Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo daahfuray shir looga hadlayo la dagaalanka fekerka xagjirka ah

0
Thursday April 18, 2024 - 13:05:38 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 93
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo daahfuray shir looga hadlayo la dagaalanka fekerka xagjirka ah

    Ra'iisul Wasaare ku xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa furay shirka saddex biloodlaha ah ee Madasha isku xirka hawlaha ka hortagga iyo la dagaallanka afkaarta xagjirka ah ee rabshadaha wadata, kaas oo ay soo qaban qaabisay Xarunta Qa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaare ku xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa furay shirka saddex biloodlaha ah ee Madasha isku xirka hawlaha ka hortagga iyo la dagaallanka afkaarta xagjirka ah ee rabshadaha wadata, kaas oo ay soo qaban qaabisay Xarunta Qaran ee Tubsan. Ra'iisul Wasaare ku xigeenka ayaa madasha ka sheegay sida ay muhiimka u tahay in la wiiqo afkaarta ku dhisan argagixisonida ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku marin habaabiyaan kooxaha Khawaarijta ah. Mudane Saalax ayaa intaas ku daray in Xukuumadda Danqaran ay qaadday tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu wiiqay awooddii Khawaarijta ee dhinacyada dhaqaalaha, fikirka iyo ciidanka, taas oo keentay in dhallinyarada Soomaaliyeed ee ay marin habaabiyeen ay dib uga soo laabanayaan afkaartii ay argagixisadu ku shubeen.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip