HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 14-5-2024

0
Tuesday May 14, 2024 - 06:29:00 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 140
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 14-5-2024

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddi qaran u magacaabay difaaca madax-banaanida Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Feder aalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay guddiga qaran ee difaaca madax-ban naanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Guddigan oo ka kooban 10 xubnood ayaa waxay magacaabistooda ku timid kadib markii madaxweynaha uu arkay baahida loo qabo in la xoojiyo awood da difaaca madax-banaanida iyo midn imada dhuleed dalka, sida lagu yiri warqad kasoo baxday xafiiska mada xweynaha.

"Madaxweynaha markuu garwaaqsa day in loo baahan yahay magacaabista guddi qaran oo u difaaca madax-bana anida iyo midnimada dhuleed, si shaca bka Soomaaliyeed iskugu tashado,” .

Guddigan qaran ayaa waxaa Iskudu we looga dhigay Cabdiraxmaan She ekh Yuusuf Caynte, sidoo kale waxaa xubno ka ah; Maxamed Cismaan Jawa ari, Yuusuf Garaad Cumar, Dr’s Mar yan Qaasim Axmed, Cali Xaaji Warsa me oo wasiir hore oo Puntland ah iyo Ciif Maxamed Beddel.

Magacaabista guddiga qaran ee difaaca ayaa imaneysa xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda Soom aaliya iyo Itoobiya ee salka ku haysa heshiiska is-afgarad ee bishii Jana ayo ee sanadkaan ay Addis Ababa ku kala saxiixdeen Muuse Biixi iyi Abiy Axmed.

Heshiiskaasi oo xad-gudub dub ku ahaa madax-bannaanida iyo qaran nimada Soomaaliya ayaa waxaa si weyn uga hortimid dowladda federaa lka oo xukuumadda Addis Ababa ku qa sabtay inay dib uga joogsato dhaqan-gelinta heshiis beenaadkaasi oo loogu saxiixay qeybo kamid ah biyaha Soo maaliya.

Hoos ka aqriso magacyada xubnaha oo dhan;

1. Cabdiraxmaan Sh. Yuusuf Caynte – Iskuduwe

2. Maxamed Cismaan Jawaari – Xubin

3. Yuusuf Garaad Cumar – Xubin

4. Dr’s. Maryan Qaasim Axmed – Xubin

5. Cabdikariin Xasan Jaamac – Xubin

6. Cali Xaaji Warsame – Xubin

7. Ayuub Ismaaciil Yuusuf – Xubin

8. Jaamac Maxamed Askar – Xubin

9. Ciid Maxamed Beddel – Xubin

10. Faysal Cabdi Rooble – Xubin

Muqdisho oo lagu soo gabagabeeyey Banbax diyaarinta Istiraatiijiyadda bahda Cadaaladda Soomaaliya

Waxa shalay si guul leh noogu soo gabagaboobay Banbaxa diyaarinta Istir aatiijiyadda bahda Cadaaladda Soo maaliya waxaana soo xiray kulanka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Soomaaliya, mudane Bashe Axmed Yuusuf.

Banbaxan oo qabsoomay intii u dhax aysay 11-Maajo ilaa 13-Maajo 2024 ayaa kulmiyay hoggaanka bahda Cad aaladda federaalka iyo maamul gobol eedyada si ay u lafaguraan horumari nta Istiraatiijiyadda bahda Cadaaladda Soomaaliya ee 2025-2030.

Inta uu socday shirka ayaa waxaa la ga soo saaray natiijooyinka

Wakiillada ka socday dhammaan qe ybaha bahda Cadaaladda ayaa wadaa gay kana dooday aragtiyahooda ku aaddan mustaqbalka nidaamka cada aladda Soomaaliyeed.

Ka-qaybgalayaashu waxay falanqeey een qeybaha nidaamka cadaaladda ee si wanaagsan u shaqeeya iyo kuwa u baahan in lagu sameeyo isbeddel.

Shirka ayaa ku soo gabagaboobay ballanqaad ay sameeyeen Hoggaanka bahda Cadaaladda Soomaaliya, iyag oo ballanqaaday inay hirgeliyaan hindi sayaasha istiraatiijiyadeed ee laga wa da hadlay. Tani waxay muhiim u tahay abuurista Soomaaliya cadaalad, sinn aan iyo adkaysi leh.

Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed, Jubbaland & Galmudug oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaal ka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane xildhibaan Cali Yuusuf Cali – Xoosh iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowla dda ayaa garoonka diyaaaradaha Caa lamiga ah Aden Cadde ee Muqdisho kusoo dhoweeyey Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Mada xweynaha Jubbaland Axmed Maxa med Islaam iyo Madaxweynaha Galm udug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Madaxweynayaasha dowlad gobolle edyada dalka ayaa u soo gaaray caa simadda dalka ka qeyb galka shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo dha waan laguwda in Madaxweynaha Jam huuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ka furo Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarl amaanka Jamhuuriyadda Fedraalka Somaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cab dullaahi ayaa shalay xafiiskiisa ku qaa bilay safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Jamhuuriyadda Fe deraalka Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Almuwallad.

Guddoomiyaha iyo safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka soo jireen ka ah iyo iskaashi ee u dhexeeya Soo maaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, isgagoo uga mahad celiyay kaalinta walaaltinimo ee boqorotooy adu ugu jirto shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed

Dhankiisa Safiirka, ayaa guddoomiy aha ugu hambalyeeyay howlaha baaxa dda leh ee u qabsoomay Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka iyo guu lihii kala duwanaa ee ay gaartay Dowla dda Soomaaliya, sida la dagaalanka aragaxisada, ku biiritaankii Soomaaliya ee Bulshada Bariga Afrika, dayn caf inta iyo ansaxinta afarta cututb ee ugu horraysay Dastuurka KMG ah.

 

Danjiraha Soomaaliya ee Kenya oo daahfuray xarun lagu tababarayo ganacsatada Soomaaliyeed

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Mudane Jabril Ibrahim Cabdulle ayaa shalay ka daahfuray Jaamacad da Strathmore gaar ahaan kuliyadda Business School, xarun cusub oo lagu tababarayo ganacsatada Soomaaliyee d.

Xarunta ayaa lagu magacaabaa Aka deemiyada Maalgashiga Soomaaliy eed oo marka lasoo gaabiyo loo ya qaano SOMINA.

Taabagalinta xarunta Somali Investm ent Academy (SOMINA), ayaa waxaa iska kaalmeeystay Hay’adda "Interna tional Financial Corporation” (IFC) oo kamid ah farac ka tirsan Bangiga Aduunka iyo Jaamacadda weyn ee Str athmore.

Danjiraha Soomaaliya Mudane Jabril Ibrahim Cabdulle ayaa ku dhiirigaliyay ardayda fursada u heshay inay qayb ka noqdaan inay ka faa’iideystaan wax barashadaas.

Barnaamijka ayaa ah mid hindise dha xal gal ah oo ujeedadiisu tahay awood siinta iyo waxbaridda maamulayaasha ganacsiga gaarka ah iyo guud ahaan ganacsatada Soomaaliyeed. Barnaam ijkani ma aha koorso keliya ee waa mid rajo galinayo ganacsiga, isla mar kaana horumar u ah ganacsiga gaarka ah ee Soomaaliya oo kobcaya.

Wasiirka Howlaha Guud iyo dib udhiska XFS oo kulan la qaatay Madaxa UN-Habitat ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, dib udhiska iyo Guriyeenta XFS Cab disalaan Cali Dhaay oo ay wehlineyso Agaasimaha waaxda iibka iyo maam ulka Qandaraasyada Ayaan Cali Aa den ayaa kulan la qaatay Madaxa UN-Habitat ee Soomaaliya Sebastian May iyo kuxigeenkiisa Muxyadiin Maxam uud.

Kulankaan waxaa looga hadlay in dhammaan Mashaariicda ay isla wa daan UN-Habitat iyo Wasaaradda Ho wlaha Guud XFS ay u fulaan sidii loo gu talagalay, sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday xoojinta iskaashiga labada dhinac.

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Gu ud, dib udhiska iyo Guriyeenta XFS Cabdisalaan Cali Dhaay oo kulanka ka hadlay ayaa soo dhaweeyey wada shaqaynta hay’ada UN-Habitat iyo Wasaaradda, waxa uuna boogaadiyey dardar galinta shaqooyinka hormarine ed ee socda

Mas’uuliyiin kala duwan oo ka qeyb-galaya caleemo saarka Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif

Deegaanka Daaro-Ugaas oo hoos taga degmada Halgan ee gobolka Hii raan oo kamid ah deegaannada laga saaray Al-shabaab ayaa waxaa maa nta ka socota xafladda caleemo saarka Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Munaasabadda waxaa isugu tegay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federa alka oo ay ka mid yihiin inta badan xildhibaannada laga soo doorto gobo lka Hiiraan, Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle, Taliyaha NISA iyo mas’u uliyiin ka tirsan dowlad gobolleedka HirShabeelle.

Sidoo kale xafladda Caleemo-saarka Ugaaska Yuusuf waxaa ka qeyb-gelaya duubabka dhaqanka beelaha Soomaaliyeed oo ka kala yimid gobo llada dalka Soomaaliya, kuwaas oo qaar kamid ah ka yimaadeen deegaan nada Soomaali Galbeed..

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo warbaahinta kala hadlay xoojinta xiriirka dowladda iyo dadweynaha

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federa alka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Xildhibaan Ali Yusuf Ali – Xoosh ayaa xalay Caasumaad ballaaran u fidiyey Milkiileyaasha iyo Agaasimeyaasha ka la duwan ee Warbaahinta, kuwaas oo isugu jira warbaahinta dowladda, kuwa madaxa banaan iyo caalamiga.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goobj oog ka ahaa, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda mudane Abdihakim Ash kir , Agaasimaha guud ee Wasaarada mudane caydaruus Macalin, Maareey aha Hay’adda Aqoonsiga iyo Diinwa agelinta Qaranka( NIRA Somalia), mu dane Cabdiweli Timacadde, Guddoo miyaha Hay’adda Maareynta Musiib ooyinka Soomaaliyeed( SODMA Soma lia) mudane Maxamuud Macallin Cabd ulle iyo Guddoomiyaha Hay’adda qaxo ontiga iyo Barakacayaasha Qaran ka(NCRI) marwo Safiyo Maxamed Xasan.

Ugu horayn Wasiir Cali Xoosh ayaa bogaadiyey warbaahinta shaqada wan aagsan ay dadka u hayaan isaga oo sheegay " Waxaan bogaadinayaa Sha qada wanaagsan aad dadka u hay saan, Warbaahinta Madaxa Banaan in aan la kulano oo isbarano fursad wayn ayey ii tahey, madaama Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay horyaalaan sha qooyin Qaranka muhiim u ah oo Wasaaraddu hoggaan u tahey”.

Mudane Cali Xoosh ayaa khudbadii sa waxaa uu uga hadlay howlaha hort abinta u leh Wasaaradda sida;

1. Doorashooyinka,

2. Federaaleynta,

3. Dad-dhigista,

4. Dhab u heshiisiin,

5. Xasillinta.

6. Diiwaangelinta Dadweynaha,

7. Xalka waara iyo

8. La tacaalista abaaraha kuwaas oo uu sheegay in ay warbaahinta kaalin Weyn ka qaadan karaan.

Ugu dambeyn, Wasiir Cali Xoosh ayaa xoojiyey sida ay uga go’an tahey in uu saaxiib dhow la noqdo warbaahinta "waxaa iga go’an in aan warbaahinta ka dhigto Saaxiib dhow, waan ogahey duruufaha aad kusoo shaqayseen waxaan rajayn in aad halkaas kasii wa daan”.

Wasaaradda Deegaanka XFS oo ku baaqday in laga fogaado hareeraha deegaannada ku dhow wabiyada dalka

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadel ka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay rooba bka ka da’ayo Dalka, xili laga digayo inay fatahaado ku dhuftaan deegaan nada ku dhow wabiyada dalka.

Roobab dhexdhexaad ah una dhexee ya ayaa laga filayaa in ay ka da’aan goobaha kala ah:

:- Baraawe, Kuntowarey iyo Sablaale.

:- Badhaadhe, Buaale, Baardheere iyo Jamaame.

:- Beledweyne, Buleberte iyo Jowhar.

Dhanka Heer-Kulka Gobalada Dhexe ayaa ahaan doona halka Gobalada ka le Heerkul ahaan doono.

Ciidanka Booliska oo gacanta ku soo dhigay burcad dhacgeysatay

Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa gacanta Ku soo dhigey Koox ku eed eysan fal Burcadnimo oo Taleefoono ka dhacdey dad Shacab ah .

War qoraal ah ka soo baxay Taliska qaybta guud ee Booliska Gobolka Ba naadir ayaa u qornaa sidaan:

shalay Taariikhda 13-05-2024 abaa ro 07:30 subaxnimo ah ayaa Waxaa Muwaadiniin Soomaaliyeed Lagaga Dhacay Telefoonada Gacanta Deg mada Heliwaa .

Dhibanayaashii Waxay Degdeg Ula Xiriireen Xarunta Gurmadka Degdega ayagoo toos u wacay nambarka Gaa ban 991 Kuna war geliyey In La dha cay.

Xarunta Gurmadka ayaa Sitoos ah u Howl gelisay Ciidanka Booliiska ee u dhawaa goobta dhaca laga geystey.

Waxaan Si degdeg ah ugu Gurmaday Saldhigga Boliiska Heliwaa Kaas oo Raad Raac kadib Gacanta Ku soo Dhi gey Toogadii iyo Mooto Bajaaj ay Wad teen

Waxaana lagu haayaa Saldhigga Heliwaa baaris ayaa socota waxaan la horgeydoonaa maxkamada ay Quse yso ayaa lagu yiri qoraalka ka soo ba xay Taliska qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

Muddooyinka dambe Falalka la xiriira dhaca telefonada Mobeelada ayaa ku soo badanayay Xaafadaha Magaal ada Muqdisho iyadooo kooxa dhaca geystay ay ku xararaan Mooto Bajaaj Markii falka ka dhaca ah ay geystaan.

Somaliland oo sheegtay in ay si dhakhso ah ugu duulayso Laascaanood

Millateriga Somaliland ayaa ku goo diyay in uu markale la wareegi doono qaybaha uu lumiyay gobolka Sool, isla markaana uu dhaafi doono Laascaa nood.

Taliyaha Millateriga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani, oo warbaahinta xu kuumada la hadlay, ayaa sheegay in ciidankiisu uu wali awood badanyahay, isla markaana uu soo ceshan doono dhulkii uu ku lumiyay dagaalkii Laasca anood.

"Dadwaynaha reer Somaliland waxan u sheegaya in aanu si dhakhso ah xad ka u gaadhayno wakhtigeeda, ciidanku waa kii naftooda waxay u huryaan dal ka, awoodoodii iyo xoogoodiina way leeyihiin" ayuu yidhi Taliye Taani.

Millateriga Somaliland ayaa lumiyay gacan ku haynta baddiba gobolka Sool, iyo magaalo madaxda Laascaanood, kadib dagaal billo socday oo ay dadka deegaanka oo kaashanaya ciidamo si beelaysan uga yumid Puntland ay ka ga soo horjeedeen Somaliland, iyado ugu danbayn 25 August 2023 la jabi yay ciidamada Somaliland.

Somaliland ayaa aamisan in gobolka Sool uu kamid yahay dhulkeeda, iyada oo ciidamo fara badan tababaratay ka dib jabkii ciidankeeda, halka ay dadka deegaanku dhisteen maamul ka mada xbannaan Somaliland oo la magacba xay SSC Khaatumo, kaasi ay dowlada Soomaaliya u aqoonsatay maamul ku meel gaadh ah.

Maamulka SSC Khaatumo ayaa doon aya in uu xukunkiisa ku balaadhiyo gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, sida ana uu xubin buuxda kaga noqdo Dow lada Federaalka Soomaaliya.

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo isku shaandhayn iyo magacaabis ku sameeyay golihiisa wasiirrada

Hoggaamiyaha SSC- Khaatumo, Ca bdiqaadir Axmed Aw- Cali Firdhiye, ayaa isku shaandhayn iyo magacaabis ku sameeyay golihiisa wasiiradda, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday xafiiskiisa.

Taliyihii hore ee ciidanka Booliiska Soomaaliya, Gen. Cabdi Xasan Xajaar ayaa kamid noqday liiska cusub ee go laha wasiirrada ee maamulka SSC- Khaatumo.

Isbeddelkan cusub ayaa kusoo beeg may, xilli qaar kamid ah wasiirradii maamulkaasi ay iska casileen xilalk ooda, iyagoo qaarkood sheegay in fara galin lagu hayay shaqooyinka xafiis kooda.

Madaxweyne Firdhiye oo muddo xilee dkiisu yahay labo sano, ayaa hadda xafiiska jooga ku dhawaad sanad, welina maamulkiisu wuxuu ku jiraa dib udhis.

Halkaan ka aqriso liiska wasiirrada.

1. Cabdiqani Xuseen Xaaji Hiirad. Wasiirka Maaliyadda

2. Dr. Xil Yuusuf Sulaymaan Sancad. Wasiirka Caafimaadka

3.Najiib Barkhadle Warsame. Wasiirka Warfaafinta, Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda

4. Ibraahim Jaamac Reygal. Wasiirka Amniga

5. Dr Axmed Xaashi Maxamed. Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cilmilada

6. Dr. Jaamac Maxamed Mursal. Wasiirka Dhallinyarada, Ciyaaraha, Shaqada iyo Shaqaalaha

7.Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar). Wasiirka Caddaaladda, Arrimaha Diinta yo Dastuurka

8. Xil Cali Warsame Cismaan. Wasiirka Biyaha iyo Tamarta

9. Axmed Cabdirisaaq Diiriye. Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

10. Daahir Cabdirisaaq Axmed. Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga

11. Xil. Cabdirisaaq Yuusuf Maxamed Hindi. Wasiirka Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka

12. Suhuur Faysal Barre. Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqal Insaanka

13. Dr. Aadan Cabdillaahi Aw-xasan. Wasiirka Xannaanada Xoolaha

Ruushka ayaa sheegay in ciidamadiisu ay galeen magaalo xuduudeedka u dhow Kharkiv

Magaalada ayaa si weyn loo duqee yay habeenimadii xalay, ciidamada Ukraine waxay qireen in Ruushku uu isku dayay in ay horey usoo dhaqaa jiyaan difaacyadiisa, balse wuxuu she egay inay qaadayaan tallaabooyin lagu burburinayo.

Duulaanka Ruushka ee gobolka ayaa kordhiyey halista Kharkiv -oo ah maga alada labaad ee ugu weyn Ukraine -- iyadoo horumar kale oo ay sameeyaan ay keeni karto in ay dhexda u galaan madaafiicda..

Dhanka kale qaraxyo waaweyn ayaa ka dhacay qayb uu Ruushku haysto oo ka tirsan bariga Luhansk. Wararka ayaa sheegaya in la beegsaday bak haar rasaasta Ruushka ku leeyahay deegaanka Sorokyne.

 

Gebiley oo loo magacaabay gobolkii 7aad ee gobolada Somaliland

Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda iske ed ugu dhawaaqday madaxbanaa nida ee Somaliland ayaa u magacaa bay degmada Gebiley in ay noqoto go bol. Gebileyna waxa ay noqoneysaa gobolkii Toddobaad ee gobolada Som aliland

Kulankan ay golaha wasiiradu ay kaga dhigeen Gebiley waxaa ka horreeyay xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo ku celcelinayey in Gebiley ay gobol ka dhigayaan maadaama ay aqlabiyad ku leeyihiin golaha Wakiilada.

Gebiley waxaa horrey dikareeto ugu soo saaray in ay gobol nooqto madax weynihii hore ee Somaliland sanadkii 2008dii, laakin ma aanay dhaqan gelin.

Wasiirka Xiriirka Golayaasha iyo Das tuurka ee Somaliland, Cabdinaasir Buu ni ayaa BBCda u sheegay in kasta oo Gabiley uu madaxweynihi hore ee Somaliland Daahir Riyaalle Kaahin uu dikareeto kusoo saray, in ay haatan buuxisay shuruudihii gobolnimo.

Golah Wakiilada Somaliland ayaa loo gudbin doonaa gobolniamada Gebiley si ay u ansaxiyaan.

Internet xumo laga soo sheegay wadamada Bariga Afrika

Dadka internet-ka isticmaala ee jooga dalalka Kenya, Tanzania iyo Ugandha ayaa ka cabanayay internet xumo, iyadoo shirkaddaha bixiya adeegaasi na ay qireen in dhibaato jirto.

Waxay sheegeen in ay ku jiraan sidii ay u xalin lahaayeen dhibaatadaas.

Arintan ayaa ka dhalatay cilad ku timid mid kamid ah xargaha badda hoos tooda mara, kaas oo gobolka ku xira dunida inteeda kale, isagoo sii maraya dalka Koonfur Afrika, sida uu sheegay Ben Roberts oo ah khabiir internet-ka ah.

Internet xumadaas oo kale waxa bishii Maarso laga soo weriyay wadamo ku yaala Galbeedka iyo Koonfurta Afrika.

Raadaarka Cloudflare oo la socda dhaqdhaqaaqa internetka, ayaa shee gay in Tanzania ay tahay dalka uu sida xun u saameeyay, isagoo 30% uu hoo s uga dhacay heerkii la filayay.

Wargeyska Citizen ee wadanka Tanz ania ayaa ku qeexay wixii dhacay go’I taan internet oo saameeyay inta badan xiriirrada kanaalada.

Qof jooga Kenya oo isticmaala intern et-ka oo doonayay in uu ogaado haddii uu awoodo in uu daawado ciyaartii hor yaalka Ingiriiska ee Manchester United iyo Arsenal, ayaa Airtel Kenya waxay u sheegtay in kooxdooda farsamaya qaanada ah ay ka shaqeynayaan cilad bixinta, iyagoo raali galin siiyay.

Shirkadda Safaricom, oo sidoo kale ku taala Kenya ayaa sheegtay in ay la ku lantay ciladan.

Sacuudiga oo daqiiqadihii ugu dambeyay dib u dhigay fulinta qisaasta nin Kenyaan ah

Nin u dhashay dalka Kenya oo lagu waday in lagu fuliyo qisaas dil ah dalka Sacuudiga ayaa daqiiqadihii ugu dam beyay dib loo dhigay kadib olole balla aran oo uu laga sameeyay baraha bul shada.

Stephen Munyakho, oo ah wiil uu dha lay saxafiga ruug-caddaaga ah ee Dor othy Kweyu, ayaa sannadkii 2011-kii la gu xukumay dil toogasho ah kadib mar kii uu dagaal dhimasho sababay uu la galay nin ay wada shaqeynayeen oo ku sugnaa Sacuudiga.

Sida laga soo xigtay "ololaha dib us oo celiyo Stevo”, oo ay maamulaan taageerayaasha Munyakho, labada sh aqaale "waxa ay soo gaareen dha awacyo mindi ah" laakiin kaliya Munya kho ayaa ka badbaaday. Sidaas dar teed Munyakho ayaa lagu xukumay dil toogasho ah.

Sida uu dhigayo sharciga Sucuudiga, xukunka dilka ah waa laga baaqsan ka raa haddii qoyska wax laga dilay ay oggolaadaan in la siiyo magdhow.

Qoyskiisa oo ku sugan dalka Kenya a yaa isku dayayey inay u ururiyaan lac agta Diyadda ah ee looga baaha nyahay, taasoo ah saddex milyan iyo bar riyaalka Sucuudig ah ($940,000; £750,000), oo loogu talagalay qoyska marxuumka.

Isniintii, labo maalmood uun ka hor inta aan la dilin Munyakho, Xoghayaha Joogtada Arrimaha Dibadda Kenya ayaa sheegay in Sacuudi Carabiya ay "si naxariis leh u oggolaatay" codsigii dowladda ee ahaa in dib loo dhigo dil ka si fursad loo siiyo "wada xaajood ka le oo dhexmara dhammaan dhinacya da".

Rwanda oo iska diiday in ay taageerto koox mucaarad ah oo weerar ka gaysatay Burundi

Dad ehelladooda caawinaya weerar ka dhacay Burundi December 2023

Dawladda Rwanda ayaa dafirtay eed eymo la xiriirra in ay hubeysay koox mucaarad ah oo weerar bambaano ka geystay magaalada Bujumbura Jimcihii, halkaas oo daraasiin dad ah ku dhaaw acmeen.

Ugu yaraan 38 ayaa ku dhaawacmay weerarka, sida uu sheegay afhayeen ka wasaaradda arimaha gudaha Buru ndi Pierre Nkurikiye.

‘’ Argagixisadan waxa qoray, tababar ray isla markaana hubeeyay Rwanda,’’ ayuu intaa ku daray Mr Nkurikiye.

Dawladda Rwanda ayaa iska diiday eedeymahaas Axadii, iyadoo sheegtay ‘’in aysan wax xiriir ah la lahayn’’ weer arka isla markaana ‘’aanay jirin sabab ay ugu lug yeelato’’.

‘’Waxan ugu baaqaynaa Burundi in ay xaliso arimaheeda gudaha iyo in aanay kula soo galgalan Rwanda xaalada han,’’ ayaa lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska afhayeenka dawladda.

Kooxda lagu eedeeyay inay ka dam beeyeen weerarka bambaano ee Red Tabara, ayaa sidoo kale iska diiday masuuliyadda weerarka, waxayna sheegeen ‘’in aanay weerarin rayidka aan waxba galabsan’’.

Xiriirka u dhaxeeya Rwanda iyo dalal ka ay dariska yihiin ee Burundi iyo Ko ongada dimoqaraadiga ayaa sii xumaa nayay sanadihii la soo dhaafay, iyadoo labadan wadan ay ku eedeeynayeen Rwanda in ay maalgaliso kooxaha mucaaradka ee wadamadaas weerara.

Rwanda waxay si ku celcelis ah u diiday eedeymaha loo soo jeediyay.

Dagaal beeleed ay dad badani ku dhinteen oo ka dhacay Shabeelada dhexe

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelad Dhexe ayaa sheegaya in doraad halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhacxeeyo maleeshiyo beeleed, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan. Ugu yaraan 20 qof ayaa lasoo sheegaya in ay ku dhinteen dagaal ladaas .

Dagaalka ayaa ka dhacay halka ay ku kala baxaan degmooyinka Cadala iyo Ceel-baraf , gaar ahaan dhulka miyiga ah ee u dhaxeeyo Biya Cadde iyo Bur ta Sheekh sida uu BBCda u sheegay Wasiirka Dib u heshiisiinta Hirshabee lle Cabdullaahi Maxamed Cumar (Cab dullaahiCadde)

Wasiirka ayaa sheegay in shalayy ay xaaladdu degantahay ayna soc daan dhaq-dhaqaaqyo badan oo colaa dda lagu daminayo taas oo ay wadaan masuuliyiin ka tirsan Hirshabelle.

Wasiirka ayaa ku eedeeyay hurinta dagaalkan gacmo shisheeye oo uu ku tilmaamay in yihiin Alshabaab kuwaas oo uu sheegay in ay hurinayaan cola adda.

Wasiirka ayaa ku baaqay in colaadda la joojiyo,” dadkaas oo ah dad walaaln imo iyo derisnimo ay ka dhaxeyso wa xa aan ugu baaqayaa in caqligu sha qeeyo” ayuu yiri Wasiir Cabdulaahi C adde

Rishi Sunak: Sanadaha soo socda waxay noqon doonaan qaar ka mid ah kuwa ugu khatarta badan

Ra’iisulwasaaraha Ingriiska Risi Su nak oo jeediyay khudbad uu xaalaadda dalka uga hadlayey ka hor doorashad guud ee la filayo dhawaan ayaa shee gay in Sanadaha soo socda ay noqon doonaan qaar ka mid ah kuwa ugu kha tarta badan haddana ugu isbeddelka badan ee UKsoo mara."

Khudbad 30-daqiiqo ah oo uu ka jeed iyay London, ayuu yiri "wax badan ay aa isbedeli doona shanta sano ee soo socota marka loo eego 30-kii sano ee la soo dhaafay"

Sunak waxa kale oo uu ka hadlay xis biga shaqaalaha hay’adda - isagoo sheegay , kaliya xisbiga Muxaafidka ay aa "ka hadlaya mustaqbalka"

Dunidu waxay noqonaysaa meel aad khatar u ah, ayuu raaciyay, ka hor inta uusan u sheegin codbixiyayaasha in su'aasha ay tahay in ay iswaydiiyaan cidda ay ku kalsoonaan karaan si ay u helaan fikrado geesinimo leh si ay u keenaan mustaqbal sugan.

Ardey jaamacadeed oo Afduub loo haystay dalka Nigeria oo la soo furtay kaddib is rasaaseyn dhacday

Koox ardey jaamacadeed ah iyo dhi banayaal kale oo lagu afduubtay wa qooyiga Nigeria ayaa la soo badbaa diyay Axadii, sida masuuliyiinta wada nkaasi ay sheegeen.

Rag hubeysan ayaa weerarray Jaa macadda Confluence ee gobolka Kogi habeenimadii khamiista, iyagoo halkaa ka afduubtay sagaal ardey.

Dadka afduubka loo haystay ayaa so o badbaadiyay ciidamo deegaanka ah iyo kuwa ciidamada amaanka ka tirsan, kuwaas oo ragga afduubka sameeyay ay isweydaarsadeen rasaas, sida uu sheegay xoghayaha warfaafinta gobol ka Kogi Kingsley Femi Fanwo.

Mr Fanwo ayaa sidoo kale sheegay in dadka la soo badbaadiyay loo qaaday isbitaalka, si caafimaadkooda loo hubi yo.

‘’Ciidamada amaanka wali waxay ha wgal ka wadaan keymaha si ay u hubi yaan in dhammaan aredyda la afduu btay la helo, guryahoodana dib loogu soo celiyo.’’ Ayuu intaas ku daray.

Nigeria ayaa waayadan la tiicaysay afduub ay geysanayaan rag mishiidiya ah, kuwaas oo afduubtay boqollaal dad ah, tan iyo markii uu bilowday sanad kan, kuwaas oo badan kood ka dhacay waqooyiga galbeed ee wadankaasi.

In badan oo kamid ah dadka la afdu ubtay ayaa la sii daayay, qaarkood lac ago madax furasho ah ayaa laga bix iyay.

Tirada dadka ku dhintay dhismihii ku dumay Koonfur Afrika oo gaartay 24 qof

Dadaallada gurmadka ayaa wali soc da

Tirada dadka ku dhintay dhismihii ku dumay Isniintii hore magaalo xeebeed ka George ee dalka Koonfur Afrika ay aa gaartay 24 qof, sida masuuliyiinta m agaaladu sheegeen.

Dadaallada gurmadka ayaa wali soc da, iyadoo la soo saaray illaa 28 qof oo ku hoos jiray burburka dhismaha.

Dadka wali ku hoos jira burburka wa xa kamid ah Florence Kawunga, oo ah haweeyney 19 jir ah oo ka shaqeyn eysay nadaafadda, sida ay ehelkeedu u sheeegeen bog gaar loo leeyahay oo la yiraahdo NEWS24.

29 qof ee laga soo badbaadiyay dhis mah ayaa 13 kamid ah wali waxa lagu hayaa Isbitaalka.

Sababaha keenay burburka dhisma ha ayaa la baarayaa.

Kooxaha gurmadka waxa kamid ah 200 oo qof oo wata eeyaha wax uriya iyo gawaarida culus.

Mukhalaskii ugu weynaa Yurub ee tahriibinta dadka oo Ciraaq lagu xiray

Mid ka mid ah dadka ugu caansan Yurub ee dadka tahriibiya ayaa lagu xiray dalka Ciraaq kadib dabagal ay BBC-du ku sameysay.

Barzan Majiid ayaa lagu xiray gobolka Kurdistan ee Ciraaq subaxnimadii Axadda, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan dowladda.

Muddo dhowr sano ah, isaga iyo kooxdiisii ​​waxay si weyn ugu lug lahaayeen ganacsiga dadka ku tahriibiya - doomaha iyo gawaarida xamuulka - guud ahaan Kanaalka Ingiriiska.

BBC-da ayaa Majeed - oo sidoo kale loo yaqaan Scorpion - ka raadisay magaalada Sulaymaaniya, halkaas oo uu sheegay in uu kumanaan tahriibayaal ah ka soo qaaday kanaalka.

"Malaha kun, malaha 10,000. Ma garanayo, ma tirin,” ayuu yiri.

Xubin sare oo ka tirsan maamulka gobolka Kurdistan ayaa sheegay in saraakiisha ay u suurtagashay in baritaanka ay BBC-du soo saartay ay ku helaan Majeed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip