halkan ka aqriso wararka wargeyska mog times 30.5.24

0
Thursday May 30, 2024 - 21:40:48 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 166
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    halkan ka aqriso wararka wargeyska mog times 30.5.24

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay shir sanadeedka hoggaamiyayaasha Afrika iyo madaxda Bangiga Horumarinta Afrika

Madaxweynaha Jamhuriyadda federalka ah ee Somalia mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamud aya ka qeybgalay shirka sanadeedka Madaxweynayaasha Afrika iyo madaxda Bangiga Horumarinta Afrika oo ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. 

Shirkan oo diirada lagu saaray dib u habeynta qaab-dhismeedka maaliyadeed ee Afrika iyo isba-dalka cimilada ayaa waxaa ka qeybgalay qaar ka mid ah Madax-weynayaasha Afrika, kuwaas oo gobta ku so bandhigay horumarka io caqabadaha ka jiro dalalkooda, si gaar ah wada shaqeynta Bang-igaga Horumarinta Afrika.

Madaxweynaha Jamhuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo shirkan ka hadlay ayaa madaxda Bangiga Horumarinta Afika uga mahadceliyey wada shaqeynta iyo taageerada maaliyadeed ee Soomaaliya, isaga oo hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay samey-neyso horumar iyo kobac dhaqale, taas oo ku timid hufn-anta hananka maliyaded e dalka.

Shirkan oo muhiim u ah Soomaaliya ayaa madaxda Bangiga horumarinta Afrika ay xaqiijiyeen taageerada iyo wada-shaqeynta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxwenaha aya gunanadka shirkan kadib kulan doceedyo la yeeshay qaar ka mid ah Madax-weynayaasha Afrika, isaga oo kala hadlay iskashiga iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed.

Shirka Bangiga Horumarinta Afrika oo Nairobi ka furmay

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo daraad gaaray magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya ayaa shalay ka qeyb-galay Shirka Bangiga Horumarinta Afrika oo ka furmay halkaasi. 

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa ajendayaal ay ka mid yihiin wax-soosaarka iyo ka faa’-iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah, dib u habaynta qaab-dhismedka maaliyadeed ee caalamka, isbeddelka cimilada iyo wadatashiyo ku saabsan sidii loo heli lahaa illo dhaqaale oo waara oo horumarineed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Nairobi, wuxuu kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaa madaxda Afrika iyo mas’uuliyiinta Bangiga Horumarinta Afrika, si loo dardar-geliyo iskaashiga u dhexeya Somalia iyo hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabbilay danjiraha Kenya u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaraha Xukumadda Jamhuriyada Federalka Somalia, Mudane Xamsa Cabdi Barre, aya xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Kenya u fadhiya Soo-maaliya, Ambassador Kubai Iri-ngo kaasi oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka diblamaasiyadeed iyo sare u qaadida iskaashiga u dhexeeya labada dal ee dariska ah.

Ra’iisul Wasaraha aya tilmame in labada dal ee Somalia io Kenya uu ka dhaxeeyo xiriir taariikhi ah iyo iskashi dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin amniga, dhaqaalaha iyo ganacsiga. Ra’iisul Wasaraha ayaa intaa ku daray in dowladda Soomaaliya xoojinayso fulinta dhammaan heshiisyadii dhawaan labada dhinac ku garen magalada Nairobi. 

Danjiraha ayaa Dhankiisa sheegay in xiriirka labada dal uu yahay mid soo jireen ah, islama-rkaana ay muhiim tahay adkeynta iskaashiga labada dhinac.

Wasiirka difaaca Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Gaash-aandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur aya shalay kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka Difaaca ee Jamhuriyada Türkiye, Yaşar Güler, intii lagu guda jiray bandhiga EFES-2024. 

Kulanka gaarka ah oo ka dhacay magaalada Izmir ee dalka Turkiga, halkaas oo uu ka socday bandhig Millitery oo ay ka qayb qadanayen Ciidamada 49 dow-ladood oo isbahaysi la ah Turkiga ayay labada mas’uul kaga wada hadleen xoojinta xiriirka difaac ee labada dal.

"Walaalaheenna Turkiga waxay kaalin weyn ka qaataan dhismaha ciidankeenna, horumarintooda iyo la dagaallanka Al-shabaab,” ayuu yiri Wasiirka Difaaca Soomaaliya.

Dowladda aynu Walalaha nahay ee Turkiya aya waxay kalin weyn ka qadata dhismaha qay-baha kala duwan ee Ciidamada XDS, hormarintoda, la dagallanka al-shabaab, kabayasha dhaqalah dalka io arrimaha bini’adanimada.

Wasiirka warfaafinta oo dalka Baxrayn uga qaybgalay meertada 54-aad ee shirka wasiirrada warfaafinta Jaamacadda Carabta

Wasiirka warfafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka e Somaaliya mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magalada Manama ee casimadda Boqortooyada Baxrayn uga qeybgaley meertada 54aad ee shirka Wasiirrada Warfaafinta waddamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta. 

Shirkan ayaa ajendayaasha looga dooday waxaa ka mid ah xasaradda ka aloosan Marinka Gaza oo Israel ay weeraro ay dad badan oo rayid ah ku dhinteen weli ka waddo, sidii dalalka Carabta ay u sii wadi lahayeen garab istaagga walalahooda reer Falastiin io in degdeg xabad joojin looga hirgeliyo dhulka Falasti-iniyiinta o dhibato bani’aadminimo o aad u daran ay ka tagan tahay.

Wasiirka Warfafinta Somaaliya Mudane Daua’uud Aweys ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda u garab tagan tahay qadiyada rer Falastin, isla markaana ay aamisan tahay in xalka waara ee gobolkaasi uu yahay dhismaha dowlad rasmi ah oo ay Falastiiniyiintu leeyihiin.

Shirkan ayaa lagu ansixiyay dhamaan ajendaha looga dooday oo ay ku jiraan in la garab istaago qadiyadaha waddamada Carabta oo ay Soomaaliya ka mid tahay, io in dalalka Carabta ay la janqadan horumarka saxafadda caalamka.

Wasiirka Warfafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Daua’uud Aweys Jaamac ayaa uga mahad celiyay shacabka iyo Dowladda Boqortoyada Bahren o martiglinta shirkan muhimka, iyado Bahren ay sannadkan tahay caasimadda Warbaahinta Carabta ee 2024.

Amiirka Iska leh Dhaxalka Boqortoyda Bahrain Amiir Salman bin Hamad Al Khalifa, aya isna shalay Qasriga Boqortoyda ku qaabilay dhamaan Wasiirrada Warfaafinta ee dalalka Carabta ee ka qeybgalyay shirka 54aad ee Warbaahinta Carabta. Wasiirka Warfaafinta mudane Daua’uud Aweys ayaa Amiirka u gudbiyay salaam uu ka siday Madax-weynaha Jamhuuriyadda Fede-raalka Somaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Amiir Salmaan ayaa isna dhankiisa salaam gaar ah u soo diray Madaxweynaha iyo shac-abka Soomaaliya.

Intii uu shirka socday waxaa Wasiirka Warfaafinta uu sidoo kale kulamo doceed la yeeshay qaar ka midah Wasiirrada War-faafinta ee Jaamacadda Carabta ee shirka ka qeybgaley.

Wasiir Biixi oo ka qeyb galay shirka



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip