Muxuu wiilkaan Youtuber ka ah u jecel yahay inuu Soomaalida wadooyinka kula kulmo?

0
Wednesday November 22, 2023 - 20:14:04 in Wararka by
  • Visits: 217
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu wiilkaan Youtuber ka ah u jecel yahay inuu Soomaalida wadooyinka kula kulmo?

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Abdeen iyo Somali

XIGASHADA SAWIRKA,ABDEEN

Abdeen waa wiil isticmaala kuna soo gala baraha bulshada magaca AbdeenTube, wuxuuna xiiseeyaa isla markaana muuqaalo ka sameeyaa xifdinta Quraanka.

Muuqaaladiisa ugu caansan waxaa ka mid ah kuwo uu dadka joojiyo wadooyinka isla markaana waydiiyo qofka muslimka ah inuu quraanka yaqaan iyo in kale, waxaa xiga inuu bilaabo aayad ka mid ah quraanka si uu u dhamaystiro qofku.

Hase yeeshee Abdeen ayey Soomali badan ku xirantay kadib markii uu wadooyinka kula kulmay marar badan shakhsiyaad Soomaali ah oo ka qayb qaadanaya barnaamijkiisa, waxaadna arkaysaa in qof kasta oo Soomaali ah oo uu la kulmo akhrin karo aayado ka mid ah quraanka halka ay dhacdo in la arko muslimiinta kale oo ay ku adkaato.

Abdeen oo kaliya ma aha dadka waddooyinka ku joojiya muslimiinta isla markaana ka cosada inay quraan akhriyaan, waxaadna arkaysaa Soomaalida waddooyinka lagu joojiyo inay sheeganayaan inay quraanka xifdisan yihiin guud ahaan ama ugu yaraan suurado ka mid ah quraanka.

Sheekh Soomaalida ku amaanya xifdiska quraanka ayaa yiri: "Hadii Aljeria lagu yaqaan dalka ‘milyanka shahiid’, Soomaaliyana waa dalka milyanka xaafid”.

Abdeen oo nin dhallinyaro ah la taagan mid kamid ah muuqaaladiisa ayaa yiri: "Waan jeclahay Soomaalida, iyaguna waa i jecel yihiin,".

Wuxuu sheegay in markasta oo uu la kulmo qof Soomaali ah uu farxo, maadama ay yihiin dad intooda badan quraanka wax ka yaqaan.

Abdeen ayaa ka soo jeeda dalka morocco oo ah kami ah dalalka muslinka ee dadkiisu quraanka in badan xifdiyaan.

Waxyaabaha xujada ku noqda dadka ka faalooda quran xifdiska waxaa ka mid ah, in Soomaalidu aysan ahayn dad afka carabiga ku hadla ama uu asal u yahay balse ay barashada iyo xifdiska quraanka kaga fiican yihiin umadaha afka carabiga ku hadla.

Somali xifdis

Soomaalida iyo xifidinta quraanka

"Quraanku wuxuu kusoo dagay Makka, waxaa lagu qoray Madiina, waxa lagu bartay Masar waxaana lagu xifdiyey Soomaaliya iyo Moroko” sidaas waxaa yiri mid ka mid ah culumada Islaamka oo ka hadlayey sida quraanka loogu xifdiyo dalalka Moroko iyo Soomaaliya.

Tartannada caalamiga ah ee Quraanka ayey caadi ka tahay inay ku kulmaan dhowr xaafid oo soomaali ah balse kala matalaya dalal kal duwan oo daafaha caalamka ku yaal, waxaana la isweydiiyaa siday tani ku dhacday. Xitaa heer Soomaalida lagu naanayso ‘Ummaddii Quraanka’.

Wadarta guud ee Soomaalida ku dhaqan dalalka geeska Afrika iyo daafaha caalamka waxaa lagu qiyaasaa ku dhawaad 40 milyan. Labada meel ee ay muslimiinta ku dhaqan Soomaalidu u badan tahay waa Soomaaliya iyo Jabuuti oo kaliya.

Dalalka Kenya iyo Itoobiya oo ka mid ah dalalka ay Soomaalida badan deggan yihiin waxaa inta badan tartannada Quraanka ee caalamka uga qayb gala ardey Soomaali, waxaase la yaab ah in dalalka aan Islaamka ahayn balse ay ku noolyihiin Musliimin kale oo Soomaalida ka tira badan ay mar walba kasoo baxaan xufaad Soomaali ah oo dalkaas uga qayb gala tartannada Quranka.

Sheekh Kamal Qidah ayaa isaga oo la dhacsan sida ay Soomaalidu quraanka u xifdiyaan wuxuu khudbada jumcaha oo uu soo jeedinayo ka leeyahay; "yaa tihiin Soomaaliyeey? Ilaahbaan idinku dhaarshee, ii sheega sirtan idinka iyo Ilaahay idinka dhaxaysa, malaha aabayaalkiin iyo awowyaashiin ayaa xiriir wanaagsan la lahaa eebbe kaas oo aad idinku maanta ku nooshihiin”.

Wuxuu yiri Sheekh Kamaal; xilliyada tartanka Quranka waxaad Maqlaysaa, xiriiriyaasha oo leh, "hadda waxaa inoo aqrinaya qaari ka socda Sweden, waxaana istaagaya sheekh Soomaali ah, haddana waa Norway, waxaa soo istaagaysa gabar Soomaali ah, hadda waxaa tartanka ka qayb galaya Maraykanka waxaana soo istaagaya toban Somaali ah”.

Sheekh Kamal wuxuu sheegay inuu ka mid ahaa xakimiinta tartanno badan oo quraanka uuna kusoo arkay xiriirkan la yaabka leh ee Soomaalida iyo Quraanka.

Quraan

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Labada arrimood ee Soomaalida u sahlay xifdiska

Waxaa la isku dayaa in la sababeeyo sida ay ku dhacday in bulshada ku hadasha afka aan carabiga ahayn ay sidaas ugu sahlanaato ama xufaad sidaas u badan uga soo baxdo.

Adigan akhrisanaysa sheekadan waxaa laga yaabaa inaad xifdisan tahay quranka guud ahaan ama qayb ahaan, ama qof aad taqaano xifdisan yaay. Hadii aad dib u eegto safarkaagi barashada quraankana waxaad xasuusan kartaa laba waxyaabood.

Yaraanta in lagu bilaabo barashada quraanka ka hor inta aanu ilmuhu gaarin in hawl loo dirsado ama aan waxbarasho kale la geyn; waa dhaqanka Soomaalida.

Markii ay burburtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya, waxaa si uun u hoos ugu dhacay waxbarashadii maadiga. Waxbarashada kaliya ee waalidiin badan fursad u heleen inay caruurta kula dadaalaan ayaa noqotay tan diinta siiba quraanka.

Balse in caruurtu quraanka ku bilowdo kaliya dhaqan uma ah kuwa ku nool Somaaliya ee sidoo kale guud ahaan meel waliba oo ay ku noolyihiin waalidiinta Soomaalidu waxay u arkaan in quraanku asal u yahay waxbarashada.

Tan labaad ayaa ah subciska oo ay culumada qaar ku tilmaamaan arrin la tijaabiyey oo sahla in la xifdiyo quraanka, sidaasna waxay Soomaalidu ku yeelatay naanaysta ah ‘Ummadii Quraanka’.

XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip