DENI oo kala dooranaya laba mushkilad oo isku mid ah

0
in Wararka by
  • Visits: 72
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DENI oo kala dooranaya laba mushkilad oo isku mid ah

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Puntland ayaa cadeysay in aanay marna aqbali doonij wax ka beddel lagu sameeyo dastuurka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Maamulkan la aas-aasay 1998-dii ayaa udub dhexaad u ahaa qorista dastuurka ku-meel-gaarka ah, xilli uu Shariif Sheekh Axmed siiyay Cabdiraxmaan Faroole door siyaasadeed aan loo meel dayin.

Muqdisho waxaa ka jira guux ku saabsan isbeddelka qodobo kamid ah dastuurka ku-meel-gaarka ah ee hadda lagu dhaqo dowladda federaalka. Si aan taas ka culeys yareyna magaalada Garoowe waxaa ka taagan xilligaan walaac ku saabsan isbeddel dastuur oo uu sameeyay Saciid Cabdullaahi Deni.

 

Labada xaaladba ma sahlana, mid qoryo ayaa la isku sitaa, midna qalimaan. Laakiin Maamulaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ma rabo inuu hoos u fiiriyo midda uu isagu abuuray ee wuxuu fikrad ka dhiibanaya midda taalla dowladda dhexe.

Puntland ayaa horey cilaaqaadka ugu jartay dowladda dhexe ee Soomaaliya, iyada oo Saciid Cabdullaahi Deni uu diiday ka qeyb-galka shirarka Golaha Wadatashiga Qaran kadib markii uu Xasan Sheekh diiday inuu ra’iisul wasaare ka dhigo.

Qoraal shalay kasoo baxay Puntland ayay kaga digeen cawaaqibka ka dhalan kara wax ka beddelka dastuurka ku-meel-gaarka ah, gaar ahaan qoddobka hab dhismeedka dowladnimada.


 
 

Labadii madaxweyne ee ugu dambeysay Soomaaliya ayaa labaduba caashaqay inuu dalka noqdo hanaan madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen ah, iyada oo la tir-tiraayo kursiga ra’iisul wasaaraha.

Inkasta uu Farmaajo hoos u sheegi jiray damacaas, hadda Xasan Sheekh ayaa kor usoo qaaday weliba olole ayuu ugu jiraa.

Markii aan u laabano Deni, dadka diidan hab fikirkiisa siyaasiga ah waxay leeyihiin waa nin isagu deegaankiisi ka abuuray mushkilad dastuuri ah, dhinaca kalena olole ugu jira inuu xaliyo mid kale oo heer federaal ah oo uusan itaal badan u haynin.

Dadka tallooyinka siinaya hoggaamiyaha 45 cisho u harsan tahay ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni waxay leeyihiin marka hore ha soo gunaanado xiisadda ka dhalatay dastuurkii uu xoogga ku beddelay ee Puntland oo gacan ka hadalkiisa uu sababay in daraasiin dad ah ku dhintaan magaalada Garoowe.

"Puntland waxay cadeynaysaa in aanay waxba ka dhaqan-gelin doonin wax ka beddel kasta oo lagu sameeyo dastuurka ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya, iyada oo Puntland ay maqan tahay,” ayaa ku jirtay qoraalka uu shalay soo saaray Saciid Deni ee uu ku diidan yahay qorshaha dowladda dhexe ee Soomaaliya ay wax uga beddelayso dastuurka.

 

Laakiin dhinaca kale waxay dadka xasuusan yihiin inay Puntland hore u diiday in ay timaado miiska, oo ay halkaa dhigato wixii ay diidan tahay.

Sababta ay u maqan tahay waa arrin shaqsi ah oo Xasan Sheekh iyo Saciid Deni ka dhaxeysa, taasi oo ka dhalatay kursiga ra’iisul wasaaraha. Laakiin arrintaan weyn ee masiiriga awgeed hoggaamiyaha Puntland weli ma ogola inuu miiska kusoo laabto oo uu halkaas wax ku saxo.

Villa Somalia uma muuqato mid ku mashquulsan farriimaha Saciid Deni. Balse markii la eego miisaanka shaqada loo socdo, ahmiyadda ay leedahay in dalka la isku hayo iyo dhaqan-gelinta go’aamada waaweyn, waxay dad badani qabaan in Xasan Sheekh iyo Xamza u baahan yihiin inay sugaan inta ay xaaladda Puntland dhinac uga dhaceyso.

XIGASHO:-CAASIMADDA.NET



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip