Soomaalida oo farriintii ugu cusleyd u direy Muuse Biixi iyo Abiy, wacad-na ku maray…

0
Thursday January 11, 2024 - 14:12:14 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 224
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaalida oo farriintii ugu cusleyd u direy Muuse Biixi iyo Abiy, wacad-na ku maray…

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho oo maanta dhigay banaanbixii ugu weynaa ayaa farriin cad u diray madaxweynaha Somaliland iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo dhawaan heshiis muran dhaliyay ku gaaray Addis Ababa.

Qaar kamid ah dadweynaha ka hadlay dibad-baxaan ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan damaca gurracan ee Itoobiya ee ku aadan badda Soomaaliyeed.

Dadweynahan ayaa si toos ah farriin ugu diray madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo ah labada nin ee saxiixay heshiiskaasi.

 

"Muuse Biixiyow dhulka Soomaaliya hakaa bad-baado, ammaan hakaa helo cimrigaaga wuu dhammaaday waa dhimaneysaa, waxaana usoo banaan baxnay waa dhaca aad ku hayso dhulka Soomaaliyeed” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha dhaqanka ee Soomaaliyeed.

Sidoo kale oday kale oo ka hadlay goobta ayaa wacad ku maray in aysan gorgortan ka geli doonin badda Soomaaliya, ayna shacabka difaaci doonaan madax banaanida dalka.

"Baddeenna gorgortan kama galeyno damaca iimaan darrada ah ee Itoobiya aan kasoo horjeednaa” ayuu yiri oday dhaqameed kale oo khudbad ka jeediyay dibad-baxa.

 

Haboon oo kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee doorka kulahaa dibadbixii weynaa ee maanta ayaa iyaduna toos ula hadashay Abiy Axmed, waxayna sheegtay inay ugu tegayaan dalkiisa, haddii uusan ka laaban go’aankiisa ku aadan badda Soomaaliyeed.

"Qof walba oo maanta halkan taagan waxay u joogtaa inay kuugu imaato Itoobiya, ma kuugu sugeyno Saylac, Soomaaliya hanoolaato” ayay iyaduna tiri Haboon oo kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee maanta ka qayb-galay dibadbaxa ka dhacay Muqdisho.

 

Dibad-baxan ayaa noqonayaa kii labaad oo ka dhaca Muqdisho, loogana soo horjeedo damaca Itoobiya ee ku aadan badda Saylac ee ay u saxiixday Somaliland.

Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn uga carootay heshiiska Muuse Biixi Cabdi iyo Abiy Axmed, kaas oo Itoobiya loogu saxiixay 20 KM oo kamid ah badda Soomaaliyeed.

Hoos ka daawo muuqaallada

 






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip