
HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 9-9-KA LUULYO 2023-KA
Madaxweyne Xasan Sheekh "Dowladda waxaa ka go’an in ay ka maaranto kaalmo shisheeye”
Dal waxaa horumariya dadkiisa oo garab istaag buuxa siiya Dowladda si loo gaaro isku filnaansho bu uxa oo dhan waliba ah. Soomaaliya, waxaa kaalmo buuxa siiya dalal shisheeye, waxayna kaalmadaas ka timaadaa canshuur dad kale laga qaaday, sabab ta canshuurta loo qaadayo waa inay Dowladdu bixi so qara haadkeeda haddii ay tahay caafimaadka, wax barashada, nabadgalyada,horumarinta kaaba yasha dh/laha &howlaha guud. ]
Haddii si kale u dhigno, cans huurtu waa qarash ay Do wlad du dul saarto alaabaha iyo han tida ma guurtada ah, dakhliga soo gala qofka ama ganacsiyada iyo mulkiilayaasha mehradaha. Amni buuxa iyo caafimaad tayo ah leh in la helo waxaa udub-dhexaad u ah canshuurta dal ka oo la bixiyo si ay Dowladdu awood buuxda ugu yelato bixinta adeegyada bulshada aas-aasiga u ah.
Canshuur bixiyaashu, waa inay fahmaan bixinta canshuurta inay tahay waajib saaran qof walba oo muwaadin ah in dadku canshuur tu bixin micnahe edu waxay tahay in dowladdu shacabkeeda la xisaa btami karin. Soomaaliyana ay sii ahaato dal can shuur bixiyeya al kale lacag ka suga, waana sababta keentay in ma daxdu ku baaqaan in la bixiyo can shuurta.
Madaxweyna ha JFS Md. Xasan Sheekh Maxam uud ayaa aad bulshada Soomaaliyeed ugala hadlay mud naanta ay leedahay canshuurta, wuxuu sheeg ay in muhiim ay tahay canshuurta ay Dowladdu ugu baahan tahay shacabka si dowladda uga maareynto dawarsiga dalalka kale. ” la qarin maayo canshuurta inaan dhiibno waaye, lacagta aan ku yeelan lahayn inaan la imaano waaye, Maanta wali waxaan joog naa ciidamadeenu wali dad kale ayaa lacagta noo sii yo, nolosha qaarkeed Dowladdu wey bixisaa , laakin waxay dowladdu bixiso kuma filno waa la kabaa dad kale noo kaba, canshuur wiil kale iyo gabar kale oo dal kale ku nool oo waxay nala wadaagaan jirin oo Diin nala wadaagin oo dadnimo nala wadaagin oo qa aradda aan ku nool nahay ku oolin, war anaga ma xaa nahay kan dhuumanaya ee canshuurta ka dhuu manaayo, shabaab ayaa ka cabsanaa Kan leh Dowl adda lama shaqeyn karo, war waxaas wax ma ahan howln ma ahan,”.
Ma daxweynaha ayaa carrabka ku dhuftay in ay san macquul ahayn inay soo tuugsadaan lacagaha lagu kabo mushaaraadka ciidamada iyo shaq aala ha, iyadoo Soomaaliya haysato kheyraad ku filan, waajibaadka Dowladda ayuu madaxweynuhu tilma amay ka hortagga dadka dhacaya canshuuraha ay bixiyaan dadka kale.
Haddaba inagoo taas ka tixraaceyna muhiimadda ay leed ahay canshuurta, waa in bulshada Soomaali yeed xiliyo ahmiyad gaar ah iska saaraan sidii ay u bixin lahaayeen canshuurta ,ayagana ay dhankooda u heli lahaayeen adeegyada aas-aasiga u ah ee Do wladdu looga baahnaa.
Baarlamaanka Soomaaliya oo isku khilaafay la xisaabtanka xukuumadda
Fadhigii BFS ee Shalay ayaa kusoo dham maad ay buuq iyo isfahan la;aan waa xilli baarlamaan ku uu u ballansanaa inuu bilaabo la xisaabtan ka gola ha xukuumadda.
Xildhibaannadabaarlamaanka ayaa ku eedeeyay guddiga joogtada ah inay ku xadgud been xeer hoosaadka baarlamaanka, iyo hann aan ka loo marayo la xisaabtanka xukuumadda.
Xildhibaan Cabdirashiid Jiley ayaa sheegay inay gef ku tahay baarlamaanka, sida uu sheeg ay in gu ddiga joogtada ee baarlamaanka uu gol aha horke eno liis ay soo qoratay xukuumadda, liiskaas oo ah jadwalba wasiiradda hortagaya golaha.
"Guddiga joogtada waxay la kulmeen raysal was aaraha waxayna ku dhaheen soo diyaarso jadwalka wasiirrada baarlamaanka hortagaya. Arrintaas waa
qalad. Guddiga joogtada ma qaadi karo tallaabo isa goo aan la tashan xubnaha xildhibaanada, "ayuu yiri xildhibaanku. Xildhibaan Daahir Aamiin Jeesow ay aa she egay guddiga joogtada inay ku xad gudbeen madabannaanida 275 xildhibaan ee golaha shacab ka. Wuxuu sheegay inay ku guulaysteen in la hakiyo la xisaabtanka wasiirka amniga oo baarlamaanka hor imaan lahaa.
Xildhibaan Jeesow wuxuu sheegay guddiga joog ada inuu hortaagan yahay in baarlamaanku si dhab ah ula xisaabtamo xukuumadda. Dorraad ayay aha yd markii xoghayaha xafiiska Raysal wasaaraha uu baarlamaanka u gudbiyay jadwal ku saabsan sida ay wasiiraddu u hortagayaan baarlamaanka.
R/W Xamse oo wasiiradiisa ku sameeyey isku shaandheyn
Ra’iisul wasaaraha Xamse Cabdi Barre ayaa Xalay hore isku shaandheyn ku sameeyey qaar ka mid ah golihiisa wasiirrada, isagoo sidoo kale soo magacaabay xubno cusub.
Isku shaandheyntaan ayaa saameysay wasa ara daha maaliyadda, shaqada iyo arrimaha bulshada, arrimaha gudaha iyo diinta iyo awqaafta.Ugu horeyn Wasiirkii Maaliyadda Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa xilka laga qaaday, wax aana Maaliyadda Soomaaliya loo magacaabay Biixi Iimaan Cige oo ahaa wasiirkii wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada.
Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim oo ah wasiir cusub ayaa loo magacaabay wasaaradda shaq ada iyo arri maha bulshada, maadaama wasiirkii wasaara daas loo wareejiyey wasaaradda Maa liyadda.
Sidoo kale Abuukar Jeylaani Sheekh ayaa loo ma gacaabay wasiiru dowlihii wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta.
Halka Saadaad Maxamed Nuur Caliyow loo mag acaabay Wasiiru dowlihii wasaaradda arri maha gud aha, federaalka iyo dib u heshiisiinta ee xukuumad da Soomaaliya.
Wareegtadaan ayaa wasiirrada cusub la gu far ay inay si deg deg ah ula wareegaan ma suuliyadda loo igmaday, kadib markii la dha ariyo.R/Wasaare Xamse ayaa sheegay in go’aankaan uu kala tasha day Madaxweyna ha dalka, isla markaana uu arkay in baahi badan loo qabo in la dardar geliyo shaqada xukuu madda.
Waa isku shaandheyntii ugu horeys ay ee uu sa meeyey Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiska joogay muddo hal sano ah, waxayna saa meysay afar ka mid ah 25-ka wasaaradood.
Sanbalooshe oo si lama filaan ah uga falceli yay doodda baarlamaanka
Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (San bal oolshe) oo kamid ah xubnaha Golaha Sha cabka Soomaaliya oo si gaar ah ula hadlay war baahinta ay aa ka falceliyay buuq ka dhashay kulankoodii Shalay oo natiijo la’aan ku soo dhammaaday.
Sanbaloolshe ayaa shaaca ka qaaday in uu ku fa raxsan yahay in baarlamaanka uu laba u kala qaybsamo, isla-markaana laga wada doo do arrinta xasaasiga ah ee taagan.
Sidoo kale waxa uu tilmaam ay in la’isku qab tay ajendaha ku lanka, isaga oo sheegay inuu muhiim u arko in xil dhi baanadu ay dareenk ooda iyo aragtidooda muu jiy aan.
"Fadeexo ma’aha sharaf ayay innoo tahay baarl amaanka inuu qaybsamo oo uu afkaar is ku haysto oo qalana wax diidan tahay, qolana wax ogoshahay” ayuu yiri Sanbalooshe.
Waxaa kale oo uu xildhibaanku hadalkiisa sii raa ciyay "Waa dabiici baarlamaanka adduun ka ayaa bi dix iyo midig kala ah, waxay muujin eysaa Shalay ba arlamaanka in inuu go’aansa day in boorka uu iska jafo muddo dheer waa qa miirsanaa, wuuna iska aamusnaa”. Dhanka kale, xildhibaanka ayaa ka ho ryimid arrinta dooda dhalisay oo aheyd in uu guddiga joogatada u yeeray wasiirka amniga gudaha, ayadoo aan jirin wax latashi ah oo lagala sam eeyay xubn aha baarlamaanka, isaga oo arri ntaas ku dhaliilyay guddiga iyo guddoonka.
"Sabab uu guddiga joogtada ah inta uu arri nkaas u soo karkariyo uu meesha keeno ma ji rto” ayuu mar kale yiri Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe). Buuqa ayaa sii xoogeystay markii ay 30 xil dhibaan oo ka tirsan Golaha ay keeneen mooshin kale oo ay ku dalbanayeen in ajendaha Sha lay lagu soo daro qodob kale oo ku aaddan la xisa abtanka & habsami u socodka howlaha Golaha Shac abka ee Baarlamaanka Soomaal iya.
Si kastaba, dood dheer oo sababtay in kulan ka uu istaago kadib ayaa waxaa cod la geliyay in moo shinka ajendaha wax ka beddalka dib loo dhigo ama isla Shalay laga doodo, waxa yna xildhibaanada u codeeyeen in kulanka dam be laga dhigo, si la’isugu soo laabto.
Wasiir Faarax Sheekh oo kormeeray gooba ha lagu saxayo imtixaaanka Qaranka ee Dugsiyada Sare
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidda ha iyo Tacliinta Sare ee XFS, Md.Faarax Sh. Cabdulqa adir ayaa Shalay kormeeray xarunta Akadiimiyada Generaal Kaahiye oo ay ka soc oto sixidda imtixaan ka qaranka ee dugsiyada sare, sannad dugsiyeedka 2022/2023.
Agaasimaha waaxda imtax aanka iyo shah aadooyinka Axmed Daahir Suryare iyo Gu ddiga Imtaxaanka ayaa wa rbixin ka siiyay wasiirka sida ay howsha u socoto iyo halka ay wax mara yaan. Intaas kadib wasiirka ayaa u kuurgalay sida ay u socoto howsha imtixaan sixista ee ay ku howlan yihiin macalimiintu.
FARMAAJO oo baaq culus kasoo saaray xaaladda….
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Md.Maxamed C/hi {Far maajo) oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay dab xoogan Habeen hore ka kacay suuqa weyn ee M/Jigjiga ee xarunta DDS
Dabka ayaa geystay khasaare hantiyeed oo baa xad leh, ayada oo ugu dambeyn gurmad ay samee yeen dadka deegaanka iyo maamulka deegaanka lagu guuleystay in la damiyo.
Md.Farmaajo oo ka hadlay dhacda daas ayaa marka hore shaaca ka qaa day inuu murugada la qaybsanayo ga nacsatada iyo shacabka reer Jigjiga ee dhibaatada kasoo gaartay dabkaasi.
Sidoo kale wuxuu Alle uga baryey inuu beddal kha yr qaba siyo ganacsada ku hanti beeshay dabka ka kacay suuqa Taywaan ee M/Jigjiga. "Waxaan mur ugada la qaybsanayaa, si weyna u garab taaganah ay walaalaha reer Jigjiga ee xilligan adag ku jira. Wa xaan Allaah beddel khayr qaba iyo caafimaad degd eg ah u weydii nayaa ganacsatada ku hanti beeshay & shacabka ay waxyeelladu ka soo gaartay dabka ka kacay suuqa ganacsiga ee magaalada Jigjiga” ayuu qoraalka ku yiri Farmaajo.
Dhanka kale wuxuu farriin culus u diray guud ah aan dadka Soomaaliyeed, isaga oo ugu baaqay inay u gurmadaan walaalahooda reer Jigjiga. "Guud aha an ummadda Soomaaliyeed ee caanka ku ah is caa winta iyo isu damqashada xilliyada adag waxaan u gu baaqayaa inay si weyn ugu gurmadaan oo ay gac an walaalnimo u fidiyaan ganacsatada iyo shacabka ay waxy eellada hantiyeed iyo midda nafeed ka soo gaartey masiibadaas” ayuu warsaxaafadeedka ku yiri madaxweynihii hore ee dalka.
Md.Farmaajo ayaa noqonaya mas’uulkii ugu hor reeyay ee war kasoo saara dabka ka kacay Jig jiga,.
Si kastaba, waxaa haatan soconaya gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelada soo gaartay, ayadoo meelaha uu gurmadka ka socda ay ka mid tahay Somaliland, gaar ahaan Hargeysa.
Ra”iisul Wasaare Xamse oo adkeeyey xuqu uqda Shacabka Soomaaliyeed ee helidda Biyo Nadiif ah iyo Koronto qiimo Jaban
R/Wasaaraha JFS,Md Xamsa Cabdi Barre, oo sii wada kulamada la xisaabtanka Wasaar adaha, ayaa Shalay su’aalo ku saabsan waxyaabaha u qabsoom ay iyo ku wa u qorsheysan wax ka weydiiyey Wasa aradda Korontada iyo Biyaha.
Wasiirka Wasaaradda Korontada iyo Biyaha Md/ Jaamac Takhal Cabbaas, iyo masuuliyiinta kale ee wasaaradda ayaa si faah-faahsan R/ Wasaaraha u gu soo bandhigay mashaariicda kala duwan ee was aaradda uga hirgalay ball anqaadkii Xukuumadda Dan-Qaran ee la xiriira halbeegyada Horutabinta leh adeegyadaaas-aasiga ah.
R/Wasaaraha ayaa ku booriyey masuuliy iinta wasaardda in mashruucdyada tamarta iyo biyaha ee ay maalgaliyaan hay’adaha caala miga ah ay noq daan kuwo ay si toos ah uga fa a’iidaystaan shacab ka Soomaaliyeed, isagoo til maamay in Xukuumada Dan-Qaran ay ahm iyad gaar ah siinayso in bulsha du ay helaan biyo nadiif ah iyo koronto qiimo jaban.
R/Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ku adk ee yey masuuliyiinta wasaaradda in dhammaan deega annada la xoreeyey Khawaariijta la gaa rsinayo ade egyada aas-aasiga ah ee dowl adda, waxa uuna far ay Wasaaradda in mudna an gaar ah la siiyo ceela shii biyaha, maadama ay khawaarijtu ka burburi yeen.
Wasiirka Amniga oo Agaasime KMG ah u maga caabay haya’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha
Wasiirka Amniga Gudaha ee XFS Md. Ma xamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa Md. Axmed Si ciid Maxamed u magacaabay in uu noqdo Agaasim aha KMG ee Hay’adda Socd aalka & Jinsiyadda Somaliya.
Wasiirka ayaa qora al kooban oo ka soo ba xay xafiiskiisa ku soo magacaabay Agaasi maha cusub.
Dhinaca kale C/dir Cilmi Cali (Cabdul) oo ahaa Agaa simihii Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda ayaa 7ba adkii hore dalka isaga ba xay, iyado ona Khamiistii uu Xafiiska Xeer Ilaa linta ku soo daray liiska 18 Sarkaal oo lagu soo eedeeyay musuq-maasuq.
Eedeysaneyaasha oo u badan xubno xilal ka hayay DFS ayaa isugu jira Agaasimeyaal, Aga as ime Waaxeedyo, xubno ka tirsanaa Laanta Socdaal ka, ruqsad siinta ajaaniibta iyo canshuu raha.
Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxam uud, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in xubnaha la soo eedeeyay ay 9 ka mida xiran yihiin, 9 kalena ay maqane yihiin.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Maxka madda G/Banaadir u gudbiyay dacwad ka dhan ah xubnahaasi ayaa maxkamadda ugu baaqay inay soo muddeyso dhageysiga dacwadda ka dhanka ah eedeysaneyaasha.
Wasiirka shaqada XFS oo faray Agaasimaha cus ub ee wasaaradda inuu la yimaado hannaan sha qo oo lagu tayeynayo shaqaalaha dowladda
Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrima ha Bulshada ee XFS Md Biixi Iimaan Cige oo uu wehliyo Wasiiru dawlaha was aaradda Md. Yusuf Maxamed Aadan ayaa Shalay si rasmi ah xilka ugu kala wareejiyay ku simaha Agaas imaha Gu ud Md. Cabdikariim Cumar Cabdiraxmaan iyo Aga asimaha Guud Md.Yuusuf Xas an Isaaq ee Was aaradda Shaqada iyo Arrim aha Bulshada
Munaasabadan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiiradda Wasaaradda, Agaasime waax eedyaha, Lataliyayaasha, Shaqaalaha Wasaar ada shaqada iyo marti sharaf ka socota hay’ adaha dawladda.
Wasiirka ayaa soo dhawe eyay agaasimaha guud sidoo kale u mahad celiyay ku simaha agaasimaha guud iyo agaasime waaxeed yadawasaaradda ha wlihii ay qabteen mudadii uu hayay xilka ku simaha Agaasimaha Guud ee wasaaradda.
Sidoo kale, wasiiru dowlaha wasaaradda, Xil Yu usuf Maxamed Aadan oo isna hadal kooban ka jee diyay ayaa agaasimaha cusub iyo agaas imaha waa xeedyada wasaaradda ku booriyey howlaha horya ala wasaaradda inay wadasha qeyn guud ka yee shaan iskuna garab siiyaan hawlaha wasaradda.
Md.Yuusuf Xasan Isaaq Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulsadaayaa Dhammaan Masuuliyiinta Wasaaradda uga mahad-naqay soo dhawaynta ay u sameey een iyo Xafladda Xil-wareejinta.
Waxaana uu ka waramay hanaanka shaqo uu la yeelan doono dhammaan masuuliyiinta wasaarada iyo sha qaalaha inay noqon doonto mid daah furan oo ku dhisan wada tashi.
Ugu dambayntii, Wasiir Biixi waxa uu sharrax aad dheer ka bixiyey hawlaha baaxadda leh ee horyaalla Wasaaradda oo ay ugu horreeyaan tayeynta shaq aalaha dawladda, u adeegidda arrimaha bulshada, shaqo abuurka iyo suuqa shaqada iyo kor u qadidda barnaamijyada hor umarinta farsamada iyo tababa rada xirfadeed TVET) iyo Siyaasadaha iyo Shuruuc da shaq ada oo meel wanaagsan mareysa. Wuxuu si rasmi ah u amray in lala shaqeeyo Md. Yuusuf Xa san Isxaaq,Agaasimaha Guud ee Wasa aradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
Cali Jayte oo diray hanjabaad culus: Wax aan wacad ku marayaa inta…
Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Cali Ja yte Cismaan oo Shalay jiida hore ee daga alka kula hadlay warbaahinta ayaa han jabaad culus u diray kooxda Al-Shabaab oo weli dag aallo cul us ka wada gobolkaas iyo guud ahaan dalka.
Ugu horreyn Cali Jayte ayaa ka warbixiyay dagaal culus oo Shalay ka dhacay agagaarka deegaanka Beero Yabaal oo hoostaga deg mada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan, isaga oo shaaca ka qa aday inay uga adkaadeen Shab aab, sidoo kalena ay ku gaar siiyeen jab culus.
"Muddo ayaan ku dagaalameynay meel ha lkan ah waan ka itaal roonaanay waxaan rabaa ciidam adaas meel kasta oo ay ka dagaalama yeen inaan u mahadceliyo” ayuu yiri Jayte.
Sidoo kale wuxuu ku hanjabay inuu sii wadi doo no dagaalka uu kooxdan kala jiro, illaa inta laga saa ro guud ahaan dhulka Soomaaliya.
"Waxaan wacad ku marayaa haddii Alle id mo inta tabarteydu la’egtahay, Shabaab inta uu Soomaa liya joogo inaan kabaha ka daba ilado” ayuu mar ka le yiri Cali Jayte Cismaan.
Dhanka kale, guddoomiyihii hore ee gob olka Hii raan Cali Jayte Cismaan ayaa farriin cul us u diray dowladda dhexe, wuxuuna ka dalba day inay qaad ato mas’uuliyeeda ku aadan la dagaallanka kooxda Al-Shabaab.
"Dowladda Soomaaloya waxaa saaran mas’uul iyad ah inay dalka cadowga ka saarto, ilaaliso sha cabka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiyihi hore ee gobolka Hiiraan.
Cali Jayte ayaa haatan ah gooni u goosad, isaga oo ku dhawaaqay maamulka ‘Hiiraan St ate’ kadib markii xilkii ka qaaday madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen. Lama oga halka ay ku da mbeyn do onto xiisaddan, maadaama aysan jirin illaa iyo hadda wax wadahadal ah oo u billowday la b ada dhinac, si xal looga gaaro arrinta taagan.
Xujaaj fara badan oo dalka dib ugu soo labtay, kadib markii ay dhamaatay Acma asha Xajka.
xujayda Soomaaliyeed ee soo gutay waaj ibka Xaj ka ayaa dalka dib ugu soo laab anaya si da uu Warbaahinta qa ranka u xaqiijiyey Ma daxa ha wlgelinta Gudidda Arrimaha Xaj ka Soomaaliya Md.Yoonis Cismaan Axmed. In ka badan 18 duullimaad ayaa ka soo de gay Garoom ada Diyaaradaha Soomaal iya kuw aas oo siday 2000, laba kun oo xujay Soo maaliyeed ah,iyadoo sida qorshaha yahay maalm aha fooda nagu soo hayo la soo dhamaystiri do ono soo guryo noqoshada xujayda.
Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xuku umm adda Federaalka Soomaaliya Mudane Sh Mukhtaar Roobow ayaa dhowaan amray in si deg deg ah loo soo amba bixiyo Xujayda Soom aaliyeed ee soo gut ay waajibka Acmaasha Xajka kuna soo guryo noqo naya guryahooda.
Qorshe AXMED MADOOBE looga saarayo Jubal and oo lagu dhawaaqay
Waxaa Shalay M/Luuq ee gobolka Gedo lagu qab tay kulan lagu soo dhaweeyey qorshaha gobolka Ge do loogu celinayo ga canta Jubbaland, waxaana kul ankaas ka soo muuqday siyaasiyiin sanadihii lasoo dhaafay si adag u diidanaa xuk unka Ax.Madoobe.
Cismaan Nuur Xaaji Macamuu oo Axmed Madoobe u magaca abay guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee G/Gedo iyo Gu ddoomiyaha degmada Luuq Ca li Kadiye ayaa ka mid ahaa xubni hii ka hadlay kulanka lagu qabtay Luuq.
Siyaasiyiintaan ayaa bulshada degmadaas ku war geliyey inay ku biireen Jubbaland, isla markaana ay la heshiiyeen Axmed Madoobe, waxayna bulshada ka codsadeen inay la qaataan go’aankaan.
Guddoomiyaha degmada Luuq Cali Kadiye oo ka mid ahaa siyaasiyiintii ugu mayalka ad kaa ee gobo lkaas ka hor taagnaa Axmed Madoobe ayaa sheeg ay inay garteen in sida ay ula dagaalameen Axmed Madoobe aysan ahe yn sidii uu ku bixi lahaa.
"Jubbaland sidaan wax u rabnay inay uga socon waayeen waan aragnay, idinkuna waad ogeydeen, Shalay waxaan idinka rabnaa inaad noola taageerta an sidaa Dorraad noo garab taag neydeen bulshoy, waa ogtihiin ninkii ugu dag aalka badnaa aniguu ah aa, Shalay Axmed Ma doobe waa madaxweynehe enna, ila qaata walaalayaal,” ayuu yiri Cali Kediye.
Sidoo kale guddoomiyaha degmada Luuq Cali Kadiye ayaa sheegay in Axmed Madoobe ay doora sho uga saarayaan Jubbaland, balse aan lagu sii jiri karin go’doonkaan siyaasadeed, sida uu sheegay.
"Axmed wuxuu nagu dhaafi karaa anagoo is gara bsana, afar sano ayaan xoog gobolkaan uga heynay Axmed, laakiin waxaan ogaanay in doorasho kaliya uu ku tegi karo, hadda waxaan ogaansanay inaan ra acno Axmed, markii doorashada la gaarana aan dir no isagoo qanacsan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomi yaha degmada Luuq.
Cali Kediye oo sanado badan guddoomiye ka ah degmada Luuq ka mid ahaa xubnihii sida weyn u ta ageersanaa xukunkii Farmaajo iyo in gobolka Gedo laga jaro Jubbaland, taageerada uu koo xdii Farma ajo u haayey ninkaan waxay gaarsiiysay in markii uu taagnaa kiiskii Ikraan Tahliil uu soo jeediyey in carr abka laga jaro Hooyadeed oo aad uga caban jirtay warbaahinta.Siyaasiyiintii kale ee bulshada degmada Luuq la hadashay ayaa sheegay inay Xalay dhalay ka noqde en wixii khilaaf la soo maray, "Reer Kism aayo waa kala adkaa weynay waana is ku ag dhac nay ee inaan mar kale wax isku darsano nala
qaata,” ayuu yiri mid ka mid ah xu bnihii goobtaas ka hadlay.
Nin looga shakiyay Shabaabnimo oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho
Ninkan ayay Habeen hore ciidamada amnigu ka soo qabteen qabteen Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, iyadoona ay baaris ku socoto.
Ciidanka Booliska Qaybta Weliyow Cadde ayaa ninkaasi ka soo qabtay bar kontorool, oo ay ku leeyi hiin agagaarka Isgoyska Albaraka ee degmadaasi.
Taliska Qaybta BooliskaG /Bana adir ayaa qoraal ku sheegay in nink aasi looga shakisan yahay inuu ka tir san yahay mintidiinta Al Shabaab, ka dib markii uu dhowr jeer ku soo noqn oqday bartaasi kontorool.
"Waxaana la marsiin habraaca baaris ee sharcigu jideeyay, hadduu Alle idmo.” Ayaa lagu yiri qoraalka.
Ciidamada ayaa Khamiistii Degmada Howlw ada ag ka soo qabtay nin loo haysto Shabaabnimo, kaas oo ku eedeysan inuu ku lug lahaa dilka nin Sarkaal Booliska ka tirsanaa loogu gaystay Degmada Waa beri. Is bedel dhanka amniga ayaa billihii ugu dambe ys ay laga dareemayay Magaalada Muqdisho.
Wararkii ugu dambeeyay dagaal iyo duqayn ka dhacday Gobolka Hiiraan
Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa gelinkii dambe ee Jimichii ka qarxay inta u dhaxeyso deegaanada Beera-yabaal iyo Jicibow ee Gob olka Hiiraan, ka dib markii xoogaga Macawi isleyda ay ku baxeen goobo la sheegay in maleeshiyada Al Shabaab ay isku uruurs anayeen.
Wararka ayaa sheegaya in markii uu dagaalku xoogeystay ay dib kaga biireen Ciid anka Guutada 5aad Qaybta 27aad ee Xoogga Dalka.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhinacy adu ay dagaalku isku adeegsadeen hubka noo cyadiisa kala duwan, saacado ka dibna ay ciid amadu u suurta gashay in Shabaabka ay hal kaasi ka saaraan.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in saaxiibada caal amiga ay mar dambe dhanka cirka ka gara aceen firxadkii maleeshiyadaasi, laguna bartilm aameedsad ay dhulka hawdka ee Beera-yabaal oo hoostagga Degmada Buulo Burde.
Dadka ku dhaqan dhulka miyiga ayaa laga soo xi gtay in Habeen hore ay maqleen jugta dhowr gan ta al oo is xigxigay. Wax badan lagama oga khasaarah a uu dagaalku gaystay& duqayntii ka dambeysa yba.
Saraakiisha Ciidamada iyo Al Shabaab ayaan we li ka hadlin dagaalka culus iyo duqayn tii xigtay ee ka dhacday gobolkaasi.
Deegaanada Beera-yabaal iyo Jicibow oo dhaca Bariga Gobolka Hiiraan ayaa mintidiinta laga saaray bishii October.
Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlay dhib aata dii Habeen hore ka dhacday Jigjiga
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo saxaafadda la hadlay ayaa tacsi u diray ganacsat ada M/Jigjiga oo Habeen hore hanti badan ku waay ey dab xoog leh oo baabi’iyey suuqii ugu weynaa magaaladaas.
Madaxweynaha ayaa balan qaa day in Soma liland ay reer Jigjiga u gurma doonto inta ay ka rto, isagoo sheegay in Habeen hore intii uu socday dab kaas ay gaarsiiyeen gurmad intii ay awoodeen.
"Aadbaan uga damqanay dabkii qabsaday suuqa Jigjiga, dhamaan suuqaasi waa gubtay, laakiin Alle mahadiis khasaare nafeed maanu sababin,” ayuu yiri Muuse Biixi.
Wuxuu sheegay in gurmadkii Habeen hore mid ka baaxad weyn ay qorsheynaya an inay Jigjiga ga arsiiyaan, "Wixii tabarteena ah la kala hari meyno oo waa la qeybsaneynaa dhibka gaa ray, Habeen hor ena waan gurmanay,” ayuu yiri Madax weynaha Somaliland.
Muuse Biixi ayaa hadalkaan ka jeediyey suuqa weyn ee Waaheen oo ku yaalla magaal ada Hargey sa, kaas oo Shalay uu dhagax-dhigay, kadib markii uu burburiyey dab xoog leh oo ka kacay goor hab een ah.
Sanad iyo seddax bilood ka hor 1-dii bishii Abril ay uu gubtay suuqa Waaheen ee Shalay uu dhagax-dhigay Madaxweynaha Somaliland, markii uu gubtay suuqaasi dadka Soomaaliy eed ayaa meel kasta uga soo gurmaday reer Hargeysa.
Dab lamid ah kii burburiyey suuqa Waaheen ee Hargeysa ayaa Habeen hore ka kacay Jigjiga, wax aana aad u yar gurmadka ilaa hadda gaaray dadkii uu ceyteeyey dabkaasi.
Inkastoo laga rajo qabo in meelo kala du wan uu gurmad uga yimaado hadda kadib, had dana reer Jig jiga waxaa la sheegay in dhanka Somaliland oo kali ya uu gurmad uga yimid, waxaana hadda meelaha qaar ka socda abaabulka gurmad loo fidinayo dadkii ay hantidoodu gubatay.
Muqdisho, Hargeysa, Jigjiga, Islii – Nairobi iyo ma gaalooyinka kale ee Soomaalida ay deg to waxaa in ta badan sidaan oo kale uga dha shay suuqayada dab la xakameyn waayo ilaa uu burburiyo hantida taalla suquqaas.
Inkastoo aan weli la garan sababta rasmi ah ee dabkaan, hadana waxaa loo arkaa in magaalooyin ka Soomaalida ay leeyihiin ganacsiyo cir iiri ah oo aad u camiran, taas oo sababta in gur madku gaari waayo goobaha qaar ee hadba su uqii gubta.
Guddoomiyaha hey’adda Maareynta Mausii booyi nka kulan la yeeshay wafdi ka socday hey’adda Bisha Cas ee Turkiga
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musi iboyin ka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA Md.Maxa muud Macalim Cabdulle ayaa Shalay xarunta dhexe ee SoDMA ku qaabilay Wafdi uu hogaaminaayey Ag aasimaha cusub ee hey’adda Bisha Cas Turkiga ee Soomaaliya Niyazi kalaycı, waxaana kulankan qeyb ka ahaa Agaa simihii hore Hassan celalettin iyo mas ’uuliyiin katirsan Hay’adda Maareynta.
Kulanka ayaa looga hadlay dardargalinta xiri irka iyo wada shaqeynta labada hay’addood, ta babarida sha qalaha ka howgala xaruma ha gur madka deg-degga ah iyo dadka ku nool meel aha dhibaatada ka dhici karto iyo helista qalab ka gurmadka deg-degg ah iyo helista xarumo dhiiga lagu keediyo.
Hey’adda Bisha Cas ee Turkiga ayaa sidoo kale hey’adda SoDMA ka caawisa in deegana da khawaarjta laga saaray la gaarsiiyo gargaar, iyo in mashaariicyo dadka iyo dalka muhiim u ah laga fuli yo deegaanadaas iyo guud ahaan dalkam
Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musii boyin ka Qaranka Maxamuud Macalim ayaa soo dhawee yey Agaasimaha cusub, isaga oo u raje eyey in uu dardargalin doono howlaha bin’aad amnimo ee dalka ay ka wadaan, dhanka kale Guddoomiye Maxamuud ayaa Agaasimihii hore Hassan celalettin uga mahad celiyey wada sha qeyntii wanaagsaneed ee dhex martay inta uu xilka hayey, isaga oo u rajeeyey meelo kale oo wanaagsan.
Safiirka Soomaaliya ee dowladda Itoobiya oo madaxda hey’adda Geneva Call kala hadl ay ciribtirka kooxaha argagixisada
Safiirka safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Md. Cabdullaahi War faa ay aa xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socotay hay’adda aan dawliga ahayn ee Geneva Call oo kala ah Mr Cumar Axmed iyo Mr Alexandre Munafo, wax ayna hay’addu ka shaqaysaa arrimaha Beni aadan tinimada, dhex-dhexaad inta, dib u heshiisiinta iyo badbaadinta dadka rayidka ah, waxaana Safiir Waf aa uu dhankiisa la wadaagay masuulintan sida ay Dowladda So omaaliya uga go’antahay soo afjaridda koox aha argagixisada iyo horumarinta dhaqaalaha iyo siyaasada Soomaaliya.
Madaxda hay’adda Geneva Call ayaa dhank ooda ballan qaaday inay Dawladda Soomaa liya kala sha qaynayaan horumarinta arrim aha bini’aadan tinim ada, dhex-dhexaadinta, dib u heshiisiinta iyo badbaa dinta dadka rayidka ah.
Axmed Madoobe oo soo saaray Baaq ku socda shacabka Soomaaliyeed
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Juba land Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa tacsi u diray Dowlada iyo Shacabka de egaanka Soo maalida musiibadii Habeen hore ka dhal atay dabka ka kacay suuqa weyn ee M/Jigjiga.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Maamulka iyo Shacabka ree Jubaland ay garab taagan yih iin wala alahooda dhibku gaaray wakhtigan ad ag , sagoo xu say in si gaar ah ay Jubaland ay dhibka ula qaybsa nayaan ganacsatada iyo mur uqmaalka ku hanti beelay masiibadan.
"Waxaan Madaxweynaha, Xukuumada iyo Shac abka deegaanka Soomaalida la qa ybs anaynaa murugada dabkii Hab een hore baabi’yay suu qii waynaa ee ganacsiga ee magaaladda Jig jiga. Waxaan si gaar ah dhibka gaa ray ula qayb sanaynaa ganacsata da iyo muruqmaalka ku ha nti beelay musiibadan” ayuu yiri Madaxwe ynahu.
Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa ugu ba aqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay garab ista agan dadka hantidooda ku wayay ma shaqadan isla markana loo baahan yahay in gurmad walaalnimo loo fidiyo.
In ka badan 1,500 Arday oo Shalay Baledwe yne u fariisatay Imtixaanka Fasalka 12-aad ee sanad dugsiyeedka 2022/2023
Waxaa Shalay oo Sabti ah Imtixaanka Fas alka 12-aad ee dugsiga sare oo ay sanad wal ba qaado DS u fariistay ard yada ku nool M/ Baledweyne oo uu hor ay kaga baaqday Imtixaanka, kadib Fataha adii uu dhawaan ka sameeyay wabi ga Shabeelle gudaha M/ Baledweyne ee xarunta go bolka Hiiraan.
Ardayda Shalay u fariisatay Imtixa anka Shahaadiga dugsiyada sare ee ku yaala M/Baledweyne ayaa tiradoo da lagu sheegay 1,535 arday oo wax ka barata dug siyada sare ee ku yaala Baledweyne.
Imtixaanka Shalay bilaawday ayaa ardayda wax ay ku galayaan ilaa 7 xarumood oo ku kala yaala xa afadaha M/Baledweyne, wax aana am aanka goobahaasi sugaya ciidamada DFS
"Waxaan ogeysiineynaa ardayda M/Bal edw eyne ee imtixaankoodi uu u baaqday fata haad dii uu sa meeyey webiga shabeelle in ay galaya an Imtixaan ka 8-da Luulyo 2023. Waxaan rajey neynaa in aad la shaqeysaan kor meeraya asha, saraakiisha iyo ilaali yeyaasha imtixaan ka, una hoggaan sanaataan shu ruucda loo daji yey" ayaa lagu yiri qoraal kasoo bax ay Wasaar adda Waxba rashada Hidaha iyo Tacliin ta sarre ee Soomaaliya.
Si kastaba Imtixaanka sanad dugsiyeedka 2022/ 2023 ayay dowladdu qaaday 27-kii bishii May ee sa nadkaan 2023, kaasoo ay u fariis teen arday tiradoo du gaareysay 33,700, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Waxbarashada XFS, wa xaana xiligaas imtixaanko oda dib loo dhigay ardayda Baledweyne oo ka bara kacay fataah adii ku dhufatay Baledweyne 9-kii bishii May ee sanadkaan, kuwaas oo ugu dambeyn Shalay u fariistay imtixaankooda.
Madaafiic lagu garaacay M/Laascaanood oo dhimasho iyo dhaawac gaystay
Sida ay wararku sheegyaan madaafiic kusoo dha cay qaybo kamid ah magaalada Laasca anood ayaa sababay dhimasho iyo dhaaw ac, sidookale dagaal ayaa dhex maray ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka.
Sida BBC Somali sheegtay tiro dad ah ayaa ku dhintay tirro kalena way ku dhaawa cmeen kadib markii madaafiic ay soo tuureen ciidam ada Somaliland ay ku dhaceen qaybo kamid ah magaalada.
Mid kamida madaafiicda ayaa ku dhacay go ob maqaaxi ahayd oo ay dad ku sugnaayeen, sidoo kale qaybta shaybaadhka ee isbitaalka wayn ee mag aalada ayaa lagusoo warramayaa in madaafiicdu ay waxyeelleeyeen kaddib mar kii mid kamida uu ku dhacay, sida BBC markale sheegtay.
Sidookale, wararka ayaa sheegaya in dag aal uu ka dhacay duleedka magaalada Laasc aanood, daga alkaas oo laysku isticmaalay madaafiicda culus.
Dhincyada ayaa dhawaanahan ku jiray hub iyo cii dan urursi, waxaana markasta la filan kar aa in uu dagaal wayni qarxo.
Dibad bax ka dhacay Magaalada Nairobi & Mucaaradka oo Hanjaby
Booliska dalka Kenya ayaa sunta dadka ka ilme ysiisa u adeegsaday si ay u kala eryaan dad u dhaq dhaqaaqa xuquuqul insaanka oo ku baaqaya in la sii daayo tobaneeyo qof oo lagu xiray dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda oo dhacay Jimcihii Dorraad. Muuqaal la soo duubay ayaa muujinaya qii qa sunta dadka ka ilmeysiisa ah oo laga ark ayay gudaha saldhigga dhexe ee bo oliska ee M/Nairobi. Dibad baxayaa sha Shalay wa xaa ka mid ahaa guddoomiyihii hore ee maxkamad da sare Willy Mutunga. Hoggaamiya ha mucaa radka Raila Odinga ayaa ku baaqay dibad bax yada Jimcaha oo lo oga soo horjeedo kororka canshuurta shidaalka iyo qiimaha maciishada. Ugu yaraan hal qof ayaa lagu soo waramay aa in uu ku dhintay markii booliska ay ka jawaa been mudaahar aadyadii ka dhacay Nairobi, Mo mbasa iyo Kisumu waxana la xiray dad gaa raya Illaa 28qof .
Iiraan oo xukun Daldalaad ku fulisay Rag geystay Weerar ay Dad ku dhinteen
Warbaahinta Dowladda Iran ayaa waxa ay Shal ay oo sabti ah sheegtay in xukun Daldalaad ah lagu fuliyey 2 Nin oo ku eedeysan inay maalgeliyeen wee rar lagu dilay 13 qof oo ka dhacay Macbadka lagu cibaadaysto ee Shah Cheragh oo ku taalla magaal ada Shiraz ee Koonfurta dalkaasi bishii October ee sanadkii hore ee 2022-kii.
Labada Eedeysane ayaa waxaa Shalayto lagu daldalay isla Magaal adii ay dadka ku laayeen.
Hay’adda Garsooorka dalkaasi ayaa waxa ay 2da Eedeysane ku soo oogtay Taage erida Fasahaadinta Dhulka , weerar hubeysaniyo Falal lid ku ah Amniga Qaranka. 2da Eedeysane ayaa waxaa lagu sheegay inay si toos ah ugu lug lah aayeen Hubeynta, Hagidaiyo Loojistikada Dembii lihii madaxda u ah Kooxihii geystay Weerarkaasi.
Kooxda Daacish ayaa horey u sheegatay mas’uu liyada Weerarkaasi oo dhacay bishii October 26-dii ee sanadkii hore ee 2022-kii.
Madaxweynaha Ukraine oo tagay Turkiga, halka Putin uu dhowaan booqanayo Turkiga
Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa qorsheynaya in safar naadir ah uu ku tago dal ka Turkiga bisha soo socota, sida uu shaaca ka qa aday madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.
Mr Erdogan ayaa hadalkan ku sheegay shir jar aa’id oo uu ku qabtay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, kaddib wadahadal uu kula yee shay mada xweynaha Ukraine Volodymyr Zelen skyy. Madax weynaha Turkiga ma uusan shaacin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan waq tiga booqashada Putin, laakiin wuxuu sheegay suurtagalnimada heshi iska maxaabiis is-dha afsiga ee Ruushka iyo Ukraine ay ka mid yihiin arrimaha laga wada hadli doono.
"Waxaan rajeynayaa inaan dhawaan natiijo ka heli doono arrintan,” ayuu Mr Erdogan u sheeg ay suxu fiyiinta saacadihii hore ee Sabtida.
Putin iyo Mr Erdogan ayaa hore wadahadal ugu yeeshay dalka Kazakhstan bishii Oktoobar ee sannadkii hore.
Madaxweynaha Ukraine Zelens kyy waxa uu sheegay in uu sugi do ono natiijada ka soo baxda heshiis kasta oo maxaabiis isdhaafsi ah ka hor inta aanu faallo ka bixin, laakiin waxa uu intaa ku da ray: "Waxa aanu ka shaqayn aynaa soo celinta maxaabiisteena, maxaabiista siyaa sadeed.”
Madaxweynaha Ruushka ayaan booqanin dalalka NATO tan iyo markii uu billaabay duula anka uu ku qaaday Ukraine bishii Febraayo 2022.
Balse waxuu booqashooyin gaaban oo ku tagay Iran bishii Luulyo ee la soo dhaafay iyo dalka ay saa xiibka dhow yihiin Belarus bishii December.
Dalalka reer-galbeedka ayaa cunaqabateyn saa ray dalka Ruushka, halka maxkamada caa lamiga ah ee dambiyada (ICC) ay soo saartay warqad lagu soo xirayo Putin oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal ee ah in Ruushka uu si sharci darro ah u tarxiilay caruur u dhalatay Ukraine intii uu socday dagaalka.
Laakiin inkasta oo ay jiraan xiisado, iyo xub inni mada Turkiga ee NATO, Mr Erdogan wuxuu ku dada alay inuu sii wado xiriirka labada dal ee Ukraine iyo Ruushka inta lagu jiro khilaafka.
Turkiga kuma biirin cunaqabataynta dhaqaa le ee reer galbeedka, balse waxa uu hub siiyay Ukrain waxa uuna diiday isku daygii Ruushka uu ku doonay ay in uu ku qabsado dhulkiisa. ICC-da ma lahan ci idamo booliis ah oo u ga ar ah, khubarada ayaa ho os u dhigay rajada la ga qabi lahaa in Putin la xiro mar dhow.
Mr Erdogan waxa uu aad u danaynayay in uu sii wado dhex-dhexaadinta labada dal, isaga oo ku guul eystay heshiis sannadkii hore lagu oggolaaday in si nabad leh haruurka looga dho ofiyo dakadaha Ukr aine, kaddibna la soo sii mariyo badda madow.
Nuqulka heshiiska ayaa ku eg 17-ka July, balse hoggaamiyaha Turkiga ayaa sheegay in ay socdaan dadaallo lagu kordhinayo heshiis ka. Madaxweyne Erdogan ayaa intii uu socday shirka jaraa’id waxa uu sidoo kale taageeray in Ukraine ay ku biirto NATO marka uu dagaalku dhammaado, wuxuuna sheegay inuu sii wadi doono dadaallada uu ku doonayo in wa da xaa joodka lagu dhammeeynayo colaadda.
Booqashada Putin ee Turkiga ma aysan xaqiijin Kremlin-ka.
Xog ku saabsan waxa uu Soomaaliya ka doonay madaxa sirdoonka Kenya
Nuradiin iyo Mahad XIGASHADA
Madaxa hay'adda sirdoonka Kenya ee NIS, Nuu radiin Xaaji, ayaa khamiistii la soo dhaafay socdaal ku tagay M/Muqdisho ee caasimada Soomaaliya isa ga oo kulan la qaatay mad axweynaha iyo Ra'iisulwa saaraha Soomaa liya iyo sidoo kale dhigiisa Sooma aliya Mahad Max amed Salaad. Kulankaas waxaa diiradda lagu saa ray arrimo ay kamid ahaayeen iska ashiga xog is dhaafsiga labada sirdoon ee ku aadan ururka al-Sha baab iyo khataraha kale ee amni.
Nin ka ay xogtiisa wadaageen sirdoonka Kenya iyo Soomaaliya
Sida aan ka soo xiganay saraakiil ka tirsan sird oonka Soomaaliya, muwaadin u dhashay waddanka Kenya, oo udub dhexaad u ahaa saanad iyo qalab helista ururuka al-Shabaab ayay gacanta ku dhigeen sirdoonka Kenya. Ninkaan ayaa sirdoonka Soomaal iya xogtiisa u gudbiyeen sirdoonka Kenya ka dib markii tekadda M/Muqdisho lagu qabtay konteenar qa lab ciidan siday bishii May ee sanadkaan, kaas oo sida naloo xaqiijiyay uu masuul ka ahaa ninkaan u dhashay Kenya. Sirdoonka ayaa xilligaas sheegay in ay baari taan gooni ah oo ay sameeyeen ku heleen xogta qal abka ku jiray konteenarka.
Ninkaan oo aan magaciisa naloo xaqiijin ayaa la sheegay in lagu qabtay M/Mombasa ee waddanka Kenya. Sida lagu heshiiyay waxaa lagu maxkamada yn doonaa gudaha Kenya.
Dhanka kale sirdoonka Soomaaliya ayaa baarita an ku wada shaqsiyaad kale oo loo maleynayo inay ku lugleeyihiin alaabaha dibadda looga soo dhoofiyo ururka al-Shabaab.
Maxaa kale oo laga wada hadlay?
Iskaashi dhanka amniga ah, gaar ahaan dagaal ka cusub ee lagula jiro al-Shabaab ayaa sidoo kale kamid ah waxyaabaha ay wadahadalka ka yeesheen labad masuul.
Is dhaafsiga xogta iyo sidoo kale ka warha ynta dadka isaga talaabaya xuduudaha labada
waddan ee isku furan ayay sidoo kale diiradda saa reen. Ciidamada Kenya ee aan qaybta ka ahayn hawlgalka midowga Afrika ayaa horay dawlad aha Soomaaliya iyo Kenya ugu heshiiyeen in ay qayb ka noqdaan wajiga labaad ee hawlgal ka deegano bad an looga xorayn doono al-Shabaab.
Waa kuma Nuuradiin Xaaji
Nuuradiin wuxuu 3 July 1973 ku dhashay M/ Mal indi ee ka tirsan gobolka Xe ebta, Kenya. Waxaa uu Iskuulka hoose dhexe ka soo dhigtay meelo kala duwan ma addaama uu aabbihii shaqaale dowladeed ahaa oo marba meel loo baddalayay , sida Gar issa, Nakuru, Nyanharuru, N yeri, Eldo ret iyo Mombasa oo Kenya ka wada tirsan.
Wuxuu Nuuradiin shahaadada sare ka heystaa si yaasadda ammaanka qaranka, oo uu ka soo bartay Jaamacad ku taalla dalka Aus tralia.
Hooyadiis waxay ahayd macallimad. Waxaa uu aad u ammaanay waaliddiintiisa oo uu shee gay in heerka uu gaaray ay gacan wayn ka geysteen.
Waxaa uu shaqadiisa ku billaabay in xafiiska xeer ilaaliyaha guud uu qareen ka noqdo.
Waxaa uu sidoo kale xubin ka ahaa laanta sird oonka qaranka oo uu u qaabilsanaa dhanka shar ciga.
Waxaa uu sidoo kale mar ahaa agaasime ku xig eenka laanta la dagaallanka dambiyada abaabulan, waxaa uuna xilligaas shaqadiisa ka mid ahaa in uu talo siiyo agaasimaha sirdoonka qaranka Kenya, gaar ahaan dhanka sharciga la dagaallanka dambiya da abaabulan.
Waxaa uu hadda haya xilka xafiiska dacwad oog aha guud ee Kenya. Nuuradiin, kahor inta aan xil kan loo magac aabin wuxuu ahaa dacwad oogaha guud ee Kenya, isagoo intii uu xilkan hayay dacwado ku oogay siyaasiyiin caan ah oo qaarkood ay haya
an xilal sare oo lagu eedeeyay musuqmaasuq.
Wuxuu sidoo kale Nuuradiin soo noqday ag aas ime ku xigeenka waaxda ka hortagga demb iyada abaabulan, isagoo isla waaxdan NIS ka shaqeyna yay markaas. XIGASHO:BBC
WAA MAXAY XASAASIYADDA BIYAHA LAGA QAADO? MAXAASE LAGU
GARTAA?
XIGASHADA SAWIRKA,PERSONAL ARCHIVEQoraalka sawirka,
Flavia ma aysan waligeed maqal qof xasaasiyad ku qaba biyaha iyada ka hore
Toban sano ka hor, xilligaas oo ay jirtay 14 sano ayey Flavia Leonel Santana isku aragtay jir cuncun iyo waxyaabo kasoo daadanaya maqaarka jirkeeda mar waliba oo ay qubeysato.
Iyada oo aaminsan in ay xasaasiyad ku qabto saabuunta ama shaambada ay isticmaasho ayey baddeshay dhamma an noocyada ay ka isticmaaleysay si ay usoo afjarto dhibaat adan.
Balse waxba iskama baddelin. Finanka iyo baraha guduudan ee maqaarke eda kasoo daadanaya ayaa sii socday in ay kasoo baxaan jirkeeda mar waliba oo ay isku daydo in ay nadaafaddeeda ku dadaasho.
"Xitaa waxaan ku qubeystay biyo oo kaliya balse xasaasiyaddu way sii soc otay,” ayey dib u xasuusatay Flavia.
Iyada oo xaaladdan dhibsanaysa ayey gabadhan da’da yar billowday in ay bal haddana u jeedsato dhanka hannaankeeda cunto, iyada oo u maleynaysa in ay xasaasiyadda ku qabto qaar ka mid ah cunnooyinka ay isticmaasho. Balse maalin uu roob da’ayey ayey shakiday in xasaasiyaddu wax kale tahay.
Iyada oo aan waligeedba maqal in biyaha xasaasiyad laga qaadi karo ayey ga badhan saameynta ku leh dhanka teknoolajiyadda go’aansatay in ay internet-ka ka billowdo baaritaan ku aaddan arrinkan. Waxay heshay dad sheegaya in ay la kumeen astaamo la mid ah kuweeda mar waliba oo ay biyo is taabsiiyaan. Si ay u hubiso waxay u tagtay dhaqtarka maqaarka.
"Xitaa ma garaneyn in xasaasiyadda noocaan ah ay jirto, markii aan dhakhta rka u tagay waxaan u sheegay shakiga aan qabo, kadib markii la baaray xasaasi yadda waxaa ii soo baxday in aan qabo cuncun, waxay ahayd wax lala yaabo, sa babtoo ah ilaa waqtigaas weligey maan arag xasaasiyadda biyaha laga qaado mana jiro qof qoyskayga ka tirsan oo qaba cudurkan,” ayey sharraxday.
Dawooyinka lagula tacaalo xasaasiyaddu xal ma keenaan
Flávia waxay sheegtay inay caadi ahaan cabto biyaha oo aanay wax dhib ah ka la kulmin. Si kastaba ha noqotee, waqtiyada kale ee maalinta, xasaasiyaddu way iskasoo baxdaa.
"Markaan ooyo ama aan ku dhidido qolka jimicsiga, meelaha jidhkayga ka mid ah ee qoyan waxay isu beddelaan casaan oo ay ka buuxaan finan yaryar, ta as oo ay sii dheer tahay inay yihiin kuwo aad ii cuncuna oo hoolma," ayey tiri Flavia. Sida ay sheegtay gabadha da’da yar, meelaha ugu daran waa dhabarka, laabta iyo madaxa.
Si loo daweeyo dhibaatadan, Flávia waxa ay sheegtay in ay isku dayday dha wr dawo oo ka hortag ah oo ay dhakhaatiirtu kula taliyeen, laakiin midkoodna ma shaqayn.
Marka waxaad ku qasbanaanaysaa in aad la qabsato xasaasiyadda aadna ka fogaato biyaha iyo meelaha qoyan. "Waan iska ilaaliyaa in aan tago barkadda, sababtoo ah biyaha soo gaaraya jirka mudada dheer ayaa ugasii dara xaaladda oo xitaa keena nabarro maqaarka kasoo baxa. si dhaqso ah ayaanu dhaqaa, ilaa 10 daqiiqo, mar walbana si fiican ayaan isu engejiyaa. Xasaasiyaddu way kasoo raysaa wayna ka dhammaataa jirkayga muddo qiyaastii 30 daqiiqo ah kadib,” ayey tiri.
Marka laga reebo taxaddarradan, Flavia ayaa sheegtay in ay ku nooshahay nolol loo arko mid caadi ah. Waxay qabataa dhaqdhaqaaqyo jireed oo xoog leh sida jimicsiga iyo in ay asxaabteeda la ciyaarto.
"Waxaan had iyo jeer isku dayaa inaan qalajiyo dhididka si aan uga fogaado cuncunka, laakiin ma oggolaaado in xasaasiyaddu ay i xaddiddo," ayay tiri.
Sidoo kale sida laga soo xigtay Flávia, dhaqaatiirtu waxay sheegeen in xasaa siyadda biyuhu, sida ay lama filaanka ugu soo baxday oo kale, ay iska baabi'i karto mustaqbalka.
"Maaddaama ay tani tahay xasaasiyad soo baxday intii aan noolaa oo aanan weligey isku arkin tan iyo yaraanteydii, dhaqaatiirtu waxay ii sheegeen inay sidoo kale iska baabi'i karto xilli ka mid ah noloshayda. Laakiin taasi, waxaan ogaan do onaa oo kaliya waqtiga. Ma jiro qof qoyskayga ka mid ah oo qaba, waxayna ah ayd wax gabi ahaanba nagu cusub dhammaanteen," ayay raacisay.
Flavia
XIGASHADA SAWIRKA,PERSONAL ARCHIVE
Qoraalka sawirka, Xaaladaha qaar waxaa laga yaabaa in xasaasiyadani qofka ku keento neef qabatow iyo jal xumo
Maxay tahay xasaasiyadda biyaha?
Xasaasiyadda biyaha waa kaliya falcelin maqaarku ka same eyo biyaha, haddey qabow ama kuleyl yihiin, kuwa macaan iyo dhanaanba.
Si la mid ah xasaasiyadaha kale waxay sababaysaa in jir ku yeesho goobo casaan ah, barar iyo cuncun daran iyo in ay nabarro kasoo baxaan jirka – kuwaas oo la mid ah sida qaniinyada quraan jada oo kale. Calaamadahan waxay badanaa baaba’an 30 ilaa 60 daqiiqo ka dib marka jirku engago.
Waxa keenaya cuncunka iyo nabarrada ayaa ah in jirka qofku u arkayo biya ha maaddo qalaad, kadibna nidaamka difaaca ayaa soo saaraya unugyada la dagaalama maaddooyinka shisheeye ee jirku u arko cadow si uu isu ilaaliyo.
Unugyada maqaarku waxay markaas soo daayaan kiimikooyin keena in xidi ddada dhiiggu ay kala fidaan, taasoo keenta casaan, cuncun iyo maqaarka oo barara. Waxaa xasaasiyaddan loo yaqaan dhanka caafimaadka "Aquagenic urti karia”.
"Aquagenic urtikaria waa xasaasiyad naadir ah, taas oo ah sababta xogta iyo daraasadaha lagu sameeyay ay u yar yihiin. Xasaasiyaddan ayaa ku badan ha weenka, iyada oo badanaa soo ifbaxda xilliga qaan qaarka ama ka dambe, saba btuna waxay tahay habka difaaca oo asna qaan gaaraya, si kastaba ha ahaatee, weli ma jirto gunaanad ku aaddan sharaxaadda ku saabsan sababta ay u saam ayso in badan oo ka mid ah dadweynahan," ayay sharraxday Gabriela Andrade Coelho Dias, oo xubin ka ah waaxda sayniska ee cudurka urtikaria ee ASBAI (Ururka Brazil ee xasaasiyadda iyo difaaca). Xaaladaha sii daran ee nooc ka mid ah xasaasiyadda ayaa sidoo kale keeni karta calaamado ay ka mid yihiin neefta oo ku yaraata qofka iyo jalka oo yaraada. "Waa in aan eegno in nabarrad ani ay u sii socdaan bararka dibnaha iyo cuna ha, taas oo muujin karta xaalad aad u halis ah, bukaankuna waa inuu si degdeg ah ula tashadaa dhaqaatiirta", ayuu ka digay Reinaldo Tovo, Isuduwaha Xarunta Maqaarka ee Isbitaalka Sírio-Libanês.
Biyo koob lagu shubayoQoraalka sawirka,Ogaanshaha cudurka waxaa sam eeya dhakht arka maqaarkaBaaritaanka iyo daweyn ta xasaasi yaddan Ogaanshaha cudurka waxaa sameeya dhakht arka ma qaarka iyadoo loo marayo baaritaanno caafimaad iyo tijaaboo yin, kuwaas oo uu ugu caansan yahay baaritaanka biyaha.
Inta lagu jiro baaritaankan, waxaa bukaanka laabta laga saa raya maro lagu qooyay biyo heerkulkoodu yahay 35-37°C ama cusbo ayaa la saarayaa laabta bukaanka. Cadaadiska laabta la saaray ayaa laga qaadaa qofka qiyaastii 30 daqiiqo ka dib. Haddii bukaanku ka sheegto cuncun ama ay soo muuqdaan astaamo, baaritaanka waxaa loo arkaa mid wanaagsan.
Sida laga soo xigtay dhakhaatiirta takhasuska leh ee ay BBC-du maqashay, cudurku ma'aha mid la daweyn karo, daawaynta kaliya ee cudurka urtikaria aqu agenic waxay ka kooban tahay isticmaalka dawooyinka xasaasiyadda lidka ku ah ama ‘corticosteroids’. Laakin, sida Flavia oo kale waxaa laga yaabaa in daawadu aysan wax saameyn ah yeelan. Way ku kala duwan yihiin bukaannadu.
"Maaddaama aysan suurtagal ahayn in la iska ilaaliyo taabashada biyaha, da wooyinka antihistamine ee la tacaalidda xasaasiyadda, ayaa badanaa loo qoraa bukaanka. Markaa, bukaanku waxa uu si joogto ah u qaataa lidka-xasaas iyad da, si uu isugu dayo in uu iska ilaaliyo kacdoonkale”, ayay tiri Beni Grinblat, dha khtarka maqaarka ee isbitaalka Albert Einstein.XIGASHO:BBC
HALKA AY SOOMAALIYA KAGA JIRTO SHAN TA DAL EE DADKOODKU
MUSLIMIINTA U BADAN YIHIIN
Soomaaliya ayaa ka mid ah liiska XIGASHADA Wadamada ay ku nool yihiin Muslimiinta ugu badan ayaa la shaaciyay iyadoo lagu saleynayo inta boqolkiiba ay ka yihiin muslimiinta ku nool dalkaas.
Sida laga soo xigtay World Index, wada mada sida Mauritania, Soomaaliya,Tunisia, Afganistan, Iran, Turkiga, Yemen, Alje eriya iyo Marooko ayaa ah ku dhawaad 100% Muslimiin. Wadamada ay ku nool yihiin Mu slimiinta ugu yar ayaa waxaa ka mid ah Tal yaaniga, Canada, Australia, Mareykanka, Brazil,Kuuriyada Waqooyi, iyo Vatican City.
Waxaan marka hore ku bilaabeynaa waddamada ay ku nool yihiin Muslimiinta ugu badan marka loo eego boqolkiiba boqoleey amaba ka sarreeya boqolkiiba sa gaashan.
1: Mauritania 100% Calanka Mauritania
Waa dalka keliya ee boqolkiiba boqol dadkiisu yihiin Muslimiin. Waxa uu ku yaalla qaaradda Afrika. Maurit ania waa dalka 11-aad ee ugu weyn qaaradda Afrika, marka adduunka la eegana waa dalka 28-aad ee ugu weyn adduunka.
2: Soomaaliya 99.8%.
Soomaaliya ayaa kaalinta labaad ku jirta. 110/ 99.8 ay aa dadkeedu yihiin Muslimiin sida laga soo xig tay World Index. Soomaalida qaar ayaa aaminsan in Soomaaliya dadkeeda yihiin 100&
3: Tuniisiya – 99.8%
Dalkan oo ku yaalla qaaradda Afrika ayaa soo galay kaalinta saddexaad waxaa na ku nool Muslimiin gaaraya boqolkiiba sagaashan iyo sagaal dhibic sideedd eed. 4: Afghanistan – 99.6%.
Waxaa isna ku yaalla qaaradda Aasiya waxa uuna galay kaalinta afaraad. Boqo lkiiba sagaashan iyo sagaal dhibic lix ayaa Muslimiin ka ah dadka ku nool.
5: Iran – 99.4%.
Waxa uu ku yaalla bariga dhexe. Musliminta ku nool ayaana ah 100/99 dhibiclix inkastoo ay u badan yihiin firqada Shiyacada.
Waddamada kale ee ku jira liiska dalalka ka korreeya boqolkiiba sagaashan ayaa kala ah:
Turkiga – (99.2%) Boqolikiiba sagaashan iyo sagaal dhibic labo dadkiisu waa Muslimiin.Yemen – 99.1% Dadka ku nool ayaa boqolkiiba sagaashan iyo sagaal dhibic hal ah.
Algeria – 99%, Morocco – 99%,Maldives – 98.4% Niger – 98.3%. Palestine – 97.5%, .Jordan – 97.2% ,Saudi Arabia – 97.1%, Sudan – 97%,
Libya – 97%, Azerbaijan – 96.9%, Tajikistan – 96.7%, Pakistan – 96.5%, Uzbeki stan – 96.5% Iraq – 95.7%. Syria – 93%, Egypt – 92.3%, Bangladesh – 90.4%, Marka laga soo tago dalal ka ay Muslimiintooda ka sarreeyaan boqol kiiba sagaa shan ayaa waxaa jira dalal kale oo dhexda ku jira oo boqolkiiba soddon ka sarre eya waxaana ka mid ah:
Indonesia – 87.2%. Dalkan oo ku yaalla qaara dda Aasiya ayaa la sheegaa in marka tira ahaan la eego ay Muslimiinta ugu badan ku nool yihiin balse marka ay noqoto boqolkiiba boqol ayaa waxa uu soo galay kaalinta saddexaad.
Kyrgyzstan – 80%, Qadar – 77%, Isutagga Imaar aadka Carabta – 76%, Kuwait – 74%.,azakhstan – 70%, Malaysia – 61%, Albania – 58%, Lubnaan – 57%, Tan zania – 35%. Dalalkan hoos ku xusan ayaa waxay ka mid yihiin dalalka ay ku no ol yihiin Musli miinta ugu yar marka lagu saleynayo boqoleeyda.
Israa'iil – 18%, Singapore – 14%, Hindiya – 14% Ruushka–13%, Faransiiska – 8.8%, Ingiriiska- 6.3%. Jarmalka– 5.7%, Giriigga– 5.7%,Talya aniga – 4.8%, Canada – 3.2%, Australia – 2.6%, Mareykan ka – 1.1%, Brazil – 0.36%, Kuuri
yada Waqooyi – 0.01%. Vatican City – 0%.
XIGASHO:-BBC
HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 9-9-KA LUULYO 2023-KA
..