(Sawirro) Meydadkii saraakiishii Imaaraadka looga dilay Muqdisho oo lagu celiyey dalkooda

0
Sunday February 11, 2024 - 11:02:04 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 113
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    (Sawirro) Meydadkii saraakiishii Imaaraadka looga dilay Muqdisho oo lagu celiyey dalkooda

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Meydadka afar askari oo ka tirsan ciidamada Imaaraatka Carabta oo lagu dilay weerar ka dhacay Soomaaliya ayaa gaaray garoonka diyaaradaha ee Al Bateen ee magaalada Dubai iyagoo la socday diyaarad ciidan oo ay leeyihiin ciidamada qalabka sida ee dalkaas

Munaasabada lagu soo dhaweynayay meydadka ayaa ka dhacday garoonka diyaaradaha, waxaana ka soo qeyb galay mas’uuliyiin kala duwan oo isugu jira saraakiil ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga iyo qaar ka mid ah qoysaskii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen marxuumiinta.

Ragga la dilay ayaa kala ahaa Colonel Mohammed Al Mansouri, Mohammed Al Shamsi Khalifa Al Balushi, iyo Suleiman Al Shehhi.

Waxay gudanayeen waajibaadkooda tababarida iyo tayeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya markii uu weerarku dhacayey, sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca.

Tababarka ciidamada Soomaaliya ayaa qeyb ka ah heshiiska laba geesoodka ah ee u dhaxeeya Imaaraadka iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya ee ku aadan qaabka iskaashiga ciidamada labada dal.

Goor sii horeysay ayay wasaaraddu shaacisay dhimashada saddex askari iyo sarkaal ka tirsan ciidamada Difaaca Bahrain iyo sidoo kale dhaawaca labo kale..

Wasaaradda Gaashaandhigga Imaaraadka ayaa tacsi u dirtay ehelada askarta, waxayna caafimaad degdeg ah u rajeysay dhammaan dadkii ku dhaawacmay weerarka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip