HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 17-KA JANNAAYO 2024-KA

0
Wednesday January 17, 2024 - 08:57:59 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 230
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 17-KA JANNAAYO 2024-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaale oo Soodhaweyn u sameeyay wafdi ka socday Cummaan

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa M/Muqdisho Md.Yuusuf Xuseen Jimcaale (Mada ale) ayaaAqalka Dowladda Hoo se ee Xamar, casho sharaf ugu sameeyay Wafdi ka socda Do wladda Cumaan oo marti qaad rasmi ah ka he ysta Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Munaasabaddan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenada Maamulka Gob olka Banaadir, Xoghayaha Guud, Wasiiro ka tirs an XFS, Xildhibaano, Guddoomiyeyaasha De gm ooyinka, Agaasimeyaal iyo marti sharaf kale.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa munaas abada kusoo bandhigay taariikhda xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab, kaasi oo ku dhisan dhaqan, dhaqaale iyo iskaashi, iyad oona wafdiga dalka Cumaan ay ka mahad celiy een sida diiran ee loogu soo dhaweeyay Magaa lada Muqdisho ee Caasimadda dalka Somaliya.

Hanti-dhowraha guud ee Qaranka oo qaabilay sii hayaha Saafaradda Norwa

Hantidhowraha Guud ee JFS Abuukaate Ax med Ciise Guutaale ayaa Dorraad Xafiiska Han tidhowrka Guud ku qaabilay sii hayaha Saafarad da Norway ee Soomaaliya Mudane Car sten Car lsen iyo Madaxa Iskaashiga Saafa radda ee dalal ka Kenya iyo Soomaaliya Mudane Erling Hess.

Norway waxay qayb ka tahay bahwadaagta muhiimka ah ee ay Soom aaliya ka kaashato dib u dhiska hay’adaha iyo hor marinta dowlad wanaa gga, waxayna qayb ka tahay heshiis ka dhexe eya Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS, Hay’a dda Horumarinta (IDI) iyo Ururka Hay’adaha Han tidhowrada Guud ee Afrika ee ku hadla Afka Ingiriisiga (AFROSAI-E).

Wasiirka maaliyadda oo daah-furay miisaaniy adda dowladda ee sanadka 2024

Munaasabad si heer sare ay u soo agaasintay Waaxda Maasiyadda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Soomaaliya oo ay ka qeyb galeen Wa siirka maaliyadda Soomaaliya mudane Biixi Iim aan Cige, Xildhibaano mas’uuliyiinta Hay’a daha Dowladda, Runta Ganacsiga, Bangiyada gaarka loo leeyahay culimo iyo qeyb aha bulsh ada ayaa lagu soo bandhigay Miisaaniyadda do wladda ee 2024

Agaasimaha Miisaaniyad da wasaaradda Maal iyadda Axmed Cabdi Aadam ( Ira adi) oo soo dhoweeyay ka qe yb galayaasha ayaa si kooban u sharxay Miis aaniyadda dowladda ee 2024.

Sh Cali Maxamuud ( sh Cali Wajiis ) Prof Cii se Maxamuud Xalane agaasime ku xigeenka Ru gta Ganacsiga Soomaaliya iyo Axmed Nuur Ca bdi oo ku hadlay Afka Bangiyadda gaarka ah aya a bogaadiyay horumarka dowladda ee Miisaa niyadda oo ka badan 1 Bilyan iyo koror dakhliga dowladda oo sanadkii tagay kordhay 25%

Dr Cali Yaasiin Guddoomiye ku xigeenka Bangi ga dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay in horum arka maaliyadda ku yimid dib habeynta iyo wadashaqaynta hay’adaha Maaliyadda Qaranka oo ay udub dhexaad u tahay wasaaradda Maa liyadda.

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xildhibaan Biixi Iimaan Cige oo daah furay Miisaaniyadda dowladda oo ah Hal Bilyan iyo 79 milyan oo doolar ayaa dul istaagay horumaraada la taaban karo sida guusha Dayn Cafinta ee la gaaray, kororka Miisaaniyadda iyo dakhliga dowladda.

Wasiir Biixi ayaa tilmaamay Iinkastoo dowla ddu horumaro waa weyn ka gaartay haddane ay soo kordheen caqabada Dibadda oo ay ka mid tahay faragalinta iyo damaca qaawan ee dowla dda Itoobiya ku doonayso badderna oo ay tahay in wadajir looga hortago.

Sanadkan Miisaaniyadda dowladda ayaa korortay 13%, Halka daqliguna kordhay sanadkii tagay ee 2023 25%, waxaana ay ku timid ka go’naanta hoggaanka dowladda ee dib u habeynta Maaliyadda

FARMAAJO oo war culus ka soo saaray xiisa dda NISA iyo shirkadda HORMUUD

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxam ed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay xiisa dda ka dhex taagan Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA iyo shirkadda Hormuud.

NISA ayaa Dorraad xirtay xarunta ugu weyn ee Hormuud iyo Salaam Bank ee Muqdisho, saa cado kadib markii labada dhin ac ay is-weydaarsadeen eedo ka dhashay markii NISA ay xirt ay shaqaale ka tirsan Hormuud, Axaddii.

Hormuud ayaa sheegtay in xariggaasi ka da mbeeyey markii ciidamada NISA ay ka codsad een in loo daabaco dhaqdhaqaaqa adeegga lagu diro lacagaha telefoonnada ee EVC Plus, taas oo shirkaddu sheegtay inay ka horimanayso shur uucda dalka. Shirkadda ayaa sheegtay inaysan xogta macaamiisha la wadaagi karin hay’adda nabadsugidda.

Dhinaca kale, Hay’adda NISA ayaa war saxaa fadeedka ay soo saartay ku eedaysay shirkadda Hormuud in qaar ka mid ah shaqaalahadeedu ay xiriir iyo wada shaqayan la leeyihiin argagixisada, eeddaasi oo ay NISA sheegtay inay ku ogaatay baaritaan ay samaysay inkatsoo aysan soo bandhigin.

Hoos ka aqriso qoraalka Farmaajo

Xanibaadda xarumaha iyo joojinta shaqada Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud iyo Bangiga Salaam Soomaali, waa mid dhaawac ku ah sumc adda dhaqaale ee dalka, walwalna ku abuuraysa ganacsatada Soomaaliyeed.

Dalkeennu waxa uu ka soo kabanayaa duru ufo naafeeyey dhaqaalaheenna, sidaas awgeed waxaa muhiim ah in la dhiirri-geliyo ganacsatada u soo dhabar adaygay xaaladihii adkaa ee dalke enna soo maray, lagana fogaado in la wiiqo gana csiga xorta ah ama la dhaawaco kalsoonidooda.

Dowladda waxaa waajib ka saaran yahay ila alinta amniga maalgashadeyaasha,ganacsatada iyo goobaha ganacsiga, kuwaas oo door we yn ku leh shaqo abuurka dhallinyarada, horu mar ka iyo dhaqaalaha dalka, sidaas awgeed wax aan ku baaqayaa in degdeg loo xalliyo tacaddiga iyo dhibaatada ay shirkadaha Hormuud iyo Sala am Soomaali Bank ay ka tabanayaan Dowl adda.

B/2aad

Shuruucda iyo xeerarka dalka ayaa hagaya ganacsiga xorta ah iyo shirkadaha waddaniga ah, wuxuuna siinaya xuquuq iyo dhiirrigalin buux da si ay qayb uga noqdaan horumarka dalka gu ud ahaan. Majirto waqti uu waddanku uga baahi badan yahay wadajir iyo isku duubnaan, si aan u ga ho rtagno khataraha ummadeed ee nagu wa jahan.

DF oo kulan xasaasi ah la yeelatay odayaasha beelaha Samaroon iyo Ciise

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Axmed Macallim Fiqi ayaa Dorraad nagaalada Muqdisho kula kulmay Sala adiin, Ugaasyo, Cuqaal ka soo jeeda gobolka Aw dal, kuwaasi oo ka tirsan 135 iyo qaar kale oo ka soo jeedo gobolka Awdal.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa Senator Deeqa Xasan Xuseen oo ah gudd oomiyaha guddiga arrimaha gudaha ee Aqalka sare iyo Senator Bilaal Idiris Cabdullaahi.

Kulanka ayaa odayaasha beelaha Samaroon iyo Ciise waxa ay ku soo bandhigeen xaaladda gobolka iyo dareenka shacabka ee kadib go’ aankii Muuse Biixi uu Itoobiya ku siiyay badda Saylac. Qaar ka tirsan odayaasha oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Muuse Biixi oo aan sha rci ku joogin uu ictiraaf ku raadinayo dhiiga uma dda iyo qaddiyadda Awdal in ay u baahantahay difaac, ayna diyaar u yihiin dagaal iyo iska dhici yaan cadowga.

Senator Deeqa Xasan Xuseen ayaa sidoo ka le sheegtay ahmiyadda ay leeyihiin kulamadan oo kale, iyada oo amDorraady kaalinta odayaa sha dhaqananka ee ku aadan ka hortagga dam aca Itoobiya ee ku aaddan dhul boobka.

Senator Bilaal Idiris isna kulanka ka hadlay ay aa sheegay in aannu war dhinneyn, oo la doo na yo ficil iyo ka hortagga damaca Itoobiya iyo dif aa ca dhulkan dhaxalka u ah umadda Soomaali yeed.

Wasiir Axmed Fiqi oo ugu dambeyntii ka had lay kulanka ayaa sharaxay mowqifka dowla dda federaalka ee soo jireenka ah ee ilaalinta bed qabka midnimada dhuleed iyo dad ee Soom aaliya.

Wasiirka ayaa intaas raaciyay "in kulankan uu qeyb ka yahay dhaqanka wasaaradda ee ah in odeyaasha dhaqanka ee gobollada dalka lagala tashto, talo laga weydiiyo arrimaha kusoo kordha deegaankooda, si dhinac walba ay qeyb uga noq daan go’aannada,” waxaa uuna bogaadiyay sida shacabka Awdal ay diyaar ugu yihiin difaaca qarannimada Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu ku dheeraaday damaca Itooboya iyo sida ay weligeed ugu hangal taaga ysay Saylac ilaa Isticmaarkii, isaga oo hoosta ka xariiqay in shacabka Soomaaliyeed ay weligood difaaci jireen dhulkooda, welina ay diyaar u yihiin.

Gobolka Awdal, gaar ahaan magaalooyinka Boorama iyo Lughaya ayaa waxaa dhawaan ka dhacay dibad-baxyo ballaaran oo looga soo horje edo heshiiskii uu Muuse Biixi ugu saxiixay Itoo biya qeybo kamid ah badda Soomaaliya, ayada oo sidoo kale kacdoon hubeysan oo ka dhan ah damaca Itoobiya looga dhawaaqay Lughaya.


Maamulka Gal-Mudug oo Iskuul ugu magac-daray Taliye Suul-nuug

W/Waxbarashada Galmudug ayaa dugsiga Hoose /Dhexe & Sare ee D/Xara rdh eere ugu magac darta y Shahiid Abdi Mohamed Sh. Has san (Suu lNuug), ka ddib soo jeedin ka timid Madax weynaha G/G/ Galmudug Md.Axmed Qoor qoor.

Aqalka sare oo meel mariyey hindise sharciy eed khuseeya dadka ajaaniibta ah

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Aqalka Sare ee Baarlamaaka JFS,Md.Cali Shacbaan Iba raahin ayaa Dorraad shir guddoomiyay kalfadhiga 4aad kulankiis 6-aad oo ajandihiisu ahaa:

1-Akhrinta 3aad ee Hi ndise Sharciye edka Qax ootiga iyo Magan-galyo doonka

2-Akhrinta 2aad hindise-sharciyeedka Hawl gab ka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowa lda.

Ugu horrayn, waxaa la guda galay ansixinta sharciga Qaxootiga iyo Magan-galyo doonka ka dib markii Guddoomiyaha Guddiga arrimaha Gud aha Senator deeqa Xasan Xuseen iyo xubnaha kale ee Guddigu ka soo shaqeeyeen sharciga, waxayna Sanatarrada la wadaagtay xogta akhrinta 3aad iyo sida ay isu waafajiyeen arag tida Sanatarrada, waxaana codka kalsoo nida sii yay 28 Sanatar wax diiday ma jirin wax ka aamu sna ma jirin.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Fed eraalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Md. Axmed Macalin Fiqi, ayaa Sanatarrada Aqalka Sare uga mahad celiyay waajib ka gudashada iyo meel marinta sharciga Qaxootiga iyo Magan-galyo do onka oo xuquuq iyo muhiimad gaar ah siinaya Qaxootiga iyo Magan-galyo doonka Dal keenna jooga.

Intaas ka dib, Guddoomiyaha Guddiga arrima ha Bulshada Aqalka Sare Senator Cisma an Maxamuud Maxamed (Dufle) ayaa Sanatarra da la wadaagay warbixinta akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Hawlgabka iyo Liiltirka Sha qaal aha Rayidka ee Dowaladda, oo ay Sanatar radu aragtidooda ka dhiibteen.

Booliiska oo ka hadlay Qaraxii ka dhacay Xamarweyne iyo Khasaaraha ka dhashay

Qarax xooggan oo ismiidaamin ah uu fuliyay qof waxyaabaha qarxa jirkiisa kusoo xiray ayaa duhurnimadii Dorraad ka dhacay bannaanka hore maqaayada Al Hindi oo kuta alla degmada Xama rweyne, gaar ahaan dhabarka dambe xarunta gobolka Banaadir.

Qofka iska qarxiyay ayaa la sheegay in uu galay goob ay xilligaasi fadhiy een dad kala duw an , waxaana halkaasi ka dha shay khasaaro isu gu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadkii goobtaasi ku sugnaa. War ka soo baxay taliska booliiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in qar axa ismiidaaminta ah ee ka dhacay bannaanka maqaayada Al Hindi ku dhinteen saddex qof, si doo kale ay ku dhaawac meen labo qof oo kale.

Booliiska warka kasoo baxay ayaa lagu shee gay in ay fashiliyeen qaraxa ka dhacay Xamar weyne, waxa ayna xuseen in ninka is qarxiyay ay booliiska xogtiisa heleen ayna xilligaasi eryanay een kahor inta uusan is qarxin.

Ciidamada booliiska ayaana baaritaanno ka wada aaga qaraxa ismiidaaminta ah uu ka dhac ay, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in qaraxa lala damacsanaa in lagu weeraro xarunta maamulka gobolka Banaadir.

Puntland oo ciidamo la dagaalama kooxaha burcad badeedda geysay degaanada xeebaha

Maamulka Puntland ayaa ciidamo geeeyay magaalooyinka kuyaala dhulka xeebaha, si ay uga hortagaan kooxaha burcad badeedda Soo maalida, kuwaas oo dib u bilaabay qafaalashada maraakiibta iyo doonyaha ganacsiga.

Ciidamadan ayaa loogu talo galay in aanay u ogolaan in burcad badeeddu ay fariisimo ka dhigtaan degaanada xeebaha ayna halkaas ka abaabulaan weerarada lagu dhibaataynayo maraakiibta iyo doonyaha isticmaala xeebaha degaanada Puntland.

Sarkaal katirsan ciidankan ayaa warbaahinta u sheegay in odayaasha dhaqanka ay saxe exeen in qofkii lagu dilo burcad badeednino aan la isku qabsoon doonin, wuxuuna sheegay inay burcad badeedda ku weerarayaan meel kaste oo ay ku sugan yihiin oo kamid ah Puntland.

Ciidamada ayaa saldhigoodu yahay magaalo xeebeedda Garacad, iyagoo bilaabay roon dooy in lagu xaqiijinayo amniga xeebaha, iyagoo ka ho rtagaya in maraakiibta lasoo qafaasho lagu soo xiro xeebaha Puntland.

Sanadkii 2007 ayay ahayd markii ugu horray say oo ay xeebaha Puntland ka bilowdeen weera rada burcad badeedda, taasoo saamayn weyn ku yeelatay nabad galyada Puntland.

Haatan, dhowr Markab ayaa lagu haystaa xeebaha Puntland, kuwaas oo burcad badeeddu rabaan inay ka qaataan lacago madax furasho.

Maxkamadda ISTANBUL oo xukun ku riday wiilka Xasan

Maxkamad Turkish ah ayaa Dorraad ku ga na axday wiilka madaxweynaha Soomaaliya lac ag dhan $900, sababo la xiriira inuu si aan ku tal o-gal aheyn ugu dhacay islamarkaana dilay muw aadin Turkish ah oo ku socday mooto, waxaa sidaas Dorraad weriyey warbaahinta gudaha.

Maxkamadda ayaa ku heshay Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud dambi ah inuu sab abay dil ka dhashay dayacaad kadib markii gaar iga uu wa tay uu ku dhacay nin mooto guryaha ku geeya dalabyada, 30-kii bishii November 2023. Yunus Emre Gocer, oo ahaa aabaha laba car uur ah, ayaa isbitaalka ku geeriyooday lix maalin kadib. Dacwad-oogayaasha Turkiga ayaa soo saaray amar xiritaan oo caalami ah kadib markii booliska ay ogaadeen in wiilka madaxwe ynaha uu dalka ka baxay.

Bixitaankiisa ayaa caro ka dhaliyey warbaa hinta mucaaradka Turkiga, kuwaas oo ku eedee yey dowladda inay Maxamed u ogolaatay inuu da lka ka baxsado, si ay u ilaaliso xiriirka wanaag san ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

Si kastaba, wiilka madaxweynaha ayaa ma almo kahor ku laabtay dalka, si uu maxkam adda uga hor marqaati furo.

Maxkamadda Istanbul ayaa Dorraad Talaado ah ku xukuntay Maxamed laba sano iyo lix bil oo xabsi ah, taasi oo loo beddelay ganaax lacageed oo dhan 27,300 lira ($900), sida uu weriyey taleef ishinka gaarka loo leeyahay ee NTV.

Dacwad-oogayaasha Turkey ayaa doonayey lix sano oo xabsi ah. In xukunada xabsi loo bedd elo ganaax waa wax si joogto ah uga dhaca hana anka garsoorka ee Turkey.

Maxamed ayaa sidoo kale lagala noqday sha tiga gaari wadista ee Turkey muddo lix bil ah. Xukunka ayaa dhacay ayada oo Maxamed uu ka maqnaa maxkamadda.

Turkey ayaa xiriir wanaagsan la laheyd Soom aaliya, 10-kii sano ee lasoo dhaafay, waana dal ka ugu weyn ee xiriirka dhaqaale uu kala dhaxe eyo Soomaaliya, gaar ahaan dhina cyada dhism aha waxbarashada iyo caafimaadka. Labada dal ayaa sidoo kale leh xiriir militari oo dhow.

AFP, REUTERS

Dowladda Jabuuti oo ciidamo cusub u soo dirtay Soomaaliya

Dowladda Jabuuti oo ka mid ah dalalka ciida mada nabad ilaalinta ay ka joogaan Soom aaliya ayaa ciidan cusub oo xoojinaya ciidamadii horay uga joogay Soomaaliya u soo dirtay.

Ciidamadaan cusub ayaa ah kuwa dowladda Federaalka Sooma aliya kala qeyb qaa danaya xoojinta amniga, la dagaala nka Ururka Al-shabaab iyo waliba Kordhinta wadashaqaynta ka dhaxaysa labada ciidan xili uu dalka ka bilaaban rabo dhawaan wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Shabaab.

Jeneraal Sakariye Sheekh Ibraahin oo ah tal iyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee dowl adda Jabuuti oo ka hadlayay munaasabad lagu soo sagootinaayay ciidankan ayaa kula dardarm ay iney si hufan u gutaan waajibaadko oda shaqo. Taliye Sakariye ayaa sidoo kale u sheeg ay cii danka in xaqiijinta amniga Soomaaliya inuu uga dhigan xoojinta amniga sida dowladda Jabu uti oo kale, maadaama labada dowladood iyo da dkooda walaalaha ah midba midka kale uu la damqanayo dhibaatooyinka soo gaara.

"Ciidanka halkaan jooga oo ah dufcadii 11aad ee gurmad u taga Soomaaliya sharaf wayn ayay inoo tahay in aan u gurmano walaalaheen dhiba atadu qabatay, Soomaaliya wax badan ayay inoo qabatay kolkii aan u dagaalamay xornimada wa xaana ugu abaalgudnay in aan dhiiggeena u shu bno, waxa aan la hadlayaa ciidamada iyo saraaki isha oo aan leeyahay sharaf muujiya oo guul iyo sharaf la taga” ayuu yiri Jenaraal. Sakariye Sheekh Ibraahim.

Jen. Sakariye ayaa sidoo kale xusay in abaa lka dowladda Jabuuti ay u hayso Soomaaliya uu yahay mid aan la soo koobi karin, hayeshee Dorraad oo ay garab ugu baahan tahay Soom aaliya ineysan meel cidlo ah uga tagi doonin, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Gabagabadii ciidamada Jabuuti ka jooga gudaha Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS ayaa loo yaqaana magaca Hiil Walaal oo ay ula baxeen dadka reer Hiiraan, waxayna ka howlgalaan magaalooyinka Baledweyne, Buula burte iyo Jalalaqsi oo ka wada ka tirsan gobolka Hiiraan.

Ciidamada Amniga oo Hawlgallo ka sameeyay Magaalada Baydhabo

Ciidanka Hay’ada Nabad Sugida Iyo Sird oonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa M/Ba ydhabo ka sameeyey Howlgal Balaaran oo lagu xaqiijinaayo Amniga Guud Ee Magaalada.

Howlgalka ayaa laga sa meeyey xaafadaha kala duwan ee magaalada iyo kontoroolada laga soo galo. Waxaana inta uu h owlgalka socday Ciid anka Baarayeen Guryaha iyo awaarida isticma ala Wadooyinka. Mudoyinkii dambe Magaalada Baydhabo Waxaa ka socday Hawlgallo Amniga lagu Sugayo .

Baadari weyn oo 45 sano kaddib qaatay diinta Islaamka kana hadlay sida uu isku bedelay!

Wuxuu 45 sano baadari ka ahaa kaniisad ku taal dalka Australia. Gould David wuxuu ku dhaw aaqay maalmo kahor inuu qa atay diinta Islaam ka. Wuxu una la baxay magaca Abdul Rahman.

Barashadiisa iyo fahamkiisa Islaamka wuxuu ka soo bilo wday Perth oo ah magaalo uu u tagay tacsida s eedigiisa oo dhintay. Wuxuuna kiraystay hotel fo gaan 150 mitir u jira masjidka oo laga maqli karo aadaanka iyo salaadaha.

Wuxuu go’aansaday inuu socdaal gaaban ku bixiyo Masjidka. Waxaana halkaas kusoo dhaw eeyey imamka Masjidka oo guddoonsiiyay nuqul kamid ah Qur’anka Kariimka ah.

"Waan sujuuday oo aan Rabbiga Weyn isku dul-dhigay si aan u haleelo jidkiisa dhabta ah ka dibna waxaan aqriyay Qur’anka – waaba sida aniga oo Rabbigay la hadlaya oo xaqiiqda jiritaan kiisa isaga ka dhageysanaya.”

Markii uu, si kastaba, kusoo noqday Tasma nia, wuxuu u sheegay baadariga weyn inuu door tay – oo uu qaatay – diinta Islaamka. Wuxuuna ku dhawaaqay kelmadda shahaadada.

Wuxuu sheegay in qaadashadiisa Islaamka aysan ka dhigneyn inuu nacayo ama uu gebi ah aanba diido Nabi Ciise CS iyo risaaladiisa.

Islaamku waa diinta ugu ballaaran adduunka uguna faafidda badan oo la rumeysan yahay sa nnad kasta inay kusoo biiraan nus malyuun dad ah oo diimaha kale kasoo baxaya si ay u

ajiibaan kelmadda xaqqa ah.

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmay Joachim Waern iyo xogta waxii ay kawada hadleen

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Md. H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa Magaalada Nai robi kulan kula yeeshay Safiirka Dowlada Sw eden ee Soomaaliya Joachim Waern.

Kulanka ayaa lagaga hadlayay mashaariicda dhinacyada hormarka iyo dib u dhiska ee Dowl ada Sweden ay ka tag eerto Jubaland sidii loo balaarin lahaa gaar aha an adeegyada bulshada iyo kaabayasha dhaqaalaha.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa maalmahan ku sugan mag aalada Nairobi, waxa uuna halkaasi ka wadaa kulamo uu la qaadanayo wakiillo katirsan Beesha Caalamka. Axmed Madoobe oo xiriir dhaw la leh dowla dda Kenya ayaa inta badan saldhig ka dhigta M/ Nairobi waqtiyada uu ka maqan yahay M/ Kismaayo, waxa uuna halkaasi ka sameeyaa kulamo siyaasadeed.

Wiil dhalinyaro ah oo Muqdisho ka hirgeliyay warshad sameysa Burjikooyinka cuntada lagu karsado

Wiil dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Eng: Maxamed Axmed Cusmaan ayaa magaalada Mu qdisho ka hirgeliy ay warshad si ma alinle ah u sa me ysa Burjikooyinka dad cuntada ku ka rsadaan, waxaana tallaabadan uu qaaday wiilkan dhalliny arada ah looga maarmi doonaa Burjiko oyinkii loo doonan jiray dalka dibaddiisa.

Eng: Maxamed ayaa warbaahinta Qaranka u shee gay in maalintii uu farsameeyo ku dhowaad 700 boqol oo xabo ( Burjiko ah), isagoo aan helin wax caawin ah.

” Soomaalida inta badan waxay u badan yihiin dad danyar ah oo aan awoodin in markasta oo ay ka soo halowdo in ay dib lacag ugu sameystaan, marka waxaan jeclahay in muddo ay u heyso,’.

Warshaddan cusub oo lago magacaabo (J IKO-SOM), waxay soo saartaa noocyada kala du wan ee jikooyinka cuntada lagu kariyo, waxa anna yaala dhammaan qalabka loogu talagalay in burjikooyinkaas lagu farsameeyo.

Eng: Maxamed Axmed Cusmaan ayaan weyd iinay Bulshada kalsoonida ay ku qabi karto tayo ahaan Burjikooyinkan uu gacantiisu ku sam eeyo, ” Shacabkeenna mar walba waxay jecel yihiin waxyaabaha dalka laga soo saaro, ileyn waxyaabaha dalka laga soo saaro waxa sameyn ayo waa walaalkood, walaalkoodna boqolkiiba bo qol wuxuu ka fiirinayaa xagga tayada,”.

Injineerka ayaa aad u adeegsado baraha Bul shada, halkaas oo uu ku soo gudbiyo howsha muhiimka ah ee uu bulshada u haayo.

”Ganacsigeyga Tiktok wuxuu ka beddelay wa xyaabo badan, Dorraad cidba ima kaseyn,” ayuu yiri, isagoo aaladda uu adeegsanayo Bulshada u gu sheegayo tayada allaabaha uu soo saaro.

Burjikooyinkan uu sameeyay wiilkan dhallinya rada ah qiimahooda waa 16-dollar, balse si aan u ogaano kuwa iyaga la midka ah ee dalka dibb ad iisa laga keennay qiimaha la iibiyo iyo farqiga u dhaxeeyo, waxayna warbaahinta qaranka booqa tay suuqayada lagu iibiiyo Burjikooyinka dibadda laga keennay. Xasan Cabdikariin oo ka mid ah ganacsatada M/ Muqdisho, ayaa sharxaya qiim aha la gu iibiyo burjikooyinka laga keenno dalka bannaankiisa ee ay iibiyaan. ”Waxaan ka mid ah ay ganacsatada M/Muqd isho in muddo ahna ku soo dhex jiray, haddii aan warbixin yar kaa siiyo jikooyinkan, ” Haddana kan oo kale ”JIKAAKO”, waddanka Kenya laga keenn aa, waxaa jira jikooyin badan oo waddanka lagu sameeyo, kan oo kale, waxaa laga keennaa Ken ya, waxay leedahay labo naqshad lacagtoodana waa 22-dollar,”.

Xilliyadii u dambdeeyay waxaa jiray dib u ka basho, iyadoo dalka ay ku soo kordhayeen gana csiyo yar yar, kuwaas oo daboolay baahida dad badan oo Soomaaliyeed.

Dowladda Itoobiya oo ku dhawaaqday iney san ka qeyb gali karin shirka deg dega ah ee madaxda IGAD

Iyadoo hal maalin oo kaliya ay ka harsan tah ay waqtiga loo iclaamiyay shir ay isugu imaanay aan madaxda dalalka IGAD oo ka dhacaya dalka Uganda ayaa dowladda Itoobiya ay ka cudur daaratay ka qeybgalka shirkaas.

Shirkaan oo uu dhawaan Iclaamiyay madax weynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ah mid looga hadlayo heshiiskii muranka badan dhaliyay ee bilowgii bishaan Adis Ababa ku dhexmaray raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

       Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Itoobiya ayaa warqad ay u dirtay IGAD kaga gaabsatay ka qeyb galka shirkaas, iyadoo sheegatay iney howlo kale ku mashquulsan yihiin, islamarkaana dib loogu dhigo shirka.

Warkaan kasoo baxay dowladda Itoobiya ay aakusoo beegmaya, iyadoo Itoobiya ay waja heyso weji gabax diblumaasiyadeed oo ku qasb aya iney ka dhuumato fagaarayaasha gobolka iyo kuwa caalamiga ah, wixii ka dambeehay he shiiskii dhawaan ay la gashay Somaliland ee ah aa iney hesho 20KM oo ka mid ah biyaha Soomaaliya.

Hoos ka akhriso Warka kasoo baxay Wasaaaradda arrimaha Dibadda Itoobiya:-

200 qof oo macluul ugu dhimatay Ethiopia

Ilaa 225 qof – oo ay ku jiraan carruur – ayaa macaluul ugu dhintay gobolka Tigray ee ay aba araha iyo colaadaha saameeyeen lixdii bil ee la soo dhaafay, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta deegaanka.

Ku dhowaad dhimashada ilaa- 209 qof ayaa laga diiwaan geliyay miyiga Edga Arbi, sida TV maxalli ah uu ka soo xigtay saraakiisha caafimaa dka . Deegaan kale, 16 qof, oo ku barakacay da ga alkii sokeeye ee sida arxan darrada ah halka as uga socday muddo laba sanno ah, ayaa lagu soo waramayaa inay gaajo u dhinteen.

Saraakiisha Tigreega ayaa horay uga digay inay dhacdo ama qarka loo saran yahay maca luul la mid ah tii Itoobiya ku habsatey bartamihii 80-meeyadii, xilligaas oo ay ku dhinteen boqo llaal kun oo carruur iyo dad waawe yn intaba.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, in ka badan 20 milyan oo qof ayaa u baahan cunto gargaar ah gudaha Itoobiya sababo la xiriira col aadaha, abaaraha iyo fatahaadaha.

Ethiopia ayaa u muuqata mid iska indha tiray sa wax ka qabashada dhibaatooyinkaasi baaxa dda leh ee dhanka dakhiliga ah, waxaana dhowa an ay si ka baxsan xeerarka caalamiga ah u fara gelisay madax bannaanida iyo qaranimada Soo maaliya, tallaabadaas oo ay aad uga dhiidhi yeen shacabka iyo dowladda Soomaaliya

intaba.XIGASHO BBC-SONNA

SIDA DALKAN KU WAAYAY BADDIISA OO DHAN, HESHIISKII QARSOODIDA AHAA IYO GO'AANKII GARSOORAHA SOOMAALIGA AH

Xeebta Antofagasta, oo ka mid ah dhul xeebe edkii ay Chile ka qabsatay Bolivia Xeebta Antofa gasta, oo ka mid ah dhul xeebe edkii ay Chile ka qabsatay Bolivia

Sanad walba, hal oo ah dhammaadka bisha May ayay u dabaaldegaan maalinta badda. Waa bad iyo xeeb ay lumiyeen 145 sano kahor, ma rkaas oo dalka la deriska ah uu xoog iyo xeelad kaga qaatay baddiisa oo dhan.

Tan waxay ka dhigtay in dalkan oo ay ku nool yihiin labo iyo toban milyan iyo bar qof uu noqdo kan saboolsan qaaradda oo ku yaal oo dhan, iya da oo sideedan boqolkiiba dadkiisu ay ku nool yihiin heerka ugu hooseeya ee saboolnimada dunida.

Waxa uu muddo dheer ku tiirsan yahay deke daha dalkii ka qabsaday badda oo ay ku jiraan dekedihii laga qabsaday, halkaas oo ay uga soo degaan badeecadaha iyo agebyada kale ee dibeda looga soo dhoofiyo.

Dalkan oo ah kan keliya ee xiriirka dubluma asiyadeed u jaray dowladda Israel dhammaadkii sanadkii hore kadib markii uu bilowday dagaalka iyo duqeymaha xoogan ee ka socda Qasa ee da ba-socda weerarkii Xamaas ee 7dii Oktoobar.

Waxay ku guuldareysatay dedaalkii dhowr ah oo ay u gashay siddii ay dib ugu heli lahayd wax uun ka mid ah badda laga qaatay.

Markii ugu dambeysay, garsoore Soomaali ah ayaa laalay rajadii ugu weyneyd ee ugu dambeys ay ee ay ka lahaayeen inay helaan bad iyo dekado dalkoogu yeesho.

'Cabsi baan ka qabnaa gantaalada Xuutiyii n ta, Amniga Babul Mandab na waxa uu ku xiran yahay Qasa': Raysal wasaaraha Jabuuti oo farr iin u diray Mareykanka iyo Xuutiyiinta

Sida dalkan ku waayay baddiisa oo dhan, oo ku noqday xeeb la’aan, iyo heshiisyadii qars oodi da ahaa Askari reer Bolivia ah oo calanka dalkiisa kor u haya Qoraalka sawirka,

Askari reer Bolivia ah oo calanka dalkiisa kor u haya

Dalkan waa Bolivia, oo ah kan labaad ee bad da la’aan iyo dekad la’aanta isu raacday ee Koonfurta Ameerika, oo ay deris yihiin Chile, oo ah dalka ka qabsaday badda.

Waxa uu lahaa bad kheyraadku harqiyay oo dhererkeedu lagu qiyaasay 250 mayl oo ku teedsan badda Basafika.

Laakiin hoggaamiyeyaasha dalkan ma aysan siin wax ahmiyad ah, iyada oo khayraadka ka do orbiday ganacsiga macdanta, oo noqotay isha kaliya ee dhaqaale ee dalkan. Lama dhisin wax waddooyin ah oo dalka intiisa kale ku xira dhulkan xeebleyd aha ee Boliv ia, oo ay deked isiihu aad ugu tiirsanaayeen Chile oo la deris ah. Mana jirin wax ciidan xooggan ah oo ka joogay xeebaha.

Markii ay Bolivia kordhisay canshuurta alaabta ay dekedaha kasoo dejin jirtay shirkad ay wada leeyihiin Ingiriiska iyo Chile toban boqolkiiba, ciid amada Chile ayaa weerar balaaran kusoo qaa dya dhulkaas xeebaha iyo badda leh ee Bolivia, iyaga oo ku doodaya in baddi dadka degan ay yihiin dad u dhashay Chile.

Waxay ciidamada Chile oo la taageero ka he layay Ingiriiska qabsadeen dhulkii Bolivia ee xee baha ku teedsanaa oo dhan, iyaga oo afar sano kadib duulaankii 1879 dib u qaabeeyay qariirada Koonfurta Ameerika.

Waxay dalkooga hoos keeneyn dhul dhan 50, 000 oo mayl oo isku wareeg ah oo ay ku jirto 250 mayl oo ah dhulkii xeebaha ee Bolvia oo dhan.

Bolivia oo la jebiyay waxay aqbaleen jabkii soo gaaray 1904tii, markaas oo heshiis nabade ed ay la saxiixdeen Chile, iyaga oo ku bedela na ya balan ah in si buuxda oo lacag la’aan ah u adeegsan karaan dekedaha ganacsi ee Chile uu ka dhisay dhulkii uu ka qabsaday.

Bolivia waxay noqqotay bad iyo dekad la’aan. 120 sano kadib, weli waxba kama aysan hirgelin heshiiskaas.

Waxaa kale oo jiray heshiisyo kale oo qarso odi ah oo ay Chile la gashay Bolvia 1975dii sida uu shaaciyay madaxweynehii hore ee Bolivia.

Heshiiskaas waxa uu dhigayay inay Chile dib u siiso dalkii ay badda ka qabsatay xeeb dhan 10km, iyada oo Bolvia ay siineyso Chile dhul cu sub oo leh biyo. Heshiiskaas kale ee qarsoodida ah waxba kama hirgelin.

Rajadii ugu dambeysay ee go’aankii garsoora ha Soomaaliga ah ee Kiiska Bolivia iyo Chile ee badda

Cabdulaqawi Yuusuf oo Soomaali ah waa madax weynihii hore ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyadda

Cabdulaqawi Yuusuf oo Soomaali ah waa mada xweynihii hore ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyadda

Bolivia oo weli daba-joogta baddii laga qabsa day 145 sano kahor ayaa dacwad u gudbisay maxkamada caalamiga ah ee dembiyada sa nadkii 2013kii. W

axay dooneysay in maxkamadu ku qasabto Chile inay wada xaajood badda ah la yeelato Bol ivia, kaas oo ay horseedi kara inay dib hesho qeyb ka mid ah dhulkii xeebaleyda ahaa eel aga qabsaday.

Labada dal ma lahayn wax xiriir dublumaasi ah wixii ka dambeeyay 1978dii. Kiiskan oo uu gud biyay madaxweynihii hore ee dalkaas Evo Mor ales waxay Bolivia ka rajo qabtay inay uga baxdo deked iyo xeeb la’aanta mudada dheer heysatay.

Laakiin Maxkamad ooh adda qaadeysa kiiska dacwada tacadiyadda dagaal ee Qasa ee u dhe xeeya Koonfur Afrika iyo Israel ma leh wax awo od ah oo ah ku fuliso xukumada iyo go’aamada sharciyadeed ee ay gaarto, si la mid ah go’aankii kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Sidaas oo ay tahay, go’aankii maxkamada ee 2018kii ay ka gaartay kiiska badda ee Bolivia iyo Chile, ma noqon mid kii ay fileysay Bolivia.

Maxkamada Qaramada Midoobay ee uu hog gaaminayay garsooraha Soomaaliga ah ee Cabdulqawi Axmed Yuusuf waxay sheegtay in uusan jirin wax waajib uga dhigaya Chile inay wada xaajood la xiriira badda iyo dekedaha la gasho Bolivia, kadib muddo shan sano ah oo uu socday kiiska.

Madaxweynihii Bolivia ee xilligaas na waxa uu yiri: "Bolivia marnaba ma quusan doonto".

Maxkamadu xukun iyo go’aan midna kama gaarin Bolivia iyo Chile, midka sida sharciga ah u leh dhulka lagu muransan yahay ee badda.

Garsoore Cabdulqawi oo ku dhawaaqay go’ aanka maxkamada waxa uu sheegay in go’aanka maxkamada ee kama dambeysta ah inay u cod eeyeen labo iyo toban garsoore halka ay kasoo horjeesteen saddex garsoore oo keli ah.

Bolivia waxay weli ku tiirsan tahay dekadihii iyo dhulkii xeebta lahaa ee laga qabsaday, halka as oo ay kala soo degto alaabta iyo badeecad aha dibeda looga keeno, iyaga oo uu canshuurta ka qaadayo dalkii ay horey ugu canshuuri jirtay ee Chile. Sidaas oo ay tahay, Bolivia waxay weli leedahay ciidan kooban kuwa badda ah, iyada oo weli rajo ka qabta in ay mar uun dib u hanato nadda iyo xeeb.

XIGASHO:-BBC

Itoobiya oo sheegtay in dowladaha gobolku ay ka warqabeen heshiiska ay Somaliland la gashay

Dowlada Itoobiya ayaa sheegtay in dowla daha gobolku gaar ahaan kuwa Bariga Afrika ay ka warqabeen isfahamka ay la gashay Somal iland kahor inta aan la saxeexin kowdii bishan.

Lataliyaha Amaanka ee Raysal Wasaare Abiye Axmed Redwan Xuseen, ayaa sida Addis Standard qortay sheegay in kahor intii aan hes hiiska la gaadhin ay bishii October dubulum aas iyiin u direen waddamada Bariga Afrika, si loola wadaago is fahamka Somaliland iyo dalkiisa ka hor intii aan la saxeexin.

Redwan Xuseen waxa uu sheegay intaa wixii ka danbeeyay in ay waddamada gobolku ka war qabeen heshiiska, waxa uu yidhi "Waxa kali ah ee waddamada gobolku anay ka warhayn waxa uu ahaa aqoonsiga Somaliland, saamiga diyaara da ee aanu bixinayno, iyo marka uu Madaxwe yne Biixi iman doono".

Redwan Xuseen waxa uu sheegay in Soma liland ay siisay saldhig millateri taa badalkeedana ay Somaliland u aqoonsanayaan dal madaxba nnaan.

Xafiiskii Somaliland ee Itoobiya oo awal la odh anjiray Mishanka Somaliland ee Itoobiya iyo Mido wga Afrika, ayaa hada loo badalay Safaarada So maliland ee Itoobiya, sida uu baahiyay wakiil ku xigeenka Somaliland ee Itoobiya.

D/Soomaaliya ayaa iyadu aad uga soo horjeed satay isfahamka dhexmaray Somaliland iyo Itoo biya, iyada oo ku macnaysay madaxbann aanide edii oo lagu soo xadgudbay, waxayna sh eegtay in anay marnaba aqbali doonin in heshi iskani uu fulo. Dhinaca kale, Somaliland oo 33 sanno ka hor si hal dhinac ah uga noqotay midow gii salka u ahaa Jamhuuriyadii Soomaalida, isla markaana aqoonsi raadinaysay muddo dheer ayaa is afga radkan u aragta mid muhiim u ah qadiyad eeda.

WAA TUMA GABADHA SOOMAALIYEED EE KA QAYB GALAYSA TARTANKA QURUXDA ADDUUNKA SEYNAB JAAMAC

Sida lagu qoray qaar ka mid ah warbaahinta caalamka, waxaa tartanka Miss Global la xa qiijiyey inay ka qayb galeen gabdho ka kala soc day waddamo iyo gobollo caalamka ka tirsan.

SeynabJaamac oo ah gabar Soom aaliyeed oo 22 jir ah waxay ka mid tahay ilaa 82 gabd hood oo daafaha caalamka isaga yi mid oo tartankaas isku soo taagay.

Tartankan oo ah kii tobanaan ee noociisa ah waxaa marti galinaysa magaalada Ho Chi Minh ee dalka Vietnam oo ay tahay markii ugu hor reysay ee tartankan lagu qabto.

Tartanka quruxda ee Miss world waxaa shuruu dihiisa ka mid ah in gabdhaha ka qayb galaya aysan da'doodu ka yaraan 18 sano.

Seynab Jaamac

Maxaan ka naqaan Seynab Jaamac

Soomaaliya oo markii ugu horreys ay ka qayb galaysa ayaa waxaa ku ma talaysa Seynab Jaa mac. Seynab wax ay iminka ku bar ataa soo bandhigidda quruxda magaalada London.

Waxay kaloo Seynab go’aansatay inay bar ato duullimaadyada iyo maaraynta garoo mada dayaaradaha.

Waxay mararka qaar fagaarayaasha uga had ashaa xaaladda dumarka Soomaaliyeed ee dagaalladu saameeyeen.

Waxay Seynab ka sheegtay tartanka quruxda ee ay ka qayb qaadanayso in ay doonayso in ay balaariso dadaalka ay ugu jirto inay quweyso dumarka Soomaaliyeed.

Ma aha markii ugu horreysay ee ay gabar So omaaliyeed ka qayb gasho tartan qurux. Khadiija Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed ayaa sanan dkii 2022 u soo istaagtay.

Xilligaas waxay Khadiija ka qayb galaysay tart anka la yiraahdo Miss World, waxayna ka gaatay ilaa heerka 13ka qof ee ugu sarreeya.

S umaya Cabdiraxmaan Cali ayaa ayadana ka qayb gashay tartanka Miss Africa ee 2018, halka Cadar Yuusuf ay ku guulaysatay tartanka quruxda gabdhaha jaamacadaha Africa labo sano ka hor.

Seynab Jaamac

Tartanka Quruxda Miss Global

Heerarka tartanka ee abaalgudka lagu bixiyo ayaa kala ah 13 heer, waxaana ugu horreeya gabadha qaadda qurux da ee Miss Global. Wax aa ku xiga ku xigeenka 1aad, 2aad, 3aad iyo afaraad, ka dibna wax aa ku xigsada 13ka u gu sarreeya iyo 25ka ugu sarreeya. Waxaa kaloo jira heerar kale oo ay ka mid yihiin Miss Photogenic, Miss Fitness, Miss Fa shion iyo Miss Talent.

Abaabulayaasha tartanka ayaa sidoo kale qiimeeya waxyaabo aan quruxda wajiga la xiriirin balse dhinacyo kale ku saabsan.

Waxyaabaha la qiimeeyo waxaa ka mid ah qaabka bandhigga, qaabka labiska (oo noocyo kala duwan leh), Sida timaha loo soo hagaajiyo, iyo su’aalo gabar kasta si u gooni ah ay uga ja waabto, ayadoo lagu qiimeeyo kalsoonida ay uga jawaabayso, iyo jawaabaha ay xulanayso.

Shuruudaha ay tahay in la soo buuxiyo marka la dalbanayo ka qayb galka tartanka waxaa ka mid ah in qofka ka qayb galaya ay dumar tahay, da,deedu u dhaxayso 18 ilaa 35 sano, aysan xaas ahayn ama aysan uur lahayn, ayna luqadda Ingiriiskak ku hadli karto.

Waxaa kalo shuruudaha tartanka ka mid ah in aysan hore u soo bandhigin sawirro anshax xumo ah, xaaladdeeda jireed iyo tan maskaxeed na ay yihiin kuwo caafimaad qaba, isla markaana aysan qabin xanuunada la is qaadsiiyo.

Tartanka Miss Global ayaa ayaa la soo gababeyn doonaa Bishan Janaayo 18keeda, waxaana baraha bulshada aad uga socda olole ay dhallinyaro Soomaaliyeed ku taageerayaan Saynab Jaamac.

Gabadha kaalinta 1aad gasha ayaa helaysa hadiyado, jaa’isado iyo deeq waxbarasho oo ma rka la isku daro gaaraya $20,000, ayadoo afarta ku xigta ay helayaan deeq waxbarasho iyo hadi yado u dhigma min $1000, halka kaalimaha kale oo dhan oo marka la isku daaro gaaraya 8 kiiba uu helayo $500. XIGASHO:-BBC

Abwaan Nageeye oo 100 maalmood kadib soo muuqday

Abwaan Nageeye Cali Khaliif oo bishii October ee sanadkii tegay la sheegay inuu aaday dhanka kooxda Al-Shabaab ayaa goordh oweyd kasoo muuqday bartiisa rasmiga ah ee Facebook.

Nageeye ayaa warkiisa la wey sana tan iyo markii la sheegay inuu Al-Shabaab u galay, hase yeeshe Dorraad ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku muujiyay inuu nabad qabo, uuna dib ka faah-faahin doono sida ay wax u jiraan.

"Salaan iyo Dorraad wanaagsan Soomaali dha mmaantiinba. Boqol maalmood ka dib, waan ku faraxsanahay in aan ku soo laabtay Face book. Hadal hayntuna kollay way iska badnayd. Aniga ayaa dhawaan ka hadli doona,” ayuu Abwaan Na geeye ku yiri qoraalka uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Sidoo kale waxa uu soo raaciyay qoraalkaan sawir u saaran yahay gaari, kaasi oo u muuqda mid lagu qaaday dhul baadiya ah.

Ninkan oo horey u ahaa macalin wax ka dhiga Jaamacadda Ummadda, islamarkaana aad looga yaqaano dalka ayaa bishii October ee sanadkii dhamaaday la sheegay inuu aaday dhanka koo xda Al-Shabaab, oo wajaheysa guluf dagaal oo culus, wuxuuna ahaa nin aad Facebook wax ugu daabici jiray.

Waxaa sidoo kale markaas la baahiyay sawi rro la sheegay inay muujinayaan isaga oo booqa naya magaalada Jilib oo xarun u ah Al-Shabaab iyo magaalooyin kale oo ku yaalla Jubooyinka oo kooxda ay ka taliso, marka uu tegay magaalo oyinkaas waa 2021-kii.

Arrinta Nageeye ayaa markii ay soo baxday ka yaabisay dadka Soomaaliyeed, maadaama uu ahaa nin bulshaawi ah, aqoonyahan ah, shaqo oyin fiican heysta, lahaana taageerayaal badan oo ka helay suugaantiisa iyo xirfadiisa macali nim ada. Xigasho:-caasimadda.net

Qatar oo shaacisay inay heshiis cusub dhex dhigtay Israa’iil iyo Xamaas

Qatar ayaa ku dhawaaqday inay heshiis dhex dhigtay Israa’iil iyo Xamaas kaasoo dhigaya in dawooyin la gaarsiiyo dadka Israa’iiliyiinta ah ee lagu haysto Qaza.

Xamaas ayaa ku bedelatay arrintan in sidoo kale la ogo laado dawooyin iyo gargaar bini’aadminimo in la gaarsiiyo dadka rayidka ah ee ku nool meelaha ugu daran ee go’doonsan, sida ay shee gtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar.

"Daawo ay weheliso gar-gaar bini’aadantinimo ee kale waa in la gaadhsiiyo dadka rayidka ah ee ku sugan Marinka Gaza, meelaha ay dhibaatadu ka jirto iyo meelaha nugul, si loogu beddelo daw ada au u baahan yihiin maxaabiista Israa’iil ee ku xiran Gaza,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Qatar.

Heshiiska ayaa waxaa lala kaashaday Faran siiska, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka oo intaas ku daray in dawooyinka iyo garg aarka ay ka dhoofi doonaan magaalada Doha berrito, iy a doo la geynayo magaalada Al-Arish ee dalka Ma sar gaadiid ayaana gelin doona marinka Gaza,

Boqortooyada Saudia Arabia oo shuruudo adag ku xirtay iney aqoonsato Israel

Isagoo ka hadlayay Madasha Dhaqaalaha Add uunka ee Davos, Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo ka dhacda Gaza.

Faisal bin Farxaan ayaa sidoo kale sheegay in Sacuudiga uu aqoonsan karo Israa’iil haddii ay dhacdo xabad joojin iyo abuurista dowlad ay leedahay Falastiin.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo aaday iyadoo dagaalka Israa’iil iyo Xamaas uusan u muuqan mid qaboobaya.

"Waxaan isku raacsannahay in nabadda go bolka ay ku jirto nabad ay hesho Israa’iil, balse ta asi waxay keliya dhici kartaa nabad iyo dal ay hel aan Falastiiniyiinta” ayuu yiri Amiir Faisal bin Farhan.

Amiir Faisal ayaa sheegay in helidda heshiis goboleed iyadoo loo marayo sameynta dal ay Fal astiiniyiintu leeyihiin ay tahay "wax aan kala shaq eyneynay maamulka Mareykanka”.

Ra’iisul wasaaraha Jordan oo sheegay in barakicinta Falastiiniyiinta ay noqon doonto khatar jirta

Ra’iisul wasaaraha Dalka CarbeedJordan Bisher Al Khasawneh ayaa sheegay in nabadda lala galo Israa’iil ay weli tahay doorasho istiraatiji ah balse barakicinta ballaaran ee Falastiiniyiinta ay noqon doonto khatar jirta oo dalka soo waja hda.

Hadalladan ayaa ah kuwii ugu dambeeyay ee muujinaya in dadaa lka Israa’iil ay ku doonayso in sha cabka Falastiin ay kaga saarto Da anta Galbeed ama Marinka Qaza ay noqon karto khad cas oo u dhexeeya dalalka deriska ah, sida Urdun iyo Masar.

Inta badan dalalka Carabta ma doonayan sida Yuhuudu la dooneyso dhulka reer Falas tiin,wax aase aan muuqan oo awood badan ku leh dhulka Falastiin Kooxda Xamaas.

Kooxda Xamaas waa team-ka kaliya ee hoya ad iyo harsi u diiday Yuhuuda waana koox hube ysan oo dhul balaarana ka talisa gaar ahan mari nka Gaza.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip