Wuxuuna sheegay in qorshu yahay in halkaas lagu dhiso dallad ay ku mideysan yihiin geelleyda Soomaaliyeed, kaas oo ujeedkiisu yahay in loo qareemo sidii loo hirgelin lahaa siyaasado lagu tabantaabayo nolosha bulshada geelleyda ah.

Walow aan la hayn tiro-koob sugan oo ku saabsan geela Soomaalida, haddana waxaa la aaminsan yahay in Soomaalidu leedahay geela ugu badan ee dunida ku nool. Waxaana la qiyaasaa in 7 illaa 8 milyan oo neef oo geel ah ay ku nool yihiin Soomaaliya.XIGASHO;BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip