
HALKAAN KA AKHRISO:-WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH KHAMIIS 22-KA FEBARAAYO 2024-KA
Madaxweyne XASAN oo ku dhawaaqay in TURKIGA uu difaacayo baddeena
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Ma xamuud oo Shalayeyd shir jaraa’id ku qabtay Ma daxtooyadda ayaa ku dhawaaqay in baddeena uu difaacayo Turkiga, taasi oo ka dhigan in ammaanka baddeena lagu wareejiyay Turkiga, oo leh awood ciidan xooggan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shaaciyay in heshiiska difaaca ee Turkiga uu soconayo ill aa 10 sano, mudadaasna ay barbar soconeyso dhi smaha ciidanka badda Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in heshiiska difaaca ee Turk iga aan marnaba lagu colaadinayn dowlad kale, ba lse uu Turkiga ku saacidayo Soomaaliya inay ilaa shato baddeeda iyo kheyraadka ku jira.
"Waxkasta oo sharci darro ah, dhamaan inay nala ilaaliyaan waaye waxaan heshiiska kula galnay Tu rkiga ee ma ahan in aan dal kale oo saddexaad ku duulno ama la dirirno,” ayuu yiri madaxweyne Xas an Sheekh Maxamuud.
Waxa uu intaas kusii daray "Waa heshiis difaac iyo horumarin dhaqaale oo isla socda waaye heshi iska uu Shalay baarlamaanka Soomaaliya ansixiy ay waakas, waa xeyndaab heshiis oo waxaa kasii ratibmi doona heshiisyo badan.”.
Madaxweynaha ayaa sheegay in uusan jirin dal ka mudan Turkiga oo Soomaaliya la difaaci lahaa baddeeda, isagoo meesha ka saaray in ay duulaan ku yihiin dal kale, xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda badda ee Soomaaliya iyo Ethiopia.
"Wuxuuna aakhirkiisa dhalaa oo toban sano ka bacdi na gaarsiina in aan yeelano ciidan bad oo biyaheenna difaaci kara in aan yeelano, inta ka ho reysana ay walaalaheen nala difaacan badda oo waxyaabaha sharci darrada ah inay nagala ila aliyaan waaye.”
Ugu dambeyntiina waxa uu xusay in uu rajeyna yo in xukuumadda Abiy Axmed ay ka laaban doon to heshiis beenaadkii Addis Ababa ee Somaliland ugu saxiixday qeybo kamid ah Badda Soomaaliya.
"Shalay waxaa dagaal kale u galeyna in bad dee na ka xoreyno kuwa argagixisada ah, ama sharci d arrada ah ee ku xad-gudbaya kuwa Sooma aliya iyo kuwa caalamiga ah oo aan ku gudaneyno masu uliyadda caalamiga ah ee na saaran.”
Baarlamaanka oo ansixiyay heshiiska Xukuum adda Soomaaliya la gashay Turkiga
Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa goor-dhow cod aqla biyad ah ku ansixiyey heshiis-kii taariikhiga ahaa oo ay do wladda Soomaaliya la gashay Dowla dda Turkiga, kaas oo ku saabsan iskaashiga dhina ca difaaca iyo dhaqaalaha.
Kulanka waxaa soo xaadiray 216 mudane wax aa ogolaatay 213 Xildhibaan, waxaana diiday 3 Xil dhibaan, sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Gol aha Shacabka Sheikh Aadan Madoobe.
Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay ahmiyadda heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xa msa Cabdi Barre ayaa golaha Wasiirrada XFS uga mahad celiyay ansixinta heshi is taariikhi ah oo dowladda So omaaliya ay la gashay dowlad da Turkiga, kaas oo ku saab san iskaashi dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha ah.
Ra’iisul Wasaaraha oo shir guddoomiyay kulan aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirrada ayaa ku tilmaamay heshiiska mid masiiri ah oo dhaxalgal u ah ummadda Soomaaliyeed.
Wuxuu shegay in heshiiskani uu yahay mid taar iikhi ah, Soomaaliyana ay Shalay yeelatay saaxiib iyo walaal dhab ah, kaas oo meesha ka saarayo in aynu biyaheenna iyo waxa ku jiraba uga baqno argagixiso, burcad badeed, kalluumeysi sharci dar ro ah, sun lagu shubo baddeenna.
Mudane, Xamsa oo ka hadlay ahmiyadda he shiiska u leeyahay dalka iyo dadka Soomaaliy eed ayaa sheegay in heshiiskani uu suurto gelin doono in la tababaro lana qalabeeyo ciidankeenna badda, lagana faa’iideysto dhaqaalaha baluugga ah ee dalka.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xam sa Cabdi Barre ayaa ka mahad celiyay taageerada bini’aadannimo ee ay ugu fidiyeen xilli baahi weyn loo qabay, shacabka Soomaaliyana aysan illaawi doonin abaalka ay u gashay dowladda aynu walaa laha nahay ee Turkiga.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo faah-faahiyay heshiiska ay ansixiyeen labada Aqal ee Baarlam aanka
Madaxweynaha Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in heshiiska uu Shalay ansixiyay Baarlamaanka labadiisa Aqal uu muhiim u yahay difaaca badda iyo sare u qaadidda dhaqaalaha dalka.
Madaxweynaha oo saxaafa dda kula hadlay xarunta madaxto oyada ayaa sheegay in badda Soo maaliya ay ka jiraan xad gudubyo badan oo ay ka mid yihiin kalluume ysi sharci darro ah, in ay isticmaa sho argagixisada, burcad badeeddu ay ka duusho, wasaqdana lagu qubo, balse haatan ay heleen cid ay ku aaminaan.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in heshiiskan uu socon doono 10 sano, muddadaasna la dhisi doono lana qalabayn doono ciidanka badda Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh” Heshiiska aan la galnay dowladda Turkiga waxaa uu soconayaa 10 sano waxaana la dhisayaa ciidanka badda Sooma aliya”.Madaxweynaha JFS mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambayn sheegay in he shii skan uu sidoo kale muhiim u yahay kobcinta dhaq aalaha iyo ka faa’iideysiga kheyraadka baluuga ah.
Dhageysiga Dacwadda Eedeysane Seyd Cali oo bilaabatay &Arrimo Argagax leh oo kasoo kordhay”Hooyo oo holceyso ayaan arkay…”
Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaa liya waxaa Shalay ka bilaabatay dhageysiga dac wadda culus ee loo haysto Sayid Cali Macallin Daa ’uud oo ku eedeysan inuu si arxan darro ah u gub ay xaaskiisii Luul Cabdicasiis. Dhageysiga maxkam adda ayaa waxaa si toos ah loogala socday warb aahinta, maadaama uu kiiskan yahay mid xasaasi ah oo xanuun badan ku reebay dadka Soomaali yeed. Sidoo kale waxaa maxkamadda goobjoog ah aa ehellada labada dhin ac, dadweyne, qareeno iyo xe er ilaalinta guud ee qaranka. Arrimo argagax leh ayaa kasoo kordhay kiiskan, kuwaas oo soo ba xay inta ay socotay maxkama dda, oo la horgeeyay marqaatiyaal ay kamid aha ayeen carruurtii ay dhashay marxuuma dda oo qaarkood waxyeelo ay kasoo gaartay dabka lagu gubay hooyadood. Farxiyo Cabdirisaaq oo ka mid ah carruurta, isla-markaana jirto 10 sano ayaa si dareen leh uga hadashay dilka hooyadeed, wax ayna sheegtay inay aragtay, ayada oo holceyso. "Waxaan arkay hooyo oo banaanka ku holceyso waa naxay, waxaa noo yimid ninkii gubay isaga oo dhac-dhacayo, hooyo inta aysan dhiman waxa ay nagu tiri i cafiya hadii aan dhinto,” ayey tiri Farxiyo oo kamid ah carruurta marxuumad Luul Cabdicasiis Maxamed
Sidoo kale waxa ay hadalkeeda dareenka leh oo dad badan xanuunjiyay sii raacisay "Waxaan arkay hooyo oo qaylineyso marka aan daaqadda soo istaagay.” Waxyaabaha ka cusub kiiskan ee ay maxkama dda soo bandhigtay waxaa kamid ah in Farxiyo ay sheegtay in hooyadeed ay ku jirtay nolol adag oo xitaa ninka gubay uu ka xiran jiray qolkee da jiifka ah, furahana uu isaga qaadan jiray, iyadna ay ku sugi jirtay qol kale.
"Qolka hooyo ee jiifka isaga ayaa xiran jiray ma rka hooyo meel ay dharka isaga bedasho ma hays an qolkeyga ayay sii jiifatay, marka uu imaado ayay tegeysay qolkeeda,” ayey hadalkeeda sii raacisay.
Doodda u dhexeysa qareennada iyo xeer ilaali nta ayaa sii socon doonta, maadaama uu eedeysa naha oo kasoo muuqday maxkamadda ka shee gay inuu dood ka qabo dacwaddan.
Ugu dambeyn guddoomiyaha maxkamadda gobolka Saalax Dabaan oo soo xiray dacwadda ay aa sheegay in la’isugu imaan doono fadhi kale, wu xuuna faray xeer ilaalinta inay soo dhameystiro cad deymahooda, si uusan u daahin kiiskan oo aad isha loogu wada hayo.
Ganacsato reer Finland ah oo maalgashi nooc cusub ah ka bilaabaya Muqdisho
Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa M/ Muqd isho Md.Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Ga nacsato isugu jirta Soomaali iyo kuwo u dhashay dalka Finland oo Magaalada Muqdisho u yimid sidii ay maalgashi u sameyn lahaayeen.
Kulankan oo uu goob joog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka G/ Banaadir Md.Maxamed Ax med Diiriye (Yabo oh) ay aa ugu horeyn waxaa war bixin laga dhageys tay Ganacsade Cabdi Cabdulle Cisman oo wafdig aan hogaaminayay, isaga oo she egay in ay Muqdi sho u imaadeen sidii ay u sameyn lahaayeen maal geshi ku aadan sifeynta was aqowga bulaacadaha.
Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa M/Muqd isho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in Maamulka Gobolka uu soo dhaw eynayo Maalgeshiga Caasimadda, isla markaana uu taageerayo wax kasta oo waxtar u leh bulshada iyo soo celinta bilicda Magaalada Muqdisho.
Wasiir Faarax C/dir "Macalimiinta dowladda u shaqeeya sanadka 2025 waxay noq on doonaan 10-kun oo macallin”
Wasiirka wasaaradda waxbarashada dowladda FS mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa she egay in xukuumadda Danqaran oo ahmiyad we yn siinaysa horumarinta waxbarashada dalka ay kor dhinayso macalimiinta wax ka dhiga iskuulada dalka, si loo balaariyo adeegga waxbar ash ada aas aasiga ah.
Waxa uu sheegay in bisha March ee sanadkan dowladdu ay qaadanayso 3-kun oo macalin oo cusub, kuwaas oo dalka oo dhan loo qeybin doono, islamarkaana 2025-ta macalimi inta dowladda u shaqeeya la gaarsiindoono ilaa 10-kun oo macalin.
Tallaabadan ayuu sheegay inay qayb ka tahay go’aan ay dowladdu ku qaadatay horumarinta waxb arashada dalka, iyadoo la kordhiyey miisaaniyadda dowladdu ku bixiso waxbarashada, lana gaarsiiyey 10%, halka ay markii hore aheyd 3%. Wasiir Faarax Cabdulqaadir ayaa sheegay in horumarinta waxba rashadu ay fursad weyn u abuurayso dalka, islam
arkaana ay qayb ka qaadanayso yareynta faqriga.
Wasiirka shaqada oo la kulmay safiirka Sucuudiga
Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md. Dr. Maxamed Cilmi ibraahim ayaa Shalay kul an la qaatay Safiirka Sacuudiga u fadhiya Soomaa liya, Ambassador Maxamed Bin Axmed Al Muw allad.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xariirk a iyo iskaashiga labada dal ee xubnaha ka wada ah Jaa macadda Carabta, iyo sidii sare loogu qaadi lahaa dhinacyada Shaqada iyo Arr imaha Bulshada.
Soomaaliya oo heshay taageero ku aaddan Xub innimada aan joogtada ahayn ee Golaha Amm aanka
Soomaaliya ayaa heshay taageero ku aaddan in loo magacaabay xubinta kursiga aan joogtada ahe yn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ,kaas oo mudadiisu noqon doonto 2025 ilaa 2026.
Taageerada Soomaaliya ee loo fidiyay waxay ka tarjumaysaa kalsoonida lagu qabo horumarka dalka iyo awoodda ay si firfircoon uga qayb qaadan karto doodaha ku saabsan nabadda iyo amniga,gaar aha an gobolka Geeska Afrika oo la daalaa dhacaya wa laacyo amni oo adag.
Ansixinta xubinta aan joogtada aheyn ee Soom aaliya waxay guul u tahay umadda Soomaa liye ed,iyadoo sidoo kale guul u ah ummadaha kale ee ku dad aalaya inay ka gudbaan colaad da una gud baan nabadda.
Labada sano ee soo socota waxay muhiim u noq on doonaan Soomaaliya si ay u muu jiso horumark eeda iyo hoggaaminteeda, iya doo ma sraxa addu unka laga yaabo inay dib u qaa bayn karto hal-abu urka iyo doorka caalamiga ah ee sannadaha.
Soomaaliya ayaa isku diyaarinaysa doorkeeda ku aadan Golaha Ammaanka ,iyadoo beesha caala mku si weyn u sugayaan wax-qabadka dowladda oo horay loo tijaabiyay sida la dagaalanka argagixi s ada, budhcad-badeedda iyo dib-u-heshiisiinta siya asadeed ee dalka.
Haddii Soomaaliya loo doorto kursiga aan joogt ada aheyn ee Golaha Ammaanka waxay diyaar u tahay in inta lagu guda jiro wadatashiyada ay soo bandhigto aragtiyo ku saabsan xallinta khilaafaa dka, dadaallada nabad ilaalinta iyo wax ka qabash ada baahiyaha gobollada ay saameeyeen iskahori maadyadu.
Soomaaliya waxay wajahday caqabado ku gud banaa wadadii ay ku gaari lahayd guushan oo ay ka mid yihiin colaado daba dheeraaday iyo xasi llo oni darro. Si kastaba ha ahaatee horumaradii ugu dambeeyay ee dhanka maamulka, amniga iyo diblu maasiyadda ayaa Soomaaliya ka dhigaya mid lagu aamini karo howl kasta.
SIDDEED FAA’IIDO WEYN OO KU JIRA HESHIISKA DIFAAC EE SOOMAALIYA IYO TURKIGA
Dowladda Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo deg deg ah oo biyaheeda kaga difaacaneyso duulla
anka Ethiopia. Maadaama aanay Soomaaliya had da haysan ciidan baddeed xoog leh, waxay Muqdi sho gacm aha u dhiibatay Ankara, waxayna Turk iga la gashay heshiis ay kula wareegayaan amniga baddaha Soomaaliya.
Heshiisku waa 10 sano, waxaana soo koob eyna siddeed faa’iido oo ku jirta heshiiska oo Shalay la mariyay Golaha Wasiiradda, kadibna uu madaxwe yne Xasan Sheekh u saxiixay baarlamaankan lab adiisa Aqal. Hadal jeedinta madaxweynaha ayaa loo diiday warbaahinta, waxaana khudbadda ma daxweynaha kadib heshiiska sharaxay wasiirka gaa shaandhiga Jaamac, iyada oo sidoo kalena saxaaf adda loo oga alanin sharaxaadda wasiirka.
Labada Aqal ayaa madaxweynaha ka codsaday in isla Shalayba la ansixiyo heshiiska, waxayna dur ba u coddeeyeen xildhibaannada in heshiiskaasi an sax yahay si gacan taag ah.
Faa’iidooyinka ku jira heshiiskan waxaa kamid ah;
1. Laga bilaabo Shalay biyaha Soomaaliya waxaa difaacaya Turkiga, si lamid ah biyihiisa.
2. Heshiiskan waa toban sanno, waana waqti yar oo Soomaaliya ku dhisan karto ciidan baddeed xoog leh.
3. Turkiga maraakiibtooda dagaalka waxay gaaf-wareegi doonaan biyaha Soomaaliya, sidaas darte ed dayacaadii hore waa dhamaatay.
4. Turkigu waxay kale oo badda Soomaaliya ka ilaalilanayaan kalluumeysiga sharci darrada ah oo waqti dheer soo taagna, kaasi oo si joogta ah loogu dhaco kalluunka iyo qeyraadka kale ee ku jira ba daha Soomaaliya.
5. Faa’iidada dhaqaalaha buluuga ah iyo qeyra adka ceegaaga biyaha Soomaaliya waxay Turkiga ku yeelan doonaan saami, kaasi oo ku dhisan in la kordhiyo dhaqaalaha ka imanaya baddaha Sooma aliya.
6. Muddadaas tobanka sano ah waxaa heshiis ka ku jirta in Turkiga uu dhisaan ciidanka badda ee Soomaaliya ayna qalabeeyaan, taasi oo faa’iido weyn u ah Soomaaliya.
7. Soomaaliya ayaa hadda baddeeda uga cabsa neyn argagixisada, budhcad-badeed, in sunta lagu shubo, kalluumeysi sharci-darro ah iyo cadow dibad da ah.
8. Wax soo saarka baddaha Soomaaliya ayaa lii tay muddo fog. Heshiiska Shalay la mariyay baarl amaanka Soomaaliya ee Turkiga iyo Soomaaliya ayaa waxaa ku jirta in wax soo saarka la kordhiyo, iyada oo sidoo kalena ay heshiiska ku jiraan dhis maha dekeddo.
Heshiiskan tobanka sano ah ee ay kala saxiixd een labada wadan ee Turkiga iyo Soomaa liya ee la xiriira difaaca baddaha Soomaaliya iyo sare u qa adidda dakhliga ka yimaada biyaha Soomaaliya a yaa waxaa Shalay aroortii ansixiyay Golaha Wasiirr ada, waxaana Shalay duhurkii ansixiyay Xildhibaa nnada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.
Turkiga ayey madaxda sare ee dowladda feder aalka Soomaaliya ku sifeeyeen walaal gaar ah oo waqtiyada adag garab istaagga Soomaaliya, ayaga oo sheegay in Soomaalida aysan hilmaami doonin abaalka Turkiga.Xigasho:-Caasimadda.net
Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in isfah amka Itoobiya uu fulayo oo aan la hor istaagi karin
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa si adag u sheegay in heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, uu fuli doono, isla markaana anay Sooma aliya hor istaagi karin. Madaxweynuhu waxa uu dow lada Soomaaliya ku eedeey ay in ay caddaysatay in ay aam insa ntahay in Somaliland anay wax jira ahayn, isla markaana ay tahay gobol kamid ah Sooma aliya.
"Qoladii Soomaaliya waxay soo caddaysatay in ay tidhaa wax Somaliland la yidhaa ma jiro, waa go bolo annaga ah oo waxna ma goosan karaan mana talin karaan, waa markii ugu horaysay ee uu soo boxo wajiga runta ah ee Soomaaliya" ayuu yidhi Madaxweyne Biixi. Madaxweynuhu waxa uu si ga ar ah u eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xas an Sheekh Maxamuud oo uu sheegay in uu si gaar ah ugu xadgudbay Somaliland, waxa uuna ku eed eeyay Madaxweyne Xasan in uu kali ah rabo in uu heshiiska saxeexo.
"Naftii hafar ha noqoniin, wax anaad yeeli kara ynin marwalba ha sheegin, waxaad leedahay Som aliland badeeda anaa xukuma, hadii aad xuku nto miyaad timaadid, go'aankan iyo is-fahamkani wuu fulaya" ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in adduunku uu dano iswaydaarsanayo oo aanay cidina cid faro madhan waxba siinayn, isla markaana ay Somalil and iyo Itoobiya ku heshiiyeen in ay danahooda mideeyaan si mid waliba uu dantiisa u gaadho, isla markaana ay Itoobiya diyaar la tahay aqoonsiga Somaliland.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isaguna dhan kiisa sheegay in anay ogolayn in isfahamka loo bad alo heshiis rasmi ah, isaga oo sheegay in Itoobiya ay rabto in ay qaadato dhul Soomaaliyeed.
K/Galbeed oo bilaawday abaabulka waji ga 2aad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab
Masuuliyiin uu hoggaaminaayo Wasiirka Wasaa radda Amniga maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhaqdhaqaaqo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka bilaabay deegaano ka tirsan Koonfur Galbeed.
Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Xasan Cabd uqaadir Maxamed iyo masuuliyiin kale ayaa gaaray deegaano dhaca xad ka ay wadaagaan Ito obiya iyo Soomaa liya ee ku yaala gobolka Bakool.
Masuuliyiinta amniga ee maa mul goboleedka Koo nfur Galb eed ayaa halkaasi ka wada qorshe ay sheegeen in lagu billaabayo wajiga labaad ee daga alka ka dhan ka ah Ururka Al-Shabaab oo dhawaan ka billaaban doona deegaanada Koonfur Galbeed.
"Deegaanadaan dhaca xad ay wadaan Soom aaliya iyo itoobiya ee ku yaala Bakool, waxa an u imaanay dardar galinta wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab oo ka bilaabanaya dhawa an Koonfur Galbeed, maadama roobabkii wadooyin ka dhiiqada ka dhigay ay hakad galeen oo wadooyi nkana ay furan yihiin" ayuu yiri Wasiir Xasan Cabdu qaadir.
Wasiirka iyo masuuliyiinta la socota ayaa kula mo lagu dardar galinayo howlgalka wajiga labaad la qaatay qeybaha kala duwan ee shacabka ku dhaq an deegaanada Yeed, Aato, Washaaq iyo deega ano kale. Abaabulka Wasiirka amniga uu haatan ka wado deegaanada ku yaala gobolka Bakool ay aa kusoo beegmaya, iyadoo Al-shabaab mararka qaar haatan weeraro culus ku qaadaan saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin gobolada Bakool iyo Baay.
Waa Maxay Heshiiska ay wada gaareen Dalalka Soomaaliya & Uganda?
Wasiirka gaashaandhigga iyo Arrimaha Halye ey ada ee Uganda, Vincent B. Ssempijja, ayaa gaar ay magaalada Muqdisho iyadoo halkaas kulan kula ye eshay dhigiisa Somaaliya.
Sida uu qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ku sheegay Wasiirka gaashan dhiga ee Soomaaliya Cabd iqaadir Maxamed Nuur, 2da dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xirirka labada dowladood ee arrimaha difaaca.2da wasiir difaac ee Soomaaaliya iyo Uga nda ayaa qalinka ku duuga saxiixa dhame estirka Is af garad ee heshiisyo hore oo difaac iyo iskaashi Milatari oo u dhaxeeyey labada dal
Wadanka Uganda ayaa ka mid tahay dalalka
ciidamadu ka joogaan Soomaaliya kuwaas oo ka mid ah howlgalka ATMIS.
R/W Rooble oo ka hadlay heshiiska badda ee Somalia iyo Turkiga, farriina u diray…
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxa med Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyey heshiis kii ay Shalay ansixiyeen golayaasha dastuuriga ah ee dowladda Soomaaliya, wuxuuna farriin u diray siyaasiyiinta mucaaradka ah.
Rooble ayaa qoraal uu soo sa aray wuxuu ku sheegay in heshii skaan uu yahay mid dhaxal-gal ah oo aad loogu baahnaa, qof ka stana uu fahmi karo muhiimadda uu leeyahay.
"Waxaan halkan uga hambalyeynayaa shacab ka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan heshii ska Shalay la ansixiyay ee Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga.
Waa heshiis dhaxal gal ah oo uu fahmi karo qofka kasta oo wax-garad ah,” ayuu yiri R/Wasaare Rooble.
Wuxuu intaas ku sii daray in Turkigu uu yahay walaal soo jireen ah oo Soomaaliya ay leedahay, isagoo xusuusiyey qarniyo ka hor taariikh soo jirtay.
"Walaalaheen Turkiga maaha markii ugu hore eysay oo ay iskaashi iyo garab istaag la yeeshaan Soomaaliya dhaqaale ahaan, bulsho ahaan iyo difaac ahaanba, haddaad taariikhda dib u akhrisid Qarnigii 16aad (1540) ayay Turkida difaacoodu u soo gurmadeen Soomaaliya,” ayuu yiri Maxamed Xuseen Rooble.
Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa baaq u diray siya asiyiinta mucaaradka ah, wuxuu kula taliyey in wax kasta oo kala aragti duwanaasho ah meel la iska dhigo oo loo soo jeesto dhismaha dowladnimada Soomaaliya.
"Siyaasiyiinta Soomaaliyeed waxaan ugu baaqa yaa in meel la iska dhigo kala duwanaanta siyaas adeed oo aan u soo jeesanno Midnimada iyo Difaa ca Dalkeenna si ay ubadkeennu berri ugu noola adaan Sharaf iyo Xornimo,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Rooble.
Ugu dambeyntii Maxamed Xuseen Rooble wuxuu u mahadceliyey masuuliyiintii ka soo shaqeysay arrintaan, isagoo yiri, "Way mahadsan yihiin dha mmaan madaxda Soomaaliyeed ee ka shaqeysay heshiiskan Taariikhiga ah.”
Maxkamadda Hargeysa oo xukun ku riday haween xad-gudub diimeed iyo dhaqan-xumo ku kacay
Maxkamadda degmada Hargaysa ee maamulka Somaliland ayaa Shalay saddex sannadood oo xarig ah ku xukuntay haweenay lagu eedeeyay in ay u gaftay diinta Islaam aflagaadana u geesatay Ilaahey.
Haweeneydan oo lagu ma gacaabo Huda Cawa ale Xirsi ayaa dhawaan waxaa gacanta kusoo dhig ay ciidamada booli iska maamulka Somaliland, wa xa ayna booliiska baaris ka dib u gudbiyeen maxk a madda Hargeysa oo Shalay xukun ku riday hawe eneydan. Maxkamadda degmada Hargeysa ayaa sidoo kale min sannad iyo lix bilood oo xarig ah ku xukun tay laba dumara oo iyana lagu eedeeyay in ay la so cdeen Huda ayna ku kaceen falal dhaqan-xumo la xariira.
Deegaannada maamulka Somaliland waxaa mu ddooyinkan dambe ku soo badanaya dhallinyarada ku kacaya falalka dhaqan-xumada la xariira sidoo kale u gafaya diinteena suuban ee Islaamka.
BULSHADA ISLAAMKA OO BILLAABEEN U DIY AAR GAROWGA BISHA RAMADAN.
Xili wali haatan lagu guda jiro Bisha Shacban ee Hijriyadda sanadka 1445 ka ayaa aad waxa loo ga daremayaa Dalalka Caalamka Gaar ahaan kuwa ay ku nool yihiin Bulsh ada Islaamka ah u diyaar garoow Xooggan ee soo dhaweynta iyo u tabaa busheysiga Bilashada Bisha la filaayo hadduu alle idmo inay bilato 11-ka March 2024-ka Haddba Um maada Soomaaliyeed oo ka mid ah Bulshoo yinka Muslimiinta gaara ahaan kuwa 100% lagu Tiriyo inay yihiin Muslimiinta Qaaliska ah oo si weyn ugu diyaarga roobayaan sidii ay ku qaabili lahaayeen B isha Xurmada iyo Qaddarinta leh ee Bisha Barke ysanee Ramadaan.
Sidii ay xagga ka qeyb qaadashada Baraarujinta Bulshada ee Muxaadarooyin ka bilaa banaya Ma sjidada, Tartamo Diini ah oo ka Bilaabanayo Dugsi yadaiyo Warbaahinta, Nadaafadeynta Goobaha Ci baadada sigaar ah Wax yaabaha looga diyaargaroo bayo ayaa ka mid ah
Dhinaca kale inay adeegyada Ganacsi ee laga ma maarmaanka ah sida Maacuunta, Makiinadaha Farsmada Cunnooyinka Cabitaanada iyo macmaca anka sida Timirta & Agab ka Mac-macaanka ,iyo Su jaayadaha Salliyada,Dharka Ragga Qamiiska, Cim aam adaha, Koofiyada, Tusbiixda & Dharka Duma rka ee Asturan Intaa iyo in ka badanba waa in Qo ska lagu soo kordhiyo Maadaama Bisha soo soc oto ay tah ay Bil xurmo leh oo alle looga dhawaa nayo gudashadeeda waajib nagu tahay
Haddaba Maadaama ay tahay Bisha kulan sa tay 3da Darjo ee ah 10-ka hore waa Raxmad,10-ka dhexe oo ah denbi dhaaf iyo 10-ka dambe ee ah xoreynta waxaana ku jira habeen leylatul qa driga, taasoo si weyn ay u tahay in loo soo jeedo si alle inoo waaf ajiyo
Haddaba waxaa Waajib nagu ah haddii alle id mo inaan la imaano weyneynteeda iyo gudasha de eda si alle inoo waafajiyo qeyrka ay leedahay Bisha Ramadaan insha allah
Guubaabo:- Sidoo kale maadama aanu nahay dad Muslim ah haddaan soomaali nahay gaar ah aan waxaa waajib inagu ah inaan qorshaha ku dar ano hadaan heli karnoinaan taageerno walaalahe ena Fuqurada ah ee Masaakiinta si ay iyana u hel aan Afurin, iyadoo Qoys kastaaba uu il gaar ah ku eego Deriskiisa ee Fuqurada ah inuu Afuriyo Alle hana waafajiyee
W/D:- XAMDI CUMAR XASAN
QM iyo Dowlada oo qiimeyn ku sameynaya saamayntii ka dhalatay roobabka El-nino
Dowlada Faderaalka Soomaaliya iyo Hay’ada Qaramada Midoobe ayaa isla gartay in qiimeyn la gu sameeyo saamayntii ka dhalatay roobabka El-nino ee dhammaadkii sanadkii tagay.
Go’aankaan waxaa looga dhawaaqay kulan ay Shalay yeesheen Gudoomiyaha Hay’ada Maareyn ta Masiibooyinka SoomaaliyaMaxamuud Macalin Cabdulle iyo masuuliyiin ka tirsan Qaramada Mido obe oo uu hogaaminayay ergayga gaarka ah ee Soomaaliya u qaablisan Qaramada Midoobay ahna madaxa isku duwidda xafiiska arrimaha bini’aadinn imo.
Sidoo kale waxa shirka goob-joog ka ahaa mad ax ka socotay Wasaaradda Qorsheynta iyo Horum arinta Maalgashiga Xukuumada Somalia iyo Hay’ ado caalami ah sida Bangiga aduunka iyo Mido wga Yurub.
Shirka Shalay waxaa sidoo kale ay labada dhin ac isku afgarteen in ku dhawaad 75 qof loo tababari do ono diyaarinta iyo soo bandhigidda saamaynta ka dhalatay xaaladda El-nino.
HAMBALYO DHALASHO
FARXAD LEH
ABBE Muxumud dhagaweyne, HOOYO Seynab Maxamuud Cali , Adeer Bashiir Muxumud Dhaga weyne Adeer Cumar Mux umud Dhagaweyne Ade er Ibaraahim Muxum ud Dhagaweyne ,Eddo Xaa wo Muxumud Dhagaweyne, Eeddo Binti Mux umud Dhagaweyne, Abba ayo Mary an Cabbaas Muxumud Dhaga weyne, Abbaayo Axl aan Cab baas Muxumud Dhagaweyne, Abbaayo Mu stalifo Cabbaas Muxumud Dha gaweyne
Sidoo kale Asxaabt kala ah :- Faadumo Maxamad Xuseen, Fartuun ,Xabiibo, Aayo luuley Aadan, Sacdiyo, Aayo Sahro, Luuleey Katiitow,Nasro, Farxiio ismaan,dhammaan dadkaas in waxaay hambalyo farxad leh u dirayaan Farx ad leh u Dira yaanCabbaas Muxumud Dhagaweyne iyo Xann aan Cismaan oo Wiil ugu dhashay Muq disho13 -ka Febaraayo 2024-ka Habeenka Isniinta Saacaddu markii ay aheyd 9:-40 Daqiiqo {HalSaac iyo Afartan Daqiiqo} Wiilkaas oo looga Magac-daray :-MUNASAR CABBAAS MUXUMUD DHAGAWEYNE
waxayna alle ugu barayayaan inuu Alle ka dhigo kii soo bar-aara oo Dadkiisa,Diintiisa & Dalkiisaba Anfaca Aamiin Aamiin Aamiin
HAMBALYO DHALSHO FARXAD LEH
Abbe Dr.Cismaan Axmed Jimcale,Hooyo Safiyo Xuseen MaxamuudAdeer Muxuddiin Axmed Jimcaale {Tusbax},Habaryar Sah ro Xuseen Max amuud {Sahru uni} Aboowe. Maxamed Cisma an Axmed iyo Xaa skiisa, Aboo we. Qaalad Cismaan Axm ed Jim caale iyo Xaasiiska iyo Carruurti isa Aboowe. Munsar Cismaan Axmed jim caale, Aboowe. Maahir Cismaan Axmed Jimcaale Aboo we .Ayu ub Cismaan Axmed Jimc aale,Abbaayo Wardo Cismaan Axmed Jimcale iyo Gabadheeda ,Abbaayo Muna Cism aan Axmed Jimcaale, Abba ayo Cabbiir Cis maan Axmed Jimcaale, Zakariye Yare, Adeer Muxu ddiin Axmed Jimcaale {Tusbax} ,Eddo Salaado Ax med Jimcaale iyo Carruuteeda, Eeddo Madiina Axmed Jimcaale, iyo Caruurteeda Eddo Xabiibo Axmed Jimcaale, Eddo Maryan Ax med Jimcaale, Eddo Safiyo Axmed Jimcaale , Eed doMadiino Xasan Jim caale ,Eeddo Xabiibo Xasan Cumar iyo Carruu teeda ,Maxamed Xasan Xuseen {Anaale} Xaaski isa iyo Carruurtiisa Qadro C/laahi Cali Hagareey iyo Carruurteda, ,Xamdi Cumar xa san, Raxmo Maxamed Maxam uud {La-jecel} Fax iyo C/caiis C/laahi {Iyaacaddeey} ,Naasir Cali Cu mar iyo Xaaskiisa iyo Carruurtiisa Najiib Cali Cumar iyo Xaasiiska iyo Carruurtiisa ,Nuradiin Cali Cumar Xaaskiisa iyo Carruutiisa, Nuu rto Cali Cumar iyo Carruurteeda, Cabdi Cali Xasan {Yuubane} ,Shiino Axmed Rooble iyo Carruutooda ,Nimco Cali Cuamr iyo Carruurte eda. Nasro Cali Cumar iyo Carruu teeda, Macaallin Xasan ,Nuur Maxamed Cal i{N. Qamdi} Maxmed Xuseen Axmed {Suufi} Maxmuud Axmed Xasan {Xuursh eiyo ,Cab beey Jiinte dha mmaan dadkaasi waxay Habyo Dhal asho Farxad leh u Dirayaan Cabbaas Muxumud Dhagaweyne iyo Xannaan Cismaan oo Wiil ugu dhashay M/Mu qdisho 13 -ka Fe baraayo 2024-ka Habeenka Isniin ta Saacaddu mar kii ay aheyd 19:-40 Daqiiqo {Hal Saac iyo Afartan Daqiiqo} Wiilkaas oo looga Magac-daray MUNASAR CABBAAS MUXUMUD DHAGAWEYNE
waxayna alle ugu barayayaan inuu alle ka dhigo kii soo barbaara oo Dadkiisa,Diintiisa & Dalkiisaba Anfaca Aamiin Aamiin Aamiin
DAYAX GACMEED LA FILAYO INUU DHULKA KU SOO DHACO
ERS-2 wuxuu ahaa qalab aad casri u ah markii la bi laabay 1995, kaasoo tiknoloojiyada uu isticm aalo ay ahayd mid hadda si joogto ah loo isticmaalo si loola socdo meeraha. Si tartiib ah ayuu dayax gacm eedkaas hoos ugu soo dhacayay tan iyo markii la soo afjaray shaqadiisa 2011, waxaana la filayaa in Shalay uu soo galo koonka.
Wakaaladda hawada sare ee Yurub (Esa) ay aa sheegtay in inta ba dan dayax gacmeedka labada tan ah uu ku guban doono hawada inta uusan dhul ka ku dhicin. Waa suurtogal in qaybo kale oo adag ay u adkeysan kar aan kulaylka xooggan ee ka dha sha xawaaraha sare, laakiin fursadaha jajabyadani ay ku soo gaari karaan meelaha dadku ku badan yahay oo ay waxyeello u geysan karaan ayaa ah kuwo yar.
Waxay ku soo dhici karaan meel kasta oo addu unka ka mid ah, laakiin maadaama inta badan ooga da dhulka ay qariyeen bado, wixii haraaga ah ee ka badbaada dusha sare waxay u badan tahay inay ku dhacaan badda Markii la samaynayey
"Waxaa mudan in la iftiimiyo in mid ka mid ah walx aha laga yaabo in ay dib u soo galaan koonka aysan ahayn shucaac ama sun," ayuu yiri Mirko Alb ani oo ka socda Waaxda koonkan ee hay’adda Yur ub u qaa bilsan hawada sare. Wakaaladdu waxay sagaash amaadkii soo saartay laba dayax-gacmeed oo aad isugu eg ,(ERS). Waxay ahaayeen kuwii xill igaas u gu casrisanaa, waxayna awood u lahaayee ninay la socdaan isbeddelada dhulka, badaha iyo hawada.
Waxay la socdeen daadadka, waxayna qiyaas ku samaynayeen heerkulka qaaradaha iyo dusha sare ee badda. ERS-2 wuxu si gaar ah awood ugu lahaa inuu qiyaaso dahaarka koonka ku gadaaman ee Ozone layer. ERS-2 ayaa markii hore la dhigay meel dhulka ka sarraysa 780 Km, injineerradana waxay istucmaaleen shidaalkii ugu dambeeyey 2011, ayagoo hoos u soo dhigay 570Km. Waxaa la fila yey in atmosfeerka sare uu hoos u soo jiidi doo no muddo 15 sano ah ilaa ay ka burburaan.
Wuxuu qiyaasi karaa heerkulka dunida
Waxaa adag in la sii saad aaliyo goorta iyo meesha uu ku soo dhacayo. In badan waxay ku xiran yihiin cufna anta atmosfeerka sare, taana waxaa saamayn ku leh dhaqdhaqaaqa qorraxda. Laakin waxay culim adu sheegayaan in dib u soo gelidda dayax gacme edka ay u dhaxayso 82 darajo oo waqooyi iyo koo fur ah. Khubarada baaritaanka burburka u qaabil san ESA waxay qiyaasayaan in inta badan burb urka ERS-2 dusha sare ee koonka ay muddo ku nagaan doonaan. Burburka saamaynta ku yeelan doona koonka waxaa ku jira qalabka ku rakiban gudaha dayax gacmeedka, qaybaha biraha ka sam aysan qaarkood, iyo taangiyada cadaadiska. Waxaa kale oo iyagana muddo badbaadi kara anteenada iyo qalabka radarka, ayadoo radarku ka samaysan yahay qalab ka samaysan maadada Carbon-Fibre, taasoo u adkaysan karta atmosferka ku gadaaman dunida.
Todobaadkii hore ayaa Secure World Founda tion oo ah koox u ololaysa isticmaalaka waara ee hawada sare iyo LeoLabs oo ah shirkad Maraykan ah oo la socota qashinka hawada sare looga soo tago waxay soo saareen qoraal ay kaga hadlayaan baahid aloo qabo in si wanaagsan loo qubo qala bka hawada sare looga soo tago.
"waxay sheegeen in "sii badashada qalabka looga soo tago hawada sare ee aan dhulka ka foge yn uu weli yahay mid aysan waxba iska beddelin, 28% qalabka aan weli burburin ayaa hawada sare looga soo tagayey tan iyo billowgii qarnigan”
XIGASHO:-BBC
Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo Qaar ka mid ah Shabaabkii sanado ka hor weeraray Itoobiya oo xukun adag lagu riday
laba sano ka hor lagu qabtay dagaal ay ku qaadeen dawlad deegaa nka Soomaalida ee Itoobiya ayaa lagu xukumay xa bsi u dhaxeeya labo sano ilaa iyo xabsi daa’in ah.
Xukunka xabsiga ah ayaa lagu riday 41 xubno od oo ka tirsan Al-Shabaab oo lagu eedeeyay inay dileen 265 qof, halka dhaawacana lagu eedee yay in ay gaarsiyeen 323 xubnood oo ka tirsanaa ciida mada gaarka ah ee dowlad deegaanka Soomaalida iyo dad kale oo shacab ahaa oo ay six un u dhawaacen, sida ay sheegtay dawladda Itoobiya.
Sida laga soo xigtay dawladda Itoobiya, xubn aha la maxkamadeeyay ee Shabaabka ah ayaa waxaa ku jira hugaamiyeyaal.
41-da qof ee lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab oo fadhigoodu yahay Soomaali ya, ayaa dawladdu sheegtay in ay weerar ku soo qaadeen degmooyinka ka tirsan dawlad deegaanka oo ay ka mid yihiin kuwa hoostaga gobolada Afdheer iyo Shabeelle, sanadkii 2022 kii.
Weerarkan ayaa sida ay sheegtay dawladda Ito obiya waxaa ku dhintay 265-qof oo muwaadiniin u dhashay dalkeeda ah, waxaana sidoo kale lagu dha awacay 323-qof oo isugu jira dad aan waxba gala bsan iyo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee gobolka iyo ciidamo deegaanka ah oo dagaalka ka qayb galay, sida ay sheegytay xeer-ilaalinta Itoo biya.
Weerarkan ayaa waxaa ku dhintay 265-qof oo shacab ah, waxaana sidoo kale lagu dhaawacay 323-qof oo isugu jira dad aan waxba Shalaysan iyo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee gobolka iyo maleeshiyaad, sida uu sheegay dacwadda xeer-ilaalinta.
Xeer ilaalinta Itoobiya ayaa waxay intaas ku dar tay in ragga la maxkamadeeyay ay burburiyeen ha nti qiimaheedu dhan yahay 13 milyan iyo 550 birr, kuwaasoo isugu jiray lix dugsiyo dadweyne, kaaba yaasha dhaqaalaha, hanti shaqsiyeed iyo gaadiid oo ku yaallay degmooyinka uu weerarku ka dhacay.
Xeer-ilaaliyaha ayaa sidoo kale ku eedeeyay in raggaan ay xadeen laba baabuur, 470 neef oo ari ah iyo 119 neef oo geel ah. Sida lagu sheegay dacwadda raggaan ayaa sannadkii 2012-kii intooda badan billaabay ka mid noqdashada ururka Al-shabaab ee Soomaaliya, kuwaasoo xiriir la leh Al-Qaacida, dunidana looga aqoonsan yahay urur argagixiso.
Dawladdu waxay sheegtay in ay ka war heshay in ragaan loo soo diray in ay argagax galiyaan dee gano ay ka mid yihiin, degmooyinka Bareey, Godi good, Kohle, Xardur iyo Hargeele oo ka tirsan Ism aamulka Soomaalida iyo sidoo kale deegaano ay kami dyihiin Cadaadleey, Mustaxiil iyo Feerfeer oo ku yaalla aagga Shebeele.
Booliska Federaalka ayaa sheegay in 41-ka qof ee liiskan lagu soo oogay aysan difaaci karin eedey maha loo soo jeediyay iyaga oo ku dhawaaqay in la gu xukumay labo sano oo xarig ah ilaa iyo xabsi daa’in.
Eedeysanayaasha ayaa tiradooda lagu sheegay 41 Eedeysane oo ay ku jiraan Taliyihii 1-aad ee Al-shabaab, Xuseyn Axmed oo loo yaqaan (Hussein Gaab), Taliyaha 2-aad ee Al-shabaab, Ibraahim Jib riil Ibraahim,Xoosh Aadan Ibraahim, & Cali Bashiir.
Wasaaradda Cadaaladda, Agaasinka Guud ee Dambiyada Abaabulan iyo Xuduudaha, Xeer Ilaaliy aha Guud ee Qaranka Itoobiya ayaa goobta dhag eysiga dacwadda keenay liiska magacyada 57 mar qaati ah ah iyo 396 bog oo cadeymo dukumeenti ah oo ka dhan ah eedeysanayaasha.
Qodob ka xiga ee lagu eedeeyay ragaan ayaa noqday inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab oo lagu tilmaamay Argagixiso heer caalami ah.
Laban nin oo lagu kala magacaabo Xuseyn Ga ab & Ibraahim Jibriil oo dawladda Itoobiya she g tay in ay hugaaminayeen ciidanka ayaa lagu xukumay Xabsi daa’in. Maxkamada ayaa go’aamisay in 37 eedaysane oo kale lagu xukumo xabsi u dhaxeeya 7 ilaa 12 sano.
Si kastaba ha ahaatee, maxkamaddu waxay go’ aamisay in laba eedaysane oo lagu kala tilmaamay lambar 15 jir iyo 21 waxa ay ku xukuntay 2 sano oo xabsi ah, maadaama dambigooda oo uu ahaa oo keliya inay ka tirsan yihiin kooxda.
Al-Shabaab ayaa sanadkii 2022 kii waxay weerar aan kala joogsi lahayn ku ekeysay deegaano ku yaalla xadka u dhaxeeya Soomalaiya iyo Itoobiya, iyada oo arkii dambe gudaha u gahsya deegaana da Dawlad Deegaanka SOomaalida, halkaas oo ma rkii dambe looga qabtay xubno badan oo kamid ah ciidankooda.Xigasho” BBC
Taliyaha Ciidamada Badda Somalia oo dhigiisa India kala hadlay iskaashiga dhanka Amniga
Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed Admiral Eng Cabdi Warsame Isma an ayaa gaaray dalka Inida ha
lkaasoo lagu casuu may inuu shir kaga qeybgalo.
Admiral Eng Cabdi Warsame Ismaan wuxuu Shalay ka qey bgalay Shirweeynaha Milano 2024 kaasi oo ay ka qeybgaleen in ka badan 50 Doowlad ood. Admiral Cabdi Warsame Ismaan ayaa la ku lmay dhigiisa dalka Hindiya oo ay kawada hadleen iskaashiga Ciidamadda Badda Soomaaliya iyo Hindiya wada shaqeeyntooda.
Taliyaha arinta uu kala hadlay dhigiisa India ee iskaashiga dhanka amniga ayaa ku soo aadeysa xili Shalay Baarlamaanka iyo wasiirada Soomaal iyeed ay ansixiyeen heshiis dhanka amniga oo dhex maray Dowlada Turkey iyo Somalia.
Heshiiskaan ayaa dhigaya in guud ahaan badda Somalia ay difacayso Dowlada Turkiga mudo 10 sa no ah, mudadaasna ay ku diyaarineyso ciidamo ba deed xoog leh oo Somalia ay kaga maaranto kuwa shisheeye si ay xeebahooda u ilaashtaan.
SIDA DALKAN HADDA UUN SOO SAARAY SHIDAALKA UU KU NOQDAY MAALIN TAAJIR NOLOSHA DADKIISU NA ISUBEDESHAY
Dhisme ka socda caasimadda Guyana ee Goergetown Qoraalka sawi rka, Qulqulka kheyraadkan qiyaas la’aanta ahi waxuu keenay in wadanku noqdo faga are dhisme oo adduunka ah. Shiv iyo walaalaha Hemant, waxay ahayeen 19 sa no jir iyo 16 sanno jir markay Guyana ka tageen aadeenna Canada 1982dii.
Markaas waxay ka tageen midka mida wadamada uga faqiirsan adduunka, iya goo talaabo raacaya kumanaan dhallinyaro ah oo nolol wanaagsan raadinaya.
Waqooyiga Ameerika, waxay taageereen qoysaskooda door muhiim ahna ka ciyaareen noloshooda waxayna sameeyeen xirfad ayku ganacsadaan dhismaha guryaha iyo qaybta maalgelinta. Sanadkii 2021, oo ku beegan markii ay 39 san no ka hor ka tageen Guyana isla jidkii ayay dib usoo qaaden iyagoo guryo noqod ah.
"Waxay ahayd wakthigii aan dib u noqon lahayn”, Shiv Misir, ooh adda 60 san no jir ah, ayuu BBC-da u sheegay. Walaalahan waxaa soo jiitay, balaayiinta doo lar ee betroolka laga helayo kuwaas shidaaliyay dhaqaalaha Guyana sanad ahii lasoo dhaafay. Waxay caas imadda Goergetown ka sameeyeen shirkad ka shaq aysa guryaha qaaliga ah kireyntooda iyo iibintooda
Shiv iyo Hemant waxay labadoodaba metalayaan dabaqadda cusub ee dhe xe soo baxay (ama kusoo noqday) dalka sannadahii lasoo dhaafay illaa markii la bilaabay soo saarista saliidda wadanka gudahiisa ah.
Illaa 2019-kii, soosaaristaasi waxay beddeshay wadankan horey u gumeysa njiray Ingiriisku waxuu a ka dhigay mid ka mida wadamada ugu dheereeya koo riinka dhaqaalaha ee adduunka Shiv Misir, 60 jir dalka Guyana dib ugusoo noq day Qoraalka sawirka,
"Waxay ahayd wakthigii aan dib u noqon lahayn”, Shiv Misir, ooh adda 60 sanno jir ah, ayuu BBC-da u sheegay.
Isbeddelka dhaqaale ee degdega ah ee ku yimid Guyana
Guyana waa wadan dhaca waqooyiga Koonfurta Ameerika, waxayna u dhex eysa Suriname iyo Venezuela.
Waxaa ku nool in ka badan 80,000 qof Waxay ka xorowday Baqortooyda Ingiriiska 1966.
2015, shirkadda shidaal qodiska ee Axxon Mobil, ayaa sheegtay in ay heshay ceelal shidaal ceegaago oo ku yaala xeebaha wadanka.
Sanadahii xigaynga dalad ayku midaysanyahiin Axxon Mobil, American Hess, iyo shirkadda China laga leeyahay ee CNOOC ayaa qoday ceelasha kuyaas oo dheraran in ka badan 200km oo xeebaha Guyana ah.
Shalay, keydka shidaal ee wadanku waxuu gaadhayaa qiyaastii 11 Bilyan oo foostooyin shidaal ah, laakiin qiyaasiyahii u danbeeyay waxay tilmaamayaan in cabirkani gaadhi karo 17 Bilyan.
Tani waxay ka badnaan doonaa keydka la hubo ee saliidda Brazil, taas oo lagu qiyaasay 14 bilyan oo foosto.
Illaa iyo 2019-kii dhaqaalaha Guyana waxuu ku tiirsanaa waxsoosaarka beer aha, dahabka, qodista dheeman, iyo jarista geedaha, sanadkaas marka laga bilaabo dakhliga shidaalku waxuu bilaabay in uu xoojiyo wax soo saarka gudaha ee wadanka.
Sanadkii 2020, Wasiirka Dhaqaalaha ee Brazil, Paulo Guedes, ayaa barbar dhigay wadanka mid kamida caasimadaha Dowladda Imaaraadka Carabta taas oo u tusaale u noqotay hantida saliidda laga sameeyay.
"Waa Dubai-da cusub ee gobolka” ayuu yidhi Guedes. Waxyaabahaas oo dhana Guyana waxay ka dhigtay mid indho badan soojiidata. Waa sida in dalku ku guuleystay Lottery.
Hay’adda Lacagta Adduunka ayaa qiyaastay in mudadii u dhexeysay 2019 iyo 2023 wax soosaarka gudaha ee Guyana uu ka teggay 5.17 Bilyan oo Dollar noqdayna 14.7 Bilyan oo dollar koorin boqolkii 184% ah.
Keliya sanadkii 2022 koriinka dhaqaalaha gudahahu waxuu sare u kacay 62% Sanadahii lasoo dhaafay sare-u-kaca dhaqaalaha Guyana waxuu noqday midka ugu xawaaraha badan caalamka
Qoraalka sawirka,
Shirkad Shiinaha laga leeyahay oo hirgelinaysa dhisme noqon doona hoteel oo Maraykanka laga leeyahay oo ku yaala Georgetown
Sida shidaalku uga dhigay Dubai-da cusub ee gobolka
Waxaa kale oo jira tusaaleyaal kale oo muujinaya sida degdegga ah ee ay saliidda qani ugu noqonayso Guyana.
Wadanku waxuu soo jiitay shirkado badan oo ka kala yim id daafaha caalamka kuwaas oo raadinaya qandaraa syo is ay u hirgeliyaan dhismayaasha wadanku baahnaa tobanley aal sanno. Tirooyinka rasmiga ah ee dowladdu u qorshaysay dhismayaasha waa $187 malyan, sida mashaariicda wadoooyinka iyo dekada sannadkii koobaad ee saliida lagasoo saaray wadanka.
Sanadkii 2023-da tiradaase waxay gaadhay $650 milyan waana koriin 247% ah. "Halkaan waxaan ku noolaa, muddo labo sanno ah. Marwalba oo aan dalka dibadda uga safro, waxaan ku baraarugaa isbeddel dhacay [dhanka horumarka],” ayay tidhi Diletta Doretti oo Bangiga Adduunka u joogta Guyana.
Iyadoo sii wadata, "Dhismayaal badan ayaa la dhisay, wadooyin cusub iyo huteelo. Waxaana jira tiro badan oo ganacsiyo ah oo wadanka imanaya.”
Qulqulka kheyraadkan qiyaas la’aanta ahi waxuu keenay in wadanku noqdo fagaare dhisme oo adduunka ah.
Ganacsade Richard Sing waxuu ii baabuurta loosoo dhoofiyay wadanka caasimadda Goergetown.
Waxuu jecelyahay baabuurta iyo tiknooloojiga illaa carruurnimadiisii, waxuuna hadda iibiyaa baabuurta lasoo isticmaalay kuwaas lagasoo dhoofiyay dalalka lamidka ah Japan, baabuurtaas oo Guyana haddeer aad loogu dhex wato.
Siduu sheegaayo, marka laga tago lacagta badan ee laga faaiiday saliidda, dadka dabaqadda sare ee wadanka wax wali doorbidaan iibsiga baabuurta lasoo isticmaalay, sababtoo ah baabuurta aan isticmaalin ee aan halmar lug rogin canshuurtoodu waa kuwo qaali ah.
Wadankuna waxuusan wali haysan meelo baabuurta lagu hagaajiyo iibsiga baabuurta cusub oo aan loo haynin meelo lagu hagaajiyo waxay joojiyeen haysadka baabuurtaas cusub.
"Marar badan waxaan arkay sheekooyin ku saabsan Dubai, sagaashameey adii haddaad halkaas aado, waxay ahayd uun saxare iyo caro. Hadda xiitaa aqoonsan maysid.” Ayuu yidhi isagoo isbarbadhigaya xaalka Shalay Guyana iyo Dubai.
"Waxaan rejaynaayaa in ay dadku ku hamiyaan 20 sanno kadib in ay dib u eegaan Guyana oo ay dhahaan, "Ma aamini karo in ay taasi ahayd Guyana” waxaan rejaynayaa in taasina ka dhacdo halkaan.
Sawir muujinaya ganacsadaha oo dhex taagan xarun baabuurta lagu iibiyo
Qoraalka sawirka,Ganacsade Richard Singh waxuu baabuurta celiska ah ku iibiy aa gudaha Goergetown XIGASHO:-BBC
Weerar lagu qaaday guri kuyaalla Duleedka Nair obi oo lagu soo xiray Saraakiil Kenyan ah oo…
Ciidamada booliiska dalka Kenya ayaa weerar ku qaaday guri kuyaalla dule edka magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaas oo lagu hayay muwaadiniin Itoobiyaan ah oo la doonayay in la tahriibiyo.
Howlgalkan ay fuliyeen ciidamada dambi baarista booliiska Kenya ayaa lagu soo xiray afar sargaal oo katirsan boo liiska dalka Kenya oo ku sugnaa guri ga lagu qarinayay tahriibayaasha u dhashay Itoobiya.
Saraakiishan lasoo xiray ayaa lagu tuhmayaa in ay la shaqeenayaan koo xo muqalasiin ah oo dadka tahriibiya, waxaana gurigaasi laga soo waday 37-qof oo u dhashay dalka Itoobiya oo ku xayirnaa gurigaasi.
Ciidamada booliiska dalka Kenya ayaa baadigoobaya milkiilaha guriga laga soo qabtay tahriibayaasha Itoobiyaanka ah, waxaana ninkan baxsadka ah loo soo jaray waaran ciidamada kusoo xirayaan. Tahriibayaasha lasoo qabtay ee ku sugnaa guriga kuyaalla duleedka Nair obi ayaa kusii jeeday dalka Koonfur Afrika, waxaana dadkan la sheegay in ay kasoo jeedaan qowmiyada Oromada
Itoobiya, iyagoona Kenya kasoo galay xadka Mooyaale.


0 



HALKAAN KA AKHRISO:-WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH KHAMIIS 22-KA FEBARAAYO 2024-KA
...