HALKAAL KA AKHRISO WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH KHAMIIS 6-DALUULYO 2023-KA

0
Thursday July 06, 2023 - 08:09:00 in Wararka by
  • Visits: 458
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAL KA AKHRISO WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH KHAMIIS 6-DALUULYO 2023-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Wasiirka arrimaha dibadda dowladda FS oo ka qeybgalay shirka ururka NAM

Wasiirka arrimaha dibadda dowladda FS Md.Abshir Cumar Jaamac ayaa Magaa lada Baku ee caasimadda dalka Azerbaijan kaga qa ybgalay shirka ururka wadamada dhex dhexaadka ah (Non-Aligned Movem ent) oo ay ka qaybgalayaan wasiirrada arrimaha dibedda ee dalalka xubnaha ka ah ururka (NAM).

Shirkan oo ah shirw eynihii 18-aad ee ur urka waxaa lagaga had lay caqabadaha kala duwan ee ay wajahayaan xubnaha ururka, caq abadahan oo ay ka mid yihiin, dagaalada kala duwan ee ka socda gudaha iyo xuduudaha qa ar ka mid ah xubnaha ururka, isbeddelka cimi lada iyo saamaynta ay ku leedahay deegaanka, noolaha iyo xaaladda dhaqaalaha iyo cunno ya rida caalamka iyo siday u saamaysay xubnaha ururka.

Sidoo kale waxaa looga hadlay xal u helidda khilaaafyada dhuleed, badeed iyo siyaasadeed ee ka dhexeeya xubnaha ururka gudahooda iyo urur goboleedyada ururkan hoos taga, qaddi yadda Falastiin iyo dhacdooyinkii iyo weeraradii ugu dammeeyey ee Israel ka geysatey gudaha Falastiin iyo xaaladda dagaalka dalka Suudaan iyo arrimo kale oo badan oo khuseeya xubnaha ururka.

Ururkan oo lagu asaasay magaalada Belg rade ee dalka Serbia sanadkii 1961 ayaa dal keennu xubin ka ahaa tan iyo xilligaas.

NAM ayaa ah ururka ugu ballaaran adduu nka marka laga reebo Jamciyadda quruumaha ka dhexeysa (United Nations) waxaana ku mi daysan oo xubno ka ah 120 dal oo aan siy aasad ahaan si toos ah u raacsanayn awoo daha waaweyn ee caalamka.

Wasiirka Arrimaha gudaha oo furay kulan muhiim ah

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS mudane, Axmed Macal lim Fiqi ayaa Shalay shir guddoom iyay Kulan Wadareedka Farsamo ee dhaqangelinta hesh iiska Golaha Wadata shiga ee Hannaanka Doorashooyinka Qaran.

Kulankan ay goobjoog ka ahaayeen farsamoyaqaanno ka socday Wasaar adaha Arri maha Gudaha iyo Dastuurka, xa fiisyada madaxweynaha iyo ra’isul wasa araha iyo howlwadeennada shaq ada sii wada ee katirsan guddiyada doorashooy inka iyo xuduudaha ayaa xoogga lagu sa aray sidii loo heli qorshe shaqo oo dham eystiran oo la xiriira doorashooyinka.

Ugu horreyn Wasiirka Arrimaha Guda ha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Md.Axmed Macallim Fiqi ayaa howlwade enna kala duwan ee matalayay xafiisyada kala duwan uga wara may ahmiyadda in la helo qorshe dhamey stiran iyo kaallimo kala cad oo la xiriira doora shada taas oo lagu shaqeynayo muddada soo socota.

"Waa in xafiisyadan kala duwan ay isla deji yaan roadmap lagu shaqeeyo, oo cid walba ku qanci karto iyada oo la tixgeli nayo heshiiska doorashada ee ay gaareen madashada wadat ashiga qaran” ayaa ka mid ahaa hadaljeedinta Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Axmed Macallim Fiqi.

Inta uu kulankan socday waxaa sooje edinno kala duwan soo bandhigay xafiis yada iyada oo laga dooday shuruuc badan oo wax kabadal u baahan, waxaa la iska soo qaaday arrimaha sharciga, wacyige linta, la falgalka saamileyda iyo qeybaha kale ee jileyaasha siyaasadda iyo bulsh ada.

Wareysi: Saabeey oo bixiyey xog yaab leh iyo ‘dagaal lagu qaaday’ isaga iyo Cali Jeyte

Agaasimihii hore ee canshuuraha beriga ee wasaaradda maaliyadda Soomaaliya Muxudiin Xasan Saabeey ayaa ka hadlay eedeynta musuq maasuq ee loo heysto, isagoo shaaciyey halka uu joogo.

Muxudiin ayaa sheegay in u jeedo siyaasadeed oo salka ku heysa dagaalka ay la galeen Al-Shabaab lagu beegsaday isaga iyo guddoomiyihii gobolka Hiiraan Cali Jeyte.

"Ujeedada beegsigeyga waa hankayga Hirshabeelle oo laga cabsi qabo, aniga iyo Cali Jeyte isku u jeedo weeye duulaanka nala ku qa aday, waa in aan argagixisada lala dagaal am in,” ayuu yiri Muxudiin Saabeey oo warey sigaan siiyey Weriye Faarax Geylan.

Saabeey ayaa markii lagu soo eedeeyey musuq maasuqa wuxuu u baxsaday dhanka gobolka Shabeellada Dhexe, wuxuuna wareysi gaan ku sheegay in deegaankiisa uu joogo oo dalka uusan ka bixin.

Sidoo kale Saabeey ayaa sheegay in la dagaalanka musuqa uu aad u taageersan yahay, balse asaga aan sharci loo marin baarit aankiisa oo beegsi toos ah uu kala kulmay xaf iisyo gaar ah.

"Aniga musuq maasuq maana sameyn, qof kasta oo sameeyana waan ka soo hor jeeda, laakiin waa iska arrimo siyaasadeed in qolo u socota booskaaga ay ku arbushto,” ayuu yiri.

Saabeey ayaa sheegay inuu diyaar u yahay in hey’adaha cadaaladda uu hor tago oo mus uqa lagu eedeeyey uu iska beri yeelo, waa hadii la helo garsoor dhex-dhexaad ah, sida uu hadalka u yiri.

Wuxuu intaas ku sii daray Saabeey in ragga baacsanaya dadka ee musuqa la dagaalamaya ay yihiin shaqaale u shaqeeya madaxda xuk unka joogta, balse loo baahan yahay garsoor madax-banaan oo siyaasadda banaanka ka jooga.

"Ma jirto cid I baartay ama wax I weydiisay, waxaana ka war helay in waaran la ii jaray, taasna sharci maaha, cid su’aal I weydiisay oo garsoorka dalka ka tirsan hadey jirto waa igala doodi kartaa,” ayuu yiri Saabeey.

Ugu dambeyntii Muxudiin Saabeey wuxuu she gay in kooxda Al-Shabaab uu muddo dheer dagaal kula soo jiray oo macawiisleydii ugu horeysay uu ka aas-aasay Shabeellada Dhexe, isla markaana dagaalkaan lagu qaaday uu salka ku haayo dagaalka Al-Shabaab.  Xigasho:-Caasimadda.Net

Wasiirka cadaaladda oo ka hadlay la dagaallanka musuqmaasuqa

Wasiirka Cadaaladda iyo dastuurka ee Xuk uumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Mac allim Maxamuud ayaa sheegay in qorshaha la dagaallanka musuq maa suqa ee dowladdu uu marayo meel wanaagsan.

Wasiirka ayaa sheegay in guddiga la dag aallanka musuqa uu yahay mid dast uuri ah dhismah iisuna uu haatan socdo, lana hor geeyn doonno golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka si loo meel mariyo, is agoo intaasi raaciyay in ay sii wadi doon aan howlaha horyaalla ee lagama maarm aanka u ah la dagaallanka Musuqmaasuqa shuruucdiisa kalena ay dhamaystiri doonaan.

Dhinaca kale Sheekh Maxamed Idiris ayaa sheegay in Diinta Islaamka ay qof kasta oo muslim ah farayso Ilaalinta ama anada, wux uuna musuqu ku tilmaamay mid xaaraam ah oo uu Alle fogeeyay, isagoo dowladda ku amma anay tallaabada ay u qaadday la dagaallanka musuqa.

Hanti-dhawraha oo war kasoo saaray baari taano musuq oo socday 2 bilood

Hantidhowraha guud ee qaranka Axmed Ciise Guutaale ayaa Shalay shaaciyey inay soo gabagabeeyeen wajiga koowaad ee baarita anka xafiisyo lagu tuhmay musuq maasuq ka dhex dhacay hey’adaha dowladda.

Guutaale oo ka qeyb gala yb kulan su’aalo weydiin ah oo warbaahinta iyo aqo onyahano badan ay ka qeyb galeen ayaa soo ban dhigay warbixin guud oo ku saabsan hanaankii ay u wajaheen baaritaanka uu sheegay in waj igiisa 1-aad ay soo gabagabeeyeen.

"Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka wuxuu ku dadaalay in baaristaan lagu saleeyo cadaalad iyo hufnaan,” ayuu yiri Abuukaate Axmed Ciise Guutaale.

Wuxuu sheegay in baaritaankaan uu socday muddo laba bilood ah, isla markaana ay xafi iska xeer ilaaliyaha guud u gudbiyeen warb ixinta 20-kii bishii hore ee Juun.

"Sida ku cad dastuurka, Xafiiska Hantidh owrka Guud ee Qaranka wuxuu u taagan ya hay ilaalinta hantida umadda Soomaaliyeed, si madax banaan oo hufan ayuu xafiisku u sam eeyey baaritaankaan, waxaana u mahad celi neynaa dhamaan xafiisyadii masuuliyiintii lagu sameeyey baaritaanka fatashka ah oo si hufan noola shaqeeyey,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Guutaale.

Sidoo kale Handhowraha qaranka ayaa faah faahin ka bixiyey sida ay sharciga u waaf ajiyaan warbixinnada ka soo baxaya xafiiska iyo sida ay ula wadaagaan warbixinadooda hey ’adaha fulinta iyo sharci dejinta.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan bilow daydagaal culus oo ka dhan ah musuq maas uqa, waxaana xabsiga loo taxaabay, qaarko odna maxkamad la soo taagay masuuliyiin ka tirsan dowladda.

Waxaa jirta hadal heyn ah in baaritaan ay ku kooban tahay masuuliyiinta xafiisyo hoose oo gaar ah, iyadoo dadka qaar ay dowladda ku eedeynayaan in baaritaankaan musuqa aysan daacad ka aheyn.

Puntland oo soo saartay Ammaro la xiriira Amniga Magaalada Garowe

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federa alka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland ayaa qabaty looga hadlay amniga ee Puntland, gaar ahaan Amniga Magaalada Garowe ee Caasumadda Puntland, waxaana intii shirku socday looga wada hadlay xaaladda Amniga Guud ee Pun tland, ku dhaqanka xeerka Amniga Caas umadda oo baarlam aanku meelmariyey.

Shirka ayaa intii uu socday waxa ka qay bglay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Maamulka Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Am niga Puntland Ism aaciil Saleebaan Geelle, La taliyaha Madax weynaha ee Arrimaha Gudaha iyo Amniga Cabdi Xirsi Cali (Qa rjab),

Taliyaha Ciidanka Booliska Maamul ka Puntland S/Gu uto Muumin Cabdi Shire, Taliyaha La dagaalanka Argaxisada iyo Mukha adaraadka Generaal Muxiyadiin Axmed Muuse, iyo mas ’uuliyiin kale.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa laga soo saaray Awaamir la xiriira Amniga Pun tland gaar, ahaan M/Garowe .

Awaamirta laga soo saray shirka ayaa ah:

In laga bilaabo Shalay oo ay taariikhdu tahay 05 July 2023 la manuucanay hubka sida aan sharciga ahayn loogu dhex wato magaalo oyinka Puntland, gaar ahaan caas umadda. Dadka u xilsaaran amniga ma ahee ciidamada kale waxaa la farayaa in ay ku ekaadaa Xery ahooda si loo kala gar to askariga shaqaynaya iyo qofka qaswa daha ah,

In laga bilaabo Shalay oo taariikhdu tahay 05 July 2023 la manuucay baabuurta aan taarik ada lahayn, ciddii lagu qabto iya da oo maga alada ku dhex wadata baabuur aan lahayn taar iko waa laqabanayaa wax aana la hor keena yaa sharciga,

In dadka wada kicinta, qaxinta iyo bara kic inta dadweynaha iyaga oo adeegsanaya warar aan sal iyo raad lahayn ay ka waa ntoobaan arrinkaas, ciddii lagu helo waxay wajahaysaa sharciga,

In la joogteeyo lana dardargeliyo xooj inta la dagaalanka argagisada iyo mukha adaraadka,

In la xoojiyo iskaashiga iyo wada shaq ayn laamaha amniga, Guddoomiyaasha heer Gobol iyo Degmo ee Puntland, lana xoojiyo amniga gudaha iyo xuduudaha Puntland.

Maamulka Hirshabeelle oo bilaabay Xalinta khilaaf ka taagan Xadka Hiira an& Shabeelada Dhexe

Wafdi oo uu hogaaminayo Wasiirka Arima ha Gudaha Dawlad Goboleedka Hirshabelle C/raxmaan Daahir Guure Kar ooreoo ay weh linayaan Wasiirka Wasaa radda Maaliyada Hir shabelle C.raxiin Ciise Cadoow , Wasiirka dib u heshiisiinta Maam ulka Hirshabelle C/laahi Maxamed Cumar Wasiirka Gadiidka & Duu liska Muuse Sal aad iyo xubno kaleoo ay ku jiraan Xildh ibaano ka tirsan Barlamaanka Hir sha belle ayaa gaaray Ceel Baraf & Degaano kale . Ujeedada Socdaalkooda Wafdigaan ay aa ah sidii ay u dhexdhexaadin lahayeeh Khi laaf u dhexeeya beelo wada dega Xudu uda Gobolada Hiiraan & Shabelaha dhexe oo muran ka taagan yahay .

Wafdiga ayaamarkii ay gaareen halkaas kulan la qaatay Waxagaradka degaanada ay gaareen waxaana ay sidoo kale kulamo la qadan doonaan Waxgaradka kale.

Degaanka Xalfooleey ee hoostaga Deg ma da Ceel Baraf gobolka shabeelada Dhe xe aya a waxaa jiraa mueun u dhexeya la bo beeleed ee kala dega goboladaa Hiir aan iyo shabee lada Dhexe waxaana wax garad iyo Odayaal ka soo jeeda gobolka shabeelada Dhexe ay ku Eedeeyeen Mid ka mid ah Beelaha dega Gobo lka Hiiraan aya sheegayaan milkiyada Degaan ka Xalf aooleey oo ka tirsan Degmadaa Ceelba raf ee gobolka shabeeladda Dhexe.

Musharax Cirro: Shalay xaaladda dalku ku jiro waxaa keliya ee lagaga bixi karaa waa doorashooyin

Musharaxa madaxweynaha xisbiga muca aradka Somaliland ee Waddani ayaa sheegay in xaalada ay Somaliland ku jirto lagaga bixi karo in la qabto doorashooyin.

Cirro oo arrinta doorashooyinka kaga hadlay qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook, ayaa xusay in doorashooyin laysla ogolyahay oo Somaliland ka dhacaa, ay xaalada hada wax ka badali doonaan.

"Shalay xaaladda dalku ku jiro waxaa keliya ee lagaga bixi karaa waa doo rashooyin wadar-oggol ah oo ay isla oggol yihiin dha mmaan daneeyayaashu" ayuu yidhi Cirro. "Awo odda cayimidda doorashooyinka waxaa iska leh Komishinka Doorashooyinka Qaranka oo ah hay’adda u xil saaran muddeynta doorasho oyinka sida xeerarka dalka iyo dastuurku jide ynayaan".

Waxa uu sheegay in qaraarkii ay maxka madda sare ay sannadkii hore kasoo saartay doorashooyinku uu sabab u ahaa khilaafka doo rashooyinka ee daba dheeraaday ee ilaa Sha lay aan wali maaro loo helin, waxaanu maxka mada uga digay in ay abuurto muran hor leh.

"Maxkamadda sare waxa aan uga digeynaa in ay dalka ka abuurto khilaaf hor leh oo cusub iyada oo uu dalku ku jiro xaalad adag oo amni, siyaasadeed, dhaqaale iyo mid bulshaba leh, taas oo waddanka meel xun dhigi doonta mas’ uulyadeedana uu qaadi doono guddoomiyaha maxkamadda sare" ayuu yidhi Cirro.

Khilaafka doorashooyinka ayaa in mudo ahba u dhexeeyay xukuumada iyo mucaaradka kaasi oo xataa sababay mudaharaado ay dad ku dhinteen, walina xal looma helin, lamana go 'aamin jadwalka doorashooyinka soo food leh.

Jubbaland: Waa qorshe aan laga fiirsan in ciidamada ATMIS ay dalka ka baxaan

Dowlad goboleedka Jubbal and ayaa waxay walaac weyn ka muujiyeen qorsha ha bixitaanka ciidamada ATMIS, iyagoo ku tilmaamay qorshe aan horey looga fiirsan.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxa muud Sayid Aadan oo war eysi siina yay idaacadda VOA Soomaali, ayaa shee gay, in Alshabaab ay fursad weyn ka helay aan bann aynta saldhigyada ciidamada ATMIS.

Madaxweyne ku xigeenku wuxuu shee gay inay khatar amni wajahayaan dadka shacabka ah ee ku tiirsanaa amniga ciid amada ATMIS, isagoo sheegay inay Alsh abaab ku dhaqaaqa yaan falal aargoosi ah oo ka dhan ah dadkii iyaga kasoo horje eday.

"In la hakiyo ayay ahayd. Marar badan waan codsanay, madashana way kawada hadleen. Laakiin sida la qorsheeyay waxaa ka go’an ciidamada ATMIS inay dalka ka baxaan, wax aana qorshahaas ka dambee yay dowladdii hore,’ ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Jub baland.

Maxamuud Sayid Aadan wuxuu shee gay, ciidamada Jubbalad iyo kuwa Dowl adda fed eralka in aysan diyaar u ahayn xilligan in ay la wareegaan saldhigyada ay baneeyaan ciid amada ATMIS. Sidaas oo ay tahay wuxuu tilm aamay inay ku qasban yihiin inay isku dayaan inay maareeyaan amniga Jubbaland.

Jubbaland waxaa ku sugan ciidamada Ken ya, kuwaas oo inta badan ka howlgala gobolka Jubadda hoose. sidoo kale ciidam ada Ethiopia ayaa iyaguna ku sugan gobol ka Gedo. Dhaw aan, ciidamada Kenya ay aa maamulka Jubba land ku wareejiyay 2 saldhig oo ay baneeyeen ciidanka ATMIS.

Shir ka Furmaya Laascaanood & Isima da Dhaqanka SSC oo Soomaliland Ugu baaqay in Ciidankeeda ay kala baxdo Gobolka Sool

Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka mid ah Hogaanka Isimada Dhaqanka SSC oo ka hadlayay xaalada Amni ee Gobolka Sool ayaa markale dalbaday in Ciidaamad da Soom aaliland laga Saaro gobolka Sool isla markaana madaxda Soomaaliland ay kalaa hadli doonaan wixii ay Tabanayaan.

Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa shee gay in Ciidamada Soomaaliland ay dhiba ato u gey steen shacabka ku nool gobolka Sool, sidoo kal ena go’aankooda uu yahay in babi Ciidaanka Somaaliland laga saaro gobolka Sool.

Sidoo kale‘Ismimada Dhaqaaqanka SSC ay aa Shalay shir uu uga Furmayaa M/ Laa sca anood ‘iyadoo shirkaas Hogaan Cusub ay ku dooran doonaan Isimada Dhaqanka SSC sida wararku ay sheegayaan.

Shirka Shalay M/Laascaanood uga Furm aya Isimada Dhaqanka SSC ayaa ku soo aadaya xilli duleedka waqooyi ee M/ Laasc aanood ay isku horfadhiyaan Ciida madda Mil itariga Soomaalailnd iyo kuwa SSC ay dhowr jeer halkaas ku dagaal amay.

Ciidamada Dowladda oo si tartiib ah ugala wareegaya fariisimada ATMIS (WARBIXIN)

Markaasi waxaa sababay soo galitaanka Ciidamada shisheeye Maclu ushii iyo dagaallo sokeeye, balse soo galitaanka Ciidamada waxaa sabab u ah kadib markii Kooxaha Argagaxisu ku fideen meelo ka mid Gobolada Dalka, islamarkaana dhibaa tooyin fara badan u geystay Shacabka Soomaaliyeed, Duniduna ay ka baqdin qabtay inay ku sii fiddo shartooda Wad amada kale ee Dariska la ah Soomaaliya sida Kenya, Itoobiya iyo meelo kale.

Mar haddi ay muddo ku sugnaayeen Ciida mada ka socda Midowga Afrika ee la magac baxay ATMIS markii horena loo yiqiin AMISOM, waxaa loo baahday in ay bedelaan Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ayay Dowladda Fede ralka Soomaaliyeed ay dajisay Isteraajiyadda ka bixitaanka Ciidamadaasi sanadka markuu gaaro 2024-ka, inta ka horreysana si tartiib tartiib loo dhimo tiradooda, balse ka hor bixit aa nkooda loo baahan yahay in Soomaaliya laga qaado cuneqabateynta Hubka ee ay Qaramada Middobay saartay sanadkii 1991-kii.

Haddaba si loo qaado cuneqabatey ntaasi ayay Dowladdu geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay si loo qaadi lahaa gabi ahaanba Cun eqabateyntaasi, sidaasi awgeed ayuu Mada xweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxa muud oo dhawaan gaaray waddanka Marey kanka ayaa billa abay olole uu ku doonayo in Soomaaliya looga qaado cunaqabateynta hub ka ee saaran, waxaana uu kulamo la qaatay Madax ka tirsan dowladda Mareykanka, waxaa kaloo uu ka qeybgalay fadhiga Gol aha Amm aanka ee Qaramada Midoobey.

Madaxweynaha waxa uu khudbad ka jeed iyay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey isagoo la wadaagaya dalalka xubnaha ka ah Golaha xaaladda amniga Soomaaliya iyo dag aalka ka dhanka arga gixisada Al-Shabaab, isagoo xoogga saa raya sidii Soomaaliya looga qaadi ahaa cunaqabateynta hubka, islamarka ana taag eero ballaaran oo caalami ah loogu heli lahaa Wejigaa 2-aad ee dagaalka dalka lag aga sifeynayo argagixisada Al-Shabaab, waxaa kaloo uu la kulmay Madaxda Hey’adaha Caa lamiga ah, kuwaas oo ay iska wareysteen taa geero caalami ah ee dadaalka dowlada ay ku bixineyso xasilinta deegaanada laga xoreeyay Al-shabaab iyo gaarsiinta adeegyo bulsho oo dhameystiran.

Danjiraha Midowga Afrika ee Soom aaliya ahna madaxda howlgalka ATMIS, El-Amine So uef ayaa ugu baaqay Golaha Amaanka inay ka qaadaan xayiraada Hubka culus ee saaran Somalia laga soo bilaabo ilaa sanadkii 1991-dii markaasoo uu burburay Nidaamkii Dowladeed iyo kala dambeyntii…

Sarkaalkaan ATMIS Hogaamiya ayaa sheegay ka qaadista cunaqabateynta hubka ee Somalia ay ka caawinayso Ciida mada Amniga ay awood u yeeshaan inay la wareegaan lah aanshaha Amniga iyo dagaalka lagula jiro koo xaha Argagixisada isla markaasna degaanada laga xoreeyo dib loogu howlgeliyo adeegyada asaasiga ah.

Dhowr maalin ka hor ayay ahayd markii Ergo ka socday Golaha Amaanka iyo Naba dda ee Midowga Afrika ay soo gebagebe eyeen safar shaqo oo ay ku soo gaareen Caasimada Mogadishu si ay ugu kuur galaan xaaladda amni ee ka hor qorshaha dhimista Ciidamada ATMIS ee dhamaadka bishan Juun iyo Sept ember 2023-ka.

Hawlgalka Nabadda ee Midowga Afrika wuxuu heystaa ilaa 31ka Diseembar 2024-ka,si uu uga baxaan guud ahaan Dalka, Dowladda Federaalka iyo ATMIS-ka ayaa labaduba xaqi ijiyay in ay ka go’an tahay fududeynta in si habsami leh ay Mas’uuliyadaha Amniga loogu wareejiyo Ciidamada Amaanka Soomaaliya.

Ka dib 18 sano iyo saddex hawlgal nab adeed oo caalami ah, Soomaaliya waxay isu diyaarinaysaa inay si buuxda u maa musho ammaankeeda. Hawlgalka Midowg a Afrika ee ku meel gaarka ah ee Sooma aliya (ATMIS) ayaa isku diyaarinaya in 2,000 oo askari laga saaro dalka marka la gaaroo 30-ka June 2023-ka.

Haddaba si loo gaaro hadafkaasi ayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo fulin aya heshiiskii la wareegidda amniga guud ee dalka ayay howlgalka ATMIS kala wareegay Lix saldhigga oo ku kala yaalla Gobolada Shabee lada Dhexe, Shabeelada Hoose iyo Gedo, sal dhigyadaasi oo kala ah Cadale, Xaaji Cali iyo Mirtaqwo oo ka tirsan Shabeelada Dhexe oo ay markii hore gacanta ku hayeen Ciidamada Bu rundi ee ka tirsan Ciidanka ATMIS, Ciidanka Ken yana waxay iyaguna wareejiyeen Deega anka Gerileey ee degmada Ceelwaaq gobolka Gedo, halka Ciidama Ugaandha ay wareeji yeen Deegaannada Arbacoow iyo Jasiira oo ka tirsan Gobolka Shab eelada Hoose.

Taliska Ciiddanka Xoogga Dalka ayaa sidan oo kale horay ula wareegay saldhigy adii ATM IS ee degmada Cadale, deegaan nada Xaaji Cali, Mirtaqwo iyo deegaanka Arbacow ee dul eedka Muqdisho, Ciidama Ugaandha waxay ka loo ka guureen saldhig 3-aad oo ka tirsan Sha beelada Hoose ku na yaalla Marka Ayuub, saldhiggaasi oo la xiray, iyadoo Ciidamaada ka tirsan ATMIS ee wareejiyay Saldhyadaasi wax ay tiradoo du dhan tahay 200 Askari, waxaa kaloo la filaa in bisha Septemper ay baxaan 300 arkari oo ka tirsan Ciidanka nabad ilaalinta ATMIS.

Xil-wareejinta mas’uuliyadda amniga oo u dhaceysa si tartiib tartiib ah ayaa qor shaha wajiga koowaad yahay in hawlgalka ATMIS uu dalka ka saaro (2000) oo Askari dhammaadka bishan Juun.

Korneyl Sanay Cabdulle oo ka tirsan Sa raakiisha ku sugan Aagga Deegaann ada Shab eelada Dhexe oo ka hadlaayay munaasabad howl-kala wareejin oo ka dhacday Degmada Cadale ayaa yiri:-” Wa an ku filanahay in si buuxda aan dalka uga la wareegno Ciidamada ATIMIS, dhawaan na waan ciribtireyna Khawa arij”, isagoo la dardaarmayay Ciidamada Qaran ka ee la wareegay Saldhiggii Cadale oo ay kala wareegeen Ciidanka Burundi oo in muddo ah ku sugnaa Deegaanadaasi ayaa sii ra aciyay " Saldhig in lala wareego muhiim ma ah ee wax aa la iska rabaa in amma anka guud la lala wareego”.

Kenya oo joojisay furitaanka xadka So omaa liya sababo la xiriira khataro Alsha baab kaga yimid

Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday inay dib u dhigtay in dib loo furo xadka ay la wa daagto Soomaaliya, sababo la xiriira khataro dhanka ammaanka ah oo kaga imaanaya kooxda Al Shabaab.

Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalka Ke nya, Kithure Kindiki ayaa sheegay in qorshayaashii hore la joojin doono illaa laga takhaluso khataraha argag ixisanimo, ka dibna labada dal ay ka wa da shaqeeyaan.

"Labada dowladood waxay horey u bil aab een wada hadalo lagu furayo xuduuda heena Kiunga, Liboi iyo Mandheera, balse dib ayaan u dhigi doonnaa qorshaha maa daama aan dha waan aragnay kooxaha nabad diidka ah ee dalkeena ka jira, marka hore waan la dagaala mi doonaa, kadibna dib ayaan u furi doonaa xuduudaha” Kin diki ayuu yidhi.

Hadalkan ayuu ka sheegay xerada qaxoo tiga ee Dhadhaab Arbacadii Shalay isagoo ku guda jiray socdaalka joogtada ah ee uu ku marayo gobollada waqooyi si uu wax uga qabto werarada koxaha argagixisa da.

Kindiki ayaa bishii May ee sanadkan ku dhawaaqay in Kenya iyo Soomaaliya ay go’aan ku gaareen in si rasmi ah ah loo furo xadka, 90-ka maalmood ee soo socda.

Kindiki wuxuu xaqiijiyay in dowladdu ay sii wadi doonto la shaqeynta dowladda Soo maaliya si loo horumariyo loona hirgeliyo habab iyo istaraatiijiyado wadajir ah oo wax looga qabanayo arrimaha dhaqaalaha bulshada iyo amni-darrada.

Hadalkiisa ayaa imaanaya saddex 7aad ka dib markii Kenya ay aqbashay inay 90 maalmood gudahood si rasmi ah dib ugu furto xudduudaha ay la wadaagto Soomaa liya ee Mandheera, Lamu iyo Gaarisa.

Baarlamaanka Carabta oo canbaareeyay qaraxii ay khawaarijtu la beegsatay masjidka Daaru Nicma

Baarlamaanka Jaamacadda Carabta ayaa cambaareeyay qaraxii ay Malleeshi yada Argagixisada ee Al-Shabaab la beegsadeen Masjid ku yaalla deegaanka Daaru Nicma ee Gobolka Shabeelaha dhexe Soomaaliya.

Jaamacadda Carabta ayaa falkaasi ku tilm aantay dembi fool xun oo ka dhan ah damiirka aadan aha, kaas oo kasoo horj eeda shareecada Islaamka iyo qawaaniinta Caalamka.

Baarlamaanka Carabta ayaa xaqiijiyay in argagixisadu aysan diin lahayn, isaga oo carab ka ku adkeeyay in ay lagama maar Shalay tahay in la mideeyo dhammaan deda allada ay dunida Carabta kula dagaallama ysao khawaarijta heer gobol iyo mid caa lami.

Baarlamaanka Carabta ayaa mar kale sheegay in Soomaaliya ay si buuxda uga garab siinayaan dagaalka ay kula jirto ar gagixisada, iyadoo muddadii uu socday la ga gaaray guulo la taaban karo laguna naafeeyay kooxaha arga gaxisada ah.

Agaasimihii hore ee hay’adda Socdaal ka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo beeni yay inuu galay Musuq maasuq

Xili dhowaan Xafiiska hanti dhowrka guud ee qaranka uu sheegay in lacag dhan 21 milyan oo dollar ay ka maqan tahay qasnada Dowladda, isla markaana xafiisya da ay ku maqan tahay uu ku jiro xafiis hoo staga hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee So omaaliya, ayaa waxaa ka hadlay Aga asimihii hore ee had’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Soomaaliya Dr Maxamed Aadan Jimcaale ( Koofi ).

Agaasimihii hore oo wareysi siiyay Ta leefishinka Universal, ayaa sheegay in inta uu xil ka hayay ay wadeen dadaalo badan oo dalka lagu hormariyay, isla markaana arrinta la xiriirta Mu suqa aysan ka warqab in, balse waxa uu tilma amay haddii ay D/ Soomaaliya wax ka qabaneyso ay si daacad ah ay xogta u baarto.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in loo baah an yahay in la barro Soomaalida, waxa uu yahay Mu suqa, madaama musuqa uu noo cyo badan ya hay, sida mid hantida la xir iira, mid ku takriful awoodeed, isla mark aana Dowladda looga baahan yahay in ca deyso midka ay la dagal ameyso .

Sidoo kale waxa uu sheegay in aan la siyaa sadeen oo arrinta barista loo daayo hay’adaha ku shaqada leh waxa uu sidoo kale ka digay in madaxda maalin walbo marka ay ka hadlayaan arrinta ku sheege yaan dadka xiran Tuuggo, kuwa la soo xiri doono ay yihiin Tuuggo, taasina ay tah ay in xukunkii la riday sida uu hadalka u dhigay Agaasimihii hore.

" Marka laga hadlayo Dowladda awo oda wey qeybsaneed, marka anigu waxa an aminsanahay wixii aniga laii dhiibay oo mas’uuliyad aheyd in iyada oo nabad qabta aan warejiyay, walina aan aaminsan ahay aniga xafiiska aan ka soo shaq eeyay in lagu sheego Musuq, waan beeninayaa, wey dhici karaan shaqsiyaad, lakiin ma aheyn xafiis uu dhex mari karo Musuq, sa babta oo ah shaqooyinkiisu ma aheyn sha qooyin hal 1 iyo 2 qof ay go,aan ka gaari karaan” ayuu yiri Agaas imihii ee hore ee hay’adda Socdaalka iyo jinsi yadaha Soom aaliya.

Hadalka Agaasimihii hore ee hay'adda socd aalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, ayaa ku soo beegmaya xili dhowaan Eed eymo la xiriira Musuq maasuq loo xiray Agaasimihii Wasaaradda Sha qada iyo Shaqaalaha ee Xukuumadda Soom aaliya.

Somaliland oo beesha caalamka la wadaag tay warbixin ku saabsan dagaalka Laascaanood

Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland ayaa sheegtay in ciidamadii Puntland ee ay tababareen Maraykanka iyo Imaaraatku iyo qaar kamid ah ciidankii Soomaaliya ee lagu tababaray Eriteriya ay ka dagaalamayaan Laascaanood.

Warbixin ay wasaarada gaa shandhigu la wadaagtay beesha caalamka ayay ku sheegtay, in ciidamo kala du wan oo isugu jira argagixiso, ciidamo beleed, ciidamadii Soomaliya ee Eriteriya lagu tababaray iyo Puntland ay dagaalka ku jiraan, iyada si gaara uga hadashay ciidanka Pun tland. "Sirdoon ka yagu waxay xaqiijiyeen in ciidamada bada Puntland ee Imaraatku uu u tab abaray in ay la dagaalamaan argagixi sada iyo bu dhcad badeeda, in ay hada ku biireen isbahaysiga cadowga ah" ayaa lagu yidhi warbixinta.

Warbixinta waxa lagu sheegay in Somaliland ay walaac ku abuurtay ciidamda uu Imaaraatku tababaray iyo kuwo uu Maraykanku tababaray oo loogu talo galay argagixiso la dagaalanka in ay dagaalka ku jiraan.

Waxa kale oo ay warbixintu sheegtay in Soma liland ay u hogaansantay baaqyadii beesha caa lamka, isla markaana ay ciidankeeda ka saartay Laascaanood, lakiin dhinaca kale ay diideen wadahadal isla markaana ay ciidankeeda kusoo qaadayaan weeraro is daba jooga.

Ugu danbayn, warbixintu waxay xustay in Somaliland ayna ka laba labayn doonin in ay is difaacdo si ay usoo afjarto waxay ugu yeedhay khatar, waxayna beesha caalamka ka codsatay in ay taageerto dadaalo ay Somaliland ku nabad aynayso Laascaanood.

Dhinaca kale, garaadada SSC ayaa iyagu dhankooda dalbanaya in Somaliland ay ciidank eeda gayso saldhiga Oog, sidaasi oo ay sheeg een in ay tahay sida kali ah ee xal lagu heli karo.

Turkey oo ka digtay arrin la isku dayayo in lagu cadaadiyo

Turkey ayaa Talaadadii ka digtay in aan lagu cadaadin karin inay taageerto isku dayga ay Sweden ku dooneyso inay ugu biirto NATO.

Waxay sheegtay inay weli qiimeyneyso in soo-gelitaanka dalka Nordic-ga ay caawin doonto ama dhaawici doonto isbaheysiga.

Hadallada Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkey Hakan Fidan ayaa yimid laba maalin kahor inta aanu dhiggiisa Sweden kula kulmin Brussels, si ay uga wada-hadlaan damaca Stockholm ay ku noqoneyso xubinta 32-aad ee NATO.

NATO ayaa rajeyneysa inay Sweden kusoo dhoweyso xulufada kahor kulan madaxeedka ka dhacaya Lithuania 11-ka illaa 12-ka July.

Hase yeeshee, Turkey iyo dalka kale ee xubinta ka ah NATO ee Hungary ayaa diidan inay ogoladaan Sweden, sababo la xiriira murano kala gaar gaar ah oo kala dhaxeeya.

Dhammaan dalalka xubnaha ka ah NATO ayaa qasab ah inay wada ogolaadaan si dal cusub uu xubin uga noqdo isbaheysiga.

Baarlamaanka Carabta oo war kasoo saaray mas aajidkii ay gubeen Al-Shabaab

"Marnaba ma ogolaaneyno isticmaalka cadaa diska waqtiga,” Fidan ayaa sidaas ku yiri shir jara a’id.

Ankara ayaa waxaa ka careysiiyey go’aanada ay Sweden ku fasaxday dibad-baxyo ay dad Islaa mka neceb ay bogag ka mid ah qur’aanka ku hor gubeen safaaradda Turkey ee Ankara iyo Masa ajiddo.

Dibad-bixii ugu dambeeyey ayaa maalintii koo waad ee Ciidul Adxa ka dhacay magaalada Sto ckholm. Fidan ayaa dhacdooyinkaas ku sheeg ay inay tusaale u yihiin in Sweden ay ku guuld arreysatay inay ka dhabeyso ballan-qaadyadii ay sameysay markii hore ee ay ku guuleysatay taag eerada Turkey sanad kahor markii ay codsiga NATO ku gudbisay Madird.

"Hannaanka amni ee Sweden awood uma lahan inuu joojiyo kicinta, tani macnaheedu ma ahan inay awood dheeri ah keenayaan NATO balse dhibaato dheeri ah,” ayuu yiri.

"Marka ay noqoto xeeladda iyo amniga, marka aan ka wada-hadleyno xubinnimada Sweden ee NATO, waa su’aal la xiriirta haddii ay noqon doonto faa’iido ama culeys.AFP + VOA

AQALKA CAD OO LAGA HELAY MAADDO SHARCI DARRO AH

Aqalka cadMaaddo is dhex yaac iyo in aqalka cad la faarujiyo horseedday axaddii ayaa la ogaaday in ay ahayd daroogada kookaynta.

Waxaa daroogada laga helay goob shaqo ka socotay ka tirsan qaybta dhismaha aqalka cad ee aadka loo ilaaliyo xilli lagu guda jiray baaritaanada joogtada ah, sida ay sheegeen ciidamada ilaalada madaxtooyadu.

Waxaa markii u horaysay arrinkan daabacay wargeyska washinton Post, taas oo hor seeday in ciidamada amaanka iyo dab damiska la hawl geliyo.

Madaxweyne Joe Biden iyo qoyskiisa ayaa aqalka cad ka maqnaa kuna sugnaa deegaanka Camp David goorta la helayey maadada.

Waxaa la xiray guud ahaanba aqalka cad si loo digtoonaado marakay saacaddu ahayd 20:45 xilliga maxalliga ah ee axaddii kadib markii ciida mada adeegga gaarka ah ay budadan cad ka heleen "goob shaqo ka socotay” oo qaybta galbe edka ah, sidaasi waxaa BBC u sheegayi afhaye enka ciidamada adeegga madaxtooyada Anthony Guglielmi. kookayn

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Anthony Guglielmi ayaa sheegay in waaxda dab damiska si degdeg ah loogu yeeray lagana war helay in waxa la helay aysan "ahayn wax ha lis ah”.

Ma uusan xaqiijin natiijada baaritaanka hordh aca ah, isagoo sheegay in budada loo diray baar itaan dheeri ah, uuna ku socdo baaritaanno ay ka mid tahay sida waxani ku galay Aqalka Cad.

Warbaahinta La-hawlgasha BBC-da ee Marey kanka, CBS News, ayaa soo xigatay ilo sare oo sharci fulinta ah, iyadoo sheegtay in walaxda laga helay meel wax lagu kaydiyo oo ku dhex jirta armaajo ay sida caadiga ah u isticmaalaan shaqaalaha Aqalka Cad iyo martidu in ay gasha daan taleefoonnada gacanta.

CBS ayaa soo warisay in laba sarkaal oo sha rci fulinta ka tirsan iyo cod laga duubay raadiyaha laga soo diray Axaddii ay xaqiijiyeen in maand ooriyaha la ogaaday in uu yahay kookayn wax yar uun ka dib markii la helay.

Kookayn (Cocaine) waa daroogada nooca lab aad ee hoos timaada Sharciga Walxaha La xaka meeyo, taasoo la micno ah inay leedahay awood sare oo ah in si qaldan loo isticmaalo, sida uu qabo Maamulka Dhaqangelinta Maandooriyaha ee Mareykanka.

Qaybta galbeed waa qayb weyn oo heerar badan leh oo ka tirsan Aqalka Cad, taas oo ka ko oban xafiisyada madaxweynaha Maraykanka, oo ay ku jiraan Xafiiska Oval Office iyo Qolka Xaa lada degdegga ah.

Waxa kale oo ku yaal xafiisyada madaxweyne ku xigeenka, madaxa shaqaalaha ee Aqalka Cad, xoghayaha warfaafinta, iyo boqolaal kale oo sha qaale ah oo galaangal u leh aagga.

XIGASHO:-BBC


"TOBNAAN NIN AYAA DIIDAY INAY I GUURSADAAN”

XIGASHADA SAWIRKA,GUNJAN TIWARI

Sooryada ayaa sharci-darro ka ahaa Hindiya tan iyo sanadkii 1961, balse qoyska caruusadda ayaa weli laga filayaa inay lacag, dhar iyo dahab u hadiyeeyaan qoy ska caruuska.

Haatan, macallimad 27 jir ah oo ku nool magaalada bar tamaha Hindiya ku taalla ee Bhopal ayaa billowday codsi ay booliiska ku weydiisaneyso inay saraakiil cii dan u diraan goobaha aroosyada lagu dhigo si ay usoo afjaraan dhaqankan.

Gunjan Tiwari (ma aha magaceeda saxda ah) ayaa BBC u sheegtay in dala bkeeda ay sabab u tahay dhacdooy inka iyada qudheeda qabsaday ee ah in tobn aan nin ay u diideen guurkeeda sababo la xiriira sooryada.

Dhacdadii ugu dambeysay ayaa dhacdya bishii Fe bruary markii aabbahee da uu nin dhlainyaro ah ku casuumay guri gooda isagoo rajo ka qaba inuu gab adhiisa u guuriyo.

Kaddib markii waaliddiinteeda ay martidu isa sal aameen oo sheekeysteen, Gunjan ayaa soo gashay qolka fadhiga, iyadoo martida sidda shaah kulul iyo macmacaan.

Waxay marxaladdaas ku tilmaameysaa mid "cabsi leh".

"Qof walba adiga ayuu indhaha kugu gubayaa, dhammaantood way ku imtix aanayaan," ayay tiri.

Qorshooyin badan ayaa loo degay goorta iyo xilli ga ay Gunjan soo hor mar eyso martida. Hooyadeed ayaa u door tay dhar cagaaran sababtoo ah waxay daree meysay in gabadheedu ay kusoo baxeyso. Waxay sidoo kale Gunjan kula Talisay inaysan qo slin maaddaama ay dadka kusoo jeedineyso ilkah eeda aan toosneyn.

Waa waxyaabo ay Gunjan la qabsatay oo taqaa nno – iyadoo sanado badan soo sameysay lix jeer. Qu’aalaha ay weydiina yeen ayaa sidoo kale ahaa kuwo ay kaisi war heysay – waxbarashadeeda iyo shaq ada, iyo inay cunto-karinta taqaanno.

Kahor inta aysan qolka soo gelin, waxay maq ashay waaliddiinteeda oo aab baha wiilka weydi inaya qiimaha sooryada ay filanayaan. "Waxaan maqalnay iyagoo dalbanaya 5m ilaa 6m oo rubiga Hindiya ah ($61,000 - $73,000; £48,100 - £57,000). Markii uu aabbahay weydiiyay, wuxuu ku kaftamay 'haddii ay gabadhaadu quruxsan tahay, wax baanu kaa dhimeynaa," ayay tiri.

Iyadoo wada sheekeysigu sii socdo, Gunjan wa xay sheegtay inay qiyaastay ina an waxba laga dhi mi doonin- martida ayaa su’aal ka keenay ilkaheeda aan toosneyn iyo nabar wejiga kaga yaallay.

Hindiya

Kaddib markii shaaha la cabay, oo Gunjan la siiyay daqiiqado yar oo ay si gaar ah ula hadasho wiilka, waxay u sheegtay inaysan u guursan doonin sooryo darteed. "Wuxuu igu raacay inuu yahay dhaqan ku xun bulshada," ayay tiri, iyadoo intaa raacisay inay taasi gayeysiisay inay ku fekerto inuu ka duwanaa raggii kale ee ay hore ula kulantay.

Balse waxay durba ogaatay in diidmo la siiyay.

"Hooyadey ayaa u aaneysay diidmade yda sooryada. Way iga careysneyd mana ila hadlin in ka badan labo toddobaad," ayay tiri.

Lixdii sano ee lasoo dhaafay, Gunjan waxay sheegtay in aabbaheed uu la xiriiray "qoysaska 100-150 doobab u qalmi karay iyada" ayna la kulantay 20 ka mid ah. Gun jan qudheeda ayaa arji guur u ban dhigatay lix ka mid ah. Dhammaantoodna, waxay sheegtay inay diideen sababo la xiriira sooryada.

"Sababo la xiriira diidmooyinkaas waxa an lumiyay kalsoonideyda," ayay tiri Gunjan, oo shahaadada sare ka heysata maaddada xisaabta.

"Markii aan si qumman u fekero, ma aha aniga qofka ay wax ka dhiman yihiin, ee dhibaatadu waa dadka oo doonaya soryo. Balse waxaan aalaaba dareemaa inaan culeys ku noqday waaliddiinteyda."

Marka laga soo tago sooryada – oo bixinteeda iyo qaadashadeedaba – ay sharci-darro ahayd in ka badan 60 sano, 90% guurka Hindiya ka dhaca waa laga qaataa sooryada – sida lagu sheegay daraasad dhowaan la sameeya.

Waaliddiinta gabdhaha ayaa qaata deyn badan amaba xitaa iibiya dhulkooda iyo guryahooda si ay u bixiyaan sooryada, taasna xiraa nolol qurxoon uma damaanad qaaddo gabadha.

Sida laga soo xigtay waaxda dembiy ada qara nka dalkaas, 35,493 oo caruus ado ayaa Hindiya la gu dilay intii u dhaxey say sanadihii 2017 iyo 2022 – iyadoo celcelis ahaan ay u dhiganto 20 haween maa lintii – kuwaasoo loo heystay inaysan sooryo ku filan siin qoyska caruuska.

Dadka kasoo horjeeda arrintan ayaa sheegaya in sooryadu ay sidoo kale tahay mid ka mid ah sababaha ka dambeeya farqiga u dhaxeeya ragga iyo haweenka – QM ayaa ku qiyaaseysa in ku dhow aad 400,000 oo gabdho ah lasoo rido iyagoo uurka ku jira sanad kasta, iyadoo waaliddiitu ay ka baqay aan in sooryo la weydiisto.

Iyadoo codsigeeda u gudbisay madaxa booliiska Bhopal Harinarayan Chari Mishra, ayaa Gunjan wax ay sheegtay in xalka keliya uu yahay in la baaro goobaha aroosyada lana soo xiro kuwa sooryada bixinaya iyo kuwa qaadanaya. Hindiya

XIGASHADA SAWIRKA,GUNJAN TIWARI

"Sooryadu waa wax bulshada u xun waxaana naga go’an inaan baabi’inno. Waxaan dhammaan saldhig yada booliiska ka codsaday inay caawinaad siiyaan haweeney walba oo u timaadda," ayuu BBC u sheegay Mr Mishra.

Balse, wuxuu leeyahay, "booliisku ay jiraan wax xadd idaya, ma joogi karaan meel walba waxaana u baah annahay inaan arrintan wacyigelin badan ka sam eyno, si aan u beddelno fekerka dadka".

Kavita Srivastava oo u doodda xuquuqda dadka ayaa sheegeysa in ooliisku uu caawinaad geysan ka ro, balse wax ka qabashada sooryada ay tahay arrin cakiran.

"Hindiya maaha dal booliis, balse wa xaa jira sha rci mamnuucaya sooryada wax aana u baahannahay in si wanaagsan loo dhaqan-geliyo sharciga."

Sooryada, ayya sheegtay, inay ka mid tahay waxyaabaha mar qura la wada siiyo qoysaska dhu uniga ah ee caruuska kuwaasoo mar walba wax int aa ka sii bad an dalbada xitaa kadib guurka sabab too ah "waa lacag fudud, oo si fudud taajir loogu noqonayo".

Ms Srivastava ayaa tusaale u soo qaa daneysa haweenka wajaha dhibaatooyinka gurigooda ku heysta oo xitaa mararka qaar laga soo eryo gurig ooda haddii ay fulin waayaan dalabaadyada soo laal aabta.

Dalbashada sooryada ayay sheegtay in keliya lagula dagaallami karo haddii wiilash ada dhaliny arada ah iyo haweenku ay hal meel ka istaagaan ayna diidaan inay bixiy aan amaba qaataan sooryo.

Gunjan ayaa sheegtay inay jeclaan lah ayd inay u guursato sababo la xiriira "nol oshu waa dheer tahay keligeyna ma nool aan karo", balse ma hubto inaysan bixin doonin sooryo.

Balse iyadoo waqtigu ku socdo, waxaa kordhaya niyad-jabka ay qoyskeedu ka qabaan inay u helaan wiil u qalma.

"Qaraabadeyda ku nool xaafadda aan kaoso jeedo ee degmada Etawah oo u dhow gobolka Uttar Pradesh, 25 jir waxaa loo arkaa naag weyn marka guurka la eeg ayo."

Sidaa darteed, aabbaheed ayaa ayaa si joogto ah u akhriya joornaallada guurka ka hadla wuxuuna qaraabadiisa ku wargeliyay inay usoo sheegaan haddii ay arkaan wiil u qalma gabadhiisa. Wuxuu ku biiray What sApp group oo ay ku mideysan yihiin in ka badan 2,000 oo qof oo qabiilkiisa kasoo jeeda halkaasoo qoysasku ay ku wadaag aan warbixin nada carruurtooda.

"Intooda badan waxay doonayaa aroos qurux bad an oo ay ku kacayso 5m oo rubi ama ka badan. Aaabbahay keliya wuxuu awoodi karaa kala bar int aas," ayay tiri, iyadoo intaa raacisay in nolosha waa liddi inteeda ay sii adkeysay diidmadeeda ah inay san u guursan doonin sooryo darteed.

"Aabbahay wuxuu leeyahay in keliya lix sano laga joogo intii uu ii raadinayay ca ruus. Haddii aan soo ryo la bixin, ayuu leey ahay, ma awoodi doono inuu ii helo wiil ii qalma xitaa haddii uu baadi-goobo 60 sano."


SOMALIA

OGAYSIISKA CALAAMADA GANACSIGA


______________________

OGEYSIIS WAXAA HALKAN LAGU BIXIYAY in calaamadda ganacsiga ee sare ay tahay

astaanta ganacsiga:

Martell & Co of Place Edouard Martell, 16100 Cognac, France

waxaana loo adeegsaday:

Cabitaanada nooc walba leh.

OGAYSIIS WAXAA KALE OGEYSIISAY in dacwad sharci ah laga qaadi doono qof kasta

ama shirkad kasta oo adeegsata calaam adda ganacsiga ama wax kasta oo ku dayasho

ah ama haddii kale ku xad gudubta xuquuqda shirkadda la sheegay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip