'Waayihii adkaa iyo go'aankii geesinimada lahaa ee Aadan Cadde' – Taariikh kooban

0
Monday July 24, 2023 - 14:41:31 in Wararka by
  • Visits: 1434
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    'Waayihii adkaa iyo go'aankii geesinimada lahaa ee Aadan Cadde' – Taariikh kooban

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Aabihiina wuxuu ka tirsanaa ciidankii Daraawiishta, markii Sayidkii la jebiyey, ayuu ku soo laabtay degankiisii, wuxuu la kulmay reerkii oo xoolo beelay, wuxuuna noqday qowsaar xoola raac ah, isagoo maalin Geel la jira ayaa Libaax soo weeraray, Ilaaheey waa ka bixiyey, laakiin dhaawac cuuryaamiyey ayuu kaga tegey.

Hooyadii iyo Aabihii way kala tageen, isagoo sanad jir ah ayeyna geeriyootay. Laakiin odaygu wuxuu ku baxsaday gobbonimada Reerka uu Geela u raacayey oo ahaa Cawlyahan, reer Cali, kuwaasoo daryeel buuxa u fidiyey odoyga. In kastoo uu markii uu baadigoobay si uu ugu abaalgudo, hadana ma helin reerkaas.

Wuxuu u wareegay Xuddur, ka dibna Baydhabo, Aabe Cabdulle Cusmaan, macalin Quraan ayuu Baydhabo ka noqday, halka Aadan uu billaabay inuu maalinkiina suuqa ka xamaaho galabkiina iskuul dhigto.

 

Muddo ka dib wuxuu wareegay degmada Jannaale, oo loo bedelay ninkii Talyaaniga ahaa ee uu adeegaha ahaa. Talyaanigu Soomaalida uma ogallayn tacliin dugsi hoose dhaafsiisan, laakiin Aadan wuxuu ahaa nin aqriska jecel oo Jannaale uga soo lugeeya Muqdisho, si uu u iibsado ama u amaahdo buugaag uu aqristo. Waxaa saamayn taban ku yeeshay hab-dhaqanka gumaystaha faashistaha ah, taasoo xanuun ba’an ku haysay damiirkiisa iyo dadnimadiisaba.

Markii uu adkaysan waayey dhaqanka gumaystaha ayaa isaga iyo saaxibkiis Maxamd Ciise Faarax isaga tageen shaqadii, waxaase dusha loo saaray eedeyn ah in ay lacag xadeen, tuhmadaas oo caddayn looga dhigay in noloshooda iyo dakhligooda uu kala sareeyo, Aadan si aftahannimo leh ayuu Maxkamada horteeda iskaga difaacay, waana la sii daayey markii danbi ku waayey.

Laakiin guddoomiyaha degmada Marka ee talyaaniga ahaa oo ka caraysan sida kalsoonida iyo afatahannimada leh ee uu Aadan isku difaacay ayaa dharbaaxo wajiga ka saaray.


 
 

Baydhabo ayuu ku soo laabtay, hoteel ayuu ka shaqo bilaabay, Odaygii meherada lahaa oo Talyaani kale ahaa ayaa ku eedeyey in uu xiriir la leeyahay inan uu dhalay oo ay Aadan saaxiibo ahaayeen.

Aadan Aabihii ayaa geeriyooday. Muddo ka dib ayuu Beledweyne u wareegay, halkaasoo uu ka furay xaruntii SYL oo uu muddo wakiil uga ahaa. Sheekh Cali Jimcaale iyo C/llaahi Ciise ayey halkaa isku barteen oo ay rafiiq siyaasadeed noqdeen.

 

Aadan wuxuu ahaa is koris, halgan adag nolosha ka soo maray. Haddii ay tahay tiiraanyadii uu ka dhaxlay bahdilkii, xabsigii iyo masabidkii ay gumaystaha kula kaceen murugada dhimashada labadiisa waalid, tebista kalgacalkii iyo korintii uu kaga baahnaa. Laakiin casharada nolosha marna hamigiisa iyo hankiisa ma jebin, balse wuxuu kaga faa’iidaystay in fursadihii waawaynaa ee soo maray uu dalka iyo dadka Soomaaliyeed kaga faa’iideeyo.

Ma jiro xil macno leh uusan dalka ka soo qaban, wuxuu soo noqday ku xigeenka Golaha xukun gaarsiinta (Territoral Council), 1953-54, Guddoomiyaha Baarlamaanka Daakhiliga ahaa 1956-59, Madaxweyne KMG ah 1960-61, Madaxweynaha Jamhuuriyadda 1961-67, iyo in muddo ah uu ahaa Xoghayaha Guud ee Xisbiga SYL.

Aadan aqriskiisu wuxuu la xariiray dhadhaqaaqyada siyaasadeed ee dunida seddaxaad ka socday, gaar ahaan Afrika, taariikhda iyo siyaasada. Waxaad ka garan kartaa sida uu wacyigiisa siyaasadeed u dhisnaa dooddii dhexmartay isaga iyo Giuseppe Brusasca oo ahaa wasiirka Afrika ee arrimaha dibdedda Talyaaniga.

 

Brusasca ayaa ku galad sheegtay in Talyaanigu ay Soomaalida u dhiseen jidad iyo Isbitaallo, biyo, nadaafad, iyo shaqo abuur keeneen, Aadan wuxuu ugu jawaabay inta aad sheegtay wax ka fiican ayuu Ingiriisku inoo sameeyeen oo ah in aan xorriyad hadali karno, xisbi dhisan karno, siyaasaddana ka toos ugu yeelan karno.

Markii uu Xaaskiisa doonanayey laba maalin ayuu doon sii saarnaa, isagoo Hobyo ka degay, ka dibna Gaalkacyo kaga sii lugeeyey, si uu gabadha Aabaheed Muuse Mataan uu ku shardiyey in uu gabadhiisa ka soo doonto Gaalkacyo ugu yimaado.

Aadan Cabdulle (AUN), wuxuu ahaa nin tawaaduc badan, qunyar socod ah, dad isku wad ah, tanaasul badan, taasoo kasabsiisay awood burji oo ay dadku ka haybystaan.

Taariikh-nololeedkii Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde) | Somali Wiki

 

Wuxuu ahaa nin ku adag go’aannada danta guud, u dabacsan kuwa isaga quseeya. Wuu diiday in uu lacag bixiyo, ama ballan qaadyo xilal iyo qandaraasyo sameeyo labo jeer ee uu xilka Madaxweynaha u tartamay. Isagoo eryi kara Raysalwasaare C/rashiid Cali Sharmarke (AUN) oo ay arrimo badan iskula dhaceen ayuu ka maagay, sababtuna wuxuu Aadan ku sheegay in uu diiddanaa in Madaxweynayaasha ka dibkii iman doona ay dhaqankaas yeeshaan, wuxuu la sugay doorashadii Baarlamaanka ee 1964-tii, markaasoo uu ku bedelay C/risaaq Xaaji Xuseen.

Wuxuu kaloo ka maagay in uu C/llaahi Ciise oo Golihii Dhexe ee SYL, iyo inta badan Baarlamaanka ay u rabeen in uu Raysalwasaare u magacaabo, sababo la xariira isku dheelitirka beelaha iyo in C/laahi uu ahaa Raysalwaraasihii xukuumaddii daakhiliga, loona baahan yahay in ay dad kale oo Xisbiga (SYL) ah ay fursado helaan.

Markii laga adkaaday doorashadii 1967, ayaa Sh Cali Jimcaale iyo rag kale u soo soo jeediyeen in uu diido, ka dibna inqilaab la sameeyo, Aadan si adag ayuu arrinkaas kaga horyimid.

 

Waxaa intaa dheer iyo muddo 50 sano uu maalin walba qorayey dhacdooyinka uu la kulmo oo qaybo ka mid ah uu Maxamad Ciise Turunji ka qoray buuga qiimaha leh ee mar kale Aadan Cade i baray (President Aden Abdula, His life and Legacy), kaasoo aan kula dardaarmayo cid kasta oo siyaasada Soomaaliya daneynaysa in aqrido.

W/Q: Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo soo koobidan ka sameeyay dhiganaha laga qoray taariikh nololeedka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Aadan Cadde, kaasi oo loogu magacdaray (President ADEN ABDULLA – His life and Legacy).



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip