HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 18-6-2024

0
Tuesday June 18, 2024 - 08:17:08 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 253
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 18-6-2024

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ankara kula kulmay wasiirka arrimaumaha dibadda Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan dalka Turkiga ayaa magaalada Ankara kula kulmay Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan.

Madaxweynaha iyo wasiirka ayaa ka wada hadlay arrimaha quseeya iskaashiga labada dal iyo dadaallada wadajirka ah ee lagu horumarinayo xasilloonida gobolka.

Maxay ka wada hadleen Sheekh Shariif & Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudiga ?

Madaxweynihii hore ee Dalka Mudane Sharif Sheikh Ahmed ayaa fariin Bogaadin ah u diray Boqortooyada Sacuudiga wuxuu ku bogaadiyay adeegyada cusub ee sannadkan ay u fidiyeen Xujeyda gudanaysay acmaasha Xajka.

Wuxuu sidoo kale Dhaxalsugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uga mahadceliyay martiqaadka qado sharafka uu u sameeyay mas’uuliyiinta sannadkan kasoo qeybgashay gudashada waajibaadka Xajka.

Sidoo kale Sharif Sheikh Ahmed ayaa bogaadiyay kaalinta Boqortooyada Sacuudiga ee ku aaddan isgarab taagga dadaallada dhismaha dowladnimada Soomaaliya iyo gargaarka bani’aadannimo ee ay muddada dheer la garab-taagnaayeen shacabka Soomaaliyeed.

Sheekh shariif oo qoraal soo dhigay Bartiisa Face Book ayaa u qornaa sidaan:

Waxay mahad u sugnaatay Allaah (SWT), oo inoo suurta geliyey inaan markale sanadkaan kamid noqonno Muslimiintii soo gudatey waajibaadkii Xajka. Waxaan uga mahadnaqaayaa madaxda Boqortooyada Sacuudiga oo ay ugu horreeyaan Boqor Salmaan Bin Cabdul Casiis iyo Dhaxal Sugaha Maxamed Bin Salmaan, oo adeegyo cusub oo u fududeynaayo sannadkan usoo kordhiyey martida Alle ee sannadkan gudanaysay acmaasha waajibaadka Xajka.

Waxaan si gaar ah, dhaxalsugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uga mahadcelinayaa casuumaada martiqaadka qado sharafka uu u sameeyay mas’uuliyiinta sannadkan kasoo qeybgashay gudashada Xajka oo aan kamid ahaa.

Waxaan bogaadinayaa kaalinta Boqortooy ada Sacuudiga ee ku aaddan isgarab taagga wadamada Islaamka oo dhan gaar Ahaana dadaallada dhismaha dowladnima da Soomaaliya iyo gargaarka bani’aadann imo ee ay muddada dheer la garab-taa gnaayeen shacabka Soomaaliyeed.

Waxaan Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed uga baryayaa inuu nabad iyo barwaaqo inooga dhigo.

Ra’iisul wasaare Xamse oo shalay waqti la qaatay dadka ku ciidaya Daaru-salaam

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre, oo kormeer ku tagey degmada Daarusalaam, ayaa halkaas wakhti kula qaatay boqollaal dadweyne ah oo isaga kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo u dabaal dagayey farxadda maalmaha ciidda, taas oo muujinaysa amniga iyo nabadda ka hirgashay caasimadda dalka ee Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha, ayaa bogaadiyey horumarka, bilicda iyo amniga ka jira degmada Daarusalaam, isaga oo ku dhiirigeliyey bulshada iyo ganacsatada in ay sii wadaan dadaalka ay ugu jiraan horumarinta caasimadda iyo guud ahaan dalka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa caddeeyey in dowladdu ay si buuxda u garab taagan tahay ganacsatada, si horumar loo gaaro, isla markaana lagala shaqeyn doono sidii loo abuuri lahaa fursado cusub oo ganacsi iyo maalgashi.

"Waxaan ugu baaqayaa dhammaan ganacsatada Soomaaliyeed in ay dalkooda horumarkiisa u istaagaan oo maalgashadaan, maadaama uu dalku yahay nabad, ayna jiraan fursado maalgasho oo horseedaya horumar dhaqaale iyo shaqo abuur, dalkana ka dhigaysa mid kobcaya”.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka "Dallacsiinta geesiyaasha Qaranka waxay niyad dhis u tahay Ciidanka.”

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxuddiin ayaa sheegay in alacsiinta geesiyaasha Qaranka ay niyad dhis u tahay Ciidanka.

Taliyaha oo ka hadlayay munaasabad loogu mahad celinayay Madaxweynaha Qaranka oo dallacsiiyay xubno firfircoon oo ka mid ah guutada 14-ka Oktoobar ee Ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo wacdaro ka dhigay dagaalka lagulala jira Al-shabaab.

Munaasabaddan oo ay ka qayb galeen mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha kala duwan ee dowladda iyo saraakiil ciidan ayaa sheegay in dallacsiinta xunbahan uu ku mahadsan yahay Madaxweynaha JFS, Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo xusay in sidan oo kale uu horay u dallacsiiyay madaxweynuhu qaar ka mid ah Ciidamada ku jira furimaha dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Wasiirka Owqaafta iyo arrimaha diinta XFS oo kormeeray goobaha ay Xujeyda Soomaaliyeed ka deggen yihiin Mina

Wasiirka Owqaafta iyo arrimaha diinta XFS Mukhtaar Roobow Cali oo uu wehliyo Madaxa xafiiska Arrimaha xajka Wasaaradda Dr Khadar Daahir ayaa caawa kormeerayay Teendhooyinka Xujeyda Soomaaliyeed ka deggan yihiin Mina isagoo mid ka mid ah xarumaha Caafimaadka ku booqday xujey lagu dabiibayo.

Xarumaha caafimaadka Xujeyda Soomaaliyeed oo dowladdu soo kordhisay sanadkaan ayaa shaqo muhiim ah u qabanayay maalmihii la soo dhaafay xujeyda oo qaarkood ay saameeyeen kuleyka daran ee ka jira goobaha Mashaacirta.

Wasiirka ayaa warbixin ka dhageystay xujeyda uu la kulmay oo uu ka warsanayay culeyskii ay dareemeen saacadihii la soo dhaafay, maadaama gudashada waajibaadka xajka iyo kuleylka ka jira Mashaacirta ay culeys weyn ku ahayd dadka da’da ah iyo kuwa xanuunada qaba.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS ayaa maalmihii la soo dhaafay aad ugu howlaneed hubinta iyo la socodka xaaladda xujeyda Soomaaliyeed ee gudanaysa acmaasha Xajka.

Ciidamada GORGOR iyo ILAALO QARAN oo isku maray deegaano dhowr ah

Ciidanka xoogga dalka ayaa howl-gal sifeyn ah ka sameeyay daafaha magaa lada Buulo-barde ee gobolka Hiiraan.

Howl-galkan ayaa waxaa la xaqiijiyay inay si wada-jir ah u fuliyay ciidamada kuma andooska Soomaaliya ee Gorgor iyo kuwa loo yaqaano Ilaalo Qaran.

Ciidankan ayaa isku maray qaar kamid ah tuulooyinka hoostaga degmada,si looga nadiifiyo kooxaha argagixisada ah, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Howl-galladan ayaa qeyb ka ah dardar-galinta gulufka dagaal ee kooxda Al-Sha baab ka dhanka ah, ayada oo isla shalayci idanka xoogga dalka iyo saaxiibada caa lamiga ay howl-gal ku dileen ku dhowaad 30 dagaal-yahan oo ka tirsan kooxda.

Howl-galkaas oo ka dhacay deegaanno dhaca gobolka Galgaduud, ayaa sidoo kale waxaa lagu gubay gaadiid iyo saanad ciidan.

Xubnaha lala beegsaday howl-galka ayey dowladda sheegtay in si dhuumaaleysi ah kusoo galeen dhulka howdka ee lagu bartilmaameedsaday, kadibna ay ciidanka dowladda ogaadeen dhaq-dhaqaaqa maleeshiyaadkan, sidaasna lagu duqeeyay.

"Meydadkii Al-shabaab ayaa daadsan howdka deegaanka Xuseen Cageey, waxayna isaga huleeleen goobihii lagu bartilmaameedsaday iyagoo u laabtay dhanka deegaanka Cowsweyne ee gobolka Galgaduud,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay dowladda.

Dagaalka Al-Shabaab ayaa xilligaan maraya meel xasaasi ah, waxaana socda dadaallo horleh oo dowladda ku dardar-gelinayso howl-gallada ka dhanka ah kooxda oo muddooyinkii dambe uu gaabis ku yimid.

DF oo jawaab ka bixisay tallaabo ay qaaday Itoobiya

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa jawaab rasmi ah ka bixisay hadal kasoo yeeray Itoobiya oo shaacisay go’aan la xiriira aqoonsiga Somaliland oo ay horay ula gashay heshiis la xiriira badda, kaas oo ay ka carootay Soomaaliya.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Warsha daha Itoobiya Tarekegn Bulbulta oo qoraal soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter) ayaa waxa uu shaaciyay in Itoobiya ay noqon doonto dalkii ugu horreeyay ee aqoonsi siiya Somaliland.

"Itoobiya waxay noqon doontaa dalkii ugu horeeyay oo aqoonsi siiya Somaliland, waxaana xigaya inaan yeelano iskaashi dhaqaale iyo mid milatari,” ayuu yiri Tarekegn Bululta, wasiiru-dowlaha wasaaradda warshadaha Itoobiya.

Intaas kadib waxaa soo jawaabay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo isna qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka, wuxuuna riyo ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray Itoobiya.

Jaamac ayaa sheegay in Itoobiya aysan qaadan karin taako kamid ah dhulka Soomaaliyeed, isla markaana la yaqaano halka ay ku dhamaan doono damaceeda gurracan.

"Ethopia way ogtahay taako dhul Sooma aliyeed ka mid ah in aysan qaadan karin, qof soo jeeda oo riyooda waa la arki jiray, natiijada riyooyinka noocaas ahna waa la yaqaanaa halka ay ku dhamaadaan!” ayuu sii raaciyay wasiirku.

by TaboolaYou May Like

Somaliland ayaa dhawaan calaamadisay dhul badeedka ay siinayso Itoobiya, ayada oo madaxweyne Muuse Biixi uu The Economist u sheegay in dhul xeebaadkaas oo dhan 20x20km uu teedsanaan doono Lughaya illaa Bulhar, halkaasi oo Itoobiya ay ka dhisi doonto saldhig ciidamada badda ah.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in baahida weyn ee ay u qabaan aqoonsi ay ku qasabtay in ay dhulkaas bixiyaan.

"Waxa aanu u halgamaynaa sidii aanu u heli lahayn madax-banaanideena, sida dalalka kale ee qaaradda ay sameeyeen. Waxay u baahan yihiin bad sida aan ugu baahanahay aqoonsi. Diyaar ayaan u nahay.” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi.

Si kastaba, arrimahan ayaa imaanaya xillobiabada dhinac ay weli diyaarinayaan heshiiska rasmiga ah iyo dhaqangalkiisa, ayada oo Soomaaliya ay weli halkeeda tahay diidmadeeda ku aadan damaca Itoobiya.

Qorshe lagu bedelayo taliyaha Xoogga oo socda iyo magaca sarkaalka la magacaabayo

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Soomaaliya uu qorsheynayo inuu xilka ka qaado Taliyaha ciidanka xoogga dalka, sidoo kale xogtana waxay sheegeysaa sarkaalka loo badinayo in loo magacaabo doono Taliyaha Xoogga.

Sarkaal lagu magacaabo Jeneraal Garab ey oo hadda Madaxweynaha iyo Wasiirka Gaashaandhigga kula sugan Turkiga ayaa la sheegay in la qorsheeyey in xilkaas loo magacaabo – Beesha uu ka soo jeedo waa Abgaal.

Jeneraal Garabey waa sarkaal caan ah, wuxuu aad ugu dhowyahay Sheekh Shariif oo xiligii uu madaxweynaha ka ahaa dalka uu lasoo shaqeeyey, ninkaan ayaa la shee gay inuu ku fiican yahay hoggaaminta dag aalka, mar ayuu caloosha ka dhaawacmay, isagoo ku jira dagaalka Al-Shabaab.

Khimiista soo socota ayay wararku sheegayaan in shirka golaha wasiirrada looga dhawaaqi doono magacaabidda sarkaalkaas loo wado Taliyaha ciidanka xoogga dalka, waxaana dhici karta in dib u dhac uu ku yimaado qorshahaan.

Taliyaha ciidanka xoogga Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa dhowaan ka hor yimid hoggaano cusub oo madax weyne Xasan Sheekh uu ku soo kordhiyey taliska, arrintaas ayaa dikreetada mada xweynaha lagu sheegay inay ku timid soo jeedinta wasiirka gaashaandhigga XFS.

Caasimada Online waxay ogaatay in Madaxweyne Xasan iyo wasiirkiisa gaashaandhigga ay Taliyaha xoogga u bandhigeen inuu shaaciyey warqadii lagu magacaabay hoggaanada cusub oo ahaa afar sarkaal, balse taliyaha ayaa diiday, waxayna u xayireed habeeno, goor dambena waxaa baahiyey wasiirka gaashaandhigga oo adeegsanaya warbaahinta dowladda.

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Xoogga ayaa aad isku khilaafsan, iyagoo dhowr jeer isku qabtay shaqada ciidanka, madaxweynaha ayaa ka gaabiyey in khilaafka labadaan nin ee soo noqnoqday, caqabadana ku noqday dagaalka Al-Shabaab uu xal u helo.

Xogta aan heyno waxay intaas ku dareysaa in madaxweyne Xasan Sheekh uu xilka Taliyaha ciidanka xoogga dalka mar kale u soo bandhigay Taliyihii kan ka horeeyey Jeneraal Odawaa, balse xubnaha noo waramay waxay sheegeen in Odawaa uu magacaabistiisa ku xiray shuruudo uu hordhigay Xasan Sheekh.

Sidoo kale waxaa jirta xog sheegeysa in Xasan Sheekh uu ka fekerayo in Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Xoogga uu hal qof u magacaabo, si looga baaqsado khilaafka joogtada ah ee wasaaradda difaaca qaranka iyo taliska xoogga dalka naafeeyey..XIG:CAASIMADA ONLINE

Jabuuti oo dhisaneysa waddo halbowle u noqon doonta ganacsiga dalkeeda

Gudaha dalka Jabuuti ayaa waxaa la daahfuray mashruuc lagu dhisayo waddo wayn oo isku xiri doonta gobolada Koonfurta ee dalkaas.

Ujeedka mashruucaan ayay dawladdu ku sheegtay horumarinta isku xidhka gobolka iyo horumarinta dhaqan-dhaqaale ee deegaanada ay mari doonto.

Qaar ka mid ah bangiyada maxalliga ah ee dalkaas ayaa ah maalgaliyeyaasha mashruucaan wadada isku xirta Doudoubalala iyo Dikhil. Djibouti SA iyo Salaam Bank ayaa la sheegay in ay yihiin kuwa bixin doona guud ahaan lacagta ku bixi doonta mashruucaan oo ku kacaya $15 milyan oo doolarka Maraykanka ah.

Waxaana waxaa la sheegay in mashruuca ay gacanta ku hayso shirkad iyana maxalli ah oo lagu magacaabo Al Nasri, taas oo laga rajeynayo in ay ku dhameyso mashruuca muddo 8 bilood ah.

Ku dhawaad 30 xubnood oo Al-shabaab looga dilay duqeyn ka dhacday Galgaduud

Ciidamada dowladda Fedaraalka Sooma aliya oo kaashanaya kuwa saaxiibada Caalamka ayaa Xalay duqeyn dhanka cir ka ah ka fuliyay deegaano ku yaala xadka ay wadaagaan gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.

Duqeynta dhanka cirka ah ayaa lala beegsaday goobo ay ku sugnayeen xubno ka tirsanaa kooxda Al-shabaab oo watay gaadiid isugu jira kuwa dagaalka iyo kuwa Xamuulka qaado.

Howlgalkaan duqeynta ah ayaa si gaar ah uga dhacay inta u dhaxeysa deegaanada Xawaal xoreey iyo Raage Bariir, waxaana lagu dlay inta la xaqijiyay 28 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.

Taliyaha Ururka 86-aad guutada 77-aad ee ciidanka xoogga dalka Cabdinuur Yuusuf Qadaaye oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in duqeynta Xalay dhacday lagu gubay gaari dagaal oo Cabdi Bille ahaa iyo labo gaari oo ah nuuca Soomaalidu u taqaano BG ee xamuulka qaada.

Taliye Cabdinuur ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha kooxda Al-shabaab ee Xalay duqeynta lala eegtay iney wadaan abaab ulka weeraro ay kusoo qaadaan fariisim aha ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dad ka deegaanka, hayeeshee ciidamada do wladda iyo kuwa saaxiibada Caalamka ay duqeyntaan uga hortageen.

Gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe waxa wali si xoogan uga socda howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shab aab oo ay iska kaashanayaan ciidanka xoogga dalka, kuwa dadka deegaanka iyo Saaxiibadda Caalamka oo dhanka cirka ka taageera howlgaladaas.

Puntland oo amar deg-deg ah dul dhigtay Itoobiyaanka ah ee ku sugan Garoowe

Duqa magaalada Garoowe Cabdiqaadir Maxamed Maxamuud Geeddi ayaa soo saaray amar ka dhan ah Itoobiyaanka ku sugan magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Duqa ayaa wuxuu ku amray dadka Itoobiyaanka ah ee ku sugan Garoowe inay si deg-deg ah uga baxaan magaalada, haddii kale loo adeegsan doono awood dowladeed.

"Waxaa la jooga waqtigii magaalada Garoowe laga saari lahaa Itoobiya sharci darrada ku jooga,” ayuu yiri Duqa Garoowe oo ku hanjabay in ciddii aan amarkan u hoggaansamin ay magaalada ka saari doonaan iyagoo xir-xiran.

Sidoo kale waxa uu intaas kusii daray "In badan waxaan ku dadaalnay in dadkaas la soo dhoweeyo, laakiin hadda waqtigeedii bey gaartay. Waxaan rabnaa inaan dadkaas u sheegno, cidda aan sharciga ku haysan magaalada inay isaga baxaay.”

Go’aankan ayaa imanaya xilli ay Itoobiyaanka si aad ah ugu soo qul-qulayaab magaalada Garoowe, islamarkaana laga muujiyay cabasho xooggan, maadaama ay magaalada soo buux dhaafiyeen, walaacna laga muujiyay hab dhaqankooda.

Itoobiyaanka ayaa sidoo la sheega inay la wareegeen shaqooyinkii ay ku tiirsanaayeen dadka muwaadiniinta ah qaarkood, kuwaasi oo si gaar ah ugu sii tiirsanaayeen qoysaska danyarta ah, oo ay kamid tahay caseeyaha ama baalashka.

Ma ahan markii ugu horreysay ee magaalo ka tirsan maamulka Puntland laga saaro dadka Itoobiyaanka, ayada oo la xasuusto inuu horey maamulka degmada Gaalkacyo uga mamnuucay magaaladaasi.

Midowga Afrika oo sheegay bixitaanka ciidamada ATMIS in aysan qalqal galin doonin Soomaaliya

Ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa u xaqiijiyay Soomaalida in ka bixitaanka ciidamada ee dalka aysan u horseedi doonin qalqal amni.

Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Maxamed El-Amine Souef ayaa sheegay in ururka Midowga Afrika uusan ka tagi doonin Soomaaliya xitaa iyadoo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) uu isku diyaarinayo inuu la baxo 4,000 oo askari oo dheeraad ah dhammaadka bisha June.

"Xitaa iyadoo ciidamada ATMIS-ka ay sii yaraanayaan, waxaan xaqiijin doonnaa in aysan jirin wax ammaan-darro ah," ayuu yiri Souef ka dib booqasho laba maalmood ah oo uu ku tagay magaalada Jowhar.

Wuxuu sheegay in kala guurka ay si wanaagsan u wada shaqeyn doonaan dowladaha xubnaha ka ah federaalka (FMS), dowladda Soomaaliya, iyo saaxiibada caalamka.

Souef ayaa intii uu booqashada ku guda jiray ku ammaanay ciidamada Burundi dadaalka ay ugu jiraan ka hortagga iyo hoos u dhigidda Al-shabaab, isagoo kula dar-daarmay inay feejignaadaan oo ay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada ammaan ka Soomaaliya iyo bulshada deegaanka.

Booqashadan ayaa qayb ka ah socdaalka uu ergayga Midowga Afrika ku marayo dowlad goboleedyada si uu u qiimeeyo diyaargarowga howlgallada, daryeelka iyo niyadda ciidamada iyadoo ururka Afrika uu diyaarinayo howlgal dabagal ah kaddib bixitaanka ATMIS.

Sida ku cad Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2710 (2023), ATMIS waxaa loo igmaday in 4,000 oo askari ay kala baxdo wejiga saddexaad ee ka bixitaanka ciidamada, laguna beddelo ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Israaiil oo xirtay wiil yar oo dalkeeda u dhashay oo doonayay inuu ku biiro Daacishta Soomaaliya

Booliiska dalka Israaiil ayaa xiray wiil yar oo aan qaan-gaarin oo kasoo jeeda dalk aas, kaasoo lagu eedeeyay inuu qorshey nayay inuu ku biiro Daacishta Soomaaliya, si uu weeraro uga geysto Israa’iil iyo diba dda.

Warbixin uu booliisku soo saaray ayaa lagu sheegay, in wiilkan yar uu damacsanaa inuu weeraro argagaxiso ka geysto gudaha dalka Israel iyo dalalka kale ee dibadda, isagoo ku biiraya safka ururka Daacish ee Soomaaliya.

Baaritaan ay si wadajir ah u sameeyeen hay'adaha amniga ee dalkaas, ayaa lagu ogaaday in eedeysanaha uu qorsheynayay inuu u ambabaxo Soomaaliya, kuna biiro kooxda Daacish. Kahor inta aan la xirin.

Booliisku waxay sheegeen inuu wiilkaan yar uu qaaday dhowr tillaabo si uu u fuliyo qorshayaashiisa, kuwaas oo ay ku jiraan qorista dardaaran, aruurin dhaqaale, qaadashada baasaboor ajnabi ah, iyo inuu xiriir la sameeyo Daacish isagoo adeegsanaya internetka.

Putin iyo Kim Jong Un oo mar kale kulmaya xilli Galbeedku ka walaacsan yahay

Aqalka Cad ayaa walaac ka muujiyay xidhiidhka qotada dheer ee u dhaxeeya Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi .

Walaaca Mareykanka ayaa ku soo beegmaya xilli shalay la filayo in madaxwaynaha Ruushku Putin uu booqasho rasmi ah ku tago magaalada Pyongang.

Tan iyo intii uu bilaabmay dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine waxaa sii xoogeysanayay xidhiidhka u dhaxeeyo Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi.

Labada hoggaamiye ayaa bishii Sebtem bar ku kulmay xarunta Vostochny cosmod rome ee bariga fog ee Ruushka, laakiin ta ni waa booqashadii ugu horreysay ee Mr Putin uu ku tago Pyongyang tan iyo 2000.


Shan waxyaabood oo ay dumarku had iyo jeer ka eegaan ninka ay nolosha la wadaagayaan


Dhowr sahan oo la sameeyay ayaa lagu soo uruuriyay waxyaabaha ay inta badan doonayaan dumarka marka ay timaaddo xulashada qofka ay nolosha la wadaagayaan.

1: Naxariista

,Taageer lammaanahaaga oo dhiirigelin u samee xilliyada adag.

"Naxariis" ayaa kaalinta koowaad kaga jirta liiska waxyaabaha ay dumarku ka rabaan ninka ay nolosha la wadaagayaan sida lagu sheegay daraasad la daabacay 2019.

Sahankaas ayaa ayaa ahaa mid ay ka qeyb qaateen 68,000 oo haween oo ku kala sugan 180 waddan. Boqolkiiba 88 dumarkaas ayaa waxay sheegeen in naxariista ay tahay muhiimadda koowaad ee laga eego qofka aad nolosha la wadaageyso.

Daraasad kale oo la sameeyay 2013 ayaa lagu ogaaday in naxariista qofka kale loo galo ay tahay sifo aad loo jecel yahay ee cilaaqaadka muddada dheer.

Intaa waxaa dheer, muhiimaddeeda waxaa ku celceliyay khubarada sida borofisarad la yirahdo Dr. Suzanne Degges-White. Waxay qoraal cilmi-nafsiga ah ku tiri:

"Haweenku waxay ragga ka doonayaan inay u muujiyaan naxariis, dulqaad, faham, jiljileec, iyadoo aan loo eegin nooca xiriirka, ragga iyo dumarka waa inay tixgeliyaan dareenka midba midka kale."

Sidee naxariista loo muujiyaa?

Si joogto ah u muuji mahadnaq iyo qaddarinta lammaanahaaga.

Samee ficillo tixgelin oo faraxad gelinaya.

U dhageyso si firfircoon oo naxariis leh marka lammaanahaagu hadlayo.

Taageer lammaanahaaga oo dhiirigelin u samee xilliyada adag.

Baro dulqaadka si aadan xaaladda uga sii darin marka ay shucuurta lamaanahaaga kacsantahay.

2: Taageerada

Iyadoo 86.5% haweenku ay sheegeen inay aad muhiim ugu tahay naxariista lammaanaha ayay sidoo waxay isla sahankaas ku muujiyeen in ‘taageeridda’ ay ahayd sifada labaad ee ay aadka u eegaan marka ay timaaddo xulashada lammaanaha.

Dr. Degges-White ayaa sidoo kale xusay in taageerada ay ka mid tahay "doorka aasaasiga ah."

Waxayna u muuqataa in tani aanay waxba iska beddelin sannadihii la soo dhaafay. Sahan la sameeyay 2008-dii ayaa lagu ogaaday in "dabeecad la isku halleyn karo" ay tahay taageerada taas oo ay haweenka jecel yihiin.

Yaa raba lammaane aan joogin marka arrimuhu adkaadaan? Dhammaanteen waxaan jecelnahay inaan helno tiir aan cuskanno.

3: Kalsoonida

Wax qarsoodi ah maaha in kalsoonidu ay tahay sifo qurux badan oo soo jiidasho leh marka loo eego ragga iyo dumarkaba. Sahanka ayay boqolkiiba lixdan haweenkii la wareystay ay ku sheegeen in kasoonida ay aad muhiim u tahay marka ay xulanayaan ninka ay nolosha la yag-leelayaan.

4: Hamiga

Waxay sheegeen inay aad u muhiim u tahay inuu qofka hami leeyahay,Waxay sheegeen inay aad u muhiim u tahay inuu qofka hami leeyahay

In qofka ay nolosha la wadaagayaan ayay qaar badan oo ka mid ah haweenkii la wareystay ay sheegeen in muhiim tahay in lammaanahooda uu leeyahay hami sare. Ragga ayaa inta badan lagu yaqaanaa ama aad u daneeya in gabadha ay doonayaan inay guursadaan ay leedahay hami sare ka leedehay nolosha.

5: Qaab-muuqaalka

Haweenkii lagu wareystay sahanka ayaa sheegay in qaab-muuqaalka uu muhiim u yahay haweenka. Haween badan ayaa sheegay in soo jiidashada jirka iyo labiska qofka ay nolosha la wadaagayaan ay aad u daneeyaan inkastoo kuwa kale ay sheegeen inuusan aad muhiim ugu hayan qaab muuqaalka.


Netanyahu oo shalay qaaday tallaabo muujineysa sida uu Israel xaalka ugu xun yahay


Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa kala diray golihii wasiirada ee dagaalka ee saameynta badnaa, kaasi oo u xil saarnaa inuu hago dagaalka Gaza, sida ay sheegeen saraakiisha Israel.

Tallaabadan ayaa imaanaysa maalmo kadib markii xubin muhiim ah oo ka tirsanaa golaha uu ka baxay dowladda, sababo la xiriira niyad jabka ka dhashay qaabka uu hogaamiyaha Israel u maareeyay dagaalka.

Talaabada uu shalay qaaday Netanyahu ayaa si weyn loo filayey ka dib ka bixitaankii Benny Gantz ee dowladda ee horaantii bishaan, taasi oo uu sheegay inay timid ka dib markii ay sii kordheen niyad jabka ka dhashay sida Netanyahu uu u maareeyay dagaalka.

Maqnaanshaha Gantz ayaa ka dhigtay Netanyahu inuu ku tiirsanaado xulafadiisa xagjirka ah, siu u xukunka usii wado, waxaana kala dirida Golaha Wasiirada ee dagaalka ay hoosta ka xariiqaysaa in isbedel uu socdo iyadoo Israel ay sii wado dagaalka sideedda bilood ka badan socda ee Gaza.

Saraakiishan, oo ka gaabsaday in magacooda la shaaciyo sababo la xiriira in aan loo ogolayn in ay warbaahinta kala hadlaan isbadalka dhacay, ayaa sheegay in hadda kadib Netanyahu uu madal kooban oo ka mid ah xubnaha dowladdiisa kala hadli doono arrimaha xasaasiga ah ee ku hareereysan dagaalka Gaza.

Waxaa kuwaas ka mid ah golaha amniga, halkaasi oo xulufadiisa midigta fog ee ka soo horjeeda heshiis xabad-joojoin, islamarkaana taageersan in dib loo qabsado Gaza, ay xubno ka yihiin.

Golaha Wasiirada ee dagaalka ayaa la dhisay maalmo kadib bilowgii dagaalka Gaza, markii Gantz oo ah hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee siyaasadda dhexe uu ku biiray xulufada, si loo muujiyo midnimo kadib weerarkii ay Xamas ku qaaday Israel 7-dii October.

Gantz ayaa dalbaday gole kooban oo yar in ay hagaan dagaalka, isaga oo isku dayaya inuu dhinac u riixo xubnaha midigta-fog ee dowladda Netanyahu.

Waxa ay ka koobnaayeen saddex xubnood oo kala ah Gantz, Netanyahu iyo wasiirka difaaa Yoav Gallant, waxayna si wadajir ah u qaadan jireen go’aanada intii uu socdal dagaalka.

Is-casilaadda Gantz, ayaa in kasta oo aysan halis ah toos ah ku hayn xukunka Netanyahu, waxay haddana ruxday siyaasadda Israel xilli xasaasi ah.

Madaxii hore ee militariga Israel ayaa loo arkay mas’uul xoojiyey muuqaalka Israel ee saaxiibada caalamka, xilli Israel ay ku jirto xilligeedii loogu go’doominta badnaa.

Dowladda Netanyahu ayaa ah tii ugu diin ay garab midigsaneyd abid. Hanaanka baarlamanka Israel ee kala qeybsanaanta badan, ayaa Netanyahu ku qasbay in uu caawimaad ka raadiyo xisbiyada yar yar ee midigta.

Islamarkaana ayada oo aysan jirin taageerada xisbiga Gantz, Netanyahu ayaa waxaa qasab ku noqon kara in uu usii durqo dhanka xulufadiisa midigta, kuwaas oo marar badan ballan-qaaday inay ridi doonaan dowladda haddii aan la fulin dalabyadooda.

Dadka dhaliila ayaa sheegaya in go’aanada Netanyahu ee dagaalka ay si weyn u saameeyeen xagjiriinta ku jira dowladdiisa. Netayahu ayaa beeniyey eedeymahaas, wuxuuna sheegay inuu maanka ku hayo waxa ugu wanaagsan dalka.


Maxaad ka taqaanaa lixda nin ee u tartamaya xilka madaxweynaha Iran ee shalay doodu dhexmartay?


Doodii ugu horeysay ee talafishinka laga baahiyo ayaa waxay shalay dhexmartay lixda musharrax ee u tartamaya doorashada madaxweynenimo ee dalka Iran, taas oo socotay muddo afar saacadood ah.

Ragaan ayaa waxay dhawaan heleen aqbalka gudiga go’aamiya cidda u tartami karta madaxnimada Iran.

Sida laga soo xigtay talafishinka dawladda Iran maalinkii Axadda, Golaha Ilaalada Iran, oo ah kuwa korjoogteeya doorashooyinka iyo sharciyadaha dalkaas ayaa ansixiyay lix musharrax in ay u tartamaan xilka madaxweynaha ee dalka Iran kaas oo doorashadiisu ay dhici doonto dhamaadka bishaan, kadib dhimashadii madaxweynihii dalkaas Ibrahim Ra’iisi oo ay burburtay diyaaradda nuuca qumaatiga u kacda oo uu saarnaa.

Liiskaan oo uu baahiyay talafishinka Iran ayaa waxaa ku jira magacyo ay ka mid yihiin Mohammad Baqer Qalibaf, afhayeenka baarlamaanka, horayna u ahaan jiray taliye ka tirsan Ilaalada kacaanka, Saeed Jalili oo ahaa masuul hore oo qayb ka ahaa wadahadalada nugleerka Iran, sidoo kalana madax ka soo noqday xafiiska hugaamiyaha saree ee Iran Ayatollah Ali Khamenei muddo afar sano ah. Sidoo kale waxaa liiska ku jiray Maayarka magaalada Tehran ee dhinaca midigta fog Alireza Zakani.

Doorashadaan ayaa waxay qabsoomi doontaa 28 ka bishaan aan ku jirno ee June.

Golaha ayaa waxay dhanka kale ay doorashada ka reebeen madaxweynihii hore ee Iran Maxamuud AxmedNajaad iyo sidoo kale afhayeenkii hore ee barlamaanka dalkaas Ali Larijani, oo ahaa nin aad uga dhexmuuqda midigta fog.

Maxaa laga ogyahay hogaamiyaha Daacish ee Soomaaliya Cabdiqaadir Muumin ee 'dhawaan la beegsaday'?

Raga la ansixiyay iyo magacyadooda

Mohammad Bagher Ghalibaf – afhayeen baarlamaan, duqii hore ee magaalada Tehran iyo taliyihii hore ee ciidamada cirka ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran.

Saeed Jalili – xubin ka tirsan golaha maamulka ee uu magacaabo hugaamiyaha sare, iyo madaxii hore ee wadahadalada nugleerka Iran.

Alireza Zakani – Duqa magaalada Tehran.

Masoud Pezeshkian – xubinka tirsan baarlamaanka.

Mostafa Pourmohammadi – wasiirkii hore ee arimaha gudaha iyo cadaaladda.

Amir-Hossein Ghazizadeh Hashemi – madaxa hay’adda Shuhadada iyo Rugcadaayaasha Iran.

Qoraalka sawirka,Saeed Jalili, mid ka mid ah ragga tartanka ku jira.

Sidee loo soo xulay?

Kadib markii shaqsiyaadka doonayay tartanka ay soo gudbiyeen waraaqaha codsiyadooda intii lagu guda jirayay muddo ay ciyimeen saraakiisha doorashada, kadibna dhamaantoon ayaa waxaa baaritaan ku sameeyay Golaha Ilaalada oo iyagu iska leh go’aanka kama dambeysta ah ee cidda tartamaysa iyo cidda aan loo ogoleyn intaba.

Golaha Ilaalada ayaa ka kooban 12 xubnood oo la soo xulay kuwaas oo awood la taaban karo ku leh Iran.

Qoraalka sawirka,Maxamuud AxmedNajad, madaxweynihii hore ee Iran oo laga reebay tartanka doorashadaan.

Imisa musharrax ayaa loo diiday tartanka?

Sanadkaan, si la mid ah doorashooyinkii hore, goluhu waxay diidaan inta badan codsiyadii la soo gudbiyay – 74 ta musharrax ee loo diiday in ay tartamaan ayaa waxa ka mid ah wajiyo caan ah.

Marka loo eego dunida ayaa waxay noqonayaan kuwa ugu caansan sida madaxweynihii hore ee Maxamuud AxmedNajad oo waddankaas ka talinayay intii u dhaxeysay sanadihii 2005 tii ilaa 2013 kii.

Kuwa kale ee la diiday ayaa iyana soo qabtay xilal sida afhayeenkii hore ee baarlamaanka Ali Larijani – kaas oo loo maleynayay in uu ka mid noqon doono ragga ugu cadcad ee tartanka – iyo madaxweyne xigeenkii hore Eshaq Jahangiri.

Golaha Ilaalada ayaan wax faahfaahin ah ka bixin sababta ay u diideen in ay aqbalaan musharrixiintaas.

Ma jiraa musharraxiin aad u cadcad?

Marka la fiiriyo gudaha Iran, Ghalibaf iyo Jalili ayaa loo arkaa ragga safka hore uga jira tartank. Labadooduba waa midgta fog, inkasta oo Ghalibaf loo arko nin dunida casriga ah la haysta.

Jilili ayaa dhankiisa buuxinaya shuruudo badan taas oo ka dhigaysa in uu yahay nin guuleysan kara, ugu yaraanna laga yaabo in uu taageero ka helo gudaha. Waxaa la sheegaa in uu xiriir adag la leeyahay hugaamiyaha sare iyo ciidamada awoodda badan ee IRGC da (Ilaalada Kacaanka).

Sidoo kale wuxuu aad ugu dhawaa madaxweynihii geeriyooday ra’iisi, isaga oo doorashadii 2021 kii uga haray doorashada si uu u guuleysto Ra’iisi.

Ghalibaf ayaa dhankiisa isna ah nin farsamo yaqaan dhinac siyaasadda ah, isaga oo xiriir dhaw laleh ciidamada IRGC da iyo hugaanka saree e Iran Khamenei, balse waxa uu weeraro adag kala kulmayaa warbaahinta konsarfatiifka ah ee Iran.


Mbappe oo yiri: 'Real Madrid waa ii diiday in ka ciyaaro Olombikada Paris'


Weeraryahanka Faransiiska u dhashay Kylian Mbappe, ayaa sheegay in kooxdiisa cusub ee Real Madrid aysan u ogolaan doonan in uu ka dheelo ciyaaraha Olombikada Paris ee xagaagan.

Shan iyo labaatan jirkaan oo sheegay in uu doonayo in uu u ciyaaro gurigiisa ayaan loo xulan kooxda u safan doonta Faransiiska sabab la xiriirta in Real Madrid ay sheegtay in ciyaari yahanada ka qayb gali doono koobka Yurub ee sabadka 2024 ta aysan ka ciyaari karin Olombikada.

Wuxuu qalinka duugay heshiis uu si xor ah ugu biirayay Real Madrid markii uu dhamaado qandaraaska uu horay ula galay kooxda Paris St-Germain dhamaadka bishan June.

"Go'aanka kooxdeydu waa uu caddaa, marka wixii markaas ka dambeeyaba waxaan ogaaday inaanan ka qayn qaadan doonin ciyaarahaas," sidaas waxaa warbaahinta u sheegay Mbappe, oo qayb ka ah koxda Faransiiska u ciyaari doonta ciyaaraha Yurub ee 2024 ta iyaga oo isniinta ay iska hor imaan doonaan Austria ciyaar ka dhici doonta Dusseldorf.

Tartanka ciyaaraha Olombikada ee ragga ayaa bilaaban doona 24 ka July, toban maalin uu kadib marka uu soo idlaado kan Yurub, waxa uuna dhamaan doonaa sagaalka August, todobaad ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka La Liga.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip