Xildhibaanadda Soomaaliyeed ee u taagan tartanka Madaxweynaha Baarlamaanka Aduunka oo ka hadashay rajadeeda

0
in Wararka by
  • Visits: 108
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanadda Soomaaliyeed ee u taagan tartanka Madaxweynaha Baarlamaanka Aduunka oo ka hadashay rajadeeda

    Xildhibaanad Marwo Bashiir oo ka tirsan Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa si faahfaahsan uga hadashay waxyaabaha ku dhaliyay iney u tartanto qabashada xilka madaxweynaha Baarlamaanka Aduunka oo sanadkaan ay u tartamayaan 4 gabdhood oo Afrika ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanad Marwo Bashiir oo ka tirsan Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa si faahfaahsan uga hadashay waxyaabaha ku dhaliyay iney u tartanto qabashada xilka madaxweynaha Baarlamaanka Aduunka oo sanadkaan ay u tartamayaan 4 gabdhood oo Afrika kasoo jeeda. Xildhibaan Marwo Bashiir oo wareysi siisay BBC-da ayaa sheegay iney tahay gabar khibrad ku filan leh, taasina ay keentay iney isu soo taagto tartankaan, islamarkaana ay ka mid noqotay afar gabadhood oo laga soo xushay dhamaan gabdhahii codsiyada wada dirsatay. "Aniga waxaan arkay inaan qaban karo xilkaan Alle ayaa igu soo duway, shaqsi ahaana waxaan ahay ruux qibrad fican leh oo u qalanta in booskan ay u tartanto" ayay tiri Xildhibaanad Marwo Bashiir. Xildhibaanad Marwo ayaa sidoo kale sheegtay in rajada ay ka qabto iney ku guuleysato tartankaan uu yahay mid aad u wanaagsan, iyadoona xustay in dalal badan ay ka heysato rajooyin wanaagsan oo ay ku taageerayaan olalaheeda, sida dalka Jabuuti iyo dalal kale oo ka tiraan kuwa jaamacadda carabta, waa sida ay hadalka u dhigte Xildhibaanad Marwo. "Ololaha waxaa ila qabanayay Soomaali oo dhan, meelkasta oo ay joogaan. Dabcan Djibouti waa waddankeygii koobaad, maadaama aan Af Soomaali ku wada hadlayno rajadeena aad ayay u fiicanntahay" ayay tiri Marwo Bashiir. Si kastaba ha ahaatee sanadkaan waxaa qabashada xilka madaxweynaha ee Baarlamaanka Adduunka, si gooni loogu xiray haweenka Africa, taasoo fursad gooni ah siiyay gabdhaha Xildhibaanada ah ee Marwo ka mid tahay Marwo iney usoo istaagaan tartankaan. Afarta gabdhood ee u tartami doona xilkaan ayaa kasoo kala jeeda dalalka Soomaaliya, Senigal, Tanzania iyo Malawi. Gabagabadii kulankii Shalay ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Xildhibaanadu waxay ku ogolaadeen in gunooyin ay ka jaraan mushaarkooda oo ay ku garab istagaan Xildhibaanadda u taagan tartanka madaxweynaha Baarlamaanka Aduunka Xildhibaanad Marwo Bashiir.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip