Xulka Kubadda cagta Soomaaliya ku mataleya is reeb reebka koobka Adduunka oo lagu dhawaaqay

0
Sunday October 01, 2023 - 16:09:02 in Wararka by
  • Visits: 1380
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xulka Kubadda cagta Soomaaliya ku mataleya is reeb reebka koobka Adduunka oo lagu dhawaaqay

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Tababaraha xulka Kubbadda cagta Soomaaliya Rachid Lousteque ayaa goordhaw ku dhawaaqay liiska hordhaca ah ee xulka Soomaaliya ku matali doonaa koobka Isreebreebka adduunka 2026.

Macalin Rachid Lousteque ayaa ku dhawaaqay magacyada 35-ciyaaryahan oo kusoo baxay liiska hore ciyaartoyda Qaranka ku matalaya is reeb reebka koobka adduunka ee lagu wado in uu dhaco sannadka 2026.

Ciyaartoyda macalinka xulka Soomaaliya ku dhawaaqay ayaa isugu jira kuwa ka ciyaara horyaalka Soomaaliya iyo sidoo kale ciyaartoy kale oo iyana ka ciyaaro waddamo kuyaalla caalamka, gaar ahaan Yurub iyo Amerika.

Xiddiga macalin Rachid Lousteque ku dhawaaqay waxaa ku jira kuwa horey Qaranka Soomaaliya usoo matelay iyo wajiyo kale oo cusub, waxaa sidoo kale ciyaartoyda kamid ah kuwa u ciyaara kooxo waa weyn oo ka dhisan Yurub iyo Amerika.




Xulka Kubadda cagta Soomaaliya ku mataleya is reeb reebka koobka Adduunka oo lagu dhawaaqay | Allbanaadir.com
Xulka Kubadda cagta Soomaaliya ku mataleya is reeb reebka koobka Adduunka oo lagu dhawaaqay | Allbanaadir.com

Tartanka koobka Adduunka: Xulka Soomaaliya iyo shan dal oo ay isku beegmayaan - BBC News Somali


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip