HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH TAKAADO 11-KA LUULYO 2023-KA

0
Tuesday July 11, 2023 - 08:21:11 in Wararka by
  • Visits: 531
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH TAKAADO 11-KA LUULYO 2023-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Ra’iisal wasaare Xamse oo guddoom iyey ku lan looga hadlayey ku biirista urur ka bulsha da bariga Afrika

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Jamhr iyadda Federaalka Soomaaliya Md. Xamse Cabdi Barre ayaa Shalay shir guddoomiy ey kulan ballaaran oo looga hadlayey u diyaargarowga wadahadalla da ku biirista Soomaaliya ee urur goboleedka Iska ashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha ee bariga Afrika (EAC), kadib markii dhowaan la aqbalay codsiga Soomaaliya inay ka mid noqoto ururkaasi.

Kulanka oo ay ka soo gay bgaleen mas’uu liyiin kala socotay laamaha kala duwan ee dowladda ayaa lagu soo bandh igay heerka u diyaargarowga dow ladda Soom aaliya ee xag farsamo iyo dhaqaale.

Ra’iisul wasaaraha oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ku biirista Soom aaliya ee urur gobol leedka (EAC) ay ugu jirto fursado iyo dano gana csi, dhaqaale iyo isu socod kuwaasi oo abuuraya maalgashi iyo shaqooyin wax weyn ku soo kordhi naya dhaqaalaha dalkeena. Waxaa uu she egay in xubinnimada Soomaaliya ay u sah leyso gan acsatada Soomaaliyeed ka mid noqoshada suuq weyn ay kaga faa’iideeys taan inay u iibgeeyaan badeecadahooda iyadoo aan la canshuurin.

Shirka ayaa waxaa warbixinno ku saabsan he erarka kala duwan ee uu soo maray codsiga dowl adda Soomaaliya, qaabka loo wajahayo wada xaa joodka iyo waxa ay ka qabsan karto Soomaaliya soo jeediyay Ergayga gaarka ah ee u qaabilsan madaxweynaha Cabdisalaan Hadliye Cumar iyo La taliyaha horumarinta Ganacsiga ee Ra’iisul wa saaraha Cabdiqani Jaamac.

Ra’iisul easaare Xamse Cabdi Barre ayaa ugu dambeyn bogaadiyey shaqada ay qabteen Erga yga gaarka ah ee Madax weynaha iyo saraakiisha kale ee kala shaqeeyay hawsha lagu guuleystay ee ku-biirista Soomaaliya ee urur goboleedka bar iga Afrika (EAC).

Wasiir FIQI oo shaaciyey in ciidankii Gorgor la gu beddelay ciidan cusub oo la yiraahdo…

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dib-u-heshiisi inta dowladda federaalka Soomaal iya Mudane Ax med Macalim Fiqi ayaa shaaciyay in ciidamadii Gorgor ay bedele en kuwa kale oo la yiraahdo Khaalid Bin-Waliid.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in ciida mada Khaalid Bin-Waliid la yiraahdo oo Dorraad ka baxay magaalada Muq disho ay door muhiim ah ka qaadanayaan sidii dal kaan looga xoreyn lahaa kooxda Al-Shabaab.

Guutada Khaalid Bin-Waliid ayuu wasi irka she egay inay kusii jeedeen goobaha dagaalka ee ciid amada dowladda iyo Al-Shabaab isku hor fadhi yaan.

"Ciidamadeen haddii Gorgor iyo Hara mcad la dhihi jiray Dorraad waxaa baxday guuto la yidhaah do Khaalid Bin-Waliid, oo inay soo afjarto koox ahaan u baxday meel aha yar-yarka ah ee gobol lada dhexe,” ayuu yiri Wasiir Axmed Macalim Fiqi.

Waxa uu intaas sii raaciyay "Waxaa naga go’ an in aan kooxahaas dalka ka qa bano, waana ha dafka koowaad. Ciidankii weynaa ee la filayay ee howl-galkii Libaaxa Madow la dhihi jiray isaguna Shalay ayuu bilaabanayaa.” Saxaabiga Khaalid bin Waliid (Allah ha ka raali noqdee), oo kamid ahaa geesiyadii saxaabada ee diinta usoo dagaalamay, ayaa la rumeysan yahay inuu yahay Jener a lkii ugu wanaagsan ee militari ee dunida soo maara, ayada oo abid aan looga guu leysan dagaal uu galay.

Xogta la helay ayaa sheegeysa in ciidam adan loogu magac daray Khaalid bin Wal iid ay yihiin ku wo dhawaan uun tababar dib adda ah kasoo laab tay, kana yimid dalka Masar, iyagoo 3,000 askari oo kamid ah dalka Masar lagu soo tababaray, oo ay taageereyso dowladda Imaaraadka Cara bta.

Ciidamadan ayaa ku hubeysanaa hub iyo gaa diid cusub, waxaana laga dareema yay inay qaba an tababar ka duwan ciidam ada kale, iyadq oo muddooyinkan aysan dowladd Masar ciidamo tira daas ah u soo tababarin Soomaaliya.

Maxkamadda gobolka Banaadir oo u yeertay 9 kamid ah masuuliyiintii lagu soo eedeeyay musuq maasuqa

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa u yeer tay 9 qof oo ah masuuliyiin hore, kuw aas oo lagu soo eedeeyay musuq iyo xat ooyo, si loo dhegay sto dambiyada loo hays to.

Amar kasoo baxay maxkamad da gobol ka Banaadir, ayaa lagu wargaliyay xubna han oo maqa nayaal ah, inay maxkamadda ku hor yimaadaan muddo ku siman 30 cishe. Maxkamaddu waxay sheegtay haddii ay ku imaan waayaan waqtigaas loo qabatay, in iyagoo maqan la xukumidoono.

Haddaba Sagaalka qof waxay kala yihiin:-

1- Cabdiraxmaan Cabdikariin Ibraahim Madax-qaybeedka Ruqsansiinta Ajaaniibta ee Waaxda Sharciga iyo xiriirka shaqa alaha.

2- Cabdullaahi Daahir Weheliye Khasna jiga Bangiga ee Laanta Airport-ka Aadan Cadde.

3- Cabdiwaaxid Muxsin Ibraahim Shaqa ale ka tirsan Waaxda Ruqsansiinta Ajaani ibta ee Waax da Sharciga iyo xiriirka shaqa alaha.

4- Muxiyadiin Xasan Julus (Saabey) Agaasim aha Waaxda Canshuuraha Barig ga.

5- Maxamed Idiris Axmed Madaxa Can shuura ha Dadban ee Wasaarada Maali yadda.

6- Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) Agaasimi hii hore ee Ha’yadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

7- Cabdiqaadir Cilmi Cali Agaasimaha Guud ee Ha’yadda Socdaalka iyo Jinsiyad aha ee xilka iska casilay.

8- C/raxmaan Maxamed Cali Agaasi mihii hore ee Waaxda Ajaaniibta.

9- Abubakar Xasan Aadan Madaxii hore ee xa qiijinta Documents-ka Codsiga Visa kordhinta Waaxda Ajaanibta.

Dhawaan ayay ahayd markii xafiiska xeer ilaa liyaha guud uu dacwad kusoo oog ay 18 qof oo ay ku jireen agaasimayaal gu ud, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ku kac een musuq maasuq iyo xatooyo hanti dad weyne.

Saddex cashir oo laga bartay tallaabadii uu qaaday BF iyo Xamza oo halis wajahaya

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlama anka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ku diid ay in la bilaabo su’aalo weydiinta xubnaha gola ha wasiirada ee XFSWarqad kasoo baxday xafiiska ra’iisul wasaara ha ayaa lagu jadwaleey ay hanaa nka shaqo ee golaha ee saddexda bill ood ee soo aadan, taas oo xuku umadda ay rabtay in wasiirradeeda asb uuc walba labo loogu yeero. Wasiirka Amniga ee DFS ayaa Sabtidii tegay G/Shacabka si su’aalo loo weydiiyo, laakiin waxaa loogu jawaabay anagu kuma yeeran.

Jadwalka la xisaabtanka xukuumadda waxaa soo sameeyay xafiiska Ra’iisul wasaaraha, laakiin buuq iyo diidmo ayuu la kul may. Jadwalkaas wax ay Xildhibaannada ku sheegeen mid lagu gafay micnaha Golaha Shacabka, buuq kuma dhamaan diidmada ee cod ayaa looga adkaaday intii rabtay in wasiirka su’aalo la weydiiyo. Dhowr farriimood oo aan la sahashan karin oo ku wajahan ra’iisul wasaare Xa mza ayuu xambarsanaa go’aankii di idma da ahaa ee Dorraad ka yimid Golaha Shacab ka. Farriinta koowaad: Waa in Golaha Shac abka uu ka fog yahay dhanka ra’iisul was aaraha. Gol aha Shacabka waa midka ans ixiya ra’iisul wasaar aha, sidoo kalena awoo dda u leh inuu shaqada ka eryo.

R/Wasaaraha waxa uu Shalay fahmay in uusan koox difaaci karta ku hays an golaha dhexd iisa, waana farriin walaac ah oo uga baahan inuu deg deg uga howl-galo.

Adiga oo ra’iisul wasaare ah in aad Golaha Shacabka kala fog tihiin ma ahan arrin fudud.

Midda labaad waa in laga sugaayo isku shaan dheyn: Dhowr jeer waxaa la sheegay inuu ra’iisul wasaaraha damacsan yahay inuu beddelo qaar kamid ah xubnaha Gola ha Wasiiradda ee loo jee do inay shaqada wadi la’yihiin.

Waxaa jirra Xildhibaano banaanka taag an oo sugaya isbeddelkaas, qaarkood ay aa Dorraad laga arkayay kaamirada, waxaa na lagu fasiray buuqo oda isbeddelkii aaw ay?.

Midda saddexaad waa inay Golaha Shacabka wax walba ka suurtoobaan: Mar kii laga cabir qaa to dhaqankii Dorraad, wax walba oo xukuumadda cimrigeeda soo ga abin kara ayaa laga filan karaa Golaha Shacabka.

Guddoonka waxaa ka muuqatay in aan ay waxba gacanta ugu jirin, oo aanay xitaa xukuuma dda isku haleyn inay difaacan. Barqo cad in xuk uumadda sharciyadeeda shaki la galin karo ayuu sii carabaabaya dhaqankii Dorraad ee Golaha Sha cabka.

Haddaba, Maxaa la gudboon ra’iisul wasaare Xamza?

Ra’iisul Wasaaraha intaan ka badan kama dhuum an karo waaqica. Sidii lagu ya qaanay ra’iisul wasaarayaashii hore, Xa mza waa in gacanta ku dhigaa faylka Baar lamaanka, Xildhibaanada toos ula maca amiil, xukuumaddiisa saaxiibo u samee ya oo uu dhinaca kale xal u raadiya caajiska ka muuqda xukuumadda, inta uusan Baarl amaanka toos usoo beegsan kursigiisa

Agaasimaha waaxda hab-maamuuska ee wasa aradda difaaca oo xilka la wareegay

Wasiir ku xigeen ka wasaaradda gaas haandhi gga DFS ayaa xilka u kala wareejiyey agaasima ha cusub ee waaxda xiriirka dibadda iyo hab-ma amuuska wasaaradda difaaca iyo agaasimihii ho re ee waaxda.

Md.Cabdifitaax Qaasim aya a aga asim aha cusub gaasha anle Cimraan Axmed Warsame kula dardaarmay inuu shaqad iisa u guto sida uu qabo sharci gu, isagoo dardargalinaya shaqada xafiisyada ho os yimaada.

Sidoo kale wasiir ku xigeenka ayaa agaasihimii hore ee waaxda Ibraahim Xasan Xaaji ku bogaadi yey shaqada wan aagsan ee uu Qaranka u qab tay mudadii uu xilka hayey.


Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo da ah-furay shirweynaha Qurbe joogta Soomaal iyeed

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaa shiga Caalamiga JFS Md. Abshir Cumar Jaamac (Hur uuse) ayaa Shalay M/Muq disho ka daah-furay shirweynaha Qurbe joogta Soomaaliyeed,

Shirkan ayaa waxa ka soo qeyb galay wasi iro ka tirsan XFS, Xildh ibaano ka tirsan labada Gole Baarlamaan, Bulshada rayidka iyo Qurbe joogta Soomaaliyeed. Wasiirka Arrimaha dibadda XFS Abshir Cumar Jaamac oo shirka fu ray ayaa sheegay in qurba joogta ay kaalin muuq ato ka qaateen dib u dhiska dalka,waxa uu shee gay in ay qabaan baahiyo kala duwan una baaha n in xal loo helo

"Waxaa jira Dad badan oo Soomaaliy eed oo dhibaato nolol xumo iyo sharci la’aan ah ay ku haysato dalalka ay joogaan dadaal ayaan ku bixin doonaa si wax looga qabto” sidaa ayuu yiri was iirka Arrimaha dibadda

Shirka ayaa inta u socdo looga hadli doonaa Arimaha la xariira siday qurbajo ogta Soomaaliye ed door muhiim ah uga qaadan lahaayeen Han aanka Dowlad dhis ka Soomaaliyeed,kan Dhaqa ale abuurka bulshadda iyo sidii wax looga qaban lahaa baahiya ay qabaan Qurba joogta Soom aaliyeed.

Agaasimaha cusub ee hay’adda socdaal ka oo kormeeray xafiisyada shaqada ee hay’adda

Agaasimaha guud ee ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliyeed mudane Axmed Siciiid Maxamed ayaa kormeer shaqo oo uu ugu kuur galayo habsami u

socoshada howlaha iyo adeeg yada ay bixiyaan waxa uu ku tegay waaxda ajaanibta iyo fiis ooyinka iyo qeybta socdaalka ee garoonka Aadan Cabdulle.

Agaasimaha ayaa dhammaan xaafiis yada uu booqday waxa uu warbixino kaga dhageystay agaasimayaasha waaxyaha Ajaanibta & Fiisooy inka iyo Maamulka & kontoroolka xuduuudaha iyo laanta Socd aalka ee Muqdisho, kuwaas oo soo bandigay adeegyada ay u qabtaan bulsha da, isa ga oo mid mid isku dul taagay shaq aalaha ka ho wlgala waaxyahaas uu korme erka ku marayay, si uu waxbadan uga ogaado shaqooyinka ka socda xaafiisyad ooda.

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku ri day Nin weerar ka geystay Muqdisho

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee So omaaliya ayaa Shalay waxaa ay xuk un ku riday Wiil Dhalinyaro ah oo lagu Ma gacaabo Yuusuf Duqow Xuseen Dhicisow, kaas oo lagu helay in uu ka tirsan yahay Ururka Al-Shab aab.

Yuusuf Duqow Xuseen ayaa Ma xkama dda Ciidamada sheegtay in uu Al-Shabaab kaga biiraydegaan ka Buur-Eylo oo Buur-Hakaba hoos tagta, , isla markaana mu shaar ahaan u qaadan jiray $70.

Ceeltimir, Dayniile ayaa lala dajiyay Ha wee ney si’uu uga filayo Muqdisho Dilal iyo Qaraxyo, waxana 14 May ee sanadkan Yuusuf la soo qabt ay isaga oo Bom F1 ku tuuray Waaxda Labaad ee degmada Ho dan.

Waxa uu sahmin ku sameeyay baro ko ontarool oo ku kala yaala Shiirkole, War shada Ta raqa iyo Sigaarka, Baar Ubax, iyo kan lagu soo qa btay oo ku tuuray Bam F1 ah. Baaris dheer ka dib Xafiiska xeer ilaa linta maxakamadda ciidam ada ayaa cods atay qaadista kiiska Yuusuf waxaa na laga aqbalay Labaatan iyo afartii bishii Juun ee sanadkaan.

Habraacyadii Maxkamadeed kedib, Shalay ayaa lagu xukumay 15 sano oo Xa bsi Ciidan ah, sida uu u sheegay warba ahinta Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorayaasha Maxkamadd a Daraj ada 1aad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Haweeneey Tooreey ku dishay Haween eey ka le degaan katirsan Gobolka Gedo

Wararka naga soo gaaraya degmada Beledx aawo ee Gobolka Gedo ay aa waxaa ay sheeg ayaan in degaanka Oodan oo ka mid ah tuulooyinka hoos yi maada Dag madaas ay Haweeneey tooreey ku di shay Haweeneey kale oo ay deris ahaayeen.

Haweeneyda la dilay oo lagu Magaca abi jiray Nasro Cabduqaadir Maxa med ayaa meydkeeda waxaa la geeyay Isbitaal ka Kaliil ee degmada be ledxaawo, sida ay Risaala u sheegeen dad goob joogayaal ah.

Mas’uuliyiin katirsan laamaha Amniga degm ada Beledxaawo ayaa labada Haw eenka ah uu ka hor dilka dhexmaray mu ran xoogan, kaas oo aan la ogeyn waxa uu salka ku haayo, balse Haw eeneyda dilka geysatay oo lagu Magacaabo Cal aso Muxumed ay goobta ka baxsatay.

Qaar kamid ah Ehellada Haweeneyda la dilay ayaa laamaha amniga Gobolka Gedo ka dalbaday inay Cadaalad u heleen dilkaas, isla markaana ay gacanta kusoo dhigaan Haweeneyda Tooreyda ku dishay Gabadhooda.

Wararka naga soo gaaraya degaanka Oodan oo uu dilka ka dhacay ayaa shee gaya in laamaha Amniga degaankaas ay ku raad joogaan Haween eeyda dilka gey stay, taas oo la sheegay inay ku dhuumaa leysaneyso degaano kale oo hoostaga deg mada Baladxaawo ee Gobolka Gedo.

Dadka kunool degmada Beledxaawo iyo dega annada hoostaga ayaa aad u ha dal haayo dilka Tooreyda ah ee Hawene yda loo geystay, falkaas oo kamid ah falal ka aadka ugu yar yihiin inay ka dhacaan Gobolka Gedo.

Gudoomiyaha cusub ee Hiiraan oo shaaciyey qorshihiisa dagaalka Shabaab

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Cab dullahi Sufurow ayaa ka hadlay qorshaha inta har tay ee gobolkaas looga xoreynayo kooxda Al-Sha baab, isagoo sheegay inuu jiro aag ay mar kasta ka soo gudubto kooxdaas.

Guddoomiye Sufurow oo sax aafadda kula hadlay Beledwe yne ayaa sheegay in mar kasta ay Al-Shabaab ka soo gudbaan inta u dhaxeysa Beledweyne iyo Buuloburde, isagoo wacad ku maray in taas uu wax ka qaban doono.

"Gaabis ayaa ka jira inta u dhaxeysa Beledw eyne iyo Buuloburde, mar kasta waxay ka soo gu dbaan wabiga markii la aadana dib ayey u laabt aan, caqabadaas siima jiri doonto,” ayuu yiri Suf urow.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in sababta ay mar kasta wabiga uga soo gu dbaan ay tahay in dadka la dagaalamaya kooxda ay yihiin reer miyi xoolo dhaqato ama beeraley ah, kuwaas oo mar kasta aan ku jiri Karin difaac.

"Waxaan ballan qaadayaa in mar dambe ay san ka soo gudbin wabiga, waan aqaan halka ay ku dhuuntaan, waan uga daba geleynaa, si kale lo oga nabad gelimaayo Khawaarijta,” ayuu yiri gudd oomiyahaan lagu bedelay Cali Jeyte oo dagaal kaan hoggaami jiray.

Sidoo kale Cabdullahi Sufurow wuxuu sheegay in howlgalka bilaabanaya ee wajiga labaad uu noqon doono mid bariga iyo koonfurta Hiiraan ka wada bilowda hal mar, sida ay qorsheeyeen.

"Inta wabiga laga gudbiyo oo nagu soo kaab taan mar dambe ma dhici doonto inay carruurta iyo haweenka miino nooga laay aan, "Khawaarijtu haku talagasho in qiyaanadii ay nagu hayeen ay soo dhamaatay,” ayuu yiri.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan ay aa sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay koo xda Al-Shabaab miino ku dileen hooyo iyo seddax carruur ah oo ay dhashay iyo Aabe iyo seddax carruur ah oo uu dhalay.

Dadkaan ayaa la qarxiyey xilli ay la socdeen mooto nooca beeraha ka shaqeeya ah, kadib markii ay la kacday miino ay dhulka ku aastay koo xda Al-Shabaab, waxayna miinooyinkaan welwel badan ku abuureen shacabka.

Ganacsatada Kalluunka Boosaaso oo Bannaa nbax dhigay kadib markii ay waa yeen meel ay ku ganacsadaan

M/Boosaaso ee xaruunta gobolka Bari ee Pun tland, ayaa Shalay waxaa ka dhacay bannaanbax ay dhigeen ganacsatada kall uunka oo ka caba naya in laga xiray suuqii kallunka laguna wargel iyay in la iibsaday.

Qaar ka mid ah ganacs atada kalluunka keena su uqa hadda xiran ayaa BBC-da u sheegay in ay Shalay daadiyeen kalluun tiro badan maadama ay w aayeen meel ay geeyaan isla markaana uu safar soo ahaa saacado badan lagana keenay deegaa nno fogfog.

Muuqaalo iyo sawiro lagu baahiyay bar aha bul shada ayaa muujinayay shaacbka asi oo gacma ha ku sita kalluun badan, isla markaasna ku qayl inaya inay waayeen meel ay ku iibiyaan.

Suuqa kalluunka Boosaaso, oo ah kan ugu we yn Puntland, ayaa waxaa ku ganac san jiray boqol laal ka mid ah dadweynaha magaaladaasi kuwa as oo nolashooda ka soo saaran jiray.

Maamulka Puntland ilaa iyo hadda kama hadlin arrinta suuqa iyo cabashada dadwe ynaha.

7 qof oo ay ku jiraan carruur oo ku dhin Teen Qarax Miino ka dhacay degaanka Jicibow

7 qof oo rayid ah oo ay ku jiraan carruur ayaa ku dhinteen qarax miino oo ka dhacay deegaanka Jic ibow oo qiyaastii 25km dhanka waqooyi kaga bee gan degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.Qaraxa an oo dhacay Dorraad gelin kii dam be, ay aa Saraaki isha deegaan ka wa xay sheegeen in dadka dhintay oo lix rag ah iyo qof dumar ah ay ka soo jeedaan laba qoys oo bee raley ah.

Waqtiga uu qaraxu dhacayay, dadkaan ayaa dib ugu soo laabtay guryahoodii ka dib muddo dheer oo ay ka shaqaynayeen beerahooda.

Maalin ka hor ayay aheyd markii ciidam ada dowladda iyo kuwa deegaanka ay kula dagaala meen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab deeg aan ku dhow Beero-Yabaal.

Degaanka Jicibow oo uu qaraxu ka dha cay ay aa kamid ah degaanadii laga xoree yayAlshab ab, waxaana halkaas ka howlg ala ciidamada Dowladda iyo kuwa dib u xoraynta Hiiraan.

Horey , 22 carruur ah ayaa ugu geeriyo oday qarax miino oo ka dhacay degaan Alshabaab ay maamulaan oo hoos yimaa da degmada Jannaale ee Shabeellada hoose.

Somaliland oo sheegtay in dowlada Soomaal iya anay wax lug ah ku lahayn colaada Laascaanood

Somaliland ayaa sheegtay in maamulka Punt land uu masuul ka yahay colaada Laa scaanood, lakiin aanay dowlada Soom aaliya wax lug ah ku lahayn.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Ax med, ayaa sheegay in maamulka Puntland uu ciidamo soo dhoo bay deegaanka Tukaraq isla mar kaan uu hagayo dagaalka "Habeen hore ayay soo dage enka Tukaraq, dagaalkaas isaga ayaa hagaaya" ayuu yidhi Wasiir Kaahin.

Waxa uu sheegay in Somaliland, sha cabka Laascaanood iyo dowlada Soom aaliya midkoo dna aanu masuul ka ahayn colaada, lakiin uu maa mulka Puntland hurinayo.

"Inaga iyo shacabka reer Laascaano od-ba arrintaa beri ayaynu ka nahay, cida arrinta wad aana waa maamulka Puntland, maaha maamulka Xamar, maaha maam ulka Soomaaliya, waa maa mulka uu Dani madaxda ka yahay ee Puntland" ayuu yidhi Wasiir Kaahin.

Waxa kale oo uu sheegay in kooxo arg agixiso ahi ay colaada gacan wayn ka gaysanayaan, isa ga oo sheegay in qaar kood lasoo qabtay, garaad ada iyo siyaasiy iinta deegaanka Laascaanood, ayaa marar dhowra beeniyay sheegashada So maliland ee argagixisada.

Ciidanka dowladda iyo kuwa dadka dee gaan ka oo Shalay weerar qorsheys an ku dilay xub no ka tirsan Al-shabaab

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo kaa shanaya kuwa dadka deegaanka ayaa weerar qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsan dagaala mayaasha Al-shabaab Shalay ka sameeyay de egaanka Baraag Ciise ee gob olka Mudug.

Ciidamada iskaashanaya ayaa weerarka ku dilay laba ka mid ah dagaalayahanada Ururka Al-shabaab oo la sheegay iney isku aruursanayeen deegaan kaas, sida lagu sheegay qoraal kooban oo lagu daabacay warbaahinta dowladda Soomaaliya.

Ciidamada ayaa sidoo kale la sheegay iney ga canta ku dhigeen mid ka mid horjoogayaasha Al-shabaab ee sida weyn looga yaqaano deegaan ka, kaasoo magaciisa lagu sheegay Xaashi Gara ad Cali.

"Ciidanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay Xaashi Garaad Cali oo ahaa Horjeege si wayn loo ga yaqaanay deegaa nka, kuna caanbaxay baada iyo dhaca xoolaha dadka reer miyiga ah" ayaa lagu yiri qoraal kooban oo lagu daabacay War baahinta dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Ururka Al-shabaab ayaa wali ku sugan deeg aano badan oo ka tirsan gobolada Mudug iyo Gal gaduud ee maamulka Galm udug, waxaana hal kaasi inta badan ka dhaca howlgalo qorsheysan oo noocaan oo kale ah oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ku beegsadaan goob aha ay Al-shabaab kaga sugan yihiin maamulka Galmudug.XIGASHO:-BBC

Urur Goboleedka IGAD Oo Qorsheynaya Inay Ciidamo Geeyaan Dalka Sudan

Urur-goboleedka IGAD ayaa ka fiirsanaya in ciidamo la geeyo dalka Suudaan si ay u difaacaan dadka rayidka ah, ka dib ku dhawaad ​​saddex bilo od oo dagaalo u dhexeeyay ciidan ka dowlada Su dan iyo xoog aga taageerada degdega ah ee RSF. Urur-goboleedka IGAD oo ka kooban siddeed waddan oo ku yaalla Geeska Afrika iyo nawaaxig eeda, ayaa kulan ku yeeshay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, si ay u bilaabaan geed di-socodka nabadda ee colaadda Suudaan.

Balse hindisahan ayaa la kulmay dib u dhac ka dib markii wafdi ka socday ciidamada Sudan ay ku guuldareysteen inay ka qeyb galaan maalintii u gu horeysay ee shirka, iyagoo diiday madaxweyn aha Kenya oo ah madaxa guddiga fududeynta wadahadalka.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, Madaxweyn aha Kenya William Ruto, Wasiirka Arrima ha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jabuuti Maxamed Cali iyo Guddoomiyaha IGAD Workneh Gebeyehu (Dr.) ayaa ka qeyb galaya shirka.

War saxaafadeed ay IGAD soo saartay ayay ku sheegtay inay ogolaatay inay cods ato shir madaxeed kale oo ka kooban 10-ka xubnood ee ciidamada heeganka ah ee Bariga Afrika, si ay u tixgaliyaan suurta galnimada in EASF la geeyo ilaalinta rayi dka iyo dammaanad qaadka gargaa rka bini’aadantinimo.

Waxaa shirka IGAD ee ka dhacay Addis Aba ba ayaa waxaa ka soo qeyb galay kaa liyaha xog hayaha arrimaha dibadda Marey kanka ee Afrika Molly Phee.

Sida laga soo xigtay wasaaradda arrima ha dibadda ee Maraykanka, Phee waxa ay la kulmi doontaa wakiilo sare oo ka socda dawladaha gobolka iyo sidoo kale guddiga Midowga Afrika oo ay booqashadeeda qaa dan doonto laba maal mood.

Dagaalka ka qarxay 15-kii Abriil ee Khar toum, caasimadda Suudaan, ayaa si deg deg ah ugu fi day qaybaha kale ee dalka. In ka badan 2.9 mil yan oo qof ayaa ka bar akacay guryahoodii, oo ay ku jiraan ku dha waad ​​700,000 oo u qaxay dalalka deriska ah kuwaas oo intooda badan ay la daalaa dhacayaan faqri iyo saamaynta iska hori maad yada dhexdooda ah.

Dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu joojin ayo dagaalka u dhexeeya ciidamma da Suudaan iyo RSF ayaa ilaa hadda no qday kuwo aan wax tar lahayn, iyada oo hin diseyaal iska soo horj eeda ay abuureen jahawareer ku saabsan sida dhinacyada dagaallamaya loo keeni karo wada hadal.

IGAD ayaa sheegtay inay ka xuntahay baaqa shada wafdi ka socda ciidamada Sudan oo ay she egtay inay horay u xaqiijiy een inay ka qeyb gala yaan.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Suu daan oo ay ciidamadu gacanta ku hayaan ayaa sheegtay in wafdiga Dowlada Sudan aysan imaan, saba btoo ah IGAD ayaa iska dhego tirtay codsigii ay ku doonaysay in lagu beddelo madaxweynaha Ke nya Wil liam Ruto oo ah madaxa guddiga hogga am inaya wadahadallada.

"Ruto waxaa ka maqan dhexdhexaadn imo xiis adda socota, wasaaraddu waxay ku sheegtay wa kaaladda wararka ee dawl adda. Bishii hore iy adoo Kenya ku eeday say inay gabaad siiso RSF.”

Dowladda Kenya ayaa bishii hore shee gtay in madaxweynahooda uu ahaa garso ore dhexdhe xaad ah oo si sax ah loogu magacaabay shir madaxeedka IGAD.Wadahadallada IGAD ayaa imaanaya maalmo kadib markii weerar cirka ah lagu qaaday deega an ay dad rayid ah degan yih iin ayna ku dhinteen illaa 22 qof, laguna dhaawacay tiro kale oo ka dha cay magaa lada Omdurman ee dalka Suudaan, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dal kaasi. Illaa 3,000 oo qof ayaa lagu dilay iska hori maadka, halka kuwa badbaaday ay sheegeen in mowjado xadgudubyo galmo ah iyo dad goobjoog ayaal ah ay ka hadle en dilal isir ku saleysan.

Badhasaabkii hore ee gobolada Gabiley iyo Sool ee Somaliland oo sheegay in uu ku biiray SSC

Cabdiqani Maxamuud Jiidhe oo hore usoo qa btay xilka badhasaabka gobolada Sool iyo GabI ley ee Somaliland, ayaa sheegay inuu ku biiray SSC. Jiidhe oo dhawaan laga qaaday xilka guddoomiyaha go bolka Gabiley oo uu hayay tan iyo sannadkii 2021, ayaa muu qaal uu soo duubay isaga oo jo oga deegaanka Kalabaydh ee gobolka Sool ku sheegay in uu ka baxay siyaasadii Somaliland.

"Safarkan waa mid aan idinku caddeynayo inaan ka baxay maamulkii Somaliland ee aan ka tirsanaa ee aan la shaqeynayay. Waan ogaadadk eygu weligood ma taageer saneyn Somaliland," ayuu yidhi Jiidhe.

Jiidhe waxa uu Somaliland ku eedeeyay inay dadkiisa dhibaato u gaysatay, sidaas darteeda uu uga soo horjeestay, isaga oo bogaadiyay halgan ka ay kaga soo horjee daan Somaliland.

Jiidhe 2019 ayuu markii ugu horaysay noqday guddoomiyaha gobolka Sool, isaga oo markale sa nnadkii 2021 loo magacaabay guddoomiyaha gob olka Gabilay, xilkaasi oo dhawaan laga qaaday.

Intii uu dagaalka Laascaanood socday waxa si yaasada Somaliland ka baxay ma suuliyiin kasoo jeeda gobolka Sool, oo uu ugu mudanyahay gud doomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaaliif Axmed.

Recep Tayyip Erdogan Wuxuu Ogolaa day Inuu Ansixiyo Xubinnimada Iswiidhan Ee NATO

Turkiga ayaa Isniintii ogolaaday inuu ansixiyo xubinnimada Sweden ee NATO, sida uu sheegay xoghayaha guud ee isba haysiga Nato, Jens St oltenberg, oo la kul may hogaamiyayaasha Tur kiga iyo Sweden magaalada Vilnius ee Lithuania, ka hor shirka labada maalmood ee NATO.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdo gan ayaa ogolaaday in uu taageero xubinnim ada Iswidhan ee NATO, oo uu xannibay in ka badan 1 sano, ayaa Isniintii (July 10-keedii) ku dhawaa qay in Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga Jens Sto ltenberg uu ku tilmaamay "maalin taariikhi ah”.

"Waxaan ku faraxsan ahay inaan ku dhawaaqo in Madaxweyne Erdogan uu ogolaaday inuu sida ugu dhaqsaha badan ugu diro hab-maamuuska ku biiritaanka Sweden ee ‘baarlamaanka Turkiga’ iyo inuu kala shaqeeyo golaha si loo xaqiijiyo ansixinta,”

Ayuu sarkaalku u sheegay War bahinta. ku sa absan kulan uu la yeeshay hogaa miyaha Turkiga iyo ra’iisul wasaar aha Sweden Ulf Kristersson, oo ku saabsan shir madaxeedka NATO ee Vilnius.

MUSUQ MAASUQU WUXUU CAQABAD KU YAHAY DAWLADNIMADA

 QEYBTA 1-AAD

Waa maxay Musuqmaasuq?:- Musuqa Luqada Ingiriiska waxa lagu yiraahdaa (corruption),Carabigana waa(fasaad) Ma cno ahaanna waa sharciga oo la qaloociyo iyo wax is daba marin noocya badan leh (transgressi on).dhanka kale haddii loo dhigo Musu qmasuq waa lunsasho hanti dadweeyne, wuxuuna ka dhici karaa hey’adaha dowl adda(Public sector) iyo kuwa gaarka loo leeyahay (Private sector).

 

Noocyada Musuqa:- Qeybaha uu Musuq maasuqu u kala baxo iyagoo fara badan waxaan ka soo qaadanaynaa:1-Musuqa Laaluushka,qaraabo-kiil wax isda ba marinta,2-Musuqa Xatooyada xoolaha dadwaynaha, 3-Musuqa ku takrifalka awoodda, 4-Musuq maasuqa Doorashada. 5-Musuqa duudsinta xaq Qof leeyahay, 6-Musuqa siinta cid kale xaq aysan laheyn. 7-Musuqa sheegashada aqoon ama Khibrad uusan qofku laheyn. 8-Musuqagudasha la’aanta waajibaad qofka loo igmaday, 9-Musuqa Qofku si qayaano ah ugu gurto miro cid kale beertay. 10- Musuqa Been abuurka

Sidee Musuqu noo Saameeyay?. Muddadii ka danbaysay burburkii dalka, Soomaliya waxaa lagu tiriyaa wadamada sida aad ka ah uu u saameeyey musuq maasuqa waxayna kaaalmaha hore ka gashay wadamada musuq maasuqu ragaadiyey, Musuqa waxuu inta badan ka jiraaa ama ka dhacaa hey’adaha dawladda, iyadoo dad xilal lagu aaminay ay caado ka dhigtaan in ay lunsadaan hantida dadweynaha ee loogu talagalay in loo adeegsado horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha sida dhismaha Waddooyinka, Iskuullada iyo Isbitaallada, waxaa kaloo

musuqa sida weyn noo saameeyey ka mid ah laaluushka oo saameyn weyn ku yeeshay qaar ka mid ah hey’adaha dowladda gaar ahaan wuxuu si aan qorsoodi laheyn u ragaadiyay hey’adaha garsoorka ee dalka.

Maxaa laga dhaxlaa Musuqa?. Musuq maasuqa waxaa laga dhaxlaa Saboolnimo , Amni darro iyo dib u dhac Bulsho, Musuq maasuqu waxaa uu khal khal galiyaa bulshada, wuxuuna u horseedaa nolol xumo, isagoo wiiqa dhaqaalaha dalka waana caqabadda ugu wayn ee horumarka iyo dawladinmada. Dhaqan doorsoonkii dalka ka dhacay waxaa ka mid ah in dad badan aysan dareensanayn dhibaatada musuqa oo loo tusay inuu yahay wax fudud oo aan dhibaato laheyn, dadka sidaa ka aaminsan waxaa musuq maasuqa loo baray magaca ah (Howl- Fududayn).

Sidee looga hortagi karaa Musuqa?. 1- in la xoojiyo wacyi galinta madaxda qaranku bilaabeen, si bulshada loo dareensiiyo ama loo baro in musuqu xaaraan yahay.

2-in la xiisaabiyo lana tirakoobo hantida masuuliyiiinta dawladda inta aysan xilka qaban.3- in sidoo kale dib loo hubiyo loona tirakobo hantida masuuliyiinta dowladda marka ay xilka ka dagayaan, talaabadaan oo aan wali la hirgalin.

4- in Xukuumaddu hubiso qorshaha mashaariicda wadanka laga fulinayo, lacagta loogu tala galey iyo sida uu mashruucu u fulay, xisaabtan dhab ahna lagu sameeyo.

5- in xil magacaabista iyo shaqaalaysiinta heyd’aha dawladda lagu xulo xirfad lagana hortago qof jeclaysi iyo qaraabakiil.

5- in laga shaqeeyo sidii looga gudbi lahaa awood qeybsiga qabiilka, kaasi oo ah caqabad weyn oo ku hor gudban dowladnimada Soomaaliya. Musuqmaasuqa Soomaaliya waxa uu ka jira heerarka noolasha oo dhan, qeyba ha dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeya hay labaduba; isagoo kor u sii kordhay hab dhaqan ahaan oo aan waliba caadi aheyn. Bishii Maarso ee sannadkii 2018-kii, Mada xweynaha hore Jam huuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Farmajo oo ka hadlay furitaanka kal-fadh igii seddexaad ee Baarlamaanka Federaa lka Soomaaliya, ayaa sheegay, "in aan la inkiri Karin in ay jiraan eedaymo musuqm aasuq oo aad u xun oo ay qaar ka mid ah dowladu sababteedu leeyihiin”.

Dowlad wanaagga waa hanaan dhaqa alaha, siyaasada iyo maamulka dal uu maro meel la dhihi karo waa mid hufan oo cadaalad leh oo xisaabtan uu ku jiro go’aan qaadashada iyo hergelintada siyaa sadaha dowladeed, sidoo kale dhammaan codka qofka awooda leh iyo qofka aan awooda laheyn waa la maqlaa marka ay noqoto qorsheynta, qiimeynta & hergelinta intaba. Dowlada wanaagsani waxay xiriir la leedahay suuqyada ganacsiga, bulshada rayidka ah, dalalka deriska ah, caalamka & hey’adaha caalamiga ah. Dowlada wan aagsani waa mid ka fog masuqmaasuqa waa mid leh xisaabtan.

Musuqa waa dhaqan haraadi ah oo aan meelna ku lahayn shareecada islaamka iyo dhismaha dowladnimada casriga ah, waxaana jira dadaallo caalamiya iyo mid heer qaran oo lagu dagaalamayo, sanad walbana waxaa la sameeyaa qiimayn heer caalami ah, waxaana la soo bandhigaa kaalinta dowlad walba oo dunida ah ka gasho la dagaallanka Musuqa iyo heerkeeda maamul wanaagga, hadaba Shacbiga Soomaaliyeed waxaa la gudboon in ay dowladda Federaalka ku taageeraan dadaalka ay ugu jirto ciribtirka Musuqa oo ka mid ah caqabadaha ku hor gudban xoo jinta tiirarka Dowladnimada Soomaal iya. La soco Qeybta 2-aad

By:- Ruush Abdullahi

XIGASHO:-SOMALIWEYN.COM

 

BOQOLAAL MUHAAJIRIIN AH OO LAGU LA LA’ YAHAY XEEBAHA DALKA

 SENEGAL

Hay’adda Samafalka Muhaajiriinta ee The Walking Borders waxay Shalay oo Axad ah sheegtay in la la’ yahay ugu yar aan 300 oo Muhaajiriin ka soo shiraacday dalka Senegal, kuna soo wajahnaa Jesiira daha Canary Islands ee dalka Spain.

 

Dadkaasi ayaa la sheegay inay 3 doon yood kaga soo tahriibeen Tuullada Kafou ntine ee Koonfurta dalka Senegal oo masa afo ahaan 1700 KM u jirta Jesiirada Tenerife oo ka mid ah Jesiiradaha Canary Islands ee dalka Spain.

Helena Maleno oo ka tirsan Hay’adda Gu rmadka Muhaajiriinta ee The Walking Border oo la hadashay Wakaallada Warar ka ee REUTERS in Labo Dooni oo mid ay 65 qof la socdeen, halka tan kalena ay 50 ilaa 60 qof saarnaayeen la la’ yahay mu ddo 15 maalood, kadib, markii ay ka soo shiraacdeen dalka Senegal, Isku-daygo oda ay ku doonayeen inay ku soo gaaraan Xeebaha dalka Spain.

Dooni Saddexaad oo ay la socdeen ilaa 200 oo qof ayaa la sheegay inay bishii ho re ee June 27-dii ka soo shiraacatay Xeeb aha dalka Senegal.

Helena Maleno waxay tilmaamtay inay Qoysaska Muhaajiriinta la socday sad dexda Dooni aysan warkooda maqlin, tan iyo markii ay ka soo shiraacdeen dalka Se negal

TIKTOK MA WUXUU DHIIRRIGELIYAA IN MAREYKANKA LOO TAHRIIBO?

Ruux muhaajirahaya oo ku sugan xadka u dhaxeeya dalalka Mareykanka iyo Mexico Markii ay isha ku dhufteen biyaha bunniga ah ee wabiga Rio Grande, koox yar oo soo galooti ah, ayaa dhoola caddeeyey dhammaantood intay meel fog ka eegeen – waa dhammaadka safarkooda dheer ee halista badan lahaa, ee ay u soo galeen gaa rista dalka Mareykanka, kaasoo markani u jira boqollaal mitir.

"Si badbaado leh uga gudub webiga," ayaa lagu akhriyay farriin lagu faafiyay dusha sare ee muuqaalka, oo lagu lammaaniyey astaanta ha shtag ee afka Isbaanishka ee #Riyadii dhabawday ee Mareykanka. "Ii soo gudbi farriin, waxaan ku siin doonnaa macluumaad dheeraad ah." Muu qaalkani, waa mid kamid ah boqollaal ku jira bara ha bulshada, oo dadka looggu ballan qaadayo in laga caawin doono geeddiga loo galayo in nolol cusub laga bilaabo Mareykanka, si badqab ah, oo haddana raqiis ah.

In kasta oo ay u muuqdaan marka isha loo bir gaabiyo muuqaalladani kuwo aan waxba dambi ah xambaarsanayn – ama noqon karo mid saax iibtinnimo - khubarrada ayaa sheegay iney tani ta hay khiyaano. "Tani waa tahriibinta dadka," ayuu yiri Ed Calderon, oo ah sarkaal hore oo katirsan booliiska dalka Mexico, kaasoo ku takhasusay dhulka hogagga laga qodo dhulka xuduudda hoos tiisa.

Khubarrada ayaa sheegaya in muuqaalladan la baahiyey - ee ku jira baraha ay kamid yihiin TikTok, YouTube iyo WhatsApp - ay yihiin wejiga dhabta ah ee kooxo u abaabulan si sharci darro ah oo aad loo casriyeeyey, oo hawl galladooda ay ku kacayaan balaayiin Dollar, kuwaasoo ka faa'I idaystay jahawareer ka dhashay isbeddellada siya asadaha socdaalka ee Mareykanka, si ay u faafi yaan macluumaadka iyo baahida loo qabo adee gyada socdaalka.

Ganacsigani ayaa kor usii kacay, kadib dha maadka bishii May 11-keedii ee xiligii uu talada ha yey Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, uu soo saarey go’aan u oggolaanaya dow ladda Mareykanka iney si degdeg ah dadka u masaafurin karto, iyada oo aan la marsiin dhage ysi codsiga magangelyo doonnimada, isagoo u cu skaday g’aan kiisa, kadib soo ifbixii cudurkii aaf eeyey dunida ee coronavirus.

Laakiin habkani cusub ee soo baxay dhaw aan, ayaa dhiirigelinaya hannaanka sharciga ah ee lagu iman karo Mareykanka, isla markaana si doo kale wata ciqaab adag, oo looggu tala galay kuwa si sharci darro ah xadka ugga soo gudba.

Saraakiisha Mareykanka, ayaa sheegay in tan iyo markii sharciga ciwaankiisu yahay 42 uu dhac ay, dadka soogalootiga ee xabsiyada ku jira ay ho os u dhaceen 70%, iyadoo dad badan ay si sharci ah dalka ku yimaadeen.

Natiijada tirooyinka soo baxay, si kastaba ha ahaatee, macnaheedu maaha inay hoos u dhaca yaan faa'iidada ururrada dambiilayaa sha ah ee caawinaya muhaajiriinta ka tallaaba xadka, iyadoo aan la ogayn.

"Waxay hadda la mid tahay xiliga Ciidda Kiri staanka, kuwani waa dadka tahriibayaal ah," ayuu Calderon u sheegay BBC-da, isagoo intaas ku dar ay inay jiraan afkaaro kala duwan oo ay muhaajiri inta ku sheegayaan, in si guul leh ay uga gudbaan xadka, iyaga oo aan la xirin ay aad u adag tahay.

"Kuwaasi waa dhammaan sababta ay u samey nayaan dacaayaddooda, waxayna u saamaxay saa inay kor u qaadaan qiimaha lacagta ay ka guranayaan dadka muhaajirinta ah."

Qiimaynta uu soo hadal qaaday Mr Calderon, ayaa waxaa isna ka dhawaajiyay Adam Isacson, oo ah khabiir dhanka socdaalka iyo xuduudaha ah, oo ka socda Xafiiska Washington ee hey’adda Latin America, kaasoo sheegay in baahida adeeg ga mukhalasiinta ay u badan tahay inay kor u kac do "gaar ahaan kuwa doonaya inay galaan Maray kanka, iyaga oo aan la ogaan" ka dib sharcigii loo ggu magac daray 42.

"Haddii tirooyinka dadka soo galootiga hoos u dhacaan, sababo la xiriira isbeddel siyaasadeed cusub oo adag, taasi waxay kor u qaadaysaa qiim aha adeegyada tahriibinta," ayuu raaciyay.

Muuqaalada ku faafay baraha bulshada, ayaa waxay ku yimaadaan qaabab kala duwan, waxa yna marar badan yihiin kuwo aad uga fog khiy aano.

Qaarkood waa ruux macaamiil ah oo u muuq da inuu ku qanacsan yahay adeegii loo qabtay, oo loo malaynayo inay ka hadlayaan guryo ammaan ah, ama waddooyinka ku yaalla magaalo ku taalla dalka Maraykanka.

"Halkan waxaan joognaa magaalada New York," waa codka ruux u dhashay dalka Venezue la, iyadoo tani uu yahay mid kamid ah muuqaalla da noocaan ah, oo lagu soo gudbinayo ruuxani oo dhex socda wadada Manhattan. "Waxaan jeclaan lahaa inaan u mahadceliyo asxaabteyda, sida ay ii soo gaarsiiyeen halkan ammaanka ah, sidoo ka lana nabadda ah."

Cinwaanka muuqaalka, kaasoo ka socda "hey ’ad socdaal", ayaa ka codsanaysa daawadayaa sha inay soo diraan fariin, ay ku codsanayaan in ay u amba baxayaan dalka Maraykanka Dal Ku Gal la'aan.

Kuwo kale ayaa waxay muujinayaan mukhalas iin la qariyay, oo hoggaaminaya kooxaha sooga lootiga ah, iyagoo maraya dhul adag, ama isticm aalaya jaranjaro, si ay si degdeg ah uga gudbaan caqabadaha xuduudaha.

Qaar badan oo kamid ah, ayaa waxay ballan qaadayaan adeegyo hufan oo hubanti leh, oo ay iyagu u fidinayaan dadka ku tahriibiya goobaha ka la fog fog ee dhaca Koonfurta qaaradda Ameer ika, ilaa meelaha ugu dambeeya ee xadka dalka Maraykanka.

Dadka isaga tallaabaya xuduudda Mareykan ka iyo Mexico oo bixiya kumanaan kun oo Doolar

Ku dhowaad dunida oo idil, ayaa mukhalasiintani waxay farriimahooda soo raacinayaan taleefanka WhatsApp-ka, iyo ballanqaad in tafaasiil dheeri ah la siinayo ruuxa tahriibaya - oo ay ku jiraan qii maha iyo hannaanka lacag bixinta – oo la muujin ayo, iyadoo laga jawaabayo fariimaha gaarka ah.

Dabeecadda qarsoodiga ah ee kooxahan, ay aa waxay ka dhigan tahay in aan la hayn tirokoob la isku halayn karo, oo ku saabsan inta muhaa jiri inta ah ee ka hela mukhalasiintooda baraha bul shada, ama qoraallada ay run yihiin iyo in kale.

Guadalupe Correa-Cabrera, oo ah haweeney kaaliye u ah borofisar ee Jaamacadda George Ma son oo cilmi-baaris ku sameeya ururrada tahriibi nta, ayaa sheegay in Baraha Bulshadu ay u saam axdo dambiilayaasha inay abuuraan "dareen deg deg ah" oo joogto ah, oo kuwajahan soogalootiga.

Middaani, ayaa iyaduna ugu dambeyntii ku riixi karta muhaajiriinta u gacan galista mukhalasiinta, xitaa dadka muhaajiriinta ah ee aan internetka kala soo xiriirin.

"Tahriibayaashu waxay ka baxeen aagga bad qabka, safarkuna wuxuu noqon karaa mid naxdin leh.

Waxaa jira waxyaabo badan oo ku dhaca ma skaxdooda sidoo kale," ayay tiri. "Shabakadaha tahriibka ayaa fahma taasoo ka shaqeeya, si dabiici ah, si ay ugu soo gudbiyaan macluumaad ka khaldan, una cabsi galiyaan, si ay muhaajiriintu isugu dayaan safarka inay u sameeyaan si kasta oo ay awoodaan."

Khubarrada ayaa sheegay in qiimaha adeegy ada tahriibku ay aad u kala duwan yihiin, waxaa na inta badan lagu go’aamiyaa waxa ay dadka wax tahriibiya u arkaan iyaga – ama qoyskooda – inay bixin karayaan, xili hore ama qeyb qeyb mu ddo ka dib.

Saraakiisha Mareykanka ayaa ka digay in dad ka soo galootiga ah ee aan wax lacag ah bixinin inta badan lagu qasbo in ay u shaqeeyaan kooxa ha maafiyada ah, mararka qaarna ay noqdaan dhi llooyin, darawallo ama kuwa ka shaqeeya Maan dooriyaha. Qaarkood ayaa waxaa si fudud looggu haystaa guryo qarsoodi ah, illaa kharashka si buu xda loogga soo celiyo, ama looggu hanjabo in la waxyeeleynayo qoysaskooda ku nool Maraykan ka, ama dalkoodii dib looggu celinayo.

"Waa kooxo waaweyn, waana shabakado maa fiya ah," ayuu yiri Mr Calderon. "Dadka ka shaqee ya tahriibinta xudduudaha, ayaa haatan kamid ku wa ugu lacagta badan".

Mr Calderon ayaa wuxuu ku qiyaasay in xitaa heshiisyada nooca ugu yar - oo uu ugu magac dar ay "bal aan aragno haddii aan halkaas ku tagi kar no" safarka la yiraahdo - wuxuu ka bilaabmi doon naa inta u dhaxaysa $ 5,000 iyo $ 8,000 qoyska ka kooban afar qof, kaasoo ka bilaabaya xadka dalka Mexico.Hey’adda sharci fulinta ee haatan iyo kuwii hore ee dalalka Maraykanka iyo Mexico, ayaa ku qiyaasay in qiimaha caadiga ahi uu ah aan jiray ku dhawaad $15,000, taasoo iminka kor ugu kacday inta u dhaxaysa $50,000 iyo $60,000, muhaajiriinta badan oo ka imanaya meel ka bax san Latin America. BBC-du way awoodi ways ay inay si madax banaan u xaqiijiso qiimayaashan.

Arrinta ku saabsan wararka been abuurka ah ee baraha bulshada, ayaa si isa soo taraysa u qa batay indhaha saraakiisha Mareykanka.

Wax yar ka hor dhamaadka go’aankii looggu magac daray 42, tusaale ahaan, Xoghayaha Amni ga Gudaha, Alejandro Mayorkas, ayaa uga digay muhaajiriinta inay ku dhacaan dabinka been abu urka ah, kaasoo loola jeedo "in lagu soo jiito dad ka nugul ee ku tahriibaya xuduudaha dalalka dha ca dhanka Koonfureed ee America".

Intaa waxaa dheer, Waaxda Amniga Gudaha, ayaa waxay bilawday olole xayaysiiska Internet-ka, oo looggu magac daray "geo- targeted" oo ku saabsan aaladaha warbaahinta bulshada ee Bart amaha iyo Koonfurta Ameerika.

Xayeysiisyada ayaa waxaa looga gol leeyahay in lagu gaarsiiyo muhaajiriinta aaladahooda gac anta, oo lagu jiheeyo barnaamijyo lasoo dajisan karo, oo ay dowladdu maamusho oo caddaynaya xaqiiqooyinka ku saabsan siyaasadaha socdaalka Mareykanka, oo gudbiya digniino ku saabsan khataraha.

Saraakiisha Mareykanka, ayaa BBC-da u sheegay in xayaysiisyadu ay wali socdaan, xitaa ka dib markii siyaasaddii dhawaa ay is bedeshay.

Shirkadda TikTok, dhankeeda, ayaa sheegtay in aysan u "dulqaadan doonin" tahriibinta dadka, waxayna u heellan tahay "maalgelin muhiim ah" si loo helo loogana saaro waxyaabahan oo kale, iyada oo akoonnada xadgudubka ah si joogto ah loo mamnuucay. Labada muuqaal ee sheekadan lagu sheegay mar hore, ayaa meesha laga saa ray, kaliya waxaa si degdeg ah looggu beddelay kuwo kale oo la mid ah.

Alex Pacheco, oo horey u ahaan jiray Korm eeraha iyo Ilaalada Xuduudaha (CBP) isla marka ana khibrad 20 sano ah u leh ciidanka, ayaa shee gay in wararka been abuurka ah ee Baraha Bulsh ada ay u badan tahay inay sii socdaan, iyadoo dadka wax tahriibiya ay doonayaan inay ka faa’ii deystaan welwelka muhaajiriinta, ee ku aaddan saameynta siyaasadda gudaha ee Mareykanka. iyo dhacdooyinka xadka.

Mr Pacheco ayaa waxa uu aaminsan yahay in isbeddelkani uu sii socon doono, maadaama ha atan dalka Maraykanku ay kusoo wajahan tah ay doorashada madaxtinimada ee sanadka 2024-ka.

"Waxay had iyo jeer oran doonaan dadku wa xaad u baahan yihiin inaad haatan ka gudbaan xadka, dadka qaar ayaa loo sheegayaa in qiimihu kor u kici doono, haddii aanu ka gudbin ka hor go’ aanka 42, tusaale ahaan," ayuu yiri Mr Pacheco.

"Hadda waxay u badan tahay inay dhahaan waxaa jiri kara maamul cusub uu yimaado, in ma daxweynaha cusub uusan noqon doonin Joe Bid en, ama in xuduuddu ay dib ugu laaban doonto sidii ay ahayd maamulkii hore… ayuu ku daray

XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip