Sheekh Shariif, Xasan Cali Kheyre iyo CC Shakuur oo qoraal ka soo saaray…

0
Tuesday January 30, 2024 - 08:15:17 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 936
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Shariif, Xasan Cali Kheyre iyo CC Shakuur oo qoraal ka soo saaray…

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa soo saaray qoraal cusub oo ay ugu hambalyeynayaan xulka Galmudug guushii uu shalay kasoo hooyay tartanka ciyaaraha maamul goboleedyada.

Shariif ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook waxa uu ku yiri "Waxaan hambalyo leeyahay Kooxda Galmudug oo ku guuleysatay koobka ciyaaraha Dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir, waxaan sidoo kale hambalyo leeyahay kooxda Hirshablle oo soo gaartay final-ka.”

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa sidoo kale waxa uu bogaadiyay dhammaan kooxihii ka qayb galay tartanka maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee ciyaar wanaag soo bandhigay.

Kheyre ayaa sidoo kale isna qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay in Isboortigu uu kaalin mug leh ka qaato nabadda, is fahamka iyo isdhex-galka bulshada, uuna ka mid yahay tiirarka horumarka, dib-u-heshiisiinta, iyo dib-u-dhiska Dalka.

"Waxaan hambalyo u dirayaa kooxda kubadda Cagta Galmudug ee maanta ku guuleysatay tartanka dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka iyo Gobolka Banaadir. Hambalyo xulka, dowladda, taageerayaasha iyo dadka deegaanka Galmudug,” ayuu yiri Kheyre.ildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo isna u hambalyeeyay xulka Galmudug oo shalay qaaday koobka tartanka ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee sanadkaan 2024, ayaa waxa uu yiri "Hambalyo Galmudug, ha idiin macaato.”

Xulka Galmudug ayaa shalay galab guul ka gaaray dhiggiisa HirShabelle ciyaar la’isla gaaray gool kullaad, taasi oo ay ka soo qeyb galeen in ka badan 50 kun oo taageerayaal kala sitay calamada labada xul ee wada ciyaarayey finalka tartanka, halka kumanaan kale ay kala socdeen tabinta tooska ah.

Aqriso: Shariif, Kheyre iyo CC Shakuur oo qoraal kasoo saaray…


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip