QALINKUBA HIIL BUU GALAA

0
Monday January 08, 2024 - 07:28:18 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 1763
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QALINKUBA HIIL BUU GALAA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Hordhac

"Waan dhogor qaboobayn intaan,dhowr wadaad kicine” –Abwaan Cabdi Maxamuud Xasan

Sanad kasta oo curta waxaa lagu soo dhoweyaa Heesta "Sanadka Cusub’’ ee uu ku luuqeeyo AUN Tubeec, waxana dib loo falanqeeyaa sanadkii tegay, wixii dhib iyo dheef ah ee uu watay, waxaa la oran karaa in sanadka 2023-ka uu bulshada soomaaliyeed u ahaa sanad Dahabi ah, waxaa lagu guuleystay dhowr arrimood oo kala ah;

 

1- Ku-biirista Urur-goboleedka Bariga Africa(EAC).


2- Ka-qaadista Cunaqabateynta Hubka Soomaaliya.
3- Deyn Cafinta oo ahayd culays weyn oo soomaaliya muddo ragaadiyey.

Heesta "Sanadka Susub’’

Farxadda iyo damaashaadka sanadka cusub waxa lagu soo dhoweeyaa hees, ciyaaro, kulamo, badhigyo dhaqan, kuwo faneed oo oo kala duwan.Inta badan dadku waxa ay muujiyaan farxadda iyo raynraynta sanadka cusub.

 

Waan heesayaaye
Sanad waliba hoodiyo
Hawl iyo dhibaatiyo
wuxuu hadimo leeyahay.
Waa laga helaayoo
Hadhow lagu xasuustaa.
Kii noo hagaagee
noqo loo han weyn yahay.

 

Qaar kaa horreeyoo
Hodanaa na dhaafee.
Halkii loogu mahad naqay
Ka habaabi maysidee.

 

 

Sanadkii tegey ee 2023-kii waxa uu ahaa sanadkii dib-u-xoraynta iyo halganka dadweynaha. waxana kooxda argagixisada Al-Shabaab laga saaray magaalooyin istaraajiiti ah, oo ay gumeysanayeen sanadooyin fara badan, waxa ay deegaamadaas ka sameeyeen waxkasta oo foolxun, waxa ay burburiyeen dhaqankii soo jireenka ahaa oo ay laheyd bulshada soomaaliyeed, waxa ayna bulshada u yagleeleen Nabadoono iyo dhaqan cusub.

Sanadkii lasoo dhaafay waxaa meelkasta gaartay farriintii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxa ayna bulshadii soomaaliyeed iska dhiciyeen Nabadiidka Al-Shabaab, iyagoo is xilqaamaya,ayna garab taagan tahay Dowlada Soomaaliya, markii aad dib u milicsato guulaha la gaaray iyo dadkii qiimaha badnaa ee ku shahiiday dagaalkii lala galay khawaarijta waxaa igu soo dhacda oraahdii Laashin Cabdulaahi Raage oo aheyd: "SIDEEDABA GOBONIMADA WAA GEED KU BAXA DHIIGGA GEESIYADA”.

Doorka Abwaanada iyo Bahada Suugaabta.

Dagaalkii lala galay kooxda Al-Shabaab waxaa door weyn ka ciyaaray abwaanada soomaaliyeed oo u jiheynayay bulshada Soomaaliyeed qaybaheeda kala duwan in ay iska dhiciyaan gumeysiga muddada badan haystey dhulkooda hooyo, abwaanadii doorka fiican ka ciyaaray waxaa ka mid ah: Maxamuud Cali Adam(Hoorri) oo sameyay labo hees oo muhiim u ah kacdoonka looga soo horjeedo kooxda UGUS .

Heesta Gurmad;

Heestani waxa ay diiradda saaraysaa in layska dhiciyo cadowga sida foosha xun ummadda u gumaaday oo weliba dooriyey hiddahooda iyo dhaqankooda suubban. Heesta (GURMAD) ayaa waxa ay leedahay sidatan

 

 

Gumeysigan mar kale yimi
Gacalkeena dhalan-rogey
Dhallaankeenna gaasiray
Gurigooda ugu galay
Googooyey hilibkood
Isagoo gafuudh xidhan
Ma garbaa dadweynow ?

Goodkiyo abeesadan
Ganbooleyda dumarkana
Shalmaddeeda gaarka ah
Guudkeeda kala degey
Kufsadoo haddana gubey
Isagoo gafuudh xidhan
Meeyey geesigeedii ?

***

 

 

Gurmadoo mar wada kaca
Garabkaaga Qori saar
Gamaskiyo warmaha keen
Geyshkeena dhinac joog
Gabbalkii guduutaba
Sida galowga dhiiloo
Garanwaaga halistiyo
Ugus maanta dabar goy.

Ninka Diinta garabmaray
Garcaddaaga gabawarey
Geedkiyo gartaba jaray
Gaalleefta mariyoo
Gaadmada ku gowracay
Isagoo gafuudh xidhan !
Aaway gureygi uu dhalay?

Gafanahakan nagu baxay
Geyigeenna hodonka ah
Guunyada ka ciribtiray
Galab qura dab wadasuray
Dibbiroo iskala guray
Isagoo gafuudh xidhan
Guluf miyaan la qaadayn?

 

***

Gurmadoo mar wada kaca
Garabkaaga Qori saar
Gamaskiyo warmaha keen
Geyshkeena dhic joog
Gabbalkii guduutaba
Garanwaaga halistiyo
Ugus maanta dabar goy.

Mar kale, ayuu curiyey heesta la dheho( BILLAD GEESI). Heestani, waxa ay guubaabo iyo garab u tahay Ciidanka Qaranka Soomaaliyeel. Sidoo kale, waxa ay muujinaysaa kaalinta iyo foolaadnimada uu ka muujiyey halgganka iyo xoraynta dalka lagaga safaynayo Khawaariijta arxanka daran (UGUS) ee ragaadisey horumarka dhaqaale iyo siyaasadeeeba.

 

Mar kale, heestu waxa ay tilaameysaa kaalinta wasaaradda Gaashaandhiiga, cududda xiidanka xoogga dalka sida, Danab, Gorgor,Waran iyo Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) oo xoraynta Dalka ka qaadatay kaalin mug iyo miisaan leh.

Gadoodney oo[ gadoodney]
Waa inaan gubnnaa
Geesi dhiirranoow
Midka geed ku jira
Guuraha habeen
Iyo galab-carrow
Galayradu arkaan
Garanwaaga iyo
Gafuur duubatada
Geyigeenna timid.

****

 

Waa inaan gubnnaa
Godka ugu gallaa
NISA garabasannaa
Gaashaandhigiyo
Geyshkeena Danab
Gorgor soo qabtaa
Waran gamaska iyo
Gumuc kaga baxshaa.
Gilgilanney oo [gilgilanney ]
Waa inaan gubnnaa
Geesi dhiirranoow
Hubka soo gurnnaa
Isu garab sannaa
Ku gardaaddinnaa
Gafuurraxunta iyo
Garangoorridiyo
Gafanahakan hoog
Wada gowracnnaa.

****

Waa inaan gubnnaa
Godka ugu gallaa
NISA garabasannaa
Gaashaandhigiyo
Geyshkeena Danab
Gorgor soo qabtaa
Waran gamaska iyo
Gumuc kaga baxshaa.

 

In kastoo ay abwaanada soomaaliyeed qaar dadaaleyn; haddana waxaa muuqata in ay aad u gaabiyeen bahda wasaarada Warfaafinta iyo Tiyaatarka Qaranka, filashadii laga sugayey _ iyagoo la rabay iney qabtaan shaqo intaa ka badan, ayna bulshada soomaaliyeed u sameyaan ruwaayado (masraxiyad) wacyigalin ah oo ku qotoma aqoon, suugaan, farshaxan afeed, bedqab feker, ilaalin isir, hayb diimeed, summad ummadeed, hidde soo jireen ah, dhaqan suubban iyo sooyaal soomaaliyeed.

Maxaa laga gaabiyey oo mudan in la qabto sanadka 2024?

La xarbiga garaadkaa
Naf la jaro ka xeeldheer.
Abwaan, Axmed Siciid Diiriye (Af-gudhiye)

 

Waxa aa shaki ku jirin in kooxda Al-Shabaab looga adkaaday dagaalka meydaaniga (tooska ah) ah balse uu dhiman yahay in looga adkaado dagaalka macnawiga ah (fikirka), taas oo ah in Al-Shabaab laga dilo in ay isticmaasho kaararka diiniga ah, taas oo ay kusoo jiitaan qeyb ka mid ah bulshada, ayna ka raadiyaan Sumcad.

1- Dugsi qur’aanada iyo tira-koobkooda.

Waxaa la marayaa doorkii Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, lagana rabo in ay diiwaangaliso dhammaan dugsi qur’aanada, macalimiinta wax u dhiga ardayda la hubiyo aqoonta ay diinta u leyihiin iyo firqooyinka ay ka tirsan yihiin, waa in uusan macalin noqon Karin qof aan wasaaradda ka wadan aqoonsi iyo shahaado, Inta uu socday dagaalka ka dhanka ah argagixisada lama arkin kaalinta Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.

 

(2) Maraakista lagu barto diinta Islaamka iyo culuunta shareecada

Waxaa magaalada Muqdisho iyo banaankeeda ka furan maraakis lagu barto diinta islaamka,ayna ku jiraan arday gaareysa kumanaan, maraakista qaarkood waxa ay bixiyaan jiif iyo cunto lacag la’aan ah, waxaa wasaaradda looga baahan yahay in ay diiwaan galiso maraakistaas, ayna tira koobto ardayda dhigata da’dooda, sidoo kale waxaa laga maarmaan ah in la hubiyo manhajka ardayda loo dhigo iyo cida dacmiga iyo taageerada dhaqaale siisa.

3- Mideynta Khudbadaha ka baxa Masaajiddada Dalka.

Dalku waxa uu ku jiraa marxalad xasaasi ah, waxaa si cad looga guuleystay kooxaha argagixisada Al-Shabaab, waa in ay wasaaradda diinta iyo Awqaaftu ka shaqeysaa wacyigalinta bulshada, ayna sameysaa khudbado mideysan oo loo akhriyo bulshada Maalinta Jimcaha, sidoo kale, waxaa muhiin ah in la diiwaan-galiyo tirada masaajidda iyo Imaamyada ku qoran si loo ogaado masjidkasta firqada uu ka tirsan yahay (Jamaacadaha dalka ka jira)

4- Ardayda jaamacadaha dalka wax ka dhigata & jihayntooda

Waa in waajib looga dhigaa arday kasta oo maraya sanadka u dambeeya inuu ka qeybqaato olalaha wacyigalinta loo sameynayo tuulooyinka iyo magaalooyinka laga qabsaday Al-Shabaab, sidoo kale wacyigalintaas waa in ay ka qeyb qaataan Culimada soomaaliyeed oo ay tagaan fagaaraha deegnada laga xureeyay Argagixisada.

 

5-Doodaha Dastuurka & weydiimaha ku gadaaman

Waxaa ay Wasaaradda Caddaalada iyo Dastuurka ka gaabisay in bulshada soomaaliyeed u sharraxdo Dastuurka iyo Hanaanka Garsoorka Dalka, waxa aan wada ognahay in bulshada qeybo ka mid ah aysan ku kalsooneen Garsoorka Dalka ayna Caddaalad u doontaan Kooxaha Argagixisada, waxa ay aheyd in la qabto kulamo dadkana lagu qanciyo hanaanka garsoorka dalka.

Sidoo kale, waxaa shaki ku jirin in dastuurka dalka laga aaminsan yahay fikrado qaldan, ayna faafiyeen Kooxaha Argagixisada, waxa ay aheyd in Wasaaradda ay qabato dood-cilmiyeedyo lagu taageerayo dastuurka, lana dhageysto dhaliilaha ay qabaan bulshda, balse wasaaraddii ku shaqada laheyd waxa ay ka gaabisay shaqooyinkii muhiimka ahaa.

 

Geba-gabo & Gunaanad

Sanadkii lasoo dhaafay waxa uu ahaa sanadkii dib-u-xoraynta, waxaa rajeyneynaa in sanadka 2024-ku uu noqdo sanadkii Ciribtirka Kooxaha Argagixisada, sidoo kale, waxaa waajib muqaddas ah in qof kasta uu garab istaago Ciidamada Xoogga Dalka, uuna Argagixisada kula dagaalamo Af iyo Addin.

Haddii, aan la qaadin qodobada aan kor kusoo sheegay guusha la gaaray macno ma sameyn doonto, waxa ayna Al-Shabaab siin doontaa in ay isa soo diyaariyaan balse haddii talaabooyinkaa la qaado waxa ay ka dhigan tahay in Al-Shabaab looga adkaaday dhinac kasta oo dagaalka ka mid ah.

Waxaa muuqata in ay doorkooda ka gaabiyeen wasaaradaha kala ah; Wasaaradda Warfaafinta, Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo Wasaaradda Caddaalada iyo Dastuurka, balse wali waxa ay haystaan fursado dahabi ah oo ay wax ku qaban karaan, dagaalka Argagixisada lagula jiro ma aha kaliya dagaal toos ah balse waa dagaal dhinacyo badan leh, oo ay muhiim tahay in looga adkaado.

Qormadan, kooban waxa aan ku soo afmeerayaa weydiimahan soo socda, waxana mudan inaad is weydiiso adoo u raadinayaa warcelin buuxda si loo helo jawaab kaafin karta qof kasta oo weydiintan qaba.

Maxaa lay qarxinayaa?
Qudha layga jarayaa?
Qumac iyo rasaastana
Dhakhtar iigu qorayaa?
Horta qaladka yaa galay?
Dhibbanaha la qalayaa
Qoolkee ku xiranyahay ?
Yaa qardhaasta noo xidhay?
Walhaannadu qoraayaan
Shacabyohowla quursaday
Qarqarada dushaadaan
Ka arkaa qabuuraha
Haddaadan isdaba-qaban!.

Mahadsanidiin

QALINKUBA HIIL BUU GALAA – Goobjoog

W/Q: Maxamed Axmed Jiinte



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip