
HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 22-KA AGOOSTO 2023-KA
Madaxweyne Xasan Sheekh oo waxga radka Galmudug kala hadlay xoraynta deegaanad a wali aysan ciidanku gaarin
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaa lka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh
Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamare eb ku qaabilay odayaasha dhaqanka, siy
aasiyiinta iyo mas’uul iyiinta heerarka kala-duwan ee dowladda ku mat ala
Galmudug si loo dar dar geliyo abaabulka ho wgalka billowday ee dhammeystirka
wejiga koo waad ee xoreynta dalka.
Kulamadaas oo ay sidoo kale ka qaybg aleen madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo ku xigeenkiisa Cali Daa hir Ciid ayaa madaxweyne Xasan Sheekh odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta uu la kulmay kala hadlay sidii ay uga qayb qaadan-lahaaayeen, halganka dib loogu xoreynayo deegaannada ay argag ixisadu kaga dhuumaa leysaneyso Galmu dug, si dhibaatooyinka nololeed, amni iyo horumar la’aan looga dul qaado shacabka ay muddada dheer afduubka u haystaan.
Wasiirka duulista hawada oo la kulantay madaxda hay’adda ICAO
Wasiirka wasaaradda duulista hawada dowladda FS
marwo Fardowso Cusmaan Cigaal oo uu wehliyo maareeyaha hay’adda duulista
rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin ayaa Dorraad magaalada Nairobi ee dalka
Kenya kula kulmay madaxda sare ee hay’adda duulimaadyada caalamiga ah ee ICAO.
Madaxweynaha hay’adda ICAO Mr. Salvatore Sciacchitano, Xoghayaha guud ee ICAO Mr. Juan Carlos Salazar iyo mas uuliyiin kale ayey wafdiga ka socda Soomaa liya kala hadleen wada shaqaynta labada dhinac iyo sidii mustaqbalka loo xoojin lahaa iskaashiga iyo mashaariicda horumar ineed ee dhinaca duulimaadyada.
Mr. Salvatore Sciacchitano Madaxweyn aha hay’adda ICAO ayaa bogaadiyey sida Soomaaliya ay horumar wayn uga samay say maamulka hawadeeda, iyadoo muddo kooban ku hawlgalisay shaqaale xirfad sare leh iyo qalabcasri ah oo u suura galiyey inay hawadeeda ku maamusho darajada ugu sarreysa, taas oo uu ku tilmaamay mid tusa ale adduunka u noqon karta.
Shirkan ayaa si qoto dheer looga hadlay horumarka ay Somaaliya ka gaartay dhan ka duulista hawada, iyadoo la isla gartay in wadanka loo diyaariyo sidii uu uga gudbi lahaa qiimaynta hay’adda ICAO ee bisha September sanadka 2025.
Siyaasiyiinta beelaha Jareerweyne oo war-saxaafadeed soo saaray
Siyaasiyiinta Beelaha Jareer Wayne oo shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka wadahadley dhacdadii 19 bishan August 2023 ka dhacdey xaafadda Kaawo Godey ee Degmada Wadajir, ee magaalada Muqdisho.
Shirkan oo laba maalmood socday ay ka soo qeybgaleen xubnaha Golaha Wasiirada iyo Xubnaha Labada Gole ee Baarlamanka Federaalka ee Somalia ayaa si gaar ah waxaa lagu falanqeeyay shaqaaqadihii dhacay ee dhimashada iyo dhaawaca geystay.
Qodobada ka soo baxay shirkan oo ay ka mid yihiin muhimadda sugidda amniga, xor iyadda banaanbaxyada iyo ka dhowrsa naanta burburinta hantida dowladda iyo tan shacabka ayaa waxaa saxaafadda la wadaagey XIldhibaan Maxamed Cumar Caymoy:
1- Waxan si weyn uga xunnahay shaq aaqadihii dhacay, inagoo tacsi u direynaa qoysaskii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen muwaadiniintii naftooda halkaasi ku waa yey, Ilaahayna uga baryeyna kuwa dhaawa cmey inuu caafimaad buuxa siiyo.
2- Waxan soo jeedineynaa in baaritaan hufan lagu sameeyo dhacdadan iyadoo la raacayo dastuurka, shuruucda iyo xeerarka dalka u degsan.
3- Waxan Dowladda Federaalka ee So omaaliya laamaheeda amniga iyo garso orka ugu baaqeynaa inay dhamaan saraak iisha iyo muwaadiniinta kale ee gacanta dowladda ku jira si wanaagsan loo dary eelo, caddaaladna ay helaan iyadoo la tixraacayo dastuurka iyo shuruucda dalka, cid walba oo wax dembi ah lagu waayana degdeg xoriyaddooda loo siiyo.
4- Waxaan laamaha amniga ugu baaqey naa inay tixgeliyaan xuquuqda xorriyatul qowlka iyo in shacabka loo oggolaado inay si nabad ah u dhigi karaan banaanbaxyo ama dibadbaxyo nabadeed.
5- Waxaan shacabka ugu baaqeynaa in ay fikirkooda iyo dareenkooda ku muujiyaan si nabad ah, ayna tixgeliyaan nabadda, xasi loonida iyo dhowrista shuruucda dalka iyo in laga dhowrsanaado burburinta hantida dowl adda iyo tan gaarka ah.
C/raxman C/shakur oo MD. Xasan Sheekh ka difaacay weerar uga yimid Sh. Kaba-ku-tukade
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa difaacay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo weerar Afka ah oo ka yimid Guddoomiyaha Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe Sheekh Yuusuf Ciise Kaba-Kutukade.
Kaba-ku-tukade oo ay isku beel yihiin madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu Galgaduud ka wado abaabul dagaal oo uu dhex dhigayo beelaha Murusade iyo Hiraab, wuxuuna ka hadlay jufooyinka iyo beelaha degaanadaasi.
Sheekh Yuusuf Kaba-Kutukade ayaa ku dooday madaxweyne Xasan ka shaqeynayo in dhulka Murusade ku duullaan beelaha Hiraab gaar ahaan Habar Gidir, sidoo kale isku dirayo jufooyinka kale ee kawada tirsan beesha Habar Gidir.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu soo saaray jawaab kulul siiyay Shekh Kaba-ku-tukade, wuxuuna si cad u soo abadnhigay culeyska heysta Al-Shabaab iyo arxan darradooda.
Qoraalka jawaabta ah ee C/raxmaan Cabdishakuur ayaa u qornaa sidatan :
Waxaan dhagaystay hadal uu soo duubay horjoogaha kooxda argagexisada AS ee gobbolada dhexe. Wuxuu sheegay in Xasan Sheekh uu Hiraab u gacan gelinayo dhul Heridiid (Mursade), in uu Habargidir isku dirayo, Cayr iyo Saleebaan, in beelihii hore sida Xawaadle uu garabkooda ka baxay?.
Waxaa iswaydiin mudan maxaa sababay in argagexisadu AS ay sidan qayaxan oo qaawan qabiillada ugu qayla dhaamiyaan oo ay naf u bidaan wixii ay oran jireen waa qurun iyo jaahiliyad ee ka fogaada, iyagoo iska dhigaya in ay qabiilada u dub naxayaan?Waxay caddayn u tahay culayska saaran, cabsida haysa iyo colka ay wajahayaan.Abaal uma ergana kooxda argagexisada AS, ehelna lama aha Soomaali, saa waa kuwii hal subax, 14 Oktoobar, dad ku dhow kun Soomaali aaga Zoobe kaga dilay, waa kuwii hal doorka Soomaaliyeed ee sheekh, macallin, dhakhtar, sarkaal, injineer, ganacsade, siyaasi, saxafi, hobol, iyo safiir naga ugaarsan jiray.Waa kuwii Soomaali gumeeyey, gobbonimo u diiday, badayna in ay filkeed gurmad ciidan ka barido. Waa kuwii sababay in 3 malyan oo Soomaali ah dalka gudihiisa colaad, oon iyo gaajo ugu barakacaan. Waa kuwii magac dilay Musxaf, Masjid iyo Minbar diineed.Cabsida, calaacalka iyo catawga kooxda wuxuu dhiirranaan siinayaa ciidanka xoogga dalka (CXD), iyo cududda macawiislay. Wuxuu yididdiilo u yahay dadka ay 15-ka sano dulmi, dullayn iyo darxumo la duljoogeenWaxaase lagama maarmaan ah in hoosta laga xariiqo halbeegga guusha xorayn oo keli ah maaha, ee waa xorayn, xajin iyo xasilin wada socda. Waa in aysan dhicin in degaan argagexisada laga xoreeyey aysan dib u qabsan, dadkii la dirirayna ka aargudan.
Somaliland oo sheegtay in aan deega anade eda laga xidhi doonin Tiktok iyo Telegram
Ka dib markii Dorraad ay dawlada Sooma aliya ku dhawaaqday in ay xidhayso aala daha Tiktok, 1xbet iyo Telegram, Somali land ayaa xustay in aan dhulkeeda laga xidhi doonin aaladahan.
Wasiirka Wasaarada Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Dr. Cabdiweli Cabdillaahi Suufi, oo Horyaal TV wax ka waydiisay go'aanka dowlada Soomaaliya, aya sheegay in go'aankaasi aanu Somal iland khusayn.
"Inama khusayso laba dal ayaynu kala nahay, oo midwalba ay dowladnimadiisu gaar u tahay markaa wax ina khuseeya ma aha" ayuu Wasiir Suufi Horyaal TV u shee gay.
Wasiirku waxa uu sheegy in Somaliland ay samaysay xeer loo isticmaali doono danbiyada ka dhaca baraha bulshada iyo anshxooda, lakiin anay xidhidu xal ahayn.
Dhallinyarada Soomaaliyeed ee baraha bulshada isticmaasha, gaar ahaan aalada Tiktok ayaa walaac ka muujiyay go'aanka dowlada Soomaaliya.
"Tiktok hadii la xidho
banaanbaxyo waaweyn ayaa dhacaya, dowladu ma xidhi karto Tiktok, dhalinyaro
badan ayey nolol u tahay, arrintaas ma’ahan mid la aqbali karo” Bilaal
Bilshaawi oo loo garan ogyahay madaxweynaha Tiktok ayaa sidaa kaga falceliyay
amarka dowlada.
Haddaba, dhallinyarada Soomaaliyeed ayay barta Tiktok si wayn usoo jiidatay tan iyo markii ay soo baxday, iyada oo hada ay jiraan kumanaan dhallinyaro ah oo caan ka ah bartan, dhallinyaradan ayaa qaarkood lacago ay noloshooda ku dabaraan ka sameeyaan aaladan.
Dhinaca kale, waxa la aaminsanyahay in bartani ay qayb ka ciyaartay dhaqan guur ay wajahayaan dhallinyarada Soomaaliye ed, iyadoo dhallinyaradu ay ku kacaan falal aan diinta iyo dhaqankaba u fiicnayn, si ay u helaan daawadayaal badan.
Hadaba, waxa isha lagu hayaa hadii ay dowladu fulin doonto amarkeeda iyo in ay wax iska badali doonaan.
Banaanbax looga soo horjeedo xariga Jenaraal Sheegoow oo sababay dhima sho iyo dhaawac oo ka dhacay Baledweyne
Inta la xaqiijiyay hal qof oo ka mid ahaa dadweyne dhigaayay banaanbax looga soo horjeedo xariga Jenaraal Sheegoow ayaa geeriyooday laba kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii ay rasaas ku fureen askar ka tirsan ciidanka dowladda oo ku sugna xaafada Howlwadaag ee magaalada Baledweyne.
Banaanbaxa oo ahaa mid aad u balaaran oo ay
dhigayeen qeybaha kala duwan ee Beesha Jareer weyne ayaa ahaa mid ay ku
dalbanayeen in dowladda sii daayso Jenaraal Sheegoow oo maalin ka hor lagu
xiray magaalada Muqdisho, kadib dagaal uu la galay ciidanka xasilinta
Caasimadda ee Booliis Militaare
Dibadbaxayaasha ayaa ku qeylinaayay erayo lidi ku ah dowladda Soomaaliya, mana jirin wax rabshado ah oo ay samey nayeen mudada ay banaanbaxayeen, hayeeshee wali lama oga sababta rasmiga ah ee keentay in askartu ay rasaaseyaan dadka banaanbaxa dhigaayay.
Dorraad ayay aheyd markii banaanbaxyo sidaan oo kale ah oo looga soo horjeedo xariga Jeneraal Sheegoow ay ka dhaceen magaalada Muqdisho, kaaso watay rabsho sababay in waxyeelo kasoo gaarto dadkii banaanbaxa dhigaayay, kadib markii ra saas ku fureen askar ka tirsan ciidanka dowl adda Soomaaliya.
Madaxweyne Biixi oo loo doortay mush arraxa madaxweyne ee xisbiga Kulmiye
Shirkii Xisbiga Kulmiye uga socday magaalada Burco oo Dorraad ku eg ayaa hadda lagu doortay mas’uuliyiin uu ka mid yahay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo loo doortay musharrax madaxweyne ee xisbiga Kulmiye, halka Maxamuud Xasan Sacad Saajin oo hadda ah wasiirka ganacsiga loo doortay mushar raxa madaxweyne ku xigeen ee xisbiga.
Maxamed Kaahin Axmed oo hadda ah wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, ayaa isna loo doortay guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, iyadoo guddoomiye xigeenka koowaad loo doortay Cabdicasiis Samaale.
Maayarka Hargaysa ma wuxuu ku biiray xisbiga Kulmiye?
Duqa Magaalada Hargaysa Cabdikariin Axmed Mooge ayaa beeniyay in uu ku biiray xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, kadib markii uu xisbigu 3 jeer sheegay in uu Mooge ku biiray xisbigaas.
Mooge oo waraysi gaaban siiyay Gala ydh media, xili uu jimicsi ku samaynayay Beerta Xoriyada Hargaysa, ayaa gabi ahaanba iska fogeeyay sheegashada xisb iga Kulmiye.
"Warka runtiisa iyo xaqiiqdiisu waxa weeyi xisbigaa kama tirsani, aniguna ma ihi qof uu qof iska odhan karo xisbi ayuu ku jiraa, hadaan xisbi galayo waa layga daree mayaa, xisbigaas ayaan ka shaqaynayaa" ayuu yidhi Mooge.
Mooge oo kasoo baxay xisbiga mucaara dka ah ee Waddani, ayaan sidookale maalin qudha lagu arag shirarka xisbigaas, taasi oo shaki galisay ka mid ahaanshihiisa xisbiga, hadaba maayarka ayaa sheegay in uu haatan awooda saarayo horumarinta Hargaysa oo kali ah.
"Walahi xisbiga waan kasoo baxay lakiin wakhti ma galiyo, wakhtina uma helo, lakiin kuwii isoo doortay iyo xisbigayguba raali ayay igaga yihiin in aan ka shaqeeyo shaqadii la ii doortay ee magaalada Hargaysa" ayuu yidhi Mooge.
Hadab, Mooge oo ahaa shakhsi muddo kasoo shaqaynayay la dagaalanka qabya alada ayay reer Hargaysa ku doorteen codkii ugu badnaa ee xubin gole deegaan abid lagu doorto doorashadii golaayaasha deegaanka ee 31, May, 2021.
Wixii ka danbeeyay doorashadiisa waxa uu sheegaa in uu diirada saarayo rumaynta balanqaadyadii uu ku hantay quluubta shacabka, waxa uuna isku dayaa in uu dhexdhexaad ka ahaado isqabqabsiga siyaasada Somaliland.
Dhalinyarada isticmaasha TikTok oo jawaab ka bixiyay go’aanka DF Soomaaliya
Qaar kamid ah dhalinyarada caanka ah ee isticmaala baraha bulshada ee Internet-ka ayaa ka hadlay go’aanka kasoo baxay dowladda ee lagu sheegay in lagu xirayo aaladaha TikTok, Telegram iyo aaladda qamaarka ee 1XBET.
Go’aankan ayaa waxaa shaaciyay Was iirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiydda XFS Jaamac Xasan Khaliif, wuxuuna sheegay in arrintaas lagu go’aamiyay Shirka Wadata shiga badqabka Isgaarsiinta, ilaalinta amn iga Internet-ka iyo baraha bulshada, kaas oo ay ka qeyb-galeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdicasiis Duwane Isaq, Mas’uuliyiin ka socday Hey’adda Isgaarsi inta Qaranka iyo Madaxda Shirkadaha Isga arsiinta Dalka.
"Shirka inta uu socday waxaa la isla qaatay xilligaan in ay muhiim tahay in la xiro Baraha TiTtok, Telegram iyo Aalada Qama arka lagu ciyaaro ee 1XBET oo sameyn no loleed ku yeeshay Dhallinyarada Soomaali yeed oo qaarkood keenay in ay nafta ku waayaan,” ayaa lagu yiri go’aanka ka soo baxay wasaaradda Isgaarsiinta ee dowlad da federaalka Somalia.
Haddaba maxay dhalinyarada isticmaa sha baraha bulshada ka yiraahdeen go’aan ka dowladda?
Bilaal Bulshaawi oo loogu yeero "Madax weynaha TikTok” oo la falceliyay arrintan ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya aysan awood u laheyn inay xirto barashada bulshada.
"Runtii dowladda awood uma laha inay Dorraad wax xirto kaliya iyada waxa ay awoodaa in shirkadaha qasabto, si adress-ka looga xiro” ayuu yiri Bilaal Bulshaawi.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay aad ula yaabeen markii ay maqleen go’aankan lagu xirayo aaladaha TikTok iyo Telegram oo uu tilmaanay inay la mid yihiin Youtube iyo Facebook.
"Go’aan la yaableh ayuu ahaa oo saaca dihii ugu dambeeyay soo baxay sida la wada ogyahay TikTok waa Aplication kamid ah kuwa kale, sida Youtube-ka, Facebook iyo Telegram, haddii ay dowladdu rabto inay wax ka hortegto waxaa wanaagsaneyd inay soo dhex gasho qiimeyso halka ay sirtu ka qurunsan tahay marka ay ogaato go’aan gaarto” ayuu raaciyay.
Dhanka kale Baaquli Boy oo kamida dhalinyarada caanka ee isticmaasha TikTok ayaa qaba aragti ka duwan midda Bilaal Bulshaawi, wuxuuna shaaca ka qaaday inuu soo dhaweynayo in la xiro aaladdan oo uu tilmaamay inay dhibaato ku tahay mustaqbal dhalinyarada dalka.
"Xilligii la xiri lahaa waa la taagan yahay, waan qabaa in albaabada la’isugu dhufto, waana aaminsanahay in la xiro” ayuu Buuquli Boy isna uga falceliyay go’aanka dowladda.
Waxa kale oo uu kusii daray in aaladda TikTok ay qiimo tirtay hablihii Soomaa liyeed, sida uu hadalka u dhigay.
"Dumarka Soomaaliyeed dhulka ayuu la galay TikTok sidiisa haba la xiro, adeer had da lacag ka raadsan jirtay meelo badan ay aa jiraan ee ka raadso” ayuu mar kale yiri Baaquli Boy.
Si kastaba, Aaladaha dalka laga mamn uucayo ee Internetka ayaa si weyn looga Somalia, waxaana durbadiiba ka dhalatay hadal heyn xoog leh go’aankan markii uu soo baxay.Xigasho:Caasimadda.Net
MAXAA LAACIBADDAN LOOGA QARI YEY GEERIDA AABAHEED
Carmona
XIGASHADA SAWIRKA,GOOGLE
Xiriirka kubadda cagta dalka Spain ayaa ku dhawaaqay geerida aabbaha dhalay xiddigta xulka qaranka ee Spain Olga Carmona saacado yar kadib markii ay dhalisay goolkii guusha ee finalka koobka aduunka dumarka, isla markaana ay u dabbaal dagtay guushii weyneed ee ay ku hanteen koobka adduunka.
Daafaca bidix ee Real Madrid Carmona, oo 23 jir ah, ayaa dhalisay goolka kaliya ee ciyaarta iyadoo isla markaana ay koobka ku qaadday Spain oo ay 1-0 ku garaacday England Axaddii Dorraad ciyaar ka dhacday Sydney si ay ugu guuleysato koobkoodii ugu horreeyay abid ee ciyaarta haweenka.
Carmona waxay ogaatay geerida aabaheed kadib kulankii finalka marka uu soo idlaaday. Afhayeen u hadlay RFEF ay aa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in uu la tacaalayay xanuun muddo dheer uuna geeriyooday Jimcihii.
"Waxaan aad uga xunahay inaan ku dhawaaqno geerida aabbaha dhalay Olga Carmona," RFEF ayaa ku qortay qoraal kooban oo lagu daabacay baraha bulshada.
"Carmona waxay ogaatay warka murugada leh kadib finalkii Koobka Addu unka, waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa Olga iyo qoyskeeda waqtigan murugada weyn.
"Waan ku jecelnahay, Olga, waxaad tahay taariikhda kubbadda cagta Spain" ayaa lasii raaciyay.
Dhawaaqa firimbigii ugu dambeeyay kadib, waxay ka mid ahayd ciyaartoyda Isb aanishka ee ku damaashaadayay garoon ka, isla markaana qoob ka ciyaare ysay, waxayna u muuqatay inay si caadi ah uga qayb qaadaneysay bandhigga koobka, iya doo xilligaasi aan ogeyn geerida aabbeh eed.
Carmona
XIGASHADA SAWIRKA,TWITTER
"Waan ogahay inaad igu bixisay juhdi badan si aad u kordhiso awoodeyda isla markaana aan u sameeyo waxyaabo cajiib ah, waan ogahay inaad i daawanaysay Xalay oo aad igu faanayso, allah kuu naxariisto" ayey ku soo qortay baraheeda bulshada.
Carmona ayaa waxaa xilliga qoraalka ay soo dhigtay waxay soo raacisay sawir ay dhunkaneyso billaddi ay ku guuleystay.
Kooxda Carmona ay ka ciyaarto ee ka dhisan dalka Spain ee Real Madrid ayaa soo saartay farriin tacsi ah oo ay u direen daafacooda.
"Real Madrid, madaxweynaha iyo maamulka sare waxay aad uga xun yihiin geeridii ku timid aabbaha dhalay ciyaaryahankeena Olga Carmona, Real Madrid waxay jeceshahay inay tacsi u dirto Olga, qoyskeeda iyo dhamaan eheladeeda, naxariis ayaan ku rajeynay nabad ku naso” ayaa lagu yiri bayaanka naadiga.
Carmona waxay u dabaaldegtay gool keeda guusha iyadoo muujisay ereyga "Merchi" ee ku qornaa funaanaddeeda hoo se si ay u xasuusato hooyada mid kamida saaxiibbadeed oo dhowaan geeriyootay.
"Guushaan waa hooyada mid ka mid ah saaxiibadeyda ugu fiican ee geeriyootay dhawaan," ayay ku tiri sharraxaad ciyaarta kadib markii wax laga waydiiyay farriinta ay direyso.
Waxay ahayd markii labaad ee usbuuc gudihii ay Carmona u hiilliso qarankeeda Spain. Waxay sidoo kale dhalisay gool cajiib ah daqiiqadii 89-aad guushii semi-finalka ay ka gaareen Sweden Talaadadii.
Carmona
XIGASHADA SAWIRKA,SKYNEWS
"Waxaan u maleynayaa dhamaanteen, waxaan dareennay in kooxdaan ay leed ahay heybad gaar ah,” daafaca Real Madrid ayaa yiri ka dib markii Spain ay ku guuley satay koobka.
Xulka spain ee lagu naaneyso La Roja ayaa lagu wadaa in ay dib ugu laabtaan Madrid oo ay ka soo duulaan Sydney subaxnimada Isniinta ee Dorraad ah, iyada oo la qorsheeyay in lagu dabaaldego caasi madda Spain gelinka dambe ee Dorraad.
Carmona ayaa lagusoo bilaabay shan kamid ah toddobadii kulan ee Spain ay ciyaartay koobka aduunka.
Warbaahinta Isbaanishka ee Relevo ayaa sheegtay in qoyskeeda iyo asxaabtee da ay go’aansadeen inaysan u sheegin si ay diiradda u saarto ciyaarta finalka, iyadoo hooyadeed iyo walaalaheed ay sabtidii gaareen Australia si ay u taageeraan.XIGASHO:BBC
Madaxweynaha Pakistan oo la been abuuray saxeexiisa
Madaxweynaha dalka Pakistan Arif Alvi ayaa Axaddii sheegay inuu diiday inuu sax eexo laba hindise sharciyeed oo ay soo ansixiyeen baarlamaanka dalkaas, kuwaas oo la sheegay inay kor u qaadayaan awoo dda dacwado loogu soo oogi karo, dadka loo arko inay ka soo horjeedaan milateriga dalkaas iyo weliba arrimaha dhinaca amni ga qaranka.
Madaxweynaha Pakistan ayaa bartiisa X, ee
hore loogu yaqaanay Twitter ku soo qoray "Ilaaahay ayaa markhaati iiga ah, ma
saxeein [sharciyadan] kala ah, wax-ka bed elka sharciga sirta qaranka iyo wax
ka bedel ka sharciga ciidamada Pakistan, maadaa ma aanan taageersanayn
sharciyadan” ayuu yidhi.
Baarlamaanka dalka Pakistan ayaa ansi xiyey sharciyadan su’aasha la geliyey, ka hor intii aan la kala dirin bishan August 9-ke edii, ka dib markii uu dhamaaday muddo xileedkoodii. Sharciyadan ayaa u baahan saxeexa madaxweynaha si ay dhaqan gal u noqdaan.
Malleyshiyaad loo diyaariyay dagaalka AL-Shabaab oo lagu soo bandhigay Caabud waaq
Magaalada Cabudwaaq ee gobolka gal gaduud waxaa lagu soo bandhigay gadiid dagaal iyo bulsho diyaar u ah inay kaalin muuqata ka qaataan dagaalka ka dhanka ah AL-Shabaab ee deegaanada galmudug.
Gaadiidka
dagaal iyo Malleyshiyaadka lasoo bandhigay ayaa waxaa u dhammey stiran hubkooda
iyo gadiidkooda, waxaana soo diyaariyay
beelaha dega waqooyiga gobolka gaduud.
Waxaana horay Magaalooyinka Gurice el iyo Cadaado oo ka tirsan Gobalka Gal gaduud loogu soo bandhigay Malleyshiy aad loo diyaariyay dagaalka AL-Shabaab, kaasi oow ajigiisa labaad si toos ah looga hagi doono Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.
Sidoo kale Magaalada Cabudwaaq wa xaa wali ka socda Abaabul Ciidan oo loga qayb qadanayo dagaalka ka dhanka ah AL-Shabaab.
.Haweeney aan Muslim ahayn oo loo haysto in Daacishta Soomaaliya ay u qorto ragga ku biiraya.
Haweeney 34 jir ah ayaa lagu eedeeyay falal argagixisanimo waxaana lagu wadaa in Dorraad la soo taago maxkamad ku taal magaalada Nairobi.
Zuena Nakhumicha Machabe ayaa bishii Juuly laga soo qabtay xadka ay wadaagaan dalalkaTanzania iyo Zambia, iyadoo baxsad ka ah booliska Kenya. Waxaa lagu eedeeyay in ay rag badan u qortay Daacishta Soomaaliya gaarahanana kuwa ku sugan deegaannada maamul goboleedka Puntland, kuwaas oo horay loo xiray.
Buundo ku taalla Magaalada Muqdisho oo dab la qabadsiiyay
Waxaa Dorraad dab la qabad siiyay Buuundo ku taalla magaalada Muqdisho, waxaana qaybo badan oo ka mid ah Caasimadda laga arkayay uuro iyo qiic is qabsaday oo ka dhashay dabkaasi la sheegay in la qabadsiiyay Buundada.
Buundada ayaa xigta Schoolkii hore farsamada gacanta ee buulo Tikniko, waxaana lasoo sheegayaa inay macquul tahay in dabku uu sii faafo maaddaama uu yahay mid aad u xooggan oo meelo badan gaari kara.
Gubashada Buundada ayaa timid kadib markii sida la sheegay Koox Cabtooy ay dab qabadsiiyeen, waxaana Buundad aasi ay hooy u ahayd dhalinyarada darbi jiifka ah.
Ilaa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambaysay in dhalinyarad aasi ay dab qabadsiiyaan Buundada, wax aana socda dadaallo lagu daminayo dabkaasi
SIDEE 'XARASH IYO MADAX' AY KUU SIIN KARAAN GO'AAN ARRIN AAD KU WAREERSANAYD
Xarash iyo Madax
Nolosheenna casriga ah waxay noqon kartaa mid nagu adkaato in aan gaarno go’aannada qaar taasi oo markaasi na siisa kala doorasho. Markaa ma laga yaabaa inay macno samaynayso in waxyaabo kale ay naga caawiyaan in aan qaadanno go’aanno adag?
Qaar badan oo ka mid ah doorash ooyinku waxay u muuqdaan kuwo wanaag san, laakiin adigoo isku dayaya inaad hub sato in aad doortay sida ugu fiican, waxaan halis ugu jirnaa inaan gabi ahaanba weyno dookhii wanaagsanaa.
Xitaa ka hor inta uusan intarneedka si toos ah u keenin ikhtiyaaraadka macaamii sha ee aan horay loo arag ee taleefannada ku jira, doorashada ayaa muddo dheer loo arkayay inay tahay wax adag.
Awoodda ay macaamiishu u leeyihiin inay kala doortaan alaabooyinka iyo adee gyada ayaa tilmaamaya ganacsiyada horu maraya iyo kuwa aan micnaha weyn u sameynin boorarka. Tartanka xorta ah ee deegaanka wuxuu keenay doorashada xorta ah ee macaamiisha oo u muuqata hal-abuurnimo iyo hufnaan, taasoo keenaysa waayo-aragnimo macmiil oo guud oo wanaagsan.
Rajooyinka sare loo qaaday ee ay soo bandhigeen doorashooyin kala duwan ayaa u horseedi kara macaamiisha qaar in ay dareemaan in aysan jirin waayo-aragnimo dhab ah oo lagu qanco.
Kan ugu wanaagsan waa cadawga wanaagsan
Fikradda, gaar ahaan arrimaha qaar, waa in ay jirto xal fiican oo
lagu xallinayo dhibaatada waxaa loo yaqaan "Is barbar dhig fikrado".
Xaqiiqda, waxaa laga yaabaa inuusan jirin wax xal ah oo ku jira fikradaheenna
habboon. Marka aynu in yar dib uga noqono go'aanka aan isku dayeyno in aan
sameyno, waxaa caadi ahaan caddaatay, in kasta oo ay jiri karto hal doorasho oo
ugu fiican, waxaa sidoo kale jiri doona dhowr doorasho oo wanaagsan oo aan ku
qanci karno. Doorashada beddelka laga yaabo in aanay ahayn tan ugu fiican,
laakiin ugu yaraan lagu qanco.
Nasiib wanaag, sida lagu faahfaahiyay buug cusub, ayaa waxa ay ina siinaysaa hab fudud oo aan uga gudbi karno go’aan qaadashada doorashooyinkeenna.
Marka aad la kulanto doorashooyin badan, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah aad ku faraxsanaan lahayd inaad aqbasho, adiga ayaa noqon kara go’aan qaataha ugu fiican. Mararka qaarkood in la sameeyo doorasho wanaagsan oo degdeg ah ayaa ka wanaagsan samaynta mid aayar ah oo qumman, ama runtii in lagu curyaamiyo go'aan la'aan buuxda.
Markaad ku dhibtoonayso inaad kala doorato xulashooyin badan, haysashada go'aan u muuqda inuu kuu sameeyay wakiil dibadda ah ayaa kaa caawin kara inaad diirada saarto dookhaaga runta ah.
Tijaabooyin dhowaan ay sameeyeen koox cilmi-baarayaal ah oo ka tirsan Jaamacadda Basel, Switzerland, ayaa waxay muujiyeen in go'aanno degdeg ah oo aan kala sooc lahayn ay naga caawin karaan in aan la tacaalno culeyska macluumaadka ee inta badan keena curyaaminta go’aan qaadashada.
In lagu qasbay in ay ka fikiraan aragtida lidka ku ah ayaa ka qaybgalayaasha ka dhigtay kuwo aad u huba dookhooda asalka ah marka loo eego marka lacagta qadaadiicda ah ay si fudud u xoojiso go'aankooda koowaad.
Kadib markii la akhriyay qaar ka mid ah macluumaadka asalka ah, saddex kooxood oo ka mid ah ka qaybgalayaasha ayaa la waydiiyay inay sameeyaan go'aan horudhac ah oo ku saabsan in la eryo ama dib loo shaqaaleysiiyo maareeyaha dukaan mala awaal ah. Markii la sameeyay ra'yi billow ah, laba ka mid ah saddexda kooxood ayaa loo sheegay in go’aamadan ay adkaan karaan in la gaaro, waxaa lagu caawin doonaa qadaadiic dhowr ah.
Dhammaan saddexda kooxood ayaa markaa la waydiiyay haddii ay rabaan macluumaad dheeraad ah, ama inay ku faraxsan yihiin inay qaataan go'aankooda ku salaysan waxay hore u yaqaaneen. Markii ay heleen xogo dheeraad ah, dhammaan ka qaybgalayaasha waxaa la waydiiyay go'aankooda ugu dambeeya.
Shilinka la tuuro wuxuu qofka ka caawiyaa inuu degdeg go'aan uga gaaro arrin uu ku wareersanaa
Qoraalka sawirka,
Shilinka la tuuro wuxuu qofka ka caawiyaa inuu degdeg go'aan uga gaaro arrin uu ku wareersanaa
Ka qaybqaatayaasha isticmaalay shil inka rogrogmada saddex jeer ayay uga dhowdahay inay ku qancaan go'aankoodii asalka ahaa iyaga oo aan raadinin macluumaad dheeraad ah, marka loo eego kuwa kale. Saamaynta shilimaadka ayaa ka caawisay inay go'aan ka gaaraan iyagoon u baahnayn cilmi-baaris waqti badan qaadata.
Waxa xiisaha badan ayaa ah, codsiy ada macluumaadka dheeraadka ah waxay ahaayeen kuwa hoose marka lacagta shilimaadka ah ay ka heleen go'aankii asalka ahaa ee ka qaybqaataha marka loo eego xaqiijinta fikradihii ugu horeeyay.
In kasta oo qaar badan oo naga mid ah ay dareemi doonaan daganaan la'aanta ogolaanshaha shilimaadka ee ah tilmaamta jiho qof kale, waxaa muhiim ah in la xasuu sto in aan lagaaga baahnayn inaad raacdo go'aanka si indho la'aan ah.
Kuweenna u halgamaya si ay go'aan u gaaraan, si kastaba ha ahaatee, waa u nasteexo marka ay u halgamayaan xulashada, ay qaadan karaan shilimaad u oggolaanaya in ay caawiyaan. Xitaa haddii aan go'aansanno inaan diidno, oo khasab ay noqoto inaan aragno labada dhinac ee dooda, waxay badanaa bilaabi kartaa ama dardargelin kartaa habka go'aan-qaadashada.XIGASHO:BBC
Duufaan, roobab, daadad iyo dhulgariir ku wada dhuftay qaybo ka mid ah Maraykanka.
Xarunta Duufaanada Qaranka ee Mareykanka ayaa sheegtay in duufaanta lagu magacabo Hilary ay hadda u dhaqaaqday dhanka koonfurta gobolka Maraykanka e California.
Xarunta NHC ayaa sheegtay in dabaylaha duufaantu ay ku socdaan xawaare gaaraya 50 mayl saacaddiiba (85km/h), waxaa laga digayaa "musiibo iyo halis nafeed” oo ay keenaam daadad ay u badan tahay in ay ka dhacaan qaybo ka mid ah koonfurta-galbeed ee Maraykanka iyo Mexico.
"hoos udhaca dabaylaha ayaa la filayaa inay sii socoto, duufaanta Hilaryna waxaa la saadaalinayaa inay noqoto dabaylo goos goos ah dib kulaylka habeenkii,” NHC ayaa ku dartay.
Waxaa qaybo ka mid ah gobolka Califo rnia ee Maraykanka ku dhuftay roobab duufaan wata oo jaray qaar badan oo ka mid ah jidadka waaweyn.
Wax yar uun ka hor inta aysan duufaantu ku dhufan gobolka California ee dalka Maraykanka, dhulgariir cabbirkiisu dhan yahay 5.1 ayaa ka dhacay waqooyiga-galbe ed ee magaalada Los Angeles, waxaa sidan sheegay Sahanka Jiyoolajiga ee Mareykanka.
Gariirka ayaa laga dareemay magaalada Los Angeles, sida uu sheegay wariye BBC ka tirsan. Ilaa hadda ma jiraan wax khasa are ah oo ka dhashay.
Nidaamka Digniinta Tsunami ee Mare ykanka ayaa sheegay in aysan jirin wax khatar ah oo ku wajahan mowjadda dhulgar iirka.
GABADHA QAADDAY QURUXDA ADD UUNKA MA WAXAY KU QURUX BAD NAATAY CUNISTA KALLUUNKA?
Hindiya Kalluunku waa mid ka mid ah cunnooyinka ugu nafaqada badan. Waxaa
naloo sheegaa inuu faa'iidooyin badan u leeyahay jirkeenna, balse wasiir ka
tirsan dowladda Hindiya oo lagu magacaabo Vijaykumar Gavit ayaa ka dhawaajiyay
arrin hadal-heyn badan ka dhalisay gudaha dalkaas.
Telefishinka TV 9 ee dalkaasi ayaa Gavit kasoo xigtay in kalluunku uu u fiican yahay indhaha iyo maqaarka.
Vijayakumar Gavit, ayaa isagoo dad munaasabad kasoo qeyb galay u sharraxaya faa'iidooyinka kalluunka ayaa wuxuu yiri, "Ma aragteen Aishwarya Rai? Maalin walba kalluun ayay cuni jirtay. Ma aragteen indhaheeda? Indhaha Aishwarya Rai way qurux badan yihiin sababtoo ah cunista maalin walba ee kalluunka."
Wuxuu intaa sii raaciyay, "Haddii aad cunto kalluun, haweenku waxay noqonay aan kuwo qurux badan, indhuhuna way qurux badnaanayaan. Qof walba oo eega wuu ku qancayaa. Maqaarkeennu sidoo kale wuu qurux badnaanayaa. Waxaa ku jirta nooc saliidda ka mid ah. Sababtoo ah saliiddaas, waxay saameysaa indhaha. Sababo la xiriira saliidda kalluunka, maqaarka wuu fiicnaanayaa."
Dabcan, weedha ah "Haddii aad cunto kalluunka, dumarku way qurxanaanayaan, indhuhuna way qurxanaanayaan. Qof walboo arkana wuu ku qancayaa," ma jiraan wax taageeraya.
Balse, cunidda kalluunka faa'iido ma leedahay?
Sida laga soo xigtay daraasad lagu daabacay Joornaalka Caafimaadka Gudaha, cunidda cunnada qaniga ku ah saliidda omega-3 fatty acids ayaa yareyn karta khatarta u dhimashada xanuunnada sida kansarka iyo kuwa wadnaha.
Philip Calder, oo ah madaxa Waaxda Horumarinta Bani'aadamka iyo Caafima adka ee Jaamacadda Southampton ee dalka England, ayaa yiri, "Waxaan heynaa xog dadka ku saleysan oo muujineysa in omega-3s ku jirta kalluunka ay saameyso jirka. Dadka aadka u cuna khatar yar ayay ugu jiraan inay haleelaan una dhintaan xanuunnada sida kuwa wadnaha. " BBC Laanta Marathi ayaa Dr. Anuja Vaid ya oo ku takhasustay maqaarka wax ka wey diisay arrintan.
Waxay tiri, "Kalluunku ma aha waxa keli ya ee la cuno si loo qurxiyo maqaarka. Cunnaddeenna ayaa sidoo kale gacan ka geysata inuu maqaarku noqdo mid dhal aalaya. Tusaale ahaan, dufanta laga helo kalluunka ayaa door weyn ka qaadan karta quruxda maqaarka, balse sidoo kale dawo oyin kale ayaa jira."
Waxay intaa ku dartay, "Saliidda kalluu nka way u fiican tahay maqaarka. Wax aa ku jira vitamin E, balse kaniiniyaashiisa ay aa laga helaa suuqa. Vitamin C waa u mu hiim maqaar caafimaad qaba. Balse kalluun ka wax badan kuma jiraan. Sababtaas, waa inaan waxyaabo kale raadinnaa. "
Haddii warka lasoo gaabiyo, keliya maa ha kalluunka waxa loo cuno qurxinta iyo dha laalinta maqaarka, balse waa run in waxya abaha ku jira kalluunka ay door weyn ka qa ataan arrintaas. Sida ay dhaqtaraddu sheeg tay.
Indhaha ayuu u fiican yahay kalluunka
Dufanka Omega-3 fatty acids waxay u fiican yihiin aragga iyo caafimaadka insh aha. Sida laga soo xigtay daraasad, cunista omega-3 fatty
HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH TALAADO 22-KA AGOOSTO 2023-KA
...