Halkaan Ka Aqriso Wararka Wargeyska Mog Times 3.6.24

0
Monday June 03, 2024 - 10:26:20 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 118
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkaan Ka Aqriso Wararka Wargeyska Mog Times 3.6.24

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Ra’iisul Wasaare XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay dalka Koonfurta Kuuriya

Ra’iisul Wasaraha Xukumadda Jamhuriyada Federalka Somalia, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hogaminayo aya shalay ka ambabaxay dalka Koonfurta Kuuriya, iyaga oo ku sii jeeda magaalada Seoul oo ay uga qebgali donaan shir madaxeedka Jamhuuriyadda Koonfur Kuuriya iyo Afrika, oo qabsoomaya 4 – 5 Juun. 

Afhayenka Xukumada Somalia Farhan Jimale oo faah faahiyay safarka Ra’iisul Wasaaraha, waxa u shegay in Ra’iisul wasaraha oo Jamhuuriyadda Kuuriya gaar ahan Caasimada Seoul uga kaga qaybgali doonan shir madaxedka Jamhuriyadda Kuuriya iyo Afrika, oo qabsoomaya 4 -ilaa 5-Juun.

Afhayeenku waxa uu sheegay in shirkaa loga hadli doono xiriirka soo jireenka ah ee u dhaxeeyo dalalka qaarada Afrika iyo jamhuuriyadda kuuriya, waxana ka qeyb gali doono shirka madax ka socoto waddamada Afrika iyo Bangiga Hormarinta Afrika.

Waxaa sidoo kale lagu eegi donaa sidii iskaashi looga yeelan lahaa dhinacyada Ganacsiga, Hormarinta kabayasha dhaqalaha dalalka qaarada Afrika, isbadalka cimilada ay ku yeelatay qaarada Afrika iyo arima kale.

Ra’iisul Wasare Xamsa Cabdi Barre aya khudba ka jedin doono shirka uu kaga hahadli doono hormarada ay sameeysay xuku-umadda Soomaaliya oo la xariira dhinacyada Amniga, hormarinta dhaqaalaha iyo dhanka Arimaha bulshada.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo la kulmay Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliy

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federalka Somalia, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaciil (Fartaag), ayaa la kulmay Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Somaaliya, Mudane Alper Aktaş, waxana ay ka wada hadlen xojinta xirirka io Iskashiga wala-alnimo ee u dhexeeya labada dal, gaar ahaan taageerada ay siiyaan hey’adaha amniga dalka.

Wasiirka oo uga mahadceliyey taagerada walaltinimo e ay siiyan Soomaaliya, ayaa xusay muhi-imadda ay ledahay in la sii xojiyo, iyada oo mudnaanta la siinayo tayeynta iyo tababarrada ciidanka Boliiska Somaliyed, si ay u xaqi-ijiyan amniga iyo xasillinta dalka.

Dhankiisa, Danjire Aktaş o ugu hambalyeyey Wasiirka Amniga masuuliyadda loo igmaday, ayaa sheegay in dowladdiisu ay sii xoojin doonto taageerada ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada amniga oo mudnaan gaar ah u leh dalka.

Maareeyaha guud ee HDRS; "Soomaaliya waxay ku dhowdahay inay sameyso taariikh cusub.”

Maareyaha Guud ee Hay’adda Duulista Soomaaliya (HDRS), Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa ku dhawaaqay inuu dalka ku dhowyahay inuu qaado tallaabo kale oo ah horumarinta dhinaca duulista, isagoo ka warbixinnayay socdaal ay caasimadda Muqdisho ku soo gaaren khuburo ka socota Hay’adda Bedqabka iyo Amniga ee Duulista Rayidka ee Bulshada Bariga Afrika (EAC-CASSOA).

Saraakiisha ka socota EAC-CASSOA, aya ujeedda socdaalka ay muddo ka badan toddobaad ku joogan Muqdisho waxay la xiriirta sidii ay u sameyn lahayen qiimeyn iyo ukuur-gelida sida ay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ugu diyaar garoobi lahayd inay marto kormeerka (AUDIT) Hay’adda Calamiga ah ee Duulista Rayidka Adduunka ee ICAO. 

Maareyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin ayaa sheegay haddii uu dalka ka gudbo kormeerka (ICAO Audit), inay noqonaysa guul muhiimka iyo taariikh horleh oo uu dalka ka samey kormerka ICAO o nidamka Duulista Rayidka Qaranka aan horey loo marin, wuxuu intaa ku daray in hadda khuburada ka socota Hay’adda Bedqabka iyo Amniga ee Duulista Rayidka ee Bulshada Bariga Afrika inay gacan ka geysan doonaan sidii ay u qiimen lahaayeen heerka kor-meerka, waxyaabaha dhiman iyo arrimaha ay tahay in la hormariyo ka hor ICAO Audit.

"Haddii dalkeennu ku baaso kormeerka iyo qiimeynta ICAO, nidaamkeenna Duulista Rayidka wuxu gaaraya heerka ugu sareya ee caalamiga ah, waxayna diya-aradaha ka diiwaangashay dalka awood u yeelanayaan inaysan sameyn karaan duulimaadyo caalami ah oo ay ku tagi karaan caalamka oo dhan.” ayuu ku daray Maareeyaha guud ee HDRS, Mudane Axmed Macallin oo tilmaamay isku duubnimada dhammaan laamaha Duulista Rayidka ee dalka inay fududeyn doonto natiijo wanaagsan oo laga gaaro kormeerka ICAO.

Ugu dambeyntii, Maareeyaha Guud ee HDRS, Mudane Axmed Macallin wuxuu sheegay in khub-urada ka socota Hay’adda Bedqabka iyo Amniga ee Duulista Rayidka ee Bulshada Bariga Afrika……(EAC-CASSOA) baaritaanada iyo qiimeynta ay ka sameynayaan waaxyaha HDRS inay ka soo saari doonan warbixin la xiriirta sida ay natiijo guul ah Soomaaliya uga gaari karto kormeerka ICAO ee dhinacyada bedqabka iyo amniga duulista.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Safiirka Dowladda Qatar u jooga Soomaaliya

Gudomiyaha Hay’ada Maraynta Musiiboyinka Qaranka, Maxamud Macallin Cabdulle ayaa xarunta dhexe e SoDMA kulan kula qatay Safiirka Dowladda Qatar u jooga Soomaaliya, Dr Cabdullahi Binu Salem Al Nuaimi. 

Kulankaan ayaa looga hadlay waxyaabaha ka fulay mashariicdii ay Dowladda Qatar hay’adda u ballanqaaday, dhamestirka waxa ka dhiman, sidoo kale Safiirka aya Guddoomiyaha ku wargeliyey in ka dowlad ahaan hay’adda ay la fulin donaan mashaariic cusub oo hor leh, kuwas oo ay ka mid yihiin u adkaysiga aafoyinka, soo kaba-shada iyo xalalka waara.

Mashaariicdaan ayaa hay’adda SoDMA waxa ay ka saacidi donan helista Gadiidka gurmadka deg-degga ah, diyaarinta gobaha biyo keydinta, qodista ceelal biyoodyo iyo in gargaar la gaarsiiyo barak-acyasha dib u dajina logu sameyo goobihii ay ka yimaadeen.

Gudomiyaha Hay’ada Marenta Musiiboyinka Qaranka Maxamud Macallin ayaa uga mahadceliyay dowladda Qatar garab istaa-ggeeda walaalnimo, waxana intas kadib kormeer ku tageen xarunta qaran ee ka digista halis-wada-reedka hay’adda.

Mareykanka oo ku dadaalaya sii wadida Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Marekanka aya u ololeynaya sii wadida xafiiska siyasada Qara-mada Midoobay ee Somalia, sida lagu sheegay hadal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka, ka dib wadahadal dhexmaray xoghayaha arrimaha dibada Antony Blinken iyo mada-xweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. 

Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Marekanka aya sheegay in Blinken iyo madaxwene Xasan Sheikh ka wada hadleen "sii wadista" howlgalka Qaramada Midoobay intii uu socday kula-nkooda, isagoo soo jeediyay in Mareykanka uu doonayo inuu sii shaqeyo xafiiska inkasto Somalia ay dhawaan codsatay joojinta.

Bishii hore, Soomaaliya waxay ku baaqday in la xiro Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kalmada Soomaaliya (UNSOM).

Si kastaba ha ahaatee, Xogh-ayaha Guud ee Qaramada Mido-obay Antonio Guterres ayaa maalmo kooban ka dib si ku meel gaar ah ugu magacaabay xafiiska UNSOM Diblomaasi Mareykan ah oo ruug-caddaa ah oo lagu maga-caabo James Swan inuu noqdo ergaygiisa Soomaaliya.

Afhayeenka arrimaha dibadda ayaa sheegay in Blinken uu ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo in la dhimo khilaafka dibluma-asiyadeed ee u dhexeya Somalia iyo dalka deriska ah ee Itoobiya, kaasoo ka dhashay heshiis badda ah oo ay Ethiopia la gaartay Somaliland.

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo la guddoonsiiyay abaalmarin Caalami ah

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa la gudonsiiyay abaalmarinta (Excellence in Banking Award) oo ay bixiyen Global Somali Awards, oo fadhigoodu yahay Columbus, Ohio, ee waddanka Mareykanka.

Abaalmarinta "Global Somali Awards (GSA)”, waxay ka tarju-meysaa horumarka laga sameyey dib-u-habeynta Bangiga Dhexe sanadihii lasoo dhaafay. Waxya-abaha guusha laga gaaray waxaa ka mid ah, hirgalinta nidaamka isku xirka bangiyada dalka (NPS), hirgalinta habka lambarka koont-ooyinka bangiyada ee caalamiga ah, ee loo yaqaan IBAN, nidaa-mka lacag bixinta deg dega ah ee loogu wanqalay ‘SOMQR’ iyo hirgalinta xeerar iyo shuruuc kale oo qeyb weyn ka qaatay dib-u-habaynta hananka maliyadeed ee waddanka. 

"Abaalmarinta GSA waxay ku timid dedaalka hagar la’aanta ee ah ee ay sameeyeen shaqaalaha, madaxda iyo Guddiga Maamulka Sare ee Bankiga Dhexe oo is kaashanaya” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Bangiga Dhexe.

Sannadkii 2023 ayaa sidan oo kale Bankiga Dhexe ku guulestay Abaalmarin heer Caalami ah, oo ay guddoonsiisay, hay’adda la yidhaahdo "Central Banking”, oo fadhigeedu yahay magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Koonfur Galbeed oo ka hortimid qorshaha ciidanka Itoobiya looga saarayo dalka

Dowlad goboleedka Koonfur Galbed ayaa ka hor yimid qorshe ciidamada Itoobiya dalka looga sarayo dhamadka sanadkan, sida u horey u sheegay la taliyaha am-niga qaranka, Xusen Sheikh Cali.

Qoraal lagu daabacay barta X ee wasarada amniga ee mamulka Konfur Galbed, aya lagu sheegay, in maamulka Koonfur Galbeed uu la socdo shakhsiyad marin hab-abin ku haya shaqada ciidamada Itoobiya ay ka hayaan degaanada maamulkaas uu ka taliyo. 

"Ciidamadda Itoobiya ee ATMIS waxay hayaan howl adag, waxa aanan uga mahadce-lineynaa ka qeyb qaadashadooda howlgalka nabad ilalinta, waxena sii wadi doonaan in ay si joogaan oo ay doorkooda ka qaataan gobolka,” ayaa lagu yiri qoraalka wasarada amniga Konfur Galbed.

Si kastaba ha ahate, Kumanan ka tirsan ciidamada Itoobiya oo qeyb ka ah howlgalka ATMIS, iyo kuwa kaloo aan qeyb ka ahayn ATMIS, ayaa intooda badan ka holgala deganada Konfur Galbed iyo gobolka Gedo.

Sida uu sheegay la Taliyaha amniga qaranka, Ciidamada Itobiya ayaa ka mid noqon doonin ciidamada AU-da" ee ka howlgali doona Somalia marka u dhamado howlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS), marka la gaaro bisha December ee sanadkan.

Talabadan aya loo maleynayaa inay qeyb ka tahay Xidhiidhka Diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya oo hoos u dhacay heerkii ugu hooseeyay, ka dib markii 01-kii January ee Sannadkan ay Itoobiya la saxeexatay Heshiis Is-afgarad ah maamulka Somaliland, iyadoo heshiiskaas uu Itoobiya u oggolanayo inay Badda ka hesho Saldhig Milatari yo deked ganacsi, si ay Somaliland iyaduna aqoonsi u hesho.

Guddoomiye ku xigeenkii arrimaha bulshada deegaanka Lafoole oo lagu dilay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil Haben hore loogu geystay gudaha magalada Muqdisho gudoomiye ku xigeenkii arrimaha bulshada deegaanka Lafoole ee duuleedka Muqdisho Mukhtaar Nuur Geesey. 

Allah u naxariiste dilka marxumka ayaa waxaa geystay rag bastoolado ku hubeysnaa oo ku dilay meel aanan ka fogeyn gurigiisa oo ku yaala degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho.

Dableyda fulisay dilka Mukhtar Nuur ayaa si deg deg ah uga baxsatay gobta, waxana meydka marxuumka la geeyay xarunta C.I.D, halkaas oo ay ka socdaan baaritaano ay wadaan laamaha amaanka Soomaaliya.

Dilkaan Haben hore loo geystay gudoomiye ku xigeenkii arrimaha bulshada deeganka Lafoole ayaa qayb ka noqonaya falalka amaan darro ee maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay gudaha magaalada Muqdisho,

Ugu dambeyntii dilkaan ayaa sidoo kale kusoo beegmaya iyadoo ciidamada amaanka ay si weyn u kordhiyeen howlgalada ay ku xaqijinayan amniga Casimada.

Taliska ciidanka xoogga dalka oo shaaciyay waqti lasoo afjarayo dagaalka Al-shabaab

Taliye ku xigeenka ciidanka xooga dalka Somaliyed Jeneraal Maadeey Sheekh Nuur ayaa sheegay in bishaan Juun ay soo afjari doonaan howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda gobolada dalka.

Jeneraal Maadeey ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka xoogga ay guulo la taaban karo kasoo hoyeen dagaaladii ay la galeen kooxda, isagoona goob fagaare ah ka balan qaaday in waqti kooban kusoo gabageynayaan dagaalka Al-shabaab. 

Taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka ayaa tlmaamay in dhamaan ciidankii loogu talo galay soo afjarida dagaalka Al-shabaab iney ku sugan yihiin furimaha hore ee dagaalka, islamarkaana waxa ay sugayaan ay tahay amarkii ay xabada ku bilaabi lahayeen.

"Ciidanka xoga dalka Somaliyed shalay waxay sugayaan kaliya in la dhaho xabadda bilaba, xiligaan aan idinla hadlaayo ciidanka qeyb kasta meeshii loogu talagalay ayey ku sugan tahay, guusha waxay haya Allaah, laakiin anaga iyo Shabaab bishaan Juun islama dhaafi doono insha allah” ayuu yiri Taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka Maadeey Sheekh Nuur.

Hadalkan ayu Jeneral Maadey ka sheegay kulan daraad uu ka daah furay magaalada Muqdisho Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre kaasoo ahaa barnaamij loogu magac daray "Hooyo u Hiilli Qarankaaga" oo ah mid lagu muujinayo kaalinta muhiimka ah ee hooyooyinka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin amniga iyo xasilinta dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka hadashay duqayn ka dhacday gobolka Bari ee Puntland

Dowladda Federalka Somalia ayaa ka hadashay duqayn ciidamada Maraykanka ay ka geysteen degaan katirsan dhulka buuralayda gobolka Bari ee Puntland, kaasoo lagu bartilma-ameedsaday xarumaha Daacish.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Somaaliya, Cabdiraxman Yuusuf Alcaddaala oo la hadlay VOA Somali, aya u sheegay in wee-rarkan uu daba socday weerar todobaad ka hor laga fuliyay deganada Calmadow ee gobolka Bari. 

Wasiir ku xigenka aya sheegay, in weerarkan lagu burburiyay xero ay tuulada Afcas oo Koonfur Bari 80km ka xigta magalada Boo-saaso ku lahayen koxda Daacish, isagoo sheegay in la xaqiijiyay geerida saddex horjooge oo katirsanaa kooxda Daacish.

Alcaddaala waxa uu tilmaamay in tuulada Afcas ay ahayd goob ay Daacish afduub ugu haysteen dad shacab ah, kuwaas oo uu xusay in lagasoo badbaadiyay. Wuxuu intaas ku daray in aanay jirin wax khasare ah oo shacabka kasoo gaaray howlgalkaan ay fuliyeen ciidamada Maraykanka.

Wasiirku wuxuu ka gaabsaday weerarkan waxa ay ka og yihiin Puntland oo ka Talisa degaanada laga fuliyay. Hase ahaatee waxaa uu sheegay dowladda Federaalka inay awood u leyahay inay holgal ka fuliso meel kastoo dalka kamid ah iyadoo kaashanaysa

saaxiibada caalamka.

DFS oo wadda da’daallo dalka dib loogu soo celinayo dhallinyarada ku dhibaateysan Liibiyo

Dowlada Federalka Somaaliya ayaa 11-ka bishan June 2024 dalka dib ugu soo celin-doonto 15 kamid dhalinyaro ku dhibateysan dalka Liibiya, iyado loo diyaariyey tikidhadoda iyo waraaqihii socdalka ay dalka ugu soo noqon lahayen, kuwas oo ka dagi doona magalada Hargeysa ee gobolka Waqoyi galbed e Somalia. 

Sidoo kale 25 dhalinyaro kale oo Somaaliyeed ayaa xiga doono in dalka dib loogu soo celiyo dhawan, kuwaas iyagana ka dagi doono magalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Wasiirka wasaaradda dhall-inyarada iyo ciyaraha XFS Xildhibaan Maxamed Barre Maxamud ayaa magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Liibiya kula kulmay kox dhallinyaro Somaliyed ah oo go’aansaday inay dalkooda hooyo ku soo laabtaan ka dib markii dhibaatooyin badan la kulmeen xilli ay doonayeen inay ka sii tahriibaan wadankaas.

Dowladda Federalka Somalia ayaa dadaal xooggan ugu jirto sidii dhaman kuwa ku dhiba-ateysan dalka Liibiya loogu soo celin lahaa dalka, iyadoo dhoor jeer sidan oo kale dalka loogu soo celiyay kuwa badan oo halkaas muddo ku Xayirnaa.

Sacuudiga oo billaabay dhaqangelinta ganaaxa dadka aan heysan fasaxa xajka

Hay’adaha Amaanka guud ee Sacuudiga ayaa billaabay dhaqa-ngelinta la xisaabtanka dadka ku xad-gudbay xeerarka xajka iyo awaamiirta ee lagu qabto iyaga oo aan haysan fasaxa Xajka ee gudaha magalada Maka, gobolka dhexe, goobaha barakeysan, saldhiga tarenka ee Al-Haramain e Al-Rusaifah, xarumha amanka.

Muwadininta, dadka degaanka iyo dadka soo booqda ee lagu qabto gudaha goobaha Bara-keysan ee aan heysan fasaxa xajka ayay laamaha ammaanka ganaax ahaan u qorsheeyeen lacag dhan (10,000) riyaal ah iyo sidoo kale in la masaafuriin doono kuwa ku nool Sacuudiga ee ku xadgudba lagana mamnuci doono in ay soo galaan Boqor-tooyada si waafaqsan mudoyinka sharcigu tilmaamayo. 

"Waxaa xusid mudan in qofkii lagu qabto isagoo ku xad-gudbiya awaamiirta xajka ay tahay xarig dhan (6) bilood iyo ganaax lacaged oo dhan (50,000) Riyaal, iyo in lagala wareego agabkiisa gaadiidka, iyo masaafurin haddii uu yahay qurba-joogta ka dib fulinta ciqabta, Waxa ka mamnuc ah in uu soo galo Boqortooyada si waafaqsan mudooyinka sharcigu tilmaamayo” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay hay’adaha Amanka Sacuudiga.

Dhanka kale Hay’adaha Ama-anka aya muwadininta la wada-agay fariimmo la xiriira in lagala shaqeeyo soo sheegista kuwa ku xad-gudbaya nidaamka Xajka, iyagoo la wadaagay lambarada gaaban ee ah (911), Kaas dadka ka soo wici karaan laamaha amniga Sacuudiga.

Dowladda Sacuudiga oo ku dhawaaqday in Soomaaliya ay ku soo baxday liiska dalalka sida wanaagsan ugu adeegay xujeydooda

Ka dib markii dhawan dowlada Sacuudigu shacisay in Somaaliya ay kaalinta 5-aad ka soo gashay dalalka sanadkan sida wanagsan ugu adeegay xujeydooda ayaa shalay waxaa xafiiska Arrimaha xajka dowladda Soomaaliya ee Magaalada Makkah ka qabsomay shir arrintaas ku saabsan. 

Shirka waxaa ka qeyb galay madaxda bicisada dowladda Soomaaliya iyo Guddi wasaarada xajka dowladda Sacuudiga ay u xilsaartay qiimeenta dalalka muteystay abalmarinta, waxaana Soomaaliya si rasmi ah loogu wargaliyay inay musharax u tahay jaa’isadaan oo noqoneysa markii ugu horreeyey ee Soomaaliya soo gasho liiska musharixiinta.

Madaxa xafiiska Arrimaha Xajka dowladda Soomaaliya Dr Khadar Xaaji daahir ayaa faah faahiyey muhiimadda kulankaan, wuxuuna sheegay in ay meel fiican marayaan howlaha adeega Xajka, isagoo dhinaca kalena sheegay in qiimeynta oo labo mar la sameeyo ay Soomaaliya ku soo baxdey Liiska koobaad ee gaaban.

"Waa arrin aad loogu farxo in aan soo galno liiska Wadamada ugu horeeya, taasi waxa ay ku timid dadaal aanu sameyney” ayuu yiri Khadar.

Guddiga ayaa si uu ugu kuur galo adegyada dowladu u qabate xujeyda Soomaaliyeed, waxaa uu boqde Hotelada la dajiye xujeyda, Isbitalada loogu adeego xujeyda io xafiisyada hos yimada Xafiiska Arrimaha Xajka.

In Dowlada Somaaliya ay safka hore ka gasho Qiimeynta Wada-mada safka hore kaga jira wada-mada sida wanaagsan u nidaa-miyay xujeydooda ayaa ku soo beegmey, xilli wasaarada diinta iyo Awqaafta dowlada federaalka Somaliyed ay waqti hore bilowdey abaabulka howlaha Xajka, taasi oo keentey in dowlada Sacuudiga ay ku amaanto.

Guddoomiyaha Aqalka sare oo ugu hambalyeeyay dowladda Talyaaniga maalinta Qarannimada Dowladda Talyaaniga

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Jamhuriyadda Fed-eraalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa ka qayb galay munaasabad lagu xusayay maalinta Qarannimada Dowladda Talyaaniga. 

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ugu hambalyeyay madaxda iyo shacabka Talyaniga malintoda taariikhiga ah, isagoo uga mahad celiyey kaalinta e Dowladda Taly-aanigu ka qaadato dowlad dhiska Somalia, islamarkana ku boriyay in ay sii xoojiyaan iskaashiga iyo xiriirka wanaagsan ee labada dal.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka so qayb galay Wasiiro, Xil-dhibano, taliyaal ciidan, danjirayal iyo marti sharaf kale.

Ahmadinejad oo markale isu soo taagay xilka madaxweynaha IRAN – Maxaa socda?

Madaxweynihii hore ee Iran, Mahmoud Ahmadinejad ayaa isu diiwaan-geliyay inuu u tartamo doorashada madaxtinimo ee dalkaasi ka dhacaysa 28-ka June, kadib geeridii madaxweynihii hore ee Iran Ebrahim Raisi oo ku dhintay shil diyaraded bishii hore. 

Ahmadinejad, oo horey uga tirsanaan jiray Ilaalada Kacaanka Iran ayaa markii ugu horreysay loo doortay madaxweynaha Iran 2005-tii, isaga oo ka dibna xilka isaga dagay markii ay dhamaatay muddo xiledkisii sanadkii 2013-kii.

Golaha Ilaalada ayaa ka mamnuucay inuu ka qeyb galo doorashadii 2017, sanad kadib markii hoggaamiyaha sare ee Ayatollah Ali Khamenei uga digay inuu ka qeyb-galo doorashada "aan ahayn mid ay ku jirto danta dalka iyo isagaba”.

RUUSHKA oo duqeyn culus ka geystay Ukraine + Khasaaraha

Ruushka oo qaaday weerar gantaalo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn shalay oo Sabti ah ayaa waxyelo u gestay xaru-maha tamarta iyo kaabayaasha muhimka ah ee guud ahaan dalka Ukraine. 

Weerarkaasi ayaa ku kaliftay madaxwenaha Ukraine Volod-ymyr Zelenskyy inuu soo saaro codsi cusub oo ku saabsan gargaar dheeri ah oo difaaca hawada ah oo uu dalkiisa ka helo awoodaha reer galbeedka ee taageera oo uu Mareykanka ugu horeeyo.

Intii uu waday duqeeynta Ruushka gobolo dhoowr ah oo Ukraine ah, ayaa waxa socday digniinaha dadka loo jeedinayo inay gabaad ka galaan muddo socdeen sedax saacadood ah.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip