Maxaa aasaas u ahaa heshiiskii midnimada Waqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya?

0
Saturday July 01, 2023 - 08:36:25 in Wararka by
  • Visits: 285
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa aasaas u ahaa heshiiskii midnimada Waqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya?

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..


Calanka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh

XIGASHADA SAWIRKA,VILLA SOMALIA

Maanta oo kale 63 sannadood ka hor waxaa midoobay labadii gobol ee ay kala maamuli jireen gumaystayaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga. Waxaannu eegaynaa goorta ay soo baxeen qodobadii sharciga ee ku dhisnaa midnimada.

Ibraahim Iidle Sulaymaan, guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, horana u soo noqday garyaqaankii guud ee Somaliland ayaa mar uu wareysi siiyay BBC wuxuu sheegay in lix bilood ka dib markii xoriyadda la qaatay uu soo baxay sharci aasaas u ahaa midnimada Waqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya.

"Wuxuu ku dhisan yahay xeer lambar 5 ah oo soo baxay 31-dii bishii Jannaayo, sannadkii 1961, lix bilood kaddibna si sharci ah ayuu u dhacay midnimada Soomaaliya. Qodobkiisa 1-aad wuxuu tilmaamayaa in Somaliland iyo Soomaaliya ay ku midoobeen Jamhuuriyadda Soomaaliya caasimadduna ay tahay Muqdisho xeerkaas waxaa aasaas iyo asal u ah midnimada Jamhuuriyaddii Soomaaliya", ayuu yiri.

Ansixinta xeerka

Haddaba, su'aasha waxay tahay in xeerkaas ay isku raaceen siyaasiyiinta ka soo jeeda Soomaaliya iyo Somaliland iyo in kale?

Xeerkii qeexayay midnimada Soomaaliya iyo Somaliland waxaa ansixiyay baarlamaankii labada dhinac, sida uu sheegay Ibraahim Iidle Sulaymaan.

"Xeerka baarlamaanka ayaa loo soo gudbiyay sannadkii 1961, baarlamaanka ayaana ansixiyay, dadkuna markii hore waxay isku raaceen xildhibannaadii baarlamaankii Somaliland iyo xildhibaanadii baarlamaanka Soomaaliya waxay midnimada ansixiyeen 1-dii Luulyo 1960-kii. Iyaga oo mideysan, inta madaxweynuhu yiri xornimadii weynu qaadannay weynu midownay waxaanu ku midownay magaca Jamhuuriyadda Soomaaliya markaas inta ay istaageen iyagoo dhameystiran ay u sacbiyeen oo marka labada qolo wey ansixiyeen".

Askari calanka salaamaya

XIGASHADA SAWIRKA,VILLA SOMALIA

Maxaa ku qornaa xeerka midnimada?

Xeerkii gogol dhiggga u ahaa israacii labadii gobol, waxaa ku qornaa qodobo dhowr ah oo lagu xaqiijiyay midinimada.

Ibraahim Iidle Sulaymaan ayaa ka dhawaajiyay in xeerkaas uu ka koobnaa illaa 10 qodob oo sharraxaad ka bixinayay dhaqan gelinta israaca Koonfurta iyo Waqooyiga markii ay xoriyadda qaateen.

"10 qodob ayuu ka koobnaa, '1. in dowladda, Jamhuuriyadda Soomaaliya la dhiso oo ay ka kooban tahay labadaa dhinac iyo ha'yadahii kala duwanaa haddey noqoto dastuuradii, shuruucdii kale ee ka howlgalayay, baarlamaankii, ha'yadahii fullinta, ha'yadihii garsoorka, sidii la isugu mideyn lahaa," ayuu yiri Abuukaate Ibraahim Iidle.

Somaliland

XIGASHADA SAWIRKA,SOMALILAND

Qoraalka sawirka,

Somaliland waxaa dhawaan lagu qabtay munaasabado lagu maamusayo xuska 26-ka Juun markii gobolladii waqooyiga ay xoriyadda ka qaateen guumeystihii Ingiriiska

Waxyaabaha caqabadda ku ahaa dhaqan gelinta xeerkaas waxaa ka mid ahaa in labada gobol ay kala hesyteen nidhaamyadii Ingiriiska iyo Talyaaniga oo si weyn u kala duwanaa.

"Wuxuu tilmaamay xeerku in dhammaan ha'yadahaas ay dhaqan gal sii noqonayaan kuwii Somaliland ay sidoodii dhaqan gal u sii noqonayaan, kuwii Soomaaliya ay sidoodii dhaqan gal u sii noqonayaan illaa inta laga mideynayo. Sababatu maxay tahay? waxay tahay, waxay ka kala yimaadeen labo nidaam oo kala duwan, midna ah nidhaamkii Talyaaniga iyo nidaamkii Ingiriiska oo labo falsafadood iyo labo aragtiyood oo kala duwan oo hannaan dowladeed ah bey ku kala dhisnaayeen".

"Marka inta la mideynayo waxaa la yiri 'qolo weliba sideedi ha u sii shaqeyso xitaa ciidammada laftigooda waxaa mideynayay qodobka lixaad', wuxuu qodobka shanaad mideynaya muwaadinimada... waxaa uu xeerka waajibiyay muwaadinimada Jamhuuriyadda Soomaaliya".

Carruur magaalada Hargeysa ku soo dhaweynsay wafti ka socday gumeystihii Ingiriiska 1950-maadkii

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Carruur magaalada Hargeysa ku soo dhaweynsay wafti ka socday gumeystihii Ingiriiska 1950-maadkii

Xeerkan ma qeexaya kala go'?

Xeerka lagu dhisay midnimada Soomaaliya iyo Somaliland wuxuu dhigayay in midnimadu ay tahay arrin lama taabtaan ah, sida uu sheegay Abuukaate Suleymaan.

"Xeerkaa aasaaska u ah wuxuu tilmaamaya, 'midnimada soomaalidu in ay tahay lama taabtaan iyo weligeed iyo allaheed jiraysa'; saas ayuu qodobka ugu qoran yahay oo weligeed sii soconeysa marka kuma yaallo ama majiro si dadban ama si toos ah ha noqotee, qodob tilmaamaya in Jamhuuriyaddii Soomaaliya ay kala noqon karto oo sidii ay aheyd Soomaaliya iyo Somaliland ay u kala noqon karto iyo wax la xiriiro toona kuma arag kumana yaallo", ayuu u sheegay BBc New Somali.

XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip