halkan ka aqriso wararka wargeyska mog times 6.6.24

0
Thursday June 06, 2024 - 15:03:36 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 140
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkan ka aqriso wararka wargeyska mog times 6.6.24

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay madaxa hay’adda horumarinta Kuuriyada Koofureed

Ra’iisul Wasaaraha Xukumada Jamhuriyada Federalka Somalia Mudane Xamsa abdi Bare aya la kulmay Madaxweynaha hay’adda horumarinta Kuuriyada Koofureed (KOICA) CHANG, Won Sam o ay ka wada hadleen arrimo muhiim u ah horumarka ay Sommaaliya ku taamayso. 

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ka waramay muhiimadda uu dalkeenu u leeyahay is beddelka dhaqan dhaqaale iyo horumarinta xirfadda dhalinyarada, isagoo tilmamay inay xusid mudan tahay in ka badan 70% dadka Sooma-aliyeed ay da’doodu ka yar tahay 40 sano jir, taasoo muujineysa baahida loo qabo in si mug le loo maalgeliyo barnaamijyada Fars-amada Gacanta (TVET).

Madaxweynaha hay’adda KOICA ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay in ay taageeran hindi-sayaasha uu Raii’sul Wasaaraha kala hadlay, gaar ahaan Barna-amijyada Casriyeynta Farsamada Gacanta ee Soomaaliya.

Duqa Muqdisho: Adduunka dhan ayay saameeyeen baraha bulshadu laakiin dowladaha waaweyn way xakameeyeen

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) aya sheegay in dhibatada ay baraha bulshadu ku hayaan Caalamka oo idil ay ka jirto balse ay dowladaha awoodda leh ay xakameeyaan.

"Aduunka dhan ayay saameeyen baraha bulshadu laakiin dowladaha waaweyn way xakameyen, haddaan Soomaali nahay kuwii qurbaha joogay iyo kuwii dalka joogay waxa ay doonaan ayay iskaga hadleen”. 

Guddoomiyaha oo ka hadlayay shirka Saameynta wararka been abuurka ah iyo kicinta colaaduhu ku leeyihiin nabadda iyo Xasiloonida ayaa intaa ku daray in dadkeennii qurbaha joogay iyo kii dalka joogay ay caadaysteen in ay ku hadlaan wixii ay doonaan, balse toosintooda ay mas’uuliyad ka saran tahay dowladda, isagoo u mahad celiyay ciidamada ammaanka oo door weyn ka qaatay xakamenta dadka fidnada ka abuuraya baraha bulshada.

Gudoomiye Madaale aya sheege in damiirka admigu uu dhinto marka la waayo cid ka hadasho, cid diiddo ama ka hor timaadda xushalay la faafinayo, wuxuuna rajo ka muujiyay fahamka haatan laga qaatay bahinta wararka been abuurka iyo waxya-abaha dhaawacaya dhaqanka iyo caqiiddada.

Ra’iisulwasaare ku-xigeenka oo gaaray Jowhar

Wafdi uu hogaminaayo ku simaha Ra’isulwasaraha ahna Ra’isul-wasare ku xigeenka XFS, Saalax Axmed Jaamac, qeybna ay ka yihiin, Wasiirada Beeraha, Tamarta, iyo Guddoomiyaha Hay’ada Maareynta Musiiboyinka Qaranka ayaa shalay gaaray Magaalada Jowhar ee Casimada Hirshabeelle. 

Wafdigan aya waxaa garoonka diyaradaha magaalada Jowhar ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo boqolaal shacab ah.

Ujeedka wafdigan u gareen Jowhar aya ah dahfurka Mashruc JOSP, oo laga faa’iidi doono in uu hagaajiyo helidda waraab ku filan ilaa in ku dhaw 370 Kun oo beera-leey ah taas oo yareen doonta barakaca isla markaana kor u qaadi doonta wax soo saarka beeraleeyda gobalka, yareeynta khataraha fatahaadaha gobolka oo saameyaan ilaa 1.5 Millyan oo muwaadin.

Sidoo kale, mushruucan ayaa yaren doona saamenta abaaraha iyo keedinta biyaha xilli roobadka si loo isticmaalo.

Madaxweyne Laftagareen oo ka qayb galay xuska Maalinta Deegaanka Adduunka

Madaxwenaha Dowlada Konfur Galbed Mudane abdiasiis Xasan Maxamed Laftagaren aya Shalay ka qeyb qaatay Munaasabad lagu weyneyney Maalinta Deegaanka Adduunka ee 5 juun oo Sanad walba Shalay oo kale la xuso. 

Halku dhiga Munaasabada ee Sanadkan ayaa ahayd Dhireyn, ka hortaga nabaad guurka iyo u adkeysiga Abaaraha.

Madaxweynaha oo ay garab taagnaayen Wasiirka Deegaanka iyo marti sharaf kale ayaa muuj-iyey sida Maalintan muhiim ugu tahay Bulshada, isagoo sidoo kale Wasaaradda Deeganka iyo howlwadeenadeediii kala qeyb qaatay Dhir beeris Maalintan lagu weyneynayo si Deegaanka loo ilaaaliyo.

Madaxweynaha Galmudug Oo Magacaabay Wasiiro Cusub

Madaxwenaha dowlad-gobol-edka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maga-caabay wasiirro cusub oo ka mid noqonaya maamulkiisa. 

Sida lagu shaaciyey wareegto ka soo baxday madaxtooyada Galmudug oo nuquul ka mid ah ay BBC-du heshay, Mr. Qoorqoor ayaa magacaabay 4 wasiir, 2 wasiru-dowle io 1 wasiir ku xigen. Xubnaha cusub ee la magacabay ayaa kala ah:

1.Cabdiweli abdullahi Jaamac, Wasirka Cafimadka iyo Daryeelka Bulshada

2.abdinur Maxamud Maxamed, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada

3.abdiwahab Sh. Abukar Nuur, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

4.abdirisaq Maxamed Jaamac, Wasiiru-dowlaha Maaliyadda

5.abdulqadir Sh. Xasan Ismaiil, Wasiiru-dowlaha Waxbarashada

6.abdulqadir Axmed Maxamud, Wasiir Ku-xigeenka Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Wasiir Mukhtaar Roobow oo sheegay in labo sano oo ay maamulayaan adeegga Xajka aanu dhicin shirkad laaluush laga qaatay

Wasiirka Awqaafta iyo Arimaha Diinta XFS Mukhtar Roobow Cali oo kulan kula yeeshey magaalada Barakaysane ee Makah Almuk-aramah ee Sucudi Carbiya, xubn-aha guddiga adeegga Xajka ee (Bicisada) aya si weyn uga hadlay dadaalkii lagu bixiyay in isbedel lagu sameeyo addeegga Xajka mudadii labada sano oo ay maamulayeen, isagoo intaasi ku daray in aysan jirin shirkad laga qaaday wax laaluush ah.

Wuxu sheegay wasiir Roobow in uu jiro isbedel ka duwan kii sanadkii hore,Mosimka Xajka 1445HJ/2024 waxaa isbedel ku yimid addeegyada Xujeyda, dee-gaanada la dejiyay oo ku dhow Xaramka iyo qorshayaasha kale ee loo diyaariyay maalmaha lagu guda jiro gudashada acmaasha Xajka oo loo diyaariyay culima-’udin wacyigelin jogta ah u samen doonaan xujeyda si loo jiheeyo. 

Mudane Mukhtar Roobow Cali wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta XFS oo hadalkiisa sii wata ayaa soo hadal qaaday in weli ay jiraan dad ku howlan dacaayado been abuur ah, wuxuuna yiri”.

".Runtii ilaahay waxaan uga mahadinaynaa laba sano aan mamulenay adega Xajka sanadka 2aad ma dhamanine hada unbaa shaqadiisa kujirnaa, shirkadihiina way joogaan ma jirto shirkad wax laaluush ah laga qaatay,waxaa dhici jirtay Fiisooyinka (Bicisada) ee guddiga adeegga Xajka) oo suuqa lagu kala iibsan jiray, laba sano oo aan joognay ma dhicin intii tabar ah ayaan dadaalnay alxamdullilah, kuwa been abuurka suuqyada la jooga keena caden, waxaan uga mahadcelinayaa dhamaan xubnaha guddiga addeegga Xajka iyo shirkadaha oo wada jir u shaqeeynayay”.

"Nin culimu ah ayaa igu yiri dhowr iyo toban milyen oo lacag ah ayaa dhacday ama waxba ma ogide gacantada wax lagu cuney, waxaan ku iri, majirto, gacantayna anay igu taalaa oo waxba laguma dhici karo, arintaasi ayaa dhaca-ysay iyadoo shaqadii lagu jiro marka waana imtixaanka, waana uga mahadcelinaya dadkii shaqa-daasi kaalintedi laha, sida gudiga bicisada io madaxda shirkadaha”. ayuu yiri wasiir Roobow.

Sababta ka dambesa isbedelka ayuu ku tilmaamay wasiirku in ay qeyb ka tahay is fahamka dhanka shaqada ah oo dhexmaray laga bilaabo wasaaradda Awqaafta, guddigga Bicisada iyo shirkadaha daabulka xujeyda Soomaaliyeed oo meel uga soo wada jeestay sidii looga gaashaaman lahaa caqabad ku timaadda adeegyada xajka.

Madaxda wasaarada Awqaafta iyo arrimaha Diinta oo fulinaya waajibaadkii ay u igmadeen madaxda Qaranka ayaa ku guul-eystay in ay sameeyn qiimo jaban iyo adeegyo hufan, waxaana wasiir Mukhtar Robow u sheegay in aan dhici doonin in sare lo qaado qarashadka Xajka, in qiimo dhimis lagu sameeyo mooyee, wuxuuna ugu baaqay xujeyda Soomaaliyeed in ay muujiyaan samir iyo dulqaad inta lagu guda jiro gudashada acmaasha xajka.

Laga bilaabo Garoonka Diyaradaha Madiinatul Xujaaj ee magaalada Jidah ee dalka sucuudiga, Magaalada Madiina almunawaraha siyarada goobaha taarikhiga ah io Rowdada Masjidu nabawi waxaa lagu diyaariyay adegyo loogu utalagalay xujeydo in loogu fududeeyo baahiyaha ay qabaan, iyadoo intaasi kadib loo gudbinayo magaalada Makah halkasi oo ay ugu damben iskugu diyaariyan gudashada acmaasha Xajka.

Dadaaladii la sameeyey ayaa hor seede in Dowladda Sucudiga ay ku amaanto Soomaaliya isbedelka iyo horumarka dhanka maamulka adeegyada xajka,si lamid ah dowladaha kale, waxana sanadkan xujeydu ay deganyihiin meel aan ka fogayn xaramka, iyadoo laga guuray hoteeladii sanadkii hore loo degnaa taasi oo u sahlaysa in si fudud ay u gutaan cibaadada.

Ciidamada dowladda oo ka baxay deegaanka Xawaadleey iyo Al-shabaab oo kaabiga ku haysa

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha dhexe ayaa shee-gaya in xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ay soo buux dhaafiyeen tuuloyinka hoostaga deegaanka Xawaadleey oo ka mid ah dee-gaanada hoostaga degmada Balcad. 

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee ku sugnaa Xawaadleey iney isaga baxeen gudaha deegaankaas, lamana oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in ciidamadu ay soo baneeyaan Xawaadleey.

Deegaanka Xawaadleey ayaa ka mid ah deeganada dhaca jiinka wabiga Shabeelle ee sanadkii hore laga xureeyay Al-shabaab, waxana haatan markale muuqata dhaqdhaqaaqyo ay kooxdu ku dooneyso iney ku qabsato degankas oo muhiim ah.

Tuulooyinka saacadahii lasoo dhaafay lagu arkay Kooxda oo ay dhaqdhaqaaqyada xoogan ka bilaaween waxaa ka mid tuul-ooyinka kala ah Shanlow, Dhag-axow iyo Farbaraki oo dhamaan ku yaala nawaaxiga Xawaadleey.

Dadka ku nool deegaanka Xawaadley ee gobolka Shab-eelaha Dhexe ayaa ka cabsi qaba dhaqdhaqaayadaan u dhaxeeya kooxda Shabaab iyo ciidamada dowladda oo sababi kara in lagu dul dagaalamo.

Safiirka Soomaaliya ee koonfur Afrika oo kulan laqaatay Culimda Soomaaliyeed ee dalkaasi

Danjiraha Safaaradda Soom-aaliya ee South Africa ayaa la kulamay Guddoonka sare ee hay’adda Al-bayaan ee ka jirta dalkan South africa. 

Kulan sharafedkan ey mamulka sare ee Al-bayaan u sameeyeen Safiirka ayaa looga hadlay waxy-aabo badan oo ay ka mid tahay sidii la isugu xiri lahaa bulshada Soomaaliyed ee ku dhaqan dalka konfur Africa iyo dawladoda.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay caqabadaha Jaaliyadda haysta iyo xallintooda, waxaana la isla qaatay sidii loo garab istaagi lahaa dowladda Soomaali.

Koomiishanka Doorashooyinka Somaliland oo digniin u diray xukuumada iyo xisbiga Kulmiye

Koomiishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa xukuumada iyo xisbiga talada haya ee Kulmiye ku eedeeyay in ay forogalin sharci daro ah ku hayaan shaqooyinka koomiishanka.

Guddoomiyaha Koomiishanka Doorashooyinka Muuse Xasan Yuusuf, oo ay hareero fadhiyaan xubnaha kale ee koomiishanka, ayaa xukuumada iyo xisbigeeda uga digay faragalin uu sheegay in ay ku hayso doorashooyinka.

"Koomiishanka doorashoooyinka qaranku waxa uu digniin u diraya xukuumada iyo xisbiga Kulmiye, oo caadaystay in ay uga hadlaan arrimaha doora-shoyinka si siyaasadaysan, oo baalmarsan qawaaniinta iyo shuruucda doorashooyinka" ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Waxa uu sheegay in xukuu-madu ay xad gudub u gaysatay hawlaha iyo masuuliyada koomi-ishanka, isla markaana waxa uu xusay in hawl anay shaqo ku lahayn ay ka dhigteen wax ay ku ololleeyaan, isaga oo u digay wasiiro aanu carabaabin. 

Waxa uu u soo jediyay dhaman daneeyayaasha doora-ahooyinka in ay u hoggaansamaan shurucda doorash-ooyinka, isaga oo ku goodiyay in ay talaabo sharci ka qaadi doonan cidii ku xadgudubta madaxbannaanida koomiishanka.

Xisbiga Waddani ayaa isaguna dhankiisa xukuumada ku eedeyay in ay rabto in ay keento qalab cusub oo casri ah oo la sheegay in doorashada lagu galayo, kaasi oo uu xisbigu sheegay in aan wakhtigan la isticmaali karin wakhtiga hadhay oo yar awgii.

Midowga Yurub oo ballan qaad cusub u sameeyay Soomaaliya

Dowlada federalka Soomaaliya ayaa wada-hadallo cusub magaa-lada Muqdisho la yeelatay Ururka Midowga Yurub, kaas oo looga hadlay arrimo xasaasi ah oo quseeya maamulka hawada Soomaaliya iyo horumarinteeda.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Fardowsa Cismaan Cigal aya Taladadi qabishay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, danjire Karin Johansson, ayaa kala hadashay arrimo ku aadan xojinta iskashiga dhinaca duulista oo u balan qaday Midowga Yurub.

Kulanka kadib danjiraha Midowga Yurub ayaa booqasho ku tegtay xarunta dhexe ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay. 

Maareeyaha guud ee hay’adda duulista rayidka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa danjiraha Midowga Yurub warbixin ka siiyay howlaha shaqo ee Hay’adda oo horumarradii u dambeeyay ay gacan ka gaysten xaqiijinta bedqabka iyo amniga hawada Soomaaliya iyo gobolka.

"Horumaradii u dambeeyay ee qalabka iyo khibrada howlwa-deennada waxay sare u qaaday kobaca dhaqaalaha dalka iyo bedqabka iyo amniga hawada Soomaaliya.” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaa ku daray xoojinta iskashiga Midowga Yurub iyo Somalia ee dhinacyada duulista rayidka ay gacan ka gaysanayso sare u kac ku yimada horumarka adeegga Duulista Soomaaliya.

Adeegga Duulista Rayidka Soomaaliya oo ku jira hannaan horumarin ah ayaa ka faa’iid-eysanaya khibrada iyo aqoon iswaydaarsiga uu la yeelanayo ururrada caalamiga ah iyo dalalka horumarka ka sameeyay adeega duulista.

Iskaashigan uu Midowga Yurub la yeelanayo Soomaaliya ayaa ah mid quseeya khibrad wadaag iyo horumarinta xirfadaha howlw-adenada hay’ada dulista rayidka.

Taliyayaasha Milatariga Soomaaliya Iyo Talyaaniga Oo Wadahadal Ku Yeeshay Roma

Taliyaha Ciidanka XDS Sareye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin oo wehliyo Taliyaha ciidamada Dowladda Talyaaniga ayaa ubax dhigay Taallada Daljirka ee Italy loona yaqan Taallada geesiyashii Ciidamada Talyaaniga. 

Munaasabad si weyn loo agaasimay oo halkaas loogu dhigay wafdiga uu Hogaaminayay Taliyaha ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidamada Milateriga Dalka Talyaaniga Admiral Giuseppe Cavo Dragone.

intaa ka dib Taliyaha Ciidanka XDS ibraahim Sheikh Muxudiin iyo Taliyaha guud ee ciidamada dalka Talyaaniga Admiral Giuseppe Cavo Dragone ayaa ka wada-hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta labada dhinac iyo sidii Dowladda Talyaaniga ay garab buuxda u siin laheed dib u habeynta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Kenya oo shaacisay inay hoos u dhaceen weerarrada Alshabaab ee dalkeeda

Dowladda Kenya ayaa warbixin ay so saartay waxay ku sheegtay in weerarrada argagixisanimada ee dalkeeda ka dhaca ay hoos u dhaceen 6.5%, marka loo barbar dhigo sanadihii 2022 ilaa 2023.

Kenya aya sheegtay in Lamaha ammaanka ay sidoo kale xireen 59 qof oo ku howlanaa falal arga-gixisanimo. 

Warbixinta waxay tilmaa-maysaa in Mandheera, Lamu, Gaarisa iyo Wajeer ay yihiin Dee-gaano ay inta badan saamaysay argagixisanimada, balse ay hoos u dhaceen, ka dib markii Kenya ay labo jibbaartay howlaha amniga.

"Gobolladan ayaa ah kuwo ay u nugul yihiin argagixisada sababto ah waxay xuduud la leeyihiin Soomaaliya, halkaasoo ay ku sugan yihiin kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab,” ayaa lagu yiri warbixinta kasoo baxday Kenya.

Kenya ayaa sidoo kale sheegtay in ay xarumo ka same-ysay gobolka Waqooyi-bari iyo Lamu si ay u wiiqaan haraadiga Alshabaab ee ku dhuuma-aleysanaya Keymaha Boni iyo degaannada kale ee fog fog oo ay ku jiraan xuduudda Kenya iyo Soomaaliya.

Safaaradda Mareykanka ee Lubnaan oo la weeraray

hubeysan aya Arbacada shalay ah rasaas ku furay safaaradda Mareykanka ee Lubnaan, waxana uu ku dhaawacmay rasaas ay is-weydarsaden ciidamada amanka, siday sheegen cidamada Lubnan.

Ciidamada ayaa sheegay in ninka weerarka gaystay oo u dhashay dalka Suuriya la xiray lana dhigay isbitaal si loogu dabiibo, islamarkaana ciidamada ay goobta ka baadi goobayeen rag kale oo hubeysan. 

Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay in subaxnimadii meel u dhow albaabka laga soo galo safaaradda laga soo sheegay rasaas. Waxay intaas ku dartay in xarunta iyo shaqaaluhuba ay bad-qabaan.

Safirka Marekanka Lisa Johnson ayaa hadda safar ugu maqan meel ka baxsan Lubnaan, sida laga soo xigtay ilo dibloma-asiyadeed.

Ilo dhanka ammaanka ah oo u dhashay dalka Lubnaan ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in ciidamada Lubnaan ay ninka hubeysan ka dhaawaceen caloosha.

Ilaha ammaanka ayaa sidoo kale sheegay in xubin ka tirsan kooxda ilaalada safaaradda uu soo gaaray dhaawac fudud.

Afhayeen u hadlay safaaradda ayaan ka jawaabin su’aal ay weydiisay Reuters oo ku saabsan in ay jiraan dhaawacyo soo gaaray ilaalada safaaradda.

Reuters aya xaqijisay sawirada ninka looga shakisan yahay in uu weerarka gaystay oo la waree-jinayey baraha bulshada, kuwaas oo lagu qaaday meel u dhow safaaradda.

Waxay sidoo kale xaqiijiyey qeyb ka mid ah qoraal carabi ah oo ku qornaa jaakad uu xirnaa oo ahaaa "Islaam”. Weli ma jirto cid sheegatay mas’uliyada weerarka.

Ciidamada Lubnaan ayaa baro kontorool ka sameystay aagga safaaradda, waxaana la arkayey diyaaradaha qumaatiga u kacay oo dul heehaabaya safaaradda.

Ra’iisul wasaaraha ku-meel-gaarka ah ee Lubnaan Najib Mikati ayaa sheegay in uu la socdo xalada, isaga o ay wehliyan wasiirka gaashandhiga iyo ciida-mada ammaanka.

Safaaradda Marekanka waxay ku taal waqooyiga Beirut oo ah aag aad loo ilaaliyo oo leh jidgoyo badan oo laga soo galo.

Waxay ka soo guurtay Beirut ka dib weerar is-miidaamin ah oo dhacay 1983-kii kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 60 qof.

Bishii September, rasaas ayaa lagu furay meel u dhow safarada, balse cidna wax kuma noqon.

Bartamihii Oktoobar, maalmihii hore ee dagaalka Gaza, dad badan oo mudaaharaadayaal ah ayaa isugu soo baxay bannaanka safaaradda si ay banaanbax uga dhigaan. Ciidamada amaanka ee Lubnaan ayaa u adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa iyo biyo si ay u kala eryaan.

Xuduudda Lubnaan ayaa tan iyo bishii Oktobar waxa ka socday iska hor imaadyo u dhexeeyay Xizbullah oo ay Iran taageerto iyo Israa’iil taasi oo barbar socota dagaalka Gaza.

Tobanaan kun oo qof oo ku nool labada dhinac ee xuduudda Isra’iil iyo Lubnaan ayaa barakacy iyado laga cabsi qabo in dagaalku sii xoogeysto.

Mareykanka ayaa waday dadaalo diblomasiyaded oo lagu qabojinayo rabshadaha ka taagan xadka.

Biden Oo Saxiixay Amar Ka Dhan Ah Tahriibayaasha Gala Dalka Mareykanka

Madaxwenaha dalka Marakanka Joe Biden ayaa Salaasadii saxeexay amar fulineed oo lagu xakamaynayo tirada muhaajiriinta magangelyo doonka ah ee ka soo gudbaya xuduudda u dhexeysa Maraykanka iyo Mexico. 

Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalkan Maraykanka ayaa sheegay in "madaxweyne Biden uu aaminsan yahay in la sugo ammaanka xuduudda, taasina ay tahay sababta uu u soo saaray amarkan fulineed, si dadka muha-ajiriinta ah ee sida sharci-darada ah uga soo gudba xududa Konfureed looga hor-istaago inay helaan magangelyo” ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay aqalka cad.

Amarkan fulineed ayaa ka hor-istaagaya muhajiriinta sida sharci-darada ah uga soo gudba xududa koonfureed inay dalban karaan magangelyo.

Hase ahaatee waxaa mamulka Biden ay sheegeen in tallabadani aanay ahayn mid si joogto ah u shaqaynaysa, balse ay ku xidhan tahay duruufta ka jirta xuduudda koonfureed, gaar ahaan, xilliyada ay buuxdhaafto oo ay dad badani ku soo jabaan.

Biden ayaa Salaasadii sheegay in tallaabadani ay keenayso inay maamulan xududaha Marakanka. Wuxuu sheegay in amarkani uu soconayo illaa tirada sida sharci-darrada ah uga soo gudbaysa xuduudaha Maraykanku ay gadhayaan heer aad u hooseeya oo si hufan loo maamuli karo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip