halkaan ka aqriso wararka wargeyska mog times 5.6.24

0
Wednesday June 05, 2024 - 11:08:14 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 123
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkaan ka aqriso wararka wargeyska mog times 5.6.24

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galaya shir madaxeedka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika

Ra’iisul Wasaaraha Xukumada Jamhuriyada Federalka Somalia, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qaybgalaya shir madaxeedka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika oo saaka si rasmi ah uga furmay magaalada Seoul. 

Shirkan oo ah ki ugu horeyay ee noociisa ah oo ay ka qaybgal-ayaan madaxda Afrika iyo Jamhu-uriyada Kuuriyada Konfured ayaa Ra’iisul Wasaare Xamsa waxa uu galabta ka jeedin doona khudbad madasha shirka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa khud-baddiisa wuxuu kaga hadli doona qodobbo ay ka mid yihiin fursa-daha maalgashi iyo iskaashi ee dhinaca ganacsiga ee ka jira Soo-maaliya iyo dedaalka ay waddo dowlada Soomaaliya oo horumar weyn ka samesay xagga amniga, siyaadda, dhaqalaha iyo arrimaha bulshada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Khudbad ka Jeediyay shir madaxeedka Kuuriyada koofureed iyo Afrika

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soo-maaliya, Mudane Xamsa Cabdi Bare ayaa khudbad uu ka jeediyay shir madaxeedka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika waxa uu ka hadlay ahmiyada ay leedahay in Kuuriyada Koofureed iyo dalalka Afrika ay iska kaashadaan dhinacyada ganacsiga, farsamada iyo tiknoolajiyadda.

Ra’iisul Wasaraha ayaa sheegay in Afrika ay horumar wanaagsan ka sameyneyso isbeddalka dhaqalaha io hormarka bulshada, isla markana Aaga Ganacsiga Xorta ah e Qarada Afrika uu abuurayo fursado malgashi iyo iskaashi dhinaca ganacsiga.

Mudane Xamsa waxa u ka hadlay in Soomaaliya ay dhacdo goob istir-aatiiji ah oo isku xireysa Afrika iyo Asia, isla markaana Alle ugu deeqay kheyraad dabiici ah, isagoo Intaa raaciyay in dowladda Soomaaliyeed ay guulo waaweyn ka gaartay dhin-acyada amniga, siyaasadda iyo hor-umarinta nidaamka dhaqaalaha iyo weliba sharciyada ee dalka, ee fudu-deyneya malgashiga caalamiga ah. 

Waxa uu sheegay in uu rajeynayo in waaya aragnimada Kuuriya ee dhinacyada farsamada, tiknool-ajiyadda iyo caafimaadka ay door wanaagsan ka ciyaari karaan waaga cusub ee iskaashi ee u billowday Afrika iyo Kuuriyada koofureed.

beeraleyda Soomaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ku baaqay in loo midoobo ka hor tagga wararka been abuurka ah

Wasiirka Wasaaradda Warfa-afinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in loo midoobo sidii looga hortagi lahaa wararka been abuurka ah ee sida qaldan loo baahiyo. 

Wasiirka o furay Shirka Saamenta faafinta wararka been abuurka ah iyo kicinta colaadaha ay ku leeyiihiin nabadda iyo xasilloonida ee lagu qabtay Muqdishho ayaa intaa ku daray in Technologyadda casriga ah ee la haysto loo adeegsado dhanka wanaagsan oo lagula dagaallamo xushalay.

Wuxu mudane Daa’ud Aweys xusay in xilligan uu dalku marayo xaalad soo kabasho ah, sidaas daraad-deedna uusan u baahnayn in laga shaqeeyo kala daadinta Umadda Soomaaliyeed iyado la adeegsa-nayo aaladaha casriga ah.

"Bulshadeenna ay colaaduhu ragaadiyeen waxay haatan ku jirtaa marxalad dib usoo kabasho ah iyo in loo aburo jawi is-afgarad iyo kalsoni soo celin ah, sidaad ogtihiinna waqti-gan casriga ah ee aynu ku nol nahay horumarka dhinaca Technolog-yadda halkii ugu sarreysay ayuu marayaa waxaana si sahlan noo saameeyay in si fudud loo faafiyo wararka been abuurka ah oo bulshada Qatar ku ah jiritaanka Umaddeenna, anshaxa, diinteenna xaniinka ahna wax u dhimaya”.

Wasiir Maareeye oo soo xiray Mashruuca Kobcinta Beeraha yar yar

Wasiirka Wasaaradda Beeraha io Waraabka XFS Mudane, Maxamed Cabdi Xayir Mareye aya shalay soo xiray Mashruuca Kobcinta Beeraha yar-yar. 

Mashruucan waxaa maalgaliyay Dowlada Sweden waxaana fulintiisa iska kaashaday Hay’adda Beeraha Adunka ee FAO iyo Hay’ada cunada Qaramada Midoobay ee WFP, iyado ay ka faa’iideysteen qaar ka mid ah

DF oo markii ugu horreysay baraha kontorool ee Muqdisho geysay eeyo tababaran

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay baraha ciidan ee laga soo galo magaalada Muqdisho waxay gaysay Eeyo baara gaadiidka soo galo caasimadda.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Gaashanle Cabdifatax Xassan ayaa sheegay in door weyn ay ka qaadan-ayaan xaqiijinta amniga magaalada iyo hareraheda eeyahan oo booliska uu hadda gacanta ku hayo. 

"Eeyaha horey waa u isticmaali jirne keliya waxa hada kuso kordhay in kontoroolada laga soo caasimada la geyo eeyaha walxaha qarxa uriya, waana lagu gulestay oo hada waxaa bar-kontorol kasta waxa ka shaqeya qeybta miino baarista booliska gaar ahaan K9,” ayuu yiri afhayeenka booliska.

Afhayenka aya sido kale waxa uu sheege in qorshahan sugida amniga Muqdisho ee qeybta ka yihiin eyaha laga gaaray guullo wax ku ool, ayna kooxaha argagixisada ku guul-dareysten in caasimada so galiyaan qaraxyada.

"Amaanka Muqdisho in aan sugno wado kasta waa u marnay. Dhaman daafaha kontoroolada caasimada waxa hada jooga K9 o har iyo haben u taagan baarista baabuur walba oo soo galaya.”

Waxa u sheegay in eeyaha markii hore lagu aas-aasay eeyo QM ku taageertay, balse hadda ay booliska tababareen eeyaha baara waxya-abaha qarxa, ayna gacanta ku haya-an dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka tirsan booliska.

"Waxaa xaqiijinaya in guud ahaan xayawaanada walxaha qarxa uriya guud ahaan dalka oo dhan waxaa gacanta ku haya ciidanka booliska Soomaaliyeed,” ayuu hadalkiisa sii raciyay afhayenka booliska Somalia.

Afhayenka ayaa ugu dambey-ntiina waxa uu sheegay in mesha ka baxday waqtigii badnaa iyo rafaadkii laga mari jiray baarista gawaarida caasimadda soo gala, ayna eeyaha awod u leyihin in wax ka yar daqiqad ku xaqiijiyeen inuu ammaan yahay iyo inkale.

Amniga casimada aya bilihi dambe laga daremayay isbedel..weyn, ayada oo dadka reer Muqdisho ka nasteen inta badan qaraxyada iyo arbushaada argagixisada, waxaana tallaabadan cusub ay door weyn ka qaadan doonta xaqiijinta ammaanka caasimadda.

Madaxweyne Qoorqoor oo xariga ka jaray mashruuc laga hirgaliyey Cadaado

Madaxwenaha dowlad goboledka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo ay wehliyan mas’uuliyiinta mamulka degmada Cadaado iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada ayaa xariga ka jaray suuqa cusub ee xoolaha, kaas oo dhawan la dhisay, kana mid ah mashruca barwaqo oo ka socda Galmudug. 

Dhinaca kale madaxwene Qoorqor, guddoomiyaha degmada Cadaado Faarax Diiriye iyo mas’uuliyiin kale aya dhagax dhigay mashruc balaran oo 117-guri oo min laba qol iyo busqul ah loogu dhisayo dadka soo barakacay iyo kuwa ay abaaruhu saaneeyeen.

Mashruucan oo ay fulinayso hay-’adda NRC waxa taageray UNHCR, isago qayb ka ah mashruuca xalalka waara.

Sidoo kale mas’uuliyiinta ayaa dhagax dhigay Ceel-biyood riig ah oo xaafadas cusub laga hirgalinayo, kaas oo ay fulinayaan Direct Aid iyo NRC.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Jowhar ku qaabilay diblomaasiyiin ka socda safaaradda Maraykanka

Madaxwenaha dowlad goboledka Hirshabeelle Cali Cabdullahi Xusen (Cali Guudlaawe) ayaa shalay magaalada Jowhar kula kulmay wakilo ka socde safarad Marekanka ee Somalia oo Jowhar ka hirgelinaya xarun ay leeyihiin ciidamada Danab.

"Danab inay xarun ciidan ku yeeshaan Hirshabeelle waxa ay wax weyn ka tari doontaa dagaalka lagu dhameystirayo Al-shabaab, waxana si rasmi ah ugu wareejiyay dhulkii ay xarunta ka dhisan lahaayeen,” ayuu yiri Madaxweynaha HirShabeelle.



Dowladaha Somalia iyo Marakan aya dhowan gaaray heshiis dhinaca tababarada ciidanka Komoondoosta Danab ah, kaas oo Somalia fursad u siinaya in la balaariyo xeryaha lagu tababaro ciidanka Danab.

Madaxweynaha Jubbaland oo shalay Kismaayo ka dhagax dhigay waddo laami ah

Madaxwenaha Dowlad Goboledka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo uu wehliyo Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, dib udhiska iyo Guryeynta XFS Cabdisalan Cali Dhaay ayaa shalay Magaalada Kismaayo ka dhagax dhigay waddo laami ah oo ay iska kaashanayan dhismaheda Dowlada Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka, kaas oo dhererkeedu yahay 4.5 KM.


Madaxwenaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa umahad celiyay Wasaaradda Howlaha Guud ee Federaalka iyo dhinacyadii kale ee kasoo shaqeeyay hirgelinta mashariicdan.

Wasiir Cabdisalaan Cali Dhaay ayaa sheegey in horumar la taaban karo laga gaaray dhismaha waddo-oyinka Kismaayo iyadoo wejiga labaad uu shalay billowday, wuxuu-na reer Jubbaland u rajeeyay in ay ka faa’ideysan doonaan.

Shirka Saameynta faafinta wararka been abuurka ah oo Muqdisho ka furmay

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Muqdisho ka furay Shirka Sameynta faafinta wararka been abuurka ah iyo kicinta colaadaha ay ku leeyiihiin nabadda iyo xasilloonida.

Mudane Daa’uud Aweys Jaamac wasiirka wasaarada Warfafinta ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay hubinta wararka taasoo meesha ka saareyso fafinta wararka ben aburka ah. 

" Hurinta colaadaha iyo faafinta been abuurka waxey saamen ku lee-yihiin xasilonida iyo dowladnimada.” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta mudane Daa’uud Aweys Jaamac

WasiirkaIsgaarsiintaiyoTeknolojiyada XFS, mudane Maxamed Soomaali isna ka hadlay shirka ayaa sheegay in Kicinta Colaadaha ay lid ku tahay horumarka Bulshada, isagoo tilma-amay inay muhiim tahay in meel looga soo wada-jeesto.

Shirkan waxa so qaban qaabisay wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, waxaana ka qeyb galaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, saxafiyiin, khubaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Hantidhowrka heer Qaran iyo heer dowlad goboleed oo Muqdisho shir ugu soo gabangaboobay


Shirwaynaha xafisyada hanti-dhowrka labada heer ee Dowladda Federaalka oo muddo saddex maalmood ka socday magaalada Muqdisho oo diiradda lagu saaray hormarinta xariirka iyo iskaashiga xafiisyada ayaa shalay lasoo gunaanaday, iyadoo laga soo saaray war-muriyeed ka kooban 5 qodob. 

Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir oo dambi ku weysay mas’uuliyiin ku eedeysnaa musuq maasuq

Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir ayaa Cabdullahi Maxamed Cali iyo Maxamed Cadde Mukhtaar ku waysay dhammaan eedeymihii musuq maasuqa ee xafiiska xeer ilaalinta uu ku soo eedeeyay. 

Labadaan mas’uul ee shalay dembiga lagu waayay ayaa horay u soo qabtay xilka Agasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, waxaana horay sidan oo kale dambi ugu waysay Maxkamadda gobolka Banaadir.

Dhinaca kale, Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir ayaa saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay eedeysane Cabdiwaaxid Muxsin Ibraahim oo ka tirsanaa shaqaalaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS.

Mas’uul ka tirsan maamulka Abiy Axmed oo la dilay iyo amniga Itoobiya oo faraha kasii baxaya

Alebes Adefrash oo ahaa madaxii degmada Efratana Gidem gobolka Amxarada ee dalka Itoobiya ayaa lagu dilay werar lagu qaday gurigiisa xilli habeen ah.

Maamulka degmadu ma sheegin cidda ka dambeysay dilka mas’ulka, mana jirto sidoo kale cid loo soo qabtay. 

Dilka Alebes ayaa ah dilkii ugu dambeeyay weerarro xiriir ah oo lala beegsaday mas’uuliyiinta gobolka Axmaarada.

May-01-2024, gudoomiyaha deg-mada Lasta Getachew Melise iyo madaxa xafiiska caafimadka Million Afewarqi ayaa lagu rasaaseeyay meel u dhow Lalibala kadib shir ay ku yeesheen magaalada Waldiya, isla weerarkaas waxaa lagu dilay qof kale, waxaana ku dhaawacmay hal qof.

Sannadkii hore, bishii July 2023, Cabdi Xusen, o aha madaxa amniga ee Waqooyiga Shewa ee magalada Shewa Robit aya la togtay mana jiro wax daba gal ah oo lagu sameyay dilkiisa.

Dilka Cabdi Xuseen waxa ka horeyay dilkii loo gaystay Kormeere Zewdu Tadele iyo ku xigeenkiisi Worku Shimelus, kuwaas oo la dilay iyaga oo ku guda jira kormeerka imtixaan ka socday bariga Gojam.

Horraantii April 2023, Girma Yeshitila, madaxii xisbiga xukuma Itoobiya ee gobolka Amxaarada iyo shan qof oo kale ayaa lagu dilay Waqooyiga Shewa.

Dadka u dhuun duleela qalala-asaha ka socda Itoobiya ayaa maamulka Abiy Axmed ku eedeyay dilka qaar ka mid ah maamulkiisa, kuwaas oo laga shakiyay ama muuj-iyay sida ay uga xunyihiin xasuuqa ka socda qaar kamid ah gobollada dalkaas.

Arrinta shakiga abuurtay ayaa ah in aan wax baaris ah lagu sameynin dhammaan dilalkii qorsheysnaa ee looga takhalusay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta gobollada.

Golaha Ammanka oo wada hadal ka yeelan doona xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya

Golaha Ammaanka ayaa ka wada hadli doona xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Somalia, iyado warbixin laga dhegaysan doono sii haya ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan.

Kulankan ayaa dhicidoono 24-ka bishan June, sida lagu shegay qoral lagu daabacay barta X ee xafiiska arimaha siyasada io nabad dhiska e Qaramada…Midoobay. 

Kulankaas aya kusoo beegmaya, iyadoo dhawaan Soomaaliya ay codsatay in la xiro xafiiska kaal-maynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM, arrintaas oo aysan Qaramada Midoobay soo dhowayn.

Somalia oo u tartamaysa kursiga aan joogtada ahayn ee golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa doonaysa in wax laga beddelo wada shaqaynta Soomaaliya iyo Qaramada Midobay.

Waxay dowladdu sheegtay in la joogo waqtigii xoojinta awoodda hay’adaha dawladda.

Wasirka arimaha dibada Somalia, Ambassador Axmed Macallin Fiqi oo daraad u ambo baxay dalka Mara-ykanka, ayaa Soomaaliya uga qeyb galaya shirka UN-ka isago taageero u raadinaya in Soomaaliya ay ku guulaysato kursiga Golaha Amma-anka ee aan joogtada ahayn.

5 bil kadib maxkamadeynta Imran Khan oo dhinaca kale isku rogtay – Go’aan cusub

Maxkamadda sare ee Islamabad ayaa laashay xukun lagu riday ra’iisal wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan iyo wasiirkiisi arrimaha dibadda, Shah Mahmood Qureshi.

Go’aanka cusub ee maxkamadda ayaa yimid kadib markii hore Imran Khan loogu xukumay kiis la xiriira in si khaldan loo maamulay sirtii qaranka. 

Sida ay ku dhawaqen laba xubnod oo ka tirsan garsoorka maxkamadda sare, ra’iisal wasaaraha hore iyo wasiirkiisii arrimaha dibadda waxaa lagu waayay kiiskii ay hore ugu xukuntay maxkamada hoose, iyaga oo aqbalay racfaanka ay ka qaateen xukunnada hore ugu dhacay.

Go’aanka maxkamadda sare ayaa ku soo beegmaya kadib markii bishii January ay maxkamada hoose ay ku xukuntay labadan masuul min toban sannadood oo xadhig ah, kadib markii ay maxkamadda hoose ku heshay inay si cad u shaaciyeen nuxurka xogo sir ah oo dibloma-asiyadeed.

Labadan masuul ayaa ku dooday in eedaha loo soo jeediyey ay yihiin kuwo been abuur ah iyo wanjal siya-asadeed, oo aan caddaalad ku dhisnayn.

Khan ayaa markaas si cad u sheegay in looga dan leeyahay in looga hor-istaago inuu mar kale tartamo kadib markii uu ka horyimid militariga awodda badan.

Inkasta oo maxkamadda sare ay go’aankan soo saartay, haddana weli lama filayo in xabsiga laga sii daayo, iyaga oo xabsiga ku jiray tan iyo bishii August ee sannadkii hore.

Israa'iil oo war ka soo saartay maxaabiistii ay Xamaas qafaalatay

Militariga Isra’il aya xaqijiyey dhi-mashada afar qof o kalo ka mid aha dadki Xamas qafashen 7-di October.

Dadkan oo sida la sheegay ku geriyodey deganka Khan Younis ee konfurta Gaza, ayey Isra’iil sheegtay in meydadkooda ay weli gacanta ku hayaan kooxaha hubeysan. 

Raggan ayaa magacyadoda lagu kala sheegay Nadav Popplewell oo haysta dhalashooyinka Biritan iyo Israa’iil oo 51 jir ah, Chaim Peri oo 79 jir ah, Yoram Metzger oo 80 jir ah iyo Amiram Cooper oo 85 jir ah.

Afhayeenka IDF Daniel Hagari ayaa sheegay in sahan sirdoon oo la aruuriyay todobaadyadii la soo dhaafay ay horseedeen qiimeynta.

"Waxaan qiimeyneynaa in afar ka mid ah la dilay xilli ay wada joogeen deegaanka Khan Younis, intii uu socday howlgallada ka dhanka ah Xamaas," ayuu yiri, isagoo aan bixin faahfaahin dheeraad ah.

Bishii hore, Xamaas waxay sheegtay in Nadav Popplewell uu ku dhintay weerar ay Israa’iil qaadday bishii Abriil. Wasaaradda arrimaha dibadda ee UK ayaa sheegtay in ay baarayso, balse ilaa hadda ma jiro wax xaqiijin ah oo ku saabsan dhimashadiisa.

Xamaas ayaa so saartay muuqaal muujinaya saddexda nin ee kale bishii December.

Dhammaan afarta qof ayaa laga qafaashay deeganaka (kibbutz) oo u dhow Marinka Qaza 7dii Oktoobar.

Qoralka sawirka, RW israel Benj-amin natenyahu ayaa sheegay inay ka shaqaynayaan soo celinta la haysatayaasha.

War qoraal ah oo ay soo saareen golaha la haystayasha iyo qoysaska maqan, ayaa qaraabadu waxay ku sheegeen in wararka dhimashada raggan ay tahay inay "u horseedaan hogamiye kasta inu naftiisa raadiyo".

Bayaanka ayaa intaa ku daray: "Chaim, Yoram, Amiram, iyo Nadav waa la afduubay iyagoo nool, qaar ka mid ah waxay la socdeen la haystayaal kale oo ku soo laabtay heshiiskii hore - waxayna ahayd inay iyagoo nool ku laabtaan dalkooda iyo qoysaskooda."

Xoghayaha arrimaha dibadda ee UK David Cameron ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X ee hore loo oran jiray tiwter waxa uu ku sheegay in uu aad uga xun yahay in uu maqlay geerida Nadav Popplewell.

Nadav Popplewell aya laga afdubtay gurigisa isaga io hooyadiis, taasoo ugu dambeyntii la sii daayay. Walaalkiis Roy ayaa lagu dilay weerarka.

"Waxaan adeegsaneyna wadoyin badan si aan dib ugu soo celino la haysteyaasheenna. Mar walba waxaan ka fekeraa dhibka haysta iyaga iyo qoysaskooda. Waana taas sababta ay intan noogu qadatay in aan soo guryocelinno. Haddana taas oo jirta, waxaan mar walba maanka ku haynay ulajeedooyinka dagaalka aan u galnay oo aha in aan Xamaas ciribtirno. Labadaas ujeedana midna kama tanasuleyno, waayo dham-antod waxay qeb ka yihin qorshaha. Tanina ma ahan mowqif cusub oo la xirira cadadis iiga imanaya xulufada, laakiin waa mid ay ka mideysan yihiin Golaha Xukumada Dagaalka.”

Xamaas ayaa dishay ilaa 1,200 oo qof 251 kalena way qafaasheen intii ay ku guda jireen weeraradii ay ku qaadeen koonfurta Israel, sida ay sheegeen maamulka Israel.

Kooxdu waxay sii daysay 105 qof o rayid ah intii lagu jiray xabad joojin todobad socotay bishii November.

Ilaa 120 qof oo la qafaashay ayan weli la ogeyn halka ay ku dambeyen. Sarakiisha Israel aya shegay in qaar badan loo malaynayo inay dhinteen.

Isra'il aya billowday olole millatari o ay ku burburineso Xamaas iyado ka jawabaysa werarka xudduudaha laga soo gudbay.

Qoralka sawirka, Shacabka Isra'iil o dalbanaya in la so dayo maxabista

Ugu yaraan 36,470 qof ayaa lagu dilay Gaza ku dhawaad sideed bilod oo dagaal ah, sida ay sheegtay wasarada caafimadka e Xamaas ay maamusho.

Dhanka kale rajo buuran kama muuqato waanwaanta la doonayo in lagu qaboojiso dagaalka qasa oo la gaaro xabad joojin.

Iyada oo uu sii kordhayo cada-diska Israa’iil iyo Xamaas lagu hayo in ay ku heshiiyaan hindise xabbad-joojin ah oo Qaza ah oo uu soo bandhigay madaxweyne Biden, dagaalka ayaa ka sii socday inta badan dhulkaas. Milatariga Israel ayaa sheegay in ay duqeeyeen in ka badan 30 bartilmaamed oo Xamaas ah oo ku yaalla Gaza.

Qaar badan oo ka mid ah kuwan ayaa ku sugnaa deegaanka Rafah, inkastoo ay weli walaac ka muuji-nayaan dadka rayidka ah ee halkasi ku gabadsanaya. Diyaradaha quma-atiga u kaca ee Israel ayaa lagu soo waramayaa inay rasaas ku fureen dhismayaal ku yaala bartamaha magaalada.

Waxaa sidoo kale duqeymo cirka ah ka dhacay saddex degmo oo ka tirsan magalada Gaza. Wasaaradda caafimadka e Xamaas aya sheegtay in ugu yaraan lixdan Falastiiniyiin ah la dilay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay. Wareysi uu siiyay barnaamijka toddobaadka ee ABC, Lataliyaha dhanka Isgaarsiinta ee Amniga Qaranka ee Aqalka Cad, John Kirby, ayaa rajo ka muujiyay in heshiis laga gaaro soo jeedinta xabbad joojinta si dhakhso ah.

"Waa hindise Israa'iil, kaas oo yimid ka dib dadaal dublomasiyaded oo aad u xeeldheer oo ay isla soo gorfeyen kooxda amniga u qabishan Wasaaradeenna Arimaha Dibedda. Hadda waxanu joogna in hindisihaas lala wadaagey Xamaas, waxaana sugeynaa jawaab rasmi ah oo Xamaas ka timaadda.”

John Kirby aya sido kale sheegay in mas’uliyiinta Xamaas ay si guud u soo dhaweeyen hindisahan. Sidaas darted waxa uu yiri waxaan Xamaas ka rajeyneynaa in ay ogolaadaan in si dhakhsiyo leh loo billaabo hirgelinta wajiga koobaad.

"Wajiga koobaadna wuxuu saa-maxaya in sii deynta xooga maxabiis ah, gaar ahaan dumarka, carruurta iyo dadka da’da ah. Sidoo kale in la abuuro jawi nabdoon oo looga jafjafto dagaalkii socdey 6 todobaad, islamarkaana la dardargeliyo garga-arka bini’aadanimo ee soo galaya dhulka loga bahan yahay. Waxaana intaas hareer sicda wadahallo dhexmaraya labada dhinac, si ay uga wadaxajodan waxa u noqonayo wajiga labaad iyo halka wax laga billaabayo," ayuu intaas ku daray.

Xigasho BBC


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip