Somalia oo caawa ciyaaraysa kulankii ugu horeeyey isreeb-reebka Koobka aduunka

0
Thursday November 16, 2023 - 14:39:29 in Wararka by
  • Visits: 1775
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somalia oo caawa ciyaaraysa kulankii ugu horeeyey isreeb-reebka Koobka aduunka

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Xulalka kubadda cagta ee Soomaaliya iyo Algeria ayaa caawa ciyaari doona kulan ka tirsan isreeb-reebka koobka Adduunka 2026 qeybta Qaaradda Afrika.

Ciyaarta Waxay bilaaban doontaa 7:00 PM, Waxaana lagu ciyaari doonaa Garoonka Mandella Stadium oo qaada 40,784 taageere.

Taariikhda Waa markii ugu horeysay oo ay tartan rasmiya ku kulmayaan labada xul, dhinaca kale Waa markii ugu horeysay oo ay Soomaaliya ciyaareyso wareega group-yada ee isreeb-reebka koobka Adduunka 2026 ee dalalka Afrika.

Algeria waxay koobka Adduunka ka qeyb gashay 4 jeer, waxeyna raadinaysaa Inay markeedii 5-aad iska xaadiriyaan koobka aduunka ee 2026.

Soomaaliya weligeed hal jeer oo kaliya ayey badisay kulan ka tirsan isreeb-reebka koobka Adduunka waxeyna aheyd, sanadkii 2019 xilligaasoo Xulkeenu 1-0 kaga adkaatay Xulka dalka Zimbabwe.

Marka la eego qiimeynta iyo awooda labada Xul ay ku leeyihiin kubadda cagta, xulka Algeria waxay Qiimeynta FIFA kaga jiraan kaalinta 33-aad Halka Somaliya ay ku jirto booska 196-aad.

Xulka Soomaaliya oo xidigaha matalaya laga soo xulay gudaha iyo dibadda Wuxuu ku jiraa Group-G waxaana ku wehliya Algeria, Guinea, Uganda, Mozambique iyo Botswana

Hadaba natiijo noocee ah ayaa laga filan karaa Wiilsha xulka Soomaaliya ee Ocean Stars?




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip